25.3 C
Mogadishu
Monday, June 22, 2026

Xogta kulankii Xasan Sheekh iyo Lafta-gareen ee caawa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa ku booqday hoyga uu magaalada Muqdisho ka degan yahay madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Somalia C/casiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

Labada mas’uul ayaa kulankooda ahaa mid is-xog wareysi oo la xiriira iyo arrimaha doorashada madaxweynaha, iyadoo kulanka goobjoog ka ahaayeen xildhibaano baarlamaanka cusub ka tirsan oo laga soo doorto Koonfur Galbeed.

Maadaama Koonfur Galbeed ay ka mid tahay maamulada xildhibaanada ugu badan laga soo doorto ayaa Xasan Sheekh wuxuu ka codsaday Cabdicasiis Lafta-gareen sidii uu qeyb ugu noqon lahaa isbadalka socda iyo in uu taageero ololahiisa dib u doorasho.

Waxaa la ogyahay in Lafta-gareen iyo Farmaajo ay isku xiran yihiin siyaasad ahaan, islamarkaana Lafta-gareen uu ka shaqeynayay mudooyinkii lasoo dhaafa in dib loo doorto Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Si kastaba, waxaa jirta rajo ah in Lafta-gareen ka fakari karo qorshe labaad, haddii uu Farmaajo soo dhaafi waayo wareegga koowaad, waxaana uu fursadda ugu weyn u noqon karaa Xasan Sheekh.

Lafta-gareen ayaa la rumeysan yahay inuu ka walaacsan yahay in Sheekh Shariif uu ku guuleysto doorashada, sababtoo ah wuxuu xulufo la yahay guddoomiye Aadan Madoobe iyo siyaasiyiin badan oo kasoo jeeda Koonfur Galbeed.

Maalinta beri oo ku beegan 11-ka May ayaa kulanka baarlamaanka loo balansan yahay, waxaana furmi doona dhageysiga khudbadaha murashaxiinta u tartameysa xilka madaxweynaha, halka maalinta Axada 15-ka May ay tahay maalinta ay dhaceyso doorashada.

Daawo: Waare oo ka digay halista xoogan ee musharax XASAN CALI KHEYRE

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare oo ka hadlay arrimaha doorashooyinka dalka ayaa ugu horeyn fariin dardaaran ah oo doorashada la xariirta u diray xildhibaanada Soomaaliya, isagoo weeraray siyaasadaha Farmaajo iyo ra’iisul wasaarihiisii hore Xasan Cali Kheyre.

Waare oo wareysi siiyey TV-ga Goobjoog ayaa xildhibaanada Soomaaliyeed ugu baaqay inay dalka codkooda ku badbaadiyaan maanta, “War xildhibaanow yaan laguugu mashquulin sandareertada iyo waxyaabaha beenta ah ee maalmaha doorashada, ee dalkaan si mustaqbalkiisa loo badbaadiyo wado fiican noo saara,” ayuu yiri Waare.

Sidoo kale Madaxweyne Waare ayaa aad u naqdiyey siyaasadii ay dalka ku soo maamuleen Farmaajo iyo Xasan Cali Kheyre, isagoo tusaale u soo qaatay, dhibistii Qalbi-dhagax, tacadiyadii kale ee dowladnimada Soomaaliya ay ugu geysteen ONLF iyo weerarkii siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur dadka looga dilay.

“Waayahaan waxaan arkaa Farmaajo iyo Kheyre oo la kala wado, war Farmaajo waa Kheyre, Kheyrana waa Farmaajo, cid kala saari karta ma jirto ragaas, Ilaahey hana dhaafiyo labadaas,” ayuu yiri hadalkiisa ku sii daray madaxweynihii hore ee HirShabeelle.

Wuxuu intaas ku sii daray in gabood-fallada iyo talo xumadii uu ku sifoobay xukunkii Farmaajo uu Kheyre leeyahay eeda ugu badan, maadaama uu ahaa madaxii xukuumadda, sidoo kale markii uu Kheyre ku soo biiray golihii midowga musharaxiinta ayuu Waare sheegay inuu aad iga xumaaday.

“Midowga Musharaxiinta markii ay aqbaleen in Kheyre uu ku soo biro, waxay direen fariin ah Farmaajo waxaan ula dirireynaa arrimo qabiil iyo kursiga, waxyaabaha qaar ee hadda Farmaajo loo heysto, waxaa geystay Xasan Cali Kheyre,” ayuu yiri Waare.

Maxamed Cabdi Waare ayaa ilaahey ka baryey in shan sano oo Farmaajo soo xukumayey Soomaaliya, uusan noogu darin afar sano oo Xasan Cali Kheyre ah. Isagoo yiri, “Naxariista Alle kama aanaa rijo dhigin, si kasta oo aan isku dulminay, Soomaaliya maanta ma qaadi karto talo xumada Kheyre ee Allow na dhaafi.”

