25.7 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Wasaaradda waxbarashada oo qaadeyso tallaabo culus iyo Jaamacado la xirayo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, gaar ahaan wasaaraddeeda waxbarashada ayaa shaacisay in diyaarisay nidaam gaar ah oo loogu tala-galay in la marsiiyo jaamacadaha ku yaalla gudaha dalka, si loo hubiyo xagga  tayadooda.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Abuukar Xaaji (Carab) oo ka hadlayey arrimaha waxbarashada ayaa sheegay in nidaamka ay diyaariyeen ka wasaarad ahaan ay dhowaan gaarsiin doonaan jaamacadaha, ka hor doorashooyinka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay xirmi jaamacadaha qaar, gaar ahaan kuwa aan buuxin nidaamkaas iyo shuruudaha ay dajisay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.

“Waan wadnaa howsha jaamacadaha, ayaan dhaweed waxa aan sameynay ma dhisan yihiin nidaam ahaan waad aragteen waxa qaylo ka daba-dhacayay, kahor doorashada waxa aan qaybineynaa nidaam aan u diyaarinay Jaamacadaha oo jaamacaddii buuxin weysay waan xireynaa oo ma sii shaqeyn doonaan” ayuu yiri Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya.

Cabdullaahi Carab ayaa sidoo kale intaasi kusii daray in muhiimaddu ay tahay in ardayda Soomaaliyeed ay helaan waxbarasho heer sare ah, isla-markaana tayo leh.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay madaxda jaamacadaha dalka inay ku dadaallaan tayada casharada iyo horumarinta maadooyinka ay dhigaan, si ay ardayda uga faa’iideystaan.

Horey dowladda Soomaaliya ayaa u shaacisay jaamacadaha ku yaalla gudaha dalka ee aqoonsan tahay, waxaana ay soo saartay liiska jaamacadaasi oo ay ku qiimeyso nidaam ahaan xagga dhismaha, haatana waxa ay ka fakireyso dhanka tayada ee waxbarashada.

Qorshihii uu Uhuru Kenyatta ku noqon lahaa ra’iisul wasaare oo fashil la kulmay

Nairobi (Caasimada Online) – Maxkamadda Racfaanka Kenya ayaa diiday qorshe ay dowladda ku dooneysay inay isbeddel ku sameyso dastuurka, taasi oo dhabarjab weyn ku ah madaxweyne Uhuru Kenyatta oo billaabay hindisahan muranka badan dhaliyey. 

Guddi ka kooban toddoba garsoore ayaa ayiday go’aan horey oo ay gaartay maxkamad kale, oo sharci-darro ku tilmaamtay hindisaha, go’aankan oo beddeli doona saaxadda siyaasadda Kenya, wax kayar hal sano kahor inta aan loo dareerin goobaha codbixinta.

Kenyatta ayaa ku dooday in hindisahan uu siyaasadda dalka ka dhigi lahaa mid loo dhan yahay, uuna soo geba-gebeyn lahaa rabshadaha doorasho ee dalka kusoo noqnoqday.

Madaxweynaha Maxkamadda Danile Musinga ayaa go’aankan soo saaray kadib kulan qaatay 10 saac oo toos looga daawanayey taleefishinka.

“Isbeddel dastuuri ah waxaa billaabi kara kaliya baarlamanka, ama hindise cod dadweyne,” ayuu yiri, isaga oo intaas ku daray in Kenyatta maxkamada madani ah lagula kori karo billaabidda hindisaha.

Hindisaha lasoo jeediyey ayaa yimid kadib heshiis ay galeen Kenyatta iyo mucaaradkiisa muddada fog Raila Odinga.

Hindisahan oo loogu yeeray BBI, wuxuu dib u qaabeyn ku sameyn lahaa hanaanka doorasho ee iminka oo ah, in cidda ugu codadadka badan ay qaadato xilka uga sarreeya dalka, wuxuuna awoodda baarlamanka iyo tan fulinta ka dhigi lahaa mid siman. Wuxuu sidoo kale abuuri lahaa jagada ra’iisul wasaaraha.

Dadka dhalleeceeya qorshahan ayaa ku macneeyey mid Kenyatta, oo aan u ordi karin doorashada madaxweyne ee dhaceysa 9-ka August 2022, maadaama uu dhameystay labadiisa muddo xileed, u ogolaaneysa inuu xilka sii hayo isaga oo abuuraya jagada ra’iisul wasaraaha.

Go’aanka Jimcihii soo baxay ayaa ogolaanaya in hanaanka doorashada dalka uu ku socdo jadwalkii loo dejiyey, haddii aan kiiska loo qaadin maxkamadda Sare ee dalka.

Hase yeeshee hoggaamiyeyaasha siyaasadda dalka ayey u badan tahay inay dib uga fakaraan hindisaha, si ay isbaheysiyo siyaasadeed u dhisaan kahor doorashada sanadka dambe, maadaama waqtigu gabaabsi yahay.

Ra’iisul Wasaraaha Britain oo beddelay mowqifkiisii ku wajahnaa kooxda Taalibaan

London (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Britain Boris Johnson ayaa beddelay mowqifkiisii ku wajahnaa kooxda Taalibaan, isaga oo sheegay in Britain ay la shaqeyn doonto kooxdaas haddii ay lagama maarmaan noqoto.

Hadalkan ayaa ka duwan kii Johnson kasoo yeeray Toddobaadkii tegay markii Taalibaan ay la wareegtay gacan ku haynta Afghanistan, markaasi oo uu sheegay in UK aysan marnaba aqoonsan doonin kooxdaas.

“Waxa aan doonayo inaan u xaqiijiyo shacabka ayaa ah dadaalladeena siyaasadeed ee ku aadan xal u helista Afghanistan. La-shaqeynta Taalibaan, haddii lagama maarmaan noqoto, dabcan way dhici doontaa,” ayuu yiri Johnson.

Hadalka Johnson ayaa imanaya ayada oo shalay, Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu taageero u muujiyey kooxda Taalibaan kana digay cadaadiska ay dalalka Reer Galbeedka isku dayayaan inay kooxdaas saaraan.

Madaxweyne Putin oo hadlayey kadib kulan uu Moscow kula yeeshay ra’iisul wasaaraha Jarmalka Angela Merkel, ayaa sheegay in dalalka kale ee caalamka, oo uu la jeedo reer galbeedka, aysan qiyamkooda ku qasbin kuna soo rogin Afghanistan.

