27.1 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Xubnaha isku haya kuraasta ay shaacisay GALMUDUG: Jeneraal Saadaq oo aan wajaheyn loolan adag

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Galmudug ayaa caawa shaacisay liiska 21-kursi oo dhawaan ay qabaneyso doorashadooda, kuwaas oo ay ka soo dhex-muuqdeen kuraas wajaheysa loolan adag.

Kuraasta sida weyn loo sugayo doorashadooda ee liiskaan ku jira waxaa ka mid ah kursiga HOP248 oo uu u taagan Jeneraal Saadaq Joon ayaa ka soo muuqday liiska 21-kaan kursi ee maalmaha soo socda lagu dooranayo Galmudug.

Kursiga HOP248 ayaa waxaa la rumeysnaa inuu isu soo taagi doono guddoomiye ku-xigeenka Aqalka Sare Abshir Bukhaari kadib markii kursigiisa Aqalka Sare laga wareejiyey jufadiisa lana siiyey jufo kale.

Si kastaba, waxaa hadda so baxeysa in Abshir Bukhaari aanu tartami doonin oo uu u daayey taliyihii hore ee booliska gobolka Banaadir Jeneraal Saadaq Cumar, taasi oo ka dhigeysa inuu si sahlan ugu guuleysan karo.

Weli lama hayo musharax miisaan leh oo u taagan kursiga HOP248 marka laga reebo Saadaq Joon.

Jeneraal Saadaq ayaa lagu xusuustaa inuu yahay sarkaalkii ugu horreeyey ee is hortaagay muddo kororsigii Farmaajo kadib markii uu ciidan dul dhigay xarunta baarlamanka, taasi oo uu ku waayey kursigiisa, balse ku kasbaday magac iyo sumcad weyn.

Sidoo kale waxaa kuraasta ka mid ah kursiga HOP147 oo haatan uu ku fadhiyo xildhibaan Mahad Salaad. Kursigaan waxuu ka mid yahay kuraasta ugu adag ee laga war sugayo sida ay Galmudug u marey doonto doorashadiisa.

Sidoo kale kursiga HOP138 oo haatan uu ku fadhiyo Xildhibaan Saciid Nuur Giriish ayaa caawa ka soo muuqday liiska kuraasta ay baahisay Galmudug, siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Jeneraal Indhacade ayaa la rumeysan yahay inay ka mid yihiin musharaxiinta kursigaas.

Kuraasta kale ee doorashadoodu adagtahay ee liiskaan ku jira waxaa ka mid ah HOP048 oo Jeneraal Cabdullahi Gaafow uu ku fadhiyo, HOPp049 oo Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow uu ku fadhiyo, HOP061 oo Cabdiweli Maxamed Qanyare uu ku dhafiyo, HOP071 oo Cabdisaabir Nuur Shuure uu ku dhafiyo, iyo HOP089 oo Cabdi Shire Cayaar-jecel uu ku fadhiyo.

Liiskaan kama soo muuqan kuraasta ay ku fadhiyaan Cabdiraxmaan Odawaa, Axmed Maxamed Fiqi iyo Ubax Tahliil, kuwaas oo ka mid ah kuraasta la aaminsan yahay in maareynta doorashadooda ay ku adkaa doonto Galmudug, maadaama ay wajahayaan loolan adag.

Hoos ka akhriso xubnaha ku fadhiya dhamaan kuraasta Liiskaan ku jirta

HOP#053: Faarax Cabdi Xasan.
HOP#064: Sahra Cumar Maalin.
HOP#012: Yuusuf Xayle Jimcaale.
HOP#049: Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow.
HOP#096: Cabdicasiis Cilmi Cali.
HOP#248: Maxamed Axmed Abtidoon.
HOP#:081: Maryan Cariif Qaasim.
HOP#139: Cabdixakiin Macalin Axmed.
HOP#025: Naciima Maxamed Gacal.
HOP#055: Sakariye Xasan Sheekh Cali.
HOP#147: Mahad Maxamed Salaad.
HOP#007: Cabdullaahi Faarax Wehliye.
HOP#137: Sadiiq Cabdikariin Xaaji Ibraahim.
HOP#138: Saciid Nuur Qayliye Gariish.
HOP#040: Nadiifa Faarax Jaamac.
HOP#048: Cabdullaahi Gaafow Maxamuud.
HOP#071: Cabdisaabir Nuur Shuuriye.
HOP#089 Cabdi Shire Jaamac (Ciyaar jecel).
HOP#051: Xasan Macalim Maxamuud Sheekh Cali.
HOP#035: Maxamed Cabdulle Faarax Geesey.
HOP#065: Cabdiweli Maxamed Qanyare.

Rooble iyo Saciid Deni oo dharbaaxo siyaasadeed ku dhuftay isbaheysigii Farmaajo, Mucaaradka iyo Lafta-gareen

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maanta waxaa magaalada Muqdisho ka dhacday doorashada guddoonka guddiga doorashada heer Federal oo ka kooban 25 xubnood, kuwaas oo guddoomiye cusub u doortay Muuse Geelle Yuusuf  kadib markii xil ka qaadis lagu sameeyey guddoomiyihii hore Maxamed Xasan Ciirro.

Doorashada dhacday maanta ayaa kaliya ku koobneyd xilka guddoomiyaha maadaama aan xilkii laga qaadin ama uusan is-casilin guddoomiye ku xigeenka guddigaas Mowliid.

Doorashada maanta ayaa waxaa kasoo ifbaxay xulafooyin siyaasadeed lama oo lama filaan ah, ayada oo ay isku dhinac noqdeen kooxo aan la fileyn, halka kuwa saaxiibo dhow ahaana ay ku kala tageen.

Hoggaanka guddigan oo ah mid muhiim u ah doorashada Soomaaliya ayaa ku loolamay laba musharax oo taageeri ka kala helayey dhinacyada siyaasadda Soomaaliya.

Doorashadan ayaa waxaa markii ugu horreysay ay isku xulufo ka dhigtay Farmaajo, qaar ka mid ah mucaaradka iyo qaar kamid ah madaxda maamul goboleedyada, halka ra’iisul wasaare Rooble iyo Saciid Deni ay dhinac noqdeen.

Muuse Geelle Yuusuf oo guddiga kasoo galay dhanka Puntland, ayaa waxa uu taageero ka helay xafiiska ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, iyo Saciid Deni, halka murashax Cabdiraxiim uu taageero ka haystay madaxtooyada Soomaaliya iyo qaar ka mid ah Midowga Musharaxiinta.

