Shir qarsoodi ah oo loogu tashanayo Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Nairobi ee xarunta Dowlada Kenya ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo shir qarsoodi ah oo looga arrinsanaayo dhaqdhaqaaqyada Maleeshiyaadka nabadiidka ah ee Al-shabaab.

Shirka oo ay ku sugan yihiin Saraakiil ka kala socta dalalka ay kasoo kala jeedan Ciidamada AMISOM ayaa waxaa furay Lt.Gen.Jonathan Rono oo ah Taliyaha guud ee Ciidamada AMISOM, waxaana qeyb ka ah shirkaasi Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland.

Ujeedka shirka ayaa ah sida haraadiga Maleeshiyaadka Al-shabaab looga soo afjari lahaa deegaanada uu ka arimiyo maamulka Jubbaland oo wali ay Kooxdu ku leedahay saldhigyo qarsoon.

Shirka ayaa la tilmaamayaa in loogu magac daray (After Action Review meeting for operation ocean build and operation Juba corridor).

Lt.Gen.Jonathan Rono ayaa sheegay in suuragalnimada ay ka fogtahay in Al-shabaab iyo AMISOM ay hal meel kuwada noolaadan waxa uuna farta ku goday in muddo kooban ay fursad siinayaan Al-shabaabka ku dhuumaaleysanaaya Kismaayo iyo daafaheeda.

Waxa uu ku goodiyay in Al-shabaab ay ka dhigi doonaan mid ay dilaan, mid ay xiraan yo kuwa kala firxada.

Lt.Gen.Jonathan Rono ma uusan sheegin goorta ay qorsheynayaan howlgalkaasi balse waxa uu ifiyay in muddo kooban ay heystaan Al-shabaab.

Waxa uu Ciidamada Maamulka Jubba ugu baaqay inay u diyaar garoobaan dagaal uu dhiigbadan ku daadan doono.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com