Johnson ayaa dhinaca kale sheegay in xaaladda garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Kabul, halkaasi oo ku xoomeen kumanaan qof oo reer Afghanistan ah, si ay dalka uga cararaan, inay hadda soo wanaagsaneyso. 

Dowladda Britain ayaa sheegay inay xaqiijisay daad-gureynta 1,615 oo qof, tan iyo Sabtidii tagtay, oo ay ku jiraan 399 qof oo British ah, 230 shaqaalaha safaaradda ah, iyo 420 qof oo Afghans ah. 

Wararkii ugu dambeeyey ee furitaanka shirka Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta si rasmi ah uga furmayo shirka golaha wada-tashiga qaran ee u dhexeeya dowladda federaalka, dowlad goboleedyada ka jira dalka iyo sidoo kale gobolka Banaadir.

Qaban-qaabadii ugu dambeysay ayaa haatan ka socota Muqdisho, gaar ahaan Teendhada Afisyoone, iyadoo caasimada ay haatan ku sugan yihiin inta badan hoggaamiyeyaasha maamullada, waxaana kaliya la sugayaa Saciid Deni oo ku soo wajahan Muqdisho.

Intiisa badan waxaa shirkan diirada lagu saari doonaa arrimaha doorashooyinka ee 2021-ka, waxaana guddoominayo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, madaxda ayaa si gaar ah shirkooda maanta ku lafo-guri doona Afar qoddob oo muhiim ah, kuwaasi oo kala ah:-

1. Diyaar garowga doorashooyinka golaha shacabka
2. Diyaarinta habraacyada doorashooyinka
3. Raadinta dhaqaalaha ku baxaya doorashooyinka
4. Dhameystirka doorashada Aqalka Sare

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, waxaana nawaaxiga hoolka uu shirka ka dhacaya ku sugan ciidamo Boolis ah iyo sidoo kale kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.

Shirkan oo uu dib u dhac ku yimid furitaankiisa ayaa ku soo aaday, xilli xasaasi ah oo la guda-galay doorashooyinka dalka, gaar ahaan tan Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Doorashooyinka ka dhacaya dalka ayaa soo maray marxalado kala duwan, waxaana is jiid jiid dheer, kadib heshiis looga gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Wasiir Saalax oo shaaca ka qaaday in kadib doorashada dalka la dhameystiri doono…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Dastuurtka xukuumadda xil-gaarsiinta, Saalax Axmed Jaamac ayaa shaaciyey in sababta uu illaa hadda u dhameystirmi la’yahay dastuurka KMG ah ee dalka ay tahay wada-xaajood siyaasadeed.

Wasiirka oo ka qeyb-galay kulan looga hadlayey Wacyigelinta dib u eegista Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in wada-xaajood siyaasadeed laga yeesho xulashooyinka Dastuurka.

“Waxa aan ku rajo weyn nahay marka doorashooyinkaan laga baxo oo Dowlad cusub timaado in xulushooyinkaan si weyn looga fadhiisto iyada oo la xasiloon yahay oo la degan yahay, waxa keliya u dhiman yahay dastuurka ma aha farsamo ee waa wada-xaajood siyaasadeed oo la rabo halmar salka loo dhigo,” ayuu yiri Wasiir Saalax.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay inay muhiim tahay joogteynta kulmada looga hadlayo dib u eegista Dastuurka, si ay bulshada qeybtooda ku kordhiyaan waxyaabaha loo baahan yahay iyo tallooyinkooda, sida uu sheegay.

“Waa arrin aan laga maarmin maadaama dastuurka uu yahay midka ay u baahan yihiin dadka” si loo dhammeystirana ay u baahan tahay in laga wada qayb-galo.”

Qaybo-tirka Dastuurka KMG ah ee dalka ayaa muddo badan qaatay, kaasi oo la ansixiyey 1-dii August, walina lama soo saarin dastuur dhammeystiran, ayada oo ay dhowr jeer qabsoomeen shirar iyo dooda ku saabsan.

Deni oo lagu soo dhoweeyey Muqdisho iyo shirka wada-tashiga qaran oo furmayo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow soo gaaray Muqdisho ee caasimada dalka, si uu uga qeyb-galo shirka golaha wada-tashiga qaranka.

Saciid Deni ayaa waxaa garoonka Aadan Cadde ku soo dhoweeyey mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, iyadoona ay horey caasimada ugu sugnaayeen madaxa kale ee maamulada.

Sidoo kale saacadaha soo socda ayaa la filayaa inuu si rasmi ah u furmo shirka arrimaha doorashooyinka ee dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Intiisa badan waxaa shirkan diirada lagu saari doonaa arrimaha doorashooyinka ee 2021-ka, waxaana guddoominayo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble.

Arrimaha sida gaarka ah shirkan loogu lafo-guri doono waxaa ka mid ah diyaar-garowga doorashooyinka golaha shacabka, diyaarinta habraacyada doorashooyinka, raadinta dhaqaalaha ku baxaya doorashooyinka iyo dhammeystirka doorashada Aqalka Sare

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, waxaana Afisyoone oo uu shirka ka dhacayo ku sugan ciidamo Boolis ah iyo sidoo kale kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.

Shirkan oo uu dib u dhac ku yimid furitaankiisa ayaa ku soo aaday, xilli xasaasi ah oo la guda-galay doorashooyinka dalka, gaar ahaan tan Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Goodax oo weerar culus ku qaaday Dabageed xilli ay kasii dartay xiisadda HirShabelle

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee waxbarashada Soomaaliya Cabdullahi Goodax Barre ayaa qoraal uu soo saaray ku weeraray madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka HirShabeelle Yuusuf Dabageed, isagoo ku eedeeyey inuu colaad ka horinayo magaalada Beledweyne.

Goodax Barre ayaa sheegay in Baladweyne uu soo joogay mudo 10-cisho ah, isla markaana uu hadda Muqdisho ku soo laabtay, isagoo Yuusuf Dabageed ku tilmaamay nin xalka gobolka Hiiraan u arka inuu ku jiro in dadku ay dagaalamaan.

