27.9 C
Mogadishu
Saturday, May 9, 2026

HRW urges Somalia president to reject NISA bill

0

Mogadishu (Caasimada Online) – Human Rights Watch has called on President Hassan Sheikh Mohamud of Somalia to withhold his signature from a recently passed bill that expands the powers of the country’s National Security and Intelligence Agency (NISA), citing concerns about human rights abuses. 

The bill, which Somalia’s Senate passed on February 22, 2023, grants NISA sweeping powers of arrest, detention, and surveillance with minimal independent oversight.

If President Mohamud signs the bill into law, it will become effective in 21 days unless he chooses to return it to parliament with recommendations for amendment.

The proposed bill and its concerning provisions

The proposed legislation has broad provisions that could be used to justify the government’s repression of the political opposition and the media.

NISA has a history of arbitrarily detaining perceived opponents and journalists, most recently detaining media rights advocate Abdalle Ahmed Mumin and temporarily closing down media outlets.

Additionally, the agency has operated with a vague legal status for several years, facilitating arbitrary arrests, detention, and other abuses.

The bill passed by Somalia’s lower parliament on February 7 grants the agency broad powers of arrest, detention, search, seizure, and surveillance.

However, its broadly and vaguely defined definitions of offenses over which the agency would have jurisdiction could be used to violate the rights to freedom of expression, association, and peaceful assembly, unduly restricting internationally protected activities by the political opposition, activists, and the media.

Human rights abuses under NISA 

Human Rights Watch has stated that the bill only grants detainees access to legal counsel and family visits after 48 hours in custody.

Yet, the risk of torture and other custodial abuse is often greatest during the initial hours of detention. Furthermore, in undefined “emergency situations,” the bill allows NISA officials to arrest people without warrants, which is concerning.

The bill also contains provisions that could be used to violate the rights to freedom of speech and the press.

The language that broadly prohibits “anyone” from disseminating information about intelligence activities and agency members could be used to prosecute journalists, political opposition members, and human rights activists who publish information about government abuses.

The surveillance powers, including the authority to monitor communications, internet, and postal communications, could also be used to violate people’s right to privacy and free expression.

Recommended action

Human Rights Watch has long called for enacting a rights-respecting national security law that defines the specific roles of national security agencies in line with Somalia’s provisional constitution and bars the intelligence agency from carrying out arrests and detentions.

The organization has also recommended that the bill confine NISA’s role to traditional intelligence activities, remove overlaps with police functions and powers, and specify that the agency should not be involved in arresting and detaining suspects.

Moreover, Human Rights Watch advocates for establishing an independent oversight mechanism to report to parliament, such as an inspector general or ombudsman, as stipulated in the country’s provisional constitution. 

The call for action

Human Rights Watch’s deputy Africa director, Laetitia Bader, has called on Somalia’s president to send the draft law back to parliament and call for it to be rigorously revised to address human rights concerns.

Bader stated, “Instead of rubber-stamping Somalia’s notorious intelligence agency’s extensive powers, the government should restrict its authority and improve accountability.”

It is essential to take immediate action, given the bill’s provisions pose a significant threat to human rights in Somalia.

The bill only grants detainees access to legal counsel and family visits after 48 hours in custody, yet the risk of torture and other custodial abuse is often greatest during the initial hours of detention.

The surveillance powers, including the authority to monitor communications, internet, and postal communications, could also be used to violate people’s right to privacy and free expression. 

Human Rights Watch recommendations

Human Rights Watch has recommended that the bill be rejected and that Somalia’s president send the draft law back to parliament to be rigorously revised to address human rights concerns.

The organization has called for the bill to be amended in the following ways:

The bill should confine NISA’s role to traditional intelligence activities, removing overlaps with police functions and powers, and specify that the agency should not be involved in arresting and detaining suspects.

Establishing an independent oversight mechanism is essential to provide an additional layer of accountability for NISA’s actions.

The oversight mechanism should report to parliament, such as an inspector general or ombudsman, as stipulated in the country’s provisional constitution.

Human Rights Watch also calls for the end of arbitrary detention, including the release of those arbitrarily detained, and for investigating and prosecuting officials responsible for such abuses.

The Somali government should respect human rights and ensure its legislation conforms to international standards.

Go’aanka Soomaaliya ay ka qaadatay qaraarkii QM ee ka dhanka ahaa Ruushka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal Afrika ah oo codkooda ku biiriyay qaraar ka dhan ah Ruushka, kaasi oo la horgeeyey Golaha Qaramada Midoobay.

Qaraarkaan oo ahaa in dowladda Ruushka ciidamadeeda kala baxdo dalka Ukraine ayaa dalalka xubnaha ka ah Golaha Qaramada Midoobay waxay ku kala codeynayeen Haa iyo Maya si loo ansixiyo, halka kuwa qaarna ay ka aamuseen.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay codkeeda ku biirisay 30 dal oo ka mid ah dalalka Afrika oo qaraarkaan QM ugu codeeyay “Haa” taasi oo ka dhigan in Soomaaliya ay taageertay qorshaha ku aadan in dalka Ruushka uu kala baxo ciidamadiisa dalka Ukraine.

Dalalka Nigeria, Ivory Coast, Masar, Ghana iyo Kenya ayaa kamid ah dalalka Afrikaanka ah ee taageeray cod-bixintan, halka dalalka Senegal, Burkina Faso, Cameroon, Equatorial Guinea, Eswatini and Guinea-Bissau aysan ka qeyb qaadan codeynta.

Qaraarkaan ayaa waxa codeyntiisa isaga aamusay 15 waddan oo kamid ah dalalka Afrika, iyada oo wadamada Eritrea iyo Mali oo keliya ay si toos ah uga soo horjeesteen qaraarkan dhigaya in Ruushka lagu qasbo ka bixitaanka Ukraine, kuwaasi oo ku codeeyay “Maya”.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa si weyn u soo dhaweeyay qaraarkan, kaasi oo uu ku tilmaamay inuu yahay calaamad xooggan oo muujineysa taageerada caalamiga ah.

Dagaalka Ukraine ayaa sanad jirsaday, ayada oo si weyn u saameeyay guud ahaan dunida, gaar ahaanna waddama saboolka ah sida Soomaaliya oo kale oo ku tirsanaa gargaarka caalamiga ah.

Dowladaha reer Galbeedka oo garab istaag u muujiyay xukuumadda Kyiv ayaa siinaya hub casri ah sida; gantaalada lidka taangiyada, qalabka ka hortaga gantaalada iyo waliba gantaalada gaysta burburka badan.

Si kastaba, waxaa muddooyinkii dambe soo baxayay wel-wel la xiriira in dagaalka Ukraine uu isku bedelo mid u dhaxeeya Ruushka iyo NATO, taasi oo keeni karta in Moscow ay weerarto dalal kale oo dhaca qaarada Yurub ah siina ballaarin karta colaadda.

Ciidamada SSC oo sheegay inay qabsadeen saldhigii Somaliland ee Laascaanood

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Waxaa weli magaalada Laascaanood ka socda dagaalka u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC, kaasi oo ay guulo horleh ka sheegteen ciidamada SSC.

