Faah-faahin: Wafti wasiiro ah oo tagay Kismaayo iyo Howlgal dad lagu qabtay

Kismaayo (Caasimada Online) Waxaa faah-faahin laga helayaa wafdi wasiiro ah oo maanta booqday magaalada dekedda leh ee Kismaayo xarunta gobalka Jubbadda Hoose. Wafdiga oo ay ku jireen seddax wasiir ayaa maanta oo khamiis ah ka ambabaxay magaalada Muqdisho, waxana markii ay magaalada gaareen, kulamo googi gooni ah la qaateen maamulka ku meel gaarka ee ka dhisan magaaladaas iyo ciidamada Kenya. Kulanka Saxaafadda bannaanka ayey ka joo

Kismaayo (Caasimada Online) Waxaa faah-faahin laga helayaa wafdi wasiiro ah oo maanta booqday magaalada dekedda leh ee Kismaayo xarunta gobalka Jubbadda Hoose.

Wafdiga oo ay ku jireen seddax wasiir ayaa maanta oo khamiis ah ka ambabaxay magaalada Muqdisho, waxana markii ay magaalada gaareen, kulamo googi gooni ah la qaateen maamulka ku meel gaarka ee ka dhisan magaaladaas iyo ciidamada Kenya.

Kulanka Saxaafadda bannaanka ayey ka joogtay.

Kulanka oo ahaa mid uu albaabada u xirnaa, ayaa waxa wararka laga helaayo ay sheegayaan in looga hadlaay maamul u sameenta gobalada Jubbooyinka iyo Gedo, oo hadda meel gabogabo maraya, iyo siddii loo adkeen lahaa xiriirka dowladda iyo maamulka ka jira Kismaayo.

Wafdigan ayaa ku soo beegmaya iyadoo shaley uun uu magaalada Kismaayo ku soo laabtay Axmed Madoobe oo ah hoggaamiyaha ururka Raaskambooni.

Wasiirka arrimaha gudaha C/kariin Xusueen Guuleed oo wafdiga hogaaminayay ayaa oo la hadlaayay VOA-da ayaa yiri : “Safarkeenu wuxuu la xiriiraa sidii aan ugu kuurgli lahayn xaaladaha bani’aadamnimo iyo kuwa ciidan ee ka jira Kismaayo, qiimeynta kadibna dib ayaan ugu soo laaban doonaa magaalada si aan u xalino wixii aan maanta aragno”

Axmed Madoobe oo soo dhaweeyay wafdiga ayaa sheegay in wafdiga ka yimid Muqdisho kaga ay soo dhaweynayaan, isagoona intaas ku daray in ay dhageysanayaan waxyaabaha ay u yimaadeen wafdigan magaalada Kismaayo.

“Annaga iyo wafdiga waxaan kawadahaddalnay siddii maamul loogu sameen lahaa gobaladdan, iyadoo maamulkaas ay soo dhisanayaan dadka ku dhaqan magaalada, dowladdana ay hoggaamin doonto shirka, iyadoo horrey wax badan loo soo qabtay, dowladana looga baahan yahay dhammeestirka.” Ayuu yiri .

Howlgalo ka dhacay magaalada

Magaalada maanta markii uu yimid wafdiga, waxa laga dhigay bandow, oo meel kasta ayaa la xiray, waxana dadka lagu amaray inaysan ka soo bixi karin guryahooda.

Illaa in ka badan 70-qof ayaa lagu qabqabtay howlgalo saaka illaa maanta ka dhacay magaalada Kismaayo, waxana dadkan dhammaan lagu eedeeyay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

Intii uu wafdiga ku sugnaa garoonka diyaaradaha waxa lagu soo tuuray hoobiyaal, laakin wax khasaaro ah sooma gaarin.

Wafdiga ayaa caawa ku hoyanaya magaalada Kismaayo, waa markii ugu horreysay oo wafdi ka socda dowladda Soomaaliya uu booqdo Kismaayo, kal horre ayaa wafdi uu diray madaxwaynaha waxa laga soo celiyay garoonka markii loo sheegay.

Ma jirto faah-faahin illaa hadda laga hayo kulanka dhexmaray labada dhinac wax yaabaha uu salka ku hayo.

Horaanta bisha soo socota waxa magaalada Kismaayo ka dhacaya shir looga hadlaayo maamul u sameenta gobalada Jubbooyinka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi