28.1 C
Mogadishu
Friday, May 8, 2026

Sawirro: R/W XAMZA oo 5 arrin deg deg ah hordhigay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilsay Danjiraha dowladda Denmark u fadhiya Soomaaliya, Steen Sonne Andersen.

Ra’iiusl Wasaare Xamza iyo Danjire Andersen ayaa waxay ka wada-hadleen xoojinta xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Denmerk, sida lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Mudane Xamza ayaa sidoo kale waxa uu Andersen kala hadlay sidii loo ballaarin lahaa taageerada ay Denmark siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyad Horumarinta, Dib-u-heshiisiinta, Xasillinta, Dowlad-wanaagga iyo Dhaqan-celinta dadka ka soo laabta afkaarta xagjirnimada ah.

Shantan arrimood ayaa muhiimad gaar ah u leh dowladda, xilli ay dagaal culus kula jirto kooxda Al-Shabaab, kaasi oo tan iyo markii uu billowday lagu xoreeyay deegaano horleh oo sanado badan ay gacanta ku haysay kooxda.

Danjire Steen Sonne Andersen ayaa ra’iisul wasaaraha la wadaagay sida ay uga go’an tahay dowladdiisu xoojinta taageerada Soomaaliya, si loo xaqiijiyo nabadda iyo horumar waara.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa dhankiisa uga mahad-celiyey dowladda Denmark taageerada ay la garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Danjiraha Andersen ayaa ugu dambeyntiina waxa uu ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre uga mahad-celiyay soo dhaweynta uu ugu sameeyay xafiiskiisa, isaga oo ku amaanay dadaallada ay waddo xukuumaddiisa.

Qatar Emir appoints Sheikh Mohammed as new PM

DOHA, Qatar (Caasimada Online) – Qatar’s Emir, Sheikh Tamim bin Hamad al-Thani, has appointed the country’s foreign minister, Sheikh Mohammed Bin Abdulrahman al-Thani, as the new prime minister in a move that analysts say signals a renewed focus on bolstering the Gulf state’s global presence.

This comes after Qatar successfully mended fences with regional rivals and hosted the 2022 World Cup, a major sporting event that aimed to elevate the country’s global profile and influence beyond its gas wealth.

Along with the new prime minister, the emir’s office also announced a cabinet reshuffle that reappointed the finance and energy ministers, two crucial positions in the wealthy nation that is a major gas producer.

Sheikh Mohammed has been Qatar’s foreign minister since 2016 and played a critical role in representing Doha during the three-and-a-half-year boycott of Qatar by Saudi Arabia and its allies, which ended in early 2021.

Qatari’s top priority 

Mahjoob Zweiri, director of the Gulf Studies Center at Qatar University, sees Sheikh Mohammed’s appointment as a clear message that foreign policy and presence on the international scene remain a top priority for Qatar.

“Having an active foreign minister, who worked in a crucial and critical time, as prime minister is a clear message,” Zweiri said.

Qatar’s hosting of the 2022 World Cup, which drew criticism over human rights, was part of the country’s strategy to elevate its global profile and expand its influence beyond its gas wealth.

The emir, Sheikh Tamim, had steered Qatar through the blockade imposed by four Arab states on Doha for backing Islamists they deemed a threat and for its ties with Iran.

Andreas Krieg, a professor at King’s College in London, sees Qatar as a “lot more outward-looking” following the World Cup and the end of the blockade.

He describes Sheikh Mohammed as a diplomat by profession who is also a “diplomat within the cabinet among ministers.” The emir trusts him as a transformational manager.

The emir kept key ministers in the new cabinet, including Finance Minister Ali bin Ahmed al-Kuwari and Energy Minister Saad al-Kaabi.

Sheikh Khalifa bin Hamad Al Thani, chief of 2022 World Cup security, was also named the new interior minister.

The emir also restructured the board of the sovereign wealth fund Qatar Investment Authority, appointing central bank Governor Sheikh Bandar Bin Mohammed Bin Saoud Al-Thani as chairman to replace Sheikh Mohammed.

Shan fasiraad oo laga bixiyay kulankii Xasan Sheekh iyo Farmaajo ee Qatar

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku jooga magaalada Dooxa ee waddanka Qatar ayaa la kulmay madaxweynihii uu tallada kala wareegay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waa kulankoodii koowaad tan iyo markii uu Farmaajo xilka wareejiyay. Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maalmihii dambe waxa uu saldhiga ka dhigtay magaalada Dooxa ee waddanka Qatar.

Villa Somalia waxay sheegtay inuu Xasan Sheekh la wadaagay Farmaajo xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka, gaar ahaan dagaalka Al-Shabaab.

Kulanka labada hoggaamiye ayaa waxaa laga bixiyay illaa shan fasiraad, kuwaasi oo kala ah;

1. Tixanaha is-booqashada: Farmaajo markii uu xafiiska joogay booqasho uu ku tagay magaalada Ankara ee waddanka Turkiga ayuu dhinaca kale booqday Xasan Sheekh oo markaas deganaa magaalada Ankara.

Tani waa qeyb kamid ah in madaxda Soomaalida aanay is inkirin oo ay is booqdaan markii dibadda ay joogaan wallow aad loo dhaliilo is aragooda marka gudaha la wada joogo.

2. Farriin ku socota Jamaahiirta labada hoggaamiye: Kulankaan gaarka ah wuxuu imanaya iyada oo dalka ka dhacday doorasho dhib badan laga maray oo gaartay in hub la isku adeegsado.

In labada hoggaamiye u muujiyeen Jamaahiirtooda in loolanku ku eegyahay maalmaha kursiga la isku haysto ayuu keenaya kulankan ayay leeyihiin fallanqeeyayaashu.

3. Farmaajo iyo dagaalka Al-Shabaab: Dad badan ayaa duray qeyb kamid ah farriinta Villa Somalia ee ah inuu Xasan Sheekh uga warbixiyay Farmaajo halka uu marayo dagaalka lagu ciribtirayo kooxda Al-Shabaab.

Dadku waxay leeyihiin Farmaajo wax weyn uguma fadhiyo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab oo isaga ayaa qaadi lahaa haddii ay taasi ahmiyad u leedahay.

4. Dowladda Qatar iyo kulanka labada hoggaamiye: Dowladda waddanka Qatar oo isku diyaarineysa wajiga cusub ee la-macaamilka Soomaaliya wax weyn ayay u tahay inay aragto in madaxda Soomaalida loolankooda uusan xadka dhaafin oo ay leeyihiin biseyl iyo is-aqbalid. Waxay ku dhiirigelinaysa ayaa la leeyahay xoojinta wajiga cusub ee cilaaqaadka Soomaaliya.

