25.3 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Jeesow oo weerar culus ku qaaday xukuumada Rooble

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ee kasoo jeeda Hiiraan ayaa si kulul uga hadlay xaaladda cakiran ee magaaladaasi iyo ciidamada ay dhowaan dowladda federaalka ah ee  Soomaaliya geysay halkaasi.

Jeesow oo u warramay Shabelle TV ayaa ugu horreyn taageeray ciidamada ay dowladdu todobaadkii lasoo dhaafay ku daad gureysay Beledweyne, wuxuun sheegay in ciidankaas ay ku tageen codsi ka yimid HirShabelle, welibana ay ku yaryihiin, sida uu hadalka u dhigay.

“Ciidamo ayaa hadda la geeyey Beledweyne, weliba aa nagu filneyn ciidankaas laba qayb ayey isugu jiraan kuwo waa Haramcad oo amniga qaabilsan, kuwana waa Gogor oo loogu tagalay inay la dagaalamaan Al-Shabaab,” ayuu yiri Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.

Xidlhibaanka oo hadalkiis sii wata ayaa weerarka afka ah ku qaaday golaha wasiirada ee  xukuumadda Soomaaliya , isagaoo uu ku sheegay inay yihiin kuwa ‘xanaaqsan’ oo ka faa’iideysanaya khilaafka taagan iyo xiisadda ka alaalsan magaalada Beledweyne.

“Waxaan rabnaa in ra’iisul wasaaraha uu kala ilaaliyo wasiirada xanaaqsan ee ka faa’iideystay khilaafka ee khilaafka kusoo galay dowladda iyo riyaalatiga jira ee dhabta ah,” ayuu sii raaciyey Xildhibaan Jeesow.

Ugu dambeyn wuxuu farriin culus u diray ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo uu ugu baaqay inuu qaato mas’uuliyadda ka saaran doorashada iyo amniga dalka.

“Mudane ra’iisul wasaare adiga ayaa ah ra’iisul wasaarihii dalka adiga ayey maanta mas’uuliyad kaa saaran tahay dalka, doorashadiisa ha noqoto, amnigiisa ha noqoto, yuusan ku qaldin wasiir xanaaqsan,” ayuu markale yiri xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, ayada oo weli xaalad kacsanaan ah laga dareemayo gudaha Beledweyn oo ay dhowaan ka dhaceyso doorashada kuraas ka mid ah Golaha Shacabka, waxaana xiisaddu kasii dartay markii ay ciidamo dheeraad ah dowladda Soomaaliya geysay magaaladaasi, kuwaas oo ay ka horyimaadeen siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolka Hiiraan.

Loolanka cusub ee MASAR iyo TURKEY ee Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Masar ayaa dhawaanahan wadday dedaallo ay ku xoojinayso xiriir kala dhexeeya Soomaaliya oo sanadihii dambe hooseeyay, sida ay ku warrameen qaar kamid ah warbaahinta Bariga Dhexe.

Dabayaaqadii sanadkii 2021, Xarunta Caalamiga ah ee Xallinta Khilaafaadka ee Qaahira oo xiriir la leh wasaaradda arrimaha dibedda ee Masar ayaa mas’uuliyiin ka socda wasaaradaha Soomaaliya u qabatay tababar ku aaddan nabadeynta iyo xallinta khilaafaadka.

Shariif Ciise oo ah wasiir ku xigeenka arrimaha dibedda ee Masar, una qaabilsan arrimaha Afrika ayaa tababarka ka sheegay in dalkiisa uu taageerayo “dib u heshiisiinta, nabadeynta iyo dagaalka ay argagixisada kula jirto dowladda Soomaaliya .”

Masar oo sanadihii dambe ka maqnayd saaxadda siyaasadda Soomaaliya ama ugu yaraan uu galaangalkeeda gaabis ahaa – taasoo qeyb ahaan ku timid xiriirka ay la leedahay Isutagga Imaaraadka Carabta iyo xiisadda kala dhaxaysa Itoobiya – ayaa hadda doonaysa inay xukuumadda Muqdisho ka taageerto dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga.

Bishii August 2021, ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa booqasho ku tegay Qaahira, waxaana uu kulamo ku aaddan xiriirka labada waddan la yeeshay dhiggiisa Mustafa Madbouly iyo mas’uuliyiin kale. Waa mid ka mid booqashooyinka heerka sare ah ee madaxda dowladda Soomaaliya ay ku tageen dalalka Carabta ee xiriirka uu wanaagsanyahay amaba soo hagaagayo.

Masar ayaa u muuqata in ay qaadayso tallaabooyin muujinaya ifafaalooyin dardar leh oo ay ku jiraan kuwa kalsooni kasbasho ah, waxaana ka mid ah in la kordhisay tirada deeqaha warbarasho ee ay siiso ardayda jaamacadaha ee Soomaaliya, waxaana ay sanadkiiba gaarsiisay 400 oo arday.

Danaha Masar

Masar ayaa doonaysa in ay xiriir dhaw oo dhinacyo badan la yeelato Soomaaliya oo ku taalla aagga istaraatiji ahaan muhiim ugu ah xukuumadda Qaahira, maadaama uu khilaaf kala dhexeeyo Itoobiya oo dhisatay biyo xireen muran dhaliyay.

Cabdiraxaam Aadan Ruush (Xadaana) oo ka faallooda arrimaha Carabta ayaa rumaysan in Masar ay doonayso inay dib boorka uga jafto xiriirka ay la leedahay Soomaaliya.

“Masar waxa ay doonaysaa inay xoojiso xiriirkii qotada dheeraa ee kala dhexeeyay Soomaaliya, si aanay marti uga noqon ama aysan cid kale ugu soo marin danaheeda Geeska Afrika,” ayuu yiri Xadaana.

Madaxweynaha Masar Cabdifataax Siisi ayaa bishii sebtember, 2019-kii magaalada New York isugu geeyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, isaga oo siku dayay in uu heshiis dhex dhigo labada dal oo xiriirkooda uu meel xun marayay xilligaas. Tani waa talaabadii ugu weynayd oo ay Masar usoo qaaddo dhanka Soomaaliya oo illaa heer madaxweyne gaarsiisan, inkasta oo aysan wax badan ka fulin isku daygaasi.

Waxaa jirta aragti ah in Masar ay booska ka riixan rabto Turkiga oo maalgelin dhinacyo badan ku samaysatay Soomaaliya. Masar iyo Turkiga waxa ay isku hayaan arrimo badan oo shaac ah, sida dhacdadii xukunka looga tuuray madaxweynihii la doortay ee Masar Maxamed Mursi, kaas oo kadibna xabsiga ku dhintay, sidoo kale waxa ay labada dal isku hayaan arrimaha dalal ay Liibiya ka mid tahay. Masar waxa ay taageeraysaa Jeneraal Khaliifa Xaftar, halka Turkiga uu taageero dhinac kasta ah la garab istaagay dowladda caalamka aqoonsanyahay ee Tripoli ka jirta.