“Wadatashiyadii socday, waxaa hakad galiyay wafdi uu hogaaminayo Yusuf Dabageed oo gadaal ka yimid, isla markaana qaarkood hadallo daandaansi ah baraha bulshada u mariyay dadka deegaanka una arka xalka keliya in ay dagaalamaan. Wafdiga Dabageed wuxuu iigu muuqday dad colaad xambaarsan Isla markaana ku shaqaynaya fikirkii Dabageed ee ahaa ‘Haddii Cali Guudlaawe uusan imaan Baladweyne doorasho kama dhacayso,'” ayuu qoraalkiisa ku yiri Cabdullahi Goodax Barre. 

Goodax ayaa nasiib xumo weyn ku tilmaamay in dad kale ay madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle taleefan uga dirayaan Muqdisho, sibuu yiri “ummad dhan masiirkooda loo burburiyo.”

Waxa uu sheegay in dadkaas ay danahooda shaqsiga ah ka fushanayaan gobolka. “iyagoo sheeganaya in ay dadkaan matalaan, isla markaana ay abuuraan colaad iyo qalalaaso, si ay Guudlaawe Baladweyne u keenaan iyadoo loogu caga-jugleynayo in doorashada laga wareejinayo Baladweyne.” 

Cabdullahi Goodax Barre ayaa ka digay colaad laga huriyo gobolka Hiiraan, isagoo ku goodiyey in wax kasta oo meeshaas ka dhacan aan looga hari doonin cidii fasha.

Putin oo taageeray Taalibaan una digay Reer Galbeedka

Moscow (Caasimada Online) – Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa taageero u muujiyey kooxda Taalibaan oo la wareegtay gacan ku haynta dalka Afghanistan, wuxuuna ka digay cadaadiska ay dalalka Reer Galbeedka isku dayayaan inay kooxdaas saaraan.

Madaxweyne Putin oo hadlayey kadib kulan uu maanta Moscow kula yeeshay ra’iisul wasaaraha Jarmalka Angela Merkel, ayaa sheegay in dalalka kale ee caalamka, oo uu la jeedo reer galbeedka, aysan qiyamkooda ku qasbin kuna soo rogin Afghanistan.

Reer Galbeedka ayaa horey u sheegay inaysan aqoonsan doonin dowladda Taalibaan haddii ay soo rogto xukun shareecada Islaamka ah, islamarkaana aysan dhowrin xuquuqda haweenka.

“Xaqiiqdu waxay tahay in Taalibaan ay hadda la wareegtay gacan ku haynta Afghanistan,” ayuu yiri Putin.

Puntin ayaa sheegay inuu rajeynayo in Taalibaan ay ka dhabeyn doonaan ballan-qaadyada ay sameeyeen ee ah inay dib usoo celin doonaan kala dambeyntii Afghanistan, isaga oo sheegay in taasi ay muhiim u tahay in laga hortago in argagixisada ay u gudbaan dalalka deriska la ah.

Waxa uu ugu baaqay bulshada caalamka inay ka hortagaan “burburka” Afghanistan. 

Dhinaca kale, safiirka Ruushka ee Afghanistan Dmitry Zhirnov ayaa amaanay hab dhaqanka Taalibaan ee tan iyo intii ay xukunka la wareegeen, wuxuuna sheegay inaysan jirin beddel ka wanaagsan kooxdan, islamarkaana iska caabin kasta oo ka dhan ah Taalibaan ay fashilmi doono.

Danjire Zhirnov ayaa sheegay in ammaanka magaalada caasimadda ah ee Kabul uu aad uga wanaagsan yahay sida uu ahaa inta aysan qabsan Taalibaan.

“Waxaa halkan ka jiray talis xun oo hadda la waayey, dadkuna rajo ayey qabaan. Waxay leeyihiin xaaladda kama xumaan karto sidii hore, waa inay ka wanaagsanaataa. Hase yeeshee tani waa tijaabo kale oo ay tahan in Taalibaan ay ka gudbaan. Marka ay soo celiyaan kala dambeyna waa inay billaabaan horumarinta dhaqaalaha bulshada,” ayuu yiri danjire Dmitry Zhirnov.

Hadallada Dmitry Zhirnov iyo kuwa madaxweyne Putin ayaa astaan u ah sida Ruushka u doonayo inuu sii adkeeyo xiriirka kala dhaxeeya Taalibaan, inkasta oo weli uusan si rasmi ah aqoonsan.

Aqriso: Afarta qodob ee looga hadlayo shirka Rooble iyo madax goboleedyada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa si rasmi ah u furmaya maalinta berri ah, kaasi oo ka dhici doona Afisyoone, sida lagu shaaciyey qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta.

Shirka oo ay ka qeyb-gali doonaan ra’iisul wasaaraha, madaxda dowlad goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa waxaa looga hadli doona arrimaha doorashooyinka.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, madaxda ayaa si gaar ah shirkooda berri ku lafo-guri doona Afar qoddob oo muhiim ah, kuwaasi oo kala ah;

1. Diyaar garowga doorashooyinka golaha shacabka
2. Diyaarinta habraacyada doorashooyinka
3. Raadinta dhaqaalaha ku baxaya doorashooyinka
4. Dhameystirka doorashada Aqalka Sare

Kulanka berri oo uu shir guddoomin doono Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxa uu qorshuhu ahaa in uu qabsoomo shalay, waxaana dib u dhaca sababay safarka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ugu maqna dalka Masar iyo madax goboleedyada oo aan soo wada gaarin caasimada dalka.

Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed, Axmed Qoor iyo Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, waxaana la filayaa in madaxda kale ee weli dhiman ay caasimada soo gaaran ka hor maalinta Sabtida.

Imaaraadka Carabta oo u cararay Erdogan kadib markii ay galeen go’doon siyaasadeed

Ankara (Caasimada Online) – Kadib bilo wada-xaajoodyo sir ah, iyo wada-hadallo taleefon oo heer sare, la-taliyaha amniga qaranka Imaaraadka Carabta Tahnoun bin Zayed al Nahyan ayaa Arbacadii Ankara kula kulmay madaxweyne Recep Tayyip Erdogan oo mar ay cadow u aragtay Abu Dhabi.

Shantii sano ee ugu dambeysay, Ankara ayaa si shaacsan ugu eedeyneysay Imaaraadka Carabta inay maal-geliyeen afgambigii fashilmay ee dalkaas ka dhacay 2016-kii.