5. Laba weerar kadib iyo laab furnaanta Xasan Sheekh: Iyada oo la xasuusto in dowladdii Farmaajo ay laba jeer weerar hubeysan ku qaaday Xasan Sheekh.

Mar hoteelkii Maa’ida, marna guriga uu ka deganaa aagga Mirinaayo, haddana in marka aad xukunka hesho aad iska ilowdo nabaradii uu nidaamkii hore ku geystay waa wax uusan qof walba awoodin ayay dadka uga falceliyeen booqashada uu Xasan Sheekh ugu tegay Farmaajo.

Somalia president discusses efforts to restore peace

DOHA, Qatar (Caasimada Online) – Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud has disclosed in an interview with Al-Jazeera that his country is working assiduously towards restoring peace in its northern breakaway region of Somaliland, amid growing tensions between local clan forces and the region’s authorities.

He also addressed a wide range of topics, including the fight against the al-Shabab armed group, the drought that has ravaged the country, and the issue of gender violence.

“We believe that unity is the only solution… but we don’t want this unity through violence, which makes matters worse,” Mohamud said, emphasizing the need for peace rather than violence in resolving the issue of Somaliland’s autonomy.

The recent violence in the region resulted from leaders of Somaliland’s Sool, Sanaag, and Cayn provinces announcing their intention to rejoin Somalia.

According to the UN, fighting broke out last month around LasAnod in Sool, killing at least 200 people and displacing more than 185,000.

In response to the crisis, Mohamud said that the government has been advocating for the cessation of violence and creating a space for dialogue. 

‘All-out war’ against al-Shabab

In August 2021, Mohamud declared an “all-out war” against al-Shabab, which has been rebelling against the government since 2007.

The president believes that the only solution to deal with the group is through an all-out war.

He added that the ultimate goal of the fight against al-Shabab is to create a stable environment that will attract foreign investment and encourage Somalis to return to their homeland.

With support from the US army, African Union (AU) forces, and local assistance, the Somali military has regained control of large portions of territory from the armed group since launching its offensive last year.

The recapture of the port town of Harardhere, an al-Shabab stronghold on the Indian Ocean, in January 2022 was a significant victory for the government-led forces.

However, al-Shabab has retaliated with a series of attacks in the capital and other cities, including an attack on the mayor’s office in Mogadishu and a military base.

Mohamud has commended the African Union forces for their support, stating they were responsible for helping the Somali state grow and reach a level that provided space for society to develop.

Looming famine 

The looming threat of famine in Somalia has been a significant concern since the country experienced five consecutive failed rainy seasons.

The UN has estimated that eight million people are food insecure. More than 700,000 could suffer famine between April and June 2023 if aid supplies are not increased.

In a recent report, UN experts stated that food insecurity remains “extremely critical,” but they no longer project famine.

Mohamud acknowledged that the threat of famine still looms, despite a reprieve.

Climate experts and humanitarian workers had warned that trends in recent weeks, including expectations of below-normal rainfall, are worse than those in 2011 when a quarter of a million people died in Somalia due to famine.

Violence against women

Mohamud also addressed the issue of gender violence in Somalia. Two UN reports in 2021 noted that there had been an “alarming” 80 percent increase in sexual violence in Somalia compared to 2019, mostly carried out by al-Shabab fighters.

However, the reports also highlighted that sexual violence was attributed to government security forces for at least 15 percent of verified cases.

Mohamud acknowledged that gender violence was a problem that needed to be addressed, and the government is working to deal with it.

He stated that the judiciary system had been rebuilt, and security forces and those who had committed such crimes were immediately taken to court.

However, the president also acknowledged that there were limitations to the justice system.

Faah-faahin hordhac ah oo laga helayo jug culus oo caawa laga maqlay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hordhac ah ayaa laga helayaa laba jug oo xoog leh oo caawa laga maqlay magaalada Muqdisho.

Sida ay Caasimada Online u sheegeen dad goobjoogayaal ah waxaa la weeraray ciidan fariisin ku leh isgoyska KPP ee degmada Hodan.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya hubka loo adeegsaday weerarkaas, dadka qaar waxay sheegayaan in laba bamgacmeed lagu tuuray ciidanka.

Dadka qaar ayaa noo sheegay in ciidanka lagu riday laba xabadood oo ka dhacday qoriga RPG ee Sebenka loo yaqaano, balse si rasmi ah looma oga cidda fulisay weerarkaas iyo waxa loo adeegsaday.

Sidoo kale weli lama ogaan hadii uu jiro khasaare ka dhashay weerarkaas inta uu la egyahay, waxaana lagu kala cararay aagga isgoyska KPP.

Hey’adaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaan weli ka hadlin dhacdadaan, sidoo kale kooxda Al-shabaab oo la aaminsan yahay inay geysatay weerarkaan ayaan weli ka soo hadlin weerarkaan.

Maalmahaan amniga caasimadda Muqdisho ayaa ahaa mid liita, waxaana ka dhacayey dilal iyo qaraxyo soo boodo ah, sidoo kale hoobiyeyaal ayaa dhowr mar lagu garaacay magaalada.

Waxaa xusid mudan inay yaraadeen qaraxyadii gaadiidka lagu soo rari jiray oo la aaminsan yahay inay ka hor tageen ciidamada ammaanka oo howlgallo culus ka fuliya Caasimada Muqdisho.

Roobow iyo Saalax Shariif oo ay ka dhex tafatay kadib tallaabo uu qaaday Roobow

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Shariif Sayid Cali ayaa si adag uga horyimid guddi uu dhawaan magacaabay Wasiirka Wasaaradda Sheekh Mukhtaar Roobow Cali.

Warqad 4-tii bishaan kasoo baxday xafiiska Wasiir Roobow ayaa waxa lagu magacaabay guddiga tartanka adeega Xajka sanadka 1444/2023. Guddigaan ayaa ka kooban 9 xubnood oo uu ku jiro nin la dhashay wasiir Roobow.

Saalax Shariif, wasiir ku-xigeenka wasaaradda ayaa waxa uu sheegay in guddigan uu magacaabay wasiir Roobow uu yahay kuwa lagu soo xulay hanaan sharci darro ah, kaasi oo ku dhisan eex, nin jecleysi iyo kooxeysi diimeeda, sida uu sheegay.

“Taas oo wax u dhimi karta hufnaanta tartanka adeega Xajka,” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka wasaaradda oo si weyn uga horyimid hanaanka soo xulista guddigaan.

“Guddigan waxaa ku jira xubno aan ahayn shaqaalaha wasaaradda lehna shirkado ganacsi oo u tartamaya adeega Xajka, taas oo meesha ka saaraysa helida fursado cadaalad ah oo loo siman yahay.”