Turkiga ayaa Soomaaliya ka taageera dhinacyada tababarka ciidanka, caafimaadka, waxbarashada iyo weliba dhaqaalaha. Wuxuuna noqday dalka taageerada ugu weyn ee tooska ah siiya Soomaaliya, balse lama oga illaa heerka ay taasi damaqday Masar.

Hase yeeshee Showqi Axmed Xayir oo isna ka faallooda arrimaha Carabta ayaa ku doodaya in xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya uu ka adag yahay wax kasta oo aysan Masar si fudud ula wareegi karin kaalinta Ankara.

“Turkiga waa mid dhinac kastaba Masar uga awood badan gudaha Soomaaliya, haddii ay ahaato tababarka ciidamada Soomaaliya iyo dhaqaalaha uu ku bixiyo hay’adaha kala duwan ee dalka. Masar xilligan la joogo ma hayso dhaqaalo ay kula tartami karto Turkiga, gaar ahaan gudaha Soomaaliya,” ayuu yiri Showqi.

Dowladda Soomaaliya

Dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo ayaa bartanka u gashay xiisado siyaasadeed oo u dhexeeya dalal galaangal kala duwan ku leh Soomaaliya, sida khilaafkii u dhexeeyay waddamada Carbeed iyo dowladda Khaliijka ku taalla ee Qatar.

Inkastoo ay Soomaaliya shaacisay inay dhexdhexaad ka tahay khilaafkaas, ayaa haddana waxa ay mucaaradka ku eedeeyeen inay la safatay xukuumadda Dooxa. Sidoo kale dowladihii Carabta ee ay Qatar is hayeen ayaysan u cuntamin go’aankii Soomaaliya.

Falanqeeye Xadaana ayaa rumaysan in dowladda dhalan doonta ay u taallo hawlo adag oo ah isu dheeli tirka danaha is diiddan ee siyaasadaha dibedda oo markii ugu horeysey dusha soo martay xagga muhiimadda.

“Dowladda cusub ee ay yeelan doonto Soomaaliya ayaa looga baahan yahay inay si taxadar leh oo ay ku jirto danta dalka uga baaraandegto siyaasadaha is diiddan ee gobolka iyo caalamka ba,” ayuu yiri Xadaana.

Danaha Caalamiga ah ee Soomaaliya yaala ayaa sii kordhaya markasta oo dowladnimada Soomaaliya ay soo hagaagto, waxaana danahaasi koow ka ah codka ay Soomaaliya ku leedahay ururada caalamiga ah sida Midoowga Afrika, Jaamacadda Carabta iyo xitaa Qaramada Midoobay.

Sidoo kale hawada Soomaaliya ayaa yeelatay muhiimad ka duwan tii hore kadib markii dowladda Soomaaliya ay hawadeeda diidday in ay ka xayirto diyaaradaha Qatar oo xayiraad ay saareen dowladdaha Khaliijka.

Xigasho: BBC

Madaxweyne Lafta Gareen oo magacaabay WASIIRO

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa magacaabay wasiiro cusub oo ka mid noqonayo golihgiisa wasiirada, kadib wareegto ka soo baxday xafiiskiisa.

Wasiirada uu magacaabay Lafta Gareen oo gaaraya illaa saddex xubnood ayaa kala ah  Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Wasiirka Boosta iyo Isgaarsiinta & Wasiirka Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee dowelad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Aweys Xuseen Macalin oo loo magacaabay Wasiirka Dekedaha iyo Gadiidka ayaa beddalaya Xuseen Xuseen Maxamed (Eelaay) oo dhowaan loo doortay Golaha Shacabka.

Sidoo kale Cabdullaahi Sheekh Daahir Muxudiin ayaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta, halka Wasiirka Kalluumeysiga Koonfur Galbeed loo Magacaabay Cabdullaahi Cabdi Cumar.

“Xeerkan wuxuu dhaqan-gelayaa marka uu saxiixo madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,” ayuu lagu yiri wareegatada, wuuna saxiixay.

Lafta Gareen ayaa faray wasiirada cusub ee uu magacaabay inay sida ugu dhaqsiyaha badan ula wareegaan xililka loo igmaday, si loo dardar-geliyo shaqooyinka horyaalla.

Magacaabistan ayaa kusoo aadeyso, xilli xasaasi ah, isla-markaana ay doorasho ku jirto Koonfu Galbeed oo hadda hoggaanka u heyso maamullada, marka la eego doorashooyinka.

Daawo: Xafiiska Rooble oo war cusub kasoo saaray qorshaha safarka Imaaraadka

0

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Wafdigii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maqribadii galabta gaaray magaalada Abu Dhabi ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, halkaas oo si weyn ay ugu soo dhaweeyeen masuuliyiin uu ku jiro wasiirka cadaaladda dowladda Imaaraadka Cabdalla Suldaan Alniceymi.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa faahfaahin ka soo saaray waxa uu ku qotomo safarkaan, waxaana caawa bilaawday kulamada uu Rooble la yeelanayo madaxda sare ee dowladda Imaaraadka.

Agaasimaha warfaadinta ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Liibaan Cabdi Cali ayaa sheegay booqashada Ra’iisul Wasaaraha ee dalka Imaaraadka uu ujeedkeedu yahay xoojinta xiriirka u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah iyo sidii loo sii horumarin lahaa.

“Waxaa qorsheysan in Ra’iisul Wasaaruhu inuu wadahadallo kala duwan la yeesho madaxda dalka Imaaraadka oo Soomaaliya uu kala dhaxeeyo xiriir qota dheer oo ku qotoma dhinacyada dhaqaalaha, bulshada iyo taariikhda,” ayuu yiri Liibaan Cabdi.

Wafdigaan waxaa Ra’iisul Wasaare Rooble ku wehliya, Wasiirka Amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur, Wasiirka Waxbarashada Cabdullaahi Abuukar Xaaji, Wasiirka Dastuurka Saalax Axmed Jaamac, Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Cabdixakiin Xasan Ashkir iyo mas’uuliyiin kale.

