26.9 C
Mogadishu
Saturday, June 21, 2025

Faah-faahinta QARAXII is-miidaaminta ee Muqdisho iyo khasaaraha ka dhashay

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is-miidaamin ah oo galabta qorax dhicii ka dhacay agagaarka isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Sida ay xaqiijiyeen booliska iyo goobjoogeyaal, ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay, shan kalena waa ay ku dhaawacmeen qaraxa, oo uu fuliyey qof isku soo xiray walxaha qarxa.

Qofka is-miidaamiyey ayaa beegsaday maqaayad ku taalla isgoyska, oo ay ku badan yihiin ciidanka dowladda Soomaaliya. 

Laba ka mid ah dadka dhintay ayaa ka tirsanaa ciidamada ammaanka Soomaaliya, sida uu sheegay Maxamed Cali oo ah sarkaal boolis oo ku sugnaa goobta.

Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

Isla markii uu qaraxa dhacay waxaa goobta isku geedaamay ciidamada dowladda oo hakiyay isu socodka gadiidka iyo dadka. Goobjoogayaal ka ag dhowaa halka uu qaruxu ka dhacay ayaa sheegay inay arkayeen gawaarida gurmadka deg deg ah oo kusii qulqulaya goobta qaraxa uu ka dhacay.

Caasimada Online ayaa toddobaad kahor 12-kii bishan qortay xog aan kasoo xiganay hay’adaha amniga oo sheegeysa in Muqdisho ay soo galeen ugu yaraan 13 qof oo damacsan inay magaalada ka fuliyaan qaraxyo is-miidaamin ah.

Baaritaanada iyo feejignaanta amni ee Muqdisho ayaa aad loo dareemay maalmihii la soo dhaafay.

Tan iyo markii dowladda federaalka ay waddooyinka Muqdisho ku wada goysay dhagxaan, kooxda Al-Shabaab ayaa xeeladdeeda qaraxyada u wareejisay shaqsiyaadka isku xira jaakadaha qarxa, kuwaas oo ay adag tahay in laga hortago, waxaana kadib kordhay qaraxyada is-miidaaminta ah ee magaalada. 

Dadka fallanqeeya amniga ayaa dowladda ku eedeeyey inaysan laheyn wax qorshe amni ah oo aan ka aheyn in waddooyinka ku goysay dhagxaan.

Afar DAL oo ka faa’iidaya fashilka reer galbeedka ka raacay dalka Afghanistan

0

Kabul (Caasimada Online) – Tan iyo markii ay kooxda Taalibaan si buuxda u qabsadeen caasimada dalka Afghanistan ee Kabul, ayaa waxay dalal badan oo reer Galbeed ah iyo Mareykanku u kala carareen sidii ay muwaadiniintooda uga saari lahaayeen Afghanistan.

Waxaa soo baxaya in dalal dhowr ah ay ka faa’iideysanayaan xukunka ay la wareegtay Taalibaan, halka Mareykanka iyo xulufadiisu ay soo wajahday cabsi hor leh.

Dalalka ugu waaweyn ee xiligan la fahamsan yahay inaysan ka wal-walsaneyn in Taalibaan ay gacanta u gasho xukunka Afghanistan, islamarkaana xukunkeeda ka faa’iidaya ayaa waxa kamid ah; Ruushka, Shiinaha, Pakistan iyo Qatar.

Ruushka ayaa waxa uu toddobaadkan gudihiisa shaaciyey in wada-hadalo u billowdeen Taalibaan, sida lagu sheegay bayaan uu soo saaray wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka.

Sidoo kale waxa bayaankaas lagu sheegay in sababta aysan xiriirka u jareynin ay tahay in Taalibaan ay dalka qabsadeen iyagoo aan iska caabin kala kulmin Mareykanka, xulafadiisa iyo ciidamadii Afghanistan uu u tababaray.

Shiinaha ayaa sidoo kale xiligaan xoojinaya Taalibaan iyo sharci ahaanshiyaha waxyaabaha ay sameynayaan, iyada oo ay jirto in dad badan ay dhaliileen ficiladooda dhiirrigeliya argagaxisada iyo cadaadinta haweenka.

Dowladda Shiinuha ayaa waxa kale oo ay noqotay waddankii ugu horreeyey ee taageeray Taalibaan, kadib markii laba toddobaad un ka hor markii wasiirka arrimaha dibadda, Wang Yi, uu wafdiga Taliban ka socday ku soo dhoweeyay waqooyiga Tianjin, xiligaas oo ay ku jireen marxaladihii ugu dambeeyay ee xilka looga tuurayay dowladdii Afghanistan.

Sidoo kale, Pakistan ayaa ayadu laftigeeda soo dhaweysay qabsashada Taalibaan ee Afghanistan, taasi oo uu Ra’iisul wasaaraha Pakistan, Cimran Khan uu ku macneeyay “in Afghanistan ay jebisay, iskana saartay silsiladihii addoonsiga, ka dib markii ay burburtay dowladdii dalkaas.”

Wararka ayaa sheegaya in guusha Pakistan ay tahay mid ay dano gaar ah ka leedahay inkastoo ay saraakiisha dalkaas nukliyeerka haysta ay beeniyeen arrintaas, waxaana la sheega in dhaawaca Taalibaan ee muddadii 20 sano ahayd lagu daweyn jiray dalkeeda.

Geedi socodka nabadeynta Afghanistan ayaa waxaa la rumeysan yahay in Qatar ay ka aheyd xubin muhiim ah, xili ay waday wada-hadallo nabadeed oo dhex-marayay xukuumadii la riday iyo Taalibaan.

Sidoo kale waxa la ruemysan yahay in Qatar ay si weyn u taageerto ururka Taalibaan, oo lagu tilmaamay inay taageerto garabkooda siyaasadda, si ay u siiso aqoonsi caalami ah, waxayna xiligaan noqon karta faa’iideystaha ugu horreeysa,

Si kastaba, afartaan dal ayaa noqonaya dalalka ugu waaweyn ee la fahamsan yahay inay ka faa’iideysan doonaan xukunka Taalibaan, ayaga oo galan-gal xoogan ku yeelanaya Afghanistan, xili ay kooxdu isu diyaarinayaan in ay ku dhawaaqdo inay dalkaas ku xukumayso shareecada Islaamka.

Muxuu madaxweyne Erdogan ka yiri guusha iyo hadalkii kasoo yeeray TAALIBAAN?