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ayaa madaxda sare ee dalka ka codsaday inay soo fara-geliyaan arrintaan, oo uu ku tilmaamay ku tagrifal awoodeed.

Guddigaan Xajka ee uu magaacabay Wasiir Mukhtaar Roobow ayaa waxaa xubnaha guddiga xoghaye looga dhigay Ibraahin Rooboow Cali oo ay walaalo yihiin Wasiir Mukhtaar Rooboow Cali.

Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ayaa sanadihii dambe waxaa ragaadiyay khilaaf la xiriira arrimaha Xajka, iyada oo inta badan sanad walba marka uu soo dhawaado xilliga Xajka ay sidaan oo kale madaxda wasaaradda ay soo saaran amaro is diidan oo la xiriira arrintaan.

Hoos ka arag warqadaha kasoo kala baxay wasiirka iyo ku-xigeenka wasaaradda

Somaliland oo war cusub kasoo saartay dagaalka

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa markale ku celisay inay diyaar u tahay in dagaalka ka socda magalaada Laascaanood ee gobolka Sool lagu dhameeyo wada-hadal iyo nabad-gelyo.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in xukuumadda Somaliland ay mowqifkeeda ku aadan dagaalka socda ay la wadaagtay Ururada Bulshada Rayidka ah ee Somaliland (Civil Society Organisations).

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin ayaa waxa uu warbixin dheer ka siiyey Ururada Bulshada Rayidka ah nabad-gelyada iyo sida ay xukuumadda uga go’an tahay in dhibaatada magaalada Laascaanood ku dhamaato heshiin iyo hanaan nabdoon.

Ururada Bulshada Rayidka ah ayaa dhinoocada wasiirka la wadaagay aragtidooda ku saabsan in laga wada shaqeeyo nabad-gelyada iyo horuumarka dalka, iyaga oo sheegay in ay diyaar u yihiin wada-shaqaynta joogtada ah ee labada dhinac, gaar ahaana wasaaradaha ay wada-shaqaynta leeyihiin ay ka mid tahay wasaaradda arimaha gudaha.

War-saxaafadeedkan ayaa waxaa lagu sheegay in kulankaan uu ku soo dhamaaday isfaham buuxa iyo in loo wada-shaqeeyo si ka dhow sidii hore, iyada oo masuuliyiinta ka socday Ururada Bulshada Rayidka ah ay uga mahad-celiyeen Wasiir Maxamed Kaahin warbixinta buuxda ee uu siiyey iyo kulan ay wada qaateenba.

Wasiirka wasaaradda arimaha gudaha ayaa waxa kulankan ku wehlinayey Wasiirka wasaaradda hawlaha guud, dhulka iyo guryaynta Mustafe Cali Bile, Agaasimaha guud ee wasaaradda arimaha gudaha Maxamed Yuusuf Ismaaciil iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan wasaaradda.

Xukuumadda Somaliland ayaa hore ugu dhawaaqday xabad joojin aan dhaqan-gelin, ayada oo marar dhowr ahna sheegtay inay diyaar u tahay in miiska wada-hadalka lagula xaliyo xiisadda dagaal ee ka taagan magaalada Laascaanood, haddana majirto wax ay ka tartay dagaalka oo weli sii socda.

Waxaa marba marka ka dambeysa kasii daraysa xiisadda dagaal dagaal ee ka taagan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, taasi oo u dhaxeyso ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, ciidamo dheeraad ah oo ka baxay magaalooyinka Gaakacyo iyo Garoowe ayaa xalay iyo saaka gaaray gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kuwaasi oo si diiran loogu soo dhaweeyey halkaasi.

Ciidamadan oo u abaabulan hab heeleed, islamarkaana kasoo jeeda gobollada SSC ayaa ku biiray dagaalka ka socda magaalada Laascaanood, kaasi oo maalmo badan qaatay.

Dhinaca kale Somaliland ayaa iyaduna ciidamo dheeraad ah kusoo daabushay duleedka magaalada, halkaasi oo ay ka wado dhaq-dhaqaaq ka dhan ah ciidanka deegaanka.

Si kastaba, Dagaalka Laascaanood oo socda ku dhowaad bil xiriir ah ayaa sababay dhimashada dad ka badan 200 oo qof iyo dhaawac ka badan 600 oo qof, sida laga soo xigtay dadka deegaanka.

Buurmadow oo shaaciyay laba arrin oo hortaagan xalka dagaalka Laascaanood

Laascaanood (Caasimada Online) – Boqor Cusmaan Aw Maxamuud Buurmadow oo ka hadlay xiisadda dagaal ee ka taagan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa shaaciyay arrimaha xilligaan ku horgudban in wada-hadal laga yeesho arrinta taagan.

Boqor Buurmadow ayaa sheegay in xal nabadeed uusan imaan karin inta ay ciidamada Somaliland joogaan duleedka Laascaanood, isaga oo ku taliyay in la geeyo magaalada Oog.

“Ninkan (Muuse Biixi) waxa uu qorayo waxba kama jiraan ee ciidanka Oog ha la geeyo. Ciidankaas marka uu Oog tago nabad-gelyo waa la helaya, wada-hadal miyir qaba iyo shacabkana xumadan waa ka degaysa,” ayuu yiri Boqor Buurmadow.

Waxa kale oo uu sheegay in xalka nabadeed u xayiran yahay in shacabka reer Laascaanood garowshiyo laga siiyo duqeymaha iyo gumaadka uu kula kacay maamulka Muuse Biixi.

“Beesha Caalamka haddii ay wax qabaneyso ciidankan ha qaado oo halkaas (Oog) ha geyso si xal nabadeed iyo jawi lagu wada-hadli karo u yimaado.”

Boqor Cusmaan Aw Maxamuud Buurmadow ayaa sidoo kale waxa uu xusay in garaadada SSC uusan go’aanka gacantooda ugu jirin, maadaama ay dadkii reer Sool kaceen oo ka dhiidhiyeen weerarka ku socda.

“Cid kasta oo ajnabi ah oo ka hadlaysa garaadada kuma dhici karaan in wada-hadal dushooda ku furaan dadka dhibaatada ku dhacday, garaadadu tallada malaha ee waa guddoomiyaan. Dadkii ay u guddoominayeen waa arkeysa oo halgankan dacalkay qabsadeen ninkii dilayay ee duqeynayay oo dul taagan wada-hadal inay furaan ma doonayaan.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in dagaalka ay xukuumadda Muuse Biixi ku qaaday magaalada Laascaanood uu mideeyay beesha degta halkaasi “Muuse Biixi waxa uu mideeyay Darood, dhibta kale uu keenay tolkiina wuu kala diray oo cid la dagaal galeysa majirto.”

