XOG: Siidii oo guri weyn ka iibsaday TURKIGA.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Gudoomiyihii Gobolka Shabellaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur Siidii uu guri baaxad weyn leh ka iibsaday dalka Turkiga.

Wararku waxa ay sheegayaan in Siidii uu gurigaasi ka iibsaday dalka turkiga gaar ahaan degmo hoostagta magaalada Ankara, waxaana lasoo warinayaa in lacagta uu ku iibsaday gurigaasi ku helay abaalmarin lacageed.

Siidii ayaa bilowga bishaani carruurtiisa ka raray Gobolka Shabellaha hoose, isaga oona u raray magaalada Ankara.

Siidii ayaa dhaqaalahaasi ka helay Dowladaha ugaarsada Al-shabaab kuwaasi oo howlgalo lagu guuleystay ka fuliyay Gobolkaasi oo lagu dilay Horjoogayaal ka tirsanaa Al-shabaab oo ay baadigoobayeen Sirdoonka caalamka.

Dhaqaalahaani uu Siidii ku iibsaday gurigaasi ku yaalla Turkiga ayuu ku helay hagida diyaaradihii Gobolka Shabellaha Hoose ka fulinaayay duqeynta kadib markii uu bixiyay macluumaadka duqeymahaasi.

Siidii ayaa kaalin buuxda ka qaatay xasuuqa ay Reer galbeedka u geysteen Horjoogayaasha Maleeshiyada Al-shabaab eek u sugnaa G/Sh.Hoose.

Geesta kale, Iibsashada gurigaasi ayaa waxaa xigay xil ka qaadis lagu sameeyay, kadib markii uu khilaaf ka dhex curtay isaga iyo Madaxweyne Shariif Xassan.

Xafiiska Muqdisho
Caasimada Online
Caasimada@live.com