Xog ku saabsan qorshaha Daacishta Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo Dowladaha caalamka ay il gaar ah ku hayaan Kooxda Daacish, gaar ahaan Daacishta Somalia ee dhawaan laga hirgaliyay Somalia, ayaa waxaa arrimo la xiriira arrintaasi ka hadlay Dowlada Mareykanka oo kamid ah Dowladaha ugaarsiga ku haya Daacish.

Michael Franken oo ah Taliye-xigeenka Hawlgalladda Dagaalka ee Taliska Ciiddanka Maraykanka ka jooga Qaaradda Afrika, ayaa sheegay in Dowladiisu ay u muuqato in Kooxda Daacish ay saldhigyo aad u waaweyn ka dhiganeyso Qaarada Africa.

Waxa uu sheegay in Daacish ay wado qaabkii ay awoodooda ugu badan uga hirgalin laheyd Qaarada africa waxa uuna tusaale usoo qaaday unugyada Kooxdaasi taabacsan ee hadda kusii baahaya Somalia iyo Nigeria.

Michael Franken waxa uu tilmaamay in Daacish ay iminka isku dayeyso inay balaariso joogitaankeeda Somalia, halkaasi oo dhowaan tobaneeyo dagaalyahan ay ka go’een Al-Shabaab kuna biireen Daacishta Somalia ee xarumaha hordhaca ah ku leh buuraaleyda Galgala.

Franken ayaa joogitaanka Soomaaliya ee labaatan dagaalyahan oo ku xiran Daacish ku macneeyey mid aan sidaa muhiim u ahayn, balse waxa uu carab dhabay inaan la yareysan karin dhaqdhaqaaqyada ballaaran oo ay hadda wadaan.

Franken oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu sheegay in Al-Shabaab ay maareyso goosashada xubnaha doonaya inay ku biiraan Daacish, islamarkaana ay gaari donto heer ay isugu soo uruuraan tirro dagaalyahaano, sababo la xiriira gurashada Dagaalyahanada ee xiiseynaaya ku biirista Daacishta Somalia.

Sarkaalkaasi waxa uu tilmaamay in Kooxda Daacish ay qorshahooda dheer ugu jirto inay ku faafaan guud ahaan Africa gaar ahaan Somalia.

Waxa uu xusay inay Dagaalamayaashaasi bishii Feberaayo ee sannadkan ahaayeen 200-dagaalyan oo keliya, balse, ay haatan tiradooda gaartay ku-dhawaad 2,000 oo Dagaalyahano, kuwaasi oo ku sugan gudaha iyo daafaha magaalladda Sirte ee dalka Libya.

Haddalka Franken waxa uu imaanayaa iyadoo Kooxda Daacish ayaa kusii ballaaraneyso Africa, ayada oo soo jiidaneysa xagjiriinta dalal ku yaalla inta u dhaxeysa Nigeria illaa Somalia, islamarkaana aas-aasay xarun ay ugu dhowaadaan Yurub.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com