Safarka Rooble ayaa kusoo aadayo, xilli xasaasi ah oo ay is hayaan madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo dowladdiisu ay xiriirka u jartay Imaaraadka, waxuuna Farmaajo garab ka helayaa dowladda Qatar.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa dhowaan raali-gelin siiyey dowladda Imaaraadka Carabta, taas oo la xiriirta lacagtii 2018-kii looga qabtay garoonka Aadan Cadde, isagoo u ballan qaaday in dib loogu celin doono lacagtaas, waxayna tallaabadaas dhabaha u xaartay dib usoo nooleynta xiriirka Muqdisho iyo Abu Dhabi.

Hoos ka daawo faahfaahinta safarka Rooble

Xildhibaan Khadiija Diiriye oo farsamo yaab leh kursiga loogu xiray iyo Baarliin Biin oo war soo saartay (Daawo)

0

Jowhar (Caasimada Online) – Baarliin Biin oo dooneysay in wasiir Khadiija Maxamed Daariye ay kula tartanto kursiga golaha shacabka ay ku leedahay beesha Yaxar ee Hop097, ayaa caawa shaacisay in tartanka laga reebay oo Khadiija Diiriye kursigaas loo xiray.

Baarliin oo caawa warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee HirShabeelle ay toos uga reebeen tartanka, kadib markii ay hor dhigeen dhowr jid-gooyo.

Caqabada ugu weyn oo ay sheegtay in guddigaas ay hor dhigeen waxay tahay in lagu xujeeyey inay keensato ID-kaar cadeynaya inay tahay beesha ay kursigeeda u tartameyso ee Yaxar.

Waxay sheegtay in markii la weydiiyey ID-kaarka ay guddiga hor geysay odayaashii dhaqanka beesheeda, halka Khadiija Diiriye ay la timid odayaal kale oo isla beesha ah, halkaasna lagu cadeeyey in Baariin ay u dhalatay beesha Yaxar.

Odayaasha ka socday garabka Khadiijo iyo kuwa ka socday garabkeeda, Baarliin waxay sheegtay inay ku jireen labo oday oo wada dhalatay, taas oo guddiga u cadeysay in beesha ay u dhalatay.

Hase yeeshee waxay sheegtay in ugu dambeyntii guddoonka guddiga doorashada HirShabeelle ay si cad ugu sheegeen in doorashada aysan ka qeyb geli doonin oo aysan u diiwaan geli doonin inay u tartanto kursiga beesheeda.

Xaqdarada ay sheegtay in doorashada kursigaas ay ka jirto waxay tusaale ugu soo qaadatay, xubin ka mid ah guddiga soo xulaya ergada oo aan beesha kursiga leh ee Yaxar aan u dhalan, halka iyadoo beesha u dhalatay shaki la geliyey.

Khadiijo Diiriye ayaa hadda ka hor fagaare ka sheegtay in Baarliin Biin aysan u dhalan beesha Yaxar, isla markaana aysan kula tartami doonin kursiga beesheeda, taas oo sida muuqata ay hadda ka dhabeysay Khadiijo.

Sidoo kale Baarliin waxay sheegtay in Madaxweyne Cali Guudlaawe ay kol hore u tagtay, isla markaana uu ka balan qaaday in tartan furan loo geli doono kursigaas oo ayada iyo Khadiijo uusan u kala xagli doonin.

Khadiijo Maxamed Diiriye oo ah wasiir ka tirsan xukuumadda Soomaaliya waxay kursigaas ku soo fadhisay tan iyo dowladdii lagu soo dhisay Carta – Jabuuti, 21-sano ka hor.

Khadiijo ayaa maanta Jowhar lagu gudoonsiiyey shahaadada musharaxnimada, Baarliin waxay aheyd halka qof ee beesha u dhalatay oo ku hamisay inay sanadkaan la tartanto Khadiijo Diiriye, balse waxaa loo cadeeyey in tartanka laga reebay.

Hoos ka daawo

Lafta-gareen oo kursigiisa dhaafiyey maanta xildhibaan aad ugu dhow Farmaajo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa Maanta magaalada Baydhaba ee xarunta kumeel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed ka dhacday doorashada 5 kursi oo kamid ah Golaha Shacabka.

Kuraasta la doortay waxaa kamid ahaa kursi uu ku fadhiyey Xildhibaan caan ah oo saaxiib dhow la ahaa madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Kursiga HOP#177 oo uu muddo dheer ku fadhiyey Ibraahim Isaaq Yarow ayaa loo diiday inuu u tartamo kursigaan, kadib markii uu u awood sheegtay madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

Xildhibaan kursigiisa la xoogay ee Ibraahim oo ahaa guddoomiyihii guddiga dib u eegista sharciga doorashada iyo asteynta kuraasta xildhibaanada ee lagu soo saaray astaanta (HOPP) ayaa taageero u ahaa madaxweyne Farmaajo, wuxuuna waqti badan geliyey sidii uu usoo laaban lahaa.

Wuxuu soo saaray xeerkii doorashooyinka ee baarlamanka ee la diiday kaasi oo ahaa mid cakiran oo aan la fulin karin, balse ujeedka Ibraahim Isaaq Yarow uu ahaa inuu Farmaajo ugu salaxo fursad uu muddo kororsi ku sameysto.

Ibraahim Isaaq Yarow ayaa sidoo kale waxaa lagu xusuustaa inuu u gefay shacabka Muqdisho, kadib markii uu sheegay in go’aan ka gaarista matalaad uu helo gobolka Banaadir ay tahay arrin u taalla baarlamanka oo cid gaar ah aysan waxba ka dhihi karin.

“Arrinta matalaadda Aqalka sare ee gobolka Banaadir, cid gaar ah waxba kama dhihi karto. Sidaas darteed arrintaas waxay ka mid tahay waxyaabaha baarlamaanka hortagi doona ee uu xal ka gaari doono,” ayuu Ibraahim yiri xiligaas.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Muqdisho ay tahay magaalo dadka kasoo jeeda ay ka kooban yihiin umadda Soomaaliyeed oo dhan, oo aanay ahayn beel gaar ah.

Xildhibaankan ayaa dhowaan barahiisa bulshada saartay sawirada Madaxweyne Farmaajo, madaxeweynaha Koonfur Galbeed iyo astaanta kooxda Nabad iyo Nolol, isagoo ujeedkiisu ahaa in mar kale la siiyo kursiga, balse waxaa rajadiisa cagta mariyey madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa kursigaas siiyey Cabduqaadir Sheekh Cali (Baraka) oo maanta doorasho ka dhacday Baydhaba ugu soo baxay codad gaaraya illaa 75-cod, musharixii la tartamayey oo lagu magacaabo Maxamuud Abuukar Kheyre ayaa helay 16 cod, halka 1 cod la sheegay inuu halaabay.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Laftagareen ayaa dagaal xooggan ku qaaday xildhibaanadii horey ugu fadhiyey kuraasta Golaha Shacabka ee laga soo doorto Koonfur Galbeed, wuxuuna dariishada ka saaray inta badan xildhibanadii ka tirsanaa Baarmaanka 10-aad.

Sawirro: R/W Rooble oo si weyn loogu soo dhoweeyey dalka Imaaraadka Carabta

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Abu Dhabi ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, halkaas oo uu kulammo kula yeelan doono madaxda ugu sarreysa dalka Imaaraadka Carabta.

Rooble ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha magaalada Abu Dhabi, waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Wasiirka Caddaaladda dalka Imaaraadka Carabta Cabdalla Suldaan Alniceymi.

Wefdiga Ra’iisul Wasaaraha waxaa ka mid ah; Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullaahi Maxamed Nuur, Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Cabdullaahi Abuukar Xaaji, Wasiirka Arrimaha Dastuurka Saalax Axmed Jaamac, Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Cabdixakiin Xasan Ashkir iyo mas’uuliyiin kale.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiskiisa, booqashada Ra’iisul Wasaaraha ee dalka Imaaraadka ayaa ujeedkeedu yahay xoojinta xiriirka u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah iyo sidii loo sii horumarin lahaa.

Safarka Rooble ayaa kusoo aadayo, xilli xasaasi ah, isla-markaana ay haatan is hayaan madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo dowladdiisu xiriirka u jartay Imaaraadka, isaga oo dhinaca kale garab ka helay Qatar.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa dhowaan raali-gelin siiyey dowladda Imaaraadka Carabta, taas oo la xiriirta lacagtii 2018-kii looga qabtay garoonka Aadan Cadde, isaga oo u ballan qaaday in dib loogu celin doono, waxayna tallaabadaas dhabaha u xaartay dib usoo nooleynta xiriirka Muqdisho iyo Abu Dhabi.

Rooble ayaa sidoo kale shirka Golaha Wasiirada ka shaaciyey in marnaba aysan suurta-gal aheyn in Soomaaliya ay colaadiso dalal kala dhaxeeyan dano badan, islamarkaana aysan si gaar ula macaamilin dal gaar ah, kuwa kalena aysan fogeyn, ayada oo xukuumaddiisu ay ku dhaqmeyso sida uu sheegay siyaasad arrimo dibadeed oo ku saleysan halka ay ku jirto maslaxadda Ummadda Soomaaliyeed.

Wixii markaas ka dambeeyey, waxaa muuqata in xiriirka labada dal uu soo wanaagsanaanayo, si gaar ahna in dowladda federaalka ay qaadeyso tallaabooyin ay Imaaraadka Carabta ugu muujineysa inuu dhab ka yahay isbeddelka ay ballan-qaaday.

Ajendaha R/W ROOBLE ee Imaaraadka: 7 qodob oo ay tahay inuu hordhigo Abu Dhabi

Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa goordhow u kicitimay dalka Imaaraadka halkaas oo ku tagayo booqasho tii ugu horeysay ee uu ra’isul wasaare Soomaaliyeed sameeyo 4-tii sano ee lasoo dhaafay.

Safarkan Rooble ayaa kusoo aadaya iyada oo uu aad xumaa xiriirka labada dal tan iyo April-2018 kolkaas oo Muqdisho ay la wareegtay $9.6 milyan ah oo ay leedahay Abu Dhabi taas oo uu ra’isul wasaare Rooble naftiisu raaligelin ka bixiyey, waxaa kale oo hadda isbadalay xiisaddii gobolka Khaliijka iyada oo ay heshiis gaareen Qatar iyo dalal kale oo uu Imaaraadka ku jiro, waxaa kale oo xusid mudan in Sacuudiga oo xulufo la ah UAE uu safiir usoo diray Muqdisho, arrimhaas oo lagu daro doorashada xilligan ka socota dalkeena ayaa xiisad gaar ah u yeeleysa booqashada.

Haddaba, Waxaan halkan kusoo gudbin doonaa 7 qodob oo ay ka tahay in Rooble Kala Hadlo Abu Dhabi:

1. Fududeynta Ganacsiga iyo Fiisaha: 4-tii sano ee tagtay, ganacsatada Soomaaliyeed ayaa culeys kala kulmay Imaaraadka, oo marriin muhiim ah u ahaa ganacsiga, fiiseyaasha iyo tashiilaadkii kale ayaa meesha ka baxay, oo adkaaday, waxaana la joogaa in Rooble uu safarkan uga faa’ideysto arrintaas, kalana hadlo madaxda dalkaas sidii Imaaraadka ay albaabada ugu furi lahaayeen ganacsatada Soomaaliyeed.

 2. Fududeynta Ganacsiga: Soomaaliya waxaa ay Imaaraadka u dhoofin jirtay xoolo, dahab iyo alaabo kale oo qiimo badan, oo ku kacayey ilaa 200 milyan oo doolar sanadkii, Rooble waa inuu safarkan kala hadlo Imaaraadka sidii ganacsatada Soomaaliyeed ay suuqyo cusub uga heli lahaayeen UAE.

3. Tababarka Ciidanka: Imaaraadka waxay joojiyeen tababar ay siin jireen ciidamada ku sugan Banaadir, iyaga oo horay u tababaray ciidamo ka badan 2407, oo lagu daray ilaa 2,000 oo Puntland ah,  uuna bixin jiray weliba mushaarkooda, waxaa intaas dheer in ay fureen saddex xarumood oo tobabar. Rooble waa inuu kala hadlo soo celinta adeeggaas.

4. Taageerada Caafimaad: Imaaraadka waxay xireen April 16, 2018 Isbitaalka Sheekh Zaa’id ee Muqdisho, waxaa si lacag la’aan ah maalin walba loogu daweyn jiray 200-300 oo ah bukaanno, waxaana ka hawlgeli jiray 40 qof oo Soomaali ah, 14 ka mid ah ahaayeen dhakhaatiir leh taqasusaaad kala duwan. Rooble waa inuu kala hadlo Imaaraadka soo celinta hawlahaas muhiimka u ahaa dadka.

5. Kabka Miisaaniyadda: Imaaraadka iyo Sacuudiga waxaa ay qeyb ka ahaayeen dalalka kabo miisaaniyadda Soomaaliya iyaga oo sidoo kale taageeri jiray dhismaha maamullada. Rooble waa in safarkan uga faa’ideysto soo celinta kabka miisaaniyadda, gaar ahaan sanadkan oo doorasho socoto.

6. Wax Kaqabashada Abaaraha: Imaaraadka waxaa ay xilliga Soomaaliya ka taageeri karaa wax kaqabashada arrimaha abaaraha, iyada oo 7 milyan ay dhibaato heyso, waxaana muhiim ah in Rooble uu arrinkaas kala hadlo Abu Dhabi.

7. Maalgeshiga:  Imaaraadka waxa ay maalgeshi ku sameysataa maamullada sida Somaliland iyo Puntland, iyada casriyeynayo dekadda Berbera oo ku bixisay  $442 million muddo 30 sano ah halka 30 sano kale ay dekadda Boosaaso,ku bixineyso  $336 million, waxaa la joogaa in Rooble uu UAE kala hadlo in Imaaraadka sida Turkiga oo kale ay toos ugu yimaadaan Muqdisho, taasi oo alaabka u furi karta dalalka kale ee Khaliijka.

Ugu dambeyntii, Rooble waa inuu mas’uulkiyad iska saaro in UAE uu kala hadlo sidii la isaga kaashan lahaa ladagaalanka argigixisada, joojinta dhoofka dhuxusha, ilaalinta madaxbannaanida Soomaaliya iyo arrimo kale.

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid.

Hoggaamiyaha TPLF oo shaaciyey arrin lama filaan oo la xiriirta dagaalka Tigray

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha TPLF Debretsion Gebre Michael oo wareysi siiyay BBC-da ayaa si lama filaan ah shaaca uga qaaday in ay iyaga iyo dowladda Itoobiya uu u socdo wada hadal dadban, oo waxtar leh.

Gebremichael ayaa tilmaamay in tallaabadaas ay dhalisay in labada dhinac ay isu soo dhawaadaan, sidoo kalana wuxuu sheegay inay rabaan in colaadda ka jirta gobolka Tigray lagu dhameeyo xal nabadeed.

“Waxaan rabnaa in xal nabadeed lagu dhameeyo colaadda, balse haddii loo baahdo waan sii wadi doonnaa dagaalka si aan u ilaalino xuquuqda shacabka Tigray,” ayuu yiri Gebremichael.

Ra’iisal Wasaare Abiy ayaa mudooyinkii dambe u muuqday inuu raadinayo xal aan xabbad ahayn in laga gaaro colaadda Tigray.

Waxa uu xabsiyada ka sii daayay maxaabiis, waxa uuna meesha ka saaray xaaladda degdeg ah ee uu dalka ku soo rogay.

Muranka dhuleed ee ka dhexeeya Amxaarada iyo Tigray, iyo weliba damaca madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ee uu ku tirtiri rabo ururkan ayaa la filayaa inay wadahadallada labada dhinac ka dhigaan kuwo adag.

Arrimahan oo dhami waxay kusoo aadayaan xilli dalku uu si guud uga socdo diyaar garawga wadatashi heer qaran ah oo uu horey ugu dhawaaqay Ra’iisalwasaaraha Itoobiya Abiyi Axmed, kaas oo lagaga arrinsanayo xaaladda uu dalku ku sugan yahay.

TPLF iyo dowladda Itoobiya ayaa muddo sannad ka badan ku dagaallamayay gobolka Tigray, inkastoo dagaalku uu markii dambe ku fiday degaannada deriska la ah Tigray ee Axmaarada iyo Canfarta, walina uu kasii socdo dhinaca Canfarta oo ay ku dagaallamayaan TPLF iyo Ciidamada gaarka ah ee degaanka Canfarta.

Maxkamadda G/Banaadir oo go’aan culus kasoo saartay lacagta Imaaraadka Carabta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa soo saartay amar culus oo lagu hakinayo bixinta lacagta Imaaraadka ee uu horey u sheegay ra’iisul wasaaraha Somalia in lagu wareejinayo xukuumada Abu Dhabi, kadib raali-gelin uu siiyey.

Warqad kasoo baxday maxkamadda gobolka Banaadir, isla-markaana lagu soo aadiyey safarka Rooble uu ku aaday Imaaraadka Carabta ayaa waxaa lagu faray guddoomiyaha bangiga dhexe iyo wasiirka maaliyadda in lacagtaas aan laga bixin karin qasnadda dowlada.

Sidoo kale maxkamadda ayaa sheegtay in weli ay socoto baaris lagu hayo lacagtan, isla-markaana aan la saari karin bangiga dhexe, illaa inta laga gaarayo go’aanka u dambeeya.

“Sidaas daraadeed lacagtaas lagama saari karo qasanadda dowladda illaa laga soo dhameynayayo baaritaanka iyo go’aan gaariska kiiska lacagtaas ee horyaalla xafiiska xeer ilaaliyo iyo hay’adaha baarista,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay maxkamadda.

Maxakamadda ayaa shaaca ka qaaday in lacagtaas oo dhan 9,600,000 inay si sharci darro ah kusoo gashay dalka, isla-markaana ay weli hortaallo xafiiska xeer ilaaliyaha qaranka.

Amarka maxkamadda gobolka Banaadir ayaa kusoo aaday, xilli xasaasi ah, isla-markaana ra’iisul wasaare Rooble uu amba-baxay dalka Isu Tagga Imaaraadka Carabta, kadib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay, isaga oo la kulmi doono madaxda sare ee dalkaasi.

Horey madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u soo saaray wareegto ka dhan ah tallaabada ra’iisul wasaaraha, wuxuuna amar ku bixiyey in lacagtaasi aan laga saari karin bangiga dhexe, isaga oo sheegay in go’aanka Rooble uu yahay mid uu gaaray hal nin, sidaaas daraadeedna aan lagu bixin karin lagacaataasi oo la qabtay bishii April ee sanadkii 2018-kii, xilli laga soo dajiyey garoonka Aadan Cadde.

Al-Shabaab oo oo fal yaab leh ka sameysay deegaano ku dhow magaalada Muqdisho

0

Balcad (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ee dagaalka kula jirto ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Africa ee AMISOM ayaa dab qabad siiyey tuulooyin ku dhow caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Tuulooyinka ay Al-Shabaab dabka qabad siiyeen ayaa kala ah Mareerey iyo Mukay Dheere ee duleedka degmada Balcad kadib markii uu halkaas dagaal ku dhex maray Al-Shabaab iyo Ciidamada Dowladda.

Wararka laga helayo halkaas ayaa sheegaya in Dadkii daganaa tuulooyinkaas ay isaga barakaceen kadib markii la gubay guryihii ay daganaayeen isla markaasna la dilay qaar ka mid ah dadkiii halkaas ku noolaa.

Mareerey oo qiyaastii 5 km Waqooyi bari ka xigta degmada Balcad ayaa shalay galinkii dambe dab la qabad siiyay, halka Mukey Dheere la gubay Jimcihii.

Boqollaalka qoys ee tuulooyinkaasi ka barakacay, ayaa hadda waxa duruufo nololeed oo aad u adag, ku haystaan degmada Balcad oo ay ku soo qaxeen.

Gudoomiyaha magaaladaasi Qaasim Cali Nuur ayaa sheegay in sababta loo gubay tullooyinkaas ay tahay inay soo dhaweeyeen ciidamada dowladda Soomaaliya ee halkaas kula dagaallamayay Al-Shabaab.

Xildhibaan taariikh cusub dhigaya iyo afar xildhibaan oo kale oo maanta la doortay

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa maanta dib uga bilaabatay doorashada shan kursi oo ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo deegaan doorashadooda ay tahay magaaladaasi.

Doorashada kursiga koowaad ee HOP#175 oo la qabtay ayaa waxa ku soo baxay Dr Cabdirashiid Maxamed Nuur (Jilay) oo helay 70 cod, halka musharaxii la tartamayay oo ahaa Aadan Maxamed Ibraahim uu isna  helay 22 cod, waxaana halaabay saddex cod.

Kursigan waxaa horay uga fadhiyey xildhibaan Axmed Xaaji Maxamed Taaw oo ka mid ahaa baarlamaankii 10-aad ee dalka.

Sidoo kale kursiga labaad ee HOP#159 waxaa ku tartamay labada musharrax ee kala ah Maxamed Bare Maxamuud iyo Cabdullaahi Maxamed Isaaq, waxaana kursiga ku guuleystay Maxamed Barre oo ka mid noqonaya baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.

Guddiga doorashada ee Koonfur Galbeed ayaa ku dhowaaqay in Maxamed Barre Maxamuud uu helay 72 cod, halka musharaxii la tartamayay uus helay 23 cod.

Waxaa sidoo kale kursigaan ku fadhiyay Baarlamaankii 10aad Xildhibaan Xasan Maxamed Ibraahim oo laga reebay inuu ka qayb-galo tartanka.

Kursiga saddexaad ee HOP#188 waxaa kusoo baxay Maxamed Cabdi Maxamed oo helay 73-cod, halka musharaxii la tartamayay Cabdisamed Aadan Isaaq uu heley 27-cod, sidoo kale waxaa halaabay 1-cod, sida uu shaaciyey guddiga doorashada ee Koonfur Galbeed.

Maxamed Cabdi Maxamed, ayaa noqonaya xildhibaankii ugu da’da yaraa ee soo galay Golaha Shacabka Soomaaliya, waxaana la sheegay inuu yahay kaliya 25 jir, taasi oo taraiikh cusub dhigeysa.

Kursiga HOP#185 waxaa kusoo baxay Cabdiraxmaan isaaq Maxamed oo helay 71-cod, halka musharaxii la tartamayay ee Maxamednuur Maxamed uu heley 24-cod. 6-cod ayaana ayaa halaabay.

HOP#177 waxaa kusoo baxay Cabduqaadir Shekh Cali (Baraka) oo helay codad gaaraya 75-cod, halka musharaxii la tartamayay Maxamuud Abuukar Kheyr uu kaheley 16-cod. Kursigan waxaa hore ugu fadhiyey xildhiban Ibrahim Yarow.

Koonfur Galbeed ayaa dardar-gelineyso doorashada Golaha Shacabka oo muhiim u ah mida madaxweynaha, waxayna noqota maamulka ugu horreeya qabashada doorashooyinka.

Magacyada xildhibaanada miisaanka culus ee weyn kara kuraastooda kadib liis lasoo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiyada doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Galmudug iyo kan maamulka doorashada xubnaha baarlamaanka ee gobollada waqooyi ayaa soo saaray jadwallada doorashada 13 ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka.

Doorashooyinka kuraastan ayaa lagu wadaa inay maalmaha soo socda lagu kala qabto magaalooyinka Muqdisho iyo Dhuusamareeb, waxaana kuraastooda ku weyn kara xildhibaano miisaan culus.

Galmudug ayaa soo saartay liiska shan kursi oo ka mid ah kuraasta doorashadooda uu loolanka adag ka taagan yahay, sidoo kalena isha lagu wada hayo hanaanka loo mareyn doono, halka xubnaha guddiga reer waqooyiga ay soo saareen liiska 13-kursi.

Caasimada Online waxay dib u baartay xildhibaanadii horay ugu fadhiyey kuraasta 13-ka ah ee galabta ay liiskooda soo kala saareen guddiyada doorashada Galmudug iyo reer waqooyiga.

Waxaan ku hor-mareynaa 5-ta kursi ee laga soo doorto Galmudug, waxaa ku kala fadhiyey xubnaha kala ah:

1– HOP#139, Cabdixakiin Macalin Axmed
2– HOP#055, Zakariye Xasan Sheekh
3– HOP#051, Xasan Macalin Maxamuud
4– HOP#049, Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow
5– HOP#012, Yuusuf Xeyle Jimcaale

Dhanka kale 8-deeda kursi ee guddiga maamulka doorashada xildhibaanada labada Aqal ee Somaliland ay soo saareen ayaa waxaa ku kala fadhiyey xubanaha kala ah:

1– HOP#270, Zakariye Xuseen Caarre
2– HOP#271, Cabdiraxmaan Maxamuud Caateeye
3– HOP#218,  Cadow Maax Faarax
4– HOP#226, Maryan Maxamuud Ciise
5– HOP#269, Maxamed Cabdullahi Kaamil
6– HOP#268, Maxamed Cali Xagaa
7– HOP#267, Seynab Maxamed Caamir
8– HOP#236, Cadnaan Cusmaan Cilmi (Boqore).

Doorashada Golaha Shacabka ee sanadkan ayaa waxaa inta badan kuraastooda ku waayey xildhibaanadii horey ugu fadhiyey ayada oo madax goboleedyada ay soo saarayaan xildhibaan cusub oo daacad u ah, waxaana xubno badan oo liiska kore ku jira ay ku biiri doonaan saaxiibadooda horey loo tuuray.

UK oo qaadeyso tallaabo jawaab u ah RUUSHKA

London (Caasimada Online) – Britain ayaa sheegtay in ay ka fiirsaneyso qorshe ay ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan NATO ugu direyso qeybo ka mid ah Yurub, taasoo qeyb ka ah qorshe lagu xoojinayo xuduudaha Yurub, isla markaana jawaab u ah ciidamada uu Ruushku geeyay xadka Ukraine.

