28.1 C
Mogadishu
Friday, May 8, 2026

DF iyo maamullada oo soo saaray go’aanno aysan qeyb ka aheyn Puntland

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Shirkii maalmihii ugu dambeeyay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland uga socda dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada ayaa lasoo gaba-gabeeyay.

Shirkan oo u dhaxeeyay taliyayaasha Booliska dowlad-goboleedyada dalka iyo taliska guud ee Booliska federaalka Soomaaliya ayaa waxa lagu go’aamiyay in arrimaha Booliska xiriirka dibadda ee INTERPOL in uu noqdo mid gaar u ah Booliska Heer Federaal.

“7-9 March 2023 waxaa magaalada Kismaayo ee dowlad-goboleedka Jubbaland lagu soo xiray shirka Madasha Wasaaraddaha Amniga Gudaha iyo Taliyaasha Booliska ee Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah oo Saddexdii Bilood hal-mar la qabto ayaa waxaa la iskugu raacay in mashruuca wadajirka Booliska ee JPP wajiga 2-aad loo magacaabo guddi farsamo oo labada heer ee DF iyo dowlad-goboleedyad.”

Shirkan ayaa waxaa kasoo qeyb-galin dowlad-goboleedka Puntland oo ayadu hore ugu dhawaaqday inay u dhaqmi doonto sidii dowlad madax-banaan oo kale.

Go’aamada kasoo baxay madashan ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay inay isku raaceen in gunooyinka ka imaanayay mashruuca wadajirka Joint Police Program (JPPG) ee la siinayay ciidanka Booliska dowladdaha xubnaha ka ah DF la sii joogteeyo bixinteeda.

“Madashu waxay isku raaceen in arrimaha khuseeya dhaqan-celinta xubnaha isa-soo dhiibay ee horay uga tirsanaa Al-Shabaab in lasii wado hawsha socota iyo dhaqaalo u raadinta xarumaha kale ee dowladdaha xubnaha ka ah DF, islamarkaana caruurta la ciidameeyo lala kaashado hay’addaha UNICEF ee QM.”

Madasha Wadatashiga Wasaaraddaha Amniga Gudaha iyo Ciidanka Booliska heer federaal iyo dowlad-goboleedyada ayaa sidoo kale isla qaatay in Booliska dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka ay yeeshaan unnuga baarista dembiyada.

Hoos ka aqriso war-murtiyeedka oo dhameystiran:

Koox gacan saar la leh Daacish oo 36 qof ku dilay…

Kinshasa (Caasimada Online) – Milateriga dalka Congo ayaa sheegay in ugu yaraan 36 qof ay dileen kooxaha xagjirka ah ee dalkaas ka dagaalama, kadib weerar ay ka geysteen dhinaca bari ee jamhuuriyadda dimoqraadiga ah ee Congo.

Afhayeen u hadlay ciidamada Congo ayaa sheegay in kooxda lagu magcaabo Xoogagga Isbahaysiga ee Dimoqraadiga ah oo gacan saar laleh kooxda ISIS inay ka dambeeyeen weerarka lagu dilay dadka rayidka ah.

Afhayeenka ayaa sheegay in weerarkani ka dhacay Bashu, halkaas oo kooxda weerarka soo qaaday ay dileen 36 rayid ah, halka ay gubeen qaar ka mida guryihii halkaas ku yaallay.

Xaaladda dhinaca bari ee Congo ayaa beryahanba ahayd mid cakiran, waxaana halkaas ka dagaalama illaa 120 kooxood oo ku loollamaya awoodda deegaankaas, khayraadka halkaas ku jira iyo weliba qaarkood oo u dagaalamaya inay ilaaliyaan bulshooyinkooda.

Qaramada Midoobay iyo kooxaha u dhaq-dhaqaaqa xuquuqda aadanaha ayaa ciidamadan mucaaradka ah ee la magac baxay Isbahaysiga Xoogagga Dimoqraadiga ah ku eedeeyey inay ku kaceen falal ka dhan ah xuquuqda aadanaha sida Kufsi, afduub iyo dilal.

Maraykanka ayaa bishan bilawgeedii ku dhawaaqay inuu abaal marin $5 milyan ah siinayo ciddii macluumaad ka keenta hoggaamiyaha kooxdan Seka Musa Baluku.

DF oo shirkadaha isgaarsiinta dul dhigtay amar deg deg ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa maanta fartay shirkadaha isgaarsiinta dalka in si deg deg ah u fuliyaan go’aanaddii Guddiga Qaran ee ka hortagga Lacag-dhaqida iyo La-dagaallanka Maalgelinta Argagixisada (NAMLC).

Hay’adda oo shirkadaha isgaarsiinta u gudbisay liiska go’aanadaasi oo soo guddiga kasoo baxay 14-kii bishii hore ayaa waxay ku wargelisay inay waajib tahay in adeeggooda lacagaha Mobile-ka la iskugu diro (Mobile Money) ay rukhsad ka haystaan Bangiga Dhexe ee JFS.”

“Hay’addu waxay shirkada isgaarsiinta ku wargelinaysaa in ay hubiyaan in adeegyada lacagaha Mobile-lada la iskugu diro ee saaran shabakahoodu iyo kuwa MVNO-ga ah ay u hoggaansamaan tilmaamaha farsamo iyo xadidaadda dhaq-dhaqaaqa Bangiga Dhexe iyo go’aannada Guddiga Sare ee NAMLC.”

Sidoo kale waxay hay’addu fartay shirkadahaan inay diiwaan-geliyaan Lafaha (SIMCards-ka) macamiisha, iyada oo macaamiisha cusub laga qaadayo ugu yaraan sawir iyo faraha.

Waxay sheegtay in kuwii horay u qaatayna Sim-kaararka dib loogu diiwaan-galiyo muddo aan ka badnayn 90 maalmood si waafaqsan qoddobka 5-aad ee sharciga ka hortaga Lacag-dhaqidda iyo Maalgalinta Argagixisada iyo qoddobka 66-aad ee sharciga Isgaarsiinta Qaranka.

Hay’addu waxay intaasi ku dartay in shirkadaha isgaarsiinta dalka ay u hoggaansamaan dhammaan go’aannada Guddiga Qaran ee ka hortagga Lacag-dhaqidda iyo La-dagaallanka Maalgelinta Argagixisada iyo la shaqeynta hay’adaha kala duwan ee dowladda.

Guddiga Qaran ee ka-hortaga lacag dhaqida iyo la-dagaalanka Maal-gelinta argagixisada ayaa 14-kii bishii hore soo saaray go’aano culus, oo uga digayaan muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay ka fogaadaan talaabo kasta oo caawin karta Al-Shabaab, gaar ahaan la xiriirta dembiyada lacag dhaqida iyo maal-gelinta argagixisada.

Waxa uu guddiga xilligaasi faray shirkadaha kala duwan ee ka shaqeeya adeegyada lacagaha, caymiska iyo sariflayaasha lacagaha qalaad inay isku soo diiwaan-geliyaan muddo 30 maalmood gudahood ah, iyadoo talaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono cidkasta oo aan diiwaan-gashaneyn.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa hore u shaacisay in hadda kadib “si buuxda ula wareegi doonta hanti kasta oo lala xiriiriyo kooxaha argagixisada,” islamarkaana xayiraad safar ay kusoo rogeyso cid kasta oo xiriir la’leh lacag dhaqista ama maal-gelinta Khawaarijta.

Somaliland oo sheegtay in ciidan ka yimid Itoobiya ay ka dagaalamayaan Laascaanood

Hargeysa (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada Somaliland oo maanta kulan gaar ah  ku yeeshay gudaha magaalada Hargeysa ayaa war cusub kasoo saaray xaaladda cakiran ee magaalada Laascaanood halkaas oo dagaalo qaraar ay ka dhaceen maalmihii u dambeeyay.

Shirka ayaa waxaa guddoomiyay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayada oo laga soo saaray go’aanno la xiriira xaaladda adag ee ka taagan gudaha magaaladaasi.

Golaha ayaa shaaca ka qaaday in ciidamo ka yimid dowlad deegaanka Soomaalida, isla-markaana kasoo tallaabaday dhanka xadka ay ka dagaalamayaan magaalada Laascaanood.

Sidoo kale waxaa Golaha Wasiirada Somaliland ay markale ku celiyeen eedeynta dowladda federaalka iyo Puntland oo ay tilmaameen inay lug leeyihiin dagaalkaasi.

“In gobolka Sool, gaar ahaan magaalada Laascaanood ay ka baxaan ciidamada huwanta ah ee ka soo tallaabay xuduuda caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, sida kuwa Maamul Goboleed Soomaaliya ee Puntland, ciidamada kala duwan ee ay dawladuhu u soo tababareen Dowladda Federalka Soomaaliya iyo kuwa yimid Dawlad Deegaanka Soomaalida” ayaa lagu yiri war kasoo baxay kulanka kulanka Golaha Wasiirada Somaliland.

Dhanka kale Golaha ayaa shaaca ka qaaday in xukuumadda ay diyaar u tahay dhaqan-gelinta xabad joojintii ay horay ugu dhawaaqday Somaliland, si dagaalka loo joojiyo.

Waxa kale oo ay intaasi kusii dareen inay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo nabadda, si markale dib loogu soo celiyo xasiloonidii magaalada.

Sidoo kale Golaha Wasiirada ayaa markale baaq u diray hay’adaha Samafalka, ayaga oo ka codsaday inay gargaar deg deg ah gaarsiiyaan qoysaskii ka barakacay Laascaanood.

Dagaalka u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ayaa qaatay muddo bil ah, kaas oo ay ku dhinteen dad badan shacab ah, kuna dhaawacmeen kuwa kale.

Mas’uul Soomaali ah oo xil sare looga magacaabay maamulka Maxkamadda ICC

Roma (Caasimada Online) – Madaxweynaha Golaha Maamulka Maxkamadda dambiya caalamiga ee ICC, Silvia Fernandez De Gurmendi ayaa u magacowdey la-taliyaheeda qaaska ee Soomaaliya Mudane Mahad Axmad Xaaji. 

Mudane Mahad Xaaji ayaa sidoo kale noqonaya la-taliyaha gaarka ah ee ku biirista Soomaaliya ee Heshiiska Roma ee maxkamadda dambiya caalamiga ah ee ICC oo muhiimad gaar ah u leh Soomaaliya. 

Mahad ayaa horay u ahaa la-taliyaha guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aaadan Maxamed Nuur (Madoobe) ee arrimaha Baarlamaanka Adduunka. 

Waa markii ugu horreysey ee lCC ay qof Soomaali u magacowdo xil aad u sarreeya, taas oo taariikhda dhicin, wuxuuna Mahad ka shaqeyn doonaa Arrimaha Soomaaliya, iyo la-xisaabtanka shaqsiyaadka iyo kooxaha Soomaaliya ka galay dambiyada dagaal. 

Waxaa la joogaa waqtigii ay Soomaaliya ku soo biiri laheyd maxkamada addunnka hadii aynan taas dhicin, waxaa dhici karta in sidee Libya oo maxkamaddan aan ka mid aheyn iyo Sudan ee dhacdey 2004 iyo 2014 in Golaha Ammaanka loo diro tixraac oo toos ay u soo faro geliso Soomaaliya. 

Waxey magacaabista Mahad Xaaji ee ICC ku tuseysaa  in maxkamadda kusoo socto baaritaankeeda arrimaha Soomaaliya oo dad badan oo xilal haya iyo kuwa horay usoo qabtay lala xisaabtami doono.

