XOG: Saldhigyo ay lahaayen Al-Shabab oo cagta la mariyay iyo hub tiro badan oo lagala baxay..!!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helaayo degmada Diinsoor ee Gobolka Baay, ayaa sheegaya in Ciidamada militeriga Dowlada ee ka howlgala Gobolka Baay ay burburiyeen saldhigyo ay lahaayen Maleeshiyaadka Al-shabaab.

Guddoomiyaha Maamulka degmada Diinsoor ee Gobolka Baay Ibraahim Max’ed Nuur Shigshigow, ayaa sheegay in Ciidamadu ay duulaan ku qaaden Xarumo ay lahaayen Al-shabaab islamarkaana ay burburiyeen.

Waxa uu sheegay in Saldhigyadaasi ay ku yiilen deegaano hoostaga degmada Diinsoor, halkaasi oo ay Maleeshiyadu kasoo qaadi jirtay duulaanka.

Wuxuu sheegay in ciidamadu ay sidoo kale la wareegeen deegaanada Gubadleey iyo Misirre ayna ka saareen Maleeshiyada Al-shabaab.

Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in ciidamadu ay hadda gacanta ku hayaan deegaanada ay ka saaren Al-shabaab waxa uuna intaa raaciyay in Saldhigyada la burburiyay ay Hub ka heleen.
Dhanka kale, Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay ayaa ka mid ahayd meelaha ay ugu xoogan yihiin Al-shabaab.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com