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkey Reccep Tayyip Erdogan ayaa soo dhoweeyey hadalladii kasoo yeeray kooxda Taalibaan ee ay ku ballan-qaadeen inaysan dib ugu laaban doonin xukunkoodii mayalka adkaa.

Madaxweyne Erdogan ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in Turkey ay diyaar u tahay wada-shaqeyn dhexmarta ayaga iyo Taalibaan. “Waxaan u furannahay iskaashi. Waxay horey u xiiseynayeen xiriirka Turkey, waxaana rajeynayaa in xiisahaas uu sii socdo,” ayuu yiri.

Erdogan waxa uu intaas ku daray inay weli diyaar u yihiin inay sugaan amniga garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Kabul, islamarkaana Ankara ay weli wada-hadal kula jirto dhinacyo kala duwan.

“Waxaan dooneynay inaan xaqiijino ammaanka garoonka oo aan ku tabarucno ammaanka dalka kadib marka ay baxaan ciidamada Mareykanka, welina waa nagu jiraa damacaas,” ayuu yiri Erdogan.

Ankara ayaa horey ugala xaajootay saraakiisha Mareykanka inay gacan ka gaysato xaqiijinta amniga garoonka Kabul, oo muhiim u ah in dalalka caalamka ay diblomaasiyiintooda kusii hayaan Afghanistan kadib marka ay baxaan ciidamada Mareykanka.

Hase yeeshee guusha deg degga ah ee Taalibaan oo si fudud kula wareegtay dalkaas, ayaa fashilisay qorshahaas.

“Waxaan hadda wax u qorsheyneynaa si waafaqsan xaqiiqda jirta ee kasoo baxda halkaas, waxaana wada-xaajoodyada u galeynaa si waafaqsan,” ayuu yiri madaxweyne Erdogan. 

Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegaya inay weli Ankara kala hadlayaan amniga garoonka, waxayna ka mahad-celiyeen kaalinta Turkey ay ka qaadatay in shacab badan halkaas laga soo daad-gureeyo. 

“Joogitaanka militariga Turkey ee Afghanistan wuxuu maamulka cusub taageero ka siin karaa masraxa caalamka, wuxuuna u fududeyn karaa shaqooyinkooda,” ayuu yiri Erdogan.

Cid kasta xukunka hayso, Erdogan wuxuu sheegay in Turkey ay garab taagan tahay Afghanistan, wuxuuna mar kale ku celiyey inuu diyaar u yahay inuu la kulmo hogaamiyayaasha Taalibaan.

Wiilka Ahmed Shah Massoud oo ku dhowaqay dagaal ka dhan ah ururka Taalibaan

Kabul (Caasimada Online) – Wiilka hoggaamiyihii ugu caansanaa ee la dagaalamay Taalibaan ayaa sheegay in ciidamadiisa ay diyaar u yihiin inay qaadaan iska caabin wax ku ool ah, balse wuxuu Mareykanka ugu baaqay inay hub iyo rasaas siiyaan maleeshiyadiisa.

Faallo uu Arbacadii ku qoray wargeyska Washington Post ayuu Ahmed Massoud ku yiri “Mareykanka wuxuu weli hub weyn u noqon karaa dimoqraadiyadda,” isaga oo taageeraya maleeshiyadiisa.

“Waxaan maanta kasoo qorayaa Dooxada Panjshir, waxaan diyaar u ahay inaan qaado raadkii aabahey, aniga oo haysta muajaahidiin diyaar u ah inay mar kale ka hortagaan Taalibaan,” ayuu yiri.

Aabihiis Ahmed Shah Massoud, oo loo yaqiin Libaaxii Panjshir, ayaa hoggaamiyey iska caabintii ugu adkeyd ee ka dhan ah Taalibaan, isaga oo ku sugnaa dooxada ku taalla waqooyiga Kabul oo uu ku xooganaa, ilaa laga khaarijiyey sanaddii 2001.

Isaga oo rajeynaya inuu raaco “raadkii aabnihiis” ayaa Massoud waxa uu sheegay inay kusoo biireen xubno ka mid ah ciidamadii gaarka ahaa ee Afghanistan “oo ka niyad jabay is-dhiibitaanka taliyayaashooda.”

Sawirro lasoo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya madaxweyne ku-xigeenka Afghanistan Amrullah Saleh oo la kulmaya Massoud, waxayna u muuqataa in labadooda ay diyaarinayaa dhaq-dhaqaaq jabhadeyn oo ka dhan ah Taalibaan.

“Hase yeeshee waxaan u baahannahay hub dheeri ah, rasaas dheeri ah, iyo sahay dheeri ah,” ayuu yiri.

Massoud ayaa sheegay in Taalibaan ay halis ku yihiin wax ka baxsan xuduudaha Afghanistan.

“Inta ay xukumeyso Taalibaan, Afghanistan waxay shaki la’aan noqon doontaa saldhigga argagixisada Islaamiyiinta xagjirka ah; shirqoolo ka dhan ah dimoqraadiyadda ayaa mar kale halkan lagu diyaarin doonaa.”

Massoud ayaa sheegay in ciidamadiisa ay diyaar u yihiin dagaalka imanaya balse ay u baahan yihiin kaalmada Mareykanka.

Tan iyo markii ay xukunka la wareegeen, Taalibaan ayaa soo bandhigayey hub, rasaas iyo qalab baaxad leh oo ay ka qabsadeen ciidamada Afghanistan – oo badankood uu u qeybiyey Mareykanka.

Massoud ayaa sheegay in 20 sano kadib, Mareykanka iyo Afghanistan ay wadaagaan “mabaadi’ iyo halgan,” wuxuuna ka codsaday Washington inay taageerto “qadiyadda xoriyadda” intii ay Afgaaniyiinta uga tagi lahaayeen Taalibaan.

“Waxaad tihiin rajadeena kaliya ee hartay,” ayuu yiri.

AFP + VOA

Dowladda Sacuudiga oo u yeertay ROOBLE iyo madax goboleedyada dalka + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa casuumaad rasmi ah u fidisay golaha wada-tashiga qaranka, gaar ahaan ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya iyo madaxda dowlad goboleedyada dalka, sida ay shaaciyeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay.

Wararka ayaa sheegaya in maalmaha soo aadan Rooble iyo shanta hoggaamiye goboleed ee dalka ay tegi doonaan magaalada Riyadh ee caasimadda wadanka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, halkaas oo ay wada-hadallo kula galayaan madaxda sare ee dalkaasi.

