28.1 C
Mogadishu
Friday, May 8, 2026

Kheyre oo digniin u diray dowladda Xasan Sheekh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa digniin kasoo saaray qorshaha qorshaha muddo kororsiga ee ay waddo dowladda federaalka, kaasi oo la horgeeyay Baarlamaanka Soomaaliya.

Khayre ayaa sheegay in dalka iyo dadka Soomaaliyeed aysan xamili karin dhibka ka dhasha muddo kororsiga sharci darro, isaga oo ka digay in damacan siyaasiga ah uu dib u dhac weyn ku keeni doono dawlad dhiska dalka.

“Dalka iyo dadka Soomaaliyeed midna dan uguma jirto mana xamili karaan dhibka ka dhasha muddo kororsi sharci darro ah. Waxaa hubaal ah in dawlad dhiska dalka uu dib u dhac wayn ku imaan doono haddii aan laga fiirsan tallaabadan aan toosnayn,” ayuu yiri.

Xasan Cali Kheyre ayaa si adag uga horyimid xilligii xukunkii Farmaajo damicii madaxweynihii xilka u magacaabay, taasi oo markii dambe keentay inuu xilkiisa ku waayo.

Kheyre ayaa ayaa sidoo kale kamid ah madax hore iyo siyaasiyiin soo saaray qoraal ay uga horyimaadeen qorshaha muddo kororsiga Madaxweynaha iyo Baarlamaanka Federaalka.

Waxay sheegeen in muddo kordhinta sharci darrada ah ays i toos ah uga hor imaaneyso qodobka 60-aad ee Dastuurka, farqaddiisa (1-aad) oo qeexeysa in muddada xil-haynta Baarlamaanku yahay afar sano oo ka bilaabanta maalinka xilka loo dhaariyo.

Guddoonka labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhawaan soo magacaabay guddiyo kasoo talo bixin doona soo jeedin ka timid xildhibaanada qaar, taasi oo la xiriirta in hal sano oo dheeri ah lagu kordhiyo muddo xileedka Madaxweynaha iyo Baarlamaanka Federaalka.

Qorshahan ayaa durtadiiba la kulmay diidmo xoogan oo uga imaaneysa madax hore iyo siyaasiyiinta qaar, kuwaasi oo sharci darro ku tilamamay muddo kororsiga lagu karkarinayo gudaha BF.

Daawo: R/Wasaare Xamza oo maanta ilinta ceshan waayey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta ilinta cesha waayey, kadib markii uu ka qeyb galay munaasabad ka dhacday Muqdisho oo lagu xusay maalinta haweenka ee 8-da Maarso.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ku dheeraaday ka hadalka qiimaha hooyada Soomaaliyeed ayaa ooyey oo linta cesha waayey markii uu soo xusuustay geeridii hooyadii oo marxalado adag ku soo korisay, sida uu sheegay.

Xamsa Barre ayaa sheegay in markii uu dhashay uu dhintay Aabihiis, balse uusan tebin oo Hooyadiis ay u soo korisay si wanaagsan, isagoo yiri “Agoonka rasmiga ah waa qofkii hooyadiis waaya, anigaba ha ila ekaadee, waa agoon qofkii Hooyo la’aan noqda.”

“Waxaan ku jiraa dadka ay Hooyadu micnaha gaarka ah u leedahay, waxaan ahay yaraanka reerkeena, hal gabar oo hooyadey iyo aabahey dhaleen ayaa 10 sano iga weyn, anigu waxaan ahaa qofkii labaad, laakiin nasiib darro Aabe waa dhintay markaan dhashay, mana arkin weligey,” ayuu yiri R/Wasaare Xamse.

Wuxuu sheegay inuu ahaa Hooyo koris aad loogu soo dhibtooday, balse heer fiican lasoo gaarsiiyey, sida waxbarashada oo ilaa heer sare uu soo gaaray ay hooyadiis garab taagneed.

“Waan ka duwanahay wiil ama gabar ay hooyo iyo Aabe soo wada koriyeen, Hooyadey waxay dhimatay sanadkii hore 16-kii Febraayo, maalinkii ay hooyadey dhimatay,” intaas markii uu marsiinayo hadalkiisa ayuu ilinta ama oohinta cesha waayey r/wasaare Xamsa.

Wuxuu sheegay in maalintaas oo dareemay xanuun badan oo agoonimo uu dareemay, “Hooyo waxaa noo bedeshay walaashey iga weyn, reerka ayadaa isku wada, hooyadu aabaha lamid maaha, agoonka rasmiga ahna waa qofkii Hooyadiis waaya,” ayuu yiri.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa intaas ku sii daray in weligiis uusan Aabe tebin, balse hadda uu dareemayo inuu agoon yahay, markii uu waayey hooyadiis.

Hadalkaan ayuu R/Wasaaruhu ka sheegay munaasabad weyn oo lagu maamuusayey maalinta caalamiga ah ee 8-da Maarso, wuxuuna aad ugu amaanay haweenka Soomaaliyeed doorka ay ku leeyihiin dib u soo kabashada Soomaaliya.

Hoos ka daawo

 

Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo saxiixay saddex sharci oo cawaaqib leh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay seddax sharci oo ka soo gudbay heerarkii dhismaha sharciga, sida diyaarintoodii iyo ansixintii labada Aqal ee baarlamaanka.

“Mawaxweynaha oo xoogga saaraya hirgelinta hannaan dowladnimo oo ku dhisan sharci iyo xeerar nidaamiya hay’adaha iyo awoodda dowladda ayaa saxiixay Sharciga Cunaqabataynta Maaliyadeed ee Cayiman, Sharciga Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka iyo Sharciga Korontada Qaranka,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Madaxtooyada.

Munaasabadda saxiixa sharciyadaas oo ka dhacday Madaxtooyada Qaranka ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh uga mahadceliyey xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa labada gole ee baarlamaanka ku amaanay sida ay u turxaan bixiyeen shuruucdan, dadaalkana ugu bixiyeen in ay noqdaan kuwa ka tarjumaya baahiyaha iyo duruufaha ku xeeran dalkeenna.

“Dal casri ah oo qawaaniintu sareyso ayaan rabnaa, dalkani dowladiisa tilaab kasto oo ay qaadeyso hadey hormar tahay, hadey amni tahay oo siyaasad tahay dhamaan waxay ku saleysnaanayaan sharciyo,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa tilmaamay in wada-shaqeynta hay’adaha fulinta iyo sharci dejintu ay horseedday in la dhammeystiro sharciyo badan oo muhiim u ah dalka, kuwaas oo uu ka mid yahay Sharciga Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka oo noqonaya sharcigii ugu horreeyey ee hagaya Hay’adda, tan iyo markii la aas-aasay.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa xusay in dowladdu ay gacan kula dagaallameyso argagixisada Alshabaab, dalkana ka xoreynayso, halka gacanta kale lagu dhammeystirayo shuruucda iyo xeerarka hagaya dowladnimada Soomaaliyeed oo ku suntan sarreynta sharciga iyo qaanuunka.

Markii uu shuruucdaan saxiixayey Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa garbihiisa taagnaa guddiyadii soo diyaariyey iyo masuuliyiinta hey’adaha loo diyaariyey shuruucdaan, sida Agaasimaha NISA Mahad Salaad oo kor taagnaa madaxweynaha markii uu saxiixayey sharciga hey’adda.

Daawo: Somaliland oo soo bandhigtay sawirro beenin u ah arrin lagu eedeeyey

Laascaanood (Caasimada Online) – Ciidamada Somaliland ayaa beeniyay inay burburiyeen warshadii biyaha ee magaalada Laascaanood, iyaga oo waxba kama jiraan ku tilmaamay warar sheegayay in ciidanka ay gubeen warshadaasi.

Taliyaha Guutada 114-aad ee Ciidanka Somaliland Gaashaanle sare Maxamuud Cismaan dheri (Indha-yare) ayaa kasoo muuqday warbaahinta ku hadasha afka xukuumadda Somaliland xilli uu ku sugnaa warshada biyaha ee magaalada, oo aysan ka muuqan wax burbur ah.

“Waxa ku suganahay warshadii biyaha Laascaanood ee Goojacadde ku taallay, lama furfuran oo madaafiic kuma dhicin, rasaas lalama dhicin oo waa badqabtaa,” ayuu yiri Taliye Indha-yare.

Sarkaalkan ayaa sidoo kale waxa uu sheegay “in ciidamo gaar ah loo saaray warshadaan ilaalinteeda tan iyo markii uu billowday dagaalka,” oo burbur xoogan gaarsiiyay magaalada.

“Warshadda umadda oo dhan ayay ka dhaxeysa waa ilaalineynay oo waardiye ayaa ka aheyn intii dhibaatada ka dhacday Laascaanood. Ijiinadii waa badqabaan waxaa leenahay qolada leh rasaas ayaa lala dhacay ama waa la gubay inaysan waxba ka jirin, waxaa u sheegayna umadda in arrinkaas uu sal iyo raad toona laheyn.”

Muuqaalka ay baahisay warbaahinta xukuumadda Somaliland ayaa imanaya saacado un kadib markii si weyn loogu baahiyay baraha bulshada warar sheegayay in ciidankooda ku sugan aagga Goojacade ay dab qabad siiyeen warshadda oo ku taalla duleedka magaalada, islamarkaana ay ka afduubteen laba kamid ah shaqaalaheeda.

Somaliland ayaa dhalleeceyn xoogan kala kulantay dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaasi oo qaatay ku dhowaad muddo bil ah.

Labada dhinac ee isku haya xarunta gobolka Sool ayaa illaa hadda dhagaha ka fureystay baaqyada nabadda ah ee loo dirayo, si loo qaboojiyo xiisadda dagaal ee ka taagan halkaasi.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto arrinta magaalada Laascaanood oo faraha kasii baxday, kadib markii uu dhiig badan ku daatay maagaaladaasi.

Madaxda sare oo soo faro-gelisay khilaafkii Roobow iyo Saalax Shariif + Go’aan cusub

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maalmihii dambe si weyn usoo ifbaxayay khilaaf xoogan u dhaxeeya Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Mukhtaar Roobow Cali iyo ku-xigeenkiisa Saalax Shariif Sayid Cali.

Khilaafkan oo salka ku hayay guddiga tartanka adeega Xajka sanadka 1444/2023 oo uu magacaabay wasiir Roobow, ayaa waxa markii dambe laga gaaray xal kadib markii ay soo fara-geliyeen madaxda sare ee dalka.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Shariif Sayid Cali ayaa ka noqday warqad uu kaga horyimid guddiga uu magacaabay Wasiir Roobow, islamarkaana cudur daar ka bixiyay arrintaasi.

“Aniga oo tixgelinaayo Halku-dhigga Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ahaa Soomaali Heshiis ah Dunidana Heshiis la ah, fulinaya tallooyinka ra’iisul wasaaraha xukuumadda Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa waxaa go’aansadey in aan ka noqdoo warqadii aan qorey 6-dii bishaan kuna saabsaneyd guddiga tartanka adeega Xajka 2023,” ayuu yiri Saalax Shariif.

Warqadda kasoo baxday 6-dii bishaan Saalax Shariif ayaa waxaa ku sheegay in guddiga uu magacaabay wasiir Roobow uu yahay kuwa lagu soo xulay hanaan sharci darro ah, kuna dhisan eex, nin jecleysi iyo kooxeysi diimeed.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ayaa qoraalka cusub ee uu soo saaray ku sheegay in arrintaasi uu ka raali-gelinayo madaxda sare ee dalka, si gaar ahna ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

“Waxaanna Madaxda Qaranka ka raali galinayaa gaar ahaan Ra’iisul Wasaaraha wixii uu dhibsadey,” ayuu yiri Saalax Shariif oo cudur daar ka bixiyay tallaabadii uu markii hore uga horyimid Wasiir Roobow.

Guddiga Xajka ee markii hore dhaliyay khilaafka wasiirka iyo ku-xigeenkiisa ayaa waxaa xubnaha guddiga ku jira, islamarkaana xoghaye looga dhigay Ibraahin Rooboow Cali oo ay walaalo yihiin Wasiir Mukhtaar Rooboow Cali.

Israel expanding Abraham Accords to ‘include’ Somalia

TEL AVIV, Israel (Caasimada Online) – Israeli Foreign Minister Eli Cohen is spearheading a campaign to establish diplomatic ties with Mauritania, Somalia, Niger, and Indonesia following the successful Abraham Accords in 2020 between Israel, the United Arab Emirates, Bahrain, and Morocco.  

In an effort to broaden the circle of the Accords, Prime Minister Benjamin Netanyahu, US Secretary of State Antony Blinken, national security adviser Jake Sullivan, and special envoy Amos Hochstein have also joined forces to support Cohen’s diplomatic efforts. 

According to a report published by Israel Hayom, Cohen is currently engaged in discussions to normalize relations with Mauritania, Somalia, Niger, and Indonesia, with talks with Mauritania being the most advanced.  

This is not the first time the two countries have established diplomatic ties, as they first did so in 1999 following the Oslo Accords, which resulted in establishing an Israeli embassy in Nouakchott. However, Mauritania severed ties with Israel in 2008 after the Gaza war. 

Cohen is now requesting assistance from Germany by meeting with German counterpart Annalena Baerbock to facilitate normalization talks with Mauritania and Niger. 

‘Somalia shows a keen interest’ 

Meanwhile, according to Israel Hayom, Somalia has shown a keen interest in establishing diplomatic relations with Israel on several occasions, even though the two nations have never had diplomatic ties.  

The strategic location of Somalia at the entrance of the Red Sea, coupled with its proximity to the Arab Peninsula, has aroused Israel’s interest, particularly with the cooling of relations between Israel and Eritrea.  

Last July, the Somali President’s spokesperson announced that the government plans to consult parliament. 

Niger, on the other hand, has never maintained diplomatic relations with Israel. However, given France’s reduced involvement in Mali and Burkina Faso, the country could become a critical military base for Western forces fighting against jihadist groups.  

Furthermore, as a major global supplier of uranium, Israel is keen to forge a diplomatic relationship with Niger to counter Iran’s influence. 

Indonesia sets conditions  

As the world’s largest Muslim nation, Indonesia has also been identified as a potential partner for the Abraham Accords. However, Indonesian officials have repeatedly emphasized that Jakarta will only engage in talks with Israel once there is significant progress on the Palestinian issue.  

Despite this, Blinken raised the matter during his meeting with his Indonesian counterpart Retno Marsudi in 2021.  

An Israeli trade delegation visited Indonesia last July to explore potential investment opportunities and establish start-up ventures. 

Netanyahu has expressed his hope of establishing diplomatic ties with Saudi Arabia. However, Riyadh has maintained that it will only consider normalization talks with Israel after a deal has been reached with the Palestinians.  

African nations reluctances  

In contrast, the Netanyahu government has been able to establish diplomatic relationships with several African nations, including Chad and Sudan.  

In particular, Cohen became the first Israeli foreign minister to fly to Sudan last month, following Sudan’s signing of the Abraham Accords with the US in 2020. 

Israel’s national security adviser, Tzachi Hanegbi, and Strategic Affairs Minister Ron Dermer recently visited Washington for meetings to discuss joint efforts with their American counterparts in expanding the circle of the Abraham Accords.  

While discussions focused primarily on the Iranian threat and escalating tensions in the West Bank, the officials also explored the possibility of including additional countries in the Accords.

R/Wasaare Xamza oo shaqo joojin ku sameeyay guddiga maamulka hay’adda duulista

0

Muqdisho (Caasimada Online)  – Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa shaqo joojin ku sameeyay guddiga maamulka hay’adda duulista rayidka (HDRS), kadib markii lagu eedeyay wada-shaqeyn la’aanta howl-wadeenada guddiga maamulka iyo hay’adda duulista.

Wareegto kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha 5-tii bishaan oo ay aragtay Caasimada Online ayaa waxaa lagu faray Wasaaradda Gaaadiidka iyo Duulista inay sida ugu dhaqsiyaha badan usoo diyaariso una soo gudbiso golaha wasiirada soo jeedinta habraaca tartanka guddiga maamulka hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.

“Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Rayidka waxaa sidoo kale la farayaa in ay soo diyaariso una soo gudbiso golaha wasiirada wax ka-bedelka iyo kaabista sharci ee lagama maarmaanka u ah in lagu sameeyo sharciga hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed, si la jaan-qaadi karto heerka dhismaha hay’addaha Duulista Rayidka ee Caalamka.”

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa uu faray Hay’adda Duulista Rayidka iyo Wasaaradda Gaadiika iyo Duulista Hawada inay waafajiyaan sharciga hay’adda wixii xuquuq ah ee u bislaada kana maqan guddiga maamulka HDRS muddadii ay xilka hayeen.

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada oo fulineysa wareegtada ra’iisul wasaaraha ayaa waxay soo saartay go’aan ay ku fareyso Maareeyaha guud ee HDRS in uu meel-mariyo wareegtada shaqo joojinta.

Wasaaradda ayaa sidoo kale waxay ku wargelisay xubnaha guddiga in ay si deg deg u wareejiyaan dhamaan hantida dowladda ee ay adeegsanayeen guddiga shaqada laga joojiyay ee maamulka HDRS, taasi oo isugu jirta xafiisyo iyo agab kale ee shaqada.

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa waxay fartay wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada inuu diyaariyo habraaca loogu sameynayo dib u eegista sharciga hay’adda iyo habraaca soo xulista guddiga maamulka hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaaradad Gaadiidka iyo Gaadiidka Hawada ayaa ugu dambeyntiina fartay Mareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka (HDRS) inuu u fududeeyo guddiga shaqada laga joojiyay wixii xuquuq ah ee leeyihiin muddadii ay xilka hayeen, si waafaqsan sharciga hay’adda.

