27.9 C
Mogadishu
Saturday, May 9, 2026

Al-Shabaab oo shaacisay inay dishay ninkii daroogada ka gedi jiray dhallinta Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay inay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ay maleeshiyaadkeedu ku dileen mid kamid ah horjoogayaashii ciyaal-weerada.

Dilkan ayaa xalay ka dhacay deegaanka Tabeellaha Sheekh Ibraahim, waxaan ninkan la dilay lagu magacaabi jiray Cabdiqaadir Carab. Kooxda ayaa sheegtay in ninkaan uu ka ganacsan jiray waxyaabaha maanka dooriya.

Sida ay baahisay warbaahinta kooxda, ninkan ayaa waxa uu dhalinyarada magaalada Muqdisho ka gadi jiray taanbuuga iyo xashiishka.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in dilka Carab uu bilow u yahay howl-galo ay maleeshiyaadka kooxda ku beegsanayaan ciyaal weerada, islamarkaana uga sifeynaya caasimada dalka oo ay ku hayaan dhib badan, sida ay sheegtay.

Dhawaan ayay aheyd markii uu Afhayeenka howl-gallada kooxda Al-Shabaab Cabdicasiis Abuu Muscab uu dhawaaqay howl-gal uu sheegay in maleeshiyaadka kooxda ay ka billaabi doonaan magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Abuu Muscab ayaa waxa uu xilligaasi sheegay in kooxda ay magaalada Muqdisho ka fulin doonto howl-gallo ay ku baacsaneyso kooxaha ciyaal weerada iyo kuwa ka ganacsada daroogada noocyadeeda kala duwan.

Waxa uu sheegay in arrintaan ay daba socoto kadib cabashooyin badan oo uu sheegay in dadka Muqdisho u gudbiyeen kooxda, kuwaasi oo la xiriira halista ay kooxahaasi ku hayaan, sida uu hadalka u dhigay.

Kooxda ciyaal-weerada ah oo ku hubeysanaa mindiyo ayaa habeen hore wiil dhalinyaro ahaa oo lagu magacaabi jiray Cabdirisaaq Abuukar Fiidow ku dilay xaafadda Siliga ee Towfiiq oo ka tirsan degmada Yaaqshiid.

Ciyaal-weerada ayaa haatan u muuqda inay markale kusoo laba kacleeyeen magaalada Muqdisho, waxaana dhibaatooyinka ugu badan hadda laga soo warinayaa waqooyiga caasimada.

Si kastaba, dhibaatooyinkan ayaa ah kuwa ku soo noq-noqday caasimada, ayada ciidamada ammaanka oo wada howl-gallo culus ay u maara la’yihiin wax ka qabashada amniga iyo ciyaal-weerada.

DF Somalia oo sahay u dirtay magaalada LAASCAANOOD

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ay u dirtay dooni sida sahay gargaar, xilli xaalad adag laga soo sheegayo dadkii uu saameeyay dagaalka socda.

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SODMA ayaa dekedda magaalada Muqdisho ka dirtay doontan, oo ay sheegtay inay sido shixnad isugu jirta raashinka qeybihiisa kala duwan.

Sidoo kale waxaa qeyb ka ah gargaarkan ay dirtay SODMA gaari nooca gurmadka degdeg ah (Ambulance) oo loogu tala-galay in dhaawacyada rayidka lagu gaarsiiyo goobaha caafimaadka.

Hay’adda ayaa waxa kale oo ay sheegtay in gargaarkan qeyb kamid ah uu ku wajahan yahay deegaannadii dhawaan laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab ee gobolka Mudug ee maamulka Galmudug.

SODMA ayaa sidan oo kale dhawaan diyaarado wada shixnado iskugu jira raashin iyo daawo u dirtay markale magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, halkaas oo ay ka socdaan dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC.

Gurmadkan ayaa kadib waxaa loo sii gudbin doono magaalada Laascaanood iyo deegaanada ku dhow, oo bulshadii ku nooleyd uu si weyn u saameeyay dagaalkan.

Hay’adda maareynta masiiboyinka qaranka ayaa sheegtay in dowladda federaalka ay ka go’antahay in gurmad la gaarsiiyo dadka reer Laascaanood oo dagaal kula jira Somaliland.

Madaxweyanaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hore u balan-qaaday in dowladda federaalka Soomaaliya ay qaadan doonto kaalinteeda gurmadka dadka ku waxyeeloobay dagaalka.

Ugu yaraan 96 qof ayaa ku dhintay in ka badan laba toddobaad oo iska hor-imaadyo u dhexeeyay ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka magaalada Laascaanood, sida uu sheegay agaasimaha Isbitaalka Laascaanood.

“Waxaan haynaa 96 dhimasho ah iyo 560 dhaawac ah,” ayuu Axmed Maxamed Xasan, oo ah maamulaha Isbitaalka weyn ee magaalada Laascaanood khadka telefoonka ugu sheegay wakaaladda wararka ee AFP.

Xafiiska QM ee Isku Xirka Arrimaha Bani’aadannimada (OCHA), ayaa sheegay in 185,000 oo qof ay ka barakaceen magaalada Laascaanood.

Bayaan kasoo baxay xafiiska OCHA ee Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay in weli ay jiraan warbixino ku saabsan dagaallo socda inkasta oo xabad-joojin lagu dhowaaqay.

Ka sokow in tobanaan kun oo qof ay ku barakaceen gudaha Somaliland, in ka badan 60,000 oo qof ayaa u qaxay gobolka Soomaalida ee Itoobiya si ay uga baxsadaan rabshadaha, waxaa sidaas sheegtay hay’adda QM ee qaxootiga UNCHR.

Xog: Yey yihiin ciidamada Tukaraq ku weeraray S/Land?

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa shalay sheegtay in ciidamo ka tirsan maamulka Puntland uu kusoo weeraray aagga Tukaraq ee gobolka Sool, xilli uu sii xoogeystay dagaalka ka socda magaalada Laascaanood.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in maleeshiyaadka weeraray ciidanka Somaliland ee ku sugan aagga Tukaraq ay yihiin ciidan maleeshiyo beeleed ah oo halkaasi fariisin ka sameystay.

Ciidamadan ayaa la sheegay inay ka yimaadeen magaalada Garoowe ee caasimada Puntland, hase yeeshe kama qeyb ahan ciidamada maamulkaasi, illaa haddana si rasmi ah looma oga in maamulka Deni uu gadaal ka joogo.

Dagaalkan dhex-maray ciidamada Somaliland iyo kuwa maleeshiyaad beeleedka ah ayaa waxa ka dhashay khasaare labada dhinac, wallow aan la xaqiijin inta uu le’eg yahay.

Wararka qaar ayaa sheegay in ciidamada Somaliland laga durkiyay fariisimaha Tukaraq, wuxuuna dagaalkan imanaya xilli qeyb kamid ah ciidamada Somaliland ay u guureen saldhiga Goojacadde oo 7-KM u jira magaalada Laascaanood.

Xukuumadda Somaliland ayaa xalay sheegtay in ciidamo ka tirsan kuwa Puntland ay weerar ku soo qaadeen ciidamada Somaliland ee ku sugan aagga Tukaraq ee gobolka Sool.

Somaliland ayaa sheegtay inay ciidamadeedu dib u celiyeen oo ay iska difaaceen maleeshiyaadkii weerarka kusoo qaaday ee kasoo duulaan tagay maamulka Puntland, sida ay sheegtay.

“Ciidanka Qaranka JSL ee ku sugan Tukaraq waxa maanta weerar ku soo qaaday maleeshiyaad ka soo duulay Maamul Goboleedka Puntland ee Soomaaliya, Ciidanka Qarankuna waxay dib u celiyeen oo ay iska difaaceen maleeshiiyaadkii weerarka soo qaaday,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo ay soo saartay wasaaradda gaashaandhigga Somaliland.

Laba toddobaad ka hor unbay aheyd markii ay Somaliland ku eedeysay Puntland inay dhaq-dhaqaaq ciidan ka wado aagga hore ee Tukaraq, ayna doonayaan in dagaalka socda ay ka bilaabaan jihooyin cusub.

Deegaanka Tukaraq ayaa waxaa xilligan ku sugan ciidamada Somaliland, waxaana kal hore ka dhacay dagaallo u dhaxeeya Somaliland iyo Puntland.

Arrimahan ayaa imanaya xilli uu shalay sii xoogeystay dagaalka ka socda magaalada Laascaanood, ayada oo ciidamada SSC ay sheegeen inay la wareegeen saldhigii Somaliland ee magaaladaasi. Dagaalkan ayaa galay toddobaadkii saddexaad.

Cabdirisaaq Khaliif oo war lama filaan ah kasoo saaray xaaladda Laascaanood

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha wakiilada maamulka Somaliland, Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa si lama filaan ah uga hadlay dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool kaas oo galay maalintii 21aad oo xiriir ah.

Khaliif ayaa shaaca ka qaaday in xasuuq ba’an uu ka dhacay Laascaanood, isaga oo sheegay in awood xad dhaaf ah loo adeegsaday shacabka ku dhaqan magaaladaasi.

Guddoomiyaha ayaa eedeynta ugu weyn u jeediyay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo uu tilmaamay inuu kasoo horjeedo in xal rasmi ah laga gaaro colaada Laascaanood.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray inuu qaaday tallaabooyin dheeraad ah oo ku aadan arrintaas, isla-markaana uu kala fur furay xarig kasta oo lagu doonayo in lagu gaaro nabad.

Sidoo kae guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland oo hadalkiisa sii wata ayaa ku baaqay in ciidanka malatiga Somaliland laga soo saaro dhulka SSC, si xal loo helo.

“Madaxweyne Muuse Biixi, badbaada maanta jirtaa waa in aad ciidamada kala baxdaa deegaanada SSC, maanta  berrito maaha, Haddii kale colaad raagta oo kalifaysa in aan dabka la kala qaadan ayaa ka dhalanaysa” ayuu yiri guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif.

Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa sidoo kale xusay in mas’uuliyadda wixii halkaas ka dhacay ay qaadayaan madaxweyne Muusae Biixi iyo Taliye Nuux Taani, sida uu hadalka u dhigay.

Xaaladda Laascaanood ayaa maalmihii u dambeeyay aheyd mid aad u cakiran, waxaana magaaladaasi shalay ka dhacay dagaalkii ugu xooganaa ee dhex-mara labaa dhinac, kaas oo sababay khasaare isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo burbur soo gaaray magaaladaasi.

Si kastaba, tirada guud ee dhimashada ayaa kor u dhaaftay illaa 150 qof, halka uu dhaawacana uu ka badan illaa 500 oo kale, kuwaas oo u badan dad rayid ah

Askar ka tirsanaa DANAB oo ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay Ballidoogle

0

Afgooye (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay shil diyaaradeed oo gelinkii dambe ee Sabtidii ka dhacay duleedka xerada Ballidoogle oo ku taalla gobolka Shabeelaha Hoose, taas oo lagu tababaro ciidanka Danab.

Shilkan ayaa yimid, kadib markii ay diyaraad Helicopter ah la dhacday ciidamo ka tirsan DANAB, xili ay ku guda jireen tababar.

Mid kamid ah askata ku jirta xeradaasi oo la hadlay warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegay in askarta Soomaalida ah ee la socday diyaaradda ay ahaayeen illaa sideed askari, kuwaas oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday shilka ay ku galeen gobolka Sh/ Hoose.

Ugu yaraan afar askari ayaa ku dhintay shilkan, halka ay ku dhaawacmeen afar kale oo kamid ah ciidamada Danab ee ku jiray tababarka.

Sidoo kale waxaa diyaaradda saarnaa laba askari oo kasoo jeeda dalka Uganda iyo mid cadaan ah oo ahaa Pilot-ka diyaaradda, kuwaas oo iyaguna ay dhaawacyo soo gaareen.

Askarta geeriyooday iyo kuwa dhaawacmay ayaa ku guda jiray inay bartaan sida loo howlgeliyo diyaaradaha, taas oo qayb ka aheyd tababarka ay ku qaadanayeen halkaasi.

Waxaa sidoo kale askartaan ay mid ahaayeen ciidankii uu dhawaan ra’iisul wasaare Xamza ku booqday xerada Ballidoogle oo ay gacanta ku hayaan saraakiil Mareykan ah.

Illaa iyo hadda ma jiro wax faahfaahin ah oo kasoo baxay taliska ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo ku aadan dhacdadaasi.

Si kastaba, xerada Ballidoogle ayaa waxaa si gaar ah loogu tababara ciidamada Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo qalab iyo taageero ka helo dowladda Mareykanka.

Ciidamada Somaliland oo dib uga baxay difaacyadoodii LAASCAANOOD + Sababta

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Sool ayaa sheegaya in saaka xaalad deganaasho ah oo aan caga badan ku taagneyn laga dareemayo gudaha magaalada Laascaanood oo ay dagaallo culus ka socdeen 21 maalmood ee lasoo dhaafay.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in deganaasha uu yimid, kadib markii ay dib u garasho sameeyeen ciidamada Somaliland ee ku sugan duleedka magaaladaasi.

Ciidamada milatariga Somaliland ayaa lagu soo warramayaa inay xalay isaga baxeen inta badan goobihii ay difaacyada uga jireen, waxaana la wareegay ciidamada deegaanka.

Meelaha ay ka baxeen ciidamada waxaa ka mid ah guriga gobolka Sool oo ay saaka ku waabariisteen dadka deegaanka ee reer Laascaanood.

Sida ay muujiyaan muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ciidamadda deegaanka ayaa gurigaas ka furay calanka Somaliland, waxayna ka taageen calanka buluuga ah ee Somalia.

Sababta ay ciidamada Somaliland uga baxeen difaacyadooda ayaa waxaa lagu macneeyay laba arrimood midkood kuwaas oo kala ah:

1- Dib u gurasho xeelad dagaal iyo in ay isku dayayaan in ay duulaan kale oo abaabulan soo qaadaan.

2- In ay gebi ahaanba qaateen baaqyadii caalamiga ahaa ee soo baxayey kuwaas oo ahaa in iney isaga baxaan gobolka.

