Shaqsigii dilay Taliyaha Nabad Sugida oo la qabtay (Sawirro)

Jowhar (Caasimada Online)- Kadib baaritaan muddo badan qaatay oo ay sameeyeen ciidamada amaanka ee magaalada Jowhar ayaa waxaa gacanta lagu soo dhigay ruuxii ka dambeeyay dilkii taliyaha nabad sugida ee gobolka Shabeelaha Dhexe, sida ay sheegeen laamaha amaanka.

Saraakiisha ayaa sheegay in ciidamada ay shaqsigaasi kasoo qabteen duleedka magaalada isaga oo ku dhuumaaleysano, waxaana sawir laga soo qaaday uu muujinayay isaga oo ag-fadhiya taliyihii uu dilay.

Maamulka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegay in cadaalada lasoo taagi doono ruuxa dilka geystay, laakiin marka hore baaritaan dheeri ah lagu sameyn doono, waxyaabaha qasbay inuu dilkaasi geysto iyo arimo kale.

Afhayeenka maamulka shabeelaha Dhexe Daa’uud Xaaji ayaa sheegay in wax lagu farxo ay tahay in lasoo qabto dadkii dilka ka dambeeyay.

“Ciidamada Dowladda ayaa soo qabtay gacan ku dhiiglaha isaga oo ku dhuumaaleysanaya duleedka Magaalada Jowhar, hada Magaalada ayaan u soo wadnaa sharciga ayaana lagu qaadi doonaa oo maxkamada ayaa la horgeynayaa.” Ayuu yiri Afhayeenka Maamulka Gobolka Sh/dhexe.

Ururka Alshabaab ayaa sheegtay masuuliyada dilka ka dhacay magaalada Jowhar ee loo geystay taliyihii nabad sugida iyo sirdoonka qaranka.

13466079_1054165678005440_4898764976899812514_n 13509151_1054165581338783_4489528527786241214_n

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
Caasimada@live.com