26 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Doorashada kursiga HOP154 ee Sareedo oo dib loogu laabanayo + Jadwalka

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Guddiga SEIT ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa war cusub kasoo saaray doorashada kursiga HOP#154 ee Golaha Shacabka Soomaaliya, kaas oo ay horey ugu soo baxday Sareeda Maxamed Cabdalla, balse uu diiday guddiga doorashooyinka ee heer federaal.

Qoraal kasoo baxay guddiga doorashada ee Koonfur Galbeed ayaa waxaa lagu sheegay in dib loogu noqonayo doorashada kursigan, si loo waafajiyo habraaca doorashada dalka.

“Gudiga Hirgelinta Doorashooyinka DGKGS SEIT waxa uu shaacinaya Jadwalka Qabashada Doorashada Kursiga Hop-154 si loo waafajiyo Habraaca Doorashada guud ee Dalka,” ayaa lagu yiri warqad kasoo baxay guddiga maamulka doorashada ee Koonfur Galbeed Somalia.

Sidoo kale qoraalka guddiga ayaa lagu sheegay in diiwaan-gelinta xubnaha musharixiinta iyo lacag shubista ay tahay 20-bishan April ee sanadka 2022-ka.

Guddiga ayaa  sidoo kale shaaciyey in ugu dambeyn doorashada la qabanayo 21-ka bishan, si looga faa’iideysto waqtiga la heesto ee ka haray dhammeystirka doorashooyinka dalka.

Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa horey ugu dhawaaqay in kursigaan oo ay ku guuleysatay Xildhibaano Sareedao uu ku celisay yahay, waxba kama jiraana ay tahay natiijada kasoo baxday.

Guddiga doorashada ayaa sidoo kale hore u sheegay in gabadha la tartantay Sareeda aysan soo buuxin shuruudihii murashaxnimada qodobkiisa 3aad ee heshiiskii 1 Oktoobar 2020-kii.

Si kastaba, arrimahan ayaa kusoo aadayo, iyada oo Koonfur Galbeed ay horey uga timid in dib loogu laabto kuraasta uu ku celiyey guddiga FEIT, walow mar dambe xal laga gaaray.

QM oo ka digtay musiibo kusoo fool leh Soomaaliya

0

Nairobi (Caasimada Online) – Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP ayaa ka digtay in dad lagu qiyaasay 20 milyan oo qof oo ku nool qaybo ka mid ah Itoobiya, Kenya iyo Soomaaliya oo ay abaaruhu saameeyeen in ay la kulmi karaan musiibo ay gaajadu ka mid tahay, haddii gobolka ay ku dhufato abaar sannadkii afraad oo xiriir ah.

Roobabka ayaan sidii la filayay uga da’in Geeska Afrika xilli-roobaadkan, waxaana saddexdii sano ee la soo dhaafay ay abaartu geysatay khasaare lixaad leh.

Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP ayaa sheegtay in baaqashada dalagyadii ka soo go’ay dalka Itoobiya ay sababatay in 7.2 milyan oo qof ay ku la soo gudboonaatay macaluul ba’an, isla markaana ay dileen in ka badan hal milyan oo xoolo ah.

Xaaladda dalka Kenya ayaa ah mid aan ka rooneyn tan Itoobiya, iyadoo abaarta ka sii daraysa ay keentay in inka badan saddex milyan oo qof ay cunto la’aan ku dhacdo, kuwaasoo ay ku jiraan nus milyan qof oo ay soo food saartay heerar gaajo ah oo degdeg ah.

Soomaaliya gudaheeda, WFP waxay sheegtay in lix milyan oo qof, ama 40 boqolkiiba dadweynaha, ay haysato cunto yari, iyadoo in ka badan 80,000 ay qarka u saaran yihiin macaluul.

Isagoo ka hadlayay caasimadda Kenya ee Nairobi, ayaa agaasimaha WFP ee Bariga Afrika, Michael Dunford, waxa uu sheegay in tirada dadka gaajeysan ay u gudbi karto dad lagu qiyaasay 14 milyan ilaa 20 milyan, haddii roobabku ay dib u di’i waayaan.

Soomaaliya iyo dalalka dariska ah ee Geeska Afrika ayaa haatan wajahaya xaalado adag oo bani’aadanimo ah, isla-markaana ka dhashay abaaraha baahsan ee ku dhuftay dalalkaasi.

Muxuu madaxweyne Erdogan ka yiri rabshadaha Al-Aqsa?

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkiga Tayyib Erdogan ayaa Talaadadii sheegay inuu ku wargeliyay dhiggiisa Israel Isaac Herzog inuu aad uga xumaaday falastiiniyiinta lagu dhaawacay ama lagu dilay Daanta Galbeed iyo Masjidka Al-Aqsa inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Tan iyo Jimcihii, Al Aqsa ayaa la arkayay iska horimaadyo u dhexeeya dhagax-tuurayaasha falastiiniyiinta iyo booliiska rabshadaha ee Israel, waxaana Jimcihii, ugu yaraan 152 falastiiniyiin ah ku dhaawacameen isku dhacyo ay booliska Israa’iil kula galeen gudaha dhismaha masjidka, taasoo aheyd tii ugu dambaysay ee ka dhalatay rabshado sare u qaaday cabsida laga qabo in ay dib ugu laabtaan iskahorimaad ballaaran.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka ayuu Erdogan ku sheegay in labada hoggaamiye ay ka wadahadleen dhacdooyinkii u dambeeyay ee ay sababeen “qaar ka mid ah kooxaha xagjirka ah ee Israa’iil iyo ciidamada ammaanka” iyagoo ku wada xiriiray khadka taleefoonka, waxaana wadahadalkan uu ku soo beegmayaa xilli ay socdaan dadaallo lagu doonayo in caadi looga dhigo xiriirka labada dal.

“Weerarradii ay kooxaha xagjirka ah” ka geysteen Al-Aqsa maalmihii la soo dhaafay iyo rabshadaha Gaza ku faafay ayaan sidoo kale ka xumaaday” ayuu Erdogan u sheegay Herzog.