Ugu dambeyntii waxaa tartanka ku guuleystay Muuse Geelle Yuusuf oo ah musharixii ay wateen Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni kadib markii uu helay codad gaaraya illaa 14 cod.

Cabdiraxiim Cabdicasiis Aadan oo dadka badi ay u yaqaanaan Xiirane oo lasoo shaqeeyey xafiiska ra’iisul wasaare Rooble, wasaaradda Gargaarka iyo hey’ado madax banaan ayaa isna helay 11 Cod, wuxuuna ahaa musharixii ay wateen Villa Somalia, madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo qaar kamid ah xubnaha midowga musharixiinta mucaaradka.

Xubnaha qaar ee gudigaan ku jira oo la hadlay Caasimada Online ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay inay xalay arkeen xubnaha Farmaajo iyo kuwa macaaradka oo si wadajir ah ugu ololeenaya Cabdiraxiim Xiirane.

Ma cadda sababta ay mucaaradka uga soo horjeesteen musharaxa uu watay Deni, balse waxaa la rumeysan yahay inay diidan yihiin in awoodda guddiga ay si buuxda ugu gacan gasho Deni oo ah musharax madaxweyne.

Waxaa sidoo kale suurta-gal ah inay taageerada Cabdiraxiim ay doonayeen inay ugu dhowaadaan madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen oo watay musharaxan.

Muuse Geelle Yuusuf oo madax kasoo noqday Gobolka Bari waxaa loo arkaa inuu wax badan ka tari karo musharaxnimada Saciid Deni oo kamid ah musharixiinta ugu cad cad sanadkaan.

Guuldarada soo gaartay Villa Somalia iyo xulafadeeda ayaa ka dhigan in maamulka guddiga doorashada heer federaal uu la wareegay Rooble oo xoogiisa isugu geeyey sidii uu u maamuli lahaa doorashada.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Waa ayo MUUSE GEELLE, guddoomiyaha cusub ee guddiga doorashada dalka?

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) ee Soomaaliya oo maanta qabtay doorasho ayaa waxaa lagu doortay guddoomiye cusub.

Guddoomiyaha guddiga ayaa waxaa loo doortay Muuse Geelle Yuusuf (Faroole) oo kasoo jeeda gobolka Bari, beesha Cali Saleebaan, kaddib markii dhowaan xilka laga qaaday guddoomiyihii guddigaas Maxamad Xasan Cirro.

Khilaaf ayaa beryahan ka dhex taagnaa guddiga markii xilka laga qaaday Cirro, iyadoo qaar ka mid ah xubnaha guddigaasna ay ka soo horjeesteen xil ka qaadistaas.

Labo xubnood oo kamid ah guddiga ayaa isu sharaxay qabashada xilka guddoomiyaha, waxaana la sheegay inuu jiray loollan adag oo ka imaanayay dhinacyada siyaasadda, oo ay ugu xusul duubayaan sida ay u soo saari lahaayeen musharraxa ay taageerayaan.

Faroole ayaa helay 14 cod halka Cabdicasiis Cabdiraxiin Aadan oo la tartamayayna uu helay 11 cod sida ay ku dhawaaqeen Guddiga qabanqaabada.

Waa kuma Muuse Geelle Yuusuf (Faroole)?

Muuse Geelle Yuusuf (Faroole) ayaa xilal dhowr ah hore u soo qabtay, isagoo xilalka intooda ka badan ka soo qabtay maamul-goboleedka Puntland.

  • Dhowaan wuxuu ahaa guddoomiyaha ku meelgaarka ah ee Guddiga Girgelinta Doorashooyinka Qaranka.
  • Sanadkii 2006 waxaa loo magacaabay guddoomiyaha gobolka Bari, Puntland, xilkaas oo uu sanado hayay.
  • Wuxuu sidoo kale soo noqday duqa magaalada Boosaaso.
  • Sanadkii 2013 wuxuu ahaa wasiir ku xigeenkii Wasaaradda Kalluumeysiga Puntland.
  • Wuxuu ahaa Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dekadaha Puntland

Bishii July ee sanadkii hore ayay ahayd markii doorasho ka dhacday magaalada Muqdisho xilka guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Dederaal loogu doortay Maxamed Xasan Cirro.

Cirro ayaa markaas ku soo baxay wareegga labaad ee doorashada halkaas oo uu ka helay 14 cod, halka Liibaan Maxamed Xasan oo la tartamayay uu helay 10 cod.

Guddigan ayaa hoggaamin doona doorashada la filayo iney dhowaan ka dhacdo Soomaaliya.

Magacaabidda guddoomiyaha cusub ee guddigan ayaa ku soo aadeysa iyadoo is qabqabs iyo muran uu ka taagan yahay habraaca doorashada.

Doorashada xubnaha Aqalka Sare ee baarlamaanka ayaa lasoo gabogabeeyay mar dhow halka Golaha Shacabkana ay wali socoto, inkastoo ay jireen dhaliillo iyo cabashooyin hareeyay hannaanka uu kormeerka ka ahaa Ra’iisul Wasaare Rooble.

Habraaca hadda jira ayaa u muuqda mid maamul kasta uu u fasirtay sidii uu doonayay, islamarkaasna waafajiyay natiijadii uu doonayay in ay doorashada kasoo baxdo, waxaana tusaale weyn ah habka xulista ergada iyo xaqiijinta tartan daah furan oo qof kasta oo danaynaya uu musharax noqon karo, taas oo aanan meelo badan ka dhaqangalin.

Caqabadaha ay tahay in xalka loo helo ee dhinaca habraaca waxaa ka mid ah soo xulista ergooyinka iyo musharraxiinta kuraasta Golaha Shacabka.

Guddiga doorashada ayaa marar badan lagu cambaareeyay in ay hareer mareen habraaca loo dejiyay.

Isha: BBC Somali

DF Soomaaliya oo war culus kasoo saartay duqeymaha ka dhaca Gedo iyo Jubooyinka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal uu soo saaray Wasiirka Gaashaandhigga XFS ayaa lagu shaaciyey in dowladda Soomaaliya ay baaritaan ku heyso sababta ay ciidamada Kenya u duqeeyaan xarumaha shirkadda Hormuud Telecom ee gobollada Jubooyinka iyo Gedo.

Qoraalka wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu shaaciyey inay soo gaartay xogta duqeymo horleh oo loo geystay xarumaha shirkadaasi ay ku leedahay qeybo ka tirsan gobollada Jubooyinka iyo Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya qoraalkaan waxay ku cadeysay inay ka xuntahay fal-kasta oo lagu waxyeeleynayo muwaadiniintya Soomaaliyeed, iyadoo ganacsatada shirkada Hormuud uga tacsiyeysay dhibkii loo geystay.

