25 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Wararkii ugu dambeeyey Afghanistan iyo dad maanta loo dilay sabab yaab leh

Kabul (Caasimada Online) – Ugu yaraan saddex qof ayaa la dilay, 12 kalena dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii rag hubeysan ay rasaas ku fureen shacab dibad-baxayey oo dejiyey calanka Taalibaan, magaalada bari ee Jalalabad ee dalka Afghanistan.

Calanka caddaanka iyo madowga ah ee Taalibaan, oo ka taagnaa ranaboot ku yaalla magaalada Jalalabad oo 115 km bari ka xigta caasimadda Kabul, ayaa la dejiyey waxaana laguna beddelay calanka madowga, gaduudka iyo cagaarka ah ee dowladii hore ee Afghanistan, Arbacadii.

Imaaradda Islaamiga ah ee Afghanistan ee dhowaan ay ku dhowaaqday Taalibaan ayaa illaa hadda isticmaaleysa calanka caddaanka iyo madowga ah ee ay dhexda kaga qoran tahay shahaadada.

Calanka madowga, gaduudka iyo cagaarka ah, oo ay adeegsanayeen dibad-baxayaasha maanta ayaa loo akraa inuu matalayo dowladdii la riday ee dalkaas.

Afhayeen u hadkay Taalibaan Zabihullah Mujahid ayaa sheegay inay socdaan wada-hadallo ku saabsan calanka qaran ee mustaqbalka, ayada oo go’aan ay ka gaari doonto dowladda cusub ee dhalan doonta.

Sidoo kale, Arbacada maanta ah, taallada Sheekh Shiico oo caan ah oo la-dagaalamay kooxda Taalibaan intii uu socday dagaalkii sokeeyey ee Afghanistan ee sagaashamaadkii, ayaa lagu burburiyey gobolka ku yaalla bartamaha ee Bamiyan, sida ay muujinayaan sawirro lagu faafiyey baraha bulshada.

Dhanka kale, Taalibaan ayaa sheegtay in mid ka mid ah hoggaamiyayaasheeda iyo aas-aasayaasheeda, Mullah Abdul Ghani Baradar uu Afghanistan kusoo laabtay markii ugu horreysa in ka badan 10 sano.

Afhayeen u hadlay kooxda ayaa tweet ku sheegay in Baradar oo ah madaxa xafiiska siyaasadda Taalibaan, uu yimid magaalada Kandahar ayada oo ay wehliyaan wufuud.

Muuqaal uu afhayeenka soo dhigay twitter ayaa muujinayey dad kasoo degaya diyaarad una sacbinaya nin la rumeysan yahay inuu yahay Baradar, ayada oo qoraal la socday muuqaalka lagu sheegay inuu ka yimid dalka Qatar.

Muuqaalka ayaa sidoo kale muujiyey diyaaradda Qatar ee C17 oo ku sugan garoonka Kandarah. Goobta muuqaalka ayaa waxaa xaqiijiyey Reuters, oo la barbar dhigtay xogta dhulka iyo aagga ku hareereysan.

Baradar ayaa waxaa 2010-kii lagu xiray Pakistan, hase yeeshee waxaa xabsiga laga sii daayey 2018 kadib markii uu codsaday maamulka madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, si uu uga qeyb-galo wada-hadalladii u dhaxeeyey labada dhinac.

REUTERS + VOA

Cirro oo shaaciyey cidda ka dambeysa khilaafka ka dhex qarxay guddiga doorashada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ee heer federaal ayaa ka hadlay khilaafka soo kala dhex-galay xubnaha guddiga, kaasi oo salka ku haya soo saarista harbaaca doorashada Golaha Shacabka Soomaaliya ee shalay la shaaciyey.

Guddoomiye Cirro ayaa sheegay in khilaafka ka dhex aloosan xubnaha guddiga uu salka ku hayo faro-gelin uga imaaneysa maamulada qaarkooda, oo ayagu ku qasbaya inay diidan habraaca doorashada Golaha Shacabka.

“Waxaa jira waa cadaadis ka imaanaya maamul goboleedyada oo ay saarayaan guddiyada ka socda, oo ay soo magacaabeen, taasi waxay xad-gudub ku tahay madax-bannaanida guddiga iyo hufnaanta doorashada,” ayuu yiri Guddoomiye Cirro.

Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay in xubnaha ay soo xuleen maamul goboleedyada ee qeybta ka ah Guddiga, ay hadda yihiin kuwa madax-banaan oo aan ka amar qaadan karin madaxdii soo magacaabay.

“Guddiga maamul goboleedyada waa ay soo magacaabeen oo keliya, laakin hadda waa guddi madax-banaan, wada-ogol ayaa muhiim ah iney wax ku dhamaadaan.”

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in si gaar ah farta loogu fiiqayo madaxda maamul goboleedyada Jubaland iyo Puntland, Axmed Madoobe iyo Saciid Cabdullahi Deni, oo ayagu doonaya in habraaca doorashada awood badan lagu siiyo maamul goboleedyada, ayna kasoo horjeedaan habraaca soo baxay shalay, oo aan noqon sidii ay doonayeen.

Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa si gaar ah u doonaya inay awood weyn ku lahaadan soo xulista ergooyinka soo dooranaya xildhibaannada golaha shacabka, wuxuuna habraacu jideynayaa inay soo xulaan guddiga xulista ergada oo ka kooban Oday dhaqameedyo iyo wakiilo ka socda bulshada rayidka oo ka wada tirsan beesha ama jifooyinka wadaaga kursiga.

Guulaha uu Mareykanka ka gaaray Soomaaliya balse uu Afghanistan kaga fashilmay

Islaamiyiinta Soomaaliya, oo ay hoggaan u ahaayeen Maxkamadihii shareecada Islaamka ee soo shaac-baxay sannadkii 2006, waxa ay ku fashilmeen in ay midnimadooda iyo wadajirkooda adkeeyaan, sida ay u adkeeyeen Islaamiyiintii Afghanistan, oo ay horkacayeen Taalibaan oo, markii u horreysay la wareegtay xukunka Afghanistan sannadkii 1996, ka hor inta uusan Mareykanku afgambinin sannadkii 2001.

Maxkamadaha inay kala qaybsamaan, oo ay qaybo badan u kala go’aan, waxa ay ku timid fara-gelin shisheeye ee dhanka Mareykanka, oo xoogga saaray inuu kala jejebiyo garabkii siyaasadda iyo garabkii militariga ee Maxkamadaha, maadaama ay halis weyn ku noqdeen danihii awoodeed, ee uu ka lahaa Bariga Afrika iyo Bariga Dhexe.

Maxaa Mareykanka uga suuragalay Soomaaliya?

Hal arrin oo istaraatiijiyad ahaan muhiim u ahayd Mareykanka, waxay ahayd inuu hubiyo in cadowgiisu uusan yeelanin midnimo uu kaga hor-yimaado quwaddiisa, kuna soo hujuumo danihiisa.

Sidaas awgeed, waxaa Mareykanka Soomaaliya uga suuragalay arrin uga suurageli weyday Afghanistan.

Mareykanka wuxuu ku guuleystay in Maxkamadihii Islaamka loo kala qaybiyo laba kooxood oo iska horjeeda, oo dhexdooda dagaallama, iskuna haysta awoodda xukunka. Waxay ka kala dhigeen:

  • Koox ay ku sheegeen qunyar-socod, oo uu madax ka yahay Guddoomiyihii dhammaa ee Maxkamadaha, Shariif Sheekh Axmed, oo ka fakaday furimihii dagaalka ee jiidda Jubada Hoose, si lama filaan ahna isugu dhiibay safaaradda Mareykanka ee Nairobi, Kenya.
  • Iyo koox ay ku sumadeeyeen ‘mintidiin’, oo ay ka mid ahaayeen Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo dhallinyaro uu isagu ku soo ababiyey fekerka jihaadiga, sida Axmed Cabdi Godane, Aadan Xaashi Ceyrow iyo Mukhtaar Roobow Mansuur.

Kooxda hore, ee ay Mareykanka ku sheegeen ‘qunyar-socodka’ ayaa la dowladeeyey, ka dib shirweyne siyaasadeed oo lagu qabtay dalka Jabuuti, sannadihii 2008/2009, waxaana lagu wareejiyey magacii dowladnimada ‘federaalka’ Soomaaliya, oo ay horey u haysteen koox ka koobneyd qabqableyaal dagaal, oo jaal la ahaa Itoobiya.

Hab-dhismeedka federaalnimo ee dowladdaas, oo ay lahaayeen Itoobiyaanka, ayaa ahaa mid ka soo horjeeday ahdaaftii Maxkamadaha, laakiin maadaama xilal sare loo dhiibay waxay kooxdii qunyar-socodku ku qanacday jagooyinkii looga qaaday kuwii Itoobiyaanka ay dowladeynayeen.

Qorshaha militari iyo xeeladda siyaasadeed ee Mareykanku uu ka lahaa shirkii Jabuuti, oo hoggaamintiisa ay u dhiibeen ergaygii gaarka ahaa ee Qaramada Midiobay, Ahmedou Ould-Abdalla, waxay ahayd inuu Maxkamadaha ka dhex helo xulufo ‘qunyar-socod’ ah oo ogol faragelinta Mareykanka, oo uu ka horgeeyo kuwa uu u aqoonsaday ‘mintidiinta’ ee diiddan faragelinta Mareykanka.

Dhanka Afghanistan, Mareykanka – iyaga oo ka faa’iideysanaya tijaabada ay ka sameeyeen Jabuuti iyo guushaas kala-qaybinta ee ay ka gaareen Soomaaliya – waxay damceen in ay sidii oo kale siyaasaddaas kala-furfurka ka fuliyaan Afghanistan.

Waxaa-se ay ku guuleysan kari waayeen in ay sidii Maxkamadaha Islaamka Soomaaliya oo kale u kala qaybiyaan Taalibaan.

Muxuu Mareykanku ugu fashilmay Afghanistan?

Guuldarrada Mareykanka ka qabsatay Afghanistan waxaa ugu wacnaa hoggaanka Taalibaan oo adkeeyey midnimadooda, iskana diiday isku-daygii Mareykanku ku doonayey inuu ku damac-geliyo in iyaga lagu dowladeeyo, oo ay xilal iyo xoolo helaan.

Hoggaanka Taalibaan wuxuu aaminsanaa in cidda bixin doonta sharciyadda dowladnimo ay tahay shacabka Afghanistan, halka hoggaankii Maxkamaduhu aaminay in cidda bixisa sharciyadda dowladeed ay tahay Mareykanka, Itoobiya iyo wadammada ajnabiga ee danaha ka leh Soomaaliya.

Diidista ay Taalibaan iska diiday inay la mid noqoto Maxkamadihii Islaamka Soomaaliya, ayaa Mareykanka ku kallifay inay dalka Afghanistan dibaddiisa ka soo daabulaan dad dibad-joog ah, sida Madaxweynihii fakaday, Ashraf Ghani.

Arrintaan dambe ayaa shaqeyn weyday oo keentay guusha degdegga ah ee Taalibaan, oo dalkii Afghanistan dib u wada qabsatay labaatan sano kaddib.

Waxaa qoray Maxamed Xaaji Ingiriis oo wax ka dhigo Jaamacadda King’s College ee Magaalada London.

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Qorshihii dowladda Turkey oo isbeddelay – Sidee ayey ula macaamileysaa Taalibaan?

Ankara (Caasimada Online) – Turkey ayaa wada-hadallo la leh dhammaan dhinacyada Afghanistan, oo ay ku jirto Taalibaan, waxayna si togan u aragtaa fariimaha ay kooxdan dirtay tan iyo markii ay la wareegtay xukunka dalka, waxaa sidaas sheegay Wasiirka Arrimaha Dibedda Mevlut Cavusoglu.

Cavusoglu ayaa hadlayey maalin kadib markii ilo-wareedyo amni oo Turkish ah ay sheegeen in Ankara ay meesha ka saartay qorshe ay dooneysay inay ku ilaaliso garoonka diyaaradaha Kabul kadib ka bixitaanka ciidamada NATO ee Afghanistan.

Ilo-wareedyada amni ayaa u sheegay Reuters in Turkey, oo leh ciidamada ugu badan NATO, ay taas beddelkeed diyaar u tahay inay kaalmo farsamo iyo mid amni siiso Taalibaan, haddii ay codsato.

“Waxaan wada-hadal la leenahay dhammaan dhinacyada, oo ay ku jirto Taalibaan,” ayuu yiri Cavusoglu oo shir jar’aaid ku qabtay dalka Jordan.

“Waxaan si togan u aragnaa fariimaha ay illaa hadda bixiyeen Taalibaan, marka ay noqoto kuwa ay u direen ajaaniibta, diblomaasiyiinta iyo shacabkooda. Waxana sidoo kale rajeyneynaa inaan sidoo kale aragno ficil,” ayuu yiri.

Turkey, oo 600 oo askari ay ka joogaan Afghanistan, ayaa sidoo kale ammaanka garoonka iyo xaaladda kala guurka Afghanistan kala hadli doonta Mareykanka iyo dalal kale, sida uu sheegay Cavusoglu.

“Dhinacyada Afghanistan ayaga ayaa ka wada-xaajoon doona dhammaan arrimahan – yaa qeyb ka noqon doona ku-meel gaarka, dowlad noocee ah ayaa la dhisi doonaa, dhammana arrimahaas waan ka hadli doonnaa, balse dalka wuxuu hadda u baahan yahay inuu dego,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibedda Turkey.

Sarkaal sare oo Turkish ah ayaa sheegay in wada-hadallada Taalibaan, oo billowday kahor inta aysan kooxda la wareegin guud ahaan dalka, ay weli socdaan, islamarkaana ciidamada Turkey ay sii joogi karaan garoonka, haddii Taalibaan ay codsadaan.

“Ma garaneyno haddii Taalibaan ay haystaan shaqaale ku filan oo maamula garoonka. Waxaa laga yaabaa inay taageero farsamo na weydiistaan. Joogitaanka ayaa kusii jiri karaa naqshadaas,” ayuu yiri sarkaalka.

Taalibaan ayaa horey uga digtay Turkeey inay ciidamadeeda sii joogaan Kabul si ay u ilaaliyaan garoonka, hase yeeshee sarkaalka ayaa sheegay inaysan weydiisan in ciidamada Turkey ay ka tagaan Afghanistan, ayaga oo rajeynaya in xiriir wanaagsan oo ay la yeeshaan dalalka Muslimiinta ah ay ka caawin karto inay helaan aqoonsi caalami ah.

Turkey ayaa kulamo la leh “saraakiisha militari ee Taalibaan ayada oo u mareysa Pakistan, halka sidoo kale ay xiriir la leedahay garabka siyaasadeed ee koxoda ayada oo u mareysa Qatar,” sida uu sheegay sarkaalka oo codsaday inaan la magacaabin.

Hay’adda sirdoonka Turkey ayaa ku lug leh xiriiradan, sida uu sheegay sarkaalka, oo intaas ku daray, “Waa laga laabtay qorshihii la wareegista maamulka garoonka diyaaradaha Kabul marka ay baxaan ciidamada Mareykanka, balse weli ma jiro dalab ah inaan deg deg u baxno. Fariin noocaas ah kama aynan helin Taalibaan illaa hadda.”

REUTERS + VOA 

Somaliland oo maanta xukun adag ku ridday askarigii dilay Ibraahim C/Shakuur Ibraahim

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa maanta soo gaba-gabeysay dacwadda kiiskii dilka ee bilowgii bishii Julay ee sanadkan Jaamacadda Camuud qeyb-teeda Boorame loogu geystay Allaha u naxariistee marxuum Ibraahim Cabdishakuur.

Maxkamadda ciidamada ee Somaliland oo iyadu kiiskan gacanta ku heysay ayaa maanta ku dhowaaqday in xukun dil toogasho ah lagu ridday Cismaan Diiriye Buraale oo ah askarigii ka dambeeyey dilka marxuumka oo xilligaas ka mid ahaa ardayda Jaamacadda Camuud.

Sidoo kale askariga geystay falkan dilka ah ee la xukumay ayaa ka mid ahaa ciidamada waardiyeynayey dhismaha Jaamacadda.

Sida ay shaacisay maxkamadda oo fadhiyo kala duwan ka yeelatay kiiskan, Cismaan Diiriye ayaa lagu helay falka lagu soo eedeeyey, kadib marqaatiyo & cadeymo lagu helay.

Dilka Ibraahim Cabdishakuur oo 21 sano jir ahaa, kana soo jeeday Puntland, gaar ahaan Boosaaso ayaa dhaliyey caro xoogan, maadaama lagu dilay Jaamacaddii uu dhiganayey.

Somaliland oo iyadu deegaanadeeda uu ka dhacay dilkan ayaa soo fara-gelisay arrinta, waxanyna shacabka ugu baaqday inay is dajiyaan, iyada oo sidaas lagu xiray askarigii geystay dilka oo ay maanta xukun adag ku ridday maxkamadda milatariga ee Somaliland.

Xukunkan ayaa waxaa sidoo kale aad usoo dhoweeyey ehellada marxuumka, ardayda jaamacadda iyo guud ahaan shacabkii ka carooday dilka wiilkaasi dhalinyarada ahaa.

AUN Ibraahim Cabdishakuur ayaa waxa uu dhiganayey sanadkii labaad Kuliyadda Engineering-ka ee Jaamacadda Camuud qeybteeda magaalada Boorama.

Maxay ahaayee raggii xalay lagu qabtay MUQDISHO?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gal qorsheysan oo xalay ciidanka ammaanka dowlada Soomaaliya ay ka sameeyeen qeybo ka mida degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, kaas oo lagu qabtay rag hubeysan.

Wararka ayaa sheegaya in howl-galkan lagu soo qabtay illaa saddex nin oo ku hubeysnaa qoray AK47 ah iyo Bistoolado la sheegay inay ku dhibaateynayeen dadka shacabka ah.

Saraakiil ka tirsan laamaha amniga ayaa shaaca ka qaaday in raggan ay ahaayeen burcad, isla-markaana xilliga lasoo qabanayey ay moobeelada ka dhacayeen dadka rayidka ah.

Sidoo kale saraakiisha ayaa xusay in raggan uu ku jiro nin dhowaan dil ka geystay suuqa degmada Kaaraan, waxayna saraakiishu intaasi ku dareen in haatan lagu xiray saldhigga degmadaasi, isla-markaana ay u gudbin doonaan maxkamadaha, si tallaabo looga qaado.

Habeen hore ayey aheyd markii ciidamada ammaanka ay sidan oo kale Kaaraan ugu qabteen dhalinyaro ku hubeysneyd mindiyo iyo faasyo, isla-markaana dhibaato weyn xilliyada habeenkii ah ku hayey dadka shacabka ah ee ku nool xaafadaha degmadaasi.

Howl-gallada ka socda Muqdisho ayaa ah kuwa lagu xaqiijinayo amniga, waxaana ugu dambeeyey mid culus oo laga fuliyey degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, kaas oo lagu dilay labo nin oo la sheegay inay ahaayeen burcad dhac baahsan ka geysaneysay halkaasi.

Dhaq-dhaqaaqyadan iyo howl-gallada ka billowday caasimada ayaa kusoo aadayo, xilli haatan loo diyaar garoobaya qabashada doorashada Golaha Shacabka Soomaaliya.

Maxaa sababay ‘khilaafka soo kala dhex-galay’ gudiga doorashooyinka DALKA?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka ee heer federaal ayaa waxaa la sheegay in uu soo kala dhex-galay khilaaf ka dhashay soo saarista harbaaca doorashada Golaha Shacabka Soomaaliya ee shalay la shaaciyey, kadib qoraal ka soo baxay guddigaasi.

Saciid Abshir oo ka mid ah xubnaha guddiga ayaa faah faahin ka bixiyey sababaha keenay khilaafkaasi iyo waxa ku dhaliyey inuu ka hor yimaado habraaca la soo saaray.

Sababta ayuu Saciid ku sheegay in aan weli la gaarin xilligii loogu-talagay in la shaaciyo habraaca, maadaama maamullada qaar aysan soo dhameystirin doorashada Aqalka Sare.

“Habraaca ma diidanin balse waqtigii la shaacin lahaa lama joogo, waxa aan nahay Guddi madaxbannaan oo loo xilsaaray doorashooyinka dalka, waxa aan ku shaqeyneyno ma aha sharci qoran ama xeer doorasho oo la ansixiyay” ayuu yiri Mr. Saciid Abshir.

Sidoo kale wuxuu la yaab ku tilmaamay shaacinta habraaca doorashada oo uu sheegay in lagu soo aadiyey, xilli ay xubnaha qaar ee guddiga ku maqan yihiin maamul goboleedyada.

“Xubnaha ugu sarreeya Guddiga FEIT waxa ay dowlad goboleedyada u aadeen la socodka Doorashada Senatarada Aqalka Sare BFS, Guddiga ayaa kala maqan oo la yaab in arrin Masiiri ah la soo saaro” ayuu hadalkiis sii raaciyey Saciid oo ka tirsan guddiga doorashada.

Dhinaca kale madaxa Maaliyadda ee FEIT, Mudane Cabdi Xiis ayaa kasoo horjeestay habraacan, isaga oo warqad cabasho u diray golaha wada-tashiga qaran ee dalka.

Cabdi Xiis ayaa sidoo kale ka digay dhibaato hor leh oo ka dhalata habraaca soo baxay ee uu shalay shaaciyey guddiga doorashooyinka ee heer federaal.

Arrintan ayaa sababi karta in ay xumaato wada-shaqeynta xubnaha gudiga doorashooyinka ee heer federaal oo ay sugeyso howl adag oo ku aadan qabashada doorashooyinka 2021-.

Halkan hoose ka aqriso:-

TAALIBAAN oo hal arrin ka ogolaatay MAREYKANKA

Washington (Caasimada Online) – Taliban ayaa u sheegtay maamulka Mareykanka inay “marin ammaan ah” u ogolaan doonaan garoonka diyaaradaha Kabul oo weli ay maamulaan ciidamada Mareykanka, sida uu sheegay la-taliyaha amniga qaranka Mareykanka Jake Sullivan.

Sullivan ayaa xaqiijiyey in garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Hamid Karzai uu hadda shaqeynayo, islamarkaana duulimaadyada daad-gureynata muwaadiniinta Mareykanka iyo Afgaaniyiinta la shaqeeya ay socdaan, kadib markii si ku-meel gaar ah loo hakiyey Isniintii.

“Taliban waxay nagu wargeliyeen inay diyaar u yihiin inay marrin ammaan ah siiyaan shacabka ku socda garoonka, waxaana kula xisaabtami doonnaa ballan-qaadkaas,” ayuu yiri Sullivan. 

Inkasta oo ay jireen warar sheegayey in Taliban ay xanibtay waddooyinka loo maro garoonka, Sullivan wuxuu sheegay in dhammaan dadkii doonayey inay ka tagaan dalkaas ay awood u yeesheen inay gaaraan garoonka.

“Xaqiiqdii, dad badan ayaa awood u yeeshay inay gaaraan garoonka oo ay isa soo bandhigaan,” ayuu yiri Sullivan.

“Waxaa jiray xaalado aan helnay warbixino sheegayey in dadka qaar la celiyey ama la garaacay, waxaana arrintaas kala hadleynaa Taliban si ay u xaliyaan.” 

Sullivan oo dhowr mar ugu yeeray dagaalka Afghanistan “dagaal sokeeye”, ayaa difaacay go’aanka madaxweyne Joe Biden uu ciidamada Mareykanka uga soo saarayo Afghanistan. 

Waxa uu sheegay in ikhtiyaarka Washington uusan aheyn inay caawiyaan dowladda Afghanistan ama ay diidaan, balse uu ahaa inay ciidamadooda lasoo baxaan ama ay diraan kumanaan askari oo kale, si ay dagaal uga qeyb galaan.

“Waxaa nasoo gaari lahaa khasaare. Rag iyo dumar Mareykan ah ayaa dagaalami lahaa oo mar kale dhiman lahaa,” ayuu yiri. 

Taliban oo shalay Kabul ku qabatay shirkeedii jaraa’id ee ugu horreeyey tan iyo markii ay la wareegeen gacan ku haynta magaalada Kabul, ayaa sheegtay inay doonayso xiriir nabadeed oo ay la yeesheen dalalka kale ee caalamka, ayna ilaalin doonaan xuquuqda haweenka.

Sullivan ayaa sheegay inaan hadda la go’aamin karin in Taliban ay kasoo baxeyso ballan-qaadyadaas iyo in kale. 

“Ugu dambeyntii Taliban ayey u taallaa inay dunida inteeda kale tusto cidda ay yihiin iyo sida ay damacsan yihiin inay ku socdaan. Sooyaalkoodii hore ma wanaagsaneyn,” ayuu yiri.  

Al-Shabaab oo qasbeysa in MUQDISHO laga hirgeliyo manhajkeeda waxbarasho

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa isku dayeysa inay qasab ka dhigto in manhaj ay diyaarisay laga dhigo iskuullada ku yaalla magaalda Muqdisho, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Al-Shabaab ayaa u yeeray maamulayaasha qaar ka mid ah Iskuulada Muqdisho, si ay arrintan ugala hadlaan, waxayna ku amreen in ay qaataan manhaj cusub oo waxbarashada ah oo ay saareen dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa u sheegay barayaasha iyo maamulayaasha Iskuulada in ay qasab-tahay qaadashada manhajka cusub ee Iskuulada Hoose – Sare, kaasoo ay sheegeen in uu yahay kan saxda ah ee laga bixin doono guud ahaan dalka, sida ay hadalka u dhigeen.

Arrintaan ayaa durba caqabad ku noqotay maamulayaasha Iskuulada, iyagoo ka walaacsan sidii ay ka yeeli lahaayeen amarka Al-Shabaab maadaama aysan didi karin, sidoo kalane aysan aqbali karin, maadaama Muqdisho ay ka taliso dowladda federaalka.

Guud ahaan Soomaaliya marka laga reebo degaanada Puntland iyo Soomaaliland waxaa hadda ka dhaqan galay Manhajka ay soo saartay dowladda Soomaaliya, kaas oo ka kooban ilaa dugsiga Sare.

Lama oga sida xal loogu heli karo qorshaha Al-Shabaab oo halis ku ah waxbarashada Soomaaliya iyo ammaanka dalka hadii uu dhaqan galo. Dowladda Soomaaliya ayaa wali ka hadlin arrintaan oo hadda soo ifbaxeyso.

Al-Shabaab ayaa horey amaro badan uga dhaqan-gelisay Muqdisho, sida inay ka qaado canshuur, hase yeeshee arrinta manhajka ayaa ah mid ka duwan maadaama ay tahay wax muuqda, oo aan sida canshuur bixinta loo qarin karin.

Xog: R/W Rooble oo saanad ciidan u diray GALMUDUG

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo kala duwan ayaa Caasimada Online u sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu fasaxay laba diyaaradood oo hub wada oo laga dejiyay magaalada Gaalkacyo.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa diyaaradahaan ay laba toddobaad kahor ka dageen Gaalkacyo, waxayna wadeen rasaas, hubka fudud iyo saanad kale oo ciidan, ayada oo lagu wareejiyay Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo codsaday hubkaas. 

Hubka laga dejiyay Gaalkacyo ayaa loo qorsheeyay in Al-Shabaab looga saaro degaanada Koonfurta Gobalka Mudug ee Soomaaliya, waxaana dagaalkaas saraakiisha hogaamineyso kamid ah taliyaha ciidamada dhulka Soomaaliya Jeneral Biixi iyo saraakiil kale. 

Ciidamada huwanta ah ayaa hadda ku dhow degmada Xarardheere ee gobalka Mudug, iyagoo soo qabsaday dhul ballaaran oo hoostaga gobalka Mudug ee bartamaha Soomaaliya. 

Dagaalka lagula jiro Al-Shabaab ee ka socda degaanada dhaca Koofurta gobalka Mudug ayaa jawaab u ah weerarkii ay Al-Shabaab ku qaadeen degaanka Wasil ee gobalka Mudug daba-yaaqada bishii Juun ee sanadkaan weerarkaas oo ay Al-Shabaab ku dileen ku dhowaad 50 qof oo shacab u badan.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa la sheegay inay ka go’an tahay inuu xaqiijiyo in dowladda Soomaaliya, oo uu hadda awoodaheeda fulinta si buuxda gacanta ugu hayo, ay si kasta oo ay awoodda uga qeyb qaadato in Al-Shabaab laga xoreeyo deegaanda Galmudug. 

13 qof oo Indonesian ah oo lagu haysto gudaha Somalia

Jakarta (Caasimada Online) – Hay’adda la socodka kalluumeysiga Indonesia ee loo soo gaabiyo DFW ayaa sheegtay inay heshay ashtako ku saabsan 13 kalluumeysato oo dalkaas u dhashay oo muddo sideed bilood ah lagu haysto Soomaaliya.

Isku xiraha qaranka ee hay’adda DFW, Abdi Suhufan ayaa sheegay inay dowladda ku wargeliyeen dhacdadan 29-kii June.

“Waxaa jiray dadaallo ay sameysay dowladda Indonesia, hase yeeshee illaa iyo hadda kuma guuleysan inay soo qaado shaqaalahan Indonesian-ka ah ee ku xaniban Soomaaliya,” ayuu Abdi ku yiri bayaan uu soo saaray Isniintii. 

Shaqaalahan ayaa, sida uu sheegay u shaqeynayey maraakiib iyo doomo kalluumeysi oo ay leedahay shirkadda Liao Dong Yu, ee dalka Shiinaha. waxay ay haysteen qandaraas hal sano ah oo kasoo billowday December 2019, kuna ekaa December 2020.

“Kooxda Shiinaha ayaa kala shaqeysay dhinacyo ku sugan Soomaaliya in dadka ay sii xabisnaadaan oo lagu hayo goob cidlo ah,” ayuu yiri Abdi, oo intaas ku daray inaan la aqoon halka rasmiga ah ay dadkan kaga sugan yihiin Soomaaliya.

Abdi ayaa sheegay in dadkan oo xiriir lasoo sameeyey ay u sheegeen inay ku sugan yihiin xaalad cabsi, xanuun iyo walaac ah, uuna ka cabsi qaba inay sameeyaan ficillo ay isku dili karaan ama naftooda halis gelin kara.

Waxa uu intaas ku daray in illaa hadda uu dhintay hal qof oo ka mid ah, mid kalena la’ayahay. Abdi ayaa sheegay in dhimashada iyo qofka la la’yahayba ay ka dhaceen doonta ay leedahay shirkadda Shiineeska oo magaceeda iyo lambarkeedu yahay Liao Dong Yu 571.

“Dowladda Indonesia waa inay tallaabo qaadaa, oo ay soo bad-baadisaa, dalkoodana kusoo celisaa 13-kan qof, oo hadda ku sugan Soomaaliya,” ayuu yiri Abdi. 

Guddiga doorashada oo hal mid ka dalbaday madaxda maamul goboleeedyada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer Federaal, Maxamed Xasan Cirro ayaa baaq u direy madaxda dowlad goboleedyada aan weli soo dhameystirin doorashada xubnaha Aqalka Sare, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Guddiga.

Cirro ayaa madaxda ku booriyey in xil weyn iska saaran kasoo dhalaalidda ballamihii iyo heshiisyadii ay saxiixeen si shacabka Soomaaliyeed u helaan dowlad sharci ku dhisan, oo matasha doonitaanka shacabkeeda.

“Guddiga waxa uu cod dheer ugu baaqayaa Maamul Goboleedyada dhammaan in ay xil adag iska saaran fulinta heshiisyadii horey loo gaaray oo runtii ah is-afgarad sahlaya in aan si nabdoon ku gaarno nidaam sharci ku dhisan,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay guddiga.

Sidoo kale waxa uu guddiga doorashooyinka heer Federaal soo dhaweeyay natiijada doorashada Aqalka sare ee 15-kii Agoosto ka dhacday caasimadda kumeel gaar ka ah ee dawlad goboleedka Koonfur Galbeed ee Baydhabo, taasi oo lagu soo dhameystiray xubnihii ku harsanaa maamulkaas.

Doorashada Aqalka Sare ayaa waxa soo dhameystiray Puntland iyo Koonfur Galbeed, halka dowlad goboleedyada kale laga sugayo inay soo dhameystiraan, midaasi oo sii dheereynaysa waqtiga doorashada.

Si kastaba, Guddiga ayaa xiligaan wada dar-dar gelin uu ku rabo in lagu socodsiiyo habsami u socodka iyo dedejinta doorashada, si ugu yaraan loogu dhawaado waqtigii doorashada dalka hore loogu asteeyay.

M/AFRIKA oo qiimeynaya ammaanka Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha amniga ee Ururka Midowga Afrika ayaa haatan bilaabay qiimeyn guud oo lagu sameynayo xaaladaha ammaanka ee Soomaaliya, waxaana magaalada Muqdisho ee caasimada dalka soo gaaray saraakiil ka socota Midowga Afrika.

Saraakiisha Muqdisho timid ayaa durbo billowday kulamo gaar-gaar ah oo ay la leeyihiin madax ka tirsan dowladda dhexe, siiba wasaaradda gaashaandhiga iyo talisyada ciidanka.

Kulamadan ayaa waxaa intooda badan diirada lagu saarayaa xaaladda amni ee Soomaaliya, inta ay la’egtahay awoodda ciidamada dowladda iyo howl-gallada ka socda dalka.

Sidoo kale ujeedada ugu weyn ee wafdiga ayaa ah sidii ay u qiimeyn lahaayeen hay’adaha amniga dalka iyo inay diyaar u yihiin inay AMISOM kala wareegi karaan amniga Somalia.

Agaasimaha guud wasaaradda gaanshaandhiga xukuumadda Soomaaliya Xasan Maxamed Saciid Samatar Gacaliye ayaa faah faahin ka bixiyey kulamada ay saraakiishan ka socda golaha amniga ee Midowga Afrika la leeyihiin madaxda sare ee dowladda Soomaaliya.

“Xubnaha wafdigan waxa ay maanta oo Arbaco ah kulamo la yeelanayaan mas’uuliyiinta hay’adaha amniga dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, si looga tashado xaaladda amni ee Soomaaliya,” ayuu yiri agaasimaha guud ee wasaaradda gaashaandhigga dalka.

Qiimeynta uu bilaabay Midowga Afrika ee la xiriirta amniga Soomaaliya ayaa kusoo aadeysa xilli xasaasi ah, isla-markaana ay dowladdu isku diyaarineyso qabashada doorashada dalka.

Si kastaba, ciidamada Xoogga dalka ayaa qorshuhu yahay inay amniga guud ee dalka kala wareegaan ciidanka AMISOM, balse arrimahan ayaa kusoo aadayaan, iyada oo laga digay in Al-Shabaab ay ku dayan karto kooxda Taalibaan oo la wareegtay waddanka Afgaanistaan.

Beesha dadkii lagu laayey Golweyn oo go’aan culus kasoo saartay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu qabtay shir ay isugu yimaadeen ugaasyo, odayaal dhaqan iyo beeralayda gobollada Shabeellada dhexe iyo Shabeellada Hoose, kaas oo looga arrinsanayey dadkii shacabka ahaa ee AMISOM ay dil wadareedka ugu geysatay deegaanka Golweyn.

Bayaan ka soo baxay shirkaas waxay ku cadeeyeen waxgaradkii maanta isuyimid in AMSOM ay weli diidan tahay inay qirato dilka dadkii shacabka ahaa ee Golweyn ay ku leysay.

Falkaas waxa uu Golweyn dhacay 10-kii bishan, waxayna waxgaradkii maanta Muqdisho ku shiray bayaan ay soo saareen ku sheegeen inay aad uga caroodeen sida ay ula dhaqantay AMISOM, markii ay dadkaas dileen kadib.

“Caradeenu kama dhalan kaliya xasuuqii dadkeena ee waxaa dabka ku sii shiday sida ixtiraam darrada ah oo ay noola dhaqmeen saraakiisha AMISOM markii aan isku daynay inaan kala hadalno dadkii ay naga dileen iyo inkiraad ay ku kacayaan, iyadoo wax kasta ay cadyihiin,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Sidoo kale warka ka soo baxay waxgaradkii maanta kulmay waxaa lagu sheegay in AMISOM ay xasuuq joogto ah ku heyso shacabka ku nool gobollada Shabeellooyinka, iyagoo ku baaqay in kacdoon culus laga sameeyo falkaan, go’aana ku soo saaray in meydadka dadkaan aan la aasi doonin ilaa AMISOM ay ka qirato dilkoodii.

Ugaaska beelaha Mudullood, Ugaas Maxamuud Ugaas Cali oo kulankaas kadib VOA la hadlay ayaa sheegay in dhowr jeer ay arrintaas kala kulmeen saraakiisha AMISOM, balse ay si cad u diideen inay qirtaan dadka ay laayeen, waxuuna mar kale wacad ku maray inaan la aasi doonin meydadka dadkaas oo weli qaboojiye ku jira.

“Markii aan mudo wadahadalnay waxay saraakiisha AMISOM na yiraahdeen guddi nagu dara, aan soo aragno meesha dadka lagu dilay, markii meesha la tegay waxaa la wada qiray in dadkaas ay ahaayeen shacab si gar-darro ah loo dilay, kadib waxaan ka sugeynay inay qirtaan inay falkaas ka dambeeyeen, balse waaa ka meer-meereen, iyagoo og inay dhibaatadaas geysteen,” ayuu yiri Ugaas Maxamuud.

Waxa uu sheegay in arrintaan aysan ka hari doonin ilaa dadkaas ay cadaalad ka helaan, “Haba yaraatee rajo lagama qabo inaan arrintaan ka harno, wado kasta oo sharcigu noo ogolyahay ayaan mari doonaa, waa daali doonaan hadey AMISOM is leedahay, ma daali doono,” ayuu yiri Ugaas Maxamuud Cali Ugaas.

Hoos ka dhageyso wareysiga Ugaaska

Hoos ka daawo bayaanka ka soo baxay shirkii waxgaradka

Dagaal qaraar oo Galmudug ka dhacay, sarkaal sare oo la dilay iyo AL-SHABAAB ‘oo qabatay’ taliyihii ciidamada…

0

Bacaadweyn (Caasimada Online) – Dagaal u dhaxeeyey ciidanka daraawiishta Galmudug iyo kooxda Al-Shabaab ayaa galabta ka dhacay deegaanka Shabeellow ee gobalka Mudug, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhwaacba leh, iyadoo Al-Shabaab ay guulo ka sheegteen dagaalkaas.

Inta la xaqiijiyey shan askari oo ka tirsanaa daraawiishta Galmudug iyo sarkaal sare ayaa ku geeriyooday dagaalka, kadib markii Al-Shabaab ay galabta weerar culus ku qaadeen fariisin ay ciidamada daraawiishta Galmudug ku laahayeen deegaanka Shabeelow oo u dhaw Bacaadweyn.

Dadka deegaanka ayaa Caasimada Online u sheegay inay jiraan dhaawacyo badan oo soo gaaray ciidamada daraawiishta Galmudug, markii laga soo tago dhimashada shanta askari iyo sarkaalkaas oo ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan daraawiishta Galmudug.

Gaashaanle Maxamed Cali Salaad oo ah sarkaalka ku dhintay dagaalkii galabta ka dhacay deegaanka Shabeelow ayaa ahaa Taliyihii ururka Horseed ee ciidanka daraawiishta Galmudug, sidoo kale gaari dagaal ayaa ciidanka Galmudug looga gubay dagaalka, sida ay noo xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Warbaahinta taageerta kooxda Al-Shabaab ayaa werisay in war kasoo baxay kooxda ay ku sheegatay in ciidamada Galmudug ay dagaalkii galabta uga dileen 30-askari oo saraakiil ay kamid yihiin iyo dhaawacyada tobanaan askari oo kale, sida ay hadalka u dhigeen.

Sidoo kale warkaan laga soo xigtay Al-Shabaab waxay ku sheegteen inay dagaalka ku qabteen Taliyihii ciidamada badda maamulka Galmudug, isagoo nool, kaas magaciisa ay ku sheegeen Xirsi Cali Shire.

Laba sarkaal oo la kala yiraahdo Maxamed Cali Salaad iyo Cali Diini ayey sidoo kale sheegeen inay dagaalka ku dileen, isla markaana ay furteen seddax gaari oo Senator Cabdi Qeybdiid uu lahaa, sida ay warkooda ku sheegeen.

Arrimihii ay Taalibaan kaga dhowaaqeeen shir jaraa’id oo ay maanta qabteen (Aqriso)

Kabul (Caasimada Online) – Taalibaan ayaa maanta Kabul ku qabatay shirkeedii jaraa’id ee ugu horreeyey tan iyo markii ay la wareegeen gacan ku haynta magaalada, waxayna ku dhowaaqeen inay doonayaan xiriir nabadeed oo ay la yeesheen dalalka kale ee caalamka.

“Ma dooneyno cadow gudaha iyo mid dibedda ah,” waxaa sidaas yiri afhayeenka kooxda Zabihullah Mujahid.

Zabihullah Mujahid wuxuu sidoo kale shaaca ka qaaday in xuquuqda haweenka lagu ilaalin doonin xuduudaha shareecada Islaamka, loona ogolaan doono inay shaqeeyaan oo ay wax bartaan, “ayna ka dhex muuqaan doonaan bulshada, si waafaqsan shareecada Islaamka.”

Zabihullah Mujahid ayaa yiri inaan cidna loo ogolaan doonin inay dhulka Afghanistan u adeegsato inay ka qaado weeraro ka dhan ah dalal kale.

“Waxaan jeclahay inaan u xaqiijiyo bulshada caalamka, oo uu ku jiro Mareykanka, inaan cidna la waxyeeleyn doonin,” ayuu yiri Mujahid.

“Waxaan jeclahay inaan u xaqiijiyo deriskeena, iyo dalalka gobolkeena inaan ogolaan doonin in dhulkeena loo adeegsado mid ka dhan ah cid kale ama dal kale oo caalamka ka mid ah. Marka dhammaan bulshada caalamka oo dhan ha xaqiiqsadaan inay naga go’an tahay middaas, oo aan la idin waxyeeleyn doonin.”

Waxa uu intaas ku daray in Taalibaan aysan raadin doonin inay ka aargudato askartii iyo xubnihii dowladdii reer galbeedka uu taageeri jiray ee dalkaas.

Mujahid ayaa sheegay in la cafiyey askartii hore ee dowladda, qandaraasleyaasha iyo tarjumaanadii la shaqeeyey ciidamada caalamiga ah.
“Cidna idinma waxyeeleyn doonto. Cidna albaabka idiin ma soo garaaci doonto,” ayuu yiri.

Afhayeenka Taalibaan ayaa sidoo kale sheegay in kooxda ay dooneyso in warbaahinta gaarka ah “ay sii ahaato mid madax-banaan,” hase yeeshee wuxuu suxufiyiita ku adkeeyey “inaysan ka shaqeyn wax ka dhan qiyamka qaranka.”

Ballan-qaadyadan ayaa hadda looga fadhiyaa Taalibaan inay ka dhabeyso, waxayna sida ay uga dhabeeyaan ku xirnaan doona sida ay beesha caalamka u wajahdo aqoonsiga dowladdooda.

VOA

Sacuudiga oo ka fakaraya qorshe ay usoo jeedisay DF

Riyadh (Caasimada Online) – Dowladda Sacuudiga ayaa ka fakareysa qorshe ay usoo jeedisay dowladda Soomaaliya oo ku saabsan inay maal-gashi ku sameyso kalluumeysiga Soomaaliya, sida uu weriyey wargeysla Asharq Al-Awsat.

Wargeyska ayaa sheegay in saraakiil ka kala socota labada dal ay ku kulmeen magaalada Masqat ee caasimadda dalka Cumaan, si ay uga wada-hadlaan fursadaha kalluumeysiga Soomaaliya. 

Maamulka Sacuudiga ee Ganacsiga Dibedda ee loo soo gaabiyo GAFT ayaa ku wargeliyey shirkadaha gaarka loo leeyahay ee dalkaas fursadaha ka jira Soomaaliya, wuxuuna u gudbiyey daraasad faah-faahsan oo ku saabsan maal-gashiga kalluumeysiga Soomaaliya, sida ay ilo-wareedyo u sheegeen wargeyska.

Soomaaliya ayaa dhankeedana sheegtay inay leedahay faa’iidooyin badan oo ay kaga horreyso dalalka kale, oo ay ka mid yihiin inay leedahay xeebta ugu dheer Afrika, ayna kaalinta koowaad kaga jirto dhooftinta xoolaha iyo kalluunka qaaradda Afrika.

Sida ku cad daraasadda ay soo gudbiyeen maamulka GAFT, oo uu arkay wargeyska Asharq Al-Awsat, waxaa xiriir laga dhex hormarin karaa Soomaaliya iyo maal-gashatada Sacuudiga ee diyaarka u ah inay maal-gashtaan islamarkaana xiiso u qaba dhanka kalluumeysiga.

Daraasadda ayaa sidoo kale lagu sheegay in maal-gashigan laga sameyn karo faa’iido lacageed oo badan, balse ay jiraan caqabado badan oo u baahan khirbad xooggan.

Sababtaas darteed, ayaa maamulka GAFT wuxuu diyaariyey koox khubaro ah oo maal-gashatashada gacan ka siiya mashruuca kalluumeysiga Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa sidoo kale muujisay inay diyaar u tahay inay la shaqeyso saaxiibada ku habboon, ayna siin karto wax kasta oo ay u baahan yihiin, oo ay ka mid yihiin qorista shaqaalaha loo baahan yahay iyo maareynta mashruuca.

Ururka Cunada Adduunka ee FOA ayaa xaqiijiyey in biyaha Soomaaliya ay hodan ku yihiin kalluunka tuna-ha ee loo yaqaan yellowfin.

Si kastaba, kheyraadka badda Soomaaliya, oo kalluunka uu ugu weyn yahay, ayaa waxaa dhibaato ku haya kalluumeysiga sharci-darrada ah, oo ay sameeyaan dalal badan oo caalamka ka mid ah.

Habraaca doorashada golaha shacabka oo lasoo saaray

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer Federaal ayaa goordhowedyd soo saaray Habraaca iyo shuruudaha loo marayo hanaanka doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka ee 2020/2021-ka.

Habraaca doorashada golaha shacabka ee uu soo saaray Guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa ka kooban 10 bog, wuxuuna awooda u badan siinaya guddiga.

Ergada doorashada ayaa waxaa soo xuleysa guddiga xulista ergada oo ka kooban Oday dhaqameedyo iyo wakiilo ka socda bulshada rayidka oo ka wada tirsan beesha ama jifooyinka wadaaga kursiga, sida uu dhigayo habraacan cusub.

Habraaca ayaa qeybtiisa qaab-dhismeedka Guddiga xulista Ergada lagu sheegay in xulida ergada Somaliland ay noqon doonto mid wadaag ah, taasi oo muddooyinkii dambe uu ka taagna khilaaf.

Sidoo kale habraaca ayaa dhigaya in shanta xubnood ee soo xulaya ergada uu soo dooranayo Duubka ugu sareeya dhaqanka beesha ama jifada wadaagta kursiga, ayaga oo la tashanaya Nabadoonada/Caaqillada beesha.

Lacagta diiwaan-gelinta Musharaxiinta u tartamaya Golaha Shacabka ayaa waxa uu guddiga shaaciyey in raga laga qaadi doono lacag dhan 10 kun oo doolar, halka dumarka Musharaxiinta ah laga qaadi doono 5 kun oo dolar.

Haddaba hoos ka aqriso habraaca oo dhameystiran

CUTUBKA 1AAD: Qaab-dhismeedka Guddiga Xulista Ergada

  1. Ergada Doorashada waxaa soo xulaya Guddiga Xulista Ergada oo ka kooban odaydhaqameedyo iyo wakiilo ka socda bulshada rayidka oo ka wada tirsan beesha ama jifooyinka wadaaga kursiga.
  2. Beel ama Jifo kasta ee wadaagta kursi waxaa xulista ergada ku matalaya 3 oday dhaqameed oo jifadaas ama beeshaas ah iyo labo (2) wakiil oo ka socda bulshada rayidka ee beeshaas/Jifadaas, labada wakiil ee bulshada rayidka waa in mid ka mid ah tahay haween.
  3. Xullidda eragada Somaliland waxay noqonaysaa wadaag.
  4. Ergada wax dooranaysaa waa inay matalaan dhammaan jilibyada ay ka kooban tahay jifada ama beesha kursiga iska leh.
  5. Xubin kasta oo ka mid ah Guddiga Xulitaanka Ergada (GXE) kama tirsanaan karto guddi xulis ergo kursi kale.
  6. Kursi kasta ee ka mid ah 275ta kursi wuxuu lahaanayaa guddi shan xubnood ah oo soo xula ergo (101).
  7. Xubin ka tirsan Guddiga Xulista Ergo ma noqon karo guddi xulista ergo kale ama murashax doorashada u tartama.
  8. Guddiga Xulista Ergada wuxuu u soo xulayaa ergada doorshada si wadarogol ah.

Bulshada Rayidka waa:-

  • Guddiga Xulista Ergada kursi waliba waxaa uu yeelanayaa labo (2) xubnood oo ka socda bulshada rayidka ah.
  • Labada (2) xubnood ee bulshada rayidka matala waa in xubin kamid ah haween noqoto.
  • Bulshada Rayidka, waxay ka kala imaanayaan qaybaha kala duwan ee bulshada sida culimada, ganacsatada, macalimiinta, takhaatiirta, dadka gargaarka ka shaqeeya iyo dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee ka soo jeeda beesha ama jifada kursiga iska leh.

Habraaca guddiga xulista ergada:

Xubanaha soo xulaya ergada waa shan (5) xubnood, waxayna ku imanayaan:-

  • Duubka ugu sareeya dhaqanka beesha ama jifada wadaagta kursiga ayaa soo xulaya shanta xubnood, isagoo la tashanaya Nabadoonnada/Caaqillada.
  • Shanta Xubnood waxay soo xulayaan ergada (101) boqol iyo kowda qof ah, ayagoo la tashanaaya Nabadoonmnada, Samadoonnada iyo wax garadka beesha ama jifada wadaagta kursiga.

Shaxda Xulista Ergada

Kursi kasta oo ka mid ah 275ta kursi ee Golaha Shacabka waxa dooranaya 101 ergo, iyadoo la hubinayo in qaybaha kala duwan ee bulshada ay u dhanyihiin. Guud ahaan tirada ergada ka qayb-qaadaneysa doorashada xubnaha Golaha Shacabka 2020/2021 Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya waa 27,775 ergey, iyadoo kuraasta Somaliland ay yihiin ergo wadaag.

Xogta iyo War-galinta Beelaha.

Guddiga Maamulka Doorashooyinka ee Heer Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka waxay ku war-galiyaan duubabka dhaqanka inay soo xulaan guddiga xulista ergooyinka.

Waxaana la siinayaa:

  • Foomka Guddiga Soo Xulista ergada, si ay u buuxiyaan una saxiixaan

Kadib marka ay duubabku soo gudbiyaan liiska guddiga soo xulista ergada, waxaa guddiga xulista la siinayaa:-

  • Qoraal tilmaamaya shuruudaha ergada laga rabo
  • Foomka Liiska Ergooyinka

Guddiga Xulista Ergooyinka waxay soo gudbinayaan liiska ergada kursi kasta ee loo qoondeeyay beesha/jifada, iyagoo adeegsanaya foomka diiwaangalinta ergada oo ay soo wada saxiixeen guddiga xulista ergada kursigaas, kaasoo caddeynaya qoondada haweenka, qaybaha bulshada ee ka qayb noqonaya ergada.

Guddiga Maamulaya doorashada heer Maamul goboleed ayaa ka qaadaya laba sawir oo teesare ah xubin kasta oo ergada ka mid ah.

Shuruudaha Ergayga: 

Xulashada qofka ka mid noqonaya ergada-doorashada waxaa saldhig u noqonaya shuruudahan soo socda:

  1. In uu yahay Soomaali, kana tirsanyahay beesha/jifada kursiga iska leh
  2. In da’diisu aanay ka yareyn 18 sano
  3. In miyirkiisu dhanyahay, awoodna u leeyahay in uu codeyn karo.
  4. In uu fahamsanyahay masuuliyadda doorashada.
  5. in uusan ahayn musharrax u taagan labada aqal midkoodna.
  6. Inaysan maxkamadi ku ridin xukun ciqaabeed kama dambeys ah shantii sano ee ugu dambeysay, kaas oo lagu mutaysanayo xabsi. 7. In uusan hayn xil siyaasadeed waqtiga doorashada
  7. In uusan xiriir la lahayn kooxaha argagixisada.

Matalaadda Bulshada:

Ergada u codeyneysa kursi walba waa in ay ka koobnaataa qaybaha kala duwan ee bulshada beesha ama jifada kursiga leh, sida haweenka, dhallinyarada, ganacsatada, culuma’udiinka iwm.

  1. Haweenku waa in ay ka koobnaadaan ugu yaraan 30% wadarta Ergada (31 ergay).
  2. Dhallinyaradu waa in ay noqdaan ugu yaraan 20% ee wadarta guud ee ergooyinka (20 ergay).
  3. Ergada inteeda kale waxay noqonayaan qaybaha kala duwan ee bulshada.

Deegaannada Ergada Laga Diiwaan-galinayo.

Foomka diiwan-galinta ergada waa inay ka muuqataa magaca dawlad goboleedka, magaalada doorashadu ka dhacayso, lambarka kursiga, qabiilka, magaca oo afaran, magaca hooyada oo seddaxan, taariikhda dhalashada, goobta dhalashada iyo teleefanka ergayga. Sidoo kale waa in uu ku qoran yahay magacyada, saxiixa, taariikhda, Guddiga Xulista Ergada iyo magacyada, taariikhda, waana in ay ka muuqataa saxiixyada GMDHDX iyo GHDHF.

Hubinta iyo Xaqiijinta Ergada

Marka liisaska ergada ay soo dhamaystiraan guddiga xulidda ergada, waxaa ka dib loo gudbinayaa guddiga maamulaya doorashada heer maamul goboleed (GMDHDX), waa in la hubiyaa, si loo ogaado in isku dheelitirnaan sax ah lagu saleeyay beesha ama jifada kursiga wada leh. Haddii hubintu ay muujiso in ergada aysan soo buuxin shuruudaha erganimada ama heerarka matalaadda ay qaldan yihiin hannaankan soo socda ayaa la marsiinayaa.

Haddii liiska la soo gudbiyey uusan waafaqsaneyn shuruudaha soo xulista ergada., GMDHDX wuxuu ku wargalinayaa Guddiga xulista ergada ee kursiga la dooranayo inay dib-u eegis ku soo sameeyaan 3 maalmood gudohood,

Guddiga Xulista ergada waxay liiska u gudbinayaan guddiga GMDHDX, guddigu wuxuu dib-u-eegayaa oo xaqiijinayaa liisas-ka kahor inta uusan u gudbin GHDHF, si uu u hubiyo adeegsiga saxda ah ee shuruudaha ka mid noqoshada ergada.

Haddii Beel/Jifo ay diido in ay u soo gudbiso magacyada si waafaqsan shuruudaha xulidda ergada loo cayimay, guddiyada GMDHDX iyo GHDHF waa in ay xalliyaan khilaafka soo xulidda ergada. Doorashada kursiga ergadiisa aan la soo gudbin ama aysan sax ahayn ma dhacayso doorashadiisu inta laga gaarayo xal sax ah oo kama dambays ah.

Ka mid ahaanshaha Ergada:

Haddii qof ergay ah uu xubinnimada baneeyo, xaalad deg deg ah awgeed, sida dhismasho, jirro ama dano shaqsi, waxaa badeli kara Guddiga Xulista Ergada, iyagoo kaashanaya Guddiga Maamulka Doorashooyinka ee heer dawlad goboleed muddo laba maalmood, ka dibna waxaa hubinaya GHDHF.

Aqoonsiga Ergayga (ID Card)

Maalinta codeynta, ergada doorashooyinka waxay tagayaan xarunta cod-bixinta, si loo siiyo aqoonsiga codbixiyaha. Guddiga Xulista Ergada kursigaas la dooranayo ayaa xaqiijinaya ergada codeynaysa inay tahay ergadii saxda ahayd.

Shaqaalaha GMDHDX waxay siinayaan aqoonsiga cod-bixiyaha ergay kasta, kaas oo magaciisa ku jiro liiska la xaqiijiyay ee ergada wax dooranaysa.

Kooramka: Si beel/jifo loogu qabato doorasho kursi, ugu yaraan waa in ay soo xaadiraan 80% ergada doorashada oo u dhiganto sideetan iyo kow  (81) ergo, haddii kooramka aanan la buuxin lama qabanayo wax doorasho ah ilaa kooramka kursigaas uu dhameystirmo.

Ergay kasta wuxuu soo bandhigayaa aqoosiga cod-bixiyaha ee la siiyay, mana codeyn karo aqoonsiga cod-bixiyaha la’aantiis. Kursi kasta waxaa guddiga GMDHDX uu soo saarayaa 101 aqoonsi cod-bixiye ah oo kaliya.

Kuraasta Somaliland waxay noqonayaan ergo wadaag. Halkii ergo ee ah 101 waxay dooran karaan 1 ilaa 5 kursi.
Ujeeddada hannaanka diiwan-gelinta musharaxa waa in fursad loo siiyo muwaadiniinta doonaya inay tartarmaan, lagana hubiyo oo keliya inay buuxiyeen shuruudihii musharaxnimada. Hanaanka diiwan-galinta murashaxa wuxuu soconayaa 12 maalmood.

Nidaamka & Goobaha Diiwan-gelinta Musharixiinta.

Musharraxu wuxuu iska diiwaan-gelinayaa deegaan doorashada uu yaalo kursiga uu u  tartamayo, asagoo buuxinaya shuruudaha hoos ku qoran ee Musharixiinta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka.

Shuruudaha Musharixiinta 

  1. In uu yahay muwaadin Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed
  2. Dhimirkiisu u dhan yahay
  3. Da’diisu ka wayn tahay 25 sano
  4. Aan xuquuuqdiisa muwaadinnimo go’aan maxkamadeed lagu hakin shanti (5) sano ee ugu danbeysay.
  5. Uu leeyahay ugu yaraan aqoon dugsi sare ama waayo aragnimo u dhiganta.
  6. In uusan ka tirsanayn ama wax xiiriir ah la lahayn kooxaha argagixisada ah
  7. In uu haysto warqadda danbi la’aanta ee hay’adda danbi baarista (CID) ee dalka.
  8. Saraakiisha/taliyayaasha ciidamada, xubnaha guddiyada madaxa banaan ee Qaranka haddii ay tartamayaan waa in ay is casilaan saddex (3) todobaad ka hor wakhtiga diwaan gelinta musharaxiinta.
  9. Musharax kasta oo u tartamaya Golaha Shacabka waa in uu bixiyaa lacagta diiwan-galinta kuna shubaa xisaabta bankiga ee Guddiga Doorashooyinka.
  10. Lacagta diiwan-galinta Musharaxiinta u tartamaya Golaha Shacabka waxay noqonaysa $10,000, (Toban Kun oo dollar) oo ragga ah iyo  $5,000, (shan Kun oo dollar) oo dumarka ah.
  11. Lacagta diiwan-galinta Musharaxiinta dib looma soo celinayo.

Qoondada Haweenka

Xildhibaanada Golaha Shacabku waa in ay noqdaan ugu yaraan 30% haween, taasoo xaqiijinteeda xil ka saranyahay gudiyada doorashooyinka GMDHDX iyo GHDHF, Odayaasha dhaqanka, Bulshada rayidka iyo Maamul Goboleedka.

  • Beel/Jifo kasta oo seddax kursi leh mid ka mid ah waa in loo asteeyo in ay ku tartamaan haween kaliya.
  • Haddii beeshaasi ay astayn weydo kursi ay ku tartamaan haweenka, waxaa astaynaya Guddiga Maamulka Doorashooyinka ee Heer Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federalka (GMDHDX) iyo Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federal (GHDHF), ayagoo kaashanaya Dowlad Goboleedka uu kursigu yaallo.
  • Kuraasta kale ee dhiman way u furan yihiin inay ku tartamaan haweenku.

Ka Noqoshada Murashaxnimada.

Murashax kasta wuu ka bixi karaa tartanka wakhti kasta, ka hor inta aan la daabicin liiska murashaxnimada ee kama dambeysta ah, isaga oo buuxinaya Foomka Ogeysiinta Dib-uga- noqoshada Murashaxnimada. Haddii murashax uu dhinto kadib diiwangalinta murashaxa, balse wali aysan doorashadu dhicin waxaa xaqiijinaya GMDHDX, waxaana dib loo furayaa diiwaangelinta murashaxnimada haddii uu hal murashax ku soo haro tartanka kursigaas.

Dowladda Soomaaliya oo war kasoo saartay qabsashada Taalibaan ee Afghanistan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa markii u horeysay ka hadashay xaalada ka taagan dalka Afghanistan, taasi oo ay gacan ku haynteeda la wareegtay kooxda Taalibaan.

Wasiiru-dowlaha wasaaradda waxbarashada Soomaaliya, Cabdiraxmaan Jaabiri ayaa sheegay in dhacdada Afghanistan laga baran karo sida ay waxba usoo kordhineyna joogitaanka ciidamo Ajnabi, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu xusay in 20 sano dowladda Afghanistan lagu bixinayay waqti iyo qarash badan, haddana ay ugu dambeyntii u gacan gashay kooxda Taalibaan, oo ay si weyn isku hayeen, taasi oo ku tusineysa in taageerada caalamka ay waxba soo kordhineyn haddii gudaha la isku duubneyn.

“Waxaa ka baraneyna (dhacdada Afghanistan) in joogitaan Ajnabi iyo ciidan Ajnabi marnaba la isku haleyn karin, in shacabka Soomaaliyeed u istaagan inay garab galaan dowladnimadooda, ciidankooda ay dhistaa oo qaraniimadooda ka shaqeeyaan, ayagu isku tashadaan,” ayuu yiir.

“Dadka qalafsan ee nagu dhex-jira ee naga fikir duwan ee marna aan raali laga wada noqon karin in meel looga soo wada jeesto oo aqoon-yahanada Soomaaliyeed ay kasii digaan baaritaana ka sameeyaan arrinta ka dhacday Afganistaan.”

Sidoo kale waxa uu sheegay inay muhiim tahay in shacabka Soomaaliyeed ay dowladooda garab istaagan, isagoona ka digay in dalkeena ay ku imaan karto arrin lamid ah mida Afghanistan, haddii aan laga fikirin oo laga hortagin, sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyntiina waxa uu soo jeediyay in baaritaan lagu sameeyo ciidamada dowladda, si uusan cadowga uga faa’iideysan, islamarkaana ay horseedin in dalkeena uu ka dhaco waxa ka socda Afghanistan.

Hadalka Wasiiru-dowlaha ayaa kusoo aadaya xili si weyn loo hadal hayay waxa dhici kara haddii ciidamada AMISOM ka baxaan Soomaaliya, inkasta oo ay duruufaha ku xeeran labada wadan ay kala gedisan yihiin.

Hoos ka daawo hadalka Wasiiru-dowlaha

Guddoomiyihii Garasbaaleey oo qarax lagu dilay iyo war kasoo baxay Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimaad Online) – Gudoomiyaha deegaanka Garasbaaleey ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa galabta u geeriyooday dhaawac culus oo kasoo gaaray qarax lala eegtay gaari uu saarnaa.

Maxamed Abuukar Afrax AUN ayaa waxa xilliga qaraxa uu haleelay gaariga uu saarna uu marayey waaxda Fooriloow oo dhaxeysa degmada Kaxda iyo deegaanka Garasbaaleey, sida ay dad deegaanka u sheegen Caasimada Online.

Geerida guddoomiyihii Garasbaaleey ayaa waxaa xaqiijiyey mas’uuliyiint ka tirsan maamulka deegaankaas, waxaana soo baxaya in uu jiro dhaawac kale oo ka dhashay qaraxa lala eegtay gaariga marxuum Afrax.

Waxay aheyd markii xilka loo magacaabay Afrax 30-kii bishii May, xiligaas oo uu Guddoomiyaha gobolka Banaadir ku bedelay Guddoomiyihii ka horeeyay oo lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Garyare oo isaga laftigiisa lagu dilay qarax 21-kii May 2011.

Qaraxaas ayaa waxaa sidoo kale ku geeriyooday laba kamid ah ilaaladiisa oo xiliga uu qaraxu haleelay gaarigiisa la socday guddoomiye Garyare Allaha unaxariiste.

Mas’uuliyada qaraxa uu maanta u geeriyooday guddoomiyaha Garasbaaleey ayaa waxaa sheegatay kooxda Al-Shabaab, oo ayadu dagaal adag kula jirta mas’uuliyiinta iyo saraakiisha ciidamada.