Ciidanka SSC ayaa sheegay inay qabsadeen saldhigyo ciidan oo lahaayeen kuwa Somaliland. Saldhigyada ay sheegeen inay ku qabsadeen dagaalka ayaa waxa kamid ah xerada lagu magacaabo Guul-Wade oo saldhig u aheyd ciidamo daacad u ah Sarkaal lagu magacaabo Mahad Cambaashe.

SSC ayaa sheegtay in xeradan ku qabsadeen gaadiid dagaal oo ay ku jiraan Taangiyo, Gaadiid Gaashaaman iyo hub kale, sida ay warbaahinta u sheegeen saraakiil u hadlay SSC.

Sarkaalkan ayaa muddooyinkii dambe taabacsana xukuumadda Somaliland, waxaana la sheegay in uu diiday in SSC uu ku wareejiyo hubkiisa iyo ciidankiisa.

Waxaa lasoo warinaya khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo dhinacyada uu dagaalku ku dhex-maray magaalada Laascaanood, wallow aan illaa hadda si rasmi ah loo xaqiijin maadama uu socdo dagaalka.

Dhinaca kale, Isimida SSC ee ku sugan magaalada Laascaanood ayaa saaka ciidamada Somaliland ku eedeyay inay weerarka soo qaadeen, ayada oo eedaasi ay Somaliland uga jawaabtay war-saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda arrimaha gudaha.

Somaliland ayaa dhankeeda sheegtay in kooxo nabad diid ah iyo argagixiso is-garabsanaya ay weerar kusoo qaadeen fadhiisimida ciidamadeed ee magaalada Laascaanood, iyaga oo isticmaalaya hubka culus noocayadiisa kala duwan.

Xukuumadda ayaa markale ku celisay in ay ilaalineyso xabad-joojintii ay kal hore ku dhawaaqday, islamarkaana ay ciidamadeedu ku jiraan is-difaac, sida lagu yir war-saxaafadeedka.

Si kastaba, Dagaalka maanta socda ayaa ah kii ugu cuslaa ee waayadan dambe ka dhaca Laascaanood, wuxuuna kusii fiday jihooyin cusub, kuwaasi oo ah bariga iyo waqooyiga magaalada.

Hay’ad caalami ah oo Xasan Sheekh u gudbisay dalab ka dhan ah sharciga NISA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa markii u horeysay si adag uga hadashay sharciga hay’adda nabad-sugida iyo sirdoonka qaranka ee NISA, kaasi oo dhawaan uu ansixiyay baarlamaanka, ayada oo ka dalbatay madaxweynaha in uu dib u celiyo sharcigaas.

Human Rights Watch ayaa sheegtay in sharciga NISA uu awood badan siinayo hay’adda, sidaas darteed waxay ugu baaqday dowladda federaalka inay xaddido awooddaha hay’adda nabad-sugida iyo sirdoonka qaranka ee NISA.

Agaasime ku-xigeenka Afrika ee hay’adda Human Rights Watch, Laetitia Bader ayaa waxa uu tilmaamay in sharciga NISA ee la meel-mariyay uu siinayo awoodaha caburinta, xariga iyo daba-galka, sida uu sheegay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxay ka dalbatay in sharcigaas uu dib ugu celiyo baarlamaanka, oo isagu markii hore soo ansixiyay, si dib u eegis loogu sameeyo, maadam ay ku jiraan waxyaabo ka hor-imaanaya xuquuqul insaanka.

“Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waa in uu sharcigan dib ugu soo celiyaa baarlamaanka oo uu ku baaqaa in si adag loo eego si wax looga qabto arrimaha xuquuqul insaanka ka hor imaanaya,” ayay tiri Laetitia Bader.

Human Rights Watch ayaa sheegtay in sharciga NISA ee hay’adda ka dhigaya mid 53 sano kadib sharci rasmi yeelatay, loo isticmaalo karo caburinta mucaaradka siyaasadeed iyo warbaahinta.

“Saaxiibada Soomaaliya ee caalamiga ah waa inay soo gudbiyaan wel-welka ku saabsan sharcigan. Waa inay ku cadaadiyaan dowladda inay dib u habeyn ku sameyso sharciga si loo hubiyo inuu ixtiraamayo xuquuqda dadka, halkii uu fududeyn lahaa xad-gudubyada,” ayaa lagu yiri warbixinta Human Rights Watch.

Human Rights Watch ayaa haatanba ku eedeysay hay’adda NISA inay si bareer ah u xirtay dadka ay u arkaan in ay ka soo horjeedaan iyo weriyeyaasha, kaasi oo ay sheegtay inuu ugu dambeeyay u doodaha xuquuqda saxaafadda Cabdalle Axmed Muumin.

Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee Somali Journalists Syndicate (SJS) Cabdalla Axmed Muumin ayaa maalintii Khamiista waxaa mar kale xiray ciidamada dowladda Soomaaliya.

Qareenkiisa Cabdiraxman Xassan, oo goobjoog ahaa xilliga la xirayay Cabdalla Muumin, ayaa sheegay in markii hore ay u yimaadeen gaashaanle ka tirsan booliska Soomaaliya iyo nin dhar cad oo u sheegay Cabdalla Muumin inuu xiranyahay, xilligaasi oo uu ku sugnaa Hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho.

Dagaal xooggan oo ka socda magaalada Laascaanood

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool waxaa saaka markale ka qarxay dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, dagaalkan oo illaa hadda socda ayaa kusii fiday jihooyin cusub, kuwaasi oo ah bariga iyo waqooyiga magaalada.

Waxaa lasoo warinaya khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo labada dhinac ah, wallow aan illaa hadda si rasmi ah loo xaqiijin maadama uu socdo dagaalka.

Isimida SSC ee ku sugan magaalada Laascaanood ayaa ciidamada Somaliland ku eedeyay inay weerarka soo qaadeen, ayada oo eedaasi ay Somaliland uga jawaabtay war-saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda arrimaha gudaha.

Somaliland ayaa dhankeeda sheegtay in kooxo nabad diid ah iyo argagixiso is-garabsanaya ay weerar kusoo qaadeen fadhiisimida ciidamadeed ee magaalada Laascaanood, iyaga oo isticmaalaya hubka culus noocayadiisa kala duwan.

Xukuumadda ayaa markale ku celisay in ay ilaalineyso xabad-joojintii ay kal hore ku dhawaaqday, islamarkaana ay ciidamadeedu ku jiraan is-difaac, sida lagu yir war-saxaafadeedka.

“Masuuliyada weerarkan waxaa qaadaya kooxaha wejiyada badan ee ay ka mid yihiin kuwa nabad diidka ah iyo Argagixisada oo gabaadka ka dhiganaya shacabka iyo magaalada Laascaanood.”

Wixii ka soo kordha kala soco Caasimada Online

Yaa kusoo baxay kursigii loo diiday FAHAD? + Sawirro

0

Muqdisho (Caaasimada Online) – Guddiga KMG ah ee doorashada kuraasta ka bannaan Golaha Shacabka ayaa maanta qabtay doorashada kursiga HOP#086, kaas oo horay loogu diiday taliyihii hore ee Nabad Sugidda Fahad Yaasiin, kadib markii la laalay doorashadiisa.