Guddiga Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ee shaqada laga joojiyay ayaa hore ugu eedeeyay wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada, Fardowsa Cismaan Cigaal in ay sameeysay ku tagri-fal awoodeed, islamarkaan ay u magacawday nin lagu magacaabo Zakariye Axmed Faarah, oo ay isku beel yihiin agaasimaha maamulka maaliyadda iyo adeegyada guud ee hay’adda.

Xubnahan ayaa sidoo kale waxay xilligaasi sheegeen inin maareeyaha hay’adda uu awoodiisa ku wareejiyay wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada, kadib markii loogu hanjabay in xilka laga qaadayo, taasi oo ay sheegeen in wasaaradda ay si xowli ah dano gaar ah uga leedahay hay’adda duulista oo ah hay’ad ka madax-banaan wasaaradda.

Hoos ka aqriso warqadaha kasoo kala baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada



MAHAD SALAAD oo codsi u diray AQALKA SARE kadib tallaabadii maanta ee BF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Hey’adda NISA Mahad Maxamed Salad ayaa si weyn usoo dhaweeyay ansixintii hindise-sharciyeedka la-dagaalanka Argagixisada, kaasi oo ay maanta meel-mariyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Mahad Salaad ayaa uga mahada-celiyay Guddoonka iyo Xildhibaanada Golaha Shacabka meel-marinta sharcigaan, oo muddo badan horyaalay Baarlamaanka, horena dhowr jeer dib loo celiyay dooddo ka dhashay awgeed.

“Sharcigan waxa uu laf-dhabar u yahay dagaalka aan kula jirno argagixisada, waxa uuna kusoo beegmay xilligii aan ugu baahida badnayn si aan u gudanno waajibaadka naga saaran ka hortagga Khawaarijta iyo ciribtirka fal-dambiyeedyada la xariira argagixisada,” ayaa ku yiri Agaasime Mahad Salaad qoraal kooban oo uu soo saaray.

Mahad ayaa waxa uu ka codsaday guddoonka iyo xildhibaanada Aqalka Sare ee BFS inay ansixiyaan sharcigan oo shaqadiisu soo socotay muddo dheer, si looga gudbo caqabadaha ay argagixisadu ku hayso dalka.

Kulankii maanta ee Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa lagu ansixiyay hindise-sharciyeedka la-dagaalanka Argagixsada, oo u muhiim u ah dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda dalka.

Ansixinta sharcigaan ayaa waxaa u codeeyay oo ogolaaday 133 Xildhibaan, waxaa diiday sharcigaan saddex Xildhibaan, halka ay ka aamustay toddoba Xildhibaan oo kale, sida uu shaaciyay guddoonka Golaha Shacabka.

Golaha Shacabka ayaa muddooyinkii dambe dardar ku waday sharciyada loo soo gudbiyay, kuwaasi oo inta badan ay soo meel-mariyaan Golaha Wasiirada xukuumadda uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Faah-faahin laga helayo QARAX xoogan oo ka dhacay magaalada Beledweyne

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Qarax xooggan ayaa goordhoweyd ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kaasi oo uu ka dhashay khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Faahfaahino hordhaca ah oo kasoo baxaya qaraxaan, ayaa waxay sheegayaan in qaraxa oo ahaa nooca loo yaqaano miinada uu si gaar ah uga dhacay maqaayad ku taalla xaafada Xaawo Taako ee magaalada Beledweyne.

Qaraxa ayaa waxaa si weyn looga maqlay xaafado kamid ah xarunta gobolka Hiiraan, ayada oo dadka deegaanka ay sheegeen in jugtiisa aad u cusleyd.

Wararka qaar ayaa sheegaya in maqaayada la weeraray ay ku sugnaayeen askar ka tirsan ciidamada Macaawisleyda ee qeybta ka ah dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, dadkii ku waxyeeloobay qaraxan ayaa loo qaaday goobaha caasimaad ee ku yaalla magaaladaasi, halkaasi oo lagu dabiibayo xaaladooda caafimaad.

Weli si rasmi ah looma oga tirada dadka wax ku noqday qaraxaan iyo guud ahaan khasaaraha ka dhashay.

Ciidamadda booliska magaalada ayaa durba tagay goobta uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo halkaasi ka bilaabay howl-galo la xiriira kooxihii ka dambeeyay weerarkan.

Dhawaan unbay aheyd markii ay kooxda Al-Shabaab weerar ku bilowday qarax ay ku qaaday guri ay magaalada Muqdisho kaga sugnaayeen qaar ka mid ah ciidanka deegaanka ee Macawiisleyda oo kusoo dhaawacmay dagaalka dowladda kula jirto Al-Shabaab ee gobolka Hiiraan.

Al-Shabaab ayaa xilligaasi weerarkaasi ku dhishay 10 nin, halka saddex kale ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya.

Ujeedka shir xasaasi ah oo Kismaayo uga furmay DF iyo maamullada + Sawirro

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland waxaa maanta si rasmi ah uga furmay shir u dhaxeeya dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada.

Shirkan oo u furmay taliyayaasha Booliska dowlad-goboleedyada dalka iyo taliska guud ee Booliska federaalka Soomaaliya ayaa waxa si wada-jira u furay madaxweyne ku-xigeenka dowlad-goboleedka Jubbaland, Wasaaru-dowlaha wasaaradda amniga iyo taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Shirkaas oo socon doona muddo 3 maalmood ah ayaa looga hadli doonaa heerarka kala duwan ee booliska dowlad-goboleedyada iyo kan federaalka ay ka wada shaqeeyaan, sida lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay furitaanka shirkaan.

Inta uu socdo shirkaan ayaa sidoo kale waxaa diirada lagu saari doona hormarinta tababarada ciidanka iyo sidii loo mideyn lahaa aqoonta booliska heerarkiisa kala duwan ee heer federaalka iyo heer dowlad goboleed.

Shirkan ayaa kusoo aaday xilli xasaasi ah oo dalka ay ka socdaan howl-galo ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, islamarkaana laga xoreeyay deegaano horleh oo sanado badan gacantooda ku jiray.

Booliska ayaa qeyb ka ah qorshaha xasillinta deegaanada ay qabteen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee wada gulufka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Dhawaan unbay aheyd markii uu madaxweyne Xasan Sheekh safar ku tegay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee dowlad-goboleedka Jubbaland, si loo dardar-geliyo howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab, ayada oo horay madaxweynaha u booqday deegaanada la xoreeyay ee HirShabelle iyo Galmudug.

Kheyre, Shariif, Gaas, iyo madax hore oo ka hortimid qorshe ay damacsan tahay DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Bayaan ay si wadajir ah usoo saareen madaxdii hore ee dalka iyo siyaasiyiin caan ah ayaa waxaa looga soo horjeestay qorshaha muddo kororsiga ee ay waddo dowladda federaalka, kaas oo la horgeeyay Baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxda bayaanka soo saartay ayaa kala ah madaxweynihii hore ee dowladda KMG aheyd, Shariif Sheekh Axmed, ra’iisul wasaarayaashii hore Xasan Cali Khayre, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Cumar Cabdirashiid Cali iyo siyaasiga caanka ah Cabduqaadir Cosoble Cali.

Siyaasiyiintan ayaa ka digay muddo kordhinta halka sano ah ee loo sameynayo hay’adaha dowladda, taas oo ay haatan wadaan guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka dalka.

Sidoo kale waxa ay sharci ku tilmaameen qaadista tallaabadan oo ay xuseen inay ka hor imaaneyso Dastuurka KMG ah ee u yaalla dalka.

“Muddo kordhintan sharci darrada ah waxay si toos ah uga hor imaaneysaa qodobka 60aad ee Dastuurka, farqaddiisa (1aad) oo qeexeysa in muddada xilhaynta Baarlamaanku yahay afar sano oo ka bilaabanta maalinka xilka loo dhaariyo” ayaa lagu yiri bayaanka madaxda.

Waxa kale oo lagu yiri “Sidoo kale waxay ka hor imaaneysaa qodobka 91aad oo si cad u qeexaya in muddada xilhaynta Madaxweynuhu tahay afar sano oo ka bilaabanta maalinka xilka loo dhaariyo”.

Sidoo kale madaxdii hore ee dalka ayaa bayaankan ku sheegay in aysan jirin baahi taagan oo loo qabo in wax ka bedel lagu sameeyo Dastuurka oo ujeedadiisa tahay muddo kordhin.

“Baahi hadda taagan oo loo qabo ma jirto in wax ka beddal Dastuur oo ujeedadiisu tahay muddo kororsi la sameeyo, maadaama guddiga dib u eegista Dastuurku ay ku guda jiraan sidii ay u qabyo tiri lahaayeen Dastuurka qabyada ahm” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Ugu dambeyn waxa ay farriin u direen madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyaga oo ka codsaday inuu wax ka qabto arrintaan oo ay tilmaameen inay horseedi karto dib u dhac.

Puntland oo maanta xukun toogasho ku fulisay 19 qof

0

Garoowe (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Puntland ayaa maanta dil toogasho ah ku fulisay dad gaaraya illaa 19 qof oo ay horay ugu ridday xukunno dil ah.

Ragga la toogtay ayaa waxaa ku jiray shabakado isku xirnaa oo ka kala tirsanaa kooxaha  Al-Shabaab iyo Daaacish, sida ay shaaciyeen saraakiisha maxkamadda.

Toogashada oo dhacday abaare sideedii subaxnimo ayaa ka dhacday magaalooyinka Gaalkacyo, Boosaaso iyo Garoowe ee maamul goboleedka Puntland.

Ragga la toogtay 13 kamid ah waxa ay ahaayeen xubno ka kala tirsanaa Al-Shabaab iyo Daacish, kuwaas oo ay Puntland ku eedeysay inay geysteen dilal iyo qaraxyo.

Sidoo kale lix kamid ragga saaka xukunka toogashada ah lagu filiyay waxa ay ahaayeen askar ka tirsanaa ciidamada Puntland oo iyaguna horay dilal uga geystay magaalooyinka maamulkaasi, kuwaas oo lagu ridday xukuno dil ah oo ugu dambeyn maanta lagu fuliyay.

Fulinta xukunkan toogashada ah ayaa waxaa si aad ah u baahiyay warbaahinta, ayada oo laga hadal hayo baraha bulshada, maadaama ay hal mar toogashada lagu fuliyay 19 nin.

Dadka qaar ayaa tallaabadan ku boggaadiyay Puntland, halka kuwa kalena ay aragti ahaan kasoo horjeesteen, maadaama ragga la dilay ay u badnaayeen dhalinyaro.

Ma’aha markii ugu horreysay oo toogasho noocaan ah ay fuliso Puntland, waxayna 27 June ee sanadkii 2021-kii sidaan oo kale tiirka u geysay 21 ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Puntland ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay xoojisay dagaalka ay kula jirto kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish oo fadhigooda uu yahay dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari.

DF oo shaacisay magacyada saraakiisha Al-Shabaab laga dilay iyo kuwa isa soo dhiibay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay waxqabadka dowladda federaalka ee todobaadkii lasoo dhaafay, ayada oo lagu soo hadal qaaday howlgallad ka socda gobollada waddanka.

Wasaaradda warfaafinta ayaa shaacisay magacyada saraakiisha kooxda Al-Shabaab looga dilay howlgalladii ugu dambeeyay iyo kuwa isku soo dhiibay ciidamada Xoogga dalka.

Dowladda federaalka ayaa sidoo kale qoraalkan ku sheegtay in howlgalladii todobaadkan dhacay xubno badan looga dilay Al-Shabaab, kuwaas oo uu jiro sarkaal sare oo lagu magacaabi jiray Aruuriyow Maxamed Cumar, kaas oo ka tirsanaa horjoogayaasha

“Howlgallo ka dhan ah Khawaarijta ayaa toddobaadkan ka dhacay qeybo badan oo dalka ka mid ah. Khawaarijta waxaa hawlgaladaasi looga dilay xubno badan oo ay ku jiraan horjoogeyaal , sida Aruriyow Mohamed Omar iyo kuwo kale,” ayuu yiri bayaanka.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada huwanta ay isku soo dhiibeen xubno ka tirsan Shabaab uu ka mid yahay Xasan Warsame Cabdiraxmaan (Jabal).