Hase yeeshee kulankii Arbacada ayaa loo arkaa “bilowga waa cusub” oo u baryey xiriirka labada dil, sida uu sarkaal sare oo Turkish ah u sheegay Middle East Eye.

Turkey ayaa kulankan u aragta tallaabo muhiim ah. Tahnoun bin Zayed waa sarkaalka ugu sarreeya Imaaraadka Carabta ee sirdoonka qaranka, arrimaha xasaasiga ah ee siyaasadda arrimaha dbibedda, iyo qorshayaasha sirta ah. Sidoo kale, wuxuu ku hooyo yahay madaxweyne Sheikh Khalifa bin Zayed Al Nahyan, wuxuuna ku hooyo iyo ku aabe yahay dhaxal-sugaha Abu Dhabi Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan.

“Waxaan awood u yeelan doonnaa inaan la kulano Mohamed bin Zayed maalmaha soo socda,” ayuu yiri Erdogan Arbacadii, isaga oo intaas ku daray in kulanka la diyaariyey kadib wada-hadallo ay yeesheen hay’adaha sirdoonka labada dal.

“Waxaan rajeynaa inaan xalin doonno dhibaatooyinka gobolka, maadaama aan nahay dad isku dhaqan iyo isku diin ah.”

Ayada oo maamulka Biden uu hadda ka taliyo Mareykanka, saraakiisha Turkey ayaa rumeysan in Abu Dhabi ay dareemeyso go’doon iyo cidlo xilli ay wajaheyso halis uga iman karta Iran. 

“Kaligood ma hor-istaagi karaan Tehran,” ayuu yiri sarkaal Turkish ah. “Aad ayey uga argagaxsan yihiin ka bixitaanka Mareykanka ee gobolka, waxayna dib u qiimeynayaan mowqifyadooda.”

Xiriirka Imaaraadka Carabta ee xulafadeeda ugu dhow ee Sacuudi Carabiya, ayaa sidoo kale dhowaan xumaaday, ayada oo labada boqortooyo ay ku loolamayaan inay soo jiitaan maal-gashiga shisheeye, kuna kala tageen dagaalka musiibada ah ee Yemen. 

Riyadh ayaa bishii tagtay mamnuucday u safarka Imaaraadka Carabta, sababo la xiriira kiisaska Coronavirus ee sare uga sii kacaya, tallaabadaas oo saraakiisha Turkish-ka ay u arkeen mid siyaasad ay ka dambeyso.

Cayaar fog

Imaaraadka Carabta ayaa shukaaminayey Ankara tan iyo bilowgii sanadkan. Bishii Janaayo, wasiiru dowlihii hore ee Arrimaha Dibedda ee Imaaraadka, Anwar Gargash ayaa soo jeediyey in xiriirka labada dal dib loo hagaajin karo.

“Wax dhibaato ah kuma qabno Turkey, sida arrimo xuduud iyo arrimo kale,” ayuu yiri, isaga oo intaas ku daray in haddii Ankara ay joojiso taageerada ay siiso Ikhwaanul Muslimiin, ay labada dal saaxiibi karaan.

Imaaraadka ayaa kadib fududeeyey cadaadiskii uu ku hayey ganacsatada Turkish-ka, waxayna dib u billaabeen duuliaadmyadii u dhaxeeyey Istanbul iyo Dubai iyo Abu Dhabi.

Turkey ayaa dhankoodana dhowaanahan qaaday tallaabooyin ka dhan ah Ikhwaanul Muslimiin, oo ay ka mid tahay inay ka codsadeen taleefishin ay mucaaradka Masar ku leeyihiin Turkey inuu joojiyo barnaamij siyaasadeed caan ah, tallaabadaas oo ay soo dhoweeyeen Imaaraadka Carabta.

Waqtigii hore loo socon lahaa

Erdogan ayaa Arbacadii sheegay in isaga iyo Tahnoun bin Zayed ay dejiyeen qariidad ay Imaaraadka maal-gashi ugu sameysanayaan Turkey mustaqbalka. 

Dhaqaalaha aan shidaalka aheyn ee Imaaraadka Carabta ayaa sanadkii tegay hoos u dhacay 6%, sida uu sheegay sarkaal Turkish ah oo rumeysan in Abu Dhabi ay fursad dhaqaale ka aragto Turkey, oo la filayo in dhaqaalaheeda uu sanadkan kobco 5%. 

Qatar oo ah xulufada ugu weyn ee Turkey ayaa sidoo kale balaayin dollar ku maal-gashatay dalkaas.

“Khilaafka ugu weyn ee la xiriira Ikhwaanul Muslimiin waa uu dhintay hadda, sababtoo ah ma jirto meel ay hadda ka taliyaan,” ayuu yiri sarkaal kale oo Turkish ah.

Damaca iyo dagaal ka dhex qarxay madax goboleedyada oo halis gelinaya doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Doorashada Soomaaliya ayaa maalinba maalinta ka dambeysa wajaheysa caqabad cusub, hase yeeshee haddii marar badan lagu eedeeyey inay ka socon la’dahay Farmaajo, waxay hadda u xayiran tahay madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya.

Sida ay ogaatay Caasimada Oline, loolan xooggan oo salka ku haya damac iyo dano siyaasadeed oo ka dhex-jira madax goboleedyada dalka, ayaa meesha ka saaraya in doorashada lagu soo dhammeeyo sanada 2021 gudihiis.

Madax goboleedyada dalka iyo Rooble ayaa la filayaa inay Muqdisho ku kulmaan Sabtida kadib markii kulan lagu waday inuu dhex-maro 19-ka bishan uu u baaqday safarka uu ra’iisul wasaaraha uga maqan yahay dalka.

Sida aan xogta ku helnay, kulankaas ayaa waxaa horyaalla laba qodob oo xasaasi ah oo kala ah ah:

1- Habraaca doorashada golaha shacabka: Madax goboleedyada ayaa si aad ah u doonaya inay soo saaraan ama lasoo saaro habraac doorasho oo awood badan siinaya iyaga, si ay doorashada golaha shacabka ugu dhigaan mid la mid ah tii Aqalka Sare, oo si buuxda ay u lahaayeen go’aanka cidda noqoneysa senator iyo cidda aan noqoneyn.

Ayaga oo fahamsan qorshaha madax goobleedyada, ayey guddiga doorashada soo saareen habraac doorasho oo lagu soo beegay laba malamood kahor shirkii baaqday ee 19-ka bishan.

Waxa ugu weyn ee la isku hayo ayaa ah; cidda leh awoodda soo xulista ergada dooraneysa xildhibaanka. Madax goboleedyada ayaa doonaya inay kaalin ku yeeshaan xulista ergada, halka odayaasha qabaa’ilka, guddiga doorashada, midowga musharaxiinta iyo madaxweyne Farmaajo ay doonayaan in qabaa’ilka loo madax baneeyo.

Doorashada Aqalka Sare ayaa noqotay mid umadda oo idil ay ka wada-qeylisay sida loo musuq-maasuqay, ayada oo aysan dhicin wax doorasho lagu tilmaamo karo, balse ay madax goboleedyada soo xuleen saaxiibadood, xigtadood iyo xulufadooda siyaasadeed.

Si taas looga hortago, Guddiga Doorashada ee heer Federaal ayaa soo saaray habraac doorasho, oo lagu xadiday awoodda madax goboleedyada, balse madax-goboleedyada ayaa hadda doonayaa in taas waxa laga beddelo.

Xubno ku dhow Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa ku doodaya in guddiga heer federal badankiis ay yihiin kuwa ku xiran madaxweyne Farmaajo, sidaas darteedna ay tahay sababta ay u doonayaan in maamul goboleedya la siiyo awood dheeri ah, si looga hortago in Villa Somalia ay musuq-maasuqdo doorashada Golaha Shacabka.

2- Deegaan doorashada: Waxaa weli jira isku day la doonayo in lagu soo koobo deegaan doorashada golaha shacabka oo laga dhigo hal magaalo. Qorshahan oo dhowr mar la isku dayey, balse la isku raaci waayey ayaa mar kale miiska saaran.

Madaxda maamul goboleedyada intooda badan ayaa doonaya in deegaan doorashada laga dhigo hal magaalo, si gaar ahna Axmed Madoobe, Cali Guudlaawe iyo Saciid Deni.

Axmed Madoobe iyo Cali Guudlaawe ayaa maamulladooda laga taageersaneyn Hiiraan iyo Gedo, waxaana diidan beelaha qaar ee goballadaas, iyadoo sidoo kale ay goballadaasi ka jiraan awood ciidan oo ka soo horjeeda, sidaas darteedna way ku adag tahay in doorasho ay ku qabtaan Garbahaarey iyo Beledweyne.

Saciid Deni, kuma adka inuu doorasho ku qabto Boosaaso iyo Garoowe, hase yeeshee wuxuu ugu daneynayaa saaxiibkiis Axmed Madoobe. 

Dhanka kale, qorshahan ayaa waxaa aad uga soo horjeeda madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor, oo ku adkeysanayaa inaan heshiiska doorashada wax laga beddelin. 

Ma cadda sababta uu Qoor Qoor ugu dheggan yahay laba magaalo, balse waxaa la rumeysan yahay inay gadaal ka riixeyso Villa Somalia. Haddii aan doorasho lagu qaban Garbahaarey, wuxuu Farmaajo weynayaa maamulka 16-ka xildhibaan ee halkaas lagu soo dooranayo.

Waxaan weli caddeyn mowqifka Cabdicasiis Lafta-gareen, oo mar taageersanaa in hal deegaan doorasho laga dhigo doorashada, sababo la xiriira amniga magaalada Baraawe, balse waxaa la sheegayaa in hadda uu isagana wajahayo cadaadiska Villa Somalia.

Labadan qodob, ayaa haddii aan xal laga gaarin, waxay sii dheereyn kara xarig-jiidka doorashada Soomaaliya.

Sawirro: Dadka Turkish-ka ah ee Muqdisho jooga oo si weyn loo maasuusay xalay

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan casho sharaf ah oo ka dhacay Madaxtooyada Qaranka ku maamuusay diblomaasiyiinta iyo wafdiga Dowladda Turkiga ee ka qeyb galay munaasabadda xuska 10 sano guurada ka soo wareegtay dib u cusbooneysiinta xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga. 

Farmaajo ayaa tilmaamay in xiriirka faca-weyn ee ka dhaxeeya dadka Soomaaliyeed iyo walaalahooda Turkiga uu yahay mid ku dhisan wax wada-qabsi iyo is ixtiraam, shacabka iyo dowladda Soomaaliyeedna waxa ay abaal uga hayaan Dowladda Turkiga garab istaagga taariikhiga ah.

“Xiriirka Soomaaliya iyo Turkigu waa mid soo jireen ah oo ku siman ilaa xilligii Boqortooyada Cusmaaniyiinta. Maanta xiriirkeenna diblomaasiyadeed ee dhidibbada adagi waxa uu u abuuray labadeenna dowladood fursado badan oo ah dhinacyada Ganacsiga, Amniga iyo is-dhexgalka labadeenna shacab,” ayuu yiri Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dul istaagay guulaha wax ku oolka ah ee laga xaqiijiyey dhinacyada amniga, dib u dhiska ciidamada, kaabayaasha dhaqaalaha, waxbarashada, ganacsiga, caafimaadka iyo is dhexgalka labada shacab ee Turkiga iyo Soomaaliya. 

“Inkasta oo labadeenna dowladood, Somaliya iyo Turkiga, ay ka go’an tahay in ay si hagar la’aan ah u horumariyaan iskaashiga miro-dhalka ah, haddana xiriirka xooggan ee ka dhexeeya labadeenna shacab ayaa ifaafalo wanaagsan u ah in uu sii jiri doono iskaashigeenna iyo walaal-tinimadeenna oo ay aas-aas u tahay cilaaqaad ku saleysan is-ixtiraam iyo wax-wada-qabsi,” ayuu yiri.

Farmaajo ayaa xusay in Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay xanuunka la qeyb sanayaan walaalahooda Turkiga oo dhawaan muwaadiniin ay kaga naf waayeen dabkii iyo fatahaadii ka dhacay qeybo ka mid ah Jamhuuriyadda Turkiga, sidoo kalana sababay khasaare hantiyeed.

 

DAGAAL is-miidaamin ku billowday oo dhex-maray ciidamada DF iyo Al-Shabaab

0

Afgooye (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa saaka waabarigii hore weerar culus  oo ku bilowday isqarxin kusoo qaaday saldhigga ay ciidamada Dowladda ku leeyihiin Buundada Sabiib oo dhinaca koonfur kaga beegan degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaalka oo ahaa mid la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa dhawaqa rasaasta laga maqlayey gudaha magaalada Afgooye, wuxuuna dagaalka socday ku dhawaad 2 saac.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Dowladda ayaa sheegay inay iska caabiyeen ciidamadii ka tirsanaa Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday isla markaasna ay gaarsiiyeen khasaaro xoog leh.

Kooxda Al-Shabaab ayaa dhinaceeda sheegtay inay la wareegtay deegaanka Sabiib oo illaa 8Km u jira Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelada Hoose, isla markaasna ay dagaalka ku qabsatay gaadiid dagaal iyo saanad ciidan.

Warka kasoo baxay Ururka Al-Shabaab ee ku aadan inay dagaal kula wareegeen degaanka Sabiid ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaan weli ka hadlin saraakiisha Ciidamada dowladda Soomaaliya & Maamulka degmada Afgooye.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa sanad ka hor la wareegay deegaanka Sabiib kadib dagaalo culus oo halkaas ka dhacay, kooxda Al-Shabaab ayaana wixii markaas ka dambeeyey dhowr jeer weeraro gaadmo ah kusoo qaaday saldhigga ciidamada Dowladda.

Madaxweyne ERDOGAN oo farriin kulul u direy YURUB

0

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkiga, Reccep Tayyip Erdogan oo shir guddoominayey kulanka golihiisa wasiirada, ayaa farriin cusub hawada u mariyey waddamada Yurub, si ay u qaadan mas’uuliyadda muhaajiriinta ka imanaya Afghanistan.

Waxa uu sheegay in Turkiga uusan noqon doonin wax uu ugu yeeray “qaybta kaydinta muhaajiriinta ee Yurub”, xilli uu dalkaas ka jiro qalaalase kaddib qabsashadii kooxda Taalibaan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Yurub looga baahan yahay inay qaadato mas’uuliyadda dadka reer Afgaanistaan ee ka cararaya dhibaatada waddankooda, isagoo intaas ku daray in Ankara ay tallaabooyin ka qaaday xudduudaha ay la leedahay Iran, oo xiligan marin muhiim u ah muhaajiriinta Afghanistan ee soo gala Turkiga.

Tan iyo markii Taalibaan ay soo gashay magaalada caasimadda ah ee Kabul, muuqaallo fowdo ah ayaa soo ifbaxayey, iyadoo kumanaan reer Afghanistan ah ay doonayaan inay ka baxaan dalkooda, iyagoo ka baqaya in Taalibaan ay ku soo rogto xukun la mid ah midkii 20 sano kahor.

Waxaa lasoo warinayaa in Kumanaan qof ay u soo tallaabeen dalka Turkiga toddobaadyadii la soo dhaafay, midaasi oo horudhac u ah mowjado muhaajiriin ah oo raba inay dalkaas gaaran, waana midda la rumeysan yahay inay keentay fariinta uu Erdogan u dirayo dalalka Yurub.

Erdogan ayaa sidoo kale kal hore shaaca ka qaaday in Turkigu uu diyaar u yahay wada-shaqeyn dhexmarta ayaga iyo Taalibaan. “Waxaan u furannahay iskaashi. Waxay horey u xiiseynayeen xiriirka Turkey, waxaana rajeynayaa in xiisahaas uu sii socdo,” ayuu yiri.

Diblomaasiyadda Rooble iyo dibna qaniinka FARMAAJO

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhiggiisa Masar Moustafa Madbouli kula kulmay August 17, 2021 magaalada Qahira. Socdaalka Rooble ayaa ku soo beegmay xilli la gudaggalay doorashooyinkii aqallada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya (BFS). 

Masar waxay ka mid ahayd dalalkii ugu horreyey ee aqoonsada dowladnimada Soomaaliya una fidiyey taageero cilmi iyo ciidanba leh. Maanta waxay raadinaysa inay dib u hagaajiso xidhiidh dayacmay si ay dib ugu soo ceshato saameyntii ay ku lahayd Soomaaliya.

Wixii ka dambeyey khilaafkii khaliijka waxaad mooddaa in xidhiidhkii Muqdisho iyo Qaahira uu gaaray meeshii ugu hooseysay kaddib markii ergaygii waxbarashada ee Masar lagu eedeyey inuu faraggeliyey arrimaha gudaha Soomaaliya (Al-Monitor 15/12/2020).

Xidhiidhka waxbarashada labada dal ayaa muhiimad weyn u leh  shacabka Soomaaliyeed oo si gaar ah u tabaya in ahmiyadii Masar ay siin jirtay Waxbarashada Dalka waayahan dambe ay meesha ka baxday. 

Qahira waxay Soomaaliya u ahayd weligeedba garab ay ku cadaadin karto Itoobbiya. Waxaase xujo ku noqday iskaashiga seddax geesoodka ee Geeska Afrika oo Muqdisho ku riixay inay dhexdhexaad ka noqoto khilaafka gobolka.

Masar waxay ku ajarantay inay ku qiimeysay xidhiidhka Soomaaliya xifaaltanka ballaaran ee khaliijka iyo khilaafka kala dhexeeyay Ankara. Ahmiyadda Soomaaliya waxay kusoo baraarugtay markii dowladdaha Soomaaliya iyo Jabuuti ay ka horyimideen qaraarkii Jaamacadda Carabte ee biyoxireenka Niil.

Isu soo dhawaanshaha cusub ee Soomaaliya iyo Masar waxuu ka bilowday Riyadh oo la heshiisay Dooxa. Kolkaas kaddib ayaa Danjiraha Soomaaliya ee Masar Ilyas Sheikh Cumar laga guddoomay warqadihii aqoonsiga.

Sanadkii 2006ka, dalal ay ka mid ahaayeen Iran, Libiya iyo Masar ayaa lagu eedeyey inay ku hawlan yihiin hurinta colaadda Soomaaliya (CBS News 29/07/2006).  Maantase wuxuu war ka taagan yahay, maxay sida ba’an ugu daba joogtaa in Banque Misr uu laan ku yeesho dal aysan ganacsi micno leh kala dhexeen!