Erdogan waxa uu sheegay in uu sido kale “uu ku nuuxnuuxsaday sida ay lagama maarmaanka u tahay in aan la oggolaan daandaansiga iyo hanjabaadaha ka dhanka ah maqaamka iyo cibaadada Masjidka Al-Aqsa inta lagu jiro wakhtigan xasaasiga ah.”

VOA + Reuters

FAYSAL Cali Waraabe oo weerar ku qaaday Biixi

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka UCID, Faysal Cali Waraabe oo la hadleyey warbaahinta ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo xukuumaddiisa, isaga oo u jeediyey eedeymo culus.

Faysal Cali Waraabe oo ah nin aan la gamban hadalka ayaa shaaca ka qaaday, xilli uu ka hadlay casho sharaf uu u sameeyay 12-kii Wariye ee shalay xabsiga laga sii daayay ayaa sheegay in Somaliland ay haatan u baahan tahay in laga bad-baadiyo Muuse Biixi Cabdi. mommabe.com

“Muuse talo haka sugina, in aan ka bad baadno mooyaane haka filina wanaag Muuse,” ayuu yiri Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka UCID.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in marka uu dhammaado Ramadaan uu qaadi doono tallaabo culus, isla-markaana uusan ogolaan doonin in la burburiyo Somaliland.

“Markay Ramadaantu dhamaato Muuse ama madaxweyne ayuu noqon doonaa ama kursiga ayuu iska soo wareejin doonaa, taladeediina waala galayaa, in Somaliland uu burburiyo shakhsi oon daawano, ka ogolaan mayno” ayuu mar kale hadalkiisa sii raaciyey Faysal.

Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday xorriyada hadalka, isaga oo ku eedeeyey Muuse Biixi iyo xukuumaddiisa inay ku tunteen fikirka dadweynaha, sida uu hadalka u dhigay,

“Inanka dhalinyar ta ah ee maanta gabya ma aragteen, inan kaasi waxa uu ka waramayaa xaqiiqda maanta taagan ee dhalinyarta haysata, ee qaar tacabireen, qaarna bada isku tuureen,”.

Somaliland ayaa haatan wajaheyso xiisado siyaasadeed, waxaana si weyn isku haya mucaaradka iyo xukuumadda oo marweliba hadallo kul kulul isku mariya warbaahinta.

Shirkadda Coastline oo ku adkeysatay inuu sharci yahay heshiiska shidaalka Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkadda Coastline Exploration ayaa ku gacansayrtay go’aankii ay madaxda sare ee dowladda uga horyimaadeen heshiiskii uu Wasiirka shidaalka dowladda kula saxiixday magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Madaxa shirkadda Coastline, Richard Anderson ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyaay barnaamijka Galka Baarista waxa uu si weyn u difaacay in uu sax ahaa nidaamkii ay heshiiska kula saxiixdeen Wasiirka shidaalka iyo macdanta Soomaaliya, Cabdirashiid Maxamed Axmed.

“Waxaa aaminsanahay in heshiiska aan saxiixnay uu sax yahay oo si buuxda u jiraan. Filashadeyda waxa weeyi in aan fasax ka heli doono dowladda federaalka, kadib waxaa bixin doona lacagtii saxiixa oo waa shaqo galeyna,” ayuu yiri.

“Cid iskama dhago tirin, markale aniga oo dooneyn in aan hoos ugu sii galo faah-faahinta dooda sharciga ah, sababta oo ah way jiraan iyaga oo dhowr ah.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in ka hor inta ay saxiixin heshiiska ay la tashi la sameeyen wasaarada iyo wakaalada Batroolka, kuwaasi oo kalsooni ka siiyay in madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay ka warqabaan saxiixa heshiiskaas.

“Nagama suurtowdo taxadar la’aan intaas le’eg in aan galno howl intaas le’eg anaga oo aan ogeyn ama rumeysneyn in howsha ay korka ka toosan tahay. Waxaa ku xasuusinaya in marka la raaco sharciga Batroolka aan nagala dooneyn in aan la hadalno Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha midkoodna si toos ah, ” ayuu yiri Madaxa shirkadda Coastline, Richard Anderson.

Richard Anderson ayaa ku cel-celiyay in madaxda sare ee dalka ay ka warqabeen heshiiskaas, sida ay u sheegen madaxda Wasaarada, ayada oo hore u sheegay Wasiirka shidaalka iyo macdanta Soomaaliya, Cabdirashiid Maxamed Axmed in Farmaajo uu wax ka oga arrintaas.

Hase yeeshe Xafiisyada Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday Madaxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo kan Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Roole ayaa waxay labaduba rasmi ahaan u shaaciyeen in heshiiskaas uusan xalaal ahayn, ayaga oo si adagna uga horyimid.

Sidoo kale waxa jira xafiisyo ka baxsan midka Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha oo hore uga digay in xiligaan heshiisyo la galo, maadama ay dagsaneyn shuruucdii canshuurta iyo deegaanka, waxaana kamid ah Guddiga maamulka Maaliyada oo la sameeyay sanadkii 2013-ka si ay dowladda uga siiyaan tallo-bixin heshiisyada iyo qandaraasyada, waxaana guddiga ku wada jira Wasiirka maaliyada Soomaaliya, xubno ka tirsan baarlamaanka iyo xubin ka tirsan bangiga Adduunka.

Guddigaan ayaa talo-bixin ay soo saareen bishii Janaayo ee sanadkii hore waxay ku soo jeediyeen in heshiisyada iyo qandaraasyada cusub ay sugaan dowlada cusub ee dalka ka dhalan doonta.

Sawirro: Xubno ka tirsan guddiga FEIT oo gaaray Garbahaarey – Maxaa socda?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo gaaray wafdi ka socda guddiyada doorashooyinka heer federaal iyo xalinta khilaafaadka, kuwaas oo warbaahinta u faahfaahiyey qorshaha socdaalkooda.

Cabdiweli Maxamed Cilmi oo ka mid ah xubnaha guddiga FEIT ee maanta gaaray Garbahaarey ayaa sheegay inay ka soo horjeedaan go’aanka ah in deegaan doorashada labaad ee Jubbaland loo wareejiyo magaalada Ceelwaaq.

Wuxuu sheegay in go’aankaas aysan ku mideysneyn xubnaha guddiga, “Sidaas darteed waxaan leenahay habraaca doorashada waxbaa laga bedeli karaan, laakiin sharciyadeeda wax lagama bedeli karo, anigu sharciyad ayaan ku soconaa, waxaana diyaar u nahay inay doorashada ku qabno magaalooyinka sharciga ah ee lagu heshiiyey oo Garbahaarey ay ku jirto,” ayuu yiri Cabdiweli.

Xubnahaan oo badankood warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay Garbahaarey u tageen qabashada doorashada 16-ka kursi ee laga soo doorto gobolka Gedo, iyagoo kormeer ku tegay goob loo qorsheeyey inay doorashada Garbahaarey ku qabtaan.

Dhanka kale xubno uu hoggaaminayo guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer federaal Muuse Geelle ayaa ku sugan magaalada Kismaayo oo shalay ay ku qabteen doorashada hal kursi, kuwaas oo maalmaha soo socda ku jawahan degmada Ceelwaaq, si doorashada 16-kaas kursi ay u qabtaan.

Sida muuqata gobolka Gedo waxaa laga abaabulayaa doorashooyin is barbar socda, waxaana xusid mudan in xukuumadda iyo dowlad goboleedka Jubbaland ay isku raaceen in doorashada kuraastii taallay Garbahaarey loo wareejiyo Ceelwaaq oo Jubbaaland ay maamusho.

Tallaabadaas waxaa ka carooday maamulka iyo siyaasiyiinta kale ee gobolka Gedo, waxayna hadda isku diyaarinayaa doorasho u gaar ah, iyagoo garab ka helaya xafiiska Farmaajo oo loolan adag oo kuraastaas ku wajahan uu kala dhaxeeyo Axmed Madoobe.

Qodobadii ay ku doodeen Fahad iyo guddiga FEIT ee dacwaddii maanta billaabatay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa maanta billowday dhagaysiga dacwad uu Fahad Yaasiin, taliyihii hore ee NISA, ka gudbiyay Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federaal, kadib markii ay waxba kama jiraan ku sheegeen natiijada kursi HOP86 oo horey uu ugu guuleystay doorasho ka dhacday magaalada Beledweyne.

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo hadda ah la taliyaha amniga qaranka ee madaxweyne Farmaajo, horeyna u soo noqday agaasimaha hay’adda sirdoonka ayaa kursigaas loogu doortay 20-kii bishii Febraayo ee sanadkan magaalada Beledweyne, waxaa se doorashadiisa ku gacan seyray guddiga hirgalinta doorashooyinka heer Federaal oo sheegay in aan la marin habraacyadii doorashada u dagsanaa, taasina waxay abuurtay jahwareer iyo khilaaf cusub, waxayna markii dambe uu Fahad Yaasin dacwad u gudbiyay maxkamadda sare.

Siday wax u dhaceen maanta

Fadhiga maxkamadda oo uu gudoominayay gudoomiyaha maxkamadda sare, Baashe Yuusuf Axmed, ayaa bilowgiiba lagu furay dacwad u dhaxaysa qareenka u doodaya Fahad Yaasiin iyo Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Qaranka oo diidan dacwadda ka dhanka ah Guddiga Hiraglinta Doorashooyinka Heer Federaal.

Dhegeysiga dacwadda oo socotay in ka badan hal saac ayaa la soo xiray, inkastoo aan la shaacin xilliga ay maxkamaddu soo saari doonto go’aankeeda.

Doodda Maxkamadda oo qaybteedii hore la soo gabagabeeyay ayaa xafiiska Garyaqaanka Guud oo difaacaya Guddiga Hiraglinta Doorashooyinka Heer Federaal, waxay qareennadiisu codsadeen in Maxkamaddu ay diido qaadista dacwaddan, maadaama heshiiskii 17 kii September yo heshiisyadii ka dambeeyayba ay ku cadeyd habraacyada lagu maamulayo doorashada, laguna xallinayo haddii murano ay ka yimaadaan.

Fahad Yaasin ayaa guddiga doorashooyinka FEIT ku eedeeyay in si sharci darro ah ay u celiyeen kursiga tiirsigiisu yahay 86 oo dhawaan loogu soo doortay magaalada Baladweyne.

Haddaba, waxaan halkan idin kula wadaageynaa nuxurka qodobadii ugu muhimsanaa ee looga dooday maxkamadda maanta:

Awoodda maxkmadda

Waxaa jirtay hadal hayn ku aadanayd in maxkmadda sare ay wood u leedahay dhageysiga dacwaddan iyo in kale. Qareennada ka socday xafiiska garyqaanka Guud ee dowladda ayaa ku dooday inuu jiro habraac cad oo ku aadan xallinta khilafaadka doorashada sida ku cad heshiiskii 17 September ee ay ansixiyeen labada gole ee baarlamaanka.

Wuxuu sheegay inuu jiro guddi khilaafaad loo cawdo iyadoo ugu dambeyntana ay madasaha qaranka dib u eegis ku sameyn karaan go’aannada guddiga khilaafaadka. Hase yeeshee qareenka matalayay Fahad Yaasiin, abuukaate Sakariye Ismaaciil Nuur, ayaa ku dooday inaysan jirin “awood ka sareysa garsoorka oo ka gar-naqi karta khilaaf noocuu doono ha ahaadee.”

Wuxuu xasuusiyay qareennada matalayay guddiga inay ahayd inay maxkamadda keenaan dalab is hortaag ka hor inta aan la guda galin gudbinta jawaabaha dacawadda uu soo gudbistay Fahad.

Habraacii mala maray

Qareenkii matalayay Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa ku dooday in kursiga HOP086 la hakiyay ka hor inta aan la qabanin doorashada sidaas darteedna qabashada doorashada uu ku soo baxay Fahad ay ahayd mid sharci darro ah. Qareenka Fahad ayaa dhinaca kale ku dooday in guddiga khilaafaadka ay fasaxeen kursiga isla markaana xubna ka socdo guddiga heer Federaal ay goobjoog ka ahaayeen qabsoomidda doorashada kursigaasi.

“FEIT ma laali kartaa natiijo doorasho”

Qareenka Fahad, Sakariye ayaa ku dooday in habraacyada aysan ku jirin in guddi heer Federaal uu ka gar-naqi karo cabashooyin la xiriira dacwad doorasho. Wuxuu sido kale sheegay in guddigu uusan “hakin karin ama laaali karin natiijo doorasho ama mid la shaaciyay.”