“Waxaa sidoo kale isa soo dhiibay dhowr Khawaarij iyo horjoogeyaashooda oo uu ka mid yahay Xasan Warsame Cabdiraxmaan (Jabal),” ayaa markale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Howlgallada ayaa sii socon doono, ayada oo ujeedka uu yahay in Al-Shabaab laga xoreeyo deegaanada ay maamulkaan, sida ay shaacisay dowladda federaalka Soomaaliya.

Dhinaca kale wasaaradda warfaafinta qoraalkeeda marnaba kuma xusin weerarkii ay shalay Al-Shabaab ku galeen xerada Janaay Cabdalle, kaas oo ku billowday is-miidaamin, isla-markaana uu khasaare xoogleh kasoo gaaray ciidamada Danab iyo kuwa Jubbaland.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad dagaal, waxaana qayb ka ah dadka deegaanka, kaas oo jab iyo khasaaraba lagu gaarsiiyay Al-Shabaab oo dhul ballaaran laga qabsaday.

BF oo ansixiyay sharciga la-dagaallanka argagixisada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulankii maanta ee Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxa lagu ansixiyay hindise-sharciyeedka la-dagaalanka Argagixsada, kaasi oo u muhiim u ah dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda dalka.

Ansixinta sharcigaan ayaa waxaa u codeeyay oo ogolaaday 133 Xildhibaan, waxaa diiday sharcigaan saddex Xildhibaan, halka ay ka aamustay toddoba Xildhibaan oo kale, sida uu shaaciyay guddoonka Golaha Shacabka.

Ajendaha kulanka maanta ee Golaha ayaa sidoo kale waxa kamid ahaa akhrinta 3-aad iyo u codeynta hindise-sharciyeedka maareynta deegaanka, kaasi oo ay ogolaatay oo ay u codeeyen 143 Xildhibaan, wax diiday iyo wax ka aamusay midna ma jirin sharcigaan.

Sidoo kale Xildhibaanada Golaha Shacabka ee BFS ayaa ansixiyay hindise-sharciyeedka dhowrista xogta, waxaana ogolaatay 143 Xildhibaan oo ka dhigan dhamaan mudanayaashii maanta soo xaadiray kulanka.

Saddexda hindise-sharciyeed ee maanta la ansixiyay ayaa waxa uu Golaha Shacabka dhamaantooda soo marsiiyay oo lagu ansixiyay akhrinta 3-aad.

Xildhibaanada ayaa sidoo kale kulankii maanta kaga dooday warbixinta akhrinta labaad ee hindise sharciyeedka hormarinta iyo maareynta kalluumeysiga Soomaaliyeed.

Golaha Shacabka ayaa muddooyinkii dambe dardar ku waday sharciyada loo soo gudbiyay, inkasta oo guddoonka inta badan lagu eedeeyo in uu hab baalmarsan sharciga u maro socod-siinta sharciyada qaarkood.

Ciidamada SOMALILAND oo lagu eedeyay dilal kale oo ka dhacay LAASCAANOOD

Laascaanood (Caasimada Online) – Xaaladdda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa weli ah mid cakiran, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo magaaladaasi ka wada ciidamada milatariga Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka

Wararka ayaa sheegaya in xalay Laascaanood ay ka dhaceen shaqaaqooyin sababay dhimasho oo soo gaartay dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

Ciidamada Somaliland ayaa lagu eedeeyay in ay laba qof oo shacab ahaa ay xalay ku dileen Laascaanood, kadib rasaas ay ku fureen goob ay ku sugnaayeen dad shacab ah.

Labada qof ee la dilay ayaa ka tirsanaa shaqaalaha Wakaaladda Biyaha ee magaalada Laascaanood, sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay Somaliland oo ku aadan dilalka lagu eedeeyay ee xalay ka dhacay gudaha magaalada Laascaanood.

Xaaladda ayaa haatan ah mid cakiran, waxaana sidoo kale cabsi laga muujinayaa in markale uu dagaal dib uga qarxo magaaladaasi.

Somaliland ayaa dhaleeceen xoogan kala kulantay dagaalka ka socda xarunta gobolka Sool, kaas oo qaatay ku dhowaad muddo bil ah.

Labada dhinac ayaa dhagaha ka fureystay baaqyada nabadda ah ee loo dirayo, si loo qaboojiyo xiisadda dagaal ee ka taagan halkaasi.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto arrinta magaalada Laascaanood oo faraha kasii baxday, kadib markii uu dhiig badan ku daatay maagaaladaasi oo dhacda waqooyiga Soomaaliya.

Xasan Sheekh oo ka hadlay mowqifka DF ee qadiyadda FALASTIIN kadib markii la…

0

Doha (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaciyay in Soomaaliya ay si hagar la’aan ah u garab taagan tahay qaddiyada reer Falastiin.

Xasan Sheekh oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta Al-Jazeera ayaa waxa uu markale ku celiyay in mowqifka Soomaaliya ee Falastiin uusan waxba iska bedelin, isaga oo ugu baaqay Israel inay bedesho istiraatijiyaddeeda dhulka Falastiiniyiinta.

“Mowqifkeena markasta waa caddaa, qaddiyada Falastiin kama tanaasuleyno sabab kasta oo imaata. Xaaladda hadda jirta waa mid aan la aqbali karin,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Hadalka madaxweynaha Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xilli ay warbaahinta qaarkooda warineysay in Israel ay ka shaqeynayso sidii uu caadi u noqon lahaa xiriirka kala dhaxeeya dalal ay ku jirto Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa jirtay hadal hayn badan oo ka dhalatay sanadkii hore safar uu madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdi uu hoggaaminayo ku tageen dalka Imaaraadka, kaasi oo la xiriiray in Madaxdii Soomaaliyeed ee u safartay dalkaasi ay safar qarsoodi ah uga sii gudbeen Israel.

