Sawirro: Shabaab oo soo bandhigtay meydadka 4 askari oo ka tirsanaa DF Somalia iyo hubkooda

Muqdisho (Caasimada Online) – Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa soo bandhigay meydadka Afar askari kuwaasi oo ay sheegen inay ku dileen Dagaal maalinimadii doraad ka dhacay duleedka degmada Diin-soor ee gobolka Bay.

Maleeshiyaadka ayaa dadka deegaanka ku qasbay inay usoo daabasho tagaan meydadka Ciidamada Dowlada, waxa ayna guri waliba u garaacayeen dadka degan si ay uga soo qeybgalaan daawashada meydadkaasi.

Maleeshiyada ayaa sidoo kale isla goobta kusoo bandhigtay afar qori oo AK47 ah iyo hal qori PKM ah kuwaasi oo ay ku hubeysanaayeen askarta meydadka lagu soo bandhigay duleedka Diin-soor.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA
al1

al2

al3

al4

al5