Sidoo kale wasaaradda gaashaandhigga waxay qoraalkaan ku shaacisay inay la xariireyso ciidamada AMISOM iyo saaxiibada kale ee xaga amniga ka caawiya Soomaaliya, si loo ogaado sababta keentay duqeymahaas.

“Dowladda Soomaaliya waxay baaris rasmi ah ku sameyneysaa dhacdooyinkaan soo noqnoqday ee lagu waxyeeleynayo shacabka Soomaaliyeed, waan mahadsanyihiin saaxiibada Soomaaliya ka caawiya amniga iyo horumarka ay hiigsaneyso,” ayaa lagu soo gabagabeeyey qoraalka wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya.

Ciidamada Kenya ayaa marna duqeeya marna toos u guba xarumaha shirkadda Hormuud ee gobolka Gedo oo xuduud la leh Kenya iyo qaar ka mid ah xarumaha shirkadaas ee gobollada Jubbada Hoose.

Kooxda Al-Shabaab oo weerarro ka geysata gudaha Kenya ayaa ayaduna beegsata oo marar badan gubtay xarumaha shirkada Safaricom oo Kenya laga leeyahay, balse lama  ilaa hadda sababta ka dambeysa waxa loo beegsado xarumaha shirkadahaas.

Hoos ka akhriso warqadda wasaaradda difaaca

GALMUDUG oo shaacisay kuraastii ugu badneyd ee doorashada golaha shacabka

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Galmudug ayaa caawa shaaciyey liiska 21-kursi oo doorashadooda uu dhawaan qabanayo.

“Guddiga doorashada Galmudug waxuu guda-gelayaa shaacinta odayaasha iyo bulshada rayidka, diiwaangelinta iyo tababarrada guddiga xulista iyo Ergada,” ayaa lagu yiri qoraalka lagu shaaciyey liiskaan.

Liiskaan uu caawa shaaciyey guddiga doorashada Galmudug waa tiradii ugu badneyd ee hal-mar uu guddi doorasho shaaciyo, tan iyo markii ay bilaabatay doorashadaan.

15-ka bishan Janaayo oo Sabtidii maanta ku beegneyd waa maalinkii uu Ra’iisul Wasaare Rooble madaxda dowlad goboleedyada faray in dhamaantood ay bilaabaan doorashada xildhibaanada golaha shacabka.

Wixii ka dambeeyey markii Muqdisho lagu soo gabagabeeyey shirkii golaha wadatashiga qaranka ee lagu go’aamiyey in doorashada lagu soo afjaro mudo 45 cisho ah, ma jiro dowlad goboleed bilaabay doorashada, markii laga reebo liiskaan ay caawa shaacisay Galmudug.

Xog ay heshay Caasimada Online waxay sheegeysaa in saacadaha soo socda uu guddiga doorashada HirShabeelle soo saari doono liiska kuraastii ugu horeysay ee xubnaha golaha shacabka ee laga soo doorto HirShabeelle.

Hoos ka akhriso Liiska kuraasta ay caawa sii deysay Galmudug

Guddiga doorashada heer federaal oo maanta doortay guddoomiye cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Muuse Geelle Yuusuf ayaa ku guuleystay doorashada Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka heer federaal (FEIT) ee maanta ka dhacday magaalada Muqdisho.

Muuse Geelle ayaa helay 14 cod, halka murashaxii la tartamayey ee Cabdiraxim Cabdicasiis Aadam uu helay 11 cod, kadib loolan maalmo socday oo xulufo siyaasadeedyo lama filaan ah ay ku abuurmeen. 

Muuse Geelle, oo guddiga kasoo galay dhanka Puntland, ayaa waxa uu taageero ka helay xafiiska ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, iyo xubnaha guddiga kasoo galay dhanka Puntland iyo Jubaland.

Murashax Cabdiraxiim ayaa isna taageero ka haystan madaxtooyada Soomaaliya iyo maamullada taabacsan sidan Koonfur Galbeed. Waxaa sidoo kale taageerayey qaar ka mid ah Midowga Musharaxiinta.

Waxay aheyd markii u horeysay ee Musharaxiinta ay ku kala aragti duwanaadaan doorashada Guddoomiyaha Guddiga FEIT, ayada oo ay laba dhinac ugu kala jabeen doorashadan, oo qaarkood ay ku aragti ahaayeen Villa Somalia. 

Murashaxiinta qaarkood ayaa u diidanaa Muuse Geelle inuu aad ugu dhow yahay madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, balse waxaa muuqata in Deni uu ka adkaaday xubnihii kasoo horjeeday.

Guddoomiyihii hore ee guddiga doorashada Maxamed Xasan Cirro ayaa xilka laga qaaday 25-kii December kadib markii lagu eedeeyey inuusan dhex-dhexaad ka aheyn arrimaha doorashada, kuna xiran yahay Villa Somalia.

Doorashada Muuse Geelle ayaa ah guul weyn oo usoo hoyatay ra’iisul wasarae Rooble, kagana adkaaday Farmaajo, ayada oo guddiga uu hadda si buuxda uga baxay gacanta Villa Somalia.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Gobolka Banaadir oo ku dhowaaqay go’aan uga sii daraya xiisadda taagan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir oo haatan xiisad ay kala dhexeyso xukuumadda uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, gaar ahaan wasaaradda amniga ayaa ku dhowaaqay go’aan kale oo uga sii dari karo xiisadda.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir, Cali Yare Cali oo shir jaraa’id u qabtay wariyeyaasha ayaa sheegay in cid aanan aheyn maamulka gobolka hadda kadib lagala tacaamuli doonin arrimaha magaalada Muqdisho, gaar ahaan amniga.

Cali Yare oo si toos ah weerar ugu qaaday xukuumadda ayaa tilmaamay in inta lagu jiro doorashada uu gobolka Banaadir u madax bannaan yahay taladiisa & amnigiisa.

“Inta doorashada lagu jiro maamulka gobolka Banaadir wuxuu u madax bannaan yahay taladiisa, siyaasaddiisa iyo amnigiisa. Ma jiro qof kale oo arrintaas amniga ku saabsan lagala tacaamuli karo nooc kasta oo ay tahay,” ayuu yiri Cali Yare Cali.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Waxaan ula simanahay wasaaradda amniga sida gobollada kale ee Soomalaiyeed, haddii aan waraaqaha wasaaradda amniga ka socon karin Boosaaso, Dhuusamareeb, Jowhar iyo Baydhabo ma jirto sabab culeys gaar ah loo saaro gobolka Banaadir” ayuu hadalkii sii raaciyey guddoomiye ku xigeenku.