Hoos ka daawo

Guddiga doorashada oo shaaciyey liiska khudbad jeedinta musharaxiinta

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaaciyey jadwalka khudbadaha musharixiinta oo billaabaneysa maalinta berri oo ku beegan 11-ka May kuna eg 12-ka May.

Jadwalka khudbadaha ayaa waxaa musharixiinta loo kala hormariyey sida ay u kala horreeyaan xuruufta A Illaa Z, ee English-ka, waxaana musharax walba la siiyey 15 daqiiqo oo laga rabo inuu kusoo koobo khudbadiisa.

Waxaa maalinta ugu horeyso hadal jeedin doono 20 kamid ah musharixiinta u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya halka maalinta labaadna ay jeedin doonaan 19 kale.

Kulanka baarlamaanka oo Berri furmi doono saacadda 10:00AM ayaa waxaa khudbadda koowaad leh Cabdi Aadan Hoosow halka khudbadda ugu dambeyso la siiyey Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Sidoo kale, xubnaha miisaanka leh ee maalinta Koowaad khudbeyn doono ayaa kamid ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo si weyn loo sugayo khudbadiisa kaasoo shantii sano ee lasoo dhaafay ahaa mucaaradkii ugu weynaa ee Farmaajo.

Musharixiinta ugu miisaanka culus sida madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Sheekh Shariif iyo guddoomiyihii hore ee Gobolka BanaadirThaabit Cabdi Maxamed ayaa waxay khudbadda leeyihiin maalinta Labaad ee 12-ka May.

Guddiga ayaa ka dalbaday Musharraxiinta in ay ilaaliyaan Jadwalka doorashada, islamarkaana ay soo xaadiraan xilligii loogu tala galay.

Halkaan hoose ka akhriso jadwalka oo dhameystiran

Diiwaangelinta musharaxiinta madaxweyne oo lasoo gaba-gabeeyay iyo tirada guud

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Diiwaan-gelinta musharaxiinta ayaa maanta lasoo gaba-gabeeyay, kadib saddex maalin oo xiriir ah oo ay socotay, waxaana shahaadada musharaxnimada qaatay 39 musharax.

Xubnaha maanta shahaadada qaatay waxaa ka mid ah madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Maxamed (Deni), musharrax Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi, musharrax Maxamed Amiin Faarax iyo musharixiin kale.

Diiwaangelinta musharaxiinta oo 8-dii bishaan ka billaabatay magaalada Muqdisho, waxaana musharaxii ugu horreeyey ee is-diiwaan-geliyey uu noqday madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

Guddiga qaban qaabada doorashada ayaa sidoo kale maanta musharaxiinta ka dalbaday inay u soo gudbiyaan illaa 400 oo nuqul oo daabacan oo ka mid ah barnaamijkooda doorashada iyo weliba nuqul Electronic ah.

Sidoo kale waxaa maalinta berri ah lagu wadaa inay si rasmi ah u billaabato hadal jeedinta musharrixiinta, waxaana ugu dambayn 15-ka May la qaban doonaa doorashada, sida uu qorshuhu yahay haddii uusan ku imaan isbedel lama filaan ah.

Guddoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kormeer deg-deg ah oo indha-indheyn ah ku tagay teendhada Afisyoone.

Teendhada Afisyoone ayaa waxa ka socota qaban-qaabada doorashada madaxweynaha, taasi oo qorshuhu yahay inay ka dhacdo halkaas 15-ka bishaan May.

Sidoo kale waxaa halkaas ka bilaaban doonta maalinta berri ah hadal jeedinta musharaxiinta madaxweyne, kuwaasi oo kor u dhaafaya soddomeeyo.

Guddoomiyaha ayaa gudaha teendhada Afisyoone kulan kula qaatay saraakiisha ciidanka nabad ilaalinta ATMIS iyo kuwa amniga ee Soomaaliya.

Waxa uu faray Saraakiisha in ay muujiyaan feejignaan dheeri ah si ay u qabsoonto doorashada madaxweynaha, oo ay ugu dhacdo si nabdoon.

ATMIS oo soo saartay go’aan culus oo la xiriira teendhada doorashada ee Afisyoone

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa bandow lagu soo rogay xerada ciidamada cirka ee Afisyooni iyo Goobaha ku dhow dhow kadib qoraal kasoo baxay Howgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee (ATMIS).

ATMIS ayaa qoraalka kasoo baxay ku sheegtay in kadib wada-tashi ay la yeelatay gudodomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe go’aan lagu gaaray in bandow lagu soo rogo xerada iyo meelaha ku dhow dhow maadaama ay halkaas ka dhaceyso 15-ka Bishaan doorashada madaxweynaha ee Soomaaliya.

War-saxaafadeed kasoo baxay howlgalka ATMIS ayaa lagu shaaciyay in bandow lau soo rogayo xerada Ciidamada cirka ee Afisyooni iyo Goobaha ku dhow dhow laga bilaabo Maanta oo taariikhdu tahay 10-ka May  illaa 17- ka Bisha.

Go’aanka kasoo baxay ATMIS ayaa imaanayo Maalin kadib markii guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya iyo howlgalka ATMIS ay kawada hadleen sugida ammaanka doorashada.

Guddoonka Baarlamaanka iyo guddiga doorashada ayaa ku heshiiyey in guud ahaan amniga goobta doorashada ka dhaceyso lagu wareejiyo ciidamada ATMIS.

Guddiga doorashada oo soo saaray qoraal 3 bog ka kooban oo lagu faahfaahiyey qaabka loo sugayo amniga doorashada oo gebi ahaanba lagu wareejiyey ciidamada ATMIS ee midowga Africa ayaa doorka ciidamada Soomaaliya lagu soo koobay 25 Askari oo ka tirsan ciidamada Booliska oo sugi doono gudaha Tendhada ay doorashada ka dhaceyso.

Musharixiinta madaxweynaha ayaa kaliya loo ogolaaday hal qof oo codka u tiriyo, halka musharixiinta madaxweynayaasha horey usoo noqday loo ogolaaday 2 Qof, madaxweynaha muddo xileedkiisa sharciga ah uu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isna loo ogolaaday inuu xerada la galo.

Maanta ayaa lasoo gabagabeeyey qabashada codsiyada musharixiinta u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya iyo shahaado siinta, waxaana Berri bilaabanayo khudbadaha ay jeenayaan musharixiinta is diiwaan geliyey oo gaaraya 40 Musharax.

Beesha caalamka oo war kasoo saartay doorashada madaxweynaha Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Saaxiibada beesha caalamka ee ku sugan Muqdisho ayaa maanta soo saaray war-saxafaadeed ku saabsan doorashada madaxweynaha Soomaaliya ee la qorsheeyey inay Muqdisho ka dhacdo 15-ka May 2022, ayaga oo ka digay dib u dhac ku yimaada.

Saaxiibada beesha caalamka ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan ku dhawaaqista guddiga qabanqaabada baarlamaanka ee ah in doorashada Madaxweynaha ay dhici doonto maalinta Axadda, ayaga oo bogaadiyey sida ay ku socoto diiwaan gelinta musharixiinta iyo u diyaargarowga kale ee loogu jiro inaan laga dib dhicin waqtiga kama dambeysta ah ee doorashada. 

“Waxaa na dhiirigelinaya horumarka wanaagsan ee laga gaaray diiwaangelinta musharrixiinta u taagan xilka madaxweynaha iyo u diyaargarowga kale ee loogu jiro inaan laga dib dhicin waqtiga kama dambeysta ah ee doorashada,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka beesha caalamka.

“Ma jirto wax marmarsiinyo ah oo sabab u noqon karta dib u dhac kale oo dheeraad ah. Iyadoo labada Aqal ee Baarlamaankaba la dhaariyay oo si buuxda u shaqeynayaan, arrin kasta oo doorasho oo taagan waa in ay xalliyaan madaxda baarlamaanka ee sida saxda ah loo doortay.”

Qoraalka kasoo baxay beesha caalamka ayaa ugu dambeyn lagu yiri “Waxaan ku boorinaynaa madaxda Soomaaliya inay si degdeg ah, nabdoon oo kalsooni ku dheehan tahay ku soo gabagabeeyaan marxaladdan kama dambeysta ah ee geeddi-socodka doorashada si loogu soo jeesto arrimaha dalka iyo dowlad-dhisidda ee mudnaanta leh”.

Wuxuu qoraalka beesha caalamka kusoo aadayaa xilli ay maanta ku egtahay is diiwaangelinta musharixiinta, waxaana illaa hadda la diwaan geliyey musharixiin ku dhow 40 iyadoo saacadaha soo socdana la filayo inay kuwa kale qaataan shahaadada.

Musharaxiinta ayaa waxaa ka mid ah madaxweynaha hadda xilka haya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweyneyaal hore Shariif Shekeh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud, ra’iisul wasaare hore, madaxweyne goboleedyo, xildhibaano iyo siyaasiyiin kale.

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa laga dareemayaa ololaha doorashada, waxaana la filayaa inay doorashadaan noqoto doorashadii ugu badneyd oo ay ka qeyb galaan musharixiin u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya.

Qoraalkan ayaa waxaa si wada jir ah usoo saaray: Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Belgium, Canada, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Qadar, Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Uganda, Isutagga Imaaraadka Carabta, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka and Qaramada Midoobay.

Deni oo xarunta is diiwaan-gelinta doorashada la tegay tirada xildhibaanada uu haysto

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid Cabdullahi Maxamed (Deni) oo maanta is-diiwaangeliyey ayaa qaatay shahaadada musharaxnimada ee madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Saciid Deni ayaa xarunta guddiga doorashada ee Aqalka Sare la tegay xildhibaano uu sheegay inay taageersan yihiin, ayada oo shuruudda musharaxiinta ay ka mid aheyd inay helaan saxiixa 20 xildhibaan.

