Xog: Qorshe lagu duqeynayo Puntland oo socda

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo aan ka heleyno dhanka Saraakiil ka tirsan DFS ayaa sheegaya inuu socdo qorsho ay horboodeyso DFS oo lagu duqeynaayo dhulka Buuraaleyda Galgala.

Mid kamid ah Saraakiish oo codsaday inaan magaciisa loo adeegsan saxaafada ayaa sheegay in duqeymaha ay hagi doonaan Saraakiil ka tirsan Dowlada oo iminka ku kala sugan Muqdisho iyo Puntland, waxa uuna intaa raaciyay in duqeymaha ay ka qeybqaadan doonaan Dowladaha kala ah Mareykanka, Ethiopia iyo Kenya.

Waxa uu sheegay in duqeyntaasi lagu burburin doono Saldhigyada ay Daacishta Somalia ka sameysteen Galgala.
Waxa uu sidoo kale sheegay in duqeyntaasi ay qaadan doonto muddo waxa uuna tilmaamay in ujeedka laga leeyahay ay tahay in burburin lagu sameeyo Kooxdaasi cusub si aysan ugu baahin Somalia.

Waxa uu intaa hadalkiisa raaciyay in iminka ay socto daraaso lagu sameynaayo goobaha ay u badan yihiin iyo meelaha ay kaga sii dhuumaleystaan Buuraha, si aan loogu guul dareysan duqeymaha dhici doono.

Arrintaani ayaa kusoo beegmeysa xili dhawaan ay Dowlada Mareykanka ka hadashay burburka ku yimid maleeshiyaadka Al-shabaab iyo gooni isku taaga Daacishta Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com