Doorashada kursigan oo ay deegaan doorashadiisu aheyd Beledweyne ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho oo haatan si KMG ah loogu soo wareejiyay.

Laba musharrax oo kaliya ayaa isku diiwaan-geliyay tartanka kursigan, kadib markii ay musharrxiinta kale ka biyo diideen doorashada, kuwaas oo cabasho ka keenya hannaanka loo maamulayo.

Musharixiinta tegay hoolka doorashada ayaa kala ahaa Dr. Maxamed Sheekh Axmed Maxamed iyo Cabdirisaaq Bukhaari Axmed, sida uu shaaciyay guddiga doorashada.

“Kursiga tirsigiisu yahay GSH#086 oo doorashadiisu ka qabsoontay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku tartamayay labada murashax ee kala ah Cabdirisaaq Bukhaari Axmed iyo Dr. Maxamed Sheikh Axmed Maxamed,” ayaa lagu yiri qoraa kasoo baxay guddiga.

Inta uusan bilaaban tartanka ayaa waxaa tanaasulay Cabdirisaaq Bukhaari Axmed, waxaana kadib codeyn gacan taag ah loo qaaday musharixii kale oo soo baxay.

Dr. Maxamed Sheekh Axmed Maxamed ayaa helay 98 cod, wuxuuna sidaas ku noqday xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka, isaga ooo ku soo baxay kursigii Fahad Yaasiin.

“Wadarta Ergada soo xaadirtay kooramka ayaa ahayd 98. Codaynta Doorashada markii la gudogalay ayaa waxaa tanaasulay Cabdirisaaq Bukhaari Axmed, sidaasna waxaa gacantaag loogu codeeyay Maxamed Sheikh Axmed Maxamed. 98 ayaa tiri HAA, mana jirin wax diiday ama ka aamusay. Sidaas ayuu Dr. Maxamed Sheikh Axmed Maxamed ku helay 98 cod oo kamid ah tirada ergada ee kooramka fadhiday, kuna noqday Guulaystaha Kursiga tirsigiisu yahay GSH#086. Waxaan Dr. Maxamed Eebbe uga baryaynaa inuu ku asturo xilka culus ee loo doortay,’ ayaa lagu yiri natiijada uu shaaciyay guddiga qabtay doorashada kursigaas.

Si kastaba, waa kursigii saddexaad ee doorashadiisa la qabanayo, waxaana ka horreeyay oo horay loo soo buuxiyay kuraastii ay banneeyeen ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre iyo Taliyaha Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Mahad Maxamed Salaad.

DF oo guraneysa mirihii ay beeratay ee maamul xumo

0

Waxaa billaabatay gurashada mirihii laga dhaxlay magacaabista xilalka, oo ay dowladdu ku saleysay daacadnimo shakhsiyadeed, balse aan lagu saleyn aqoon, karti, waxqabad iyo awood hoggaamineed.  

Waxaa maalmahan la arkayey isku dhex yaac maamul, eexo magacaabiseed iyo muuqaallo cabsi leh oo kasoo muuqday dowladnimada iyo baahiyaha faraha badan ee loo qabo dowlad wax ka beddeli karta xaaladaha murugsan ee dalka ka jira. 

Musuq-maasuqa: Qeexidda musuq-maasuqa ayaa Soomaalida inta badan waxay ka haysataa mid aan sax ahayn, oo waxay u taaqaannaa lacago la xaday ama si khaldan la isu weydaarsaday, laakiin musuq-maasuqa intaas waa ka weyn yahay.  

Qeexidda musuq-maasuqa mid mid ahi waxay leedahay: Musuq-maasuqu waa nooc ka mid ah daacad-darro ama fal-dambiyeed uu ku kaco qof ama hay’ad loo dhiibo mansab, si uu u helo faa’iidooyin xaaraan ah ama ku takri-fala awoodda, islamarkaana dano gaar ahaaneed u adeegsada.

Haddaba adiga oo qeexiddaan ka duulaya waxaad eegtaa wixii dhacayey toddobaadyadan.

Waraaqo isburinaya oo ay wasiiro soo kala saarayeen; Guddoomiyihhi maamulka Gobolka Banaadir oo hanti umaddeed inta xoog ku qaatay kadibna dhegta dhiigga u daray, taliyaha NISA oo xilalkii hay’ad loo sharciyeeyey hadda inay dadka sidey rabto ka yeesho ku taxay caruur iyo mas’uuliyiin reerkiisa ah, iyo baarlamaanno aan fahamsaneyn inay dowladda ka mid yihiin oo ay mas’uuliyada ka saaran tahay.

Waxa ay hay’adaha dowladda walaaqayaan ayaa ahaa wararka xiisaha leh ee labadii toddobaad ee tagtay ee bal saar qeedxidda musuq-maasuaqa ee sare. 

Magacaabista jagooyin, ka aamusidda ku takri-falalka awoodda xafiisyada, isburrinta wasiirada iyo wasaaradaha laftooda waa musuq-maasuq ay ogoshahay cidda awoodda u leh oo ku daawaneysa tallaabana aan ka qaadeyn.

Khalad kastaa waa inuu meel yeeshaa, oo uu qof ku muteystaa ciqaabta u qalanta, haddii ay tahay luminta jagada, magdhow dhaqaale ama xabsi si looga gooyo falalkii uu ku kacay ee baal marsanaa sharciga, iyadoo madaxdana ay tahay in mas’uuliyaddooda ay qaataan, oo haddii dhibta aysan waxba ka qaban karin iska tagaan. 

Dalka waxaa dhibweyn ku haya waa:

1- In si musuq-maasuq ah jagooyinka loo magacaabo, iyadoon loo eegin aqoonta iyo hoggaaminta qofka la magacaabayo, sida xilalka aysan qaadi karin, iyagana sii magacaaba qaraabo iyo kuwa iyaga ka sii liita. 

2- Si musuq-maasuq ah hay’ado ama shirkado loogu xero qandaraasyo aysan tartan furan ku helin, hawshiina aysan fulin oo dhaqaale laga gurto.

3- In si musuq-maasuq ah loo siiyo qandaraasyo hay’ado hoose oo heshiis lagula galo saaxibtinimo iyo qaraabanimo ama saami lagu darsado.

4- In si musuq-maasuq ah aan loo dabagalin fulinta hawlaha dowladda, aqoondarri ama rabitaan la’aan midda ay doonto ha noqotee.

Hadal iyo dhammaantii xataa dagaalkii Al-Shabaab waa joogsaday, oo waxaa muuqata habacsanaan soo kordheysa oo keeneysa inay dib u qabsadaan meelo horay looga saaray.

Madaxdweynaha dalka iyo golihiisa fulinta waxaa laga rabaa inay dalka qaabka uu hadda ku socdo oo u muuqata naasnuujin ay u beddalaan mid ku dhisan aqoon, waxqabad iyo isla xisaabtan ku dhisan wax soo saar (maxsuul), shaqadana ka qaadaan wasiiradda, agaasimayasha iyo maareeyayaasha fadhiidka ah ee ay ku yimid u daacadsanaanta madaxda.

W/Q: Cumar Niagra – Muqdisisho
[email protected]

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid.

