Cabdi Weli Gaas oo aargudasho ku hanjabay kadib markii la…

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas ayaa shaaca ka qaaday in maamulka uu fulin doono dilal toogasho ah, taa oo lagu fulin doono Maxaabiis farabadan oo u xiran maamulka kuwaasi oo ka tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab.

C/wali Gaas, ayaa hadalkaani ka sheegay magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, waxa uuna tilmaamay in Puntland ay dhaqan galineyso waxa uu qabo sharciga.

Waxa uu sheegay in Xabsiyada maamulka ay ka buuxaan Maxaabiis aad u badan kuwaasi oo lagu helay falal amni darro, Toogasho iyo Qaraxyo iyo qaarkood oo lagu qabtay dagaal ay la galeen ciidamada maamulka.

C/wali Gaas ayaa sheegay in Puntland daganaashaheeda uu ku jiro sidii loo sii xoojin lahaa Dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab islamarkaana laga doonayo Ciidamada Amniga iyo Shacabka Puntland in ay ka wada shaqeyaan.

Haddalka C/wali Gaas, ayaa imaanaya xili ciidamada maamulka Puntland ay Bishii March dabayaaqadeedii qabateen 150 Maxaabiis Shabaab ah oo Caruur u badan.

Lama Xaqiijin karo kuwa la tooganayo in ay ku jiraan Shabaabka lagu qabtay Dagaaladii Toga Suuj iyo Garacad ka dhacay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com