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya ayaa xilligaasi beeniyay hadal haynta ka dhalatay arrintaasi, isaga oo sheegay in uusan jirin safar qarsoodi ah oo madaxda Soomaaliyeed ay ku tageen Israel, oo ay Soomaaliya la laheyn xiriir.

Si kastaba, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxa uu haatan meesha ka saaray shakiga arrintaas laga qabay, isaga oo cadeeyay in qaddiyada reer Falastiin aysan waxba ku badalaneyn, mowqifkoodana uu sidii hore yahay.

Laba nin oo Soomaali ah oo loo xukumay dambiga afduub ee weriye Mareykan ah

0

New York (Caasimada Online) – Laba nin oo Soomaali ah ayaa loo heystaa dembi ah inay gacan ku lahaayeen afduub Soomaaliya loogu geystay weriye u dhashay dalka Mareykanka, kaas oo burcad badeed Soomaali ah ay lacag madax furasho ah ka qaateen.

Dacwad oogayaal Mareykan ah ayaa sheegay in labada nin ee Soomaalida ah lagu helay danbi ah inay gacan siiyeen kooxo burcad badeed Soomaali ah oo madax furasho ka qaatay Weriye Mareykan ah oo u afduubnaa muddo laba sano iyo bar ah.

Mid ka mid ah labada nin ee Soomaalida ah ayaa haysta dhalashada Mareykanka, sida lagu shaaciyey warbixin ay ka qortay wakaaladda wararka ee Associated Press.

Maxamed Tahliil Maxamed iyo Cabdi Yuusuf Xasan ayaa lagu kala magacaabaa labada nin ee Soomaalida ah ee dembigaan loo heysto, waxayna xeer-beegtida heer federaal ee dowladda Mareykanka bartamihii bishii Febraayo soo bandhigtay cadeymo muujinaya in labada nin ay Weriya shir-qooleen.

Weriyahaas oo lagu magacaabo Maykal ayaa dhalasho ka heysta Mareykanka iyo Jarmalka, waxaana lagu afduubtay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, xilli uu howlo shaqo u yimid Soomaaliya sanadkii 2012-kii.

Inkastoo weriyahaas uu ka shaqeynayey warbaahin laga leeyahay dalka Jarmalka, hadana wuxuu waday cilmi baaris ku saabsan arrimaha burcad badeeda Soomaalida, sidaas ayuuna ku yimid magaalada Gaalkacyo oo laga afduubtay.

Xiligaas afduubayaasha ayaa dalbaday 20 milyan oo dollar, waxayna baahiyeen muuqaalka weriyaha ee hub culus lagu handadayo.

Sanadkii 2014-kii ayaa weriyaha lagu sii daayey lacag madax furasho ah oo qoyskiisa ay bixiyeen, taas oo gaareysay 1.6 milyan oo dollar, wuxuuna dib ula midoobey reerkiisa.

Maxamed Tahliil oo ah mid ka mid ah ragga loo heysto kiiskaas ayaa la sheegay in xiligaas uu ahaa sarkaal ka tirsan ciidamada Soomaaliya, balse uu shaqadiisii uga tegay inuu hoggaamiyo kooxdii burcadda aheyd ee heysatay weriyaha.

Cabdi Yuusuf oo ah ninka kale ee kiiskaan loo heysto ayaa la sheegay inuu masuul dhinaca amniga ah ka ahaa Mudug oo ninkaas Weriyaha ah lagu heystay, ayaa qeyb ka noqday dadaallada madax furashada looga raadinayo reerka Weriyaha.

Cabdi Yuusuf Xasan oo ku dhashay Muqdisho ayaa qaatay dhalashada dalka Mareykanka, waxaana sanadkii 2019-kii lagu xiray magaalada Minneapolis, waxaana lagu soo oogay dembiyo federaali ah.

Inkastoo aan si buuxda loo faahfaahin xogta Maxamed Tahliil, hadana waxaa la sheegay in lagu xoray magaalada New York sanadkii 2018-kii, waxaana la sheegay in weriyuhu uu Maxamed u aqoonsaday ninkii hoggaaminayey kooxdii madax furashada ka qaadatay.

Weriyaha oo book ka qoray dhacdooyinkii afduubkiisa ayaa sheegay in mar uu Facebook kala soo xariiray Maxamed Tahliil oo madax u ahaa kooxdii afduubatay, isla markaana uu u sheegay in raggii madax furashada ka qaatay uu midba mid kale dilay, kadib markii ay ku heshii waayeen lacagtii ay madax furashada uga qaateen.

Maxamed Tahliil iyo Cabdi Yuusuf ayaa lagu wadaa in xukun lagu rido 6-da bisha September ee sanadkaan, waxaana loo badinayaa in xukunkaas uu noqa karo cabsi daa’in.

Mucaaradka dalka Turkey oo ku heshiiyey musharaxa ka hortagaya ERDOGAN

Ankara (Caasimada Online) – Mucaaradka Turkey ayaa soo afjaray bilo dood kulul ah Isniintii, waxayna isku raaceen inay madaxa xisbiga calmaaniga ee ugu weyn u magacaabaan musharaxa ka hortagaya madaxweyne Erdogan, doorashada dhaceysa 14-ka May.

Heshiis la gaaray xilli dambe oo looga dan leeyahay in laga weecdo kala jab ku yimaada codka mucaaradka ayaa ka dhigan in madaxa xisbiga CHP, Kemal Kilicdaroglu uu labada duq ee magaalooyinka Istanbul iyo Ankara u magacaabo madaxweyne ku-xigeeno haddii ay soo afjaraan 20 sano oo xukunka Erdogan ah.

“Waa na laga adkaan lahaa haddii aan kala jabi laheyn,” ayuu Kilicdaroglu u sheegay dadweyne badan oo isugu soo baay inay taageeraan saacado markii heshiiska lagu dhowaaqay.

Erdogan ayaa wajahaya dagaal siyaasadeedkii ugu adkaa noloshiisa, ayada oo ay dhaceyso doorasho ay qaar badan u arkaan middi ugu cawaaqibka weyneyd ee taariikhda aas-aaska Jamhuuriyadda Turkey 100 sano kahor.