Buuq xooggan oo hareeyay kulankii barlamanka + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Buuq xoogan ayaa maanta hareeyay kulan haatan xildhibaanada Golaha Shacabka uga socdo xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho, kaas oo saameyn ku yeeshay furitaanka fadhiga maanta ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Buuqa ayaa waxaa sameeyay xildhibaan gabdho u badan oo ku jira Golaha Shacabka, kuwaas oo buuq ka dhex sameeyay gudaha xarunta, kahor inta uusan bilaaban shirka.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, buuqa ayaa ka dhashay arrin la xiriirta amniga, kadib markii uu soo baxay amar lagu baarayo xildhibaanada galaya gudaha xarunta.

Arrintaan ayaa saameyn ku yeelatay xildhibaanada Baarlamaanka, gaar ahana kuwa dumarka, maadaama la amray in wixii alaab ah oo ay wataan sida shandada inay soo marsiiyaan qolada baaritaanka kahor inta aysan imaan hoolka Golaha Shacabka.

Xildhibaano badan oo la kulmay dhacdadan ayaa marka ay soo galeen hoolka shirka ka horyimid in kulanka uu furmo, ayaga oo dalbaday in lala xisaabtamo ciddii bixisay amarka.

“Waxaan rabnaa inaan ogaano cidda bixisay amarka ah in la baaro boorsooyinka dumarka xildhibaanada ah, saaka waa nagula xad-gudbay” ayey tiri Xildhibaan Faa’isa.

Muuqaal ay heshay warbaahinta ayaa muujinaya haween badan oo xildhibaano ah oo taagan masraxa iyo guddoonka hortiisa, kuwaas oo si caro leh uga hadlay arrintan.

Dhinaca kale hab-dhowraha Golaha Shacabka, Xildhibaan Maxamed Cabdulaahi Xasan (Nuux) oo ugu dambeyn arrintan soo farageliyay ayaa sharraxay, sida ay wax u jiraan.

Nuux ayaa shaaca ka qaaday in aan si gaar ah loo bartilmaameedsan gabdhaha ku jira Baarlamanka, wuxuuna sheegay in kaliya ay tahay in wixii qalab ah lasoo marsiiyo amniga.

“Muhiimadda ugu badan waxa ay aheyd hal arrin oo ku saabsaneyd in qofkii golaha imaanaya dumar kaliya ma aheyn wax quseeya ma jirin wax u gooni ah gabdhaha oo baaritaan ah,” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cabdulaahi Xasan (Nuux).

Waxa kale oo uu intaasi kusii daray “Muhiimaddu waxa ay aheyd qofkii wata qalab ama shandad weyn inuu tuso qolada iskaanka oo uu yiraahdo ila fiiriya,”.

Ugu dmabeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in aysan habooneyn in Baarlamaanka laga kiciyo xasarad, isla-markaana uu xildhibaanka xaq u leeyahay inuu cabashadiisa soo gudbiyo, kadibna ayaga oo kaashanaya guddoonka sare ay wax ka qaban doonaan arrintaasi.

“Baarlamaanku kolka uu arko cilad ama waa inuu yiraahdo sidaasi ma haboona annaguna sidii aan habooneyn waan ka leexaneynaa waana la fal-galeynaa, ayada oo aan laheyn xasarad iyo dhawaaq,” ayuu ku soo gabagabeeyay hab-dhwworaha Golaha Shacabka.

Daawo: Koox ciyaal weero ah oo wiil 12 sano jir ahaa maanta ku dilay magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil ay koox ciyaal weero ah xalay ka geysatay qaybo ka mid ah gudaha degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, taas oo dhalisay walaac aad u xoogan oo soo wajahay dadka deegaanka

Kooxda ciyaal weerarada ah oo ku hubeysanaa mindiyo ayaa wiil dhalinyaro ahaa oo lagu magacaabi jiray Cabdirisaaq Abuukar Fiidow waxa ay ku dileen xaafadda Siliga ee Towfiiq oo ka tirsan degmadaasi, waxaana marxuumka da’diisa lagu sheegay 12 sanno jir.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in wiilka yar lagu dhuftay illaa 7 mindi, kadibna uu u geeriyooday dhiig bax, ayada oo ciyaal weerarada geysatay falkan ay baxsadeen.

“Canuga ciyaal weero ayaa dishay meeshaas ayey ku heleen, waa laga kala orday way jiiteen dar xumo ayey u dileen,” ayey tiri haweeney kamid ah dadka deegaanka.

Sidoo kale maydka marxuum Cabdirisaaq ayaa waxaa la geeyay xarunta laanta dambi baarista ee CID-da, su baaritaan lagu sameeyo dhacdadaan.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka degmada iyo saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dhacdadaasi xanuunka badan.

Yaaqshiid ayaa kamid ah degmooyinka ay ku badan yihiin kooxaha ciyaal weerada ee haatan dhibaatada ku haya shacabka ku dhaqan magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Dilkan ayaa kusoo aadayo, xilli Al-Shabaab ay shalay ku dhawaaqday in Muqdisho ay ka bilaabeyso howlgal ka dhan ah ciyaal weerada, kadib cabasho ay sheegteen inay uga timid dadka shacabka, waxayna fartay dagaalyahanadeeda inay beegsadaaan kooxahaasi.

Ciyaal weerada ayaa haatan u muuqda inay markale kusoo laba kacleeyee Muqdisho, waxaana dhibaatooyinka ugu badan hadda laga soo warinayaa waqooyiga caasimada.

Si kastaba, dhibaatooyinkan ayaa ah kuwa soo noq-noqday, ayada ciidamada ammaanka oo wada howlgallo culus ay maara la’yihiin wax ka qabashada amniga iyo ciyaal weerada.

Askar Kenyan ah oo QARAX lagu dilay iyo qaar la la’yahay

0

Nairobi (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Kenya maanta lagula eegtay qaybo kamid ah gobolka Waqooyi Bare ee dalkaasi, kaas oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca miinada dhulka lagu aaso ayaa haleeyay baabuur ay la socdeen afar askar oo ka tirsan Booliska Kenya oo xilligaas marayey waddada xiriirisa  Gaarisa iyo xeryaha Qaxootiga Dhahaab, sida ay sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa kadib ay rasaas xoogan fureen ciidamada Kenya, gaar ahaan kuwa Booliska ee ku sugan xadka Soomaaliya.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxan ku dhintay ugu yaraan la askari, halka labad kalena la la’yahay, halka cirib iyo jaan ay dhigeen qaraxa kadib.

George Seda, oo taliyaha ciidanka Booliska ee gobolka Waqooyi Bari, ayaa xaqiijiyay jiritaanka weerarkan, wuxuuna ku eedeeyay kooxda Al-Shabaab.

Taliyaha ayaa intaasi ku daray in haatan ay wadaan howlgallo balaaran, isla-markaana ay baadi goobayaan labada askari ee la waayey wuxuuna sheegay in qaraxa lagula beegsaday deegaan lagu magacaabo Hagarbul oo ku yaal inta u dhaxeysa Xerada Dhabaab & Gaarisa

Weerarkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo maalmo kahor qarax ka dhacay isla waddadaan lagu dilay saddex askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda Kenya.

