Shariif Xasan: ”Hadii DF ay cabashadeenna uga soo jawaabto facboon anagana waan ugu jawaabeynaa”

Baydhaba (Caasimadda Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay hadalkaan xilli uu Maanta dib ugu laabtay Magaalada Baydhaboe e Xarunta Gobolka Baay.

Waxa uu sheegay in shirkii ay Madaxda Dowlad Goboleedyada isugu tageen Magalada Kismaayo uu ku yimid dhibaatooyin ay ka tirsanayaan dowladda haba ugu badnaatee inaysan si daacad ah uag qeyb qaadaneyn dagalka lagula jiro shabaab.

Waxaa Saxaafada wax ka weeydiisay waxyaabihii keenay inay xiriirka u jaraan dowladda,waxana uu sheegay in ay hakiyeen xiriirkii Wadashaqeyn ay la lahaayeen dowaldda ilaa ay uga soo jawaabeysana uu hakadka ku jiri doono.

“Anaga dhibaatooyin badan oo aan tirsaneyno ayaa sabab u ah inaan hakino xiriirkii Wadashaqeyn ee DFS,waxana u aragnay in dowladda ay ka soo horjeedo federaalka,waxan ugu baaqayaa Shacbaka konfur Galbeed inay difaacdaan Federaalka,waxana ku cel celinayaa federaalka difaca ayuu yiri Shariifka.

Isaga oo ka jawaabayay Qoraakii Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ka soo baxay ee looga dalbaday maamul goboleedyada a ayuu sheegay in Warkaas ay ka arkeen Baraha Bulshada,iyana sidoo kale ay Baraha Bulshada ugu jawaabi doonaan.

Si kastaba mid la mid ah hadalka ka soo baxay Madaxweynaha Koonfur Galbeed waxaa horay u sheegay Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam(Madoobe)

Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweynaha Koonfur Galbeed..

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasaimada@live.com