Al-Shabab attacks military base in southern Somalia

MOGADISHU, Somalia (Caasimada Online) – Al-Shabab, the Islamist extremist group affiliated with al Qaeda, attacked a military base in the southern Jubbaland region of Somalia.

According to a Somali officer and a resident, the group attacked the base in Janay Abdale, approximately 60 km (37 miles) west of the port city of Kismayu, early in the morning with a car bomb and gunfire.

Casualty figures for the attack are not yet available, and the government has claimed that it is merely observing a pause before launching the next phase of its operations.

Al-Shabab reportedly cut communications in the area, making it difficult for the army to respond.

Government response

The Jubbaland government said that regional and national forces had inflicted a “big blow” on Al-Shabab but did not provide any details.

The government has claimed that it is merely observing a pause before launching the next phase of its operations.

However, some observers have speculated that the offensive against Al-Shabab may have stalled.

The government has not provided any details on its plans for the next phase of operations, leaving many Somalis uncertain about the future.

Al-Shabab response

Al-Shabab has claimed responsibility for the attack and has boasted about its success in capturing the base and seizing weapons.

The group has a long history of carrying out attacks in Somalia, and it has shown that it can still launch major offensives despite the pressure from the military and allied militias.

Al-Shabab has been a persistent threat in Somalia for over a decade, launching numerous attacks on government and civilian targets.

The group has come under increasing pressure from the Somali military and allied militias in recent years.

In 2022, these forces launched a major offensive against Al-Shabab, which reportedly wrestled control of many areas from the group.

However, al-Shabaab has continued to launch attacks, demonstrating its continued ability to strike back at its enemies.

Reactions from local residents

Residents have expressed fear and concern about the latest attack. Halima Osman, whose husband survived the attack, described the scene as chaotic and bloody.

Her husband and his colleagues reportedly ran into the bush after the bombing, killing many of their friends.

Some military vehicles were also burned in the attack. Others have expressed frustration with the ongoing violence in the country and a sense of hopelessness about the government’s ability to stop groups like Al-Shabab.

Xasan Sheekh oo maraya tijaabadii ugu adkeyd ee isku-haynta Qatar iyo Imaaraadka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Jimcihii u socdaalay magaalada Doha ee waddanka Qatar. Dowladda Qatar ayaa bixisay saaxiibtinimo shaqsiyaad iyo mid Soomaaliyeed-ba shantii sano ee uu talinayay nidaamkii madaxweyne Farmaajo.

Soomaaliya ayaa isbedel aaday 15-kii May 2022, dowladda Qatar waxay weli ku adkeysaneysay in Farmaajo kusoo laaban karo xafiiska waxayna taageertay musharaxeedii Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, laakiin codkii iyo go’aankii Baarlamaanka Soomaaliya waxa uu noqday Xasan Sheekh Maxamuud.

Tobankii bilood ee lasoo dhaafay qorshaha Qatar ee arrimaha Soomaaliya ma caddeyn, waxaase jira warar sheegayay inay xiisaynayeen wada-shaqeyn furan.

Dhowr bilood kahor Taliya NISA Mahad Maxamed Salaad ayay casuumtay dowladad Qatar, waxaana Caasimada Online ogaatay inay dalbadeen in waqti badan la galin wada-shaqeyntii gaarka aheyd ee nidaamkii baxay, taas badelkeeda hadda la furo bog cusub oo labada dal ah.

Maalmihii tegay waxaa xoogeystay gacan-saarka Villa Somalia iyo dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta, taas oo laga yaabo inay si taban u saameyso fikrada Qatar ka aaminsan tahay dowladda Xasan Sheekh.

Magaalada Doha waxaa maalmahan ku sugan madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin. Lama oga inay madaxweyne Xasan Sheekh is arki doonaan.

Hoggaamiyaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu ololaha doorashada kusoo galay inuu keeni doono Soomaaliya oo Dunida heshiis la ah.

Isku-haynta Qatar iyo Imaaraadka waa tijaabo gaar ah, waxaana isha lagu wada haya qaabka ay Qatar isku fur-furto iyo sida madaxweyne Xasan Sheekh u wada kasbado labada dal oo ay dowladdii hore ku guuldareysatay inay wada kasbato.

Dowladda Qatar ayaa Soomaaliya ka fulisay dhowr mashruuc oo maangal ah shantii sano ee lasoo dhaafay, waxaana la aaminsan yahay in haddii iyaga iyo madaxweyne Xasan Sheekh inay wax badan ka tari karto dib u dhiska kaabayaasha muhiimka ah iyo kabka maaliyadeed ee dowladda Soomaaliya.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa dhawaan si kumeel-gaar ah u badashay danjirihii Soomaaliya ee Doha, taas oo lagu fasiray isku diyaarinta Soomaaliya ee cilaaqaadka cusub ee Qatar.

Wasaaradda ayaa u yeertay safiirkii dalka u fadhiyey dalka Qatar Cabdirisaaq Faarax Cali Taano, sida ku cad warqad ay heshay Caasimada Online.  Warqadda oo ku taariikheysan 2-da March 2023, loona diray safaraadda Qatar ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in Cabdirisaaq Taano loogu yeeray arrimo wada-tashi, oo aan la shaacin waxa ay yihiin.

Warqadda ayaa sidoo kale lagu shaaciyey inay xilka safiirka sii hayn doonto Ruun Saciid Qorsheel, waxaana dowladda Qatar looga codsaday inay la shaqeyso, islamarkaana taageerto. Ruun ayaa xilka si ku-meel gaar ah usii hayn doonto, balse waxaa lasoo magacaabi doonaa safiir cusub.

Safiir Cabdirisaaq ayaa kamid ahaa safiirada aadka ugu dhow madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxmaed Cabdullaahi Farmaajo iyo taliyihii sirdoonka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, waxaana u yeeristan ay tahay xil ka-qaadi dadban, isaga oo aan dib ugu laaban doonin Doha.

Si kastaba, Dad badan waxay qabaan inuu madaxweyne Xasan Sheekh wada hanan karo cilaaqaadka Doha iyo Dubia, waxaana isha lagu wada haya tallaabooyinka uu dhankaas u qaadi doono.

Arrinta keentay in siyaasiyiin badan ka baxaan xisbiga CC

Muqdisho (Caasimada Online) – Illaa 19 xubnood ayaa ku dhawaaqay inay ka baxeen xubinimadii xisbiga Wadajir oo kamid ah asxaabta siyaasadeed ee kumeel-gaarka ah ee ka jirta Soomaaliya.

Xisbigan waxaa hoggaamiya Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Doorashadii ugu dambeysay Warsame wuxuu keensaday 15 cod, maadaama la kala dooranayay shaqsiyaad oo aan xisbiyo la kala dooraneyn.