Qareenka matalayay guddiga doorashada, garyaqaan Muuse Axmed Ciise ayaa hase yeeshee sheegay in guddiga heer Federal uu “leeyahay door kormeer iyo dabagal oo micnaheedu yahay nuu sixi karo wixii khadlan”

Muxuu Fahad ugu dacwoon waayay guddiga khilaafadka?

Qareennada guddiga doorashada ayaa ku eedeeyay Fahad inuu baalmaray nidaamkii loo dajiyay xallinta khilaafaadka doorashada, kadib markii uu ku guuldarreystay inuu dacwad u gudbiyo guddiga loogu talogalay xallinta khilaafaadka.

Qareenka Fahad, Sakariye Ismaaciil Nuur, oo sharraxayay sababta uu guddiga khilaafaadka ugu dacwoon waayay Fahad ayaa sheegay in guddiga ay mar horeba go’aan ka so saareen oo ay fasaxeen qabashada kursiga, kadib markii uu guddoomiyaha guddiga doorashooyinka soo saaray warqad uu ku hakinayay doorasahda kursiga HOP086 horrantii bishii Febraayo.

Xigasho: BBC Somali

Mahad Salaad oo faah-faahiyey sida uu ku yimid isku dhacii shalay ee xarunta BF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay isku dhac kooban oo asaga iyo Xildhibaano taabacsan Farmaajo ku dhexmaray shalay xarunta Golaha Shacabka.

Mahad Salaad ayaa sheegay in isku-dhacaas ay keentay aqoon darro xildhibaanada cusub ee taabacsan Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka haysatay shuruucda iyo xeerarka Baarlamaanka.

“Saaxiibaday horta laba mushkilo ayaa haysatay, xildhibaanada maanta dooda waday mid waxay aheyd inaysan xog ogaal u aheyn xeer hoosaadka labada aqal ee Baarlamaanka,” ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in buuqa uu ka dhashay kadib markii ay Xildhibaanada taabacsan Farmaajo oo ay kamid yihiin Cabdullaahi Aadan Kulane Jiis iyo Cabdishakuur Cali Mire ay bilaabeen dood kadib markii la ansixiyay xeer hoosaadka doorashada oo aysan xiligaas harsaneyn dood kale oo Baarlamaanka u dhineyd.

“Markii uu Ajendihii dhamaaday ee la xiray golihii ee hoobiyeyaal lagu soo weeraray xarunta BF waxaa la yiri Xildhibaanada ayey banaanka u bixin illaa inta laga hubinayo, intii ay Xildhibaanada hoolka ku jireen ayaa Xildhibaano soo kaceen, kuwaasi oo guddoomiyaha KMG ee Golaha Shacabka u yimid ayaga oo gacanta ku dhagan oo jiidaya u yimid.”

Waxa uu kusii daray hadalkiisa “Markan arkay ayaga oo gacanta ka jiidaya guddoomiyaha ayaa soo kacay. Kadib faro taag taag iyo dagaal ayey meeshii ka bilaabeen, runtii intii aan wax u sheegi karno ee waanin karno waa u sheegnay.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in kaamirooyinka ay qabteen intii hadalada isku jiid-jiidayeen ee aysan jirin wax kale oo culeys ama dagaal kale oo ka dhacay xarunta Baarlamaanka.

Hadalkaan ayaa imanaya xili si weyn loo hadal hayay buuq shalay ay xarunta Baarlamaanka ka sameeyen xildhibaanada taabacsan Farmaajo, ayaga oo Kaamirooyinka warbaahinta ay qabteen Xildhibaan Cabdishakuur Mire oo u fak-fakanaya Xildhibaan Mahad Salaad oo kamid ah xubnaha sida weyn u mucaaridsan Farmaajo.

Diiwaan-gelinta musharixiinta guddoonka BF oo Muqdisho ka bilaabatay + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ka bilaabatay diiwaan-gelinta Musharixiinta u tartameysa xilalka guddoomiye ee Aqalka Sare, Golaha Shacabka iyo ku xigeennadooda.

Sida uu jadwalka ahaa, diiwaan-gelinta musharixiinta ayaa waxay bilaabaneysay maanta waxayna ku egtahay maalinta Jimcaha ee 22-ka April, waxaana Maanta Shahaadada musharaxnimada la guddoon siiyey musharrax Sheekh Aadan Maxamed Nuur Sheekh Aadan Madoobe iyo Cabdullaahi Aadan Axmed Black.

Aadan Madoobe ayaa mar soo noqday Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Madoobe ayaa ka mid ah Xildhibaannada ku matalaya Baarlamaanka 11-aad Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed.

Dhinaca kale, Guddiga Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa shahaadada musharaxnimo guddoonsiiyay Maxamed Cumar (Caananuug) oo ka mid ah musharaxiinta u taagan Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka.

Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka ayaa lagu wadaa in ay dhacdo 27 April 2022, ayada oo ay ku egtahay isdiiwaan galinta musharaxiinta u hanqal taageysa qabashada shirguddoonka Golaha Shacabka 22 Bishaan oo ku beegan maalinta Jimcaha.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Shalay ansixiyey jadwalka doorashada guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya kadib kulan ay buuq ka sameeyeen xildhibaanada taageersan madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaaajo.

C/risaaq Cumar oo shaaciyay xog la xiriirta weerarkii BF – Madfaca kama iman meel fog

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha cusub ee guddiga qaban-qaabada doorashada guddoonka Golaha Shacabka ayaa markii u horeysay ka hadlay weerarkii hoobiyeyaal ee shalay lagu garaacay xarunta Baarlamaanka Soomaaliya ee Villa Hargeysa, xilli ay ku shirayeen xubnaha labada Gole.

Guddoomiye Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in hay’addaha amniga ay u sheegen in hoobiyeyaashaas laga soo tuuray meel aan ka fogeyn xarunta Baarlamaanka ee Villa Hargeysa, taasi oo kor usii qaadeysa tuhunka ku xeeran weerarkaas.

