Xog: Muran ka taagan 43 qof oo Puntland ay rabto inay toogato

Boosaaso (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari la geeyay maxaabiis ka tirsan Al-shabaab kuwaasi oo dhawaan lagu riday xukun dil toogasho ah.

Maxaabiistaani loo wareejiyay magaalada Boosaaso ayaa dhan 43 kuwaasi oo lagu qabtay dagaalkii ka dhacay deegaanka Suuj oo hoostaga maamulka Puntland.

Maxaabiistaani ayaa maxkamadeynta labaad ku mari doona magaalada Boosaaso, waxaana la xaqiijiyay in dilkooda uu ka dhici doono Boosaaso, sida laga soo xigtay Saraakiil ka tirsan Maxkamada.

Qorshaha maamulka Puntland ayaa ah in Maxaabiistaani la xakumay la mariyo xukunkooda, waxaana jira warar sheegaya in muran uu ka taagan yahay halka lagu toogan lahaa inkastoo mas’uuliyiinta badi ay isku raacday in dilka uu ka dhaco magaalada Boosaaso.

Dhanka kale, waxaa heer gabagabo maraaya wakhtiga maxaabiistaani la siiyay racfaanka walow mar waliba ay mari doonaan toogashada.

Caasimada Online
Xafiiska Boosaaso
Caasimada@live.com