Wadajir xisbi ahaan waxay leeyihiin astaan ah dheelitir dowladeed. Xubnaha ku dhawaaqay inay xisbiga ka baxeen waxaa ku jira qaar dhawaan shaqooyin ka helay dowladda federaalka, xubno hore musharaxiin kale u dhisayay xilligii doorashada sida Xildhibaan Sanyare oo Saciid Deni dhisayay iyo qaar hore uga tagay xisbiga balse aan shaacin oo hadda qeyb ka ah liiska soo baxay.

Sheekadan waxaynu ku soo koobeyna sababta ay xubnahaan u baxeen, waxay xisbiga u dhimi karto iyo rejada xubnaha baxay ee nidaamka tallada haya.

1. Sababta: Xubnaha sheegay inay ka baxeen xisbiga Wadajir waxay sababta ku sheegeen arrimo u gaar ah, laakiin waxaa muuqata in xubnaha qaarkood go’aankan u qaateen dano ay ku qabaan dowladda hada jirta iyo inay diidan yihiin fikradaha hoggaamiyaha xisbiga ee ah in mararka qaar la iftiimiyo waxyaabaha ka qaldan dowladda hadda jirta, taas oo ay xubnaha u arkeen haddii ay sii socoto saameyn karto fursadaha ay hadda ka haystaan dowladda dhexe.

Xiriir aan la sameynay xubnaha ku haray xisbiga si aan u ogaano in xisbiga uu qaatay siyaasada ah in dowladda hadda jirta mucaaridnimo mutaxan lagala horyimaado iyada oo sanad jirin ayay beeniyeen, waxay sheegeen in marwalba mab’da xisbiga uu yahay in shacabka loo hadlo.

2. Maxay saameyn ah oo ku yeelan karta xisbiga Wadajir?

Soomaaliya hadda xisbiyada siyaasadda ma gaarin isku filnaansho, weli dalka kama jiraan xisbiyo rasmi ah oo dhamaan xisbiyada diiwaan-gashan waa ku-meel gaar, dadweynuhu weli xisbiyo ma kala dooran oo doorasho asxaab ah ma aanay dhicin.

Siyaasiyiinta waaweyn ee shacbiyada leh ayaa weli la kala xusha xilliga doorashada. Siyaasiyiinta aan sida weyn u muuqan iyo ganacsatadu waxay marwalba raadiyaan qof ay dhisaan oo xukun la yeeshaan, haddii ay waayan cidda adkaata ayay isku dayaan inay kula daartan, halka tartamayaasha muuqda ay sidooda usii taagnaadan illaa doorashada xigta.

Xisbiyadu hadda waxay u jiraan magac ahaan iyo madal ay ku kala warqaadan hoggaamiyaha iyo saaxiibadiisa ku fikirka ah ee raba inay madaxweyn u dhisaan, sidaas darteed liiska xubnaha habeen hore ka baxay xisbiga Wadajir si siyaasi ah iyo mustaqbaliyan-ba uma badna inay dhaawaceen xisbigan oo markii horeba boqolkii boqol ku tiirsanaa Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

3. Saameynta taban ee xubnaha ka baxay xisbiga Wadajir?

Xubnaha Wadajir ka baxay ee la sheegay in qaarkood raajicinayaan ku biirista UDP ee madaxweyne Xasan Sheekh culeys siyaasi ah ayaa horyaalla.

Inta la ogyahay xubno badan oo UDP ka tirsan ayaa ku qadsan dowladda hadda jirta oo qaar ay durba mucaaridnimo darbiyada la fadhiyaan.

Uma badna in xubnaha Wadajir ka yimid uu door shaqaalinimo ka badan kaga furan yahay dowladda hadda jirta.

Xasan Sheekh isku macno uma sameynayaan xubnihii wax kasoo dhistay iyo xubno hadda u yimid oo doodooda u weyn ay tahay waxaa diidnay oo xisbigeena uga soo baxnay in lagu mucaarado.

Sidoo kale dhaawaca dambe ee kooxdan kasoo baxday xisbiga Wadajir waa in berri xubnahaan loo arko rag haddii ay fursad yar helaan meel cidla ah uga tegi kara kooxda ay la joogan.

Shabaab oo war kasoo saaray weerarkii Janaay Cabdalle

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa war kasoo saartay weerar ku bilowday qarax is-miidaamin ah oo ay saaka aroortii hore dagaal-yahaano ka tirsan ku qaadeen saldhig ay ciidamada kumaandooska Danab iyo kuwa maamulka Jubbaland ku leeyihiin deegaanka Janaay Cabdalle oo galbeedka ka xiga magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Weerarka ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay raggii weerarka qaaday iyo ciidamada ku sugnaa xerada la weeraray, waxayna kooxda Al-Shabaab sheegtay in weerarkaasi ku billowday qaraxa ay ku dileen 89 ka tirsan askartii halkaasi ku sugneyd.

Afhayeenka howlgallada ee kooxda Al-Shabaab Cabdicasiis Abuu Muscab ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in weerarkii Janaay Cabdalle ay barbar socdeen weeraro kale oo lagu beegsanayay ciidamo gurmad ah, islamarkaana ay ku qabsadeen gaadiid dagaal oo gaaraya 20, sida uu sheegay.

Al-Shabaab ayaa sheegatay inay la wareegtay gabi ahaanba xerada oo ay cagta marisay ciidamadii saldhiggaasi ku sugnaa, balse majirto illo madax-banaan oo xaqiijin kara sheegashada kooxdan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in weerarka oo gaadmo ahaa uu dhacay xilli aroor ah, islamarkaana ay jiifeen ciidamada degan saldhigaasi, taasi oo fursad badan siisay xoogaga Shabaab ee weerarka la beegsaday xerada Janaay Cabdalle.

Waxaa la xaqiijiyay in dadka ku dhintay weerarkan uu ku jiro sarkaal lagu magacaabo Carab Maxamuud oo kamid ahaa ilaalada madaxtooyada Jubbaland oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa halkaasi.

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay kordhisay weerarada waaberiga hore ee subaxdii ay ku sameynayso rogaal celinta, kuwaas oo khasaare kasoo gaaro inta badan ciidanka huwanta ee howl-galada ka wada dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo war cusub kasoo saaray wadahadalka Al-Shabaab

0

Dooxa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi dheer siiyay Telefishinka Caalamiga ah ee Aljazeera ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah, gaar ahaan ammaanka guud ee waddanka iyo qorshaha la dagaallanka Al-Shabaab.

Wareysiga oo soconayay 22:38 (Labaatan iyo labo daqiiqo, soddon iyo siddeed ilbiriqsi) ayaa su’aallo badan lagu weydiyay madaxweyne Xasan oo haatan ku sugan Dooxa.

