XOG: Ajnabi ku dhintay weerarkii hotel Saxafi ee shalay iyo dalka uu u dhashay oo soo hadlay.!!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Kenya ayaa ka hadashay wararka sheegaya in muwaadin Kenyan ah uu ku dhintay weerarkii maalintii shalay Al-shabaab ka geysteen hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho.

Wasaarada arimaha dibada Kenya ayaa sheegtay in diblumaasi Kenyan ah uu ku dhintay weerarkii shalay ka dhacay Saxafi, kaasi oo la sheegay inuu ku jiray dhismaha hotelka ka hor inta uusan weerarka dhicin.

Sarkaal ka tirsan wasaarada arimaha dibada Kenyan ayaa sheegay in diblumaasiga Kenya uu muddo ku sugnaa dhismaha hotelka, laakiin shalay uu kamid noqday dadkii ku dhintay hotelka.

Sidoo kale sarkaalka u hadlay wasaarada arimaha dibada ayaa sheegay in dadka kale ee diblumaaasiyiinta ah ee kusugan magaalada Muqdisho ay yihiin kuwo bad-qaba.

Al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyada weerarka ka dhacay dhismaha Hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho, waxaana afhayeenka guud ee Alshabaab uu sheegay iney guulo ka gaareen weerarkii shalay dhacay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com