Xog: Xiriirka Kenya iyo Somalia oo mar kale xumaaday (Maxaa Sabab u ah?)

Nairobi (Caasimada Online) Qaar ka mid warbaahinta caalamiga iyo kuwa Kenya ayaa baahiyay maanta oo Axad ah, warar ku saabsan in xiriirka labada dowladood ee Soomaaliya iyo Kenya uu xumaaday markale.

Si dhab ah looma oga wax yaabaha sababta u ah in uu jarmo xiriirka Muqdisho iyo Nairobi, balse wuxuu si fiican u soo shaacbaxay wixii ka dambeeyay weerarkii Sabtidii hore Al-Shabaab ay ka geesatay xarunta ganacsiga Westgate ee Nairobi.

Warbaahinta aan ka soo xiganay warkan waxa ay lee yihiin, madaxweynaha Kenya Uhuro Kenyatta ayaa ka cudur-daartay la kulanka madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku tagi lahaa Kenya.

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya ayaa la sheegay in lagu wargaliyay imaashiyaha madaxweynaha Soomaaliya, balse xaley ayaa loo sheegay in madaxweynaha uusan imaan doonin magaalada Nairobi, wax faah-faahin ah looma sheegin.

Waxaa suurta gal ah in Uhurru uu la kullanka madaxweyne Xasan uga baaqday, sababo la xiriira culeeska siyaasadeed ee heysta iyo arrintii West Gate, oo weli saameynteeda ay taagan tahay, balse xaqiiqda lama oga

Arrintaan ayaa loo micneeyay xiriirka diblomaasiyeed Soomaaliya iyo Kenya in uusan ahayn mid wanaagsan kaasoo xumaaday wixii ka dambeeyay markii dowladda Soomaaliya ay ku eedeysay ciidamada Kenya ee ku sugan Jubbooyin ay taageereen Axmed Madoobe oo dagaal la galay hoggaamiyaal is-magacaabay.

Sidoo kale,warbaahinta aan warkan ka soo xiganay ayaa leh, mar uu madaxweynaha Kenya Kenyatta la hadlay shacabka reer Kenya kuma soo hadal qaadin hadalkiisa in madaxda Soomaalida ay uga soo tacsiyeeyeen weerarkii Westgate oo ay sheegatay Al-Shabaab, taasina waxaa la sheegay in madaxda Somalia ay ka xumaadeen.

Wuxuu hadalkiisa ku sheegay in madax badan oo qaarada ay ka soo gaartay tacsi la xiriirta dadkii wax ku noqday weerarkaas.

Dowladda ilaa hadda si dhab ah ugama jawaabin warkan la isla dhex-maraayo, mar aan la xiriirnay afhayeenka madaxdooyada Soomaaliya Eng. Yariisow oo ku sugan magaalada Nairobi, wuxuu sheegay in uusan wax kala socon warkaas isla markaana uusan ka mid ahayn wafdiga madaxweynaha ee la aaday Maraykanka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi