Saraakiil Al- Shabaab ah oo ‘lagu dilay weerar qorsheysan’

Saalax Saciid SabriyeBy Saalax Saciid Sabriye

Muqdisho (Caasimada Online) –  Ciidanka milateriga gaarka ah ee Kumaandooska Soomaaliya ee DANAB ayaa howl-gal ku dilay Saraakiil ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo isku urursanayey hal goob, sida ay baahisay warbaahinta dowladdu.

Howl-galkaasi oo ciidamada DANAB ay ka fuliyeen gudaha deegaanka Daru-Salaam ee gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa waxa lagu dilay xubno iyo saraakiil ka tirsan Al-Shabaab, iyada oo aan weli si rasmi ah loo shaacin tiradooda.

Weerarka DANAB oo qeyb ka ah howl-galada ka dhanka ah argagixisada, gaar ahaan kuwa ay ka wadaan gobolka Shabeellaha Hoose oo muddooyinkii dambe ay kusii xoogeysanayeen dagaalyahanada Shabaabka ah.

Jeneraal Ismaaciil Cabdimaalik, oo ah taliyaha guutada 16-aad ee ciidamda DANAB, ayaa weerarkaasi lagu dilay saraakiisha shabaabka ah u xaqiijiyey warbaahinta dowladda.

Weerarka ayaa sidoo kale ciidamada Danab waxayl-Shabaab ugala wareegeen deegaanka Daru-Salaam.

Dadka degan Daarusalaam ayaa Caasimadda Online u sheegay in ka hor inta aysan ciidamada Dowladda soo gelin deegaanka ay maqlayeen dagaal culus oo u dhaxeeyey labada dhinac markii dambana ay Ciidamada Dowladda u suurtagashay in ay la wareegaan deegaanka Daarusalaam.

Wararka ayaa intaas ku sii daraya in Ciidanka Kumaandooska Xoogga dalka Soomaaliya ay wadaan howlgal miino baaris ah, Saraakiisha Ciidamada ayaa la filayaa in faah faahin ay ka bixiyaan howlgalka dhacay.

Mana jiro wax war ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan sheegashada ciidamada DANAB ee dilka xubno iyo saraakiil ka tirsan kooxdooda.

Kooxda Al-Shabaab ayaa inta badan ku xoogan deegaano ka tirsan Shabeelaha Hoose, iyada oo dagaal xoogan kula jirta ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo taageero ka helaya millateriga Mareykanka.