Warbixin: Sida CAJIIBKA ah ee xafiiska CANSHUURAHA Zakawaat ee Al-Shabaab uu u howl-galo (Akhriso)

Muqdisho (Caasimada Onlien) – Kooxda Al-Shabaab ee dalka Soomaaliya waxa ay leedahay laba waaxood oo dadka shacabka ah uga soo qaada canshuuraha, sida lagu sheegay daraasad cusub. Waax waxaa la yiraahdaa Zakawaat, midka kalena Waaxda Maaliyadda.

Waaxda Zakawaat waxa ay soo ururisaa waxyaabaha aan lacagta ahayn ee Shabaab ay dadka ka qaaddo, sida xoolaha iyo dalagyada beeraha kasoo go’a, halka Xafiiska Maaliyadda uu ururiyo lacagta canshuurta ah.

Zakawaad waxaa qaada/uruuriya ciidamo laga kala keenay waaxo kala duwan oo ka tirsan Al Shabaab kuwaas oo garab ka hela madax dhaqameedyada. Ciidamadan waxaa la hawl galiyaa marka laga gaaro xilliga qaadista oo caadiyan ah bisha Ramadaan.

Qaadista Zakawaadka waxa ay ka bilaabataa 25 halaad oo laga bixiyo hal neef, halka hal Ri’ laga bixiyo afartankii neef oo Ari’ ah.

Qaadista Zakawaat-ka si isku mid ah ayaa looga sameeyaa dhammaan deeganada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya oo ay ku jiraan degmooyinka aysan Al Shabaab gacanka ku hayn. Kuwa Zakawaadka qaada waxa ay xoolo dhaqatada siiyaan warqad caddeyn ah ama Risiit; kuwa lumiya warqadda la siiyo waxa ay bixiyaan canshuur labaad sanadka xiga. Tani waxa ay xaqiijineysaa in xoolo dhaqatada ka maqnaa dhulka Al Shabaab sanadka la qaadayey aysan ka baxsan bixinta Zakada.

Qiimaha lacagaha la bixiyo wey ku kala duwan yihiin degmooyinka. Tusaale, Bardaale, sanadkii 2017, Waxaa Alshabaab u suuragashay in ay ka uruuriyaan 2200 (Laba kun iyo laba boqol) oo Ari iyo 171 (Boqol todobaatan iyo kow) Geel. Deegaanada ku dhaw Muqdisho isla sanadkaas, waxaa laga uruuriyey 100 (Boqol) Geel iyo 1500 (Kun iyo Shan boqol) oo Ari. Tani waxa ay ka dhigan tahay in xoolahan ay aad u yar yihiin maadama dadka deegaanka dagan yihiin Beereley iyaga oo ku dhaw Muqdisho oo ay ku teetsan yihiin magaalooyin waa weyn.

Sidoo kale, Zakadii laga uruuriyey Baraawe 2017 waxa ay ahaayeen 600 (Lix Boqol) oo Geel iyo 800 (Sideed Boqol) oo Ari; Wanlaweyn waxaa laga uruuriyey 700 (Todobo Boqol) iyo kumanaan Ari ah.

Xoolaha waxaa laga iibiyaa ganacsato xiriir la leh Al Shabaab oo laga siiyo qiime ka hooseeya inta uu guud ahaan suuqa laga bixiyo.

Qiimaha neefka Geela waa 40  ilaa iyo 600 oo Doolar halka Ari-ga laga bixiyo 30 Doolar

Degmooyinka kor lagu soo magacaabay kuma jiraan gacanta Al Shabaab, hadana kooxda waxa ay awood u heshay in ay wax ka bada 1M oo dollar OO Zakawaad-ha ka uruuriso sanadkii 2017.

Taas waxa ay bixineysaa tilmaam ah in sanadkii qiyaas ahaan 8 Milyan oo Doolar ayey Zakawaad ahaan uga soo uruuriyaan Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Marka lacagta heer degmo laga soo uruuriyo, qeyb ka mid ah waxaa la siiyaa dadka dan yarta ah laakiin inta badan lacagta waxaa loo diraa maamuleyaasha gobolada halkaas oo  loogu dhiibo xafiiska Bangiga Maaliyadda.

Qeybta xigta warbixintan waxaan ku eegeynaa xafiiska maaliyadda Al-Shabaab, insha allah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com