26.6 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Sacuudiga oo ka fakaraya qorshe ay usoo jeedisay DF

Riyadh (Caasimada Online) – Dowladda Sacuudiga ayaa ka fakareysa qorshe ay usoo jeedisay dowladda Soomaaliya oo ku saabsan inay maal-gashi ku sameyso kalluumeysiga Soomaaliya, sida uu weriyey wargeysla Asharq Al-Awsat.

Wargeyska ayaa sheegay in saraakiil ka kala socota labada dal ay ku kulmeen magaalada Masqat ee caasimadda dalka Cumaan, si ay uga wada-hadlaan fursadaha kalluumeysiga Soomaaliya. 

Maamulka Sacuudiga ee Ganacsiga Dibedda ee loo soo gaabiyo GAFT ayaa ku wargeliyey shirkadaha gaarka loo leeyahay ee dalkaas fursadaha ka jira Soomaaliya, wuxuuna u gudbiyey daraasad faah-faahsan oo ku saabsan maal-gashiga kalluumeysiga Soomaaliya, sida ay ilo-wareedyo u sheegeen wargeyska.

Soomaaliya ayaa dhankeedana sheegtay inay leedahay faa’iidooyin badan oo ay kaga horreyso dalalka kale, oo ay ka mid yihiin inay leedahay xeebta ugu dheer Afrika, ayna kaalinta koowaad kaga jirto dhooftinta xoolaha iyo kalluunka qaaradda Afrika.

Sida ku cad daraasadda ay soo gudbiyeen maamulka GAFT, oo uu arkay wargeyska Asharq Al-Awsat, waxaa xiriir laga dhex hormarin karaa Soomaaliya iyo maal-gashatada Sacuudiga ee diyaarka u ah inay maal-gashtaan islamarkaana xiiso u qaba dhanka kalluumeysiga.

Daraasadda ayaa sidoo kale lagu sheegay in maal-gashigan laga sameyn karo faa’iido lacageed oo badan, balse ay jiraan caqabado badan oo u baahan khirbad xooggan.

Sababtaas darteed, ayaa maamulka GAFT wuxuu diyaariyey koox khubaro ah oo maal-gashatashada gacan ka siiya mashruuca kalluumeysiga Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa sidoo kale muujisay inay diyaar u tahay inay la shaqeyso saaxiibada ku habboon, ayna siin karto wax kasta oo ay u baahan yihiin, oo ay ka mid yihiin qorista shaqaalaha loo baahan yahay iyo maareynta mashruuca.

Ururka Cunada Adduunka ee FOA ayaa xaqiijiyey in biyaha Soomaaliya ay hodan ku yihiin kalluunka tuna-ha ee loo yaqaan yellowfin.

Si kastaba, kheyraadka badda Soomaaliya, oo kalluunka uu ugu weyn yahay, ayaa waxaa dhibaato ku haya kalluumeysiga sharci-darrada ah, oo ay sameeyaan dalal badan oo caalamka ka mid ah.

Habraaca doorashada golaha shacabka oo lasoo saaray

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer Federaal ayaa goordhowedyd soo saaray Habraaca iyo shuruudaha loo marayo hanaanka doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka ee 2020/2021-ka.

Habraaca doorashada golaha shacabka ee uu soo saaray Guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa ka kooban 10 bog, wuxuuna awooda u badan siinaya guddiga.

Ergada doorashada ayaa waxaa soo xuleysa guddiga xulista ergada oo ka kooban Oday dhaqameedyo iyo wakiilo ka socda bulshada rayidka oo ka wada tirsan beesha ama jifooyinka wadaaga kursiga, sida uu dhigayo habraacan cusub.

Habraaca ayaa qeybtiisa qaab-dhismeedka Guddiga xulista Ergada lagu sheegay in xulida ergada Somaliland ay noqon doonto mid wadaag ah, taasi oo muddooyinkii dambe uu ka taagna khilaaf.

Sidoo kale habraaca ayaa dhigaya in shanta xubnood ee soo xulaya ergada uu soo dooranayo Duubka ugu sareeya dhaqanka beesha ama jifada wadaagta kursiga, ayaga oo la tashanaya Nabadoonada/Caaqillada beesha.

Lacagta diiwaan-gelinta Musharaxiinta u tartamaya Golaha Shacabka ayaa waxa uu guddiga shaaciyey in raga laga qaadi doono lacag dhan 10 kun oo doolar, halka dumarka Musharaxiinta ah laga qaadi doono 5 kun oo dolar.

Haddaba hoos ka aqriso habraaca oo dhameystiran

CUTUBKA 1AAD: Qaab-dhismeedka Guddiga Xulista Ergada

  1. Ergada Doorashada waxaa soo xulaya Guddiga Xulista Ergada oo ka kooban odaydhaqameedyo iyo wakiilo ka socda bulshada rayidka oo ka wada tirsan beesha ama jifooyinka wadaaga kursiga.
  2. Beel ama Jifo kasta ee wadaagta kursi waxaa xulista ergada ku matalaya 3 oday dhaqameed oo jifadaas ama beeshaas ah iyo labo (2) wakiil oo ka socda bulshada rayidka ee beeshaas/Jifadaas, labada wakiil ee bulshada rayidka waa in mid ka mid ah tahay haween.
  3. Xullidda eragada Somaliland waxay noqonaysaa wadaag.
  4. Ergada wax dooranaysaa waa inay matalaan dhammaan jilibyada ay ka kooban tahay jifada ama beesha kursiga iska leh.
  5. Xubin kasta oo ka mid ah Guddiga Xulitaanka Ergada (GXE) kama tirsanaan karto guddi xulis ergo kursi kale.
  6. Kursi kasta ee ka mid ah 275ta kursi wuxuu lahaanayaa guddi shan xubnood ah oo soo xula ergo (101).
  7. Xubin ka tirsan Guddiga Xulista Ergo ma noqon karo guddi xulista ergo kale ama murashax doorashada u tartama.
  8. Guddiga Xulista Ergada wuxuu u soo xulayaa ergada doorshada si wadarogol ah.

Bulshada Rayidka waa:-

  • Guddiga Xulista Ergada kursi waliba waxaa uu yeelanayaa labo (2) xubnood oo ka socda bulshada rayidka ah.
  • Labada (2) xubnood ee bulshada rayidka matala waa in xubin kamid ah haween noqoto.
  • Bulshada Rayidka, waxay ka kala imaanayaan qaybaha kala duwan ee bulshada sida culimada, ganacsatada, macalimiinta, takhaatiirta, dadka gargaarka ka shaqeeya iyo dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee ka soo jeeda beesha ama jifada kursiga iska leh.

Habraaca guddiga xulista ergada:

Xubanaha soo xulaya ergada waa shan (5) xubnood, waxayna ku imanayaan:-

  • Duubka ugu sareeya dhaqanka beesha ama jifada wadaagta kursiga ayaa soo xulaya shanta xubnood, isagoo la tashanaya Nabadoonnada/Caaqillada.
  • Shanta Xubnood waxay soo xulayaan ergada (101) boqol iyo kowda qof ah, ayagoo la tashanaaya Nabadoonmnada, Samadoonnada iyo wax garadka beesha ama jifada wadaagta kursiga.

Shaxda Xulista Ergada

Kursi kasta oo ka mid ah 275ta kursi ee Golaha Shacabka waxa dooranaya 101 ergo, iyadoo la hubinayo in qaybaha kala duwan ee bulshada ay u dhanyihiin. Guud ahaan tirada ergada ka qayb-qaadaneysa doorashada xubnaha Golaha Shacabka 2020/2021 Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya waa 27,775 ergey, iyadoo kuraasta Somaliland ay yihiin ergo wadaag.

Xogta iyo War-galinta Beelaha.

Guddiga Maamulka Doorashooyinka ee Heer Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka waxay ku war-galiyaan duubabka dhaqanka inay soo xulaan guddiga xulista ergooyinka.

Waxaana la siinayaa:

  • Foomka Guddiga Soo Xulista ergada, si ay u buuxiyaan una saxiixaan

Kadib marka ay duubabku soo gudbiyaan liiska guddiga soo xulista ergada, waxaa guddiga xulista la siinayaa:-

  • Qoraal tilmaamaya shuruudaha ergada laga rabo
  • Foomka Liiska Ergooyinka

Guddiga Xulista Ergooyinka waxay soo gudbinayaan liiska ergada kursi kasta ee loo qoondeeyay beesha/jifada, iyagoo adeegsanaya foomka diiwaangalinta ergada oo ay soo wada saxiixeen guddiga xulista ergada kursigaas, kaasoo caddeynaya qoondada haweenka, qaybaha bulshada ee ka qayb noqonaya ergada.

Guddiga Maamulaya doorashada heer Maamul goboleed ayaa ka qaadaya laba sawir oo teesare ah xubin kasta oo ergada ka mid ah.

Shuruudaha Ergayga: 

Xulashada qofka ka mid noqonaya ergada-doorashada waxaa saldhig u noqonaya shuruudahan soo socda:

  1. In uu yahay Soomaali, kana tirsanyahay beesha/jifada kursiga iska leh
  2. In da’diisu aanay ka yareyn 18 sano
  3. In miyirkiisu dhanyahay, awoodna u leeyahay in uu codeyn karo.
  4. In uu fahamsanyahay masuuliyadda doorashada.
  5. in uusan ahayn musharrax u taagan labada aqal midkoodna.
  6. Inaysan maxkamadi ku ridin xukun ciqaabeed kama dambeys ah shantii sano ee ugu dambeysay, kaas oo lagu mutaysanayo xabsi. 7. In uusan hayn xil siyaasadeed waqtiga doorashada
  7. In uusan xiriir la lahayn kooxaha argagixisada.

Matalaadda Bulshada:

Ergada u codeyneysa kursi walba waa in ay ka koobnaataa qaybaha kala duwan ee bulshada beesha ama jifada kursiga leh, sida haweenka, dhallinyarada, ganacsatada, culuma’udiinka iwm.

  1. Haweenku waa in ay ka koobnaadaan ugu yaraan 30% wadarta Ergada (31 ergay).
  2. Dhallinyaradu waa in ay noqdaan ugu yaraan 20% ee wadarta guud ee ergooyinka (20 ergay).
  3. Ergada inteeda kale waxay noqonayaan qaybaha kala duwan ee bulshada.

Deegaannada Ergada Laga Diiwaan-galinayo.

Foomka diiwan-galinta ergada waa inay ka muuqataa magaca dawlad goboleedka, magaalada doorashadu ka dhacayso, lambarka kursiga, qabiilka, magaca oo afaran, magaca hooyada oo seddaxan, taariikhda dhalashada, goobta dhalashada iyo teleefanka ergayga. Sidoo kale waa in uu ku qoran yahay magacyada, saxiixa, taariikhda, Guddiga Xulista Ergada iyo magacyada, taariikhda, waana in ay ka muuqataa saxiixyada GMDHDX iyo GHDHF.

Hubinta iyo Xaqiijinta Ergada

Marka liisaska ergada ay soo dhamaystiraan guddiga xulidda ergada, waxaa ka dib loo gudbinayaa guddiga maamulaya doorashada heer maamul goboleed (GMDHDX), waa in la hubiyaa, si loo ogaado in isku dheelitirnaan sax ah lagu saleeyay beesha ama jifada kursiga wada leh. Haddii hubintu ay muujiso in ergada aysan soo buuxin shuruudaha erganimada ama heerarka matalaadda ay qaldan yihiin hannaankan soo socda ayaa la marsiinayaa.

Haddii liiska la soo gudbiyey uusan waafaqsaneyn shuruudaha soo xulista ergada., GMDHDX wuxuu ku wargalinayaa Guddiga xulista ergada ee kursiga la dooranayo inay dib-u eegis ku soo sameeyaan 3 maalmood gudohood,

Guddiga Xulista ergada waxay liiska u gudbinayaan guddiga GMDHDX, guddigu wuxuu dib-u-eegayaa oo xaqiijinayaa liisas-ka kahor inta uusan u gudbin GHDHF, si uu u hubiyo adeegsiga saxda ah ee shuruudaha ka mid noqoshada ergada.

Haddii Beel/Jifo ay diido in ay u soo gudbiso magacyada si waafaqsan shuruudaha xulidda ergada loo cayimay, guddiyada GMDHDX iyo GHDHF waa in ay xalliyaan khilaafka soo xulidda ergada. Doorashada kursiga ergadiisa aan la soo gudbin ama aysan sax ahayn ma dhacayso doorashadiisu inta laga gaarayo xal sax ah oo kama dambays ah.

Ka mid ahaanshaha Ergada:

Haddii qof ergay ah uu xubinnimada baneeyo, xaalad deg deg ah awgeed, sida dhismasho, jirro ama dano shaqsi, waxaa badeli kara Guddiga Xulista Ergada, iyagoo kaashanaya Guddiga Maamulka Doorashooyinka ee heer dawlad goboleed muddo laba maalmood, ka dibna waxaa hubinaya GHDHF.

Aqoonsiga Ergayga (ID Card)

Maalinta codeynta, ergada doorashooyinka waxay tagayaan xarunta cod-bixinta, si loo siiyo aqoonsiga codbixiyaha. Guddiga Xulista Ergada kursigaas la dooranayo ayaa xaqiijinaya ergada codeynaysa inay tahay ergadii saxda ahayd.

Shaqaalaha GMDHDX waxay siinayaan aqoonsiga cod-bixiyaha ergay kasta, kaas oo magaciisa ku jiro liiska la xaqiijiyay ee ergada wax dooranaysa.

Kooramka: Si beel/jifo loogu qabato doorasho kursi, ugu yaraan waa in ay soo xaadiraan 80% ergada doorashada oo u dhiganto sideetan iyo kow  (81) ergo, haddii kooramka aanan la buuxin lama qabanayo wax doorasho ah ilaa kooramka kursigaas uu dhameystirmo.

Ergay kasta wuxuu soo bandhigayaa aqoosiga cod-bixiyaha ee la siiyay, mana codeyn karo aqoonsiga cod-bixiyaha la’aantiis. Kursi kasta waxaa guddiga GMDHDX uu soo saarayaa 101 aqoonsi cod-bixiye ah oo kaliya.

Kuraasta Somaliland waxay noqonayaan ergo wadaag. Halkii ergo ee ah 101 waxay dooran karaan 1 ilaa 5 kursi.
Ujeeddada hannaanka diiwan-gelinta musharaxa waa in fursad loo siiyo muwaadiniinta doonaya inay tartarmaan, lagana hubiyo oo keliya inay buuxiyeen shuruudihii musharaxnimada. Hanaanka diiwan-galinta murashaxa wuxuu soconayaa 12 maalmood.

Nidaamka & Goobaha Diiwan-gelinta Musharixiinta.

Musharraxu wuxuu iska diiwaan-gelinayaa deegaan doorashada uu yaalo kursiga uu u  tartamayo, asagoo buuxinaya shuruudaha hoos ku qoran ee Musharixiinta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka.

Shuruudaha Musharixiinta 

  1. In uu yahay muwaadin Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed
  2. Dhimirkiisu u dhan yahay
  3. Da’diisu ka wayn tahay 25 sano
  4. Aan xuquuuqdiisa muwaadinnimo go’aan maxkamadeed lagu hakin shanti (5) sano ee ugu danbeysay.
  5. Uu leeyahay ugu yaraan aqoon dugsi sare ama waayo aragnimo u dhiganta.
  6. In uusan ka tirsanayn ama wax xiiriir ah la lahayn kooxaha argagixisada ah
  7. In uu haysto warqadda danbi la’aanta ee hay’adda danbi baarista (CID) ee dalka.
  8. Saraakiisha/taliyayaasha ciidamada, xubnaha guddiyada madaxa banaan ee Qaranka haddii ay tartamayaan waa in ay is casilaan saddex (3) todobaad ka hor wakhtiga diwaan gelinta musharaxiinta.
  9. Musharax kasta oo u tartamaya Golaha Shacabka waa in uu bixiyaa lacagta diiwan-galinta kuna shubaa xisaabta bankiga ee Guddiga Doorashooyinka.
  10. Lacagta diiwan-galinta Musharaxiinta u tartamaya Golaha Shacabka waxay noqonaysa $10,000, (Toban Kun oo dollar) oo ragga ah iyo  $5,000, (shan Kun oo dollar) oo dumarka ah.
  11. Lacagta diiwan-galinta Musharaxiinta dib looma soo celinayo.

Qoondada Haweenka

Xildhibaanada Golaha Shacabku waa in ay noqdaan ugu yaraan 30% haween, taasoo xaqiijinteeda xil ka saranyahay gudiyada doorashooyinka GMDHDX iyo GHDHF, Odayaasha dhaqanka, Bulshada rayidka iyo Maamul Goboleedka.

  • Beel/Jifo kasta oo seddax kursi leh mid ka mid ah waa in loo asteeyo in ay ku tartamaan haween kaliya.
  • Haddii beeshaasi ay astayn weydo kursi ay ku tartamaan haweenka, waxaa astaynaya Guddiga Maamulka Doorashooyinka ee Heer Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federalka (GMDHDX) iyo Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federal (GHDHF), ayagoo kaashanaya Dowlad Goboleedka uu kursigu yaallo.
  • Kuraasta kale ee dhiman way u furan yihiin inay ku tartamaan haweenku.

Ka Noqoshada Murashaxnimada.

Murashax kasta wuu ka bixi karaa tartanka wakhti kasta, ka hor inta aan la daabicin liiska murashaxnimada ee kama dambeysta ah, isaga oo buuxinaya Foomka Ogeysiinta Dib-uga- noqoshada Murashaxnimada. Haddii murashax uu dhinto kadib diiwangalinta murashaxa, balse wali aysan doorashadu dhicin waxaa xaqiijinaya GMDHDX, waxaana dib loo furayaa diiwaangelinta murashaxnimada haddii uu hal murashax ku soo haro tartanka kursigaas.

Dowladda Soomaaliya oo war kasoo saartay qabsashada Taalibaan ee Afghanistan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa markii u horeysay ka hadashay xaalada ka taagan dalka Afghanistan, taasi oo ay gacan ku haynteeda la wareegtay kooxda Taalibaan.

Wasiiru-dowlaha wasaaradda waxbarashada Soomaaliya, Cabdiraxmaan Jaabiri ayaa sheegay in dhacdada Afghanistan laga baran karo sida ay waxba usoo kordhineyna joogitaanka ciidamo Ajnabi, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu xusay in 20 sano dowladda Afghanistan lagu bixinayay waqti iyo qarash badan, haddana ay ugu dambeyntii u gacan gashay kooxda Taalibaan, oo ay si weyn isku hayeen, taasi oo ku tusineysa in taageerada caalamka ay waxba soo kordhineyn haddii gudaha la isku duubneyn.

“Waxaa ka baraneyna (dhacdada Afghanistan) in joogitaan Ajnabi iyo ciidan Ajnabi marnaba la isku haleyn karin, in shacabka Soomaaliyeed u istaagan inay garab galaan dowladnimadooda, ciidankooda ay dhistaa oo qaraniimadooda ka shaqeeyaan, ayagu isku tashadaan,” ayuu yiir.

“Dadka qalafsan ee nagu dhex-jira ee naga fikir duwan ee marna aan raali laga wada noqon karin in meel looga soo wada jeesto oo aqoon-yahanada Soomaaliyeed ay kasii digaan baaritaana ka sameeyaan arrinta ka dhacday Afganistaan.”

Sidoo kale waxa uu sheegay inay muhiim tahay in shacabka Soomaaliyeed ay dowladooda garab istaagan, isagoona ka digay in dalkeena ay ku imaan karto arrin lamid ah mida Afghanistan, haddii aan laga fikirin oo laga hortagin, sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyntiina waxa uu soo jeediyay in baaritaan lagu sameeyo ciidamada dowladda, si uusan cadowga uga faa’iideysan, islamarkaana ay horseedin in dalkeena uu ka dhaco waxa ka socda Afghanistan.

Hadalka Wasiiru-dowlaha ayaa kusoo aadaya xili si weyn loo hadal hayay waxa dhici kara haddii ciidamada AMISOM ka baxaan Soomaaliya, inkasta oo ay duruufaha ku xeeran labada wadan ay kala gedisan yihiin.

Hoos ka daawo hadalka Wasiiru-dowlaha

Guddoomiyihii Garasbaaleey oo qarax lagu dilay iyo war kasoo baxay Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimaad Online) – Gudoomiyaha deegaanka Garasbaaleey ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa galabta u geeriyooday dhaawac culus oo kasoo gaaray qarax lala eegtay gaari uu saarnaa.

Maxamed Abuukar Afrax AUN ayaa waxa xilliga qaraxa uu haleelay gaariga uu saarna uu marayey waaxda Fooriloow oo dhaxeysa degmada Kaxda iyo deegaanka Garasbaaleey, sida ay dad deegaanka u sheegen Caasimada Online.

Geerida guddoomiyihii Garasbaaleey ayaa waxaa xaqiijiyey mas’uuliyiint ka tirsan maamulka deegaankaas, waxaana soo baxaya in uu jiro dhaawac kale oo ka dhashay qaraxa lala eegtay gaariga marxuum Afrax.

Waxay aheyd markii xilka loo magacaabay Afrax 30-kii bishii May, xiligaas oo uu Guddoomiyaha gobolka Banaadir ku bedelay Guddoomiyihii ka horeeyay oo lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Garyare oo isaga laftigiisa lagu dilay qarax 21-kii May 2011.

Qaraxaas ayaa waxaa sidoo kale ku geeriyooday laba kamid ah ilaaladiisa oo xiliga uu qaraxu haleelay gaarigiisa la socday guddoomiye Garyare Allaha unaxariiste.

Mas’uuliyada qaraxa uu maanta u geeriyooday guddoomiyaha Garasbaaleey ayaa waxaa sheegatay kooxda Al-Shabaab, oo ayadu dagaal adag kula jirta mas’uuliyiinta iyo saraakiisha ciidamada.

Cabsi laga qabo in Shabaab tusaale ka dhigato Taalibaan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qabsashada deg-degta ah ee kooxda Taalibaan ay ku qabsatay dalka Afghanistan ayaa muujineysa walaac ah inay dhiirri-gelin karto kooxaha kale ee maleeshiyaadka ah ee ka dagaallama caalamka, sida Al-Shabaabka Soomaaliya.

Khubaradu waxay ka digayaan in haddii howlgalka caalamiga ah ee jooga Soomaaliya isku dayaan inay amniga ku wareejiyaan dowladda Soomaaliya xilligan, in dunidu arki karto soo noqnoqoshada wixii ka dhacay Afghanistan.

Cabdusalaam Guleed oo ah sarkaal hore oo ka tirsanaa sirdoonka Soomaaliya ayaa sheegay in Soomaaliya ay wajihi karto xaalad la mid ah tan Afghanistan, haddii aysan dowladda Soomaaliya soo afjarin ku tiirsanaanta ciidamada shisheeye.

Guuleed ayaa hadalkan sheegay maalin kaddib markii Warbaahinta taageerta Al-Shabaab ayaa u dabbaaldegtay dhicitaankii dowladda Afghanistaan, wuxuuna sheegay in inkasta oo Al-Shabab aysan lahayn awoodda milatari ee Taalibaan, haddana aanu shaki ku jirin inaysan waxba hor istaagi doonin haddii ay doortaan jidkaas.

Ku xigeenkii hore ee ee Hay’adda Sirdoonka Sooomaaliya, Guuleed, wuxuu intaas ku daray in ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ay hadda gacanta ku hayaan ayna mas’uul ka yihiin amniga inta badan gobollada dalka, iyagoo taageero ka helaya ciidamada nabad-ilaalinta ee AMISOM.

Bishii Abriil, ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya waxay la wareegeen hoggaanka howlgallada, sida lagu qeexay Qorshaha Kala -guurka Soomaaliya oo ay oggolaadeen dowladda iyo Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, AMISOM. Qorshahan ayaa ah istaraatiijiyad ay ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM si tartiib tartiib ah ugu wareejin doonaan mas’uuliyadaha amniga – hay’adaha amniga Soomaaliya kahor bixitaankooda, waxaana qorshahan oo la saxiixay 2018 ku jira dhimista ciidamada shisheeye.

Bishii la soo dhaafay, milateriga ayaa sheegay in ka badan 250 dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabaab lagu dilay howlgallada milateriga Soomaaliya oo aan caawimaad ka helin AMISOM.

Isagoo ka hadlayay wareysi uu siiyay warbaahinta maxalliga ah, la -taliyaha Amniga Qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya, Cabdi Saciid Cali, wuxuu si adag u diiday in la isbarbar dhigo xaaladaha amniga ee Muqdisho iyo Kabul, ama milateriga Soomaaliya oo la barbardhigay ciidamada Afghanistan.

Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Africa ayaa Al-Shabab ka saaray Muqdisho 2011, laakiin kooxda ayaa wali fulisa qaraxyo iyo weerarro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah. Waxay dhowaan ay ku hanjabtay inay carqaladeyn doonto doorashooyinka Soomaaliya ee socda, iyadoo uga digtay ergooyinka qabaa’ilka inaysan ka qayb qaadan howlaha doorashada.

VOA

Sawirro: Cabdicasiis Lafta Gareen oo war la yaab leh ka soo saaray Aqalka Sare

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) oo xalay munaasabad u sameeyey Senataradii lagu doortay magaalada Baydhabo ayaa ka hadlay qaabka ay ku billowdeen doorashooyinka dalka, gaar ahaan tan Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Ugu horreyn Lafta Gareen ayaa dardaaran u jeediyey sideeda Senatar ee Koonfur Galbeed ku metalaya Aqalka Sare, isaga oo ugu baaqay inay ka shaqeeyaan horumarka guud ee dalka, siiba tan deegaanada maamulkaasi, maadaama ay ku metalayaan dowladda dhexe.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Senatarada lasoo doortay ay yihiin kuwa xul ah, isla-markaana leh aqoon durugsan, sidoo kalena isugu jiro dhalinyaro, dadweyn & gabdho.

“Marka aad fiiriso senatarada sida ay kusoo baxeen, sida loo xushay & sida ay hadda yihiin waa xikmad rabbaani ah, ilaahbaa nagu toosiyay, waxa ay ka siman yihiin aqoonta, waxa ay u qaybsan yihiin saddex qaybood oo Bulshada laga rabay oo kala ah dhalinyaro, dadweyn iyo gabdhao” ayuu yiri Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Dhinaca kale Lafta Gareen oo hadalkiisa sii wata ayaa dhaliilay qaabka markii hore loo dhisay Aqalka Sare, wuxuuna shaacaiyey in loo maray si degdeg ah oo aan laga fiirsan.

Madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa xusay inay aheyd in saddex qorshe lagu cabbiro balse middood laguma saleyn, sida uu hadalka u dhigay.

“Dhismaha Aqalka Sare waxaa loo maray si degdeg ah oo aan laga fiirsan, Marka aad fiiriso Aqalka sare waxa uu ka kooban yahay 54-Senatar, waxa uu ahaa in saddex qorshe lagu cabbiro balse middood laguma saleyn, waxaa lagu cabbiray 18-kii Gobol ee Soomaaliya in Gobol weliba uu helo saddex Senator & tan labaad oo ah nidaamka Aqalka Shacabka ee awood qaybsiga 4.5-ta & Dowlad-Goboleedyada oo aan loo simin balse laguma saleyn saddexdaas tallaabo” ayuu hadalkiisa raaciyey Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen).

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo dhaliilo xoogan ka yimaadeen doorashooyinka Golaha Aqalka Sare ee ka billowday maamul goboleedyada, kadib markii inta badan hoggaamiyeyaasha maamullada ay tartan la’aan soo saareen xubno iyaga daacad u ah.

Sawirro: Shirkii afaraad ee culuumta caafimaadka oo maanta ka furmay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkii 4-aad ee Culuumta Caafimaadka oo ay si wadajir ah u wada qabanqaabiyeen Jaamacadda SIMAD iyo Jaamacadda Jamhuuriya ayaa Maanta Ka furmay Magaalada Muqdisho. 

Shirka ayaa waxaa kasoo qeyb galay Wasiir dowlaha wasaarada Waxbarashada Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabiri, Gudoomiyaha Midowga Jaamacadaha Soomaaliyeed ahna Gudoomiyaha Jaamacada SIMAD Daahir Xasan Carab, Gudoomiyaha Jaamacadda Jamhuuriya  Eng Maxamed Axmed Maxamuud, Gudoomiyaha Jaamacada Banaadir Dr Maxamed Maxamuud Bideey, Macallimiin, Cilmibaarayaal. 

Shirka Oo Muddo Laba Maalin ah Muqdisho ka socon doona ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa Arrimaha Caafimaadka Soomaaliya, soo laba kacleynta Covid-19 iyo soo bandhigidda Cilmi baarisyo ay sameeyeen cilmi baarayaal ka tirsan Jaamacadaha SIMAD iyo Jamhuuriya.

Gudoomiye ku xigeenka Cilmi baarista iyo horumarinta Jaamacadda Jamhuuriya ahana Gudomiyah Gudika Qabanqaabada Shirka Qaasim Cabdi Jimcaale oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in labada Maalin ee shirku uu socdo lagu soo bandhigi doono inka badan 20 cilmi baaris oo ay sameeyeen cilmi baarayaal ka tirsan Jaamacadaha SIMAD iyo Jamhuuriya.

Sido kale Shirkan labada maalin socon doona ayaa waxaa daah furay Wasiir dowlaha wasaaradda waxbarashada Cabdiraxmaan Jaabiri, waxa uuna labada Jamaacadood ee SIMAD iyo Jamhuuriya ku amaanay kaalinta ay ka qaadanayaan horumarinta Ardayda iyo Dalka 

Dhinaca kale Gudoomiyaha Midowga Jaamacadaha Soomaaliya ahna Gudoomiyaha Jaamacada SIMAD Daahir Xasan Carab, Gudoomiyaha Jaamacadda Jamhuuriya Eng Maxamed Axmed Maxamuud ayaa ballan qaaday in ay joogteyn doonaan Barnaamijyada ay ku tayey nayaan kuna hormarinayaan Macallimiinta, Cilmibaarayaasha iyo Ardayda Soomaaliyeed 

Ugu dambeyn waxaa la filayaa in Shirka Caafimaadka ee Maanta ka furmay in Maalinta Barrita ah lagu soo gaba gabayndoono.

Joe Biden oo si yaab leh uga hadlay xaaladda Afghanistan, jeediyey hanjabaad cusub

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa difaacay ka bixitaanka ciidamada Mareykanka ee Afghanistan, isaga oo sheegay inuu weli ku adkeysanayo siyaasaddaas, ayna tahay xilligii ay ka tegi lahaayeen dalkaas, 20 sano oo dagaal ah kadib.

“Waxaan ahay madaxweynaha Mareykanka, mas’uuliyaddana anigaa leh,” ayuu yiri Biden oo khudbad aad loo sugayey ka jeediyey Aqalka Cad, kadib maalmo uu ka aamusnaa xaaladda Afghanistan.

Biden ayaa sheegay “inuu si qoto dheer uga murugooday” sida xaaladdu isu beddeshay, wuxuuna ballan-qaaday inuu difaaci doono xuquuqda haweenka Afghanistan, oo hadda wajahaya soo laabashada xukunka Taliban.

Hase yeeshee wuxuu si aan gabasho laheyn ugu adkeystay inuusan ka qoomameeneyn soo saarista ciidamada Mareykanka, inkasta oo si aad ah loogu dhalleeceeyey qaskii ka dhacayey halkaas, maalmihii tegay.

“Waxan si buuxda u taageersanahay go’aankeyga. Kadib 20 sano, si adag ayaan u bartay in marnaba aysan jirin waqti wanaagsan oo lasoo bixiyo ciidamada Mareykanka,” ayuu yiri.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa qirtay in dowladda Afghanistan u burburtay si ka deg deg badan sidii uu filayey – wuxuuna soo jeediyey inaysan laheyn rabitaan ay kaga hortaagan Taliban. 

“Runta ayaa ah inay u kala fururmeen si ka dhaqso badan sida aan fileynay,” ayuu yiri.

“Waxaan siinay fursado badan oo ay go’aan uga garaan mustaqbalkooda. Hase yeeshee ma aynan siin karin rabitaanka ay ugu dagaalamaan mustaqbalkooda.”

Biden ayaa ugu dambeyn diginin culus ugu jeediyey Taliban inaysan arbushin ama aysan halis gelin daad-gureynta kumanaanka qof ee isugu jira diblomaasiyiinta Mareykanka iyo tarjumaanadooda reer Afghanistan ee ku sugan garoonka diyaaradaha Kabul.

“Waxaan dadkeena ku difaaci doonnaa awood xoog badan haddii loo baahdo,” ayuu yiri Biden. 

Rooble oo saddex qodob ka dalbaday dowladda Masar

Qaahira (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdiga ku wehelinaya booqashada uu ku joogo dalka Masar ayaa kulan laba geesood ah la qaatay Ra’iisul Wasaaraha dalkaas iyo xubno ka tirsan Golahiisa Wasiirrada.

Rooble iyo wafdigiisa ayaa kala hadlay Ra’iisul Wasaare Mustafa Madbuuli oo ay wehelinayeen Wasiirrada Waxbarashada iyo Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Masar Saddex qodob oo muhiim ah oo kala ah:

1- Sidii kor loogu qaadi lahaa doorka ay ku leeyihiin dalkaasi waxbarashada Soomaaliya iyo sidii loo kordhin lahaa deeqaha waxbarashada ay siiyaan ardayda Soomaaliyeed.
2- Fududeynta socdaalka dadka Soomaaliyeed ay ku tagaan dalka Masar.
3- Fududeynta ganacsiga labada dal iyo maalgashiga Masar ee Soomaaliya.

Labada dhinac waxa ay iska xogwareysteen muhiimadda xiriirka walaaltinimo ee dhaxeeya labada dal, iyadoo Ra’iisul Wasaare Mustafa Madbuuli uu bogaadiyey Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo hoggaaminta Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ee arrimaha doorashooyinka dalka.

Booqashada rasmiga ah ee Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ay ku joogaan dalka Masar ayaa qaadanaysa muddo 3 maalmood ah, taas oo kulamo kala duwan uu la qaadanayo madaxda iyo masuuliyiinta ugu sarreysa dalkaas.

Safarka Rooble waxaa ku wehliya Wasiirka arrimaha Dibada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamed, Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Mudane Cabdullaahi Abuukar Xaaji, iyo masuuliyiin katirsan goleyaasha Dowladda.

Xog: Madaxweyne Qoor Qoor oo iska wareejiyey bixinta kursiga Xaaf iyo Qeybdiid

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo kala duwan ayaa Caasimada Online u sheegay in Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye uu iska wareejiyay go’aanka kursiga Beesha Sacad ee Aqalka Sare, oo loolan xooggan uu ka taagan yahay.

Kursigan ayaa waxaa u taagan Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, waana mid ka mid ah kuraasta ugu loolanka adag Aqalka Sare.

Wararka aan ka helayno Dhuusamareeb ayaa sheegaya in Madaxweynihii hore ee Galmudug Xaaf uu u sheegay Qoor Qoor in aan magaciisa laga reebi karin tartanka Aqalka Sare, waxayna taasi sababtay in Madaxweyne Qoor qQoor uu odayaasha beesha Sacad iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ka dalbaday in lakala saaro labadaan masuul.

“Waxaa jiri doono shir ay yeelan doonaan odoyaasha iyo siyaasiinta beesha Sacad, waxaana filaynaa in uu ka qeybgeli doono Rooble waxaana filaynaa in halkaas go’aan looga gaaro kursiga,” ayuu yiri Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Galmudug.

“Shaki kuma jiro in Qeybdiid heli doono kursigaan laakiin Xaaf waa lagu qasbanyahay in la qanciyo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xildhibaankaan katirsan Baarlamaanka Galmudug islamarkaana la hadlay Caasimada Online.

Qoor Qoor ayey si aad isugu dhow yihiin Qeybdiid, waxaana lagu warramaya inuu la doonayo kursiga, hase yeeshee sidoo kale uu ka walaacsan yahay rabashado ka dhaca Galmudug, haddii kursiga laga reebo Xaaf ayada oo aan la qancin.

Laba kamid ah kuraasta Xubnaha Aqalka Sare ee Galmudug ku matalaya Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa harsan waxaana ku horgudban caqabado badan. Kuraasta harsan ayaa waxaa iskaleh beelaha Sacad Habar-gidir iyo Beesha Mareexaan waxayna labadaan kursi loo hakiyay khilaaf ka jira beelaha dhaxdooda.

Jeneraal Zakiya: Casharadii aan ka dhaxlay hoggaaminta ragga Soomaliyeed – Maqaal

Manta waa sanad guuradii 3aad tan iyo markii la ii magacaabay Taliye-Xigeenka Ciidanka Boliiska Soomaliyeed. Wallow xusida malinta sanadguurada ay madaxda waxqabadkooda soo bandhigaan waxaan go’aansaday in qaab ka duwan aan ku xuso sanad guuradeyda oo idinla wadaago dhibka uu leeyahay xilka. In wax qabadkeyga idiin soo bandhigo wax micno ah ay yeeleeyso ma jirto waayo xisaabta saxda ah waa maalinta qiyaamo oo ma ahan dokumentari aan isku soo jarjaray iskuna faaniyay. Qoraalkaan aan idinla wadaagay igama ahan niyad jebin balse waxaa rabaa in aan taabto xaqiiqad jirta (reality) si gabar walba oo dooneeyso in hey’ad iyo bey’ad ay ragg u badanyihiin madax ka noqoto ay isku tashato kana tashato qaar ka mid ah caqabadaha aan la kulmay.

1) Ku tasho Doqon walba inuu ku daan-daansado; Dhaqankeena suuban waxuu qoraa in gabdhahu ixtiraam gaar ah la siiyo, in la gardareesanin weliba hadii ay kuu gafto aanan gar u qabsanin kana aargoosan. Balse xil hadaa haysid qodobkaan kuma quseeyo waxaase ku tashataa in doqon walba ku daan-daansado, isku kaa kibriyo iskuna dayo in niyada kaa dilo. Raggeenu weli uma tababarna inay qof dumar ah ka amar qaataan ama goob shaqo ku maamusho, sidaa darteed waxaa lagaa rabaa inaad u heshid farsamo xikmad ku dhisan oo aad ku maareeysid. Hadaa sideeyda oo kale aad walaal, wehel iyo waalid dalka kuu joogin, ku tasho cadaadis dheeri ah iyo dagaal culus oo weliba kuu sii dheertahay in aanan heysanin qof culeyskaas kula qaada. Adkeeysi xoogan yeelo!

2) Dumarka u hiili lkn haka filanin hiil

Markaad tahay gabarta xilka ugu sareeysa haayso waxaa waajib gaar ah kaa saaran u hiilinta gabdhaha adiga kaa hooseeya balse lahayn awoodaada. Waxaa lagaa rabaa in waxeey dhihi karin u dhahdid, waxeeysa gaari karin gaarsiisid qofkii u gafana ka qabatid. Laakiin marnaba ha filanin in wax garab ah laguugu abaal-mariyo, bal waxeey u badantahay cadowtinamada ugu badan inaay kaaga imaata dhanka dumarka gaar ahaan kuwa aad si gaar ah madax u tahay. Ku tasho in weerarka laguuga soo qaadi doona inuu ka duwnaan doona kan lagu qaado ragga dhigahaaga ah waayo markii la rabo in nin madax ah la caayo waxeey u badantahay in lagu tilmaamo qabyaaliste, beenloow ama masuqmaasuq balse markaad tahay gabar madax ah si walba aad isku dhowrtid wax aanan ahayn sharaftaada lama abaaraayo. Ku tasho in eriyo anshax xun iyo sumcad dil ah laguu isticmaali doona, hadaa xitaa shahaado PhD wadatid waxaa lagu leeyahay waxeey xilka ku heshay tumasho. Waxaase ogaataa qof walba waxuu asiga yahay ayuu dadka kale ka dhax arkaa ee haka caroonin hana ka aarsanin kaliya ku kalsoonoow kartidaada waajibaadkaadana gudo.

3) Ku Xigeenimadu waa qud-basiro ee xilkaaga qiimo u yeel.

Ciidamadu weey xeer adagyihiin oo sideedaba taliye xigeen kama weyno kaaliye taliyaha guud. Balse xilku waa magac, sida aad adiga ugu awood yeeshid ayaa u awood yeelanee. Markaad tahay gabar u taliso ragg badan hadana xilkaaga awoodiisa uu xakameeyay xeerka aad ku shaqeeysaan waxaa u baahantahay inaad ku dadaashid sidaad awood ugu sameyn lahayd. Raggu markeey awood doon yihiin xoog ayee isku sheegtaan balse gabdhaha waxaa laga rabaa inay xikmad la imaadaan. Inkastoo xilalka ugu sareeya dowlada lagu qeybiyay hab qabiil hadana hadaa gabar tahay ha ku tashanin qaab qabiil inaad awood ugu yeeshid xilkaagu waayo awalbeey raggu ku maahmaheen “naag qabiil ma laha”. Waxaa raadisaa xirfad aad ooga fiicantahay ragga dhigahaaga ah xirfadaas xoojiso kuna xooji xilkaaga. Tusaale ahaan Taliska Ciidanka Boliiska waxaa ugu sareeyo 3 xubnood 2 ay ragg yihiin. Taliyaashaas ragga ah wey isku xoojin karaan qaab qabiil waayo mid waxuu abti u yahay Madaxweyna halka midka kale ina adeerkiisa uu yahay Ra’isul-Wasaaraha dalka. Anigu fursadaas ma haysto sidaa darteed intaan iskugu haleeyn lahaa qab qabiil waxaa ka doorbiday qab qaran in aan sumcad ka raadsado waxaana xooga saaray kasbashada bulshada aan dartood u dhaartay waana sababta maanta la dhihi karo in aan ka mid ahay taliyasha dhanka siyaasada iyo bulshada ugu saameynta badan. Wallow aanan haysanin xitaa awood aan askari istaaf ah soo badasho hadana farsamada aan ciyaaray waa sababta ugu weyn oo iga hor istaagtay in ragga qaar weerar cad igu soo qaadan halka qaarkood xitaa la dhihi karo inay iiga baqaan. Xoogu waa caqli ragguyee, gabaryaheey xikmada iyo caqligaaga saliimka ah ku tasho!

4) Siyaasadu waa dhiiqo intaa iska dhowri kartid iska dhowr

Siyaasada Soomaliya waa mid 95% ay isku haystaan ragg waxa ay isku haystaan 100% ay tahay “aniga kaa xiniyo weyn” iyo “anigaa kaa mudan”. Sidaa darteed hadaa tahay gabar xil sare hayso ogoow 95% dagaalaha socdo inaysan ku quseyn waxaana kaliya xooga saartaa waajibka kaa saaran qaranka inaad dhowrtid. Waayo garoon ay ragg isku garacaayaan gabar gar ma ka gasho tan ku dhax dhacdana guul kama gaarto gurmadna ka heli mayso. Ku ekaaw waajibaadkaaga; hadaa si hoose u xalin kartid qilaafka markaas taagan xalkeeda gal laakiin sida ragga dhigahaaga ah ha isku moodin inaad garoonka kubada garsoore ka noqon kartid.

5) Qalad walba aad gashid waxaad u qoonsan doontaa gabdhaha kaa dambeya ee fejignoow

Hadaad tahay gabartii ugu horeeysay, middii sadaxaad ama middii boqolaad oo xil qabato ogoow qalad walba aad gashid inaysan adiga kugu koobneen oo lagu qiimeeyn doona hoggaaminta dumarka Soomaliyeed oo dhan. Sidaa darted iska ilaali inaad qalad gashid gaar ahaan qaladaadka ay galaan ragga dhigahaaga ah. Suaalaha ugu badan oo la i weydiyo waxaa ka mid ah sababta aanan weli u yeelan goof, guri ama hanti ma guurta ah madaamo ragga dhigaheyga ah iyo kuwa iga hooseeyo ay sameysteen. Wallow aan la kaftamo oo aan dhaho guriga iyo hantida sheegeysiin waxaa laga rabaa ninka doonaayo in faciisa ugu booteeyo in gabar jeneraalad ah ayaa ka soo ag-kacay hadana xaqiiqada waxa weeye in aan aad iskaga ilaalinaayo gabar taliye ah oo musuq-maasuq cagaha la gashay. Gabdhaha waxaa lagu tilmaamaa inay ka daacadsanyihiin ragga kana maamul fiicanyihiin; hadaan manta xilkeyga u adeegsado sidaan u yeelan lahaa hanti soo kama shaqeeynin in gabdhaha dib dambe lagu tilmaamin daacadnimo? Jiilalka soo socda waxeey naga mudanyihiin sunno iyo taariikh fiican in aan ugu tagno. Ogoow markaa tahay gabar madax ah in sharuudaha (criteria) laguuga qiimeenaaya inay ka duwanyihiin kana adagyihiin kuwa lagu qiimeeyo ragga dhigahaaga ah. Ma ahan wax xaqq ah balse waa xaqiiqada jirto oo loo baahanyahay inaad xalkeeda hesho.

Ugu dambeyn, hadaa nahay Soomali waxaa moodaa in xilka uu yahay wax lagu xaragoodo. Haku sirmin gaariga bullet-proofka ah aad wadatid, am ciidan iyo shaqaale kaa daba ordaaya ama ragg waaweyn oo ku soo wacanaaya ama dhalinta masuwaro kula galaaya. Waxaas oo dhan waa dhalanteed oo halaagay ragg iyo dumar badan oo kaa horeeyay kaana dambeyn doona. Imisaa ayaa sanadihii la soo dhaafay awood xoogan baladka kulahaa mantana kuwii shalay ay yasaayeen baryaaya? Xilku waa xabsi aduunyo iyo xisaab aakhiro; ama sidii Nelson Mandela xabsigaaga guul ugu badalo ama sidii Saddam Xussein ku dhax dhimo. Waa sidaa adiga xikmada u adeegsatid.

FG; Mandela iyo Saddam diintooda kama hadlin kaliya hoggamintooda kala duwan ayaan tusaale ahaan u soo qaaday ee qiblada yeeysan kaa wareerin….

W/Q: Jeneral Zakiya Xuseen

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Wararkii ugu dambeeyey khaaaraha dabeylihii maanta ku dhufay xeebaha Jubaland

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose aya sheegaya in saacadihii la soo dhaafay xeebaha gobolkaas ay ku dhufteen dabeylo xoogan  oo sababay khasaare isugu jiro dhimasho & burbur hantiyeed, sida ay shaacisay Jubbaland.

Dadka dhintay ayaa ahaa kalluumeysato, waxana la qalibmay doomihii ay saarnaayeen, halka uu buurbur xoog leh soo gaaray guryo ku agdhowaa xeebta magaalada Kismaayo.

Wasiirka wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyraadka badda ee Jubbaland, Mudane Cabaas Cali Ibraahin oo ka warbixiyey khasaaraha ka dhashay dabeylahaasi ayaa sheegay inay qalibmeen 11 doomood, kuwaas oo sababay dhimashada illaa 5 qof oo kalluumeysato ah.

Sidoo kale wasiirka ayaa xusay in dabeyluhu ay burburiyeen guryo ay daganaayeen dad shacab ah oo ku yaalla xaafadda Calaley oo ku taalla dhinaca xeebta ee magaaladaasi.

“Waxaa aad u kacsanaa badda, khasaarooyin lixaad leh ayaa ka dhashay guud ahaan waxaa ku rogmaday 11 doon oo ay bad-baadeen dadkii la socday, keliya waxaa ku dhintay 5-ruux, guryaha ku yaalla Calaley waxaa dumisay dabeysha” ayuu yiri Wasiir Cabaas.

Ugu dambeyn wasiirka kalluumeysiga iyo kheyraadka badda Jubbaland, ayaa ugu baaqay kalluumeysatada iyo dadka degan hareeraha badda inay muujiyaan feejignaan dheeri ah, ayna ka fogaadaan xeebta xilliyada dabeylaha, si loo yareeyo khasaaraha ka dhasha.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi kusii daraya in haatan uu  wal-wal xoogan soo wajahay kalluumeysatada oo xilligan wajahaya khatar uga imaaneysa dabeylaha badda.

Si kastaba, sanad marka la gaaro waqtiga Xagaayga oo haatan lagu jiro ayaa waxaa xeebaha Soomaaliya ka billowda dabeylo xoogan oo sababa khasaare kala duwan.

Taalibaan oo cafis u fidisay saraakiisha AFGHANISTAN

Kabul (Caasimada Online) – Kooxda Taalibaan ee sida buuxda ula wareegtay gacan ku heynta Afghanistan ayaa ku dhowaaqday cafis guud oo loo fidiyey mas’uuliyiintii dalkaasi.

Bayaan kasoo baxay hoggaanka Taalibaan ayaa waxaa lagu sheegay in cafis loo fidiyey saraakiishii iyo mas’uuliyiintii la shaqeynayey madaxweynihii cararay ee Ashraf Ghani.

Sidoo kale kooxda ayaa ku boorisay saraakiishaas inay dib ugu laabtaan shaqooyinkooda, iyaga oo qaba kalsooni buuxda, sida lagu sheegay bayaanka.

“Cafis guud ayaa loo fidiyay dhammaan, marka waa inaad dib u bilowdaa nolol maal-meedkaaga si weliba ay kalsooni buuxda ku jirta,” ayey qortay wakaaladda caanka ee wararka AFP, iyada oo sidoo kale oo xiganaysa bayaanka kasoo baxay kooxda Taalibaan.

Go’aankan ka soo baxay Taalibaan oo muddo 20 sano ah dagaal ka waday Afghanistan ayaa dad badan la yaab ku noqday, weliba sida ay u wada shaqeyn karaan mas’uuliyiintii iyo saraakiishii ciidamada dowladda ee ay dagaallamayeen muddadaasi aadka u fog.

Sidoo kale Taalibaan ayaa waxaa lagu xasuustaa inay caan ku aheyd fulinta dilalka ciqaabta ee arxan darradaah, iyada oo horey loogu eedeeyay inay geysatay dambiyo dagaal.

Si kastaba, tan iyo markii Taalibaan gudaha u gashay Kabul waxaa sii kordhayey cabsida dadkii la shaqeeynayey dowladdii dalkaas iyo ciidanka Mareykanka, waxaana jira boqolaal qof oo laga daad gureeyey garoonka diyaaradaha ee Hanid Karzai oo ku yaalla caasimada.

Ma la aamini karaa JANAN, muxuuse damacsan yahay?

0

Wasiirkii hore ee amniga Maamulka Jubbaland Cabdirashiid Janan oo dhawaan heshiis la galay dowladda federaalka, gaar ahaan garabka Farmaajo ayaa mar kale dib uga gurtay heshiiska, wuxuuna ku biiray mucaaradka ka soo hor jeeda Farmaajo ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Sida aan xogta ku helnay Janan ayaa lasoo xiriiray xubno mucaaradka ka tirsan, gaar ahaan hoggaanka xisbiga Wadajir iyo siyaasiyiin kale, wuxuuna sheegay inuu dareemayo cadaadis, cabsi, ku takrifal iyo ballan ka baxyo, isla markaasna uu doonayo inuu kasoo baxo dhanka Farmaajo.

Janan wuxuu daganaa guryo kasoo horjeedo xarunta Nabadsugidda iyo sirdoonka qaranka, sida uu ka sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Hotel Jazeera ee magaalada Muqdisho.

Waxaa la sheegay in loo diray gaadiid dagaal oo kasoo bixiyey gurigii uu daganaa, waxaana loosoo wareejiyey qeybta ay magaalada Muqdisho ka dagan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka ah, taas oo ah goob aad loo ilaaliyo.

Shir jaraa’id oo magaalada Muqdisho uu ku qabtay ayuu Janan isku dayey inuu uga leex-leexdo xaqiiqada jirta, isagoo ka dhigay in uusan dagaal uga soo wareegin dhanka Farmaajo, laakiin haddii ay nabad jirto isagoo dhinaca Farmaajo jooga ayuu ku dhawaaqi lahaa inuu yahay musharax u taagan xilka kursiga xildhibaan ee beeshiisa.

Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa la sheegay inuu soo dhaweyn wanaagsan u sameeyey, waxaana la dajiyey xarunta xisbiga Wadajir, halkaas oo deegaan u ah xilligaan la joogo.

Cilaaqaad ay kooxda Farmaajo lasoo sameysay si uu dib ugu laabto halkii uu daganaa oo laba maalin socday ayaa lagu guul-dareystay, sida ay xaqiijiyeen illo muhiim ah.

Muxuu tabanayaa Janan?

Cabdirashiid Janan waxaa lasoo wariyey in ballamihii looga baxay, wuxuu u sheegay dad uu la kulmay in loo ballan-qaaday inuu noqdo Xildhibaan, balse wuxuu ku dooday in ugu dambeyn Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ay ballantii uga baxeen.

Waxay kaloo dad aad ugu dhow sheegeen inuu jiray ballan-qaad lacageed markii uu isku soo dhiibay dowladda federaalka, taasna waa looga baxay, sida ay xaqiijineyso xogtaan.

Hadda Cabdirashiid Janan wuxuu Muqdisho kaga dhawaaqay inuu yahay musharax xildhibaan, waxuuna u hanqal-taagayaa kursiga tirsigiisu yahay HOP116, kaas oo afartii sano ee lasoo dhaafay uu ku fadhiyey Xildhibaan Cabdulqaadir Aadan Nuur.

Janan wuxuu u sheegay xubno uu la kulmay inuu ka dalbaday kooxda Farmaajo inuu aado Gobolka Gedo si uu usoo xaliyo xiisado ciidanka dhexdooda ah oo ka jira Gobolka, laakiin garabka Farmaajo oo aad uga shakisan in Janan qorshihiisa bedelo markii uu gobolka Gedo ayaa ka diiday in loo fasaxo safarkaas.

Saraakiil ciidankiisa ka tirsan oo Muqdisho ku sugnaa oo uu Gedo u diray ayaa iygana Muqdisho lagu xiray oo loo diiday inay baxaan.

Janan arrimahaas is biirsaday waxay ku qasbeen inuu usoo ruqaansado dhanka mucaaradka, laakiin wuxuu jeediyey kalmado maldahan oo uu ku fududeysanayo geedigiisa cusub.

Hadda muxuu u baahan yahay Janan?

Cabdirashiid Janan waxaa la sheegay inuu rabo inuu aado Gobolka Gedo oo la fasaxo, waxaa arrintaas la gaarsiiyey Ra’isul wasaare Rooble, maadaama uu isaga sheegay inaan qofna laga celin karin halka uu u socdo oo aan laga hor istaagi karin inuu ka duulo garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Hadda way adag tahay in kooxda Farmaajo ay weerarto halka uu dagan yahay Janan oo ay soo qabtaan, arrintaan Xamar waa ka dhammaatay wixii ka dambeeyey dagaalkii 25-kii April, xilligaas oo dib looga saaray magaalada ciidankii xoogga ku soo galay ee Badbaado Qaran.

Ra’isul wasaare Rooble ayaa hadda la sheegay inuu ku maqan yahay xalka safarka Cabdirashiid Janan ee gobolka Gedo, lamana yaqaano sida ay arrintaan ku aqbali karto kooxda Farmaajo .

Ujeedka xisbiga Wadajir ee marti-gelinta Cabdirashiid Janan

Xisbiga Wadajir ee uu hoggaamiye Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame waxaa la sheegay in siyaasad gooni ah aysan ka laheyn marti-gelinta Janan, laakiin uu isagu u arkay cidda uu isku aamini karo, waxay gudanayaan waajibaadka marti-gelinta siyaasadeed.

Kooxda Farmaajo oo culeys badan saareysa kuraasta taalla gobolka Gedo waxay u muuqdaan kuwa aaminsan in Janan uu ka hor imaan doono, haddii uu ku laabto Gobolka, lamana yaqaano sida ay hadda ku hor istaagi karaan socdaalka uu qorsheenayo inuu ku aado gobolka Gedo.

Janan oo kamid noqday musasalka siyaasadeed ee Soomaaliya, waa siyaasi shacab iyo ciidanba ku heysta gobolka Gedo, haddii isaga iyo Farmaajo oo kala aragti ah la guda galo doorashada ka dhaceysa magaalada Garbahaarey, waxay u badan tahay inay halis gali doonto 16-ka kursi ee Farmaajo ku xisaabtamayo ee taalla magaaladaas.

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Weerar lagu beegsaday dad shacab ahaa oo ka dhacay HIIRAAN + Khasaaraha

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar dil iyo dhaawac loogu geystay dad shacab ahaa, kaas oo xalay ka dhacay deegaanka Bacda oo hoostaga degmada Matabaan oo ka torsan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa fuliyey dabley hubeysan, kuwaas oo rasaas ku furay dad rayid ah oo ku sugnaa halkaasi, waxaana soo gaaray dhimasho iyo dhaawac.

Ugu yaraan labo qof ayaa ku dhintay weerarkan, halka ay ku dhaawacmeen afar qof oo kale, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Labada qof ee geeriyootay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray, Gallad Xasan Siyaad iyo Raxma Xiirey, kuwaas oo si weyn looga yaqaanay duleedka degmada Matabaan.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in dhacdadan ay daba socoto xiisad salka ku heyso aano Qabiil oo weli ka taagan qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka gobolka iyo dowlad goboleedka HirShabelle oo ku aadan weerarkaasi lagu beegsaday dadka shacabka ah.

Xaaladda ayaa saaka deggan, waxaana deegaanka ay mashaqadu ka dhacday gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo billaabay howl-gallo lagu baadi goobayo kooxihii ka dambeeyey falkaasi oo goobta isaga baxsaday, kadib markii ay fuliyeen weerarkaasi..

Hiiraan oo dhaca bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa inta badan kusoo laa laabta dagaal beeleedyada, kuwaas oo uu khasaaraha ugu badan uu kasoo gaaro dadka shacabka ah.

Wararkii ugu dambeeyey ee Afghanistan iyo Mareykanka oo qaaday tallaabo ay Kabul…

0

Kabul (Caasimada Online) – Millateriga Mareykanka ayaa si deg deg ah u joojiyey daad-gureyntii ciidamada iyo diblumaasiyiintiisa ku sugan caasimada Afghanistan ee Kabul, kadib markii ay kumanaan qof oo rayid ah soo buux dhaafiyeen garoonka diyaaradaha ee caasimadda.

Sida ay ku warameyso wakaalada Reuters, kumanaan qof oo rayid ah oo quus ka taagan inay ka qaxaan Afghanistan ayaa xiligaan hakad geliyay duulimaadyadii daad-gureynta ee ay wadeen millateriga Mareykanka.

Rabshadaha ka dhashay arrintaas, ayaa waxaa lagu soo waramayaa inay ku dhinteen shan qof, kadib markii ay dadka ku soo aruuray garoonka diyaaradaha ay si qasab ah u wada qabsadeen diyaarad kamid ah kuwa millateriga Mareykanka oo xiligaas ku socotay runway-ga ay diyaaradauhu ku ordaan.

Ilaa hadda ma cadda sida ay shanta qof ugu dhinteen gegada diyaaradaha, hase yeeshe Sarkaal Mareykan ah ayaa sheegay in ciidamadu ay cirka u rideen rasaas si ay uga hortagaan dadka isku dayay inay xoog ku galaan diyaarad militari oo diblomaasiyiinta iyo shaqaalaha safaaradda Mareykanka ka saaraysay magaalada. Lama kala oga inay ku dhinteen rasaastas iyo inkale.

Weriye ka tirsan Al-Jazeera oo ku sugan Kabul ayaa soo sheegaya in Taliban ay dadka qulqulaya ka hor istaageyso inay u gudbaan dhanka garoonka diyaaradaha, isla markaana ay ridayaan rasaas digniin ah, si looga fogaado aagga garoonka.

Tan iyo markii ay ciidamada Taliban gudaha u soo galeen caasimada Kabul ayaa waxa Garoonka diyaaradaha maamulayey ciidamada Mareykanka, oo isku dayaya inay si nabdoon magaalada ugala soo baxaan muwaadiniintooda, shaqaalaha diblomaasiyadeed iyo Afgaaniyiinta la shaqeeynayeey intii ay ku suganaayeen dalkaas.

Dagaalyahannada Taliban ee guuleystay ayaa Isniintii maanta roondo ku dhex-maraayey waddooyinka magaalada Kabul, shacabkuna waxay isku buurteen dhanka garoonka, si ay xukunka kooxdaan uga baxsadaan.

Duulimaadyada daad-gureynta ee ay wadeen ciidamada Mareykanka ayaa gebi ahaanba xiligaan istaagtay, waxayna hakad sii ahaan doonaan illaa inta gudaha garoonka laga nadiifinayo dadka usoo gudbay, sida uu sheegay Sarkaal sare oo la hadlay wakaalada Reuters.

Sida uu baahiyey Telefishinka dowladda Turkiga ee TRT waxaa maanta Kabul ka degtay diyaaradda  Turkish Airlines, waxayna halkaas ka qaaday 324 qof oo sigu jira diblomaasiyiintii ka joogtay Afghanistan iyo dad u dhashay dalkaas oo rayid u badan.

Waxaa hore u istaagay duulimaadyadii ganacsiga, waxaana magaalada xiliyada qaar laga maqlayaa rasaas goos goos ah. Shacab badan oo reer Afghanistan ah ayaa ka cararaya dalka, ayaga oo qaarkood ka cabsi qaba xukunka Taliban.

Ra’iisul wasaaraha UK Boris Johnson oo qadka Talefoonka kula xariiray madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa u sheegay inuu damacsan yahay inuu martigeliyo maalmaha soo socda kulan heer sare ah oo hogaamiyaasha G7 ay ka yeeshaan xaaladda Afghanistan.

Sida ay shaacisay wasaaradda arrimaha dibedda Ruushka, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Ruushka Sergei Lavrov iyo Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa khadka taleefanka kaga wadahadlay xaaladda Afghanistan waxayna ku heshiiyeen inay sii wadaan wadatashiyada ay xaalada dalkaas kala yeelanayaan Shiinaha, Pakistan iyo Qaramada Midoobey.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa ku baaqay in deg deg dalkaas Afgaanistan loogu dhiso dowlad midaysan oo loo dhanyahay, goluhu wuxuu kaloo ku baaqay in la bilaabo wadaxaajood iyo in laga fogaado gabood fallo bini’aadanimo.

Madaxweynihii Afghanistan Ashraf Ghani ayaa Axadii ka cararay dalkaas, wuxuuna sheegay inuu u baxsaday “si looga hortago dhiig daata,” ayada oo Taliban ay si rasmi ah u galeen madaxtooyada dalka ee ku taalla magaalada caasimadda ah ee Kabul.

Ghani ayaa sheegay inay la noqotay “in muwaadiniin badan ay shahiidi lahaayeen, islamarkaana Kabul la burburin lahaa,” haddii uu sii joogi lahaa.

“Taliban waa ay guuleysteen, waxayna hadda mas’uul ka yihiin sharafta, hantida iyo dhowridda walaalahood,” ayuu Ghani ku yiri bayaan uu soo dhigay faecbook.

“Waxay iminka wajahayaan tijaabo kale oo taariikhi ah. Ama waxay joogteyn doonaan magaca iyo sharafta Afghanistan, ama waxay ahmiyad siin doonaan meelo kale iyo shabakado,” ayuu yiri.

Madaxweyne Ashraf Ghani ma uusan shaacin halka uu u cararay, hase yeeshee warbaahinta ugu weyn Afghanistan ee Tolo ayaa sheegtay inuu aaday dalka Tajikistan.

Daawo: Rooble oo lagu soo dhoweeyey Qaahira iyo war laga soo saaray safarkiisa

0

Qahira (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar, kadib markii uu saakay ka duulay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey Garoonka Qaahira International dhiggiisa dalkaas Mustafa Madbuuli iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Masar.

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo wafdigiisa ayaa ku tagay dalka Masar booqasho rasmi ah oo ku saleysan xoojinta xiriirka soo jireenka ah iyo iskaashiga labada dale e Masar iyo Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa casuumaad rasmi ah ka helay madaxweynaha dalka Masar Cabdulfitaax Al-sisi, waxayna labada dhinac yeelan doonaan kulammo ay uga wadaxaajoo doonaan arrimaha khuseeya xiriirka labada dal.

Ra’iisul Wasaare Rooble waxaa safarkaan ku wehlinaya wasiirka arrimaha dibadda Maxamed Cabdirisaaq, wasiirka waxbarashada, Cabdullaahi Abuukar Xaaji iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan goleyaasha dowladda.

Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha ee dalka Masar ayaa qaadan doona mudo laba cisho ah, waxaana ka warbixiyay safiirka Masar ee Soomaaliya Ilyaas Cumar Abuukabar.

Hoos ka daawo sida Qahira loogu soo dhaweeyey wafdiga Rooble

Waa kuwee lixda hogaamiye ee ugu muhiimsan Taliban?

Kabul (Caasimada Online) – Taliban ayaa magaalada Kabul kula dagaalamaysay dowladda Afghanistan oo reer galbeedku taageeraan tan iyo markii xukunka laga tuuray sanadkii 2001-dii.

Inta badan xubnaha Taliban ayaa asal ahaan ka tirsanaa dagaalyahannada loogu yeero “mujaahidiin” kuwaas oo taageero ka helayey Mareykanka si ay isaga caabiyaan ciidamadii Midowgii Soofiyeeti ee sanadkii 1980.

Kooxda ayaa waxay soo ifbaxday sanadkii 1994 iyagoo ka mid ahaa kooxihii dagaalladii sokeeye ku jiray, waxayna gacanta ku dhigeen inta badan dalkaas sannadkii 1996 markaas oo ay ku soo rogeen ku dhaqanka shareecada Islaamka.

Daalibaan ayaa mar kale si militari ah u qabsatay xukunka dalka Afghanistan tan iyo markii ciidamada shisheeye bilaabeen inay ka baxaan, iyagoo qabsaday inta badan dhulka dalkaas.

Aasaasihii iyo hoggaamiyihii asalka ahaa ee ururkaan, Mullah Mohammad Omar ayaa la waayey meel uu galay kadib markii ay dowladdii Taliban afgambiyeen ciidamadii maxalliga ahaa oo ay taageerayeen Mareykanka wixii ka dambeeyey weerradii 11-kii September 2001 lagu qaaday dalka Mareykanka.

Aad ayey u qarsooneyd in la ogaado halka uu Cumar ku sugnaa, waxaana geeridiisa sanadkii 2013 xaqiijiyey wiilkiisa markaas oo dhimashadiisa laga joogay 2 sano, wuxuuna ku dhintay duqeyn ay ciidamada Mareykanka ka fuliyeen halkii uu ku dhuumanayey.

Waxaa jiro hoggaamiyeyaal muhiim ah oo ururkaan ka tirsan, waxaana warbixintaan idinkugu soo gudbineynaa qaar kamid ah xubnaha ugu muhiimsan ururkaan.

Haibatullah Akhunzada

Waxaa loo yaqaan “Hoggaamiyaha Mu’miniinta”, waa nin aad u bartay Diinta Islaamka, waana hoggaamiyaha ugu sarreeya Taliban, wuxuuna hayaa awoodda ugu dambeysa ee arrimaha siyaasadda, diinta iyo milatariga kooxda.

Akhunzada ayaa xilka la wareegay kadib markii hoggaamiyihii ka sareeyey ee Akhtar Mansuur lagu dilay weerar ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ku qaadeen meel u dhow xadka Afghanistan iyo Pakistan sannadkii 2016-kii.

Muddo 15 sano ah oo la weysanaa ayuu si lama filaan ah usoo muuqday bishii Maajo ee sanadkii 2016, Akhunzada wuxuu wax ku bari jiray oo uu ku wacdi jiray masaajid ku yaal Kuchlak, oo ah magaalo ku taal koonfur-galbeed ee Pakistan, sida ay Wakaaladda Wararka ee Reuters u sheegeyn saaxiibadiis iyo ardaydii uu macalinka u ahaa.

Akhundzada uma muuqdo inuu raacayo raadka madaxdii uga horreysay ee hoggaanka Taalibaan, gaar ahaan Mullah Mansoor iyo Mullah Cumar, kuwaas oo aaminsanaa in wax walba lagu helo qori caaraddiis.

Fikradda uu aaminsan yahay awgeed, markii hore waxaa loo arkayay nin qalalaasaha jecel oo aan oggolaan doonin wax wada xaajood ah oo ku qotama aragtida Taalibaan, hase yeeshee xaaladdaas wax badan ayuu ka badallay, diyaar ayuuna u ahaa inuu la fariisto dhinacyada ka soo horjeeda.

Inkasta oo uu leeyahay mayal-adeyg dhinaca diinta ah, haddana waxaa la sheegay in uu aaminsan yahay in siyaabo kale wax lagu xalliyo inta aan dagaal la gaarin.

Mid ka mid ah waddooyinka ugu muhiimsan ee uu Akhundzada aaminsanaa in khilaafka lagu xalliyo “wada-hadal siyaasadeed”, taasi oo si weyn u soo muuqatay bilihii la soo dhaafay.

Bishii July, 2021, kooxda Taalibaan waxay miiska wadahadalka la fariisteen madaxda dowladda Afghanistan oo ay ku kulmeen magaalada Dooxa, tallaabadaas oo muhiim u ahayd hannaanka nabadda ee dalka Afghanistan.

Waxaa la sheegaa in Akhundzada uu la dagaallamay ciidammadii Midowga Soofiyeet iyo ciidammada isbahaysiga ee uu Mareykanka horkacayay ee ku sugan Afgaanistaan, waxa uuna madax ka soo noqday maxkamadda militariga ee Kabul, intii dalkaas uu xukumayay ninka Taalibaan aasaasay ee Mulla Cumar.

Inta uu hoggaaminayay ururka Taalibaan, Akhundzada waxa uu ururkaasi heshiis nabadeed Mareykanka kula galay waddanka Qatar 29-kii bishii Febraayo ee 2020-ka, iyadoo Akhundzada uu heshiiskaasi ku tilmaamay “guul wayn” oo ururka u soo hooyatay.

Tan iyo kowdii May 2021, Taalibaan waxa ay sare u qaadday howlgalladeeda militari ee ka dhanka ah xukuumadda, waxayna qabsadeen deegaanno ballaaran oo ka tirsan Afgaanistaan.

Hebatullah waxa uu dhashay 19-kii Oktoobar sannadkii 1961, sida lagu sheegay taariikhdiisa lagu shaaciyay barta internet-ka ee rasmiga ah ee ururka Taalibaan. Waxa uu ku dhashay degmada Bajway ee gobolka Gandahaar, wuxuuna ka soo jeedaa qowmiyadda Bashtuuga.

Ma jirto cid sheegi karta halka uu sida rasmiga ah ugu sugan yahay hoggamiyahaan.

Mullah Mohammad Yaqoob

Waa wiilka uu dhalay aasaasaha Daalibaan Mullah Cumar, wuxuuna dusha kala socda hawlgalada milateri ee kooxda, waxayna warbaahinta maxalliga ahi sheegtay in uu ku sugan yahay gudaha Afghanistan.

Waxaa loo soo jeediyay inuu noqdo hogaamiyaha guud ee dhaqdhaqaaqa, laakiin wuxuu soo jeediyey in xilkaas loo dhiibo Akhunzada sanadkii 2016, isagoo dareensanaa inuusan laheyn khibrad dhanka dagaalka ah, maadaama uu ahaa wiil yar sida uu sheegay taliye ka tirsana Taliban oo ku sugnaa goobta lagu doortay Akhunzada   .

Mullah Yaqoob ayaa la rumeysan yahay inuu jiro da’da 30-meeyada.

Sirajuddin Haqqani

Waa wiilka taliyaha caanka ah ee Taliban Jalaluddin Haqqani, wuxuuna hadda hoggaamiya Shabakadda Haqqani, oo ah koox kormeerta hantida maaliyadeed iyo milatari ee Taalibaan ee xuduudda Pakistan iyo Afghanistan.

Kooxda Haqqani ayey khubarada qaar aaminsan yihiin inay tahay kooxdii dalka Afgaanistaan ka bilowday isqarxinta, waxaana lagu eedeeyay dhowr weerar oo waaweyn oo ka dhacay Afgaanistaan, oo ay ka mid yihiin weerar lagu qaaday hotelkii ugu sarreeyey ee Kabul, isku day dil oo lala damacsanaa madaxweynihii xilligaas Xamiid Karzai iyo weerar ismiidaamin ah oo lagu qaaday Safaaradda Hindiya.

Haqqani waxaa la rumeysan yahay in uu ku dhow yahay da’da 40 ama inuu galay da’da 50-meeyada. Lama oga halka uu ku sugan yahay.

Mullah Abdul Ghani Baradar

Baradar oo ka mid ah aasaasayaashii Daalibaan, ayaa hadda madax ka ah xafiiska siyaasadda ee Daalibaan, wuxuuna qayb ka yahay kooxda wada-xaajoodka ee Doha si ay isugu dayaan una galaan heshiis siyaasadeed u gogol xaari kara xabbad-joojin iyo nabad waarta oo ka dhalata Afgaanistaan.

Wada-hadalada siyaasadeed oo ay kooxdaan ka shaqeeneysay ayaa u muuqda inuu fashil kusoo dhammaaday bishaan, kadib markii ay kooxda si xoog ah kula wareegtay awoodda iyo xukunka dalka Afgaanistaan.

Baradar oo la sheegay inuu ka mid ahaa taliyayaashii uu aadka ugu kalsoonaa Mullah Cumar ayaa waxay ciidamada ammaanka gacanta ku dhigeen sanadkii 2010 xilli uu ku sugnaa magaalada Karachi ee koonfurta Pakistan, waxaana la sii daayay sanadkii 2018.

Sher Mohammad Abbas Stanikzai

Wuxuu soo noqday wasiir ku xigeen xilligii dowladdii Daalibaan ka hor intii aan la afgambin, wuxuuna ku noolaa Doha ku dhawaad toban sano, waxa uu madax ka noqday xafiiska siyaasadda kooxda sanadkii 2015.

Sidoo kale waxa uu ka qeyb qaatay wada xaajoodyadii lala galay dowladda Afgaanistaan, wuxuuna wakiil uga ahaa Taalibaan safaro diblomaasiyadeed oo uu ku tagay dalal dhowr ah.

Abdul Hakim Haqqani

Waa madaxa kooxda wada xaajoodka Taliban, wuxuuna madax u ahaa golaha awoodda badan ee culumada diinta ee kooxdaan, waxaa si weyn loo rumeysan yahay inuu yahay qofka uu aadka u aaminsan yahay hoggaamiyaha kooxdaan ee Akhunzada.

Ciidamada Janan oo laga qaaday gaadiidka dagaal iyo xiisada degmada Doolow oo…

0

Doolow (Caasimada Online) – Waxa maanta xal kama dambeys ah laga gaaray xiisadii dagaal ee maalmihii u dambeeyay ka taagneyd degmada Doolow ee gobolka Gedo, sida ay ilo xog-ogaal ah u sheegen Caasimada Online.

Xiisada dagaal oo u dhaxeysay Ciidamada dowladda Soomaaliya ay hore u geysay degmada Doolow iyo ciidamadii uu kal hore dowladda ku wareejiyay wasiirkii hore ee Amniga Jubbaland, Cabdirashiid Janan, kuwaasi oo gadood xoogan ka sameeyay degmada.

Odayaasha dhaqanka degmada oo dhex-dhexaadin ka dhex bilaabay ciidamada kuwa sugan Doolow iyo dowladda federaalka ayaa ugu dambeyntii lagu dhameeyay in xerooyinkoodii ku laabtan, islamarkaana la siiyo xuquuqdoodii sida; mushaarka iyo gunnooyinkii ka maqnaa.

Sidoo kale waxa lagu soo waramayaa in ciidamada gadoodsanaa ee Janan laga qaaday gaadiidka dagaalka ee ay haysteen, kuwaasi oo maalmihii u dambeeyay ay soo dhoobeen gudaha degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Korneyl Warfaa Sheekh Aadan Faroole, Taliyaha Guutada 10-aad Qeybta 43-aad ee gobolka Gedo ayaa dhankiisa ballan-qaaday inay xalinayaan tabashooyinka ay qabaan ciidamada, ayna ku laabteen xeryahoodii.

Waxa uu si weyn ugu mahad celiyay Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka degmada Doolow, oo qeyb ka yihiin maamulka iyo saraakiisha ciidamada, kuwaasi oo uu sheegay inay kaalin muhiim ah ka ciyaareen xal ka gaarista xiisada taagneyd.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa degmada Doolow ee gobolka Gedo ka taagnaa xiisad u dhaxeeysay Ciidamada dowladda iyo kuwii uu dowladda ku wareejiyay Wasiirkii hore ee Amniga Jubbaland, kuwaasi oo ka gadoodsanaa inaysan helin xuquuqdii iyo mushaarkii ay xaqa u lahaayeen.

Si kastaba, arrintaan ayaa imaneysa xili ay maalmihii u dambeeyay soo baxayeen warar sheegaya in khilaaf xoogan uu ka dhex qarxay Cabdirashiid Janan iyo Farmaajo, inkasta oo arrinta khilaafka uu ka gaabsaday Janan oo shalay musharaxnimadiisa uga dhawaaqay magaalada Muqdisho.

Midowga Musharaxiinta oo dalbaday 4 qodob kadib shirkii Muqdisho (War-murtiyeed)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Midowga Musharixiinta ayaa war-murtiyeed kasoo saaray shirkii seddexda maalin uga socday Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, ee looga hadlayey xaaladda siyaasadeed ee dalka.

“Kulan saddex maalmood socday (August 14-16, 2021) ayaa maanta ku soo gabagaboobay magaalada Muqdisho. Kulamadaas oo ay ka soo qeybgaleen musharaxiinta ku bahoobay Golaha MIdowga MusharaxiInta Madaxweyne. Waxaa kulanka diiradda lagu saaray guud ahaan xaaladda dalku marayo, gaar ahaanna arrimaha doorashooyinka,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay.

Sidoo kale war-murtiyeedka ayaa lagu sheegay in golaha uu wadatashi la yeeshay qeybaha kala duwan ee bulshada “Goluhu wuxuu kulamo Ia yeeshay Guddiga Doorashooyinka Heer-Qaran ee (FEIT), ururrada bulshada rayldka lyo beesha caalamka. Wuxuu kaloo Goluhu wadahadal Ia yeeshay Raysalwasaare Maxamad Xuseen Rooble. Goluhu wuxuu Ia qabaa fIlashada shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamkaba ee ahayd In doorashooyinkan ay ka fiicnaadaan kuwii dhacay 2012k11 lyo 2016k11.”

War-Saxaafadeedka Midowga Musharixiinta oo ka kooban laba Bog ayaa waxaa walaac looga muuijiyay sida ay ku bilowdeen Doorashooyinka Dalka, sidoo kalena ay u tagan yihiin xaqiijinta sidii ay dalka uga qabsoomi laheyd doorasho xor iyo xalaal ah, kuna dhacda habraac heshiis lagu yahay si dalka looga badbaadiyo xasilooni siyaasadeed oo horleh.

“Goluhu wuxuu walaac ka muujinayaa sida ay ku billowdeen doorashooyinka dalka. Goluhu wuxuu u taagan yahay xaqiijinta sidii ay dalka uga qabsoomi lahayd doorasho xor iyo xalaal ah, kuna dhacda habraac heshiis lagu yahay, si dalka looga badbaadiyo xasillooni darro slyaasadeed oo hor leh,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay musharixiinta.

Midowga Musharixiinta ayaa dalbaday in habraaca doorashooyinka aqalka hoose ay noqdaan kuwa daah furan oo loo dhan yahay isla markaasna la ballaariyo shirka golaha wadatashiga qaran, wuxuuna golaha soo jeediyey qodobada soo socda:

1- In 135-kii oday dhaqameed ee loo aqoonsanaa hoggaanka dhaqanka beelaha Soomaaliyeed ay saldhig u noqdaan soo xulista ergooyinka dooranaya xildhibaanada aqalka hoose.

2- In doorashada ay ka dhacdo goob amnigeeda sugan yahay booliska federaalka, dawlad-goboleedka iyo AMISOM ka wada qaybqaataan.

3- In kaalinta dawlad-goboleedka ay ku ekaato fududaynta iyo habsami- u-qabashada doorashooyinka.

4- In bulshada rayidka ah, ururrada caalamiga iyo xubnaha beesha caalamka ay goobjoog ama korjoog ka ahaadaan habsami u socodka doorashooyinka.

Ugu dambeynti war murtiyeedka kasoo baxay midowga Musharixiinta ayaa waxaa lagu yiri
“Haddaba si taas loo xaqiijiyo Goluhu wuxuu ugu baaqayaa Ra’isulwasaare Rooble in uu ballaariyo kulanka ay ku ballansan yihiin madaxda madasha watashiga qaran si loo xaqiijiyo qabsoomidda doorasho xor iyo xalaal ah oo ku dhacda si nabad ah, dalkana u horseedda xasilooni siyaasadeed.”

Halkaan hoose ka akhriso war-murtiyeedka oo dhameystiran