Somalia oo uu kusoo qul-qulayo hub Al-Shabaab ay kula dagaalameyso Daacish (Yaa soo diraya?)

Nairobi (Caasimada Online) – Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ururka Alshabaab ay helayaan hub badan oo casri ah oo ay doonayaan iney kula dagaalamaan ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa Daacish ee iska aasaay deegaanada Jubbooyinka ee dalka Soomaaliya.

Xogta la helayo waxay sheegeysaa in hubkaasi Alshabaab ka helayaan ururweynaha Al-qaacida oo Alshabaab ay xiriir wanaagsan la leeyihiin, waxaana hadafka ugu weyn la sheegay iney tahay sidii ay ula dagaalami lahaayeen kooxda daacish ee ku sugan qeybo kamid ah Soomaaliya.

Warkaan waxaa dhawaan lagu baahiyay Shabakadda Wararka Dalka Masar ee Al-bawabh news,shabakadaani waxay intaasi ku dareysaa in Madaxda alshabaab la amray inay shaaciyaan dagaal ay la galayaan Daacish-ta Soomaaliya la doonayo inay ka hanaqaado.

Shabakadaan inkastoo ay sheegeyso in hub casri ah la soo gaarsiiyay Alshabaab hadana meysan faahfaahin noocyadda hubka iyo qaabka lagu soo gaarsiiyey.

Ujeedka Alqaacida u hubeyneyso Alqaacida xiligaan ayaa la sheegay inay tahay si ay u hor istaagaan inaaney Daacish ama ISIS wax awooda ku yeelan gudaha Soomaaliya.

Amarka Alshabaab kaga imaanaya Alqaacida ayaa imaanaya xili xoogaga Daacish Soomaaliya ay ku soo kordhayaan qeybo ka mid ah gudaha Soomaaliya iyo xad beeneedka kuwaasoo badankood ah dagaalamayaal alshabaab ka goostay kuna biiray Daacish.

Caasimada Online
Xafiiska Kenya
Caasimada@live.com