Dhinaca kale wuxuu soo dhoweeyey go’aankii kasoo baxay odayaasha dhaqanka ee dib loogu dhigay dibad-baxii ka dhanka ahaa isku daygii Afgembi ee Farmaajo, wuxuuna sheegay in ka maamul ahaan ay tahay sababta ay uu diideen amniga caasimada dartiis.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo muddooyinkii u dmabeeyey ay hadallo kulul warbaahinta isku marinayeen madaxda gobolka Banaadir iyo wasaaradda amniga oo horay u shaacisay inay iyadu fasaxday dibad-baxa nabeed ee haatan dib loo dhigay.

Si kastaba, haddii uu sii socda dagaalkan siyaasadeed ayaa saameyn kara amniga caasimada iyo wada-shaqeynta xukuumadda & gobolka oo ku xiran Villa Soomaaliya.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Faaduma Cusmaan: Waxay geeriyootay ayada oo maanta loo fadhiyey meherkeeda

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa maanta magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, ka hor meherkeedii ku geeriyootay Faadumo Cismaan Aadan, waxaana wada kulmay waqtigii farxadda arooskeeda iyo geerida naxtinta leh ee ku timid marxuumadda.

Faadumo ayaa maanta loo ballansanaa meherka iyada iyo Khaalid Maxamed Maxamuud, hase ahaatee waxaa ku soo booday xanuun deg-deg ah oo ay u geeriyootay, isla maanta, sida ay xaqiijiyeen ehellada marxuumadda, waxaana meherka uu isku beddalay tacsi.

Axmed Karaama oo ka mid ah asaxaabta Faadumo oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa sheegay inuu meherkeeda uga yimid dalka dibaddiisa, balse uu maanta joogo tacsida walaashiis oo uu u yimid inuu kala qeyb-galo maalinta farxadda ee arooskeeda.

“Walaashay, isla hadda ayaan u sii lebbistay sidii aan uga qaybgeli lahaa meherkeeda oo ku beegnaa isla maanta. Anigoo waddanka ka maqan ayay igu odhan jirtey ii soo dhakhso walaal aad ila joogtid maalinta farxadayda e. Waan ka xumahay inaan maanta u joogo geerideeda. Walaashay waxaa si lama filaan ah ugu soo booday Faalig,” ayuu yiri Karaama.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Qoraalkan waxaan soo qorey iyada oo ay gacmaha iyo wadnuhuba i gariirayaan wallaahi. Ma aqaan waxaan ku sifeeyo dareenkayga,”.

Dhacdadan murugada leh ayaa aad looga hadal hayaa baraha bulshada ay ku wada xiriirto ee Internet-ka, waxayna dadku aad u faafiyeen tacsida marxuumadda iyo geerida naxtinta leh ee ku timid, maadaama ay noqotay dhacdo xanuun badan oo murugo xambaarsan.

Maxamed Cabdiraxmaan oo ka mid ah dhalinyarada istimaasha Fecebook-ga oo ka hadlayey dhacdadan ayaa sheegay in geerida Faadumo ay tahay mid xanuun badan, isla-markaana ay si gooni ah u taabatay.

“Inaalilaahi wa inaa ilayhi raajucuun, Alle ha u naxariisto marxuumadda, wlhi inaan garahayn geeri aan maqlo oo ka xanuun kulul maqalkeeda waayadan,” ayuu yiri Maxamed.

Sidoo kale gabar lagu magacabao Xafsa Ducaale ayaa dareenkeeda kusoo koobtay waa “Dhacdo murugo leh iyo Qadar Alleh,”.

Tani ayaa ah cibaaro, waana dhacdooyin mararka qaar dhaca, waxaana dhowr bilood kahor sidan oo kale ay ka dhacdey Jigjiga, kadib markii caruus meherkiisii laga soo dareeray uu geeriyoodey, ka dagaal markii uu la rogmaday baabuur uu la socday oo markaas shil galay.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

DENI oo xilka ka qaaday taliyihii ciidanka madaxtooyada, mid cusubna magacaabay

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Taliye cusub u magacaabay Ciidanka Madaxtooyada Puntland, isaga oo xilka ka qaaday taliyihii.

Madaxweyne Deni ayaa Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada u magacaabay G/sare Cabdinaasir Maxamed Muuse (Shaati). Taliyaha cusub ayaa baddelaya Taliyihii hore Ciidanka Madaxtooyada Cabdiqaadir Jaamac Dirir.

Waa markii labaad ee Deni uu beddelo taliyaha ciidamada madaxtooyada Puntland. Bishii May 2020, Deni ayaa magacaabay taliyaha maanta la beddelay kadib markii uu is-casilay Col. Barkhad Cabdullaahi Yuusuf.

Col. Barkhad wax faahfaahin ah xilligaas kama bixin sababta uu isu casiley, hase yeeshee xog aan helnay ayaa sheegeysa in sababta ugu weyni ay tahay wada shaqeyn xumo muddo soo jiitameysey oo ka taagneyd madaxtooyada, taas oo u dhexeysey ilaa madaxweynaha ilaa qaar ka mid ah shaqaalaha hoose ee madaxtooyada.

Hoos ka akhriso wareegtada

Garoowe: 15 January 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 002 ee 15-ka January 2022, kuna saabsan magacaabid Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo aragnimadiisa Ciidanimo

Markuu la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa G/sare Cabdinaasir Maxamed Muuse (Shaati) oo loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada.

*Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

DHAMMAAD

Cumar Cabdirashiid iyo Cabdiraxmaan Faroole oo jawaabo kulul is-dhaafsaday

Garoowe (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Sharma’arke iyo Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole oo ka wada tirsanaa guddi siyaasiyiin iyo odayaal magaalada Boosaaso u tegay xalinta dagaalkii ka dhacay ayaa haddalo isu mariyey Baraha bulshada.

Labadan siyaasi oo kasoo jeeda Puntland, kana mid ahaa senatooradii Baarlamaankii 10-aad ayaa, isaga hor yimid qaabka loo xalinayo xaaladda magaalada Boosaaso oo dagaal ku dhex maray ciiimada maamulka Puntland iyo kuwa Hay’adda PSF ee uu hoggaamiyo Maxamuud Cabdullaahi Diyaano.

Isku dhaca labada oday ayaa kasoo bilowday Bayaan ay Boosaaso kasoo saareen Siyaasiyiinta Cabdiraxmaan Faroole, Cabdiweli Gaas, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland iyo Cumar Cabdirashiid oo looga horjeeday go’aanno kasoo baxay Isimada Gobolka bari oo la safta dhinaca agaasimihii hore ee PSF. 

Cumar Cabdirashiid ayaa iska fogeeyay bayaankaasi, kuna sheegay inuusan waxba kala socon, wax talo hana ku lahayn, taasoo ka careysiiyay C/raxmaan Faroole oo ku eedeeyay Cumar C/rashiid inuu ka mid ahaa guddigooda, laguna wargeliyay bayaanka.

“Waxaan caddaynayaa inaan la igala tashan oo aanan qayb ka ahayn bayaankan soo baxay iyo hadallada uu xambaarsanaa. Boosaaso dhibka soo gaadhay xal iyo baaq nabadeed keliyaa u dan ah,” ayuu Cumar Cabdirashiid ku yiri qoraalkiisa

Cabdiramaan Faroole oo magaalada Qardho ka hadlay ayaa sheegay in Cumar uu markii hore ka tegay iyadoo ay doonayeen inuu la joog, kadibna uu qoraalkoodii war kasoo daba tuuray oo ah fahmi la’ yihiin ujeedkiisa, wuxuuna beesha uu kasoo jeedo kula taliyey inuusan siyaasad danbe soo doonan.

“Cumar baan idiinka dacwooneynaa, Cumar ama dadka ku soo dara ama siyaasad dambe yuu ka hadlin, isagoo Prime Minister raadinaya yaan la arkin,” ayuu Qardho ka yiri Faroole.

Arrintaan waxay soo jiidatay jawaab kale oo ka timid Cumar C/rashiid, taasoo u muuqatay inay ku socotay C/raxmaan Faroole oo uu ku sheegay inuusan dhexdhexaad ka ahayn arrinta Boosaaso.

“Wafdigii Boosaaso qabtay waxay ka koobnayen marjac, Isimo iyo mid Siyasadeed. Wafdigii Isimada ee nooga fara dhuubnaa arrinka daraf kama noqon mowqifkii Isimada Bari ay qaateen, sidoo kalena marjaca Siyasadeed inuu dhexdhexaad ku ekaado ayey ahayd si Berri xalka ay usoo dhaweeyaan,” ayuu qoraalkiisa jawaabta ahaa ku yiri Cumar Cabdirashiid.

Odayaashii siyaasiyiinta ahaa ee Puntland ayaa hadda ku kala qeybsamay xalinta xaaladda Boosaaso, iyadoo markii hore ay Isimadii ku kala qeybsameen, waxayna Arrinta Boosaaso noqotay mid xalkeedu mugdi sii galay.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Xigasho: Goobjooge

FIQI oo afar qodob ka soo saaray Galmudug, kadibna weerar ku qaaday Qoor Qoor

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee amniga dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Macalin Fiqi oo war kasoo saaray xaaladda Galmudug ayaa weerar afka ku qaaday madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo ay haatan isku hayaan arrimaha siyaasadda.

Fiqi ayaa shaaca ka qaaday in Galmudug ay wajaheyso afar mushkiladood oo waa weyn, sida, dagaalka Al-Shabaab, ciidamo laga qaaday Muqdisho, ka qeyli-siinta odayaasha dhaqanka iyo boobka doorashada kuraasta Golaha Shacabka, sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaan Fiqi oo haatan ku sugan Muqdisho ayaa sidoo kale farriin u diray dadka reer Galmudug, wuxuuna ka dalbaday inay isha ku hayaan tallaabooyinka Qoor Qoor.

Halkan hoose ka aqriso:-

Galmudug waxay waajahaysaa afar mushkiladood oo waaweyn oo kala ah:

  1. Argagixisada Shabaab oo dhinacyo badan ka soo hareereysay, weeraro joogta ahna soo qaadaysa, kuwaasoo aan kala kulmayn maamulka wax cadaadis ah.
  2. Ciidamo cabtoy ah oo Qoorqoor Muqdisho ka daabulay oo dhibaato iyo dhaqan xumo ku haya bulshada gaar ahaan magaalooyinka ay ku sugan yihiin ama la geeyo.
  3. Ixtiraam darrada iyo ka Qeylo-siinta odoyaasha dhaqanka beelaha Galmudug uu ku hayo Qoorqoor oo si bareer ah u boobaya kuraastooda asagoo fulinaya amaro uu ka helayo kooxda sii dhacaysa ee Villa Somalia, loogana fadhiyey in uu si cadaalad ah ugu maamulo amaanada uu u hayo, tanoo keeni karta in beeluhu ay aayahooda ka tashadaan.
  4. Iyo ugu danbayn hogaan Qayru-mas’uul ah oo u muuqda in loo keensaday boob doorasho kaasoo aan wax dan ah ka lahayn xal u helidda dhibaatooyinkaas waaweyn.

Galmudug hurdo maalinkii oo dhan ah iyo telefoon habeenkii oo dhan ah, qosol aan laabta jirin iyo xan aan cidna looga tureyn, safar joogto ah iyo ka ganacsiga siyaasadda laguma sii maamuli karo intaas oo ay wehliyaan ciidamada Gorgor.

Dadka reer Galmudug waxay indhaha ku hayaan wixii hore waa la arkaye sida uu Qoorqoor ugu istaago xal u helidda dhibaatooyinkaas, si gaar ah sida uu ula dhaqmo odoyaasha beelaha Galmudug iyo daahfurnaanta doorashooyinka ka dhacaya Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo.

Safiirka Mareykanka isku diyaarinaya inuu la wareego safaarada Muqdisho + Sawirro

Washington DC (Caasimada Online) – Safiirka cusub Mareykanka ee Soomaaliya, Larry Andre ayaa booqday Xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Magaalada Washington, halkaasoo si diiran loogu soo dhaweeyay.

Kuxigeenka Safiirka Soomaaliya ee Mareykanka, Jacfar Jaamac ayaa xafiiskiisa kulan soo dhaweyn ah ugu sameeyay Danjiraha Mareykanka ee dalka.

Qoraal lagu daabacay barta Safaaradda ee Twitter-ka ayaa lagu yiri “Jacfar Jaamac oo ku hadlaya magaca Safaaradda ayaa waxa uu xafiiskiisa ku qaabilay Danjire Larry Andre oo si diiran loogu soo dhaweeyay, si ay uga wada hadlaan dhinacyada danaha iyo iskaashiga labada dhinac. Waxaan u rajeynaynaa Danjire Andre in uu si wanaagsan u guto shaqadiisa, uuna xoojiyo xiriirka.”