Sawir laga soo qaaday ayaa muujinaya Saciid Deni oo dhexda uga jira illaa qiyaastii 30 xildhibaan oo u badan xubnihii kasoo kala baxay maamul goboleedyada Jubbaland iyo Puntland.

Tirada xildhibaanada ee Saciid Deni u raacay xarunta diiwaan-gelinta ayaa ah tiradii ay horey u qiyaastay Caasimada Online inuu haysto taasi oo dhan 30 xildhibaan oo macnaheedu yahay inaanu dhaafi karin wareegga koowaad.

Deni oo horey loo rumeysnaa inuu haysto taageerada inta badan xildhibaanada Puntland iyo Jubaland, ayaa niyad jab weyn kala kulmay Sabtidii.

Sida ay ogaatay Caaismada Online, Saciid Deni ayaa isugu yeeray xildhibaanada labadaas maamul goboleed si uu ugu sameeyo qado sharaf iyo inuu kala hadlo doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo la filayo inay dhacdo 15-ka bishan.

Kulanka oo lagu casuumay 80 xildhibaan oo isugu jiro xildhibaanada laba aqal ee baarlamanka Soomaaliya ee laga soo doortay Jubbaland iyo Puntland ayaa waxaa Sabtidii kasooo qeyb galay kaliya 33 xildhibaan, taasoo muujineyso in sidii loo maleeyey aanu Saciid Deni taagero uga heysan xildhibaanada labadii maamul goboleed ee uu isku haleenayey.

Xildhibaanada qaar oo la hadlay Caasimada Online ayaa Saciid Deni ku eedeeyey inuu soo burburiyey maamul goboleedkii Puntland ee loo dhiibay, islamarkaana uu iska hor keenay qeybaha kala duwan ee bulshada Puntland.

15-ka May oo ay dhaceyso doorashada ayaa lagu kala bixi doonaa xerada Afisyoone oo lagu qabanayo doorashada madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sawirro: Aadan Madoobe oo kormeer deg deg ah ku tegay teendhada Afisyoone

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kormeer deg-deg ah oo indha-indheyn ah ku tagay teendhada Afisyoone.

Teendhada Afisyoone ayaa waxa ka socota qaban-qaabada doorashada madaxweynaha, taasi oo qorshuhu yahay inay ka dhacdo halkaas 15-ka bishaan May.

Sidoo kale waxaa halkaas ka bilaaban doonta maalinta berri ah hadal jeedinta musharaxiinta madaxweyne, kuwaasi oo kor u dhaafaya soddomeeyo.

Guddoomiyaha ayaa gudaha teendhada Afisyoone kulan kula qaatay saraakiisha ciidanka nabad ilaalinta ATMIS iyo kuwa amniga ee Soomaaliya.

Waxa uu faray Saraakiisha in ay muujiyaan feejignaan dheeri ah si ay u qabsoonto doorashada madaxweynaha, oo ay ugu dhacdo si nabdoon.

Guddoomiyaha ayaa mid mid u dul istaagay goobaha loogu tala-galay in ciidamada ammaanka ay ku shaqeeyaan. Guddoomiyaha wuxuu amray in dadka aan lagu xadgudbin lana faray in waajibaadkooda ay u gutaan si hagar la’aan ah.

Kormeerka uu maanta teendhada ku tagay Guddoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa imanaya kadib markii uu xalay kulan deg-deg ah isugu yeeray saraakiisha sare ee ciidamada howlgalka nabad ilaalinta ATMIS.

Shirkaas ayaa looga hadlay xaqiijinta amniga doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo la filaayo inay dhacdo maalinta Axada oo ku beegan 15-ka May.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa faray saraakiisha iyo taliyeyaasha ugu sareysa ATMIS inay gutaan waajibaadkooda shaqo ee ah mas’uuliyada ka saaran ilaalinta amniga doorashada madaxweynaha Somalia.

Si kastaba, doorashada madaxweynaha ayaa loo ballansan yahay 15-ka bishaan, ayada oo guddiga doorashooyinka ay soo saareen habraaca amniga doorashada madaxweynaha, oo la filaayo inay murashaxiinta madaxweyne ku dhaqmaan.

Saddex maamul goboleed oo xalay shir xasaasi ah ku yeeshay MUQDISHO + ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa shir u dhexeeyey maamullada HirShabelle, Galmudug iyo Jubbaland, kaas oo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, islamarkaana looga hadlay xaalada Soomaaliya.

Shirkan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa wuxuu u dhexeeyey guddoomiyeyaasha baarlamaanada dowlad goboleedyada HirShabelle, Galmudug iyo Jubbaland, kuwaas oo ka arrinsaday xaaladda taagan, gaar ahaan dhammeystirka arrimaha doorashooyinka dalka.

Sida ay ogaatay Caasimada Online waxaa qaban qaabada shirkaan lahaa guddoomiyaha baarlamaanka HirShabelle Luqmaan Xaaji Maxamed oo kulanka ku casuumay dhiggiisa maamullada Galmudug iyo Jubbaland oo iyagana ku sugan gudaha magaalada Muqdisho.