Waxaa sidoo kale ka horreeyay qarax kale oo ka dhacay isla duleedka Gaarisa, kaas oo isna lagu dilay 4 qof oo ay ku jireen injineero ka tirsanaa maamulka Wadooyinka Kenya.

Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka fulisa gudaha Kenya, waxaana khasaaraha ugu badan uu kasoo gaaraa ciidamada ammaanka ee dalkaasi

IGAD oo shaacisay XAALAD adag oo kusoo wajahan dalal Soomaaliya ay ku jirto

0

Nairobi (Caasimada Online) – Urur goboleedka IGAD ayaa shaaciyay in dalal ay ku jirto Soomaaliya ay ka dhici doonto roob yari baahsan, taasi oo ay sheegtay saadaasha cimilada IGAD in laga sii taxadaro.

Shir kusoo geba-gaboobay magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo looga hadlayay afartii maalmood ee lasoo dhaafay arrimaha isbadalka cimilada waxa lagu gorfeeyay arimaha isbadalka cimilada iyo saameynta ka dhalan karta.

Shirkaaas oo ay ka qeyb galeen quburo kala duwan oo ka kala timid inta badan dalalka Caalamka oo qeyb ka ahayd dowladda Soomaaliya ayaa waxa lagu sheegay in dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Kenya ay ka dhici doonto xaalad roob yaraan ah, sidaas darteed loo baahan yahay in laga sii taxadaro xaaladaha nololeed ee ka dhalan kara roob yaraanta la saadaalinayo.

Saadaasha cimilada ee IGAD ayaa waxay sheegaysa in bilaha March, April iyo May ee sanadkaan 2023-ka in roobabka la filayo ay ka yaraan karaan boqolkiiba lixdan.

Masuuliyiinta ka socotay dowladda Soomaaliya ee qeybta ka ahaa shirkaan ayaa sheegay inay arrintaan sii adkeyn karto abaaraha haatan ka jira inta badan gobolada dalka Soomaaliya.

Saadasha IGAD ayaa imaneysa, iyada oo abaarta ka jirta Soomaaliya ay gaartay heerkii ugu sareeyay dhowrkii sano ee lasoo dhaafay, taasi oo saameynta ugu daran ee abaarta ay ku yeelatay dadka xoola dhaqatada iyo beeraleyda ah.

Si kastaba, arrintaan ayaa waxay uga sii dari doonta xaaladda Soomaaliya oo dhowrkii sano ee lasoo dhaafay shacabka Soomaaliyeed ay la daala-dhacayeen xaalado nololeed oo is biirsaday oo ka dhashay roobabkii Gu’ga iyo Deyrta oo xiliyadii la filanaayay aan ka da’in gudaha dalka.

Tartanka hubka nukliyeerka oo laga cabsi qabo inuu mar kale dib uga curto dunida

0

London (Caasimada Online) – Waxaa jirta cabsi badan oo laga qabo tartan dhinaca hubka nukliyeerka ah oo caalami ah, kadib markii madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu ku dhawaaqay toddobaadkan inuu joojinayo heshiiskii u dhexeeyey iyaga iyo Mareykanka.

Heshiiskan uu joojinayo Ruushka ayaa ku aaddanaa xakamaynta hubka nukliyeerka iyo iska warhaynta labada dal, heshiiskaas oo lagu magcaabo the New START. Heshiiskan ayaa xadidaya tirada madaxyada hubka nukliyeerka ee ay haystaan Ruushka iyo Mareykanku.

Heshiiskan oo magaciisa rasmiga ahi yahay, New Strategic Arms Reduction Treaty, ama heshiiska cusub ee si qorshaysan hoos loogu dhigayo hubka, ayay kala saxeexdeen madaxweynihii hore ee Mareykanka Brack Obama iyo madaxweynihii Ruushka ee xilligaas, Dmitry Medvedev.

Heshiiskan hubka nukliyeerka ayaa ah kan keliya ee sii hadhsanaa ee u dhexeeyay Mareykanka iyo Ruushka.

Madaxweyne Putin ayaa Salaasadii ku dhawaaqay inuu hakinayo ka qaybgalka heshiiskaas ee Ruushka, isaga oo ku doodaya in heshiiskaasi uu yahay “mid aan macquul ahayn” inuu sii shaqeeyo, xilli ay NATO caawinayso Ukraine si ay ula dagaalamaan Ruushka.

Madawxweyne Putin ayaa sheegay inuu ku amray saldhigyadiisa hubka nukliyeerku inay heegan galaan. Putin oo habeenimadii Khamiista khudbad jeediyey ayaa sidoo kale waxa uu ballan-qaaday inuu lacago badan gelin doono horumarinta hubka nukliyeerka ee dalka Ruushka.

Ruushka iyo Mareykanka ayaa leh 90% hubka nukliyeerka ee dunida yaalla. Sidaas awgeed ayaa heshiiskan la magac baxay the New START wuxuu xaddidayaa in labada dal ay haysan karaan illaa 1,550 madax oo hubka nukliyeerka ah iyo in labada dal uu midba kan kale uu kormeer ku sameeyo xarumihiisa hubka nukliyeerka, 18 jeer sannadkii.

Kormeerkan ayaa la hakiyey muddo 3 sannadood ah, xilligii uu dilaacay xanuunka COVID19, illaa haatanna dib looma dhaqan-gelin. Washington ayaa ku eedaysay Moscow inay ka masuul tahay dib-u-dhaca.

Somalia: US urges ceasefire in LasAnod

0

Hargeisa (Caasimada Online) – The United States has called for an immediate and unconditional ceasefire in the northern town of LasAnod in Somalia after a delegation led by Chargé d’Affaires Tim Trenkle arrived in the Somaliland capital of Hargeisa. 

The delegation held a series of political and civil society discussions, where they met with Somaliland President Muse Bihi Abdi to discuss the violence in LasAnod.  

The United States embassy in Somalia released a statement saying, “The United States joins the international community in calling for an immediate, unconditional ceasefire and unhindered humanitarian access.”  

The situation in LasAnod, Somalia

The fighting in LasAnod has been ongoing for the past three weeks, resulting in over 100 deaths, including women and children, according to the director of the main hospital in the contested town of Las Anod.  

Ahmed Mohamed Hassan stated on Thursday that the hospital had received 560 wounded individuals as well.  

However, a senior clan chief, Garaad Jama Garaad Ali, claimed on Wednesday that the death toll was higher, with 150 people killed and 500 wounded.

The situation remains volatile, and the number of casualties is expected to rise if the conflict persists. 

The violence started after a group of traditional leaders declared that they would no longer recognize the Somaliland government and declared the territory of the Sool and Sanaag region to be ruled by Mogadishu.  

US Chargé d’Affaires for Somalia, Tim Trenkle with Somaliland President in Hargeisa.

The call for a ceasefire 

The United States embassy in Somalia released a statement calling for an immediate, unconditional ceasefire and unhindered humanitarian access. 

The Bureau of African Affairs of the US State Department has also condemned the continued indiscriminate attacks that have killed scores of civilians in LasAnod and driven more than 185,000 people from their homes.  

“The United States condemns the continued indiscriminate attacks that have killed scores of civilians in LasAnod and driven more than 185,000 people from their homes. The violence must end, and those responsible must be held accountable,” it tweeted. 

