XOG: Dalaalkii badda Somalia iyo Xasan Sheekh oo berri safar qarsoodi ah ugu baxaya 3 dal..!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in berri oo Axad ah taariikhduna tahay November 8, 2015 in uu ku tago booqasho maalin ah oo aan horay loo shaacin magaalada Kampala.

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa in uu la qaato dhiggiisa Museveni shir aay albaabada u xiran yihiin, sida uu Caasimada Online u sheegay Shadoor Xaaji Shadoor oo ka mid ah howl wadeenada Villa Somaliya.

Shadoor ayaa sheegay in safarka madaxweynaha aay ku wehliyaan Agaasimaha Madaxtooyada Cali Balcad iyo Xasan Kheyre oo ah agaasimaha Soma Oil ee geeska Africa.

Xasan Kheyre waa ninii dalaalka ka ahaa boobka badda Soomaaliya ee Kenya oo gacan ka haleysa dowladda Nairobi. In Xasan Kheyre uu ka mid yahay waftiga dowladda, waxa ay abuureysaa shaki hor leh oo ku saabsan badda Soomaaliya.

Xubnaha kale ee madaxweynaha ku wehliya safarka waxaa ka mid ah Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), Cabdiraxmaan Aadan Cusmaan, Cabdinuur Xasan Faarax, Abuukar Xasan Calasow iyo Cabdullahi Saney Cabdullahi.

Safarkan kaddib ayaa waxaa uu madaxweynaha uu si toos u tegi doonaa Magaalada Jabuuti isagoo halkasna kula kulmi doona dhiggiisa Ismaaciil Cumar Geelle.

Labadan safar ayaa ah kuwa xasaasi ah oo loo badinayo in ay la xiriirto diyaaraddii dhawaantan ku dhacday duleedka Balli Doogle. Diyaaradda ayaa la rumeysan yahay in aay la socdeen sirdoon reer galbeed ah oo iminka ay gacanta ku hayaan kooxda Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa safarka Jabuuti kaddib u sii socdaali doono dalka boqortooyada Sacuudiga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@hotmail.com