Hoggaamiyaha 68 jirka ah ayaa u baahnaan doono inuu ka adkaado caqabado badan, oo ay ka mid yihiin xasarad dhaqaale iyo dhul-gariir gaystay burbur xooggan.

Codadka ra’yiga ayaa muujinaya tartan aad la isugu dhow yahay, oo ay adag tahay in la saadaaliyo cidda ku guuleysaneysa.

Hase yeeshee, xaaladda Erdogan ayaa u muuqatay inay fududaatay markii mid ka mid ah hoggaamiyayaasha mucaaradka ka kooban lixda xisbi ay Jimcihii ka baxday wada-hadallada isbaheysiga.

Meral Aksener ayaa ku dooday in Kilicdaroglu — oo ah 74 jir afgaaban oo kasoo jeedo bulshada la liido ee Alevi — uusan haysan taageero shacbiyad oo uu kaga adkaado Erdogan.

Waxay ku adkeysatay in mid ka mid ah labada duq ee magaalo ee caanka ah ee Istanbul iyo Ankara, oo ka tirsan xisbiga CHP loo doorto inay ka hortagaan Erdogan.

Labada duq ayaa Isniintii la kulmay Aksener si ay xisbigeeda Iyi Party ee ugu soo celiyaan xeendabka mucaaradka.

“Dalkeena uma dulqaadan karo kala jab,” waxaa sidaas weriyayaasha u sheegay duqa magaalada Ankara, Mansur Yavas kadib kulanka.

Mucaaradka ayaa markii ugu dambeysay u midoobay Erdogan doorashooyinkii dowladaha hoose ee 2019, si ay uga adkaadaan xulufada Erdogan.

Awooddii ay ku qabsadeen maamulka labada magaalo ee ugu weyn Turkey ayaa meesha ka saartay dareenkii ahaa in Erdogan aan laga adkaan karin, waxayna dhabbaha u xaartay suurta-galnimada inuu xukunka dib ugu soo laabto xisbiga aas-aasihii Turkey Mustafa Kemal Ataturk.

Hase yeeshee Kilicdaroglu ayaa doonayey in Yavas iyo duqa magaalada Istanbul Ekrem Imamoglu ay sii hayaan xilalkooda si looga fogaado halista ah in maamulka labada magaalo uu dib gacanta ugu galo xisbiga Islaamiga ah ee Erdogan.

AFP, VOA

DF oo go’aan ka soo saartay muwaadiniin ku xiran dibedda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa guddoomiyey shirka guddi hoosaadka Golaha Wasiiradda ee tiirka Soomaali Dunida Heshiis La ah, la qabtay saacadihii lasoo dhaafay.

Shirkaas ayaa looga hadlay ansixinta siyaasadda qaran ee qurbo joogta Soomaaliyeed oo ay soo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Xiriirka Caalamiga ah.

Shirka ayaa sidoo kale looga dooday hannaankii loo soo celin lahaa dadka Soomaaliyeed ee ku go’doonsan meelo badan oo adduunka ka mid ah.

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo dhalinyaro u badan ayaa ku jira xabsiyo kala duwan oo caalamka ah, kuwaas oo baahi wayn u qaba in loo fududeeyo sidii ay dalkooda hooyo ugu soo laaban lahayeen, iyagoo nabad qaba.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka ayaa tilmaamay in xukuumadda dan-qaran ay ka go,an tahay sidii muwaadiniinteeda ku xiran jeelasha kala duwan ee adduunka ay si nabad ah ugu soo celin lahayd dalkooda hooyo.

Saalax Axmed Jaamac ayaa cadeeyey in dowladdu muhiimad gaar ah siinayso qurba -jooga Soomaaliyeed ee ku nool wadamada caalamka oo kaalin wayn ugu jira dowladnimada Soomaaliya.

Inta badan dalalka caalamka, haba ugu badnaatee Afrika waxaa ku xiran muwaadiniin Soomaaliyeed oo dhalinyaro u badan, kuwaas oo garabkii ay u baahnaayeen aan ka helin dowladda Soomaaliya oo aad ugu mashquulsan arrimaha gudaha.

Markii uu bilowga ahaa muddo xileedkii Farmaajo iyo Xasan Cali Khayre ayaa lagu xusuustaa in dowladda Soomaaliya ay xabsiyada dibadda ka soo saartay boqolaal maxbuus oo Soomaali ah, balse waayahaan dambe dowladda Soomaaliya muhiimad gaar ah ma siiso inay u dooda muwaadiniinteeda lagu heysto dunida dacaladeeda.

Sawirro: R/W XAMZA oo 5 arrin deg deg ah hordhigay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilsay Danjiraha dowladda Denmark u fadhiya Soomaaliya, Steen Sonne Andersen.

Ra’iiusl Wasaare Xamza iyo Danjire Andersen ayaa waxay ka wada-hadleen xoojinta xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Denmerk, sida lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Mudane Xamza ayaa sidoo kale waxa uu Andersen kala hadlay sidii loo ballaarin lahaa taageerada ay Denmark siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyad Horumarinta, Dib-u-heshiisiinta, Xasillinta, Dowlad-wanaagga iyo Dhaqan-celinta dadka ka soo laabta afkaarta xagjirnimada ah.

Shantan arrimood ayaa muhiimad gaar ah u leh dowladda, xilli ay dagaal culus kula jirto kooxda Al-Shabaab, kaasi oo tan iyo markii uu billowday lagu xoreeyay deegaano horleh oo sanado badan ay gacanta ku haysay kooxda.

Danjire Steen Sonne Andersen ayaa ra’iisul wasaaraha la wadaagay sida ay uga go’an tahay dowladdiisu xoojinta taageerada Soomaaliya, si loo xaqiijiyo nabadda iyo horumar waara.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa dhankiisa uga mahad-celiyey dowladda Denmark taageerada ay la garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Danjiraha Andersen ayaa ugu dambeyntiina waxa uu ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre uga mahad-celiyay soo dhaweynta uu ugu sameeyay xafiiskiisa, isaga oo ku amaanay dadaallada ay waddo xukuumaddiisa.