“Hoobiyaha kuwa waaweyn aan aheyn ayaa kusoo dhacay Baarlamaanka hortiisa, waxay Hay’adaha amniga noo sheegeen in hoobiyaha kusoo dhacay Baarlamaanka laga soo tuuray meel aan ka fogeyn goobta,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas kusii daray hadalkiisa “Waxa ku dhaawacmay dad shaqaale ka ah baarlamaanka iyo dad ka shaqeeya Amniga oo Askar ah. Waxa kulmiyey labada arrin ayaa ah wax la is-weydiiyo.”

Weerarkaas ayaa waxa uu sababay khasaare u badan dhaawac iyo burbur ka dhashay hoobiyeyaasha lagu garaacay xarunta Baarlamaanka Soomaaliya.

Kooxda Al-Shabaab ayaa durbo shalay sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas, kadib qoraal ay ku baahisay warbaahinta ku hadasha afkeeda, kaasi oo ay ku sheegtay inay khasaaro ku gaarsiisay ciidamo iyo howl-wadeenada Baarlamaanka.

Xog: Deni oo isugu yeeray xildhibaanada Puntland laga soo doorto + Qorshe cusub

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland, ahna musharax madaxweynaha Soomaaliya, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa isgu yeeray xildhibaanada labada Aqal ee baarlamanka federaalka kasoo galay Puntland, sida ay sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay. 

Deni oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, ayaa la sheegay inuu xildhibaanada kala hadli doono doorashada madaxweynaha Soomaaliya iyo habka ay u wajahayaan.

Rabitaanka koowaad ee Deni ayaa ah in xildhibaanada ay codkiisa siiyaan isaga, balse xogta aan helnay ayaa sheegeysa inuu sidoo kale kala hadli doono musharaxa ay u codeyn doonaan haddii uu ku haro wareegga koowaad ama kan labaad ee doorashada. 

Deni ayaa soo saartay illaa 40 xildhibaan, wuxuuna sidoo kale isku haleynayaa xildhibaanada kasoo galaya Jubaland ee uu soo saaray saaxiibkiis Axmed Madoobe, taasi oo siineysa taageerada ku dhowaad 60 xildhibaaan. 

Hase yeeshee, tiradaas kadib ayaanay caddeyn sida Deni uu xildhibaano kale ku heli doono, ayada oo sanadkan la rumeysan yahay in ugu yaraan 5 musharax ay heli karaan ku dhowaad 50 cod iyo ka badan wareegga koowaad ee doorashada. 

Ma cadda musharaxa uu Deni taageeri doono haddii uu haro, balse waxaa la hubaa inuusan aheyn Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, maadaama uu horey u sheegay in sababta uu isku sharxay ay tahay in kursiga uu dhaafiyo madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday.

Horey waxaa u jiray in Deni la rumeysnaa inuu taageerayo madaxweyne Xasan Sheekh, oo aad isugu dhowaayeen, balse hadda xiriirkooda aanu sidii hore aheyn kadib markii uu qaatay go’aanka uu isku sharxay. 

Kulanka Deni isugu yeeray xildhibaanada ayaa imanaya ayada oo ay jirto inuusan weli hayn dhaqaale ku filan oo doorashada uu ku galo kadib markii ay dowladda Imaaraadka Carabta oo uu isku haleynayey u sheegtay inaysan taageeri karin, sida aan xog ku helnay.

Daawo: Maxkamadda Sare oo billowday dhageysiga dacwadda kursiga FAHAD

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda sare ee dalka ayaa maanta si rasmi ah u guda gashay dhageysiga dacwadda uu u gudbiyey la-taliyaha amniga qaranka Fahad Yaasiin, taas oo la xiriirta kursiga loo doortay ee HOP086, kadib markii uu hakiyey guddiga doorashooyinka ee FEIT.

Doodda maanta billaabatay ayaa waxay labada dhinac ee qareenada Fahad iyo Guddiga FEIT kusoo bandhigeen doodahooda.

Hoolka doodda ayaa ahaa mid firaaqo ah, waxaana la xadiday dadka ka qeyb-galaya dhageysiga dacwddaan oo ah mid xasaasi ah, marka laga reebo qareennada difaacayey Fahad, kuwa u doodaya guddiga FIET iyo guddoonka maxkamadda sare ee dalka.

Guddoomiyaha maxkamadda sare Baashe Yuusuf Axmed ayaa soo xiray fadhigga maanta, wuxuuna sheegay inay maxkamaddu dib ka soo saari doonto qaraar ku aadan kursigaasi.

“Maxkamaddu qaraarbey kasoo saari doontaa, Insha Allaahu Tacaalaa, haddana maxkamadda waa ay innoo xiran tahay,” ayuu yiri guddoomiyuhu.

Maxkamadda Sare ayaa 10-kii bishaan April xaqiijisay inay qabatay gal-dacwadeed uu soo gudbiyey la taliyaha dhanka amniga ee Farmaajo, Fahad Daahir Axmed (Fahad Yaasiin).

Fahad ayaa ka dacwoonaya guddiga doorashooyinka heer federaal ee FEIT oo sharci darro ku tilmaamay doorashadii kursiga uu Fahad ka soo qaatay Beledweyne ee HOP086.

Maxkamadaan waxaa guddoomiye ka ah Baashe Yuusuf Axmed oo ah nin aad ugu dhow nidaamka Farmaajo, siyaasiyiin badan oo kiiskaan isha ku haya ayaa qaba tuhun ah in Maxkamaddu fasixi doonto kursigaas.

Hase yeeshee Garyaqaanka guud ee dowladda oo xilligaas qabsaday maalmo dheeraad ah, si uu u soo xaqiijiyo hanaankii loo maray doorashada kursiga Fahad Yaasiin ayaa Sabtidii shalay Maxkamadda ku jawaab celiyey.

Qoraalkii xafiiska Garyaqaanka guud ee dowladda uu u diray Maxkamadda Sare waxaa lagu sheegay inuu aaminsanyahay in Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ay hakinta kursiga HOP086 u mareen habraacii saxda ahaa ee loogu talagalay habraaca fulinta doorashada dadban.

Xafiiska ayaa sidoo kale difaacay awoodda iyo sharciyadda guddiga doorashada, wuxuuna sheegay in gudidga ay awooddiisu tahay inuu mas’uul ka yahay guud ahaan kormeerka hannaanka doorashada iyo xaqiijinta inay si isku mid ah u dhacdo hannaanka doorashadu iyo dabagalka fulinta hannaankii lagu heshiiyay ee qabsoomidda doorashooyinka Somalia.

Halkan hoose ka daawo:-

Sheekh Aadan Madoobe oo iska casilay xilkii Xisbiga Himilo Qaran + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) oo ka mid ah musharixiinta u taagan xilka guddoomiyaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka 11-aad ee dalka oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo dhammeysirka doorashooyinka Somalia.

Aadan Madoobe ayaa shirkiisa jaraa’id ku shaaciyey inuu iska casilay xilkii uu ka hayey xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed.

Sababta ayaa waxa uu ku sheegay inuu u hoggaansamayo, sida uu qabo Dastuurka KMG ah ee ku aadan qodobkiisa la xiriira in qofka isku sharraxayo guddoonka baarlamaanka uu marka hore iska cisilo, haddii uu xil ka hayo xisbiyada siyaasadeed ee ka jira gudaha dalka.

“Shirkeyga jaraa’id maanta wuxuu ku saabsan yahay inaan u caddeeyo Ummadda Soomaaliyeed sida uu qabo Dastuurka Qaranka ee KMG ah qodobkiisa 65-aad, farqaddiisa 3-aad oo na fareyso qof kasta oo u tartamaayo guddoonka Golaha Shacabka, mise guud ahaan baarlamaanka Soomaaliyeed inuu iska casilo xil kasta oo uu u hayey xisbi siyaasadeed, sidaas daraadeed waxaan u caddeynayaa Ummadda Soomaaliyeed inaan iska casilay xilkii aan ka haayey Xisbiga Himilo Qaran,” ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay, haddii uu ku guuleysto xilka guddoomiyaha Golaha Shacabka inuu u sinnaan doono dhinacyada siyaasadda dalka, kana shaqeyn doono cadaaladda.

“Haddii Ilaahey igu guuleeyo waxaa noqon doonaa Oday Soomaaliyeed oo u siman dhammaan garabyada siyaasadeed ee dalka, cadaaladda iyo sinaana aan ku maamuli doono,” ayuu markale hadalkiisa sii raaciyey xildhibaan Sheekh Aadan Madoobe.

Hadalkiisa ayaa ku soo aadayo, iyada oo maanta la bilaabay diiwaangelinta xubnaha musharixiinta ee u taagan guddoonka labada Aqal ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, kadibna doorashada labada guddoon la qaban doono 26 iyo 27 bishan April.

Maamulka degmada Kaxda oo shaaciyey xog ku aadan dilka ABWAAN BEDDEL

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu aasay Marxuum Abwaan Beddel Jaamac Xirsi oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee Soomaaliyeed, kaas oo xalay lagu dilay degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.

Marxuumka ayaa waxaa toogasho ku dilay rag ku hubeysnaa Bistoolado, kuwaas oo goobta ka baxsaday, xilli ay ku beegneyd afurkii, gaar ahaan mar laga soo baxay Salaaddii Maqrib.

Guddoomiyaha maamulka degmada Kaxda Maxamed Yuusuf oo ka qayb-galay Aaska ayaa ka hadlay dilka Abwaanka, wuxuuna tacsi u diray ehellada iyo Ummadda Soomaaliyeed.

“Runtii waa geeri aad u xanuun badan, waana uga tacsiyeyneynaa qaraabada, ehellada iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri guddoomiye Maxamed Yuusuf.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay ku raad joogaan raggii ka dambeeyey dilka loo geystay Abwaan Beddel Jaamac, isla-markaana ay hayaan xogtooda, ayna gacanta kusoo dhigi doonaan, si loo horgeeyo maxkamadda, loogana qaado tallaabo waafaqsan sharciga.

“Waxaan caddeyneynaa Abwaan Bedal gacantii dishay, haddii Ilaahey raalli ka noqdo in lagu tegi doono. Raadad ayaan heynaa, xogo ayaan heynaa waana ku tegi doonaan,” ayuu nar kale yiri guddoomiyaha maamulka degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.

AUN Beddel Jaamac Xirsi ayaa caan ka ahaa magaalada Muqdisho, wuxuuna aad uga hadli jiray arrimaha siyaasadda iyo xaaladaha taagan, isaga oo kasoo muuqan jiray warbaahinta.

Si kastaba, dilkiisa ayaa qayb ka noqonaya falal ammaan darri oo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayey magaalada Muqdisho, xilli lagu jiro xaalad kala guur ah & marxalad doorasho.

Wararkii ugu dambeeyey ee doorashada guddoonka labada gole ee baarlamanka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaban qaabadii ugu dambeysay ee doorashada guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa haatan laga dareemayaa magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Diiwaangelinta xubnaha musharixiinta ayaa lagu wadaa inay maanta si rasmi ah uga bilaabato xarunta labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya, madaama jadwalka la shaaciyey lagu sheegay in diiwaangelinta ka bilaabayo 19-ka bishan April ee sanadka 2022-ka oo maanta ku beegan.

”Maalinta Barri ah 19 April 2022, guddiga doorashada guddoonka Golaha Aqalka Sare BFS wuxuu billaabayaa diiwaangelinta murashaxiinta u tartamaya xilka guddoonka golaha Aqalka Sare,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo ka soo baxay guddiga doorashada guddoonka Golaha Aqalka Sare Soomaaliya.

Guddoomiyaha iyo ku xigeenadiisa ee labada Aqal ayaa waxaa isku soo taagay xildhibaano iyo Senataro ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, kuwaas oo loolan u geli doono shir guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka.

Musharixiinta ayaa sidoo lale laga doonayaa in ay bixiyaan lacagaha ku xusan diiwaangelinta oo shalay la shaaciyet, gudbinta sooyaalkooda iyo isu diyaarinta qabashada doorashada guddoonka labada Gole.

Arrintan ayaa qayb ka ah dhammeystirka doorashada Soomaaliya, maadaama shalay la meel mariyey jadwalka doorashada ee guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya.

Dorashada ayaa waxaa loo qorsheeyey in ay dhacdo 26-ka April & 27-ka April 2022 oo la kala dooran doono guddoonka labada Gole, kadibna waxaa xigi doono doorashada Madaxweynaha oo ah tan ugu dambeysa.

Faah-faahin: Sidee ku yimid isku dhacii Mahad Salaad iyo Cabdishakuur Cali Mire?

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulankii  shalay ee xildhibaanada Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka ay ku yeesheen xarunta Villa Hargeysa ayaa waxaa ka dhacay buuq lagu sigtay inay gacanta iskula tagaan qaar ka mid ah xildhibaanada cusub.

Kulanka ayaa waxaa lagu ansixiyey jadwalka doorashada guddoonka labada Aqal, wuxuuna dhacay xilli laga cabsi qabay in xildhibaano taageersan Villa Somalia ay isku dayaan inay joojiyaan si doorashada dib loogu dhigo, taasi oo aan dhicin.

Xildhibaannada ayaa si aqlabiyad leh ku ansixiyay habraaca doorashada guddoonka baarlamaanka, kadibna waxaa la maqlay jug culus oo ahayd hoobiyeyaal lagu weerarray xarunta baarlamaanka ee Villa Hargeysa. 

Ugu yaraan 7 ruux oo u badan askarta goobta ku sugnayd ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen weerarka.

Inta uu socday buuqa ayaa waxaa guddoonka baarlamaanka u tagay xildhibaan Cabdullahi Aadan Kulane (Kulane Jiis) oo laga soo doortay Galmudug, gaar ahaan degmada Balanbale.

Kulane ayaa u muuqday mid diidan mudada uu soo bandhigay guddiga baarlamaanka u qaabilsan doorashada guddoonka, oo loo asteeyay in mida aqalka sare ay dhacdo 26-ka April, maalinta xigtana la doorto guddoonka golaha shacabka.

Intii uu xildhibaan Cabdullahi Kulane la hadlayay guddoonka KMG ah ayaa waxaa sii garab istaagay oo ay hadal isla dhaafeen xildhibaan Mahad Maxamed Salaad.

Waxaa la arkayay xildhibaan Cabdullahi Kulane oo ku xanaaqay Mahad, islamarkaana ay labada mudane ku sigteen inay isu gacan qaadaan. 

Waxyar kadib waxaa dhinaca kale ee baarlamaanka ka soo kacay xildhibaan Cabdishakur Cali Mire oo si toos ah u abaaray Mahad Salaad. Lama maqli karin hadallada dhexmaray labada mudane, balse xaalkoodu waxa uu gaaray in la kala qabto.

Mahad iyo Cabdishakur oo muddo siyaasadda Soomaaliya ku wada jiray, islamarkaana ay deegaan doorashadoodu tahay Galmudug ayaan si rasmi ah uga hadal waxa ay isku hayeen. 

Waxaa xusid mudan in labadan xildhibaan oo ka wada tirsanaa baarlamaankii kan ka horreeyay ay kala taabacsan yihiin Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo mucaaradkiisa. 

Mahad Salad oo kulanka kadib qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay in qorshaha xildhibaannada ka aragti duwan uu ahaa “isbaaro ay u dhigtaan doorashada guddoonka baarlamaanka”.

Kulankii shalay ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa laga dheehan karay kala qeybsanaanta sanadihii la soo dhaafay haraysay siyaasadda dalka.

Khadiija Maxamed Diiriye oo isku soo sharaxday kursigii uu qorsheynayey Fahad

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Khadiija Maxamed Diiriye ayaa shaacisay inay tahay murashax u taagan kuriga guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka baarlamanka federaalka Soomaaliya.

Kursiga xildhibaanad Khadiija ay ku dhawaaqday inay u tartameyso ayaa waxa la rumeysan yahay inuu yahay midka uu sida aadka ah u doonayo Fahad Yaasiin oo weli aanu helin shahaadada xildhibaannimo.

Khadiija Maxamed Diiriye ayaa qoraal ay soo saartay boggeeda Facebook waxay ku shaacisay murashaxnimadeeda, iyadoo tiri “Kadib markaan talo soo jeedinta saaxiibadeeyda siyaasadda aan ku tolloownay anigoo dareensan in hore loo dhaqaajiyay doorashada golaha shacabka BJFS waxaa lacaga bilaabo caawo soo bandhigayaa murashaxnimadayda guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee golaha shacabka baarlamaanka 11-aad”.

Khadiija iyo Fahad Yaasiin ayaa aad isugu dhow, waxaana la ogeyn in tallaabada ay ku shaacisay murashaxnimadeeda inay tahay siyaasad iyo in Fahad ka quustay inuu helo kursiga laga hakiyey, sidaasi darteedna uu u arkay in Khadiija Maxamed Diiriye booskii uu banneeyay inay buuxiso.

Xildhibaan Khadiija Maxamed Diiriye ayaa caan ku ah is rog-rogga siyaasadeed waana sababta keentay inay shan jeer soo gasho baarlamaanka, iyadoo xiligaan ay ka mid tahay taageerayaasha Villa Somalia.

Doorashadii baarlamaanka 11-aad ayey sidoo kale waxay ka mid aheyd murashaxiintii aadka loogu saadaalinayay guddoomiye ku-xigeenka koowaad, iyadoo cododkii ay heshay ugu shubtay Cabdiweli Ibraahim Muudeey.

Dhinaca kale, waxaa xilkaan isu soo taagay Xildhibaan Maxamuud Cabdulqaadir Jeego iyo Xildhibaan Maxamed Cali Cumar (Caana-Nuug), kuwaasi oo shaaciyay inay u taagan yihiin tartanka guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka.

Ruushka oo soo bandhigay rag ka yimid Britain oo lagu qabtay dagaalka Ukraine

Moscow (Caasimada Online) – Laba dagaal-gale oo u dhashay dalka Britain ayaa la sheegay in ciidamada Ruushka ay ku qabteen dagaalka ka socday gudaha dalka Ukraine, oo hadda kusii siqaya bishii saddexaad.

Dagaalyahanada la qabtay ayaa kasoo muuqday Telefishinka Qaranka Ruushka, waxayna Ra’iisul Wasaaraha England Boris Johnson ka codsadeyn inuu ka caawiyo sidii loo sii deyn lahaa.