Xaaladda Laascaanood ayaa maalmihii u dambeeyay aheyd mid aad u cakiran, waxaana magaaladaasi shalay ka dhacay dagaalkii ugu xooganaa ee dhex-mara labaa dhinac, kaas oo sababay khasaare isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo burbur soo gaaray magaaladaasi.

Si kastaba, tirada guud ee dhimashada ayaa kor u dhaaftay illaa 150 qof, halka uu dhaawacana uu ka badan illaa 500 oo kale, kuwaas oo u badan dad rayid ah.

Xog: Al-Shabaab oo xanibaad kusoo rogtay horjoogayaal Soomaali iyo ajaanib ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo wixii ka dambeeyay jabka kooxda Al-Shabaab ka gaaray howl-galada ka dhanka ah ee dalka ka socda ayaa waxaa sii xoogeystay khilaafka iyo kala shakiga ka dhashay jabka soo gaaray ee ka dhex jira horjoogayaasha kooxda.

Dowladda federaalka ayaa markale shaacisay xogo iyo faah-faahino dheeraad ah oo ku saabsan horjoogayaasha kooxda daacada u ah oo uu go’doomiyay Mahad Karataay, oo ay sheegtay in uu ka faa’iideysanayo xaaladda caafimaad darro ee uu ku jiro amiirka guud ee Al-Shabaab Axmed Diiriye.

Horjoogayaasha go’doonka ku jira oo isugu jira Ajaanib iyo Soomaali waxaa ugu horeeya horjooge Xasan Afgooye oo kasoo jeeda xaafada Damalay ee degmada Afgooye ahaan jirayna horjoogihii horjoogayaasha dhaqaalaha baadda ah ay kooxda xoogga uga qaadi jirtay dadka Soomaaliyeed, waxaana uu go’doon ku yahay degmada Jilib oo uusan dhaafi kareyn.

Xasan Afgooye ayaa kamid ahaa dadka aadka ugu dhawaa horjoogihii Shabaab ee ifka laga khaarajiyey Axmed Cabdi Aw-Maxamuud Godane, wuxuuna si gaar ah ugu qaabilsan xagga cuntooyinka iyo biilasha.

Horjooge Farxaan Kaahiye oo kasoo jeeda degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud, horena u noqday horjoogihii ugu sareeyay waxa ay ugu yeeraan Jabhada.

Farxaan oo la rumeysan yahay in uu kamid ahaa horjoogayaasha kooxda sida weyn daacada ugu ahaa, ayaa waxa uu hoggaamiyey weeraro argagixiso oo ay dad badan oo Soomaaliyeed ku naf waayey, waxa uu hadda go’doon ku yahay oo uusan dhaafi karin degmada Jilib.

Horjoogayaasha ay kooxda Al-Shabaab u go’doomiyeen fashilka iyo jabka kasoo gaaray gobollada dhexe ee dalka waxaa kamid ah Horjooge Nuur Dheere oo kasoo jeeda deegaanka Bacaad-Weyne ee gobolka Mudug, waxa uuna go’doon ku yahay deegaanka Kuuya-Barow ee Shabeellaha Hoose.

Horjooge Ismaaciil Cosoble oo kasoo jeeda degmada Cadaado oo mar horjooge u noqday kuwa dhagarta, dilalka gaadmada iyo weerarada argagixiso ka fuliya gobolka Banaadir, waxa uu hadda go’doon ku yahay oo uusan dhaafi karin gobolka Jubbada Dhexe.

Marka laga soo tago horjoogayaasha Soomaalida ah waxaa jira horjoogayaal Ajaanib ah oo iyaguna la go’doomiyey, waxaana kamid ah; Horjooge Muuse Muhaajir oo kasoo jeeda magaalada Mombasa ee dalka Kenya.

Horjoogahan ayaa waxa uu hoggaamiyey weeraro argagixiso oo kooxda Al-Shabaab ka fuliyeen gudaha dalka Kenya, waxa uu hadda go’doon ku yahay oo uusan dhaafi karin gobolka Jubbada Hoose. Kenya aad ayay u doon-dooneysa horjoogahaas.

Horjooge Macalin Jinaaw oo kasoo jeeda deegaanka Xawaad-barbar ee gobolka Baay, islamarkaana ahaa horjoogihii kooxda ee gobolada Baay iyo Bakool ayaa kamid ah horjoogayaashii hoggaaminayey weeraro ay Al-Shabaab ka fuliyeen deegaano iyo magaalooyin ka tirsan dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, wuxuuna isagna kamid yahay horjoogayaasha xanibaada lagu soo rogay.

Dhamaan horjoogayaashan oo markii hore ahaa kuwa saameyn ku leh kooxda Al-Shabaab, qeybna ka ahaa dhagaro iyo shirqoolo umadda Soomaaliyeed loo geystay, ayaa waxaa u billowday maalmahoodii madooba, maadaama aysan socdaali karin, kulmi karin, tagi karin magaalooyinka, telefoono isticmaali karin iyo in xitaa aysan la kulmi karin xaasaskooda.

Daawo: Ehellada Dr. Caa’isha Abuukar oo ka jawaabay warar laga faafiyey kiiska dilkeeda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ehallada Dr. Caa’isha Abuukar, oo ah gabar Soomaaliyeed oo lagu dilay magaalada Qaahira ee dalka Masar, ayaa si caro leh uga hadlay warar laga faafiyey kiiskeeda, xilli weli ay baaris socoto. 

Ehellada oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa si gaar ah u tilmaamay Cabdifataax Barre, oo ah agaasimaha waxbarashada maamulka gobolka Banaadir, oo boggiisa Facebook soo dhigay qoraal ku saabsan sababta ay gabadhha u geeriyootay, sida isaga uu sheegay. 

Qoraalkaas oo markii dambe uu ka saaray boggiisa, ayuu Cabdifataax Barre ku sheegay in Caa’isha Abuukar ay u geeriyootay cudurka gaaska, islamarkaana la bari yeelay Maan Cabaas, oo ah wiil loo xiray oo lagu tuhmay dilka, balse weli aysan maxkamad ku caddeyn. 

Ehallada Dr. Caa’isha ayaa nasiibdarro ku tilmaamay in qof xil muhiim ah ka haya dowladda federaalka iyo maamulka gobolka uu marin habaabiyo kiiska, ayada oo weli ay socoto baaritaanka, islamarkaana hay’adaha dambi-baarista ee dalka Masar aysan weli go’aan ka gaarin kiiska. 

Dhinaca kale, ehellada ayaa ku eedeeyey safaaradda Soomaaliya ee dalka Masar inay faro-gelisay kiiska, oo ay ka shaqeysay in lasii daayo eedeysanaha. 

Waxay intaas ku dareen in safaaradda ay u shaqeyso umadda Soomaaliyeed oo idil, islamarkaana ay tahay wax aan la aqbali karin inay kiiska faro-gelisay oo ay u eexato mid ka mid ah dhinacyada isku haya. Waxay ugu baaqeen inay faraha kala baxdo kiiska, oo ay u dayso hay’adaha sharciga ah ee dalka Masar. 

Waxay ugu dambeyn ugu baaqeen dowladda iyo maamulka gobolka Banaadir inay tallaabo ka qaadaan Cabdifataax Barre, oo ay ku eedeeyeen inuu marin-habaabinayo kiiska Dr. Caa’isha Abuukar, oo weli baaritaankiisa uu socdo.

