Home Warar Sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowlada oo lagu weeraray Hooygiisa (Warbixin)

Sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowlada oo lagu weeraray Hooygiisa (Warbixin)

Weerarka ayaa waxaa geystay maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab oo rabay in hooyga ay kala baxaan Sarkaalka.

Sarkaalka ayaa degan Guri ku yaalla Tuulada Xawaadley oo 22km dhinaca Bari ka xigta degmada Balcad ee Gobolla Shabeellaha Dhexe, waxaana la sheegay inay weerareen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.

Jeylaani Faroole oo Gurigiisa la weeraray ayaa isna waxa uu sheegay inay soo weerareen Al-Shabaab balse uu iska difaacay dagaalkii lagu soo qaadayna wax khasaaro ah uusan ka dhalan.

Sidoo kale, warar madaxbanaan ayaa sheegaya in Sarkaalka Jeylaani Faroole uu dhaawac fudud ka soo gaaray weerarkii xalay saqdii dhexe lagu qaaday guriga uu deganaa.

Ma cada khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka Sarkaalka ee ka dhacay Tuulada Xawaadley waxaana jira warar sheegaya inay jirto dhimasho iyo dhaawac.

Caasimada Online

Xafiiska Jowhar

Caasimada@live.com