Shaun Pinner oo 48 jir ah iyo Aiden Aslin oo 28 jir ayaa muuqaalkooda laba jeer la kala baahiyey iyaga oo dalbanaya in lagu bedesho siyaasiyiin Ruushka taaageersan oo lagu hayo Ukraine.

Dowladda UK weli kama aysan hadlin raggaan sheegay inay kasoo jeedaan England ee la sheegay in lagu qabtay dagaalka Ukraine.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Ukraine Zelensky ayaa sheegay in tiro badan oo ka mid ah ciidamada Ruushka ay hadda diiradda saareen hawlgalkii ay muddo dheer isku diyaarinayeen.

Goor sii horreysay, Golaha Ammaanka Qaranka ee Ukraine ayaa sheegay in ciidamada Ruushka ay isku dayeen in ay dhulka ku daraan ku dhawaad​​ dhammaan ciidamada jiidaha hore ee gobollada Donetsk, Luhansk iyo Kharkiv.

Weerarkan ayaa ahaa mid la filayey muddo dheer kadib markii Ruushka uu ku guul daraystay inuu qabsado Kyiv.

Ruushka ayaa markii hore u muuqday in uu doonayay in uu qabsado magaalooyinka waaweyn ee Ukraine oo uu afgambiyo dowladda.

Hase yeeshee ka dib markii ay la kulmeen iska caabin adag, saraakiisha difaaca ee Ruushka ayaa sheegay in ujeeddooyinkoodii ugu muhiimsanaa ee “marxaladda koowaad ee hawlgalka” ay “guud ahaan u qabsoomeen” sidaa darteedna ciidamadooda laga soo raray aagagga caasimadda.

Waxay ku dhawaaqeen qorshayaal cusub oo diiradda lagu saarayo duulaanka “xoreynta” gobolka Donbas ee ku hadla afka Ruushka.

DANAB oo burburiyey saldhigyo ay Al-Shabaab ku lahaayeen MUDUG

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgallo qorsheysan oo ciidamada Xoogga dalka dalka, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran Danab ay ka sameeyeen deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Mudug.

Howlgalladaan ayaa waxaa lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen xoogag ka tirsan Al-Shabaab, sida ay shaaciyeen saraakiil ka tirsan Xoogga dalka.

Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegay inay burburiyeen fariisimo ay kooxda Al-Shabaab ku laheyd halkaasi, ayna la wareegeen deegaanada Qaraarow, Kalaxiran, Goryaale, Dhuumaale, Caad, Gabdhaale, Waable, Xawal Xasan Cadde, Hareeri Dheere iyo  Gaade.

Ujeedka howlgalladan ayey saraakiisha ciidamada Danab ku sheegeen in looga hortegayo weeraro ay had iyo jeer Al-Shabaab kasoo abaabulaan deegaanada ay ka joogaan Mudug.

Waxa kale oo ay intaasi ku dareen inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada milatari ee haatan ka socda gobollada dhexe, gaar ahaan Galgaduud iyo Mudug ee bartamaha dalka.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab ee ku aadan howlgalladaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaan dadka deegaanka soo wajahday cabsi la xiriirta in dagaallo culus oo u dhexeeya labada dhinac ay ka qarxaan halkaasi.

Gedo: Sarkaalkii lagu eedeeyey weerarka Macalimuu oo xog cusub bixiyey

0

Garbahaarey (Caasimada Online) – G/Sare Cabdullahi Aadan Warfaa oo ah taliyaha ciidamada guutada Gedo ee militeriga Soomaaliya ayaa ka jawaabay eedeymihii uga yimid guddoomiyihii hore ee gobolka Gedo Cusmaan Nuur Xaaji Macalimuu.

Guddoomiye Macalimuu ayaa sheegay in xalay gurigiisa ay ku soo weerareen ciidamo Farmaajo ku beel ah oo Taliye Warfaa uu u soo diray, balse uu iska difaacay.

Sidoo kale guddoomiye Macalimuu ayaa sheegay in ciidamadaas ay tiro ahaan gaarayeen 50 askari, sababta loo soo weerarayna wuxuu ku sheegay in siyaasad ahaan uu taageeray maamulka Jubaland, taasna ay ka xumaadeen maamulka iyo saraakiisha ciidamada ee ku sugan gobolka Gedo.

Gaashaanle Sare Cabdullahi Aadan Warfaa oo BBC la hadlay ayaa iska fogeeyey eedeynta ah in xalay uu gurigiisa ku wareeray guddoomiye Macalimuu, balse wuxuu qirtay inuu xubno saraakiil ah u diray.

“Macalimuu nin sarkaal ah waaye oo ciidanka aan madaxda u ahay ayuu ka tirsan yahay, marka cidna ma weerarin ee taleefan hala iigu geeyo ayaan iri, si aan ula hadlo,” ayuu yiri, Taliyaha ciidmaada guutada 10-aad ee gobolka Gedo.

Taliye Warfaa ayaa intaas ku sii daray in Macalimuu uu kala hadli rabay arrimaha siyaasadda ee uu Facebook-giisa ku qoro, maadaama uu yahay sarkaal ciidan, ciidankana ay mamnuuc ka tahay ka hadalka siyaasadda.

“War siyaasadda maxaa ku geliyey nin ciidan ah ayaa tahaye inaan dhaho ayaan rabay, seddax sarkaal ayaan u diray, kadib markii aan talefankiisa waayey, sarkaal aan ku kalsoonahay ayuuna ahaa, hadii la weerarayna dhimasho iyo dhaawac ayaa meesha ka dhici lahaa, balse warkaas waa been,” ayuu yiri Taliye Cabdullahi Warfaa.

Mar la weydiiyey qoraalka ay dhibsadeen ee Macalimuu uu soo dhigay wuxuu ku jawaabay, “Horta anagu amniga gobolkaan ayaan qaabilsanahay Macalimuu wuxuu soo qoray in hadii Gedo doorasho lagu qabanaayo inuu dib ula wareegi doono xafiisyadii uu maamuli jiray, arrintaasna hadda inuu ka hadlo kuma haboona, ninkaan guddoomiye ayuu soo ahaa jiray dadkan waa ka tarxiili jiray gobolkaan cidii ka hor imaata.”