Britain iyo DF oo si wada jir u qaban doona shirka mustaqbalka Somalia.

Britain ayaa lagu wadaa inay shir cusub oo caalami ah oo ku saabsan mustaqbalka Somalia qabato 7-da bisha May, waxaa sidaas sheegay xafiiska ra’iisul wasaare David Cameroon.

Afhayeen u hadashay xafiiska Downing Street ayaa sheegtay in kullanka uu xoojin doono shir weyn oo lagu qabtay London bishii February, halkaasi oo quwadaha caalamiga ah ay ku ballan qaadeeen xoojinta gar gaarka Somalia iyo la dagaalanka Al-Shabab.

“Dowladaha UK iyo Somalia waxa ay si wada jir ah u marti gelin doonaan shir caalami ah oo ku saabsan Somalia oo 7-da May ka dhacaya UK” ayay tiri.

Xafiiska Ra’iisul wasaare Cameroon ayaa sidoo kale sheegay in khamiistii uu la hadlay madaxweyne Xasan Sheikh ayna ka wada xaajoodeen sii durjinta kooxda Al-Shabab iyo muhiimadda madaxweyne Xasan ee dib usoo celinta xasiloonidii Somalia.

“Ra’iisul Wasaare Cameroon waxa kale oo uu sheegay inuu marti gelinta shirka G8 ee sanadkan u adeegsan doono inuu ku xoojiyo taageero dheeri ah oo loo raadiyo Somalia si loo xoojiyo dimuqraadiyadda dalka” ayay tiri afhayeenka.

Ku dhowaad 60 wakiil oo ka kala socda dalal iyo ururo ayaa ka qeyb gali doona kullanka dhacaya toddobada May.