Sida ay ogaatay Caasimada Online socdaalka wafdigan culus ayaa salka ku haya arrimo la xiriira xoojinta xirriirka Soomaaliya iyo Sacuudiga oo hooseeyey sanadiihii dambe.

Rooble ayaa haatan ku maqan dalka Masar, halka madaxda maamul goboleedyada ay ku soo wajahan yihiin magaalada Muqdisho oo ay uga qeyb-galayaan shir ku saabsan arrimaha doorashooyinka dalka, walow uu maanta dib u dhac ku yimid shirkaasi.

Safarka ayaa soo shaac baxday, xilli xasaasi ah, isla-markaana xukuumadda xil-gaarsiinta ay ku howlaneyd arrimaha doorashooyinka iyo xoojinta xiriirka dibadda, waxaana wafdi ka socda xukuumadda oo uu horkacayo Rooble ay booqasho ku kala tageen Nairobi & Qaahira.

Sacuudiga ayaa la sheegay inuu qorshe weyn ka damacsan-yahay casuumadda Rooble iyo madax goboleedyada, maadaamna doorasho la galayo, waxaana tani oo kale ay dhacday sanadkii 2016, kadib markii dowladda Imaaraadka Carabta ay casuumaad wadajir ah u sameeysay madaxdii maamul goboleedyada ee xilligaas, waxayna kala hadsashay arrimaha doorashooyinka ee markaasi iyo sidoo kale in is-bedal laga sameeyo doorashadii 2017-kii.

Si kastaba, warkan oo illaa iyo hadda aysan ka hadlin dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada ayaa hadal heyn badan ka dhaliyey baraha bulshada, maadaama uu kusoo aaday, xilli xasaasi ah, Soomaaliyana ay haatan ku jirto xaalad adag oo kala guur ah.

Wararkii ugu dambeeyey weerar dhimasho leh oo ka dhacay gobolka Galgaduud

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta maleeshiyaad hubeysan ay weerar culus ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolkaasi, kadib markii ay jidka u galeen gaari rakaab ah oo ay la socdeen dad raydi ah.

Baabuurka ayaa waxaa la rasaaseeyey xilli uu kasoo baxay magaalada Balanballe, kuna sii jeeday deegaanka Balli-Dhiig oo dhaca dhanka waqooyi ee gobolka Galgaduud.

Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkan ku dhintay ugu yaraan illaa 2 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan oo ka mid ahaa dadkii la socday gaarigaasi.

Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in wadaha gaariga uu isna sameeyey iska caabin, isla-markaana uu dhaawacay qaar ka mid ah maleeshiyaadka wadada u galay.

Meydadka iyo dhaawacyada dadka shacabka ah ayaa dib loogu soo celiyey degmada Balanballe, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in weerarkan uu salka ku hayo dilal la xiriira aanooyin Qabiil oo ka taagan deegaano ka tirsan dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dhacdadaasi, balse waxaa haatan socda howl-gallo lagu baadi goobayo maleeshiyaadkii ka dambeeyey weerarkaasi, kuwaas oo ay wadaan ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug.

Inta badan waxaa gobollada dhexe ee dalka kusoo noq-noqda weerarada iyo dilalka salka ku haya aanada Qabiil ee ka dhaca Hiiraan, Galgaduud, Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Shacab careysan oo maanta banaan-bax xooggan ka dhigay Muqdisho + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta ka dhacay dibad-bax ay dhigeen dadweyne ka careysnaa dadkii ay ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Uganda ku laayeen deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Dadweynahan ayaa isugu soo baxay fagaaraha Taalada Daljira Daahsoon oo ku yaalla degmada Boondheere, waxayna wateen boorar lagu soo xardhay eradyo ka dhan ciidamada AMISOM, sida dil gar-darro ah dooni meyno, xasuuq dooni meeyno iyo erayo kale.

Sidoo kale dibad-baxayaasha ayaa cambaareyn xoogan u jeediyey AMISOM oo dalka u joogta howlo nabad ilaalin ah, waxayna ay ku eedeeyeen inay dishay shacab badan.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir, sida guddoomiyaha degmada Boondheere Seynab Yuusuf Weheliye ayaa ka qeyb-gashay dibad-baxa, waxayna dadka ugu baaqday in si dajiyaan, isla-markaana ay si degan ku raadiyaan cadaaladda.

Dhankeeda Shamso Yabarow oo banaan-baxa ka hadashay ayaa iyaduna tiri “Annaga in AMISOM ay naleyso xaq u malaha, mana dooneyno annaga oo Soomaali ah oo dalkeena joogno inay naleyso horta taas qalad waayey Soomaaliyey,”.

Qaar ka mid ah dadka dhigayey dibad-baxa ayaa sidoo kale dowladda Soomaaliya ka dalbaday inay arrintaan soo farageliyso, ayna wax ka qabatao dil wadareedkii loo geystay  dadkii shacabka ahaa ee lagu laayey deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Dibad-baxa maanta ka dhacay Muqdisho ayaa kusoo aadaya, xilli madaxweynaha Uganda oo ka hadlay dhacdadan uu qiray in ciidamadiisa ay dad shacab ahaa ku dileen Soomaaliya, isla-markaana la xiray askartii ka dambeysay falkaasi, misana maxkamada la geyn doono.

Yoweri Musaveni ayaa sidoo kale sheegay in magdhow ay siinayaan ehalada dadkii ay ciidamadiisa dilka ugu geysteen gudaha Soomaaliya.

Dhacdadan ayaa timid, kadib qarax ciidamada Uganda lagula eegtay Golweyn, iyagoo kadib toogasho ku dilay 7 qof oo shacab ah oo ku xugnaa deegaanka uu weerarka ka dhacay.

Damaca Deni iyo Axmed Madoobe oo horseedaya xarig-jiid siyaasadeed cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka ee heer federaal ayaa waxaa soo kala dhex-galay khilaaf ka dhashay soo saarista harbaaca doorashada Golaha Shacabka Soomaaliya ee Isniintii la shaaciyey.

Xubno ka tirsan guddiga oo lagu kala magacaabo Saciid Abshir iyo Cabdi Xiis Udan ayaa kasoo horjeestay habraaca, ayaga oo ku dooday in aan weli la gaarin xilligii loogu-talagay in la shaaciyo habraaca, maadaama maamullada qaar aysan soo dhameystirin doorashada Aqalka Sare.

Waxaa xusid mudan in xubnaha guddiga ee diidan habraac ay yihiin kuwa ku xiran Jubaland iyo Puntland. Waxaa sidoo kale jirta in xubnahaasi kahor baraha bulshada lagu arkay qoraalo kasoo baxay xubno ka mida Maamul Goboleedyada Puntland iyo Jubaland oo diidan Habraaca Guddiga Doorashada ee Heer Federaal.

Warar lagu kalsoon yahay, oo ay heshay Caasimada Online, ayaa sheegay in khilaafka guddiga uu salka ku hayo loolan u dhaxeeya guddiga iyo qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya, oo faro-gelin ku hayo guddiga.

Waxaa si gaar ah farta loogu fiiqay madaxda maamul goboleedyada Jubaland iyo Puntland Axmed Madoobe iyo Saciid Cabdullahi Deni, oo doonaya in habraaca doorashada awood badan lagu siiyo maamul goboleedyada, ayna kasoo horjeedaan habraaca soo baxay Isniintii, oo aan noqon sidii ay doonayeen.

Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa si gaar ah u doonaya inay awood weyn ku lahaadaan soo xulista ergooyinka soo dooranaya xildhibaannada golaha shacabka, taasi oo keeni karta inay xildhibaannimo usoo saaraan ciddii ay doonaan, kuwii aysan rabinna meesha ka saaraan.

Doorashada Aqalka Sare ayaa noqotay mid umadda oo idil ay ka wada-qeylisay sida loo musuqay ayada oo aysan dhicin wax doorasho lagu tilmaamo karo, balse ay madax goboleedyada soo xuleen saaxiibadood, xigtadood iyo xulufadooda siyaasadeed.

Si taas looga hortago, inta badan xubnaha Guddiga Doorashada ee heer Federaal ayaa doonaya inuu Guddigu noqdo mid madax bannaan, islamarkaana aysan doorashada Golaha shacabka la mid noqon soo xulistii Aqalka Sare ee ay gacanta ku hayeen madax goboleedyada.

Dhanka kale, xubno ku dhow Jubaland iyo Puntland ayaa ku doodaya in guddiga heer federal badankiis ay yihiin kuwa ku xiran madaxweyne Farmaajo, sidaas darteedna ay tahay sababta ay u doonayaan in maamul goboleedya la siiyo awood dheeri ah, si looga hortago in Villa Somalia ay musuq-maasuqdo doorashada Golaha Shacabka.

Balse dhanka kale waxaa jira tuhun ku saabsan in arrintan ay qeyb ka tahay damaca Saciid Deni, oo la rumeysan inuu yahay musharax madaxweyne, islamarkaana uu doonayo inuu xaqiijiyo in xildhibaanada kasoo baxaya Puntland iyo Jubaland badankood ay noqdaan taageerayaashiisa, isaga oo kaashanaya saaxiibkiis Axmed Madoobe.

Midowga Musharaxiinta oo toddobaadkan saddex maalmood shir ku yeeshay Muqdisho ayaa ka digay faro-gelinta maamul goboleedyada, ayada oo ay muuqato inay dano iyo damac siyaasadeed ku kala tageen Axmed Madoobe iyo Saciid Deni kadib markii ay isku xulufeysteen dagaalka Farmaajo.

Qoraal kasoo baxay shirkoodii Muqdisho ayey Musharaxiinta walaac xooggan uga muujiyeen sida ay ku bilowdeen Doorashooyinka Dalka, gaar ahaan Aqalka Sare.

Midowga Musharixiinta ayaa dalbaday in habraaca doorashooyinka aqalka hoose ay noqdaan kuwa daah furan oo loo dhan yahay islamarkaasna la ballaariyo shirka golaha wadatashiga qaran.

Waxay sidoo kale toos fariin ugu direen madax goboleedyada ayaga oo dalbaday,in kaalinta dawlad-goboleedka ay ku ekaato fududaynta iyo habsami-u-qabashada doorashooyinka.

Ma cadda halka u uku dambeyn doono khilaafka guddiga, hase yeeshee waxaa aad looga cabsi qabaa in xarig-jiidka doorashada Soomaaliya uu sii dheeraado, ayada oo ay yar tahay rajada laga qabo in doorashooyinka lagu soo geba-gebeeyo sanadka 2021 gudahiis, ayna caddahay inay geli doonaan 2022.

Erdogan oo soo faro-geliyey dagaalka Tigray – Muxuu u ballan-qaaday Abiy Ahmed?

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa Arbacadii yaboohay inuu gacan ka gaysto inuu dhex-dhexaadiyo sidii loo soo geba-gebeyn lahaa dagaalka gobolka Tigray ee waqooyiga Ethiopia.

Erdogan ayaa u sheegay Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed oo booqasho ku tegay Ankara “inay muhiim u tahay nabadda iyo sharafta” dalka ay dagaallada la degeen ee Ethiopia.

“Haddii ay xaaladda sii xumaato, waxay saameyneysaa dhammaan dalalka gobolka,” ayuu Erdogan ku yiri shir jaraa’id oo ay wada-qabteen Abiy Ahmed.

“Turkey ahaan, waxaan diyaar u nahay inaan wax kasta oo aan awoodno ku tabarucno xal u helidda dhibaatada, oo ay qeyb ka tahay dhex-dhexaadin,” ayuu yiri Erdogan.

Ankara iyo Addis Ababa ayaa leh xiriir saaxiibtinimo, waxaana labada hoggaamiye ay wacad ku mareen inay xoojiyaan iskaashiga dhaqaale iyo ganacsi.

Abiy ayaa sheegay in xiriirka labada dal lagu dhisay “is-qadarin iyo is-aaminaad.”

Hase yeeshee labada dal kuma aysan dhawaaqin wax heshiisyo ah oo gaar ah, oo ay gaareen intii lagu guda jiray booqashadii Abiy ee Ankara.

Abiy Ahmed ayaa toddobaadyadii dhowaa wajahayey cadaadis xooggan kadib markii ciidamada Tigray-ga ee TPLF ay dib ula wareegeen gobolka, sidoo kalena ku siqeen gobollada kale ee deriska la ah.

Mareykanka oo malaayiin dollar ugu deeqay Somalia – Maxaa lagu qabanayaa?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka, gaar ahaan hay’adda USAID ayaa sheegtay in lacag malaayiin dollar ah ay ugu deeqday Soomaaliya, taas oo loo soo marin doono sanduuqa caruurta Qaramada Midoobay ee UNICEF qeybteeda Soomaaliya.

USAID ayaa shaaca ka qaaday in lacagtaasi ay tiro ahaan gaareyso illaa $20 milyan oo dheeraad ah, isla-markaana qeyb ka ah kaalmaha la siinayo dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale hay’adda hay’adda USAID ayaa warbixinteeda ku sheegtay in deeqdaan lacageed loogu-talagalay in Soomaaliya looga caawiyo la dagaallanka Covid-19.

Ujeedka kaalmahan laga leeyahay ayaa sidoo kale ah taageerida ururka iyo la-howlgalayaashiisa si loo xoojiyo adkaysiga bulshooyinka iyo wax-ka-qabashada saameynta cudurka safmarka ah ee Covid-19 iyo dhibaatooyinka kale ee horyaa dalka.

“Maaliyaddan cusub ma’aha oo kaliya in ay gacan ka geysaneyso yareynta saameynta masiibada, laakiin waxay sidoo kale xoojin doontaa ilaalinta carruurta ee adeegyada, caafimaadka, nafaqada, iyo sidoo kale bixinta biyo nadiif ah iyo fayadhowr wanaagsan,” ayaa lagu yiri warbixinta.

Dhinaca kale kaalmadani cusub ayaa  waxay keeneysaa maal-gelinta USAID ee UNICEF Soomaaliya in ay gaartay $ 34.7 milyan sanadkan aynu ku jiro ee 2021-ka.

Si kastaba Soomaaliya waxaa markii saddexaad fara ba’an ku haya cudurka Coronavirus, waxaana haatan isa soo taraya dadka uu soo ridinayao xanuunka iyo kuwa u dhimanaya.

Maxaa keenay dib u dhaca ku yimid shirka golaha wada-tashiga qaran ee Muqdisho?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa qorshuhu ahaa in maanta oo ku beegan 19-ka August ka furmo shirka golaha wada-tashiga qaran, kaas oo u dhexeeya dowladda dhexe, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Dib u dhaca ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu sababay safarka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu ku aaday dalka Masar oo illaa iyo hadda uu ku maqan yahay.

Sidoo kale waxaa weli caasimada soo gaarin madaxda kale ee dowlad goboleedyada oo iyaguna imaashiyahooda Muqdisho dib u dhigay, sababo la xiriira safarka Rooble.

Shirka golaha wada-tashiga qaran oo lagu soo aadiyey xilli xasaasi ah ayaa waxaa iclaamiyey ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo aaladda ZOOM-ka kulan kula yeeshay hoggaamiyeyaasha dowlad goboleedyada ka jira & sidoo kale duqa magaalada Muqdisho.

Intiisa badan waxaa shirkan, hadii uu qabsoomo diirada lagu saarayaa u diyaar garowga doorashooyinka Golaha Shacabka iyo miisaanadda doorashooyinka dalka ee 2021.

Wararka ayaa intaasi ku sii daraya in shirka lagu soo qaadi doono dib u dhaca ku yimid jadwalkii doorashooyinka Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka, maadaama laga daahay.

Doorashooyinka Soomaaliya ayaa soo maray marxaladoo kala duwan iyo is jiid jiid muddo soo taagnaa oo sababay in doorashada lagu qaban waayo xilligii loo asteeyey.

Biden oo si lama filaan ah u sheegay in Mareykanka ay sii joogi karaan Afghanistan

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka ay sii joogi karaan wixii ka dambeeya 31-ka August, oo ah waqtiga kama dambeysta ah ee ay qabsadeen inay uga baxaan, haddii ay lagama maarmaan u noqoto in dhammaan dadka Mareykanka laga soo saaro dalkaas.

“Dadka Mareykanka waa inay fahmaan inaan isku dayi dooonno inaan soo dhameystirno kahor 31-ka August. Haddii ay muwaadiniin Mareykan ah ay baaqi kusii yihiin dalka, markaas waan sii joogi doonnaa,” ayuu Biden ku yiri wareysi uu siiyey George Stephanopoulos oo ka tirsan taleefishinka ABC News.

Qiyaastii 15,000 oo qof oo Mareykan ah ayaa weli ku sugan Afghanistan, xilli ay kooxda Taalibaan si buuxda ula wareegtay gacan ku haynta dalkaas, Axaddii.

Xoghayaha gaashaandhigga Mareykanka Llyod Austi ayaa sheegay in 4,500 oo askar Mareykan ah ay ku sugan yihiin garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Kabul. 

Isaga oo ka hadlayey qaska iyo jahwareerka ka dhacay Afghanistan ee ka taagan soo daad-gureynta dadka Mareykanka iyo dadka reer Afghanistan ee la shaqeeyey, ayaa Biden waxa uu sheegay inaysan jirin si looga fogaan karay qalalaasahaas.

“Fikradda ah inaan dalkaas kasoo bixi karnay ayada oo aanu qas naga dambey, ma garanayo sida ay taas u dhici karto,” ayuu yiri Biden.

Biden ayaa horey u sheegay “inuu si qoto dheer uga murugooday” sida xaaladdu isu beddeshay, wuxuuna ballan-qaaday inuu difaaci doono xuquuqda haweenka Afghanistan, oo hadda wajahaya soo laabashada xukunka Taliban.

Hase yeeshee wuxuu si aan gabasho laheyn ugu adkeystay inuusan ka qoomameeneyn soo saarista ciidamada Mareykanka, inkasta oo si aad ah loogu dhalleeceeyey qaskii ka dhacayey halkaas, maalmihii tegay.

“Waxan si buuxda u taageersanahay go’aankeyga. Kadib 20 sano, si adag ayaan u bartay in marnaba aysan jirin waqti wanaagsan oo lasoo bixiyo ciidamada Mareykanka,” ayuu yiri.

DF oo bixisay dhul, qaaday laba tallaabo oo kale si ay u hagaajiso xiriirka MASAR

Qaahira (Caasimada Online) – Dowladda Masar ayaa ammaantay tallaabooyinka ay qaadeyso dowladda federaalka Soomaaliya ee dib loogu hagaajinayo xiriirka labada dal oo sanadihii tagay xumaa.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la saftay Itoobiya oo Masar ay isku hayaan biyo-xireenka webiga Nile, taasi oo sii xumeysay xiriirka labada dal, xilli markii horeba uu ku xumaaday markii Villa Somalia ay Qatar la safatay, kana soo horjeesatay isbaheysiga Masar, Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta.

Ra’iisul Wasaaraha Masar Mostafa Madbouly ayaa Qaahira kula kulmay dhiggiisa Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, oo ay ka wada-hadleen xoojinta xiriirka labada dal.

Madbouly ayaa ammaanay saddex tallaabo, oo ay qadaay dowladda Soomaaliya, si loo xoojiyo xiriirka labada dal, kuwaas oo kala ah.

1- Magacaabista safiirka Soomaaliya ee Qaahira.
2- Dib u billaabidda howlgalka waxbarasho ee Masar, oo dowladda federaalka ay horey u joojisay kadib markii uu xumaaday xiriirrka.
3- Iyo in dowladda Soomaaliya ay Masar siisay dhul ku yaalla Muqdisho oo laga dhiso safaaradda Masar, halkaasi oo sidoo kalena laga furi doono xarunta bankiga Masar ee Banque Misr.

Ra’iisul Wasaaraha Masar ayaa sidoo kale xoojiyey ballan-qaadka Masar ee ku aadan joogteynta xasilloonida Soomaaliya, isaga oo ammaanay dadaallada ra’iisul wasaare Rooble ee dib u heshiisiinta Soomaaliya.

Madbouly ayaa sheegay in Masar ay ka fakareyso inay sare u qaado deeqda waxbarasho ee ay siiso ardayda Soomaaliya oo ay sanadkii gaarsiiso 400.

Dhinaca kalena, ra’iisul wasaare Rooble ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Masar ay yihiin laba dal oo walaalo ah oo leh xiriir taariikhi ah, oo leh aas-aas adag.

Rooble ayaa sidoo kale sheegay inuu rajeynayo in sare loo qaado booqashooyinka siyaasadeed ee mas’uuliyiinta labada dal iyo in shirkadda diyaaradaha Masar ee EgyptAir ay duulimaadyo ka billowdo Muqdisho. 

Daacish oo weerar ku dishay mas’uul ka tirsan Puntland

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar qorsheysan oo ay xalay dabley ka tirsan kooxda Daacish ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Bari, kaas oo lagu dilay mas’uul sare oo ka tirsan dowlad goboleedka Puntland.

Wararka ayaa sheegaya in mas’uulka lagu dilay weerarka uu ahaa guddoomiyihii degaanka Balli-Dhidin ee gobolka Bari, kaas oo ay khaarijiyeen xubno ka tirsan kooxda Daacish.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Axmed Muumin, waxaana la sheegay in ilaaladiisa ay iska hor imaad kooban la galeen ragga weerarka fuliyey.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in kooxda dilka ka dambeysay oo ka tirsan Daacish ay goobta isaga baxsadeen, kadib toogashada guddoomiyaha.

Dhinaca kale Puntland ayaa war kasoo saartay dilka Marxuum Maxamed Axmed Muumin, waxaana qoraal uu soo saaray wasiirka arrimaha gudaha maamulkaasi Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad tacsi loogu diray ehellada marxuumka iyo reer Puntland.

Dhabancad ayaa sidoo kale Marxuumka Alle uga baryey inuu ka waraabiyo Jannadii Fardowsa, samir iimaana uu ka siiyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed.

“Aniga oo ku hadlaaya magaciisa, kan masuuliyiinta iyo shaqaalaha Wasaaradda, iyo kan shacabka Puntland ayaa ka tacsiyeeyey geerida Alle ha u naxariistee guddoomiyaha  Alle “SWC” uga baryayaa Marxuumka inuu ka waraabiyo Jannatu Fardawsa, su’aasha qabriga u sakhiro, samir iyo iimaanna kasiiyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed, shacabka Puntland, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoyskii uu ka baxay Marxuumka,” ayuu yiri.

Daacish iyo Al-Shabaab oo weli ku xoogan dhulka buuraleyda ee Puntland ayaa weeraro qaraxyo iyo dilal qorsheysan ka geysta magaalooyinka waa weyn ee maamulkaasi.

Madaxweyne Musaveni oo qirtay in askartiisa ay dileen shacab Soomaali ah (Aqriso)

0

Kampala (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Uganda, Yoweri Musaveni ayaa markii u horeysay qirtay in askartooda howl-galka AMISOM u jooga Soomaaliya ay dhawaan dad rayid ah ku dileen gudaha Shabeellaha Hoose.

Musavani ayaa sheegay in ciidamadu ay dilka geysteen xili ay careysnaayeen, isagoona shaaciyey in la xiray askartii dilka geysatay, islamarkaana dacwad lagu soo oogi doono, sida uu sheegay.

“Dhawaan waxaa na soo gaaray kiis la xirriira dil Soomaaliya ka dhacay, koox ka mid ah askarteena ayaa dad laayay, dhamaan xubnihii falkaas ka dambeeyay waa la xiray dacwad ayaana lagu soo oogay,” ayuu yiri madaxweynaha Uganda.

Sidoo kale waxa uu sheegay in magdhow ay siin doonaan ehelada dadkii ay ciidamada dalkiisu ku dileen Shabeellaha Hoose.

Toddobaad ka hor ayey aheyd markii ay ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM, gaar ahaan kuwa kasoo jeeda dalka Uganda ay dad shacab ahaa ku rasaaseeyeen qeybo ka mid ah gobolkaas, kadib markii qarax miino lagula eegtay agagaarka Shalanbood.

Waxay xiligaas galeen beer ay ku sugnaayeen 4 shaqaale ah iyo ninkii iska lahaa, sidoo kalena ay waxay wadada ka qabteen labo darawal, kuwaasi oo hal goob isugu geeyeen, ayna rasaas ku laayeen, sida uu warbaahinta u sheegay Guddoomiyaha deegaanka Shalanbood.

Inta badan ciidamada AMISOM ayaa dilal iyo tacadiyo kale u geysta dadka shacabka ah, xilliyada ay weerarada gaadmada ah kala kulmaan dagaal-yahanada Al-Shabaab.

Maxay tahay eedeynta ay AMNESTY u jeedisay DFS?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa Cilmi baaris cusub oo ay soo saaartay waxay ku sheegtay, Faafida Covid-19 ee Soomaaliya in ay iftiimisay baahida loo qabo in si deg-deg ah wax looga qabto arrimaha halista ah ee soo jireenka ah ee horyaalla nidaamka daryeelka caafimaadka ee Soomaaliya.

Warbixinta oo ciwaan looga dhigay “Waxaan daawanay bukaanadii Covid-19 oo dhimanaya” ayaa banaanka keentay sida uu u liito nidaamka Caafimaad ee Soomaaliya.