Si taas loo gaaro Dowladda Soomaaliya waxaa kaga bixi kartaa in Baarlamaanka uu codeyooyo in ay ku biiraan ICC si ay Soomaaliya iyada u gaarto go’aankeed sida uu qabo dastuurka ICC ee Roma Statute in hadii dalka ku soo biiro uu isaga awood u leeyahey in soo dalbado baarista ICC.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe ayaa hambalyo u diray Mahad Xaaji, waxaana uu ku tilmaamay shaqsi howlkar ah oo kasoo dhalaali kara mas’uuliyadda culus ee lagu aaminay. 

Mahad Axmad Xaaji ayaa horay ula soo shaqeeyay hay’ado caalami ah oo Midowyga Yurub kamid yahay, waana aqoon yahan Soomaaliyeed oo arrimaha Geeska Afrika aad uga faallooda. 

HirShabelle oo iclaamisay dagaal ka dhan ah arrin kusoo badatay Shabeellaha Dhexe

0

Jowhar (Caasimada Online) – Maamulka HirShabelle ayaa ku dhawaaqay howl-gal dagaal oo ka dhan ah kooxaha burcadda ee isbaarada dhigata qeybo kamid ah gobolka Shabeellaha Dhexe.

Isbaarooyinkan ayaa lacago baad ah looga qaataa dadweynaha iyo gaadiidka isticmaala waddooyinka, oo qaarkood ay ku jiraan waddooyinka gobolka ku xira Muqdisho.

Taliyaha Booliska HirShabelle iyo Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa si wada-jir ah ugu dhawaaqay howl-galkan kadib markii ay kormeer kusoo mareen deegaanada sida weyn looga cabanayo isbaarooyinka.

Waxay sheegeen in ciidamo isku dhaf ah loo diyaariyay la-dagaalanka kooxaha burcadda ah ee isbaarada dhigata qeybo kamid ah gobolka Shabeellaha Dhexe.

“Isbaarada waa cudurka labaad markii Shabaab laga imaado ee umaddaan haysta weeyi, waxaa ka shaqeysan weynay oo cadowga kala dagaalami weynay ayay kow ka tahay,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe.

“Marka ninkii Askarigii ee la rabay in cadowga iska dhacso ama ninkii deegaanka ahaa ee ay aheyd in gurigiisa iyo dantiisa qabsado in umaddii jidka u galo wax loo dulqaadan karo ma ahan oo la fiirsan karo.”

Taliyaha Booliska HirShabelle Xasan Dhicisow ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in howl-galkan cusub ay illaa hadda qaadeen dhowr isbaaro oo taallay inta u dhaxeysay deegaanada Ceel-Cade oo Muqdisho u dhow illaa deegaanka Ceel-gub oo ka tirsan Shabeellaha Dhexe.

“Dowladda Soomaaliya sharci ayay kasoo saartay Isbaaro, Shabaab iyo Isbaaro waa isku mid oo waxaa loola dagaalamaya sidii Shabaabka loola dagaalamayay,” ayuu yiri Taliye Xasan Dhicisow.

“Maalin kasta in bulshada iyo baabuurleyda laga soo qeylisiiyo ma aqbaleyno. Laga billaabo saacadaan cidii ciidanka ilaalada waddooyinka ugu tagaan cid wax laga weydiinayo majiraan oo waxay amar u qabaan inay soo qabtaan, haddii uu iswaalo oo qabasho uu diido inay dilaan.”

Shirkada Flydubai oo maanta billowday duulimaad Dubai-Muqdisho ah + Maalmaha

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkadda diyaaradaha Flydubai oo laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta ayaa maanta si rasmi ah u billowday duulimaad toos oo ah Dubai-Muqdisho.

Diyaaraddii ugu horreysay ee shirkadda, oo nooceedu yahay Boeing 737 Max, ayaa maanta soo cago dhigatay garoonka diyaraadaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, ayada oo rakaab kasoo qaaday Dubai.

Sidoo kale duulimaad kale oo ku socda Dubai ayaa ka bixi doona caasimadda Soomaaliya isla galabta.

Shirkadda ayaa 14-kii Febraayo 2023 ku dhowaaqday billowga duulimaadyada tooska ah ee Dubai-Muqdisho, oo toddobaadkii shaqeyn doona hal maalin. Shirkadda ayaa sheegtay in laga billaabo 1-da June ay duulimaadyada ka dhigi doono laba maalin toddobaadkii.

Waa magaalada labaad oo Soomaaliya ah oo ay shirkadda ay duulimaad ku tagto. Flydubai ayaa horey u tagi jirtay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.

Billowga duulimaadyada Muqdisho ayaa qeyb ka ah qorshe ay shirkadda ku ballaarineyso duulimaadyadeeda Afrika. Waxay hadda ka howlgashaa oo ay u duushaa magaalooyinka Addis Ababa, Alexandria, Asmara, Dar es Salaam, Djibouti, Entebbe, Hargeysa, Khartoum, Juba iyo Zanzibar.

“Waxaan sii wadeynaa raadinta fursadaha aan ku kobcineyno shabakadaha Bariga Afrika iyo furitaanka suuqyo aan la isticmaalin. Gobolkani waxa uu sameeyay koboc dhaqaale iyo horumar la taaban karo sannadihii u dambeeyay,” ayuu yiri Hamad Obaidalla, oo ah madaxa ganacsiga ee Fly Dubai.

Sidoo kale waxa uu sheegay in duulimaadyada tooska ah ee Soomaaliya ay sii kobcin doonaan dhaqaalaha, islamarkaana ay gacan ka geysan doonaan abuurista isu socodka iyo ganacsiga labada dal.

Arrintan ayaa kusoo aadeysa iyada oo xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta dib loo hagaajiyay, islamarkaana ay dowladda federaalka muujisay niyad wanaageeda ku aadan soo celinta xiriirka diblumaasiyadeed ee Abu Dhabi.

Flydubai commences direct Dubai-Mogadishu flight

MOGADISHU, Somalia (Caasimada Online) – Flydubai, the United Arab Emirates-owned carrier, has officially commenced a direct flight route between Dubai and Mogadishu on Thursday, marking the company’s second destination in Somalia.  

The airline’s first plane, a Boeing 737 Max, landed at Aden Adde International Airport in Mogadishu, carrying passengers from Dubai. Another flight is scheduled to depart Mogadishu for Dubai later today. 

Flydubai announced the new direct flight route between Dubai and Mogadishu on February 14, 2023, and plans to initially operate one flight per week, intending to double the frequency to two flights per week from June 1.  

Expanding African routes  

This latest expansion increases flydubai’s African network to 11 destinations, including Addis Ababa, Alexandria, Asmara, Dar es Salaam, Djibouti, Entebbe, Hargeisa, Khartoum, Juba, and Zanzibar.

Hamad Obaidalla, Chief Commercial Officer at flydubai, said, “We continue to look for opportunities to grow our network in East Africa and open up underserved markets. This region has seen significant economic growth and development in recent years.”

“Our direct flights will further stimulate the economy and help create free travel and trade flows.”

Why is Somalia important for flydubai?

In the Horn of Africa, Somalia holds strategic importance for trade and commerce. 

By introducing a direct flight between Dubai and Mogadishu, flydubai provides a safer and more convenient travel option between the two cities while offering Somalis efficient travel links to the rest of the world through flydubai’s Dubai hub.  

Additionally, Dubai’s significant Somali expatriate population creates an attractive opportunity for visiting friends and family traffic. 

The new route to Mogadishu represents a profitable opportunity for flydubai, as only a few carriers operate flights between the two cities besides the local Somali airline, Daallo Airlines. 

Moreover, despite its stunning coastlines and beaches, Somalia’s tourism industry remains relatively unknown. 

Flydubai’s Senior Vice President of Commercial Operations, Sudhir Sreedharan, said, “Flydubai will offer convenient and reliable travel services between countries. Our Boeing 737 MAX aircraft will operate this route, offering customers the comfort of our Business Class cabin or a more customized experience in Economy Class.” 

“We look forward to doubling our frequency to Somalia from June 1, 2023, and further connecting the market to Dubai and beyond.”

Macallimu oo ‘arrin fajaciso ah kusoo arkay’ mid kamid ah saldhigyada MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macallimu oo ka tirsan Golaha Shacabka oo booqday mid kamid ah saldhigyada Booliska ee magaalada Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyay ‘arrin fajaciso ku noqotay’ oo uu kusoo arkay saldhiggaasi.

Macallimu oo qoraal dheer soo saaray ayaa ka sheekeeyay falkaas oo uu tilmaamay inuu aad ula yaabay, kadib markii uu la kulmay dhaqamo aan wanaagsaneyn.

Xildhibaanka ayaa xusay in saldhigga Booliska ee uu tegay ay ka socotay dacwad, balse sarkaalkii qorayay Oobiga iyo askarigii la joogay aysan wadan wax darees ciidan ah, isla-markaana ay xittaa sigaar ku cabayeen qolka dhexdiisa, inta ay socotay dacwadda.

“Waxaan la yaabay sarkaalka Oobiga qorayay iyo askari kale oo aan lebisneyn waxa ay qolka ku dhex cabayeen sigaar ,xilli ay kiis dacwo ah diiwaan galinayeen,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in gudaha saldhigga si aan gambasho laheyn lacag loogu kala qaadanayay, ayada oo dadweynaha loo yeerinayo lambar EVC ah, si ay u tuuraan.

Halkan hoose ka aqriso:-

Bottom-Up Politics

Haan gunbay ka tolantaa! Dowladnimada kama sixi karno xafiisyada sare ee wa  in aan ka bilowno dib u tayeynta saldhigyada degmooyinka (Oobiyada) ,maamullada degmooyinka ,laan ,waax ilaa tabbeelle. Maxkamadaha degmooyinka oo shacabka ugu adeega garsoor ku qottoma caddaalad  IWM.

Waxaan tagay saldhig boolis . Waxaan la yaabay sarkaalka Oobiga qorayay iyo askari kale oo aan lebisneyn waxa ay qolka ku dhex cabayeen sigaar ,xilli ay kiis dacwo ah diiwaan galinayeen . Dadka is dacweynaya waxa ku jiray hooyo dhabarka ku sidata canug yar . Qaab darrada meesha muuqata waa fajaceysaa .

Taliyaha cusub ee Booliska General Sulub Axmed Firin waa nin dhalinyaro ah oo magaaldan wax badan ka soo shaqeeyay waxaan ka codsan lahaa in intii karaankiisa ah oo wax ka badal ku sameeyo habka shaqooyinka saldhigyada .

Diiwaan weyn in wax lagu qoro adduunka casriga waa ka tagay. Saldhigga dhexdiisa ayaa EVC lagu kala tuuranaa . Bixiyihii ayaa weydiinaya oo leh taliye ma heshay lacagtii? Markaasuu leeyahay waa kaa hayaa.

Ujeedkeygu ma ahan in aan suurad xumeynayo ciidankeenna oo aan xaqiiqdii dartood ku seexanno ee waxeey Iga tahay niyad wanaag iyo wax aan toosinno. Isbaddal aya jira marka la eeego halkaan ka nimid,waxaanse u baahannahay isbadal weyn.

Somali President’s attempt to extend term sparks strong opposition

0

MOGADISHU, Somalia (Caasimada Online) – Prominent Somali opposition leaders are issuing fresh warnings against attempts to extend the president’s mandate and have launched a vigorous campaign to block efforts to change the constitution. 

The proposed changes, currently considered by the Federal Parliament, would allow the current leader to remain in office for an additional year beyond the four-year term limit. The move has sparked criticism from the opposition, who argue that it could lead to civil unrest in a country with a history of instability. 

Despite having served for eight months, President Hassan Sheikh Mohamud has already faced widespread criticism from the opposition for advocating for constitutional changes that could potentially trigger civil unrest in the long-troubled Horn of Africa nation.

Opposition coalition fired opening shots 

The development presents his administration with an early political challenge by an opposition coalition that has fired its opening shots in what appears to be the beginning of a political challenge over the proposed changes to the provisional constitution in the coming months. 

According to the opposition, the proposed amendments would allow Mr. Mohamud, who was elected as the president for the second time in May last year who had largely campaigned around his opposition to a presidential term extension by his predecessor Mohamed Farmajo to ‘unlawfully’ extend his term and that of the parliament by more one year respectively.  

“Neither the nation nor the Somali populace would benefit from the repercussions of an illegal term extension. Failure to reassess this decision would undoubtedly impede the progress of state-building efforts,” tweeted former Prime Minister Hassan Ali Khaire 

Security worsening in Mohamud’s watch 

Since he came to power, Mr. Mohamud’s government has faced a host of accusations ranging from failure in security amid a spike in attacks by militants and gang violence, with many saying that the insecurity has worsened significantly since last year.

In 2022, which marked the first year of President Mohamud’s term in office after his reelection in May, the country witnessed a catastrophic situation for its civilians—according to the United Nations Secretary-General, Antonio Guterres, Somalia experienced its highest civilian casualty rates since 2017.

This spike in fatalities was caused mainly by Al-Shabab, a jihadist group fighting an insurgency against the fragile central government for the past 15 years. During the review period from late August 2022 to early February 2023, the UN mission in Somalia recorded a 153 percent surge in civilian casualties, reaching 1,059, including 382 deaths. 

Corruption allegations  

In addition to the unraveling security and political struggles Somalia faces now are corruption scandals and public spats involving shadow deals by ministers, compounding the crisis that continues to sap the government’s public confidence. 

The corruption allegations involving several state institutions and ministries marked a slap in president Mohamud’s face and spelled him more troubles that could cost him in the eyes of the international donors backing Somalia amid hopes for the long-anticipated debt relief.  

However, according to the IMF and the World Bank, Somalia must first take the necessary steps to begin receiving debt relief that would allow it to lower its $5.2 billion in external debt to around $557 million, with the need to continue economic reforms, such as improving public financial management and increasing domestic revenue.

“Neither the nation nor the Somali populace would benefit from the repercussions of an illegal term extension. Failure to reassess this decision would undoubtedly impede the progress of state-building efforts.”

Faahfaahin ku saabsan qarax maanta ka dhacay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax barqanimadii maanta ka dhacay qaybo kamid ah magaalada caasimada ah ee Muqdisho, gaar ahaan degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir.

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay xaafado ka tirsan Muqdisho ayaa si gaar ah uga dhacay agagaarka isgoyska Via Roma ee degmada Xamarweyne, sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa mid lagu xiray gaari nooca raaxada ah, wuxuuna ku qarxay halkaasi, sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay.

Gaariga ayaa qarxay kaligiis, waxaana ka maqnaa darawalka oo goob baakin ah uga tegay, balse uu qarxay intii uu ka maqnaa.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxaan uu sababay dhaawac haweeneyd mareysay waddada, taas oo la socotay Bajaaj, sida ay ku warameen goobjoogayaashu.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa sidoo kale goobta gaaray, kuwaas oo sameeyay baaritaano kooban, balse ma jiro wax faahfaahin ah oo ay ka bixiyeen qaraxaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana si caadi ah kusoo laabtay dhaq-dhaqaaqa dadka iyo gaadiidka waddadu uu qaraxu ka dhacay oo ay sidoo kale ku yaalaan ganacsiyo.

Weerarkan qaraxa ah ayaa qayb ka noqonaya falalka ammaan darri ee ka dhaca magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, walow ay howlgallo ka wadaan ciidanka ammanka.

Si kastaba, kooxda Al-Shabaab ayaa haatan culeys xoogan soo saartay, kadib markii ay jab xoogan kala kulantay dagaallada culus ee kacda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Sheekh SHARIIF oo mar kale soo saaray DIGNIIN culus

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa markale ka hadlay qorshaha muddo kororsiga dowladda ee uu wado Baarlamaanka Federaalka.

Shariif ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo dadal kasta oo lagu joojinayo qorshaha socda, isaga oo xusay meesha uu ka taagan yahay “Mowqifkeyga waa meeshii shalay aan uga dignay.”

Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dalka u baahan yahay dadaal wadareed lagu ilaaliyo dhaqanka Dastuurka, sidaas darteedna uu garab taagan yahay cid kasta oo dadaal ku bixineysa ka hor tagga muddo kordhinta sharci darrada ah.

“Baarlamaanka Umadda Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa inuu qaato mowqif sharafeed, dalkane ka badbaadiyaan Jahwareer Siyaasadeed iyo Xasilooni darro Amni,” ayuu yiri Shariif oo ugu baaqay Xildhibaanada ay dalka ka badbaadiyaan jahwareer siyaasadeed.

Shariif ayaa waxa uu si cad u sheegay in bayaankii la sheegay in si wada-jir ah u soo saareen madax hore iyo siyaasiyiin uu kamid yahay in uusan soo marin wada-tashigii loo baahna.

Bayaankaas ayaa waxaa ku qornaa in si wada-jir ah u soo saareen siyaasiyiinta kala ah; Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Xasan Cali Kheyre, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Cabdulqaadir Cosoble Cali.

Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed ayaa dhawaan qoraal uu soo saaray ku sheegay in ayaan darro weyn ay tahay in baal-maraan golayaasha DF iyo maamulada qoddobada ku qeexan Dastuurada ee lagu doortay ee awooda u siiyay inay metalaan ama hogaamiyaan bullshadooda.

Shariif iyo Xisbigiisa ayaa qaba in lagama maarmaan tahay in laga dheeraado wax walba oo horseedi kara in dalkan dib ugu laabto xasilooni-daarro, colaad iyo burbur ku yimaada hay’adaha dowladda.

QATAR oo dhaarisay ra’iisul wasaare cusub – waa kuma?

Doha (Caasimada Online) – Diblomaasiga ugu sarreeya Qatar ayaa maanta loo dhaariyey ra’iisul wasaaraha dalka, isaga oo beddelaya xubin kale oo ka tirsan qoyska dalka xukuma, kaasi oo xukunka hayey tan iyo 2020, waxaa sidaas werisay warbaahinta dowladda.

Wakaaladda Wararka Qatar ee QNA ayaa sheegtay in Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani loo dhaariyey madaxda cusub ee dowladda, ayada oo aan bixin faah-faahin intaas dheer.

Amiirka xukuma Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa inta badan xilalka ugu sarreeya dowladda kasoo magacaaba qoyska dalka xukuma. Si lamid ah dalalka kale ee Khaliijka Carbeed, siyaasadda dalka ayaa ku kooban qoyska xukunka haya, waxaana yar isbeddelada lagu wargeliyo shacabka.

Sheikh Mohammed oo ahaa wasiirka arrimaha dibedda tan iyo 2016, ayaa ahaa wejiga Qatar xilli ay la tacaaleysay saddex sano iyo bar oo ay xayiraado dhaqaale iyo qaadacaad ku sameeyeen Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta, Bahrain iyo Masar, taasi oo dhammaatay Janaayo 2021.

Waxa uu beddelayaa Sheikh Khalid bin Khalifa bin Abdulaziz Al Thani, oo ahaa ra’iisul wasaare iyo wasiirka arrimaha gudaha ee ka mas’uulka ah amniga gudaha, tan iyo 2020.

Waxaa sidoo kale xilka wasiirka arrimaha ka beddelay Sheikh Khalifa bin Hamad bin Khalifa Al Thani oo isna la dhaariyey maanta.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka, Antony Blinken ayaa soo dhoweeyey magacaabista Sheikh Mohammed iyo isku shaandheynta golaha wasiirada ee dad cusub kusoo dartay dowladda Qatar.

“Waxaan ka mahad-celinayaa iskaashigeena soo jireenka ah,” ayuu Blinken kusoo qoray twitter.

Madaxweyne Guudlaawe oo xilka ka qaaday laba wasiir, kuwa kalena magacaabay

0

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Cali Guudlaawe Xuseen oo maanta soo saaray laba wareegto oo is xigxigay aya xil kaa qaadis ku sameeyay xubno kamid ah golihiisa wasiirada isagoo magacaabay kuwa kale oo cusub.

Cali Guudlaawe ayaa xilka ka qaaday Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee maamulkaasi, isaga oo jagadaas u magacaabay Faarax Cumar Cilmi Daahir.

Sababta ka dambeysa isbedalkan ayaa waxaa lagu macneeyay dardar-gelinta howlaha kala duwan ee wasaaraddaasi.

“Markuu arkay madaxweynaha baahi loo qabo dardar-gelinta howlaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ayaa Faarax Cumar Cilmi Daahir loo magacaabay inuu noqdo wasiiru-Dowlaha Wasaaradda,” ayaa lagu yiri wareegtada Cali Guudlaawe.

Sidoo kale wareegta kale oo labaad ayaa waxaa xilkii looga qaaday Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Dib u Heshiisiinta iyo Nabadeynta, waxaana xilkaas loo magacaabay Mudane Axmed Maxamed Cabdullaahi oo kamid noqonaya golaha wasiirada ee HirShabelle.

“Markii arkay madaxweynaha ahmiyadda ay leedahay xoojinta howlaha kala duwan ee Wasaaradda Dib u Heshiisiinta iyo Nabadeynta DHSH ayaa Mudane Axmed Maxamed Cabdullaahi loo magacaabay xilka wasiir ku xigeenka wasaaraddam” ayaa markale lagu yiri.

Qoraalka ayaa inyaas kusii dara “Xeerkan wuxuu dhaqan-galayaa marka uu saxiixo madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, wuuna saxiixay”.

Madaxweynaha HirShabelle ayaa marar badan isbeddal badan ku sameeyay golihiisa wasiirada, taas oo ugu wacan tahaya khilaafaadka hareeyay maamulkaasi.

HirShabelle ayaa ah maamul goboleedkii ugu dambeeyay ee ka aas aasmay waddanka, waxaana weli ka jira caqabada dib u dhigay hormarkii maamulkaasi oo ka arrimyo Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo ay haatan ka socdaan howlgallo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Dhacdo sababtay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacday magaalada MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dhacdo sababtay dhimasho iyo dhaawac oo maanta ka dhacday degmada Kaaraan, kadib markii uu gaari weyn dul-maray Bajaaj ay la socdeen shacab.

Wararka ayaa sheegaya in shilka uu yimid, kadib markii ay mootada hoosata ka gashay gaarigan oo siday biro aad u culus, wuxuuna kadib uu jiiray mootada iyo dadkii saarnaa.

Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay shilkan baabuur, halka uu ku dhaawacmay qof kale, kaas oo uu dhaawac halis ah soo gaaray, sida ay innoo shegeen ilo dadka deegaanka ah.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dadka dhintay ay go’go’een, taas oo keentay in saacado ay qaadato in laga soo saaro gaariga hoostiisa.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, gaariga shilka geystay ee xamuulka ah ayaa waxaa leh shirkadda is-gaarsiinta Horumuud, isaga oo sida qalab iyo biro aad u culus.

Dhacdadaan ayaa sidoo kale saameyn ku yeelatay dhaq-dhaqaaqa waddada oo muddo kooban hakad gashay, waxaana shacabka ay saameeyeen gurmadkii looga baahnaa.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya, kuwaas oo gacanta ku dhigay wadihii waday gaariga shilka geystay.

Maamulka degmada Kaaraan oo ka hadlay falkan, waxa uu sheegay inay wadaan baaris dheeraad ah ku aadan shilka, isla-markaana lasoo xiray darawalkii ka dambeeyay.

Shilal gaari ayaa badanaa ka dhaca caasimada, waxaana ugu dambeeyay shil habeen hore ka dhacay agagaarka Tarabuunka, kaas oo uu ku dhintay marxuum lagu magacaabi jiray Caadil, kaas oo kamid ahaa dhalinyarada isticmaasha baraha bulshada, gaar ahaan TikTok.

Daawo: Yaa mas’uul ka ah dhibaatada ka taagan Xamar?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku xigeenka wasaarada warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo ka qayb-galay munaasabad lagu qabtay deegaanka Garasbaaley oo looga hadlayay amniga magaalada Muqdisho iyo la dagaalanka maan-dooriyaha ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ka taagan caasimada.

Al-Cadaala ayaa shaaca ka qaaday in dhibaatada ka taagan magaalada caasimada ah ee Muqdisho ay mas’uul ka tahay kooxda Al-Shabaab, isaga oo ku eedeeyay inay halis ku yihiin Diinta iyo sidoo kale noloshada dadka Soomaaliyeed, sida uu hadalka u dhigay.

“Niman la yiraahdo Khawaarij ayaan aaminsanahay inay asal u yihiin wax kasta oo xun oo jira ama iyagaa sameeyay ama inay sameysmaan ayey difaac u yihiin,” ayuu yiri Cadaala.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in kooxda Al-Shabaabay cabsi-gelin weyn iyo xorriyad ka qaadis ay ku heyso guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

“Dadka magaalada Muqdisho ku nool dhib ayey qabaan waxaa ugu horreeya cabsida ay Khawaarijta nagu heyso Diinka, baadda, marin habaabinta, tacadiga, xadgudubka, xorriyad ka qaadka wax kasta oo qiyam ah sharaf ah oo qof bani’aadam ah uu u baahnaa ayey halis ku yihiin oo ay dhibaato ku hayaan,” ayuu sii raaciyay Wasiir Cabdiraxmaan Al-Cadaala.

Ugu dmabeyn wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta ayaa diray farriin guud, wuxuuna ku baaqay in dowlad iyo shacab la wada shaqeeyo, meelna looga soo jeesto Al-Shabaab.

“Farriinteyda waxaa waayey dadka magaalada Muqdisho waxaan u baahanahay xaqiiqada inaan isku sheegno annaga eedeena waan qaadaneynaa ee idinka diyaar ma u tihiin inaad cabataan oo aad dhahdaan dhibkaan ayaan qabnaa?” ayuu markale yiri Wasiirku.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, ayada oo haatan Al-Shabaab ay culeys xoogan soo saartay caasimada, waxayna todobaadyadii u dambeeyay ka fulisay weeraro qaraxyo ah iyo dilal.

Si kastaba, dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa dadka deegaanka ayaa haatan dagaal kula jira kooxda Al-Shabaab, kaas oo haatan xoogiisa uu ka socda gobollada dalka.

Anita Kiki Gbeho oo ballan-qaadyo dhowr ah u sameysay Soomaaliya + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa kulan muhiim ah la qaatay Ku-xigeenka Ergeyga gaarka ah ee xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan kaalmaynta Soomaaliya Marwo Anita Kiki Gbeho.

Kulankan ayaa waxaa looga hadlay dib u heshiisiintii lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Baydhabo oo uu guddoomiyaha Golaha Shacabka garwadeenka ka ahaa, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay kulankaan.

Marwo Anita Kiki ayaa waxay guddoomiyaha ku ammaantay doorkii muhiimka ahaa iyo daadihinta shirkaas, ayada oo sheegtay in UNSOM ay ka go’an tahay kaalmo kasta oo ku aaddan dib u heshiisiinta dalka.

Sidoo kale waxay sheegtay in door muhiim ka qaadan doonto taageerida Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka iyo sidii loo dhisi lahaa aqoonta iyo xirfada shaqaalaha iyo mudaneyaasha Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Marwo Anita Kiki Gbeho uga mahad-celiyay, ayaa xusay sida UNSOM ay qeyb uga qaadatay taageerida shirkii dib u heshiisinta Koonfur Galbeed oo guul ku soo dhaamaday.

Aadan Madoobe ayaa sidoo kale waxa uu boggaadiyay dadaalada beesha caalamka ay ku dooneyso hanaaanka geedi socodka nabada iyo xasiloonida dalka.

Dowladda federaalka ayaa xilligaan xoogga saaraysa in la dhameeyo khilaafaadka iyo xiisadaha siyaasadeed ee ka taagan maamulada dalka, si looga dhabeeyo qorshaha madaxweynaha ee dib u xoreynta dalka, islamarkaana loogu wada midoobo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada Israel oo weerar ku dilay Falastiiniyiin badan

Jerusalem (Caasimada Online) – Lix Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerar ay ciidamada Israa’iil ku qaadeen xerada qaxootiga ee Jenin ee daanta galbeed ee la haysto, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Falastiin.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil ayaa sheegay in mid ka mid ah dadka dhintay uu mas’uul ka ahaa dilka laba wiil oo Israa’iiliyiin ah oo walaalo ahaa.

Weerarkii Hawaari lagu qaaday ayaa waxaa cambaareeyay beesha caalamka oo dhan.

Duulaanka oo dhacay galabnimadii Talaadada ayaa ka dhacay xero qaxooti oo inta badan bartilmaameed u ah howlgallada Isra’iil ee ka dhanka ah Falastiiniyiinta.

Milatariga Isra’iil ayaa sheegay in ay adeegsadeen gantaalada garbaha laga rido ka dib markii dagaalyahano hubeysan oo deegaanka ah ay rasaas ku fureen ciidamo saarnaa gaari ambalaas ah.

Waxaa la sheegay in rasaas xooggan la is weydaarsaday, iyadoo muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ay muujinayaan qiiq ka baxayay dhismo iyo diyaarado Helikobterro ah.

BBC

Somalia’s anti-terrorism law passes Lower House

MOGADISHU, Somalia (Caasimada Online) – Somalia’s lower house of Parliament passed a new anti-terrorism law on Wednesday to provide a legal framework for government security agencies to fight better and eradicate terrorism.

After weeks of debate, the bill received 133 votes in favor, three against, and seven abstentions. The new law is seen as a crucial measure to make Somalia a safer place.

It is perceived as a shield for women and children against terrorist attacks.

Concerns raised over broad definition of terrorism 

Critics of the legislation have raised concerns about the overly broad definition of who is considered a terrorist.

They fear the new law could grant government security agencies excessive and unchecked power.

During the debates, some lawmakers expressed reservations about the legislation, noting that the law could negatively affect innocent citizens, especially if future leaders do not have good intentions.

Lawmaker cautions against arrests without court orders

Some lawmakers caution that the new bill should not give government agencies the power to arrest suspects without court orders.

Somali journalist-turned-lawmaker Mohamed Ibrahim Moalimuu, a five-time survivor of al-Shabab terror attacks, emphasized that the new law should not conflict with the country’s constitution.

However, MP Mahdi Mohamed Guled, Somalia’s former deputy prime minister, believes that the bill’s definition of terrorism is clear and will target known terrorist organizations and groups.

Second important bill endorsed amid tough war with Al-Shabab

This is the second important bill to pass through Somalia’s Parliament in two months.

Early last month, both the lower and upper chambers of Somalia’s Parliament officially endorsed the National Intelligence and Security Agency of Somalia (NISA) bill.

The bill aims to expand the powers of the country’s intelligence agency.

It has faced criticism from Human Rights Watch, who believe it could lead to human rights violations. Somalia is in a brutal war with al-Shabab, al-Qaida’s most lethal and powerful group in East Africa.

13 Al-Shabab militants executed for terrorist attacks

In a separate development, 13 al-Shabab militants convicted of murdering officials and carrying out terrorist attacks in the northeastern Somali region of Puntland were recently executed by firing squad in three different towns.

Puntland military court chairperson Abdifitah Haji Adam noted that the suspects were found guilty of carrying out terrorist attacks and assassinations in which they killed government officials, security officers, and civilians, including pregnant women and children.

In addition to the al-Shabab members, the court executed five Puntland soldiers for killing other soldiers and civilians.

Despite US drone strikes that have killed some of al-Shabab’s top leaders, the group still carries out frequent suicide bombings and assaults on Somalia’s hotels and military targets.

Some of its fighters have spread north to the Puntland mountainous areas to set up bases, making the group more resilient than expected.

In recent years, al-Shabab has assassinated dozens of government officials in Puntland, including the attorney general of Puntland Military Courts, the third deputy commander of Puntland Police Forces, and the director of the Presidential Palace.

Kheyre oo digniin u diray dowladda Xasan Sheekh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa digniin kasoo saaray qorshaha qorshaha muddo kororsiga ee ay waddo dowladda federaalka, kaasi oo la horgeeyay Baarlamaanka Soomaaliya.

Khayre ayaa sheegay in dalka iyo dadka Soomaaliyeed aysan xamili karin dhibka ka dhasha muddo kororsiga sharci darro, isaga oo ka digay in damacan siyaasiga ah uu dib u dhac weyn ku keeni doono dawlad dhiska dalka.

“Dalka iyo dadka Soomaaliyeed midna dan uguma jirto mana xamili karaan dhibka ka dhasha muddo kororsi sharci darro ah. Waxaa hubaal ah in dawlad dhiska dalka uu dib u dhac wayn ku imaan doono haddii aan laga fiirsan tallaabadan aan toosnayn,” ayuu yiri.

Xasan Cali Kheyre ayaa si adag uga horyimid xilligii xukunkii Farmaajo damicii madaxweynihii xilka u magacaabay, taasi oo markii dambe keentay inuu xilkiisa ku waayo.

Kheyre ayaa ayaa sidoo kale kamid ah madax hore iyo siyaasiyiin soo saaray qoraal ay uga horyimaadeen qorshaha muddo kororsiga Madaxweynaha iyo Baarlamaanka Federaalka.

Waxay sheegeen in muddo kordhinta sharci darrada ah ays i toos ah uga hor imaaneyso qodobka 60-aad ee Dastuurka, farqaddiisa (1-aad) oo qeexeysa in muddada xil-haynta Baarlamaanku yahay afar sano oo ka bilaabanta maalinka xilka loo dhaariyo.

Guddoonka labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhawaan soo magacaabay guddiyo kasoo talo bixin doona soo jeedin ka timid xildhibaanada qaar, taasi oo la xiriirta in hal sano oo dheeri ah lagu kordhiyo muddo xileedka Madaxweynaha iyo Baarlamaanka Federaalka.

Qorshahan ayaa durtadiiba la kulmay diidmo xoogan oo uga imaaneysa madax hore iyo siyaasiyiinta qaar, kuwaasi oo sharci darro ku tilamamay muddo kororsiga lagu karkarinayo gudaha BF.