Madaxweynaha ayaa soo hadal qaaday wada-hadalka Al-Shabaab, wuxuuna shaaca ka qaaday inuu diyaar u yahay. Hase’ahaatee madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shuruudo adag ku xiray wada-hadalkaa Al-Shabaab, kuwaas oo uusan ku dhex sheegin wareysiga.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa sababta ku sheegay in ragga u dagaalamo kooxda Al-Shabaab ay u badan yihiin dhalinyaro Soomaaliyeed oo aan heysan waddamo kale oo ay aadaan, balse dowladdiisa ay albaabada u fureyso qaab kasta oo lagu soo celin karo.

“Dadka Al-Shabaab u dagaalama waxay u badan yihiin dhallinyaro Soomaaliyeed, mana haystaan ​​waddan kale oo ay ku noolaadaan, marka dowladdu albaabbada ayay u furaysaa,” ayuu wareysigan ku yiri madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya.

Dhanka kale waxa uu ka warramay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab isaga oo sheegay in Shabaab aan looga adkaan karin awood ciidan oo keliya, sidaas darteedna ay dowladdu qaadatay istiraatiijiyad dhinacyo badan leh oo ay ka mid yihiin Ciidan, Diin iyo Dhaqaale.

Waxa kale uu intaasi kusii daray in dowladda oo kaashaneysa shacabkeeda ay guullo waa weyn ka gaartay dagaalka milaraiga, islamarkaana dhul badan laga qabsaday Al-Shabaab.

“Dagaalka saddexda gees ee militari, dhaqaale iyo Fikir waa qorshe lagu guuleystay, dagaalka tooska ah waxaa lagu xorreeyay dhul baaxad weyn oo qaarkiis 15 sano ay joogeen, dhanka Maaliyadda waxaa la xiray oo la xayiray lacagaha ay sida baadda ah uga qaadeen Shacabka Soomaaliyeed iyo fikirka oo ah marinka ugu weyn ee dadka ku duufsadeen, Shacabka Soomaaliyeed 100% waa Sunni, Shaaficiya ah, Culimada Muslimiinta waxa ay soo jeediyeen in lala dagaalamo” ayuu markale hadalkiisa sii raaciyay.

Soomaaliya ayaa ku jirto marxalad dagaal oo ka dhan ah Shabaab taas oo ay ka dhalatay xaalad ammaan oo horleh, kadib markii ay kordheen weerarada ka dhacaya Muqdisho.

Xog ku saabsan kulanka Xasan iyo Farmaajo ee Qatar

0

Dooxa (Caasimada Online) – Magaalada Dooxa ee caasimada waddanka Qatar waxaa Isniintii kulan ku yeeshay madaxweynaha dowladda federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynihii hore ee dalka, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo).

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa yimid, kadib markii uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan booqasho ku jooga magaalada Dooxa uu gurigiisa ku booqday Farmaajo oo bilihii lasoo dhaafay ku noolaa dalka yar, balse dhaqaalaha hodanka ee Qatar.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, labada madaxweyne ayaa iska xog wareystay xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka, gaar ahaan ammaanka iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Ugu horreyn madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la wadaagay Farmaajo dadaallada ay dowladda ay ku bixinayso xoreynta dalka, si meesha looga saaro Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa xusay in guullo wax ku ool ah laga gaaray halganka ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay ugu jiraan in dalka oo dhan laga saaro kooxda Al-Shabaab.

Dhankiisa Farmaajo oo madasha ka hadlay ayaa madaxweyne Xasan ku boggaadiyay dadaalkiisa ku aadan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda Soomaaliya.

Waa kulankii ugu horreeyay ee foolka fool ah oo ay yeeshay labada madaxweyne, kadib markii uu Farmaajo baneeyay talada dalka, xilkana uu ku wareejiyay Xasan Sheekh.

Farmaajo ayaa wixii ka dambeeyay 15-kii May ee sanadkii 2022 oo uu dalku ka dhacay isbeddal siyaasadeed noqday dibadjoog, wuxuuna u dhexeeyay Turkiga iyo Qatar.

Si kastaba, kulankan ayaa ku soo aadayo, ayada oo haatan dalka uu ka socdo abaabul dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaasoo oo ay hoggaamineyso dowladda federaalka, isla-markaana ay qayb ka yihiin dadka deegaanka, kaas oo laga soo hooyay guullo waa weyn.

DF Soomaaliya oo si dhab ah u wajaheysa arrin ay muddo ka indho qarsaneysay

Muqdisho (Caasimada Online) – Eedo xoog leh ayaa loo jeedinayay muddo fog ciidanka ilaaliya waddooyinka caasimada Soomaaliya.

Dhowr iyo kontan isgoys oo Muqdisho ay leedahay waxaa fadhiya ciidan dowladeed ,haddana ma baaqato dhibaatada shacabka ee ka imaaneysa Shabaab-ka kasoo gudba baraha kontaroolada iyo dhibaatada isla ciidanka isgosyada jooga kula kacaan dadweynaha.

Laaluush qaadasho, balwada maanka doorisa iyo dayac ayaa xoog loogu eedeyay ciidanka jooga waddooyinka caasimada.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa xoogeysatay dhibaatada askarta dowladda u geysaneyso dhalinyarada ku shaqeysata mootada Bajaajta, waxaana dowladda loogu baaqay inay arrintaas si deg deg ah wax uga qabato.

Inta badan askarta dilalka ka geysata magaalada Muqdisho waxaa lala xiriiriyay isticmaalka badan ee daroogada.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa ugu dambeyn sheegay inay dowladdiisa go’aansatay in wax laga bedelo ciidanka jooga magaalada Muqdisho oo guud ahaan laga saaro kuwa daroogada cuna.

Ra’iisul Wasaaraha ma qarin jiritaanka, masuuliyad darada iyo dhaqan xumada ciidanka ilaaliya waddooyinka waxaana uu sheegay in dowladdiisa ay go’aansatay in ciidankaas laga nadiifiyo kuwa balwada xun leh.

Xamza Cabdi Barre waxa uu qiray in askarta xoogga u isticmaasha daroogada inay amni darada qeyb ka yihiin.

In isbadal lagu sameeyo ciidanka ilaaliya waddooyinka magaalada Muqdisho wuxuu ahaa codsi shacab oo muddo soo jiray, waxaana muuqata inay ugu dambeyn xukuumaddu arrintaasi aqbashay.

“Checkpoint-yada ciidamada jooga waa dadaalan laakiin marka dib u daraaseynay waxaan u aragnay inay lagama maarman tahay in aan wax ka badalno. Askari daroogo soo isticmaalay oo miyir qabin dad shacab ah inuu baaro oo ilaaliyo waxay noqoneysa qeyb kamid ah halista, dhinaca askarta dowladda waxba ka qabaneyna.”