Warbixinta Amnesty ayaa lagu sheegay in hal isbitaal oo ku yaalla Muqdisho laga maamulo dhammaan kiisaska ku saabsan COVID19 ee ku faafay guud ahaan gobollada Koonfurta iyo bartamaha, tan iyo bilowdgii cudurkaan, waxayna cilmi-baaristu sheegtay in xogta caafimadka ee bukaanada ay tahay mid aad u xaddidan.

“Jawaabta dowladda Soomaaliya ee masiibada waxay ahayd mid aan ku filneyn marka loo eego yaraanta oksijiinka iyo helitaan la’aanta adeegyada ambalaasta, kuwaas oo dhammaantood ka dhashay dayacaad sannado ah,” ayuu yiri Agaasimaha Amnesty International ee Bariga iyo Koonfurta Afrika ee lagu magacabo Deprose Muchena.

Amnesty ayaa madaxda Dowladda Soomaaliya ugu baaqday inay deeqaha la siiyo ay si mas’uuliyadi ku jirto loogu isticmaalo hagaajinta iyo bixinta daryeelka caafimaadka ee guud ahaan gobollada iyo magaalooyinka Soomaaliya.

Hey’ada Amnesty International ayaa tilmaantay in miisaaniyadda dawladda intii u dhaxaysay 2017 iyo 2021 ay muujineyso in celceliska miisaaniyadda loo qondeeyey mashaariicda caafimaadka ay aheyd 2% oo kaliya, taas oo sida ay warbixintu shaaca ka qaadeyso aan caawin karin maareynta kiisaska caafimaadka ee Soomaaliya.

Sidoo kale, Falanqayn ay Amnesty International ku samaysay miisaaniyadda dawladda ayey ku sheegtay in miisaaniyadda loo qoondheeyey amniga oo ay ku jirtay Wasaaradda Gaashaandhigga ay tahay 30%, waxayna ku baaqday in miisaaniyada Caafimaadka la gaarsiiyo 15% si wax looga qabto xaaladda caafimaad ee Soomaaliya.

Warbixinta ay soo saartay Hey’adda Amnesty ayaa kusoo aadeysa, xilli ay Soomaaliya mar kale wajaheyso kiisas cusub oo COVID19 ah, kaas oo galay wajigii sedexaad ee faafitaankiisa, waxaana jira dad badan oo maalin kasta u dhinta cudurkaas.

Afhayeenka Daalibaan oo beeniyey warar laga faafiyey oo la xiriira weriye Israeli ah

0

Kabul (Caasimada Online) – Afhayeen u hadlay ururka Taalibaan ee todobaadkan dib ula wareegay gacan ku heynta guud ahaan dalka Afghanistan ayaa beeniyey kuna adkeystay inuusan la hadlin warbaahinta Israel, sida uu qoray Arabi21.com.

Suhail Shaheen ayaa la maqlay isaga oo ka jawaabaya su’aalo ku saabsan xuquuqda dadka laga tirada badan yahay ee Afghanistan, oo ay ku jiraan Yuhuudda, oo uu waydiiyey wariye u dhashay Israel oo aan markii hore is sheegin.

Wareysiga afhaayeenka Taalibaan ee Shaheen oo ahaa mid dhanka Taleefoonka ah ayaa la maqlayey isago weydiinaya suxufiga “Waa kee TV-ga aad ka shaqeyneyso?” Wariyaha ayaa ku jawaabay, “Kan News, Kan News”, waxaa TV-ga Kan laga leeyahay Israel.

Shaheen wuxuu tilmaamay in xarakadu u furan tahay inay la hadasho warbaahinta reer galbeedka iyo suxufiyiinta qaata aqoonsiyo kala duwan.

Mar wax laga weydiiyey Shaheen hambalyada ay kooxda Xamas usoo dirtay Taalibaan, wuxuu sheegay inay aad ugu mahadcelinayaan Dhaqdhaqaaqa iska-caabinta Islaamka ee Falastiin, balse wuxuu diiday inay wax wada-shaqeyn ah kala dhaxeyso Xamas.

“Waxaan u dagaalameynaa kaliya inaan xureyno Afghanistaan,” ayuu yiri isagoo hadalkiisa kusii daray “Wax iskaashi ah nagama dhexeeyo Xamas, waan u mahad-celinaynaa cid kasta oo noogu hambalyeynaysa madax-bannaanideena.”

Kooxda Taalibaan ayaa dib ula wareegtay talada dalka Afghanistaan kadib marakii uu Mareykanka kala baxay ciidamadiisa. Dawlado badan ayaa tan iyo markaas muujiyey dareenkooda ku aaddan xorriyadda madaniga ah iyo xuquuqda dadka laga tirada badan yahay ee dalkaas.

Si kastaba ha ahaatee, Taalibaan waxay xaqiijisay inay ilaalin doonto xorriyadda qof walba iyadoo aan loo eegeyn aragtiyadooda diimeed iyo midooda siyaasadeed.

Madaxweynihii cararay ee Afghanistan oo iska dhiibay dal ka mid ah KHALIIJKA

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa maanta sheegtay inay “sababo bani’aadaminimo” u marti-gelineyso madaxweynihii hore ee dalka Afghanistan Ashraf Ghani kadib markii uu dalkiisa ka cararay xilli ay qabsadeen Taalibaan.

“Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Imaaraadka Carabta waxay xaqiijineysaa inay dalka kusoo dhoweysay madaxweyne Asharf Ghani iyo qoyskiisa, sababo bani’aadaminimo dartood,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Imaaraadka Carabta.

Ghani ayaa Afghanistan ka cararay Axaddii kadib marrii Taalibaan ay kusoo dhowaadeen Kabul, kahor inta aanay kooxda soo gelin magaalada, ayada oo aan la iska caabin.

Qoraal uu ku daabacay Facebook ayuu Ghani ku sheegay in “Taalibaan ay guuleysteen” islamarkaana uu dalka uga cararay si looga baaqsado “dhiig data.”

Halka uu ku sugan yahay ayaan horey loo ogeyn illaa maanta, waxaana warar la isla dhex-marayey ay sheegayeen inuu u cararay Tajikistan, Uzbekistan ama Oman.

Tani ma noqon doonto markii ugu horreysay ee Imaaraadka Carabta ay gacmo furan kusoo dhoweeyaan hoggaamiyeyaal hore iyo qoysaskooda oo kasoo cararay dalkooda.

Sanadkii 2017, Imaaradda Dubai ayaa marti-gelisay ra’iisul wasaarihii hore ee Thailand Yingluck Shinawatra, oo lagu xukumay shan sano oo xabsi isaga oo maqane ah.

Boqorka Spain Juan Carlos ayaa sidoo kale dibad-joog ku noqday Imaaraadka bishii August ee sanadkii tegay, xilli ay su’aalo ka taagnaayeen halka uu ka keenay hantidiisa.

Imaaraadka Carabta ayaa sidoo kale hoy u aheyd hoggaamiyihii hore ee mucaaradka Pakistan Benazir Bhutto muddadii sideedda sano ee dibad-joogga ay aheyd, kahor inta aan dalkeeda lagu khaarijin 2007. 

Imaaraadka Carabta ayaa ah mid ka mid ah saddex dal, oo ay ku jiraan Sacuudi Carabiya iyo Pakistan, oo aqoonsaday taliskii hore ee Taalibaan ee Afghanistan xukumayey 1996-kii ilaa 2001. 

Imaaraadka oo shaaciyey kulan aan horey loo ogeyn oo ay la yeesheen R/W Rooble

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Safaaradda Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya ayaa shaacisay kulan aan horey loo shaacin oo maalintii Sabtidii ay gudaha magaalada Muqdisho ku yeeshen Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble iyo Safiirka Imaaraadka, Mohamed Al-Osmani.

Qoraal kooban oo lagu baahiyey barta twitter-ka ee Safaaradda ayaa lagu sheegay in Rooble iyo Al-Osmani ay ka wada-hadleen xoojinta xiriirka diblumaasiyadeed ee ka dhaxeeya labada dal, kaasi oo muddo badan uu ragaadiyey mad-madow badan.

Ra’iisul wasaare Rooble iyo Maxamed Axmed Al-Osmani ay si gaar ah u lafo-guray sidii dib u habeyn loogu sameyn lahaa xiriirka labada, loona horumarin lahaa, sida lagu sheegay qoraalka Safaaradda Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya.

“Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Sabtidii, 14-ka August 2021-ka qaabilay Mudane Maxamed Al-Osmani, Safiirka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya. Intii uu kulanku socday waxaa looga hadlay xiriirka labada dal iyo siyaabaha loo horumarin karo.”

Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa inta badan xumaa muddadii uu Soomaaliya madaxweynaha ka ahaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo xiriirka u wada-jiray dalalka ugu dhow Soomaaliya deris ahaan iyo ganacsi ahaan, sida Kenya, Imaaraadka iyo Sacuudi Carabiya.

Imaaraadka ayaa bishii April 2018 joojiyey tababarkii uu siinay jiray ciidamada Soomaaliya kadib markii dowladda ay garoonka Aadan Cadde ku qabsatay lacag ku dhow 10 milyan oo dollar oo loo waday howlaha safaaradda Imaaraadka Carabta ee Muqdisho.

Waxaa hadda socda dadaalo ay xukuumadda xil-gaarsiinta ku horumarineyso xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dalka, taasi oo qeyb ka ah siyaasadda cusub ee Rooble uu ku wajahayo arrimaha dibedda, si loo hagaajiyo xiriiradii uu xumeeyey Farmaajo.

Wararkii ugu dambeeyey Afghanistan iyo dad maanta loo dilay sabab yaab leh

Kabul (Caasimada Online) – Ugu yaraan saddex qof ayaa la dilay, 12 kalena dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii rag hubeysan ay rasaas ku fureen shacab dibad-baxayey oo dejiyey calanka Taalibaan, magaalada bari ee Jalalabad ee dalka Afghanistan.

Calanka caddaanka iyo madowga ah ee Taalibaan, oo ka taagnaa ranaboot ku yaalla magaalada Jalalabad oo 115 km bari ka xigta caasimadda Kabul, ayaa la dejiyey waxaana laguna beddelay calanka madowga, gaduudka iyo cagaarka ah ee dowladii hore ee Afghanistan, Arbacadii.

Imaaradda Islaamiga ah ee Afghanistan ee dhowaan ay ku dhowaaqday Taalibaan ayaa illaa hadda isticmaaleysa calanka caddaanka iyo madowga ah ee ay dhexda kaga qoran tahay shahaadada.

Calanka madowga, gaduudka iyo cagaarka ah, oo ay adeegsanayeen dibad-baxayaasha maanta ayaa loo akraa inuu matalayo dowladdii la riday ee dalkaas.

Afhayeen u hadkay Taalibaan Zabihullah Mujahid ayaa sheegay inay socdaan wada-hadallo ku saabsan calanka qaran ee mustaqbalka, ayada oo go’aan ay ka gaari doonto dowladda cusub ee dhalan doonta.

Sidoo kale, Arbacada maanta ah, taallada Sheekh Shiico oo caan ah oo la-dagaalamay kooxda Taalibaan intii uu socday dagaalkii sokeeyey ee Afghanistan ee sagaashamaadkii, ayaa lagu burburiyey gobolka ku yaalla bartamaha ee Bamiyan, sida ay muujinayaan sawirro lagu faafiyey baraha bulshada.

Dhanka kale, Taalibaan ayaa sheegtay in mid ka mid ah hoggaamiyayaasheeda iyo aas-aasayaasheeda, Mullah Abdul Ghani Baradar uu Afghanistan kusoo laabtay markii ugu horreysa in ka badan 10 sano.

Afhayeen u hadlay kooxda ayaa tweet ku sheegay in Baradar oo ah madaxa xafiiska siyaasadda Taalibaan, uu yimid magaalada Kandahar ayada oo ay wehliyaan wufuud.

Muuqaal uu afhayeenka soo dhigay twitter ayaa muujinayey dad kasoo degaya diyaarad una sacbinaya nin la rumeysan yahay inuu yahay Baradar, ayada oo qoraal la socday muuqaalka lagu sheegay inuu ka yimid dalka Qatar.

Muuqaalka ayaa sidoo kale muujiyey diyaaradda Qatar ee C17 oo ku sugan garoonka Kandarah. Goobta muuqaalka ayaa waxaa xaqiijiyey Reuters, oo la barbar dhigtay xogta dhulka iyo aagga ku hareereysan.

Baradar ayaa waxaa 2010-kii lagu xiray Pakistan, hase yeeshee waxaa xabsiga laga sii daayey 2018 kadib markii uu codsaday maamulka madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, si uu uga qeyb-galo wada-hadalladii u dhaxeeyey labada dhinac.

REUTERS + VOA