Sawirro: Al-Shabaab oo looga daba tegay gododkii ay ku dhuumaaleysanayeen

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaalka Al-Shabaab ayaa waxaa laga gaaray guulo waaweyn, ayada oo kooxda lagala wareegay deegaano horleh, waxaana dambeyntii maleeshiyaadka kooxda loogu tegay godadkii ay ku dhuumanayeen ee gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Abuukar Axmed Cabdulle oo ah Taliyaha Macaawisleyda ee deegaanka Ceelbaraf iyo nawaaxigeeda oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay kala wareegeen gododkii ay ku dhuumaleysanayeen ee Beerta Cabdirisaaq oo 15-km dhanka galbeed kaga beegan deegaanka Oobaalle ee gobolka Sh/Dhexe.

“Gododkan ayay ku jireen oo ay ku dhuumanayeen, naf jecli inta ay ka qabaan god inta ay qoteen sida bahaladii oo baco lagu raray oo qoryo la saaray ayaa carro dusha looga shubay,” ayuu yiri Taliye Abuukar.

“Intaas waxaa u geynayo oo juqdaas geliyay waxa waaye cabsi, haddii ay geesayaal yihiin waxay noo istaagi lahaayeen bannaankaas ama waddooyinka, waa fuleynimadooda.”

Xasan Hiiraale oo kamid ah saraakiisha ciidamada deegaanka ayaa sidoo kale waxa uu warbaahinta dowladda u sheegay in ciidamada huwanta ay sii baacsanayaan firxada Shabaab, oo uu sheegay inay u baxsadeen deegaanada fog-fog.

“Nimanka harsiga iyo hooyaadka u diiday ummadda inaan maalmahan baacsigooda ku jirnay, Illaaha-Mahad-leh oo maanta namakinay meesha aan joogno, meesha aan joogno waa beerta Cabdirisaaq oo 15-km dhanka galbeed kaga beegan deegaanka Oobaalle,” ayuu yiri.

Maleeshiyaadkii Shabaab-ka ahaa ee ku sugnaa halkaasi ayaa goobta kaga cararay hub iyo agab kale, kuwaasi oo ay gacanta ku dhigeen ciidamada Macaawisleyda.

Kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa gebi ahaanba laga sifeeyay tuulooyinka Wabiga dhanka galbeed iyo dhanka bari ka saaran, goobahaasi oo ay ka soo abaabuli jireen weerarada gaadmada ah ee ay ka fulin jireen gobollada Sh/Hoose iyo Hiiraan.

Cabdinuur oo si la yaab leh uga falceliyay doorashadii Muqdisho ee kursiga Hop086

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdinuur Maxamed Axmed oo horey usoo noqday agaasimihii warfaafinta ee madaxtooyada ee dowladdii hore, kana mid ahaa saaxibadii aadka ugu dhowaa Maxamed Farmaajo ayaa ka hadlay doorashadii kursiga loo diiday Fahad Yaasiin ee Hop086, kaas oo shalay doorashadiisa lagu qabtay Muqdisho.

Kursigan ayaa waxaa kusoo baxay Dr. Maxamed Sheekh Axmed, kaas oo helay 98 cod oo gacan taag ah, kadib markii uu tanaasulay musharrixii la tartami lahaa.

Cabdinuur Maxamed oo ka falceliyay doorashadaas ayaa ugu horreyn u mahadceliyay taageeriyaaashiisa iyo saaxibadii la shaqeynayay inta uu ku jiray ololaha doorashada.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in uusan guul-daraysanin, isaga oo sababta ku sheegay in uusan tartan dhicin, isla-markaana doorashada ay aheyd mid lagu shubtay.

“Tartankii kursiga kumaaan guul-darraysan oo qoraalkani kama dhigna shaacinta in la igaga adkaaday maxaa yeelay tartanba ma jirin!,” ayuu qoraalkan ku yiri Cabdinuur.

Sidoo kale wuxuu ayaan darro ku tilmaamay in isaga iyo musharixiintii kale loo diiday inay u tartamaan kursigaasi oo kamid ahaa kuraastii uu khilaafka ka taagnaa illaa 2022-kii.

“Waxa ayaan-darro ah inaan naloo oggolaan u tartamidda kursiga iyada oo aanay sababtu ahayn inaan buuxin waayay shuruudihii” ayuu markale hadalkiisa raaciyay.

Halkan hoose ka aqriso:-

Musharax Cabdinuur Maxamed Axmed” MAANTA IYO BARRIBA MATALAADDAN WACAN WAA NOO MUHIIM!!!.

Waxaan rabaa inaan fursaddan uga faa’idaysto u mahadcelinta qoyskayga, saaxiibbaday, taageerayaashayda iyo dadka deegaan doorashada kursiga Hop086, kuwaasi oo i garab istaagay usbuucyadii la soo dhaafay iyo muddadii aan halganka ugu jiray ka qayb-gelidda tartanka hoggaaminta iyo metelaadda dadkayga.

Waxa sharaf ii ah oo i farxad geliyay taageerada weyn ee aad ii muujiseen intii aan ku guda-jiray geeddigan siyaasadeed. Arrintaasi waxa ay dhab ahaan marag u noqotay in aan la hor istaagi karin dhallinyaradeenna doonaysa inay metelaan dadkooda.

Qodob baanse rabaa inaan hoosta ka xarriiqo: tartankii kursiga kumaaan guul-darraysan oo qoraalkani kama dhigna shaacinta in la igaga adkaaday maxaa yeelay tartanba ma jirin! Waxaan keliya fursaddan uga faa’idaysanayaa inaan la dabbaal-dego dhammaan dadkii qaybta ka ahaa halganka. Awoodda codkeennu wuxuu inoo suurtageliyay inaan taariikh reebno.

Waxa ayaan-darro ah inaan naloo oggolaan u tartamidda kursiga iyada oo aanay sababtu ahayn inaan buuxin waayay shuruudihii, balse taa beddelkeeda waa nala hor istaagay markii la arkay aaminaadda iyo kalsoonida aad ku qabtaan hoggaamintayda oo ahayd mid cad oo muuqatay.

Malaayiin ka mid ah dhallinyarada qarankeenna ayaa leh hammi sare oo hoggaamin, waxayna diyaar u yihiin inay isbeddel u horseedaan dalka. Dhallinyarada Soomaaliyeed waa ay awoodaan hoggaaminta dalkooda, inaan arrintaas caddeeyo ayaana u raadinayay kursiga.

Hankayga la xiriira in dhabbo iyo dariiq cusub loo jeexo da’yarteennu wuu sii xoogaystay.

Waxaaan adeegsan doonnaa dhammaan hababka kala duwan iyo kuwa sharci ee noo furan si aan u xaqiijinno xaqeenna metelaadda dhallinyarada iyo dadka uu ka dhexeeyo kursiga Hop 086.

Balse inta ka horraysa, qoraalkani waxaan uga dan lahaa u mahadcelinta qof kasta oo idin kamid ah oo marxaladdan i garab istaagay.

Tixgelin,

Cabdinuur Maxamed Axmed

Musharax Xildhibaan HoP086

Sawirro: Xubno Al-Shabab ah iyo hub culus oo ay wateen oo lagu qabtay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal culus oo ay xalay ciidamada Booliska Soomaaliya ka sameeyeen qaybo kamid ah degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, kaas oo lagu soo qabtay xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Qoraal kasoo baxay Taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada ammaanka ay soo qabteen illaa saddex nin oo ka tirsan Al-Shabaab, xilli ay ku howlanaayeen in falal ammaan darri ay ka geystaan gudaha degmada Dayniile.

“Ciidanka Booliska Saldhigga Degmada Deyniile ee Taliska Qeybta ee Gobalka Banaadir oo Ku jira Howgal Habeenimo ayaa gacanta ku dhigay Koox seddex oo kamid Khawaarijta Al-Shabaab kuwaas oo ku howlwanaa falal amni darro oo ay u maleegayeen Dadka Shacabka ah” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka Taliska Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir.

Sidoo kale wuxuu Booliska shaaca ka qaaday in gacanta lagu soo dhigay hubkii ay wateen raggaan iyo mooto Bajaaj ay isticmaalayeen, xilliga lasoo qabanayay.

Taliska ayaa intaasi kusii daray in raggan ay haatan ku jiraan gacanta dowladda, isla-markaana loo gudbin doono maxkamad, si looga qaado tallaabo sharciga waafaqsan.

“Ciidanka ayaana soo qabtay iyaga iyo moota bajaaj ay wateen, sidoo kale dhagar qabayaashaan ayaa watay Qori RBG ah, waxeeyna haatan ku jiraan gacanta Ciidanka Ammiga,” ayaa markale lagu yiri warka qoraalka ah ee kasoo baxay Taliska Booliska.

Waxa kale oo uu Booliska Soomaaliya sheegay in uu sii wadi doono howlgallada lagu xaqiijinayo amniga iyo kuwa lagula dagaalamayo burcadda iyo ciyaal weeraada.

Khamiistii lasoo dhaafay ayey aheyd markii Booliska Gobolka Banaadir uu hub iyo shabakad ka tirsan Al-Shabaab uu kusoo bandhigay saldhigga degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Si kastaba, kooxda Al-Shabaab ayaa haatan culeys xoogan soo saartay gudaha caasimada, waxaana todobaadyadii lasoo dhaafay ay weeraro xoogan ka fulisay qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana ugu dambeeyay weerarkii degmada Cabdicasiis.

Xildhibaan Daahir Jeesow oo hanjabaad culus kasoo saaray kiisa Cabdalla Muumin

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo si adag uga hadlay kiiska Weriye  Cabdalla Muumin ayaa sheegay in wiilkooda ay ku dhegan yihiin rag isku ehel ah, sida uu hadalkiisa u dhigay.

Xildhibaan Jeesow ayaa carabka ku adkeeyey in Weriye Cabdalla uu u afduuban yahay afar wiil oo walaalo ah, isla markaana uu yaqaano cida dishay hadii ay dhibaato soo gaarto.

“Cabdalla hadii dhereg uu u dhinto cida dishay waan aqaan, afar wiil oo walaalo ah ayuu u afduuban yahay ninkaas, ragas waxay aaminsan yihiin inay yihiin milkiilayaasha dowladda,” ayuu yiri Xildhibaan Daahir Jeesow.

Xildhibaanka ayaa sheegay in guddoomiyihii horay u xukumay Weriye Cabdalla Muumin oo xafiiskiisa ugu tegay, isla markaana uu weydiiyey cidda sii deysay Cabdalla oo markii hore lagu xukumay xabsi.

“Waxaan weydiiyey guddoomiyaha, wiilkaan markaa xukuntay xabsi ayuu u soo diyaar garoobay ee yaa soo daayey? Wuxuu igu yiri ma ogi cid deysay, yaa hadda soo xiray ayaan dhahay? Ma ogi ayuu iigu jawaabay, yaa soo dacweeyey ayaan dhahay? Ma ogi ayuu igu yiri,” ayuu yiri Jeesow.

Intaas kadib wuxuu sheegay in maxkamadda racfaanka uu tegay, isla markaana loo sheegay in cid racfaan ka qaadatay kiiskaas aysan u imaan maxkamadda.

“Waxaan iri yuu Cabdalla u xiran yahay? Waxaa la iigu jawaabay ma ogi, madaxdii garsoorka oo dhan waxay sheegi waayeen cidda uu Cabdalla u xiran yahay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Xildhibaan Daahir Jeesow ayaa carabka ku adkeeyey in la gara waayey cidda uu u xiran yahay Weriye Cabdalla Muumin, markii la weydiiyey hey’adaha garsoorka “Anagu waa naqaan, laakiin nin ku dhiirada waa la waayey afar xildhibaan anagoo ah ayaan hey’adaha garsoorka ku soo wareegnay,” ayuu yiri Jeesow.

Xildhibaanka oo hadalkaan ka jeediyey kulan uu la yeeshay xubno ka mid ah beeshiisa Gaaljecel ayaa reerka kula dardaarmay in dowladaan aysan waxaba ka sugin ee dhulkooda ay xoreystaan, kadibna ay beerahooda tabcadaan.

Wuxuu ku faanay in dhul qani ah oo beerashada ku fiican ay cidiisu degto, balse ragga dowladnimada ku dulminaya aysan dhul laheyn, sida uu hadalka u dhigay.

Marar badan ayaa kiiska Weriye Cabdalla Muumin lagu eedeeyey wasiir ku xigeenka warfaafinta Cabdiraxmaan Al-Cadaala, laakiin ma jirto wax cadeyn ah oo ilaa hadda lasoo bandhigay, waxaana xusid mudan in Cabdalla oo maalmo ka hor lasii daayey hadana lasoo xiray.

Ciidamada Turkey oo howlgal qorsheysan ku dilay maskaxda weerarkii magaalada Istanbul

0

Ankara (Caasimada Online) – Ciidamada dalka Turkiga ayaa hawlgal qorshaysan ka sameeyey woqooyiga dalka Syria, waxayna dileen nin lagu eedaynayey inuu ka dambeeyey qaraxii lagu hoobtay ee ka dhacay magaalada Istanbul, sida ay baahisay warbaahinta Turkigu.

Wakaaladda wararka ee Turkiga ee Anadolu ayaa sheegtay in hawlgal qorshaysan oo ay Arbacadii fuliyeen ciidamada sirdoonka ee Turkigu inay dileen Halil Menci oo ay ku tilmaameen inuu ahaa maskaxdii ka dambaysay weerarkii lagu qaaday Istanbul bishii November 13-keedii, hawlgalkan qorshaysan ayaa ka dhacay meel u dhow magaalada Qamishli.

Ururka dusha kala socda hawlaha xuquuqda aadanaha ee Syria ee fadhigiisu yahay dalka Ingiriiska ayaa sheegay in weerar cirka ah oo ay qaadeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkigu inay ku dileen qof rayid ah, isla markaana ay dhaawaceen taliye Kurdish ah.

Rami Abdulrahman oo hoggaamisa guddidan kormeerka ayaa sheegtay in qofka rayidka ah ee lagu dilay weerarku inuu ahaa, shakhsi caan ku ah dhinaca tahriibinta dadka la geeyo Turkiga.