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa 15-kii bishii April ee sanadkii hore waxa uu Larry Andre u magacaabay inuu noqdo Danjiraha xigga ee Mareykanka u joogga Soomaaliya.

Bishii December, Aqalka Senate-ka Mareykanka ayaa codka kalsoonida siiyay Danjiraha cusub, ka dib markii Guddiga Arrimaha Dibadda ee aqalkaasi uu goluhu horgeeyay magacaabidiisa.

Larry oo 60 jir ah ayaa isu diyaarinaya inuu la wareego xilka safaaradda Muqdisho, oo hadda si ku-meel gaar ah ay u hayso Colleen Crenwelge, kadib markii madaxweyne Biden uu beddelay Donald Yamamoto.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Faroole iyo Gaas way ka run sheegeen siyaasada Puntland

Cabdiweli Gaas iyo Cabdiraxmaan Faroole, laba madaxweyne hore ee Puntland, waxay ka mid yihiin siyaasiyiinta ku howlan heshiisiinta Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni iyo taliyaga Ciidanka Amniga ee Puntland (PSF) oo diiddan xil ka qaadis uu Deni wareegto ku soo saaray.

Dhowr maalmood ka hor Gaas iyo Faroole waxay soo saareen warsaxaafadeed uu iska fogeeyay Cumar Cabdirashiid, Ra’iisal Wasaare hore. Taasi waxay docwareen ku noqotay kaaliintii Gaas iyo Faroole. Labada siyaasi waxay si kala gaar ah ula hadleen beesha Deni. Waxay ugu baaqeen in ay si deggan ismaandhaafkooda ku dhammeeyaan. Dad baa isla markiiba labada siyaasi dhaliil kula booday iyagoo illowsan in hab siyaasadeedka Puntland yahay mid dadku u sameeyeen sida uu yahay.

Faroole iyo Gaas way og yihiin in Madaxweyne kasta oo Puntland soo mara leeyahay awood aan lagula xisaabtami karin: isaga ayaa madaxtooyada, baarlamaanka iyo ilaha dhaqaalaha xukuma. Waa fursad uu madaxweynuhu ku tuuri karo gorofka saboolka, sadbursi aan xishood lahaynna uu booli ugu miisi karo xigtadiisa iyo kuwa uu sandareerada u tuuro.

Puntland waxay muddo dheer — 16 sano — ahayd maamul dadkiisu gogol yihiin in si sharcidarro ah looga hantiyeysto hantida dadka — waxa aynu u naqaanno hantida dowladda. Kuwa lunsaday hantida dadweynaha marnaba kama talin doonaan horumarka Puntland. Dantoodu waxay ku jirtaa in Puntland sii ahaato maamul dhowr siyaasi ku kaltamaan.

Dhowaan wuxuu Madaxweyne Deni ku baaqay in maalqabeenka Puntland ay ka waantoobeen maalgelinta dalalka shisheeye. “Hantidiinna geliya Puntland” ayuu Deni yiri. Talo wanaagsan oo ka timid madaxweyne ganacsade ahaa oo awood u leh in xilka uu hayo, sida kuwii ka horreeyay, u adeegsado u sadburinta danahiisa ganacsi, iyo sadtiridda kuwa tartan ka kula jira.

Ma cadda in Madaxweyne Deni sidaas u dhaqmay hase ahaatee Puntland ma laha sharciyo u diidaya Deni inuu ku adeegto awoodda siyaasadeed. Waa runta Gaas iyo Faroole si dadban u xuseen. Geel laba jir soo wada mar.

X. F. Maxamuud, Gaalkacyo

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid.

Faalladan waxay markii hore kusoo baxday Puntland Post 

Guddiga doorashada oo dooranaya gudoomiye cusub

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa lagu wadaa in maanta lagu qabto doorashada guddoomiyaha cusub ee Guddiga Doorashooyinka ee Heer Federaal, taas oo qaban qaabadeeda ay ka socoto hotel Decale.

Wararka ayaa sheegaya in haatan uu socdo diyaar garowgii ugu dambeeyey ee doorashada guddoonka cusub ee beddalaya guddoomiyihii xilka laga qaaday Maxamed Xasan Cirro.

Xilka guddoomiyaha Guddiga Doorashada ee Heer Federaal ayaa waxaa si weyn ugu loolamayo xubno ka kala sopcdo labada xafiis ee ugu sareyso dalka ee kala ah midka madaxweyne Faramaajo iyo kan Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Xubnaha xafiiska Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo  iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa u ololeenayo inuu tartanka guddoomiyaha guddiga doorashada kusoo baxo  Cabdiraxiim Cabdicasiis, waxayna gudaha guddiga ka wadaan olole xooggan si ay Berri guusha iyaga u raacdo.

Dhanka kale, Ra’isulwasaare Maxamed Xusseen Rooble iyo xulafadiisa ayaa waxay wataan musharax Muuse Geelle waxayna caawa xubnaha guddiga doorashada heer Federal u qeybiyeen lacago si ay Berri u doortaan musharaxa ay wataan.

Labada xafiis ee ugu sareyso dalka ayaa ku dagaalamaya cidda noqoneyso guddoomiyaha guddiga doorashada heer Federaal oo fure u ah doorashada xubnaha Golaha Shacabka kadib markii dhawaan xilkii laga qaaday guddoomiyihii hore Maxamed Xasan Cirro oo xiriir dhow la lahaa Villa Somalia.

Si kastaba, doorashada guddoonka cusub ayaa muhiim ah doorashada Golaha Shacabka ee haatan lasii amba qaadayo, maadaama guddigan uu laf-dhabar u yahay doorashada socota.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Wararkii ugu dambeeyey dib u bilaabashada doorashada Golaha Shacabka ee BF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa Maanta lagu wadaa ina ay Soomaaliya ka bilaabanto doorashii xildhibaanada aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya oo muddo hakad galay, hase yeeshee sida lagu wado haatan ay tahay in la soo gabogabeeyo 25 Bisha February ee soo socota.

Dhanka kale, waxa iyaguna Maanta iska dhex dooranaya guddoomiye cusub guddiga hirgelinta doorashooyinka ee heer Federal kadib markii Guddiga doorashooyinka ay xilka ka qaadeen Guddoomiye Maxamed Xasan Cirro, iyaga oo ku eedeeyey shaqo gudasho la’aan iyo ku milmidda siyaasadda.

Magaalada Baydhabo ayaa la filayaa inay Maanta ka bilaabanto diiwaangelinta Shan Kursi oo la shaaciyay in toddobaadkan lagu dooranayo magaalada Baydhabo.

Sidoo kale Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Gobolada Waqooyi-Somaliland ayaa Shaaciyay odayaasha iyo bulshada rayidka ah ee soo xulayaa ergada.

Guddiga ayaa shaaciyay odayaasha dhaqanka iyo xubnaha soo xulaya ergada Lix kursi oo ka mid ah golaha Shacabka.

Ku dhawaad 241 xildhibaan ayaa la doonayaa in mudada u dhaxeysa 15 bisha Janaayo iyo 25-ka bisha Febraayo lagu soo doorto, xilli horay loo soo afjaray doorashada Aqalka Sare.

Dowladda Maraykanka ayaa baaqyadii ku aaddanaa arrimaha doorashada haatan ku badeshey hanjabaad ka dhan ah dhammaan madaxda saamaynta tooska ah ku leh doorashada Soomaaliya, waa haddii doorashada goleyaasha baarlamaanka lagu soo dhamaystiri waayo xilliga loo asteeyay ee 25 Feberaayo, 2022-da.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Maraykanka Ned Price oo luuqad adag ku hadlay ayaa yiri “Mareykanka wuxuu diyaar u yahay in uu qaado tallaabo ugu habboon oo ay kamid tahay, xayiraado dhanka dal ku galka ah si looga jawaabo in dib u dhaca doorashada iyo tallaabooyinka kale ee carqaladeyn karo hufnaanta doorashada” .

Halkaan hoose ka akhriso odayaasha dhaqanka iyo xubnaha soo xulaya ergada Lix kursi oo ka mid ah golaha Shacabka – Somaliland

Wararkii ugu dambeeyey loolanka doorashada guddoonka guddiga FEIT oo ka socota Hotel Decale

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo Hotel Decale ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inay halkaas ka socoto ololaha loogu jiro doorashada guddoonka guddiga doorashooyinka ee heer Federal oo la filayo inay Berri dhacdo.

Hotel Decale ayaa waxaa ku sugan xubno ka kala socdo labada xafiis ee ugu sareyso dalka ee kala ah midka madaxweyne Faramaajo iyo kan Ra’idsulwasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Xubnaha xafiiska Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo  iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa u ololeenayo inuu tartanka guddoomiyaha guddiga doorashada kusoo baxo  Cabdiraxiim Cabdicasiis, waxayna gudaha guddiga ka wadaan olole xooggan si ay Berri guusha iyaga u raacdo.

Dhanka kale, Ra’isulwasaare Maxamed Xusseen Rooble iyo xulafadiisa ayaa waxay wataan musharax Muuse Geelle waxayna caawa xubnaha guddiga doorashada heer Federal u qeybiyeen lacago si ay Berri u doortaan musharaxa ay wataan.

Sida ay ogaatay Caasimadda Online, xubnaha ka socda xafiiska Ra’isulwasaare Rooble ayaa xubnaha guddiga doorashada heer Federaal siiyey 5 Kun oo Dollar qofkiiba si ay Berri usoo saaraan musharax Muuse Geelle.

Xubnaha ka socdo Rooble ee caawa ku sugan Hotel Decale ayaa waxaa kamid ah

1) Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala

2) Liibaan Axmed Xasan (Shuluq)

3) Abuukaate Cumar Cabdulle (Dhageey)

4) Kamaal Dahir Guutaale

Sidoo kale xogta aan helnay ayaa sheegeysa inuu caawa tartanka doorashada isaga haray Cabdi Xiis Udun oo uu watay madaxweyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe kadib cadaadis uga yimid dhanka xafiiska Ra’isulwasaare Rooble.

Labada xafiis ee ugu sareyso dalka ayaa ku dagaalamaya cidda noqoneyso guddoomiyaha guddiga doorashada heer Federaal oo fure u ah doorashada xubnaha Golaha Shacabka kadib markii dhawaan xilkii laga qaaday guddoomiyihii hore Maxamed Xasan Cirro oo xiriir dhow la lahaa Villa Somalia.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Midowga Afrika oo farriin u diray madaxda Soomaalida, shaaciyayna mowqifkiisa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka Midowga Afrika ayaa ka hadlay habraacii dhawaan lagu soo saaray shirkii Golaha Wadatashiga Qaran, kaasi oo meesha ka saarayay mad-madowgii ku gadaamna doorashada, gaar ahaan midda Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat ayaa si weyn u soo dhaweeyay heshiiskii 9-kii January, wuxuuna ku dhiirri-galiyay Golaha Wadatashiga in la soo gaba-gabeeyo doorashooyinka Golaha Hoose, si daah-furan ugu dambayn 25-ka Febraayo.

Waxa uu sheegay inay muhiim tahay in sidoo kale la ixtiraamo heshiisyada 17ka Sebtember 2020, May 27 2021 iyo habraaca doorashada 01 Oktoobar 2020 iyo Ogosto 24, 2021.

“Waxaan ku boorrinayaa hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya inay is-xakameeyaan oo ay horumariyaan wada-xaajood siyaasadeed oo is-dhexgal ah oo ku aaddan xasilloonida siyaasadeed,” ayuu yiri Moussa Faki.

Moussa ayaa sidoo kale carabka ku adkeeyay in mowqifka Midowga Afrika uu yahay doorasho lagu kalsoonaan karo, taasi oo tallaabo muhiima u ah nabad waarta oo ka dhalata gudaha Soomaaliya.

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in Midowga Afrika uu diyaar u yahay sare u qaadida taageerada dadaalada ka socda dalka.

Midowga Afrika ayaa marar kala duwan ka hadlay xaaladda adag ee Soomaaliya, wuxuuna markastaa ku booriyaa madaxda Soomaaliyeed inay ilaaliyaan xasiloonida dalka.

Si kastaba, Golaha Wadatashiga ayaa dhawaan go’aamiyay in doorashada Golaha Shacabka lagu soo gaba-gabeeyo muddo 40 Cisho oo ka bilaabanaysa maalinta berri ah oo ku taariikheysan 15 January illaa 25 February ee sanadkaan.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Puntland oo qoraal u dirtay beesha caalamka, kadib eedeyn loo jeediyey

0

Garoowe (Caasimada Online) – Dowlad Goboleedka Puntland ayaa qoraal u diray wakiillada beesha caalamka ee Soomaaliya, qoraalkaan ayaa looga faalooday ka go’naashaha Puntland ee hanaanka dimuqraadiyeynta.

Qoraalkaan oo ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu cadeeyey in Puntland ay ka go’antahay inay sii dhaqaajiso dadaalka ay ugu jirto qabsoomidda doorashooyin qof iyo cod ah iyo hir-gelinta hanaanka xisbiyada badan.

Dabayaaqadii sanadkii hore ilaa seddax degmo oo ka tirsan Puntland ayey doorashooyinkaan ka qabsoomeen, balse shaki badan ayaa dhashay markii hal maalin ay is-casileen guddoomiyihii iyo guddoomiye ku xigeenkii guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland.

Guddoomiyihii is-casilay ee guddiga doorashada Puntland Guuleed Saalax Barre ayaa xukuumadda Saciid Deni ku eedeeyey inay ka shaqeyn waayeen, sidaasna uu isku casilay, balse xukuumadda Puntland ayaa hadda ka jawaabtay eedeyntaas.

“Madaxweynaha Puntland waxuu 13-kii Janaayo 2022 la kulmay guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland, waxuu kala hadlay dhameystirka golayaasha degmooyinka Eyl, Ufeyn iyo Qardho, madaxweynuhu waxuu kaloo kala hadlay guddiga sidii loo sii amba qaadi lahaa doorashooyinka degmooyinka haray ee Puntland,” ayaa lagu yiri qoraalka ay Puntland u dirtay beesha caalamka.

Madaxweynaha Puntland oo shalay la shiray golihiisa wasiirrada ayaa faray masuuliyiinta hey’adaha ay khuseyso, in lagala shaqeeyo guddiga doorashada dhameystirka doorashada goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Qardho, Ufeyn iyo Eyl.

“Doorasho hal cod iyo hal qof in ay Puntland ka dhacdo waa arrin Dastuuri ah, waa go’aan la gaaray 1998-dii illaa iyo hadana lagu taameyey, anagana waan billownay waana naga go’antahay inaan dhammaan Puntland ka qabano. Sidoo kale waxaa la dardargelin doona qorshaha doorashada looga hirgelinayo dhamaman degmooyinka kale ee Puntland,” ayuu yiri Saciid Deni.

Sidoo kale Puntland ayaa qoraalkaan ugu mahad celisay beesha caalamka oo taageero ka geysatay hir-gelinta doorashooyinkaas, iyadoo balan qaaday inay ka go’antahay qabashada doorashada degmooyinka kale ee Puntland.

Hoos ka eeg qoraalka Puntland

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Somaliland oo gashay xaalad deg deg ah iyo wararkii ugu dambeeyay

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa gashay xaalad deg deg ah, kadib markii xukuumadda Muuse Biixi ay ku dhawaaqday in abaarta deegaanadaas ay mareyso meel adag.

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Saylici ayaa shalay shaaciyay in abaaro ay ku dhufteen dad hal Milyan ku dhaw oo ku kala nool lixda gobol ee ugu waaweyn Somaliland.

“Waxaa maanta halkan u soo joogsanay haddii aanu nahay guddidii gurmadka abaaraha in aanu ku dhawaaqno in abaartii meel adag marayso, ka dib markii roobkii gu’gu uu teel teel ku ahaa qaybo kamid ah dalka,” ayuu yiri.

“Waxa dalka ka jirto xaalad abaareed oo saamaysay dhamaan gobollada dalka, sida Sool, Sanaag, Togdheer, Saaxil, Howdka Maroodi-jeex iyo Xeebta Gobolka Awdal, qiimaynta lagu sameeyay abaarta, waxay si toos ah u saamaysay dad gaadhaya, 810,000 (sideed boqol iyo toban kun).”

Guddida qaran ee abaarta Somaliland ayaa waxay bilaabeen howlaha gurmadka abaarta iyaga oo qaaday tallaabooyin kala duwan, kuwaasi oo kala ah:

  • Howl-galinta guddida farsamo oo ka kooban wasaaraddaha xubnaha ka ah guddida abaarta iyo hay’adda NADFOR oo daraasad ku sameeyey xaaladda abaarta ee dalka ka jirta guud ahaan, kana soo diyaariyay war-bixin dhammaystiran oo la xidhiidha xaaladda abaarta ee dalka.
  • Dayactirka iyo kicinta ceelasha dhaadheer ee biyaha kuwaasi oo ay tiradoodu dhamayd 41 ceel, kuwaasi oo ku yaalay goobaha biyo yaraantu ay ka jirto gaar ahaan gobolada Bari.
  • Waxa biyo-dhaamis ay ka bilaabeen booyadaha dawladdu gobolada Togdheer, Sanaag, Sool iyo Maroodijeex.
  • Waxa hay’adda NADFOR diyaarisay kayd-raashin ah oo loogu talo galay dadka abaartu saamaysay.

Sidoo kale waxay ku dhawaaqeen in maanta laga bilaabo cid walba oo doonaysa inay wax ka qabato abaarta dalka ay waajib tahay inay soo marto guddida gurmadka abaarta.

Xukuumadda Somaliland ee Muuse Biixi ayaa si wax looga qabto xaaladdan waxay u qoondaysay kharash dhan $ 3,000,000 Milyan (Saddex Milyan oo Doolar) oo lagu talogay Raashin, biyo-dhaamis iyo kicinta ceelasha xumaaday.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Sawirro: Maxaa looga hadlay kulankii Cali Guudlaawe iyo Cabdi Xaashi?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta hoyga uu ka degan yahay magaalada Muqdisho ku qaabilay Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullahi.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xaaladaha guud ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka, oo dhawaan heshiis rasmi ah looga gaaray mad-madowgii doorashada shirkii Golaha Wada-tashiga Qaranka.

Labada Mas’uul ayaa sidoo kale diirada saaray dardar-gelinta iyo dhameystirka arrimaha doorashooyinka, oo la go’aamiyay in doorashada xubnaha Golaha Shacabka lagu soo gaba-gabeeyo muddo 40 cisho, laga bilaabo 15 January illaa 25 February ee sanadkaan.

Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi ayaa dhankiisa uga mahad-celiyay Madaxweynaha HirShabeelle doorkiisa ku aadan dardar-gelinta arrimaha doorashooyinka..

Madaxxweynaha HirShabelle ayaa toddobaadyadii u dambeeyay ku sugnaa magaalada Muqdisho, si xal looga gaaro arrimaha doorashada, wuxuuna kulankan qeyb ka yahay kulamo kala duwan oo maalmihii dambe uu la yeelanayay siyaasiyiinta iyo wakiilada beesha caalamka.

Shalay ayey aheyd markii uu Cali Guudlaawe uu kulan la qaatay Safiirka Dowlada Turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjire Mehmet Yılmaz, kaasi oo looga hadlay arimaha amniga, hirgalinta mashaariicyo horumarineed iyo dhameystirka doorashooyinka dalka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii