Ahlu-Sunna oo soo bandhigtay Ciidamo duulan ku ah Galmudug iyo dhaqdhaqaaq dagaal oo…

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya deegaanka Xananbuure ee Gobolka Galguduud, ayaa sheegaya in halkaasi lagu soo bandhigay Boqolaal ciidamo ka tirsan Ahlu Suna ee Gobolada Dhexe.

Ciidamadaani ayaa waxaa halkaasi loogu soo xiray tababar ciidan, waxaana la sheegayaa in ujeedkooda uu yahay inay gacanta ku dhigaan deegaano ka maqan gacanta Kooxda.

Cali Baashi Faarax oo ah Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Ahlu Suna, ayaa sheegay in Ciidamadaani iminka loo soo xiray tababar waxa uuna tilmaamay in danta laga leeyahay ay tahay inay dib ula soo noqdaan deegaanada gacantooda ka maqan.

Cali Baashi Faarax ma uusan sheegin waxa ay kala yihiin deegaanada loogu tallo galay in Ciidamadaani ay gacanta kusoo dhigaan, balse waxa uu cadeeyay in loogu gol leeyahay inay dib usoo ceshtaan deegaanada ka maqan.

Sidoo kale, waxa uu Mr Cali Baashi hoosta ka xariiqay xoogagan in ay yihiin kuwii Maleeshiyada Al-shabaab ka saaray qaybo ka mid ah Gobolka Galgaduud, kuna soo dabaalay nabadda maanta ka jirta, sida uu yiri.

Dhanka kale, haddalka Cali Baashi Faarax, ayaa muujinaaya in Ciidamadaasi loo diyaarinaayo la dagaalida Maamulka Galmudug oo dhawaan Ahlu suna ka qabsatay deegaano muhiim u ahaa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com