Xaaf: Ma hoggaamiye mise hayi raac – Galmudug bad-baado bay u baahan tahay

Muqdisho (Caasimada Online) – Su’aasha qof walba oo reer Galmudug ah is weydiinayey muddooyinkan dambe ayaa ah, Axmed Ducaale Geele (Xaaf) ma hoggaamiyaa mise hayi raac?

Hoggaamiyaha maamulka Galmudug waxa uu la wareegay talada kaddib markii uu is casilay Cabdikariin Xuseen Guuleed, oo ahaa madaxweynihii ugu horreeyey ee loo doorto Galmudug.

Cabdikariin Xuseen Guuleed waxaa lagu eedeyn jiray in uu ahaa maqaar saar oo ay ku shaqeystaan ururkii uu ka tirsanaa ee Damujadiid hase ahaatee waxa ay sheekadu reer Galmudug ku noqotay “Ka daroo Dibi dhal!”

Tan iyo markii uu Xaaf noqday madaxweynaha maamulka curdunka ah, waxa uu shaqadiisii kaga mashquulay u safridda Baydhabo iyo Kismaayo oo uu uga qeybgalayey shirar lagu sheegay in ay isugu yimaadaan iskaatashatada maamul gobolleedyada!

Yaa la isu kaashanayaa?

Uurukaas sameyntiisa waxa uu ku yimi aragti uu lahaa Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, kaas oo dhawaan galaya doorasho waxaana duradiiba ku wada raacay iyaga oo aan iska baandheyn ujeedka uu ka  leeyahay Xaaf, Waare, Madoobe iyo Shariif Xassan.

Ujeedka ugu weyn ee uu Gaas ka lahaa sameyta ururka looga dhigay gudoomiyaha waa in uu kula loolamo dowladda dhexe iyo in uu diiraddeeda kaga weeciyo in ay farogaliso doorashada dhawaan ka dheceysa Puntland. Yeelkeede, waxa uu ka faa’iideystay cabsidii ay wada qabeen hoggaamiyeyaasha goboladdakale ee ahayd in dowladda dhexe xukunka ka riddo  – Wa  hadaf u suurtagalay Gaas!

Xaaf waa Hayi Raac

Hoggaamiyaha Galmudug waxaa habbooneyn oo ahayd wixii loo igmaday in uu mudada u dhiman ka shaqeeyo in uu dhiso haykalka dowladnimo ee Galmudug, heshiis waara la galo Ahlu Sunna Wal Jamaaca iyo in uu ka faa’ideysto dowladda dhexe si uu uga helo garab istaag ah in lagala shaqeeyo hawlaha maamulkiisa.

Hase ahaatee, waxa uu ku bedeshay in uu Gaas diyaarad Baydhabo ama Kismaayo tegeysa la sii raaco isaga oo dayacay ujeedkii loo doortay.

Maxaa isku dan ka dhigay Puntland iyo Galmudug?

Xaaf ma oga miyaa in Puntland jirtay muddo 20 sano ah? Lama socdo miyaa in nidaamkeeda dowladnimo si adag loo dhisay oo ay hadda galayaan deegaan doorasho, sidoo kale in ay nidaamka qof iyo cod u gudbaan ay isha baarkeeda tahay?

Waa yaabe, miyuusan ogeyn iska daa wax kale, inaysan Galmudug lahayn xafiisyo ay wasaaradeheeda ku shaqeeyaan, ciidan dhisan lahayn, dhulkeedii inta badan Shabaab haysto?

Xaaf, isaga oo deggan su’aalahaas haka jaawabo kaddibna bulshada Galmudug ee anfariisan ha’uga jawaabo su’aasha ah “Odayga ma hoggamiyaa mise waa hayi raac?”

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com