Socdaalka Rooble ee Masar waa booqashadii shanaad ee uu ku tago dalka dibeddiisa tan iyo markii uu la wareegay xilka Ra’iisulwasaaraha. Waxuu isku maray Jeddah, Jabuuti, London, iyo Nairobi kuwasoo dhammaantood damac ka leh saameynta hoggaanka Soomaaliya.

Warar laysla dhexmarayo ayaa sheegaya inuu u hiilan yahay dhawaan Dalka Imaaradka. Diblomaasiyadiisa sida xawliga ah u socoto ayaa dhalisay walwal ah inay abuurto dhib ka badan inta ay xalin karto. 

Waxaad mooddaa in Rooble uu yahay shakhsi aan ka cabsan xaaladaha diblomaasiga murugsan, taasoo ka dhigaysa shakhsi legdenka jecel (Challenging problems). Ilaa haddeer Ra’iisul Wasaare Rooble wuxuu muujiyay inuu ku aado kartina u leeyahay tijaabadaha diblomaasiyadeed.

Saadaasha warbaahinta aan xasillonayn ayaa ahayd in Rooble soo jiidi doono masiiba burburi doonto siyaasaddii dibedda ee Farmaajo-Khayre iskana horkeeni karta isaga iyo Madaxweynaha. Balse taasi waxay ku soo baxday mid raqiis ah.

Ra’iisul Wasaare Rooble waxuu guul ka soo hooyey inuu hor fariistay Uhuru Kenyatta taabsiyeyna in Soomaaliya aysan dan ka lahayn in dacwada badda dib looga soo celiyo Maxkamada ICJ. Weliba xidhiidhka xumaadey ee labada dal ay sabab u tahay faraggelintooda gobollada xuduudda ku yaal.

Walow, dib u soo nooleynta xidhiidh diblomaasiyadeed ay had iyo jeer tahay ribix, haddana taageerada Masar ee la dagaallanka xagjirka iyo maalgelinta banki aan ganacsi ku howleen waa arrin kala qaybinaysa dalalka gobolka saamayn kartana iskaashiga seddax geesoodka ah ee Geeska Afrika. Soomaaliya waxaa muhiim u ah inay taxaddar ka ahaato tillaabo kasta oo ka horiman karta danaheeda amniga dalkana dhexda uga ridi kara Muranka Itoobbiya iyo Masar.

Isha: Jamhuuriyadda.com

Daalibaan oo bilawday baadi-goobka dadkii u shaqayn jiray ciidanka reer galbeedka

Kabul (Caasimada Online) – Kooxda Daalibaan ayaa bilowday baadi-goobka dadkii u shaqeyn jiray ciidamada NATO iyo xukuumaddii hore ee Afgaanistaan sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Qaramada Midoobay.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in kooxda Daalibaan ay guri kasta ka baadi goobeyso si ay gacanta ugu soo dhigaan dadka u shaqeyn jiray isbaheysigii weerarka ku qaaday Afgaanistaa.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in kooxdaan ay hanjabaad u direyso dhammaan dadkii laasoo shaqeyn jiray Dowladdii hore, waxayna Qaramada Midoobay sheegtay in arrintaan ay tahay mid halis ku ah dhammaan dadkii lasoo shaqeeyey xukuumaddii hore.

Kooxda Daalibaan ayaa isku dayeyso inay dadka Afgaanistaan ku qanciso inaysan jirin cid ay ka aargudaneyso, waxayna soo direyn farriimo kala duwan tan iyo markii ay gacanta ku dhigeyn Caasimadda Kabul.

Laakiin waxaa jira cabsi laga qabo in Taalibaan ay hadda wax yar iska beddeshay tii hore ee 1990-maadkii oo lagu eedeeyey in ay fashay falal aad looga naxay.

Digniinta ku saabsan in kooxdu ay beegsanayso “caawiyayaashii reer Galbeedka” waxay ku timid dukumenti qarsoodi ah oo ay samaysay Xarunta RHIPTO ee Norwegian-ka ah ee Falanqaynta Caalamiga ah, oo xogaha sirdoon siisa UN.

“Waxaa jira shaqsiyaad aad u tiro badan oo ay hadda bartilmaameedsanayaan Taalibaan, hanjabaadduna waa mid cad,” ayuu Christian Nellemann, oo madax u ah kooxda ka dambeysay warbixinta, oo la hadlay BBC.

“Waxaa jiray qoraal ah, ‘haddii aysan isa soo dhiibin mooyee, Taliban in ay xidhi doonto oo dacweyn doonto, su’aalona weydiin doonto oo ciqaabi doonto xubnaha qoyska iyagoo matalaya shakhsiyaadkaas.”

Waxa uu ka digay in qof kasta oo ku jira liiska madow ee Taalibaan uu ku jiro khatar aad u daran, ayna dhici karto in dad badan la dilo.

Wararkii ugu dambeeyay ee dil toogasho oo ka dhacay magaalada Caabudwaaq

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaray degmada Caabduwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan in maanta degmadaas dil loogu geystay Nin kamid ahaa dadka deegaanka oo caan ka ahaa Caabudwaaq.

Ninka la dilay ayaa waxaa rasaas ku furay Nin kale oo ay is-af-dhaafeen, kadib markii uu soo kala dhex galay khilaaf xoogan, sida ay sheegen dad goobjoogayaal ah.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in marxuumka lagu dhuftay dhowr xabadooda, kuwaasi oo sababay geeridiisa, waxaana lagu soo waramayaa in Ninka dilka geystay oo ka baxsaday goobta ay gacanta ku soo dhigeen ciidamada booliska degmada Caabudwaaq, kadib howl-galo ay sameeyen.

Ciidamada ayaa xabsiga dhexe ee degmada Caabudwaaq ku xiray Ninka dilka geystay, waxaana billaabaneysa baarista kiiskaas, sida ay sheegen saraakiisha amaanka.

Degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud oo kamid ah degmooyinka ugu amniga wanaagsan deegaannada maamulka Galmudug, ayaa haddana waxaa mararka qaar ka dhaca dilal la xiriira aanooyin qabiil.

Maamulka gobolka Hiiraan oo shaaciyey inuu doorasho ku qabanayo Beledweyne

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Guddiga amniga ee gobolka Hiiraan ayaa maanta soo saaray amaro culus oo la xiriira amniga magaalada Beledweyne, oo ay shaaciyeen inay ka dhaceyso doorashada golaha shacabka Soomaaliya.

Guddiga oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Beledweyne ayaa isla qaatay in cidkasta oo lagu ogaado inay la macaamisho Al-Shabaab loo aqoonsan doono inay qeyb ka yihiin kooxdaas, islamarkaana laga qaadi doono tallaabo adag.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Hiiraan Cabdi Muumin Cilmi oo warbaahinta ka hor akhriyey go’aamada guddiga ka soo baxay ayaa sheegay in Ciidamada amniga ay amar ku qabaan inay tallaabo ku haboon ka qaadan cidii la arko ayada oo ku howlan qal-qal gelinta amniga.

Hoos ka aqriso go’aamada kasoo baxay guddiga

  • Ciddii lagu arko iyada oo gudaha magaaalada Beledweyne ku dhex-wadato qori iyo dhar caadi ah in laga qadi doono qoriga, sidoo kalena laga qaadi doono tallaaboi sharci ah iyo xarig.
  • Ciddii aada deegaannada ay maamulaan Al-Shabaab, lana macaamisha kooxdaas loo aqoonsan doono, loolana dhaqmi doono sida Al-Shabaab.
  • Dhamaan Shirkadaha, Hay’adaha Caalamiga ah iyo kuwa Gudaha ee la macamiila Al-Shabaab in laga qaadi doono tallaabo adag oo waafaqsan sharciga.
  • Ciddii la arko ayada oo amniga qal-qal gelineysa in Ciidamada amniga ay amar ku qabaan inay tallaabo ku haboon ka qaadaan.
  • Dhamaan bulshada ku nool Gobolka Hiiraan gaar ahaan Beledweyne ayaa loogu baaqay inay Cidamada kala Shaqeeyaan sugida amnuga maadaama laguda gelayo howlaha doorashooyinka.

Go’aamadan ayaa kusoo aadaya xili ay dhowr jeer magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan soo galeen maleeshiyaad uu wato Jeneraal Xuud oo si weyn uga soo horjeeda maamulka HirShabeelle, ayada oo loo diyaar garoobayo qabashada doorashooyinka dalka.

CANADA: Soomaaligii ugu horreeyay oo ka mid noqday baarlamanka Nova Scotia

0

Toronto (Caasimada Online) – Cali Ducaale oo qaxooti ahaan ku tagay dalka Canada, ayaa noqday qofkii ugu horeeyay ee Muslim ah, Soomaali ah oo ka mid noqda xildhibaannada Baarlamanka gobolka Nova Scotia ee dalka Canada.

Cali Ducaale oo xirfaddiisu ay tahay dab-damis, sidoo kalena muddo caawinayay dhallinyarada iyo bulshada xaafadda laga doortay ee Halifax Armdale ayaa helay 40.2% codadkii la dhiibtay.

Julie Melanson oo ka tirsan xisbiga NDP ayaa heshay 34.2%, halka Richard MacLean oo ka tirsan xisbiga Progressive Conservative ee ku guuleystay talada gobolka uu helay 22.1%.

Cali Ducaale ayaa afareynaya, saddex qof oo kale oo madow ah oo doorashada ku guuleystay, waana tiradii ugu badneyd ee qowmiyadda madowga ka tirsan oo hal mar kawada mid noqda baarlamanka gobolka Nova Scotia.

Cali ayaa ka tirsan xisbiga Liberal-ka, wuxuuna idaacada VOA-da oo uu la hadlay u sheegay in xilkaan uu isugu taagay si uu wax uga qabto baahida dadweynaha ee taagan, taasi oo uu xusay inuu golahaas ugu adeegi doono.

Sidoo kale waxa uu sheegay in gobolkaas oo aysan ku badneyn Soomaalida uu ku helay codadka uu ku guuleystay inay u suurta-galisay kaalintiisa uu ku leeyahay arrimaha bulshada iyo u ololeynta dadka soo galootiga.

Ugu dambeyntiina waxa uu ballan-qaaday inuu wax ka qaban doono dhanka Iskuulada iyo waxbarashada ee ka taagan gobolka laga doortay, islamarkaana uu hirgelinayo sharci ka hor-imaanaya Islaam naceybka.

Wararkii ugu dambeeyey shirka Muqdisho iyo R/W Rooble oo war soo saaray

0

Muqdisho (Caasimada Online) — Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha xil-gaarsiinta ayaa si rasmi ah u shaaciyey xiliga uu qabsoomayo shirka Golaha Wadatashiga Qaranka, kaasi oo dib u dhac ku yimid.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wsaaraha ayaa lagu iclaamiyey in Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka uu si rasmi ah uga furmayo Afisyoone maalinta Sabtida ee ku taariikheysan 21-ka Agoosto, 2021.

Kulanka oo uu shir guddoomin doono Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxa lagaga hadli doonaa diyaar garowga doorashooyinka Golaha Shacabka, diyaarinta habraacyada doorashooyinka.

Sidoo kale shirka ayaa waxaa diirada lagu saari doona raadinta dhaqaalaha dhiman ee ku baxaya doorashooyinka iyo sidii horey loogu socon lahaa.

Waxa qorshuhu ahaa in maanta uu magaalada Muqdisho ka furmo shirka golaha wada-tashiga qaran, waxaana dib dhaca sababay safarka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ugu maqna dalka Masar iyo madax goboleedyada oo aan soo wada gaarin caasimada dalka.

Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed, Axmed Qoor iyo Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa saaka iyo galabta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Madaxda iyo wafdigooda ayaa waxaa si weyn Garoonka Diyaaradaha ee AADAN ABDULLE ugu soo dhaweeyay masuuliyiin ka socday Maamulka gobolka banaadir, xubno ka kala socday golaha wasiirada XFS iyo Labada gole ee BFS iyo masuuliyiin kale.

Qoor Qoor iyo Lafta-gareen ayaa qeyb ka ah madaxda shirka madasha wadatashiga qaran ee looga arinsanayno dardargelinta arimaha doorashooyinka dalka, waxaana la filayaa in madaxda kale ay maalinta berri ah soo gaaran magaalada Muqdisho.