“Balanku waxa weeyi in hal askari oo balwad leh uu Checkpoint-ga taagnaan, maalmo inay qaadato waa dhici karta ee laakiin balanku waxa weeyi askari balwad leh in uusan shacabka Soomaaliyeed usoo istaageyn checkpoint.”

Ciidamo ka baxay Gaalkacyo iyo Garoowe oo ku biiray dagaalka Laascaanood

Laascaanood (Caasimada Online) – Waxaa marba marka ka dambeysa kasii daraya xiisadda dagaal dagaal ee ka taagan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ee waqooyiga Soomaaliya, taas oo u dhexeyso ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka.

Wararka ayaa sheegaya in maanta xaalad kacsanaan ah laga dareemayo gudaha magaaladaasi, waxaana labada dhinac ay ka wadaan dhaq-dhaqaaqyo ciidan.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in Somaliland iyo dadka deegaankaba ay helayaan gurmadyo gaaraya jiidda hore ee aagaga lagu dagaalamayo.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, ciidamo dheeraad ah oo ka baxay magaalooyinka Gaakacyo iyo Garoowe ayaa xalay iyo saaka gaaray gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kuwaas oo si diiran loogu soo dhaweeyey halkaasi.

Ciidamadan oo u abaabulan hab heeleed, isla-markaana kasoo jeeda gobollada SSC ayaa ku biiray dagaalka ka socda magaalada Laascaanood, kaaas oo maalmo badan qaatay.

Dhinaca kale Somaliland ayaa iyadina ciidamo dheeraad ah kusoo daabushay duleedka magaalada, halkaas oo ay ka wado guluf dagaal oo ka dhan ah ciidanka deegaanka.

Ujeedka milatariga Somaliland ayaa ah inay soo qaadaan dagaal rogaal celis ah, si ay markale dub ugu qabsadaan gacan ku heynta Laascaanood oo dhacda waqooyiga dalka.

Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa uga sii daraya xaaladda cakiran ee ka jirta xarunta gobolka Sool, halkaas oo ay weli isku horfadhiyaan ciidamada labada dhinac.

Ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ayaa shalay markale ku dagaalamay magaaldaasn, kaas oo soo gaaray illaa xalay, taas oo sii adkeneysa xaaladda.

Dagaalka Laascaanood oo socda ku dhowaad bil xiriir ah ayaa sababay dhimashada dad ka badan 200 oo qof iyo dhaawac ka badan 600 oo qof, sida laga soo xigtay dadka deegaanka.

WEERAR ku billowday is-miidaamin oo lagu qaaday xerada Janaay Cabdalle

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ku bilowday qarax is-miidaamin ah oo ay saaka aroortii hore Al-Shabaab ku qaadeen saldhig ay ciidamada sida gaarka ah u tababar ee Danab iyo kuwa maamulka Jubbaland ku leeyihiin deegaanka Janaay Cabdalle oo galbeedka ka xiga magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Weerarka ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay raggii weerarka qaaday iyo ciidamada ku sugnaa xerada la weeraray.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in Al-Shabaab ay cagta mariyeen saldhigga, kadib qaraxyo iyo dagaal culus oo ka dhacay halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in uu jiro khasaare lixaadleh oo ka dhashay weerarkan, waxaana ku dhintay saraakiil iyo askar badan oo ku sugneyd saldhigga Janaay Cabdalle.

Saraakiisha weerarka ku dhintay waxaa kamid ah Carab Maxamuud oo kamid ahaa ilaalada madaxtooyada Jubbaland oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa halkaasi.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa innoo sheegay in weerarka oo gaadmo ahaa uu dhacay xilli aroor ah, isla-markaana ay jiifeen ciidamada deggan saldhiggaasi, taas oo fursad badan siisay xoogaga Shabaab ee weerarka la beegsaday xerada Janaay Cabdalle.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, sida uu shaaciyay afhayeenka dhinaca howlgallada ee kooxda, Sheekh Cabdicasiis Abuu Muscab.

Bayaan uu soo saaray Abuu Muscab ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkaasi lagu dilay illaa ’89 ka tirsanaa ciidamada dowladda, laguna gubay gaadiid dagaal oo gaaraya 20′.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Jubbaland iyo saraakiisha ciidamada dowladda oo ku aadan weerarkaasi khasaaraha badan dhaliyay.

Muddooyinkii u dambeeyay kooxda Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada dheel-mashada ah, kuwaas oo khasaare lagu gaarsiiyo ciidanka huwanta ee howlgallada ka wada dalka.

DENI oo sheegay sida kali ee Puntland uga qeyb galeyso dagaalka Laascaanood

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa markii u horeysay si faahfaahsan uga hadlay dagaalka mudada ku dhaw bisha ka socda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Madaxweyne ayaa sheegay in Puntland aysan xilligaan qeyb ka aheyn dagaalka socda, hase yeeshe ay nus-danbeed u yihiin arrinta Laascaanood oo haddii Isimida SSC si rasmi ah uga codsadaan maamulkaasi uu qeyb ka noqon doono dagaalka ciidamada Somaliland kula jirto SSC.

“Waxaa rabaa in aan halkan ka cadeeyo in dagaalkaas ay Puntland qeyb ka aheyn, ma dooneyso colaad sokeeye iyo burbur umadeed in qeyb ka qaadato waa ka digayna, waxaase ku kalsoonahay in dadka reer Laascaanood iskaga filan yihiin in sharafkaado iyo cirdigooda ay difaacaan,” ayuu yiri.

“Waxaa u sheegayna caalamka iyo cid walba in aan nus-danbeed u nahay marka ay Isimida iyo Garaadada ay Puntland si rasmi ah uga codsadaan oo ay kari waayan waxaa farriin halkan uga daraya in aan diyaar u nahay laakiin waxaa ka hormarinayna nabada iyo dadaalada socda ee xabad joojinta.”

Saciid Deni ayaa waxa ka socda Laascaanood ku tilmaamay xasuuq aan loo meel dayin iyo gumaad shacab, ayna tahay in lagula xisaabtamo cidda masuulka ka ah waqtiga ugu dhow.

“Dagaalka magaalada Laascaanood oo runtii noociisa aan mudadaan la arag, waxaa filayaa horraantii shagaashameedyadii wax kaas lamid ayaa dhacay. Waxkasta oo la adeegsan karay waa la adeegsaday, hubka noocyadiisa kala duwan kuwa xataa muxaramka ka ah magaalooyinka waaweyn. Runtii waa arrin u baahan xisaabtankeeda oo waa cambaareynayna.”

Madaxweynaha Puntland ayaa waxa uu sheegay in gobolka Sool uu qeyb ka yahay maamulka Puntland, islamarkaana ay kula shaqeynayaan go’aanka ay qaataan Isimida SSC.

“Gobolka Sool waxa uu caddeeyay in Somaliland ka baxdo kadibna masiirkeeda go’aan ka gaadho, waan aqbaleyna anagu maxaa yeelay marna ma rabno dadkeena in aan ku qasabno wax aysan raali ka ahayn anaga oo ogsoon in Dastuurkeena uu qorayo in Puntland ka tirsan yihiin ayaa haddana u ogol-nahay inay tashadaan aayahooda.”

Daawo: Maamulka gobolka Banaadir oo shaaciyay inuu qaadanayo ciidan cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta shaaciyay in uu qaadan doono ciidan cusub oo ka mid noqonaya ciidanka ilaalinta deegaanka Xamar.

Ciidankan cusub ee uu qaadanayo gobolka ayaa waxay isugu jiraan Leyli Sarkaal, Saraakiil xigeeno iyo Dabley, sida uu sheegay Afhayeenka gobolka Banaadir Saalax Dheere oo warbaahinta la wadaagay war-saxaafadeed kasoo baxay maamulka gobolka.

“Maamulka gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar oo ka duuleysa dardar-gelinta iyo horumarinta shaqooyinka Dowladda Hoose, sare u qaadista tayaynta ciidanka ilaalada deegaanka, fursad siinta iyo shaqo abuurka dhalinyarada Soomaaliyeed waxaa uu taliska ciidanka ilaalinta deegaanka Xamar uu bulshada ogeysiinaya in la qaadanayo ciidan cusub,” ayuu yiri.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in dhalinyarada dooneysa in ay ka qeyb noqdaan ciidanka ilaalinta deegaanka Xamar laga doonayo inay soo buuxiyaan shuruudo dhowr ah, kuwaasi oo kala ah;

  1. Da’diisu waa in ay u dhaxeysaa 20 illaa 25 jir.
  2. Waa in uu haystaa ugu yaraan shahaado dugsi sare ah.
  3. Waa in uusan lahayn wax balwad ah.
  4. Waa in uusan kamid ahayn ciidanka kale ama shaqaalaha dowladda.
  5. Waa in uu haystaa warqad caafimaad oo caddeynaysa inuu caafimaad qabo maskax ahaan iyo jir ahaan.
  6. Waa in uu la yimaada gal feyl oo ku dhan yihiin; Warqadda Caafimaad, Shahaadada waxbarashada, Warqadda dambi la’aanta iyo afar sawir.
  7. Waa in uu haystaa damiin iyo in uu ka bixi karo Imtixaanka laga qaadayo.

Afhayeenka gobolka Banaadir ayaa waxa uu sheegay in isdiiwaan-galinta iyo qabashada araajida ay bilaaban doonto maalinta Sabtida ah oo taariikhdu ku beegan tahay 11 March, ayna ku egtahay 20-ka isla bishaan.

“Waxaa lagu qori doona (diiwaan-gelinta) xarunta gaadiidka dowladda Hoose ee degmada Wadajir. Wixii xaquuq ah waxa uu kala mid noqon doona ciidamada dowladda,” ayuu yiri Afhayeenka gobolka Banaadir.

Ciidanka cusub ee uu qoranayo maamulka gobolka ayaa qaadan doona tababar, waana markii ugu horeysay tan iyo markii uu maamulka gobolka ee uu hoggaamiyo guddoomiye Madaale uu shaaciyo in Dowladda Hoose ee Xamar qaadaneyso ciidan cusub.

Hoos ka daawo muuqaalka

Madaxweyne Xasan oo shaaciyay qorshe fog oo la xiriira kheyraadka Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaciyay inay ka go’an tahay sidii usoo saari lahaayeen khayraadka dalkeena, kaasi oo uu sheegay in loo marayo wadiiqo u wada faa’iidaynaysa dadka iyo awoodda qaranka.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay Madasha 5-aad ee QM ee dalalka soo koraya ee ka qabsoomtay magaalada Doha ee dalka Qatar ayaa waxa uu sheegay in Soomaaliya ay tahay dalka qani ku ah khayraadka, islamarkaana ay durba si firfircoon uga shaqeynayaan qorshayaashii ay Soomaaliya ku gaari laheyd barwaaqo.

“Ka Soomaaliya ahaan waxaa naga go’an sidii aan u soo saaran lahayn khayraadkeenna una gaari lahayn barwaaqo annagoo u marayna wadiiqo u wada faa’iidaynaysa dadkeenna iyo awoodda qarankeenna. Waxa aan durba si firfircoon uga shaqeyneynaa  barnaamijka dib u habaynta dhaqaalaheenna qaranka si aan u gaarno dayn cafinta, marka aan yoolkan gaarnana, waxa aan doonaynaa in aan ku tiirsanaanno cududdeenna si aan qaran ahaan ganacsi u samayno si aan barwaaqo u gaarno,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in Soomaaliya ay leedahay mid ka mid ah xeebaha ugu dheer adduunka, dhul carrasan ah oo beerista ku habboon oo looga faa’iidaysan karo beeraha iyo xoolaha, iyo sidoo kale dhaqan xooggan oo ganacsi oo dadka Soomaaliyeed ganacsi alaab iyo adeegba ay isaga kala gooshaan gobolka iyo adduunka.

“Waxaa jirta fursad wayn oo si hal-abuurnimo leh oo waxbarasho iyo fursad abuuris lagu siin karo dadka oo dhan oo ay ku jiraan dhallinyarada, gabdhaha iyo haweenka haddii aan majaraha u qaban karno fursadaha uu leeyahay dalkeenna iyo tamarta hal-abuurnimo ee dadkeenna annagoo sii kordhinayna abaabulka khayraadka gudaha, maaraynta maaliyadda dadweynaha iyo dowlad wanaaggan.”

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in iskaashiga Soomaaliya yahay mid samaynaya horumar la taaban karo, taasi oo uu xusay in sabab u tahay dadkeeda firfircoon ee adkaysiga og iyo bah-wadaagta caalamiga ah, oo iyagu sii wada inay sii garab taagnaadaan xilli Soomaalida ay ku dadaalayso sidii ay ku gaari lahayn mustaqbal ka fiican kan maanta.

“Sababahan awgood, waxaan ku baaqayaa in la sii xoojiyo iskaashiyada wax ku oolka ah ee looga gol leeyahay in lagu gaaro natiijooyin wax ku ool ah,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Ugu dambeyntiina waxa uu soo jeediyay in badbaadada bulsheed ee caalamka aysan noqon wax siin oo kali ah, balse ay noqoto fursado abuuris si loo gaaro is-sharfid, karaamo iyo isku filnaansho kuwaas oo sii dhisaya khayraadkii bulsheed ee horey u jiray iyo adkaysiga.