Sawirro: Gudoomiyaha Cusub ee G/Banaadir oo shaqadiisii ugu horeysay ka dhigay lacag bixin

Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo maleeshiyaadka Al-shabaab ay weerar culus ku qaaden laba maalin ka hore Hoteel Saxafi ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa maanta xarumaha caafimaadka ee la geeyay dadkii dhaawaca ahaa booqday Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Gudoomiyaha cusub oo booqday dadkii ku dhaawacmay weerarkii Maleeshiyada xagjirka ah ay ku qaaden Hoteelka ayaa waxa uu bukaanada gaarsiiyay lacago uu ugu tallo galay in maalintaasi ay ka dhigtaan adeega bukaanada.

Gudoomiyaha ayaa booqashadiisa ku hormariyay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho, kaasi oo la geeyay inta badan bukaanka.

Qeybinta lacagahaasi ayaa waxaa barbar socday in Duqa Muqdisho uu warbixin la xiriirta xaalada caafimaad ee Bukaanada ka dhageysto Maamulka Isbitaalka Madiina, kuwaasi oo u sheegay Guddoomiyaha dadkan Isbitaalka la seexiyay in daryeel caafimaad uu wali u socdo.

Gudoomiye Yuusuf Xuseen Jimcaale oo shalay xilka la wareegay ayaa xafladii uu xilka kula wareegaayay wuxuu ka sheegay in uusan rajeynayn in Bulshada dhexdeeda uu ku dhexmaro Cabdi Bile ama gaadiidka qoryo ay ka buuxaan.

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ayaa looga fadhiyaa inuu la yimaada isbedel amni iyo mid horumarineed.

Tallaabadaani ayaa noqoneysa mid farxad galineysa Bulshada Muqdisho inkastoo aan la ogeyn waxa xigi kara.

1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11

12