Calls for investigation 

The fighting in LasAnod has uprooted more than 185,000 people from their homes, with aid workers struggling to respond to the situation due to inadequate resources. 

Women and children accounted for an estimated 89 percent of the displaced population, seeking shelter under trees or inside schools, which have been forced to shut.

More than 60,000 others have fled to Ethiopia’s Somali region to escape the violence, according to the UN’s refugee agency. 

UN rights chief Volker Turk this month called on authorities to conduct a “credible and impartial investigation” into the clashes and warned that they compounded the already fragile humanitarian situation in the region.

Somalia: UN concerned over civilian casualties

0

New York (Caasimada Online) – The ongoing clashes in LasAnod, Sool region in Somalia, have resulted in a dire humanitarian situation, with over 185,000 people displaced, according to an inter-agency assessment mission conducted by humanitarian partners.  

The UN’s Independent Expert on Human Rights in Somalia, Isha Dyfan, has voiced her deep concern over the number of civilian casualties resulting from these clashes. 

Ms. Dyfan has expressed alarm at the indiscriminate and deliberate attacks against civilians and civilian infrastructure, resulting in the deaths of at least 63 people and over 363 injured. 

She has called for those responsible to be held accountable and for impartial, effective, and independent investigations to be conducted into the deaths and injuries.  

The responsibility of all parties in Somalia

Ms. Dyfan has called on all parties involved in the clashes to respect their obligations under international law, particularly regarding protecting civilians.  

She has urged them to agree to an immediate cessation of hostilities and to resolve their disputes through dialogue. 

The UN expert stressed that failure to do so would be equivalent to denying access to justice and perpetuating impunity.

The responsibility of all parties involved in the clashes is to prioritize protecting civilians and respect their obligations under international law. 

Dire humanitarian situation in Somalia

The ongoing clashes in LasAnod, Sool region, have resulted in a dire humanitarian situation, with over 185,000 people displaced, and women and children accounting for 89% of the figure, according to an inter-agency assessment mission conducted by humanitarian partners. 

The situation will likely worsen if the clashes continue, exacerbating the plight of those affected by the violence. 

Ms. Dyfan has reiterated the call made by international partners for unhindered humanitarian access to urgently address the needs of those displaced and impacted by the violence.  

Providing humanitarian assistance is a fundamental right and an essential element of protecting civilians in armed conflicts.

The lack of access to humanitarian aid can exacerbate the already dire humanitarian situation, leading to further suffering and loss of life. 

The Role of Independent Experts

Ms. Dyfan is part of the Special Procedures of the Human Rights Council, the largest body of independent UN Human Rights system experts.  

The independent experts work voluntarily and are independent of any government or organization.

Their role is to address either specific country situations or thematic issues in all parts of the world, and they do not receive a salary for their work.

Independent experts play a critical role in monitoring and reporting human rights violations and providing recommendations to address them.

Ms. Dyfan’s experience in human rights

Ms. Dyfan brings extensive experience in the field of human rights, having served as the Chief of the Human Rights Section in the UN Hybrid Operation in Darfur, Sudan (UNAMID) for four and a half years before retiring at the level of director.  

She studied History and Law in Sierra Leone and the UK. Ms. Dyfan was appointed the Independent Expert on Human Rights in Somalia by the Human Rights Council in May 2020. 

Mareykanka oo shaaciyey in lala xisaabtamayo cidda mas’uulka ka ah shacabka lagu dilay Laascaanood

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in lala xisaabtami doona kuwa mas’uulka ka dadka shacabka ah ee lagu dilay magaalada Laascaanood oo saddex toddobaad uu dagaal ka socdo. 

Dagaalka oo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo shacabka magaalada oo kasoo horjeeda joogitaankooda ayaa waxaa illaa hadda la xaqiijiyey inay ku dhinteen 96 qof, ayada oo in ka badan 500 ay ku dhaawacmeen.  

“Dowladda Mareykanka waxay cambaareyneysaa sii socoshada weerarada aan kala sooca laheyn oo daraasiin shacab ah ku dilay Laascaanood, islamarkaana in ka badan 185,000 oo qof ka barakiciyey guryahooda,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska arrimaha Afrika ee wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka. 

Qoraalka ayaa intaas ku daray “Rabshadaha waa in la joojiyaa, islamarkaana kuwa mas’uulka ka ah lala xisaabtamaa.” 

Maamulka Somaliland ayaa horey loogu eedeeyey inay madaafiic ku garaacayaan goobaha shacabka ee magaalada, kuwaasi oo dad badan oo rayid ah ay ku dhinteen. Somaliland waa ay beenisay eedeymahaas.

Dowladda Mareykanka ayaa waxay Somaliland ku cadaadineysa in ay ka dhabeyso xabad joojintii ay kal hore ku dhawaaqday, islamarkaana xiisadda taagan xal looga gaaro miiska wada-hadalka.

Safiir ku-xigeenka Mareykanka ee Soomaaliya oo booqasho aan hore loo sii shaacin ku tegay magaalada Hargeysa ayaa waxa uu shalay madaxtooyada Somaliland kulan kula yeeshay madaxweyne Muuse Biixi.

“Waxaanu madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ka wada-hadalnay khasaaraha nafeed ee naxdinta leh iyo qalalaasaha Laascaanood, Mareykanku wuxuu beesha caalamka kala mid yahay in la sameeyo xabad joojin bilaa shuruuda, iyo gargaar aadaminimo oo aan la carqaladayn,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho.

Somaliland oo iyaduna qoraal kasoo saartay kulanka Muuse Biixi iyo Amb. Tim Trenkle ayaa waxa lagu sheegay in kulankaasi uu ku dhammaaday is afgarad buuxa.

Xukuumadda Somalinad ayaa hore u sheegtay dhankeeda inay diyaar u tahay in miiska wada-hadalka xal looga gaaro xiisadda dagaal ee Laascaanood, taasi oo timid kadib cadaadisyo horleh oo beesha caalamka ku saareen dagaalka socda.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in uu ergo dhaqameed u dirayo gobolka Sool, si ay ula soo fariistan Isimida ku sugan Laascaanood, wallow ay arrintaas ku gacan sayreen garaadada SSC oo ayagu sheegay in aysan jirin cid xiriir kala soo sameysay wada-hadal iyo waan-waan laga galayo xiisadda taagan.

DF iyo Al-Shabaab oo ka mideysan dagaalka cadow kale

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab iyo Dowladda Soomaaliya waxay wadagaan hal cadow oo la dagaalankiisa ay ka siman yihiin, cadowgaas waa ururka Daacish ee ka dagaalama qeyb ka mid ah Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa ku dila meeshii ay ku arkaan xubin ka tirsan Daacish-ta ka dagaalanta Soomaaliya. Puntland oo garab ka helaysa ciidamada Maraykanka ayaa marar badan Daacish kula dagaalantay qeybo ka mid ah gobolka Bari.

Inkastoo Daacish aysan ku awood badneyn koonfurta Soomaaliya ku laheyn, hadana waxay xarumo la ogyahay ku leeyihiin buuraha Calmis ee gobolka Bari oo Puntland ay ka arrimiso.

Sanadkii 2015-kii ayaa kooxdaan faraceeda laga aas-aasay Soomaaliya, islamarkii laga yagleelay Soomaaliya, waxay billaabeen howlgalladoodii ugu horreeyay, markaas ayaa lagu baraarugay halista kooxda.

Sida ay xustay taariikhdu, Waxaa ururkaan oo mararka qaar lagu magacaabo Abnaa ul-Khilaafa (wiilasha Khilaafa) la aasaasay dabayaaqadii 2015, waxaana urur weynaha Daacish uu aqoonsaday December 2017-kii, markaas oo loo bixiyay magaca “Wilaayada Soomaaliya.”

Dagaallamayaasha u diyaarsan ururka Daacish faraciisa Soomaaliya waxaa lagu qiyaasay ilaa 300 oo askari oo rag badan, dagaalyahanada kooxdaan badankood horay waxay uga tirsanaayeen ururka Al-Shabaab.

Kooxda Al-Shabaab oo diidan jiritaanka Daacish-ta Soomaaliya ayaa markiiba bilowday inay aragti ku dilaan xubnaha ku jira Daacish iyo qof kasta oo ay uga shakiyaan inay ku biiri rabto, gaar ahaan dagaalyahanadii Al-Shabaab ee doonayey inay ku biiraan Daacish.

Kooxda Daacish bilowgeedii Soomaaliya waxaa soo hoggaamiyay nin lagu magacaabo Cabdulqaadir Muumin oo Maraykanku markii dambe uu ka saaray liiska madow ee la cunaqabateeyey, lana doon-doonayo bishii August ee sanadkii 2016-kii, Muumin waxaa markii dambe deganaasho laga siiyey dalka Qatar.

Inta badan Puntland dagaal toos ah kuma qaado Daacish-ta ku jirta buuraha gobolka Bari, balse Mareykanka duqeyn ku bilaabay bishii November 2017-kii, taas oo ugu dambeyntii sababtay in Mareykanku dilo hoggaamiyihii ugu sareeyey Bilaal Al-Sudani.

Dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab ayaa kooxda Daacish si isku mid ah uga ugaarsada koonfurta dalka, taas oo u suurta geli weysay inay dagaalyahano ka qortaan oo awood ku yeeshaan koonfurta Soomaaliya.

Maxaa wareejinta deegaan doorashada kursigii loo diiday Fahad Yaasin ka dhalan kara?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – 275-ta kursi ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya in kursi walba loo asteeyo deegaan doorasho gaar ah waa turjumida qabiil walba iyo halka uu dego deegaan ahaan, degmo ahaan ama gobol ahaan.

2021-kii kursiga HOP#124 ayaa la isku dayay in laga wareejiyo deegaan doorashadiisa magaalada Kismaayo, iyada oo la eegay danta shaqsiga ah ee xildhibaankii ku fadhiyay oo ahaa Cabdiraxmaan Dheere, kaas oo aaminsanaa in Axmed Madoobe kursi soo siineyn.

Gobolka Gedo ayaa lagu qoray xilligii lagu jiray asteynta kuraasta. Waxaa ka dhashay buuq xoog leh, beesha leh kursigaas waxgaradkooda, dhaqalinyaradooda iyo siyaasiyiintooda waxay tallaabadaasi ku tilmaameen raad-tir lagu sameynayo deegaan ahaanshahooda gobollada Jubbooyinka.

Diidmadii ugu adkeyd ayay kala hor-tageen, qaar ayaa ku tilmaamay isir sifeyn. Ugu dambeyn kursigii waxaa lagu soo celiyay magaalada Kismaayo, halkaas oo lagu doortay horraantii 2022.

Xaallad middaan lamid ah waxaa hadda ku sugan kursiga HOP#086. Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Soomaaliya ee uu dhawaan magacaabay ra’iisul wasaare Xamza, kuwaas oo shaqadooda ay tahay inay qabtaan doorashada kuraasta banaan ee Golaha Shacabka ayaa habeen hore ku dhawaaqay in magaalada Muqdisho loo soo wareejiyay doorashada kursiga HOP#086.

Deegaan doorashada kursigan waxay aheyd magaalada Beledweyne. In kursigaan laga soo wareejiyo deegaan doorashadiisa waxay dadka qaarkii ku tilmaamayaan baneynta in berri meeshii la rabo la iska geysan karo kursigaan.

Sidoo kale waxay tallaabadan dhaawac mustaqbalka ah ku noqon kartaa metalaadda ay beeshan ku leedahay gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya, xilli loo socdo in dalka u gudbo wax ku qeybsiga gobollo iyo degmooyin.

Iyada oo ay muuqato in kursiga HOP#086 loo boobayo musharaxa ay dowladda wadato ee Dr Maxamed Xaaji, haddana in dad dhan metalaadooddii deegaan loo burburiyo damac hal qof waa diiwaan aad u foolxun oo berri si taban u saameyn doona qofkii arrintaas ka dambeeyay.

Waxaa kale oo su’aal ah cidda berri xal sahlan u haysa haddii ay tallaabadan toos u wiiqdo metelaadda beeshan ee magaalada Beledweyne iyo guud ahaan gobolka Hiiraan.

Damaca noocaan ah waxa laga faa’iido karo waxa ka badan waxa uu si guud iyo si gaar ah-ba ugu dhimi karo dadka hadda ka shaqeynaya iyo guud ahaan beesha, ayay leeyihiin xubno beesha kursigaan leh ka tirsan oo aan la hadalnay.

Musharaxiinta u taagan kursigan marka laga reebo musharaxa ay dowladda wadato ayaa si weyn u cambaareeyay dhaawaca loo geystay asalka deegaan doorashada beesha iska leh kursiga HOP#086.

Sida uu sheegay guddiga KMG ah ee doorashooyinka waxaa kursigaan doorashadiisa la qabanaya 25-ka bishaan. Musharaxiinta u taagan kursigan waxay sheegeen in aanay ka hari doonin dhaqanka boobka ah ee loo geysanayo kursigaan.

Nearly 100 killed in three weeks of fighting in LasAnod

0

LAsAnod (Caasimada Online) – The conflict between security forces and clan members in the Somaliland region of Somalia has claimed the lives of at least 96 people in the past two weeks, as reported by the director of the main hospital in LasAnod.

The hospital has also treated 560 wounded individuals. The senior clan chief had earlier claimed that the number of dead was 150, with 500 injured.

Somaliland declared independence from Somalia in 1991 but has not been acknowledged internationally.

Despite being perceived as a stable region in an otherwise tumultuous area, Somaliland has recently seen a surge in political tensions. The unrest has caused violence between government forces and pro-Somalia militias, resulting in the current conflict.

The fighting began on February 6 in LasAnod, a town that both Somaliland and Puntland, a semi-autonomous state of northeastern Somalia, claim.

The UN reports that more than 185,000 individuals have been displaced due to the violence.

On Thursday, eyewitnesses and clan leaders reported heavy fighting in LasAnod, with the town being bombarded by artillery and mortar shells. Hospitals have also been targeted, with the main hospital in LasAnod sustaining severe damage.

Women and children comprise an estimated 89% of the displaced population, with many forced to seek shelter under trees or inside schools that have been forced to shut.

The UN’s refugee agency also revealed that over 60,000 individuals have fled to Ethiopia’s Somali region to escape the violence.

In response to the situation, the UN has called on authorities to conduct a “credible and impartial investigation” into the clashes, warning that the humanitarian crisis in the region is already fragile.

Somaliland, with a population of 4.5 million, is a former British protectorate that prints its own currency issues its own passports, and elects its own government.

However, the lack of international recognition has left it impoverished and isolated. Despite this, it has been comparatively more stable than Somalia, which has been marred by civil war and Islamist insurgency for several decades.

Dhimashada dagaalka Laascaanood oo gaartay 96

Laascaanood (Caasimada Online) – Ugu yaraan 96 qof ayaa ku dhintay in ka badan laba toddobaad oo iska hor-imaadyo u dhexeeyay ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka magaalada Laascaanood, sida uu sheegay agaasimaha Isbitaalka Laascaanood.

“Waxaan haynaa 96 dhimasho ah iyo 560 dhaawac ah,” ayuu Axmed Maxamed Xasan, oo ah maamulaha Isbitaalka weyn ee magaalada Laascaanood khadka telefoonka ugu sheegay wakaaladda wararka ee AFP.

Garaad Jaamac Garaad Cali, oo ah hoggaamiye beeleed caan ah, ayaa Arbacadii sheegay in 150 qof la dilay, 500 oo kalena lagu dhaawacay dagaalka Laascaanood.

Si kastaba ha ahaatee, bilihii ugu dambeeyay waxaa cirka isku shareeray xiisado siyaasadeed oo sababay rabshado ay ka dhasheen dhimasho iyo dhaawac.

Xafiiska QM ee Isku Xirka Arrimaha Bani’aadannimada (OCHA), ayaa sheegay in 185,000 oo qof ay ka barakaceen magaalada Laascaanood. 

Bayaan kasoo baxay xafiiska OCHA ee Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay in weli ay jiraan warbixino ku saabsan dagaallo socda inkasta oo xabad-joojin lagu dhowaaqay.

“In ka badan 185,000 oo qof ayaa la barakiciyey,” ayaa lagu yiri bayaanka, ayada oo shaqaalaha gargaarka ay la xarbinayaan inay ka jawaabaan xaaladda sababo la xiriira agabka oo aan ku filneyn.

Sida ay sheegtay OCHA, haweenka iyo caruurta ayaa ah 89 boqolkiiba shacabka la barakiciyey, ayada oo in badan ay gabbaad ka raadiyeen geedaha iyo iskuullada u xirmay dagaalka dartiis.

Ka sokow in tobanaan kun oo qof ay ku barakaceen gudaha Somaliland, in ka badan 60,000 oo qof ayaa u qaxay gobolka Soomaalida ee Itoobiya si ay uga baxsadaan rabshadaha, waxaa sidaas sheegtay hay’adda QM ee qaxootiga UNCHR.

Doorasho maanta ka socota dalka Jabuuti xilli la hadal-hayo cidda beddeleysa Geelle

0

Jabuuti (Caasimada Online) – Cod-bixiyayaasha Jabuuti ayaa maanta dooranaya baarlaman cusub ayada oo ay dhaceyso doorasho ay qaadaceen xisbiyada mucaaradka ee ugu weyn.

Xisbiga madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ee talada haya ee Union for Presidential Majority (UMP), ayaa ah mid ka mid ah kaliya laba xisbi oo ka qeyb-galaya doorashada, islamarkaana ay huban tahay inuu ku guuleysan doono.

Qiyaastii 230,000, oo ah dad sharci u leh inay codeeyaan, ayaa dooranaya 65 xildhibaan oo baarlamanka fadhin doona muddo shan sano ah, ayada oo sharciga uu dhigayo in 25 boqolkiiba kuraasta ay helaan haweenka.

Isu soo-baxa ayaa u muuqday mid aad u hooseeya, sida ay werisay warbaahinta gudaha.

“Weligey ma codeyn, maantana ma codeyn doono. Ma xiiseynayo doorashada. Qoyskeyga oo idil ma codeyn doonaan sidoo kale,” waxaa sidaas yiri Moktar Abdi oo ah Injineer 30 jir ah.

Souad Elmi Siyad oo ah 64 jir howlgab ah ayaa tiri “doorasho kasta waxaan u codeeyaa isla dowladdii.”

Inkasta oo Jabuuti ay tahay dal aad u yar, haddana waxay ku taalla goob muhiim oo ah marinka Badda Cad, taasi oo ay u adeegsato inay kusoo jiidato maal-gashtayaasha iyo quwadaha militari ee shisheeye.

Codbixinta ayaa daba socota doorasho madaxweyne oo dhacday April 2021, taasi oo madaxweyne Geelle uu helay 97 boqolkiiba codadka, si uu markii 5-aad madaxweye u noqdo.

Labada xisbi ee ugu weyn mucaaradka ee MRD iyo ARD ayaa qaadacay doorashada maanta.

“Doorashada dalkeena weli ma ahan mid xor ah. Ma jirto daah-furnaan iyo dimoqraadiyad,” waxaa sidaas war-saxaafadeed ku yiri bishii Janaayo xisbiga MRD.

Doorashadii ugu dambeysay ee sharci-dejinta ee 2018, xisbiga UMP – oo ka dhashay xisbi Jabuuti xukumayey tan iyo xoriyaddii ay ka heshay Faransiiska 1977-kii – ayaa ku guuleystay 58 kursi.

Xisbiga UDJ, oo kuraas faro ku tiris ah ku guuleystay doorashadii 2018, ayaa ah midka kale ee ka qeyb-qaadanaya doorashada maanta.

“Wax kasta waa la sameeyey si loo xaqiijiyo in doorashada ay ku dhacdo jawi wanaagsan,,” waxaa sidaas maanta yiri wasiirka Arrimaha Gudaha Said Nouh Hassan.

Doorashada ayaa dhaceysa ayada oo ay jirto hadal hayn ku saabsan qofka ay suurtagal-ka tahay inuu beddelo madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, oo ka mid ah hoggaamiyayaasha ugu xukunka dheer Afrika, kaasi oo dalka xukumayey tan iyo 1999-kii.

Benedikt Kamski, oo ah cilmi-baare ku takhasusay Geeska Afrika, oo ka tirsan machadka Arnold Bergstraesser ee Jarmalka, ayaa sheegay in xiisaha shacabka ee doorashada ay aad u yareyd.

Waxaa sidoo kale jirta hadal hayn ku saabsan cidda noqon doonta madaxweynaha xiga ee Jabuuti, oo ka iman kara labada qabiil ee Ciise iyo Cafar midkood, kuwaas oo ah labada qowmiyad ee ugu dadka badan.

“Dadka waxay is-weydiinayaan cidda beddelysa madaxweyne Ismaaciil Cumar,” ayuu yiri Kamski, oo soo jeediyey inay suurta-gal tahay in la doorto kahor 2026.

Geelle, oo ah kaliya madaxweynihii labaad ee Jabuuti ee tan iyo xoriyaddii, ayaan mar kale tartami karin, sababtoo ah waxaa xaddidaya dastuurki 2010, oo dhigaya inaanu madaxweyne u tartami karin qof ka weyn da’da 75 jirka.

VOA, AFP