Ninkan ayaa hore isaga fogeeyey eedaha uga yimi dalka Turkiga oo ahaa, inuu dalkaas u tahriibiyey Ahlam Albashir oo ahayd haweenaydii lagu eedaynayey inay weerarka ka geysatay Istanbul.

Weerarkii dhacay bishii November 13-keedii ayay ku dhinteen lix qof oo ay ku jiraan laba caruur ahi, halka ay ku dhaawacmeen illaa 80 qof oo kale.

Turkiga ayaa ku eedeeyey kooxda PKK ee Kurdiyiinta, hase ahaatee kooxdaas ayaa iska fogaysay eedaha loo jeediyey.

AP, VOA

Two Somali pirates convicted for abducting Michael Moore

New York (Caasimada Online) – Two accused Somali pirates, Mohamed Tahlil Mohamed and Abdi Yusuf Hassan, have been found guilty of six charges related to the 2012 abduction of German-American journalist Michael Moore. 

The verdict was announced by Damian Williams, the United States Attorney for the Southern District of New York, who praised the decision as a reflection of the United States’ unwavering commitment to prosecuting international kidnappers to the fullest extent of the law.

Mohamed Tahlil Mohamed, a Somali Army officer, and Abdi Yusuf Hassan, the Minister of Interior and Security for the province in Somalia where the journalist was held captive, were key players in the extortion of a significant ransom from the journalist’s mother. 

Both were found guilty by a unanimous jury on all six counts. The verdict of their trial has sent a strong message about the United States’ commitment to prosecuting international kidnappers fully.

In this article, we will explore the details of Michael Scott Moore’s abduction, the subsequent investigation that led to the conviction of Mohamed Tahlil Mohamed and Abdi Yusuf Hassan, and the implications of their trial for international kidnapping cases.

I. Michael Scott Moore’s abduction

Michael Scott Moore

In January 2012, Michael Scott Moore was a freelancer for the German publication Spiegel Online in Galkayo, a city in the Puntland region of Somalia.

He was conducting research for a book on piracy when a group of armed men kidnaped him. Moore was held captive for 977 days, during which he was subjected to beatings, malnutrition, and isolation.

Moore’s captors initially demanded a ransom of $20 million for his release. However, negotiations between Moore’s mother and the kidnappers led to a reduced demand of $1.6 million, which was paid for his release in September 2014.

II. Investigation and arrest of the pirates

After his release, Moore published a book titled “Desert and the Sea: 977 Days Captive on the Somali Pirate Coast, ” chronicling his harrowing experience.

In the book, Moore reveals that Mohamed Tahlil Mohamed, a Somali Army officer, was “the boss” of the guards who held him captive.

Two months after his release, Moore was contacted on Facebook by Mohamed Tahlil Mohamed, who informed him that the pirates who had held him hostage, had killed each other over group vendetta and money issues.

It’s unclear how Mohamed Tahlil Mohamed was apprehended, but he was arraigned and jailed in New York City in the summer of 2018.

Abdi Yusuf Hassan, who allegedly served as a translator and was accused of negotiating Moore’s ransom, was arrested in February 2019 in Minneapolis.

He was held without bail until his trial after a judge deemed him a flight risk and “danger to the community.”

III. Legal proceedings and conviction

In May 2021, Mohamed Tahlil Mohamed and Abdi Yusuf Hassan were found guilty of six charges related to the abduction of Michael Scott Moore.

A unanimous jury convicted the two pirates of conspiracy to provide material support for acts of terrorism, hostage-taking, conspiracy to commit piracy under the law of nations, kidnapping, and threatening a U.S. national with a weapon of mass destruction.

The verdict of the trial reinforces the United States’ willingness to prosecute international kidnappers and holds them accountable for their crimes.

The sentencing of Mohamed Tahlil Mohamed and Abdi Yusuf Hassan is scheduled to take place later this year. The two pirates could face life imprisonment for their role in the abduction of Michael Scott Moore.

IV. Implications of the Trial

The conviction of Mohamed Tahlil Mohamed and Abdi Yusuf Hassan has significant implications for international kidnapping cases.

The verdict of the trial reinforces the United States’ commitment to pursue and prosecute individuals involved in the kidnapping of American citizens, no matter where they are in the world.

Furthermore, the verdict of the trial highlights the importance of international cooperation in combating transnational crimes such as piracy and kidnapping.

The successful investigation and prosecution of Mohamed Tahlil Mohamed and Abdi Yusuf Hassan resulted from a joint effort by the United States and its international partners.

The case underscores the need for continued cooperation among nations to combat such crimes and bring those responsible to justice.

EU widens sanctions against Wagner Group

Brussels (Caasimada Online) – The European Union has on Saturday announced further sanctions against Russia’s Wagner Group mercenaries for “human rights abuses” in the Central African Republic, Mali, Sudan, and Ukraine.  

This move comes after the EU imposed sanctions on the group in 2021 for its activities in Ukraine.

The Wagner Group has been active in various countries worldwide, focusing on Africa, where it has been accused of human rights abuses, extrajudicial killings, and other violent acts.  

The latest EU sanctions aim to address the international dimension and gravity of the group’s activities and its destabilizing impact on the countries where it operates. 

In Mali, the head of Wagner’s forces has been sanctioned, while in the Central African Republic, high-profile members of the group have been added to the list. 

The EU sanctions have also hit gold and diamond companies linked to Wagner in these countries.  

A Central African radio station has also been listed “for engaging in online influence operations on behalf of Russia and the Wagner Group to manipulate public opinion.” 

The sanctions are a response to the threat posed by the Wagner Group’s activities to the people of the countries where they operate and the European Union as a whole.  

In light of this, it is crucial to understand the context and history of the Wagner Group’s activities in these countries. 

FILE – Visitors wearing military camouflage stand at the entrance of the ‘PMC Wagner Centre’, which is associated with businessman and founder of the Wagner Group Yevgeny Prigozhin, during the official opening of the office block during National Unity Day, in St. Petersburg, Russia, on Nov. 4, 2022.

Central African Republic 

The Central African Republic has been politically unstable since 2013, when the Seleka rebel group seized power.  

This led to a countercoup by the anti-Balaka militia, which escalated into a sectarian conflict. In 2014, French troops were deployed to the country as part of Operation Sangaris, a peacekeeping mission to stabilize the country. 

However, the presence of the Wagner Group in the country, at the invitation of President Touadera, has been a source of controversy.  

The group has been accused of exacerbating the violence and committing human rights abuses. 

Wagner Group in Mali and Sudan 

The Wagner Group has been involved in Mali’s ongoing conflict since 2018.  The group’s fighters have been accused of involvement in acts of violence and numerous human rights cases of abuse, including extrajudicial killings. 

Mali is currently ruled by a junta that forced France to remove troops deployed there in 2020.

Sudan has been experiencing a period of political instability since the ousting of President Omar al-Bashir in 2019.  

The Wagner Group’s involvement in the country is linked to its gold and diamond industries, which have been controversial due to alleged human rights abuses and links to armed groups.

Xildhibaan ku baaqay in baaritaan lagu sameeyo ‘guutada madaxtooyada’

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiladiif Sanyare oo ka tirsan golaha shacabka ayaa kulankii baarlamaanka ka sheegay inuu ka shakisan yahay ciidanka ilaaliya Madaxtooyada Soomaaliya.

Xildhibaanka oo aragti ka dhiibtay hadal heyn ka dhalatay xildhibaanada qaar oo cabasho ka soo gudbiyey baaritaan lagu sameeyey ayaa sheegay in ciidanka ilaaliya madaxtooyada ay marin habaabinyaan sugidda amniga.

“Guutada madaxtooyada anigu shaki badan ayaan ka qabaa, sababtoo ah markii amniga laga hadlo xildhibaanada  ayey isku taagaan, maalin dhaweeto mid ayaa I istaajiyey markaas ayuu igu yiri darawalka gaariga kuu wada mid kuu qoran maaha ee iska laabo, marka sugidda amniga halkaas nagama jiro ee ciidanka ilaaliya waan ka shakisanahaye dib haloo eego,” ayuu yiri Sanyare.

Xildhibaanka ayaa marin habaabin amni ku tilmaamay in la baaro xildhibaanada, “Waa marin habaabin, meeshii amni xumadu jirtay ayaa la iska marin habaabinayaa, markaasaa xildhibaanada jeebkooda gacanta la gelinayaa,” ayuu yiri.

Xildhibaan Cabdiladiif Sanyare ayaa baarlamaanka ka hor sheegay in ciidanka madaxtooyada ilaaliya ay xildhibaanada beegsadaan markii amni darro la sheego.

“Meeshii amnigu jiray meel aan aheyn ayaa la aadayaa mar kasta, waxaan soo jeedinayaa in guudata madaxtooyada la baaro oo dib loogu noqdo, waxa wax qaldaya oo sharciga ku tumanaya waa ayaga,” ayuu yiri.

Xildhibaanka ayaa dembi weyn ku tilmaamay in gaar loo beegsato xildhibaanada gabdhaha ah oo baaritaan gooni ah lagu sameeyo, “In gabadha gaar loo baaro oo boorsadeeda la fago, ninkana gudub la dhaho waa dembi kale, waxaana halkaas ka soo baxaya xoriyad la’aantii ay dumarku ka caba jireen,” ayuu yiri Xildhibaan Sanyare.

Ugu dambeyntii Xildhibaanka ayaa guddoonka ka dalbaday in la sameeyo guddi ka soo shaqeeya amniga iyo ilaalinta xasaanadda xildhibaan oo kulamada dambe ku soo celiya warbixin waafi ah.

Hoos ka daawo

Puntland oo war cusub kasoo saartay dagaalka Laascaanood

0

Garoowe (Caasimada Online) – Dowlad-goboleedka Puntland ayaa maanta markale si adag uga hadashay dagaalka magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, kaasi oo galay toddobaadkii saddexaad.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha ee Puntland ayaa waxa lagu sheegay in dagaalka Laascaanood uu u dhaxeeyo dad xaq u dirir ah iyo maamulka Somaliland oo doonaya in ay qori caaraddiis ugu qasbaan mashruucooda gooni isu-taagga.

“Gumaadka ay ciidamada maamulka Somaliland ka wadaan magaalada Laascaano iyo deegaanada hoos yimaada waxaa ka dhashay khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho, dhaawac, qax iyo burbur hantiyeed intaba.”

Sidoo kale waxaa lagu sheegay in dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ay ku dhinteen in ka badan 200 oo qof, ayna ku dhaawacmeyn in ka badan 500 oo qof, iyada oo dalka guduhiisa ku barakaceen in ka badan 185,000 oo qof iyo 80,000 oo qaxooti ku noqday dalka Ethopia, sida lagu yiri qoraalka kasoo baxay maamulka Puntland.

Puntland ayaa waxay dalbatay in qiimayn dhab ah lagu sameeyo waxyeelada iyo baaxadda khasaaraha dagaalka ka dhashay, loona diro hay’addo iyo guddiyo madax-banaan oo caalami ah (independent fact-finding mission) oo xaqiiqo raadin ah.

Waxay ugu baaqeen xukuumadda Somaliland in ay joojiyaan weerarka yo gumaadka ay ku hayaan dadka shacabka ah, ciimadoodana kala baxaan guud ahaan gobolka Sool, si gurmadka bini’aadantinimo loo gaarsiiyo dadka deegaanka.

“Guddiga gurmadka arrimaha bini’aadantinimo ee gobolka Sool waxa uu ku baaqayaa in hay’adaha samafalka iyo kuwa caalamiga ahba ay gacan bini’aadantinimo ka gaystaan sidii gargaar deg deg ah loo gaarsiin lahaa dadka ka barakacay magaalad Laascaanood iyo Deegaanada hoos yimaada.”

Sidoo kale waxay ku baaqeen in aan la carqaladayn, lana siyaasadayn dadaalka bini’aadannimo ee socda oo aan wax shuruud iyo xannibaad ah midna lagu xirin dhaqdhaqaaqa gargaarka.

“Dadka reer Puntland waa in ay labo-jibaaraan gurmadka iyo taakulaynta arrimaha bini’aadantinimada ee socda, loona fududeeyo adeegyada arrimaha bulshada, si gaara ardayda soo barakacay waa in iskuulada loo ogolaada bilaa shuruud.”

Ugu dambeyntiina waxaa lagu yiri qoraalka “Marnaba qori caaraddiis iyo jajuub laguma joojin karo kacdoon iyo rabitaan bulsho, dadka deegaankaasina waxay xaq u leeyihiin in iyaga oo xor ah oo nabad ah ay go’aan masiiri ah ka gaaraan aayahooda iyo rabitaankooda bulsho.”

Somalia: SSC forces seize key army base

0

Hargeisa (Caasimada Online) – SSC-Khatumo forces have successfully seized control of an army base on the outskirts of LasAnod town in northern Somalia after heavy fighting on Saturday.  

According to reports, the Guul Wade military camp, previously under the control of Somaliland military officer Mahad Cambashe and his loyal troops, is now under the control of the SSC administration., marking a significant development in the ongoing conflict. 

The SSC-Khatumo forces also successfully confiscated several military vehicles, including tanks, armored vehicles, and other weapons.

Cambaashe was among the top officers in the Somaliland army, hailing from the Sool region. The number of casualties from the fighting remains unknown. 

Map showing LasAnod (Laascaanood) Somalia

Traditional leaders in Sool have been attempting to persuade forces from the region to defect to the armed forces of SSC, who are at war with the separatist administration of Somaliland. However, these efforts have proven unsuccessful.

The Somaliland Ministry of Internal Affairs has released a statement on Facebook, claiming that “anti-peace and terrorist groups” attacked Somaliland military forces and violated the ceasefire in response to the conflict. 

The humanitarian crisis worsens in Somalia

According to the International Committee of the Red Cross (ICRC), the recent clashes between security forces and clan leaders in northern Somalia’s LasAnod have resulted in the deaths of at least 150 people and left over 600 others injured since February 6.  

The government of Puntland estimates the death toll to be as high as 200.

Eyewitnesses and clan leaders have reported heavy fighting in LasAnod, with the town being bombarded by artillery and mortar shells. 

Hospitals have also been targeted, with the main hospital in LasAnod sustaining severe damage.

The UN reports that more than 185,000 individuals have been displaced due to the violence, with women and children comprising an estimated 89% of the displaced population.  

Many have been forced to seek shelter under trees or inside schools that have been forced to shut. The UN’s refugee agency has also revealed that over 60,000 individuals have fled to Ethiopia’s Somali region to escape the violence.

US demands an immediate ceasefire 

Following a delegation led by Chargé d’Affaires Tim Trenkle’s arrival in the Somaliland capital of Hargeisa, the United States has called for an immediate and unconditional ceasefire in the northern town of LasAnod, Somalia.

During a series of political and civil society discussions, the delegation met with Somaliland President Muse Bihi Abdi to discuss the violence in LasAnod.  

The United States embassy in Somalia said, “The United States joins the international community in calling for an immediate, unconditional ceasefire and unhindered humanitarian access.” 

Moreover, the Bureau of African Affairs of the US State Department has also condemned the ongoing indiscriminate attacks that have claimed the lives of numerous civilians in LasAnod and displaced more than 185,000 individuals. 

The Department tweeted, “The United States condemns the continued indiscriminate attacks that have killed scores of civilians in LasAnod and driven more than 185,000 people from their homes. The violence must end, and those responsible must be held accountable.”

Somaliland: A brief history

Somaliland, with a population of 4.5 million, is a former British protectorate that prints its own currency issues its own passports and elects its own government.  

However, the lack of international recognition has left it impoverished and isolated. Despite this, it has been comparatively more stable than Somalia, which has been marred by civil war and Islamist insurgency for several decades

Daawo: Xildhibaan Jeesow oo shaaciyey in DF Soomaaliya ay isku beddeshay shirkado

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa ka hadlay tabashooyin ay beeshiisa Gaaljecel ka qabto dowladdaan uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo soo hadal qaaday kiisaska Ikraan Tahliil iyo Weriye Cabdalla Muumin oo baarlamaanka uu ku metelo.

Xildhibaanka oo ka hadlay kulan uu la yeeshay beeshiisa ayaa sheegay in dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ay noqotay in ganacsi kasta qof gaar ah loo xiro, isagoo sheegay in mar dhow la arki doono ceelasha biyaha laga cabo iyo suuqa Bakaaraha oo dad gaar ah loo xiray, sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaan Jeesow oo soo hadal qaaday kiiskii Ikraan Tahliil oo waayahaan aan laga hadlin ayaa sheegay in Ikraan kiiskeeda ay ololihii doorashada ku soo galeen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo kooxda la shaqeysa, sida uu sheegay.

“Gaaljecelow dowladda fahma meeshaan Kambaniyaal ayaa loo kala qeybsaday, aniga Kambanigii i qanciya ayaan ku biirayaa, meel kasta kambarni hebel ayaa la wareegay, balse mardhow waxaa maqli doontaan ceelasha biyaha iyo suuqa Bakaaraha oo qolo gaar ah loo xiray,” ayuu yiri Daahir Jeesow.

Xildhibaan Jeesow ayaa sheegay in dowladaan oo kale uusan arkin markii la fiiriyo tixgelinta beeshiisa, “Dowladaan mid Gaaljecel uga xun ma arkin, sababta ma garanaayo, marka saaxiibayaal adkeysta ninba maalin ayey u shidan tahaye,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Jeesow.

Xildhibaanka ayaa beeshiisa Gaaljecel kula dardaarmay inay ka daayaan dacaayadda, maadaama uusan dowladaan waxaba ka gelein oo mucaarad uu ku yahay.

Wuxuu u sheegay beesha inay iska dhaafto dacaayadda xildhibaanadooda ay ka fidiyaan, “War hadii aad dhahdaan Gaaljecel waa looma ooyaan iyo metelaad malaha, idinka ayaa is caayey ee waxaas iska dhaafee dowladda fahma Gaaljecelow ninba maalintiisa ayey u shidan tahaye,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xildhibaan Jeesow.

Xildhibaan Daahir ayaa siweyn ula shaqey jiray oo saaxiib dhow la ahaa dowladdii madaxweyne Farmaajo, wuxuuna ka mid yahay xildhibaanada ugu waqtiga dheer oo 20-kii sano ee lasoo dhaafay baarlamaanka ku soo jiray, balse hadda waxay u muuqataa inuu la jaan-qaadi la’yahay dowladaan madaxweyne Xasan Sheekh.

Hoos ka daawo

Somaliland oo shaacisay in Puntland ay soo weerartay – Kadib maxaa dhacay?

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa goordhoweyd sheegtay in ciidamo ka tirsan kuwa Puntland ay weerar ku soo qaadeen ciidamada Somaliland ee ku sugan aagga Tukaraq ee gobolka Sool.

Somaliland ayaa sheegtay inay ciidamadeedu dib u celiyeen oo ay iska difaaceen maleeshiyaadkii weerarka kusoo qaaday ee kasoo duulaan tagay maamulka Puntland, sida ay sheegtay.

“Ciidanka Qaranka JSL ee ku sugan Tukaraq waxa maanta weerar ku soo qaaday maleeshiyaad ka soo duulay Maamul Goboleedka Puntland ee Soomaaliya, Ciidanka Qarankuna waxay dib u celiyeen oo ay iska difaaceen maleeshiiyaadkii weerarka soo qaaday,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo ay soo saartay wasaaradda gaashaandhigga Somaliland.

Laba toddobaad ka hor unbay aheyd markii ay Somaliland sheegtay in Puntland ay dhaq-dhaqaaq ciidan ka wado aagga hore ee Tukaraq, ayna doonayaan in dagaalka socda ay ka bilaabaan jihooyin cusub.

Xukuumadda Somaliland ayaa dhowr jeer waxay dowlad-goboleedka Puntland ku eedeysay in uu wado qorshe uu ku ballaarinayo dagaalka ka socda Laascaanood, islamarkaana uu qorsheynayo inuu weeraro kusoo qaado ciidamada Somaliland.

“Waxa jira in aaga hore Tukaraq ay maamul goboleedka Puntland-Somalia ay ka wadaan dhaq-dhaqaaq ciidanka sidii horeba xukuumaddu u sheegtay, iyaga oo doonaya in dagaalka ay ka bilaan jihooyin cusub. Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyada oo mar walba lagu soo qaadayo weeraro, todoba maalmood oo joogto ah, ciidanku waxa uu difaac kaga jiraan fadhiisimadiisa,” ayaa lagu yiri qoraal 12-kii bishaan kasoo baxay Somaliland.

Deegaanka Tukaraq ayaa waxaa xilligan ku sugan ciidamada Somaliland, waxaana kal hore ka dhacay dagaallo u dhaxeeya Somaliland iyo Puntland.

Arrintan ayaa imaneysa xilli uu maanta sii xoogeystay dagaalka ka socda magaalada Laascaanood, ayada oo ciidamada SSC ay sheegeen inay la wareegeen saldhigii Somaliland ee magaaladaasi. Dagaalkan ayaa galay toddobaadkii saddexaad.

Majiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Puntland oo ku aadan weerarkan ay sheegtay Somaliland, waxaana xusid mudan in maamulka uu kal hore iska fogeeyay in uu qeyb ka yahay dagaalka socda.