War kasoo baxay xafiiska Ra’isulwasaare Boris Johnson ayaa lagu sheegay in, in Britain ay ka fakareyso sidi qeybta ugu weyn uguna macquulsan ay ugu yaboohi laheyd xubnaha qeybta ka ah heshiiska difaaca NATO ee dalalka Waqooyiga iyo kuwa Baltiga ee Yurub,.

Sidoo kale qorshahaas ayaa laba laabi doono tirada ciidanka Ingiriiska isla markaana ogolaanaya in hub dheeraad ah oo kuwa difaaca ah loo diro dalka Estonia.

Ra’isulwasaare Johnson ayaa sheegay in tallaabadani ay farriin cad u direyso Ruushka isla markaana aysan u dul-qaadan doonin ficilladooda carqaladeynta ah.

Britain ayaa hora yuga digtay in duulaan kasta oo uu Ruushka ku qaado Ukraine, ay uga jawaabi doonaan cuna-qabateyn dhaqaale oo deg deg ah.

Xiisadda dagaal ee u dhexeyso Ukraine iyo Ruushka ayaa marba marka ka dambeysa kasii dareysa, ayada oo ay sii xoogeysatay cabsida laga qabo tallaabooyinka Vladmin Putin.

Madaxaweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa dhankiisa dalalka reer galbeedka ugu baaqay in aysan abuurin walaac xilli ay ciidamada Ruushku ku sii siqayaan dalkiisa.

Howlgal culus oo xalay laga sameeyey gobolka GEDO

0

Garbahaarey (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xalay howl-gallo ballaaran ka sameeyey qaybo ka mid ah gudaha degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo, kuwaas oo lagu soo qab-qabtay tiro dad ah.

Howl-gallada ayaa waxaa si gaar ah looga fuliyey xaafadaha degmadaasi, ayada oo ciidamadu ay gurgur u baarayeen goobaha ay tageen.

Sidoo kale ciidamada ayaa baaris ku sameynaya darawaladda gaadiidka ee isticmaalaya waddooyinka ku yaalla magaaladaasi.

Taliyaha Guutada 10-aad qeybta 43-aad, Gaashaanle Sare Warfaa Sheekh Aadan Faroole oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyey howl-galladan, wuxuuna tilmaamay in dadka lasoo qab-qabtay baaris lagu sameeyey, isla-markaana qaarkood lagu sii daayey damiin.

Warfaa ayaa ujeedka howl-galkan ku sheegay mid lagu xaqiijinaya amniga Garbahaarey, wuxuuna ugu baaqay shacabka inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka.

Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa kusoo aadaya, ayada oo muddooyinkii lasoo dhaafay ay falal liddi ku ah amniga iyo weeraro ay ka dhacayeey gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Garbahaarey ayaa ka mid ah magaalooyinka waa weyn ee loo qorsheeyey inay ka dhacaan doorashooyinka dalka, gaar ahaan tan Golaha Shacabka oo laga dareemayo magaaladaas.

Wararkii ugu dambeeyey safarka Rooble ee Imaaraadka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka ah ee  Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ku wajahan magaalada Abu Dhabi ee caasimadda waddanka Isu Tagga Imaaraadka Carabta.

Rooble ayaa casuumaad rasmi ah ka helay Imaaraadka Carabta isaga oo saacadaha soo socda ka duuli doono Muqdisho, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay.

Ra’iisul wasaaraha ayaa waxa uu kulamo la qaadan doonaa madaxda ugu sarreysa ee dowladda Isu Tagga Imaaraadka Carabta, kuwaas oo diiradda lagu saarayo dib usoo nooleynta xiriirka labada dal iyo xoojinta iskaashiga ka dhexeeya Somalia & Imaaraadka.

Sidoo kale waxaa wada-hadalladan lagu soo qaadi doonaa arrimo la xiriira xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka oo uu Imaaraadka doonaya inuu galaangal xoogan ku yeesho, si uu fursad ugu helo dhismaha dowladda cusub.

Safarka Rooble ayaa kusoo aadayo, xilli xasaasi ah, isla-markaana ay is hayaan madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo dowladdiisu xiriirka u jartay Imaaraadka, isaga oo garab weyn ka helaya dowladda Qatar.

Arrimahan oo dil ayaa kusoo aadayo, ayada oo dhowaan ra’iisul wasaare Rooble uu raalli-gelin siiyey dowladda Imaaraadka, taas oo la xiriirta lacagtii 2018-kii looga qabtay garoonka Aadan Cadde, isaga oo u ballan qaaday in dib loogu celin doono, waxayna tallaabadaas dhabaha u xaartay dib usoo nooleynta xiriirka Muqdisho iyo Abu Dhabi.

Si kastaba, Imaaraadka ayaa haatan doonaya inuu isku fidiyo siyaasad ahaan Geeska Afrika iyo Badda Cas, waxaana shalay Abu Dhabi tegay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, halka uu maalmo ka sii horna uu tagay Madaxweynaha Masar Abdelfatah Al Sisi.

K/Galbeed oo qabaneysa doorashada shan KURSI

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa maanta ka dhaceyso doorashada 5 kursi oo ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka ee ka imaanaya dhinaca dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Guddiga hirgelinta doorashada ee Koonfur Galbeed oo haatan wada qaban qaabadii ugu dambeysay ee doorashada ayaa soo gabagabeeyey diiwaan-gelinta xubnaha musharixiinta ah ee u tartamaya kuraasta maanta doorashadooda ay ka dhaceyso magaalada Baydhabo.

Kuraasta doorashadooda la qabanayo ayaa kala ah HOP#188, HOP#185, HOP#175, HOP#159 iyo HOP#177, kuwaas oo deegaan doorashadooda ay tahay Koonfur Galbeed.

Sidoo kale waxaa kuraastan ku tartami doono musharixiinta kala ah: 1: HOP#188 waxaa ku tartami doono Cabdisamed Aadan isaaq & Maxamed Cabdi Maxamed, waxaana horey ugu fadhiyey xildhibaan Aadan Ibraahim Dhayow.

2: HOP#185 waxaa ku tartami doono Maxamed Nuur Maxamed iyo Cabdiraxmaan Isaaq Maxamed, waxaana horey ugu fadhiyey xildhibaan Cali Aadan Xuseen.

3: HOP#175 waxaa ku tartami doono Aadan Maxamed Ibraahim iyo Cabdirishiid Nuur Jilley, waxaana horey ugu fadhiyey xildhibaan Axmed Xaaji Maxamed Taaw

4: HOP#159 waxaan ku tartami doono Maxamed Bare Maxamuud & Cabdullaahi Maxamed Isaaq, waxaana kursigan horey ugu fadhiyey Xildhibaan Xasan Ibraahim Maxamed.

5: HOP# 177 waxaa ku tartami doono Maxamuud Abuukar Kheyre & Cabduqaadir Sheikh Cali Baraka, waxaana horey ugu fadhiyey Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yaroow

Koonfur Galbeed ayaa dardargelineysa doorashada Golaha Shacabka, waxaana shalay ay ku dhowaaqday deegaan doorashada labaad ee Baraawe oo lagu qabanayo 13 kursi oo ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ee lagu dooranayo halkaasi.

Ra’iisul wasaare Rooble oo u baxay Imaaraadka + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi ballaaran oo uu horkacayo ayaa maanta u amba-baxay magaalada Abu Dhabi ee caasimada waddanka Isu Tagga Imaaraadka Carabta.

Rooble ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde kasii sagootiyey ku xigeenkiisa Mahdi Guuleed iyo xubno kale oo ka tirsan golihiisa wasiirada Soomaaliya.

Qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa lagu sheegay in safarka Rooble uu la xiriiro xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Sidoo kale qoraalka ayaa intaasi kusii daraya in ra’iisul wasaaraha inta uu joogo Imaaraadka uu kulamo gaar gaar ah la qaadan doono madaxda sare ee dalkaasi.

Safarka Rooble ayaa kusoo aadayo, xilli xasaasi ah, isla-markaana ay haatan is hayaan madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo dowladdiisu xiriirka u jartay Imaaraadka, isaga oo dhinaca kale garab ka helay Qatar.

Arrimahan oo dil ayaa kusoo aadayo, ayada oo dhowaan ra’iisul wasaare Rooble uu raalli-gelin siiyey dowladda Imaaraadka Carabta, taas oo la xiriirta lacagtii 2018-kii looga qabtay garoonka Aadan Cadde, isaga oo u ballan qaaday in dib loogu celin doono, waxayna tallaabadaas dhabaha u xaartay dib usoo nooleynta xiriirka Muqdisho iyo Abu Dhabi.

Si kastaba, Imaaraadka ayaa haatan doonaya inuu isku fidiyo siyaasad ahaan Geeska Afrika iyo Badda Cas, waxaana shalay Abu Dhabi tegay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, halka uu maalmo ka sii horna uu tagay Madaxweynaha Masar Abdelfatah Al Sisi.

Xog: Wasiir maanta ciidan ku qabsaday xarunta guddiga doorashooyinka G/Waqooyi

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay ogaatay Caasimada Online waxaa maanta mudo kooban hakad gashay shaqada guddiga doorashada kuraasta baarlamaanka ee gobollada waqooyi, kadib markii wasiir ka tirsan xukuumadda Rooble uu gaadiid dagaal la tegay xarunta.

Maxamed Aadan Xagaa oo ah wasiiru dowlaha wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya oo wata gaadiidka dagaalka ayaa maanta ciidan ku hor jaray xarunta guddigaas oo ku taalla dhabarka dambe ee Villa Somalia, sida ay noo xaqiijiyeen xubno ku sugnaa goobta.

Wasiir Xagaa oo ah musharax xildhibaan ayaa ka carooday ergadii uu soo qoray oday dhaqameedka beeshiisa, waxaana la sheegay inuu soo jeediyey in ergada kuriga uu u tartamayo fursad loo siiyo inuu wax ka soo qoro.

Ilo xog ogaal ah ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in odaga beesha uu ku gacan seyray soo jeedinta wasiirka, taasina ay sababtay in markii maanta xarunta guddiga la geeyey ergada, si loo diiwaan geliyo uu ka hor istaagay Wasiir Maxamed Xagaa.

Irida laga galo xarunta guddiga ayaa la sheegay in wasiiru dowluhu uu dhigay gadiid dagaal iyo ciidan, isagoo xubnihii ergada beeshiisa ku amray inay kala tagaan, waxaana mar dambe arrintaas ku soo baxay odayaal dhaqan oo ka socday beelaha kale ee reer waqooyiga.

Afhayeenka guddiga doorashooyinka heer federaal Axmed Safiina oo ka fal-celinaya dhacdadaas ayaa galabta soo qoray in uusan jirin weerar lagu qaaday xarunta gudiga maamulka doorashada kuraasta baarlamaanka ee reer waqooyiga.

“Majirto cid weerar ku soo qaaday xarunta GMDKLA ee Somaliland, Wasiirada iyo Xildhibaanada xarunta u imaanaya shaqooyinka waxa ay wataan ciidamo ilaalo u ah loomana ogala in gudaha xarunta soo galaan, beeluhu ha xalistaan khilaafka u dhaxeeya, shaqada doorashadu way socotaa,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Afhayeen Axmed.

R/W Rooble oo si ka duwan beelaha kale balan-qaad ugu sameeyey beel degta Xamar

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa galabta kulan ku saabsan ‘hufnaanta doorashada kuraasta Banaadiriga’ la yeeshay odayaasha dhaqanka iyo guddiga doorashada beelaha Banaadiriga.

Kulanka oo goobjoog ay ka ahaayeen guddiyada doorashada heer federaal ee (FEIT) iyo xallinta khilaafaadka ayaa Ra’iisul Wasaaruhu waxuu ku soo bandhigay sida ay uga go’an-tahay xaqiijinta hufnaanta doorashooyinka.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka dhageystay odeyaasha dhaqanka ee uu la kulmay taladooda iyo aragtidooda ku aaddan hufnaanta doorashada iyo xaqiijinta qoondada haweenka ee Golaha Shacabka.

“Waxaa idiin xil saarayaa xubno ka kala socda guddoonka guddiga doorashada federaalka iyo xafiiskeyga oo aan doorashada faro geli karin, aniguna waan la soca doonaa howshooda, yaan la deg degin waqti fiican ayaan qaada doonaa, warbixinta awood qeybsiga kuraastiina markii la ii soo dhameystiro ayaa qaadan doonaa go’aanka ugu haboon, Allaa igu og cid gooni ah ma wato,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sharaxaad dheer ka bixiyey hanaanka loo mari doono awood qeybsiga shanta kursi ee beelaha Banaadiriga, isagoo balan qaaday in aysan jiri doonin cid laga hor istaagi doono tartanka doorashada.

Dhankooda, odeyaasha dhaqanka ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha sida uu u tixgeliyey talooyinkooda, iyaga oo adkeeyey muhiimadda ay leedahay qabsoomidda doorasho xasilloon oo ka tarjumeysa hannaanka hab-qeybsi ay heshiis ku yihiin.

Hoos ka daawo