Maamulka Jubba oo jeediyay hanjabaad cusub.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Jubbaland ayaa diray fariin ku wajahan Maleeshiyaadka Al-shabaab kaasi oo la xiriira maja-xaabinta maleeshiyaadka ku dhuumaaleysanaaya deegaanada maamulka.

Hanjabaadani ayaa waxaa si gaar ah u diray Madaxweyne ku-xigeenka KMG maamulkaasi Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, waxa uuna sheegay in deegaanada maamulka aysan kuwada noolaan doonin iyaga iyo Al-shabaab.

Waxa uu sheegay in la dagaalanka maleeshiyaadka Al-shabaab ay u diyaariyeen ciidamo si gaar ah u tababaran kuwaasi oo uu sheegay inay cagta marin doonaan goob waliba oo ay maleeshiyada kaga sugan tahay Kismaayo iyo deegaanada kale.
Fartaag waxa uu cadeeyay in ciidamadaasi ay gaari doonaan Seddaxda gobal ee Jubbaland hoostaga iyo deegaanada kale oo la rumeysan yahay inay ku dhuumaaleysanayaan.

Mar uu la hadlaayay saxaafada ayuu yiri “Waxaan rajeynaynaa in maalmaha soo aadan aan la wareegno degmada Bu’aale iyo guud ahaan gobalka Jubada dhexe, Jubbaland wey is raacday waxaa inoo haray waa inaan nabad diidka ka saarno meelaha ay ku sugan yihiin”

Si kastaba ha ahaatee, hanjabaada Fartaag ayaa imaaneysa xili gobolada maamulkaasi ay ka dilaaceen kooxo dhawaan ka goostay Al-shabaab oo la magacbaxay Daacish.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com