Saddexda guddoomiye ayaa sidoo kale ka wada-hadlay iskaashiga goleyasha baarlamanada dowlad goboleedyada iyo sidii sare loogu qaadi lahaa wada shaqeynta dhexdooda ah.

“Gudoomiyeyayasha Baarlamanada Dowlad Goboleedyada Hirshabelle, Galmudug iyo Jubaland ayaa kulan ku yeeshay caasimada Dalka ee muqdisho. Kulankaan oo uu Soo qaban qaabiyey Gudoomiyaha Baarlamanka Hirshabelle Dr Abdulhakim Lukman Haji Mohamed ayaa looga hadlay Iskaashiga Golayasha Baarlamanada Dowlad Goboleedyada, Arrimaha Doorashoyinka Dalka iyo wada shaqeynta Golayasha Baarlamanada Dowlad Goboleedyada iyo Golayasha Sharci Dejinta Qaranka ee Golaha Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka BJFS,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay saddexda maamul goboleed.

Shirkan ayaa qayb ka noqonaya kulamada siyaasadeed ee haatan ka socda magaalada Muqdisho, walow ay ka maqnaayeen labada maamul ee Koonfur Galbeed iyo Puntland.

Si kastaba, magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socota qaban qaabadii ugu dambeysay ee doorashada madaxweynaha, taas oo la qaban doono 15-ka bishaan May ee 2022-ka.

Xog: Axmed Madoobe oo xildhibaanada Jubaland siiyey amar la xiriira doorashada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Madoobe oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa kulamo iyo shirar kala gooni ah la leh xildhibaanada deegaan doorashadooda tahay Jubbaland iyo qeybaha kale ee bulshada.

Axmed Madoobe ayaaujeedada socdaalka uu ku joogo Muqdisho ay tahay mid la xiriirta doorashada madaxweynaha Soomaaliya iyo inuu dhiso cidda uu ka dhex arko danta Jubbaland marka laga reebo madaxweyne Farmaajo oo colaad gaamurtay ay kala dhaxeyso.

Sida ay fahamsan tahay Caasimada Online, Axmed Madoobe ayaa xildhibaanada deegaan doorashadoodu tahay Kismaayo iyo Ceelwaaq kala hadlay cidda ay tahay inay codkooda ugu hiiliyaan iyagoo eegaya danta dalka iyo tan Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaa xildhibaanada uu la kulmay kula dardaarmay inaysan codkooda siismo iska daayee xitaa aysan ku qaldin murashax madaxweyne Farmaajo oo khilaaf shan sano jirsaday kala dhaxeeyo maamulka Axmed Madoobe.

Go’aanka baarlamaanka ku sharciyeeyay xildhibaanada Ceelwaaq oo madaxweyne Farmaajo looga guuleystay ayuu Axmed Madoobe u arkaa mid dhabar jab ku ah Farmaajo, maadaama maanta uusan hal xildhibaan ka haysan mudanayaasha Kismaayo iyo Ceeleaaq lagu soo doortay.

Farmaajo ayaa dhankiisa taageerayay sidii xildhibaanada Garbahaareey lagu soo doortay ay u noqon lahaayeen kuwo ka qeybgala fadhiyada baarlamaanka si uu ugu xisaabtamo cododka xildhibaanadaasi la diiday.

Ugu danbeyn, Axmed Madoobe ayaa la filayaa inuu kusii sugnaado Muqdisho ilaa maalinta doorashada si uu u hubsado guuldarrada madaxweyne Farmaajo, inkastoo aysan caddeyn murashaxa guuleysan doona. 

Inkasta oo markii hore la fahamsanaa in Axmed Madoobe uu taageersan yahay Saciid Deni, haddana warar soo baxay maalmihii dhowaa ayaa sheegaya inuu hadda si hoose u dhisayo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Axmed Madoobe ayaa rumeysan inay aad u yar tahay rajada uu Saciid Deni ku noqon karo madaxweynaha Soomaaliya, isaga oo aan haysan taageero ku filan.

Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Axaddii niyad jab weyn kala kulmay xildhibaanada laga soo doortay maamulka goboleedyada Jubbaland iyo Puntland, ee uu sida weyn isugu haleynayey.

Wararkii ugu dambeeyay ee khilaafka Deni iyo Karaash

0

Garoowe (Caasimada Online) – Khilaafka u dhaxeeya madaxweynaha Puntland Saciid Deni iyo madaxweyne ku-xigeenka maamulkaas Axmed Karaash ayaa cirka isku sii shareeray kadib markii uu Karaash sameeyay xil ka qaadis iyo magacaabis.

Axmed Karaash ayaa waxa uu xilka ka qaaday wasiiro aad ugu dhowaa Saciid Deni, isaga oo aan shaacin xil ka qaadistooda, waxaana ka mid ah wasiirada arrimaha gudaha, maaliyada iyo amniga.

Madaxweyne Deni oo ku sugan magaalada Muqdisho, islamarkaana ku howlan ololaha doorashada madaxweynaha ayaa si adag uga horyimid tallaabadaas uu qaaday Axmed Karaash oo uga sii dartay xiisada.

Waxaa billaabatay waan-waan cusub, ayada guddi ka kooban dhowr iyo toban xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Puntland ay magaalada Bosaaso kula kulmeen madaxweyne ku-xigeenka ahna ku simaha madaxweynaha Puntland, si ay xal ugu gaaraan khilaafka u dhaxeeya isaga iyo madaxweyne Deni.

Maxamed Axmed Cabdi Xaraf oo kamid ah xubnaha xildhibaannada ah ee la kulmay madaxweyne ku-xigeenka ayaa BBC-da u sheegay inay kala hadleen Axmed Karaash in Puntland tahay baarlamaani, islamarkaana arrimaha jira hoos loo dheemayo uuna madaxweyne ku xigeenku ku laabto magaalada Garoowe.

“Is-hayntu waxay koley ka timid shaqada socota khilaafyo salka ku hay Dastuurka Puntland-na waa baarlamaani guddiga yaguna wuxuu ka yimid talo baarlamaanku ku yeeshay Garoowe waxaana sheegayaa in arrintu hadda aad u wanaagsan tahay”. ayuu yiri

Sidoo kale waxa uu sheegay Maxamed Axmed in wali ay u socdaan kulamo looga sii wada-hadlayo arrimaha taagan, si xal loogu helo khilaafka madaxweynaha Puntland iyo ku-xigeenkiisa.

7-dii bishaan ayey aheyd markii Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka Puntland, Abuukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan uu rajo xumo ka muujiyey dadaalo lagu doonayey in lagu soo afjaro khilaafka u dhaxeeyo labada mas’uul oo la rumeysan yahay inay ku lug leedahay Villa Somalia.

Abuukaate Cabdicasiis ayaa sheegay inay Deni iyo Karaash labadaba qadka taleefoonka ku wada-hadleen xiligaas, kana aqbaleen in baarlamaanka bilaabo dadaallo lagu xalinayo khilaafka iyadoo loo marayo hab waafaqsan sharciga iyo mid siyaasadeedba.

Guddoomiye ku-xigeenka ayaa madaxweyne ku-xigeenka Puntland ku eedeeyey inuu xagal daaciyey dadaaladii socday ee uu waday Baarlamaanka, kadib markii uu xilka ka qaaday saddex kamid ah wasiiradda Puntland iyadoo uu wada-hadalku socdo, taasi oo uu sheegay inay fashilisay howshii ay wadeen.

Kooxda madaxweyne Farmaajo ayaa la rumeysan yahay inay Karaash u adeegsaneyso si ay ugu dhaawacdo musharaxnimada Saciid Deni, waxayna xogaha sheegayaan in madaxweyne ku-xigeenka uu weli ku guuleysan la’yahay inuu gacanta ku dhigo maamulka Puntland.

Waxyaabaha Saciid Deni ka saaciday inaan weli lagala wareegin awooda maamulka Puntland ayaa waxaa kamid ah inuu gacanta ku heysto guddoonka Baarlamaanka maamulkaas oo qaarkood ay ku sugan yihiin magaalada Muqdisho si ay uga qeyb qaataan ololahiisa.

Doorashada Soomaaliya ayaa waxaa ka harsan wax ka yar toddobaad, wuxuuna Saciid Deni qorsheenayaa inuu dib ugu laabto Garoowe haddii uu waayo kursiga madaxweynimo ee Soomaaliya.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibada Soomaaliya oo ka haray tartanka doorashada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo soo saaray qoraal kooban ayaa shaaca ka qaaday inuu ka tanaasulay tartanka doorashada madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Maxamed ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa ku sheegay inuu go’aansaday inuu isaga haro doorashada, isaga oo tilmaamay in uusan haysan wixii u suurto galin lahaa inuu guuleysto.

Sidoo kale wuxuu carabka ku goday in ololihiisa uu la xiriiray inuu toos ula hadlo shacabka, balse wuxuu hoosta ka xariiqay in qaabka dadban ay liddi ku tahay hamigiisa siyaasadeed.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in lacagaha faraha badan ee ku xeeran doorashada ay ka hor imaanayaan danaha shacabka Soomaaliyeed.

“Aqbalaadda lacagaha ololaha ee ka hor imaanaya danta mustaqbalka fog ee shacabka Soomaaliyeed waxay khiyaamaysaa wax walba oo aan u hayo, balse waxaa ka sii muhiimsan, hooyooyinka, aabbayaasha, iyo dhallinyarada sida dhiirigelinta leh ee iigu garab istaagay ololihii aan ku jiray,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Maxamed Cabdirisaaq.

Go’aanka wasiirka ayaa kusoo beegmaya, iyada oo maanta ay ku egtahay diiwaan-gelinta doorashada madaxweynaha cusub oo ay isku diiwaan-geliyeen illaa 32 musharrax.

Doorashada dalka ayaa lagu wadaa in la dhameystiro maalmaha soo socda, waxaana mida madaxweynaha ay dhaceysaa 15-ka bishaan aynu ku jiro May ee sanadkan 2022-ka.

Is-diiwaangelinta xubnaha musharixiinta oo maanta lasoo gaba-gabeynayo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa ka socota qaban qaabadii ugu dambeysay ee qabashada doorashada madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, taas oo ay ku tartami doonaan musharixiin fara badan.

Guddiga isku dhafka ah ee doorashada madaxweynaha ayaa shaaciyey maanta lasoo gabagabeyn doono diiwaangelinta xubnaha musharixiinta ah oo maalintii saddexaad toos uga socota xarunta Golaha Aqalka Sare ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Xubnaha maanta shahaadada qaatay waxaa ka mid ah madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Maxamed (Deni), musharrax Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi, musharrax  Maxamed Amiin Faarax iyo musharixiin kale.

Guud ahaan lllaa iyo hadda waxaa shahaadada qaatay in ka badan 30 musharax oo u tartami doono kursiga madaxweynaha oo sanadkan loolan adag loo geli doono.

Dhinaca kale guddiga qaban qaabada doorashada ayaa musharaxiinta is-diiwaangeliyey iyo kuwa raba inay maanta is-diiwaangeliyaan u sheegay inay maalinta Talaaladada ah ee 10-ka bishaan May ku soo gudbiyaan illaa 400 oo nuqul oo daabacan oo ka mid ah barnaamijkooda doorashada iyo weliba nuqul Electronic ah.

Sidoo kale maalmaha soo socda ayaa la filayaa inay si rasmi ah u billaabato hadal jeedinta  musharrixiinta, waxaana ugu dambayn 15-ka May la qaban doonaa doorashada.

Si kastaba, diyaar garowga doorashada ayaa si wanaagsan ku socota, iyada oo shalay lasoo saaray habraaca amniga doorashada oo ay sugi doonaan ciidanka Booliska & ATMIS.

Aadan Madoobe oo amar ku saabsan amniga doorashada siiyay saraakiisha ATMIS

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamaanka federaalka Somalia, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa caawa kulan deg deg ah isugu yeeray saraakiisha sare ee ciidamada howlgalka nabad ilaalinta ATMIS.

Shirkaani ayaa looga hadlay xaqiijinta amniga doorashada madaxweynaha Somalia oo la filaayo inay dhacdo maalinta Axada oo ku beegan 15-ka May.

Sh. Aadan Madoobe ayaa faray saraakiisha iyo taliyeyaasha ugu sareysa ATMIS inay gutaan waajibaadkooda shaqo ee ah mas’uuliyada ka saaran ilaalinta amniga doorashada madaxweynaha Somalia.

Kulankaan ayaa saraakiishii ka qeyb galay waxaaa ka mid ahaa Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Africa marwo Fiona Lortan, Taliyaha Guud ee ciidanka ATMIS ee Somalia Lt. Gen Ndegeya Diomede, iyo Brig. Gen. Keith Katungi oo ah Taliyaha Guud ee qaybta Sector One ee ciidanka ATMIS.

SHirkaan deg deg ah ee Guddoomiye Aadan Madoobe ugu yeeray saraakiisha ATMIS ayaa kusoo beegmay saacado kadib, markii guddiga doorashooyinka ay soo saareen habraaca amniga doorashada madaxweynaha, oo la filaayo inay murashaxiinta madaxweyne ku dhaqmaan.

Mareykanka oo dacwad ku soo oogay Senator loo heysto dilka madaxweynihii Haiti

Haiti (Caasimada Online) – Mas’uuliyiinta dalka Maraykanka ayaa dacwad ku soo oogay Senator hore oo u dhashay dalka Haiti kaas oo loo haysto inuu ku lug lahaa shirqoolkii lagu dilay madaxweynihii dalka Haiti Jovenel Moise, oo la dilay bishii July ee sannadkii hore ee 2021.

Waa qofkii saddexaad ee ay Waaxda Cadaaladda ee Maraykanku ay dacwad ku soo oogtay, iyada oo weli la wado baadhitaanka dilkii madaxweynihii hore ee Haiti.

Maalmo ka dib dilkii madaxweyne Moise, waxaa booliska dalka Haiti ay sheegeen in John Joel Joseph uu ka mid yahay dadka loo tuhmayo dilka madaxweynaha, hase ahaatee wuxuu dalkaas kaga baxsaday doon, waxaase ugu dambayn gacanta ku dhigay laamaha ammaanka ee dalka Jamaica, iyaga oo ku eedeeyey inuu si sharci darro ah dalkooda ku soo galay, waxayna u gacan geliyeen masuuliyiinta dalka Maraykanka.

Sida lagu sheegay war ka soo baxay waaxda caddaaladda ee Maraykanka, Joseph ayaa waajahaya eedeymo ah inuu maleegay dil ama afduub laga geysto meel ka baxsan Mareykanka iyo in taageero uu bixiyey ay sababtay dhimasho.

Dacwad oogayaasha Mareykanka ayaa sheegay in shirqoolka uu qaybta ka ahaa, markii hore la qorsheeyey in lagu afduubo madaxweynihii Haiti, hase ahaatee uu shirqoolkaasi isu bedelay in la dilo madaxweynaha, ka dib markii ay kooxda weerarka geysatay ay awoodi waayeen inay helaan diyaarad ay ku qaataan madaxweynaha si ay dalka uga saaraan.

Dacwad oogayaasha Mareykanka ayaa bishii January ee sannadkan, waxay eedeymo kuwan la mid ah ku soo oogeen Rodolphe Jaar, oo ah muwaadin haysta dhalashooyinka dalalka Haiti iyo Chile, iyo weliba Mario Palacios, oo ah askari hore oo u dhashay dalka Colombia, kaasoo booliiska Haiti ay ku sheegeen in uu ka mid ahaa koox shan nin ah oo galay qolka jiifka ee madaxweyne Moise si ay u toogtaan.

Afar garsoore oo ku sugan dalka Haiti oo gacanta ku hayey kiiska dilkii madaxweynihii hore ee Haiti ayaa shaqada ka tegey, iyaga oo sheegay inay heleen hanjabaado dil ah, taas oo halis ku ah ammaankooda.

Reuters. (Waxaa soo tebiyay Kylie Madry iyo Brian Ellsworth; waxaa qayb dheeri ah warbixintan laga soo xigtay Gessika Thomas oo ku sugan Port-au-Prince, waxaa tifatiray Marguerita Choy iyo Bill Berkrot)

Tacsi: Geerida Aamina Muudey Gacal

Adeer Xamuu Caddey Sheekh Axmed Mataan iyo dhammaan faraca reer Sheekh Axmed Mataan, gaar ahaan reer Siid Axmed Sheekh Axmed Mataan oo kala ah Aba Cali Siid Axmed iyo xaaskiisa Amina Daa’uud Axmed, Jamiila Siid Axmed, Seynab Siid Axmed iyo Seygeeda Cabdi Maxamuud Geedi iyo Ruqiyo Siid Axmed.

Reer Cumar Xuseen Jimcaale Juungal, gaar ahaan Cabdicasiis Cumar Xuseen Juungal, Abuukar Nuur Muudey, Lemon Cabdulle Sabriye, iyo Seygeeda Cabaas Cabdi Maxaa Ciise, Abuukar Cariif, Reer Maxamed Cumar Afrax, iyo Reer Maxamed Xasan iyo Xaliimo Hadaafow, Hindiyo Maxamed Cariif iyo Xasan Dalfac, Jamiila Maxamed Cariif, John Shaqaaq, Baashi Maxamuud Gacal iyo xaaskiiska Faadumiina. 

Dhammaan dadkaasi, waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Sheekha Muudey Gacal iyo Reer Muudey Gacal, Danjire Maxamed Cali Ameeriko iyo Sayid Caraaye, ayaga oo uga tacsiyeyna geerdii Aamina Muudey Gacal oo ku geeriyootay gobolka California ee dalka Mareykanka. 

Waxay leeyihiin dhammaan Samir iyo Iimaan Allaha ha naga siiyo, marxuumadda jannada fardowsa Allah ha ka waraabiyo. إِنَّا لِلَّهِ وَإِنَّ إِلَيْهِ رَاجِعُونَ‎.  

DF oo ka laabatay go’aan ay horey uga qaadatay doodda musharaxiinta + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya ayaa fasaxday dooda Musharaxiinta Madaxweynaha ee ay qorshaheeda waday hay’adda la baxday Somali Debates, taasi oo markii hore ay Wasaaradu sheegtay inaysan haysan sharciyad warbaahineed.

Qoraalka kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta ayaa lagu sheegay in maamulka hay’adda Somali Debates ay u yimaadeen mas’uuliyiinta Wasaarada, islamarkaana ay raali-gelin ka bixiyeen hanaankii khaldanaa ee ay u wadeen dooda musharaxiinta.

“Wasaarada Warfaafinta iyada oo ka duulaysa in muwaadiniinta Soomaaliyeed loo fududeeyo adeegyada bulshada u hayaan, waxay ku wargelinaysaa dhamaan hay’adaha ay warqadani sida tooska ah ugu socoto iyo kuwa ay ogeysiintu ku tahayba in Wasaaradu u fasaxday laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay 09/05/2022, Somali Debates inay qaban karaan dooda musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxay Wasaaradu fartay hay’addaha arrintaan ay khuseyso in ku garabsiiyaan gudashada iyo qabsoomida dooda musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ee ay qaban-qaabinayaan Somali Debates.

6-dii bishaan ayay aheyd markii Somali Debates shaacisay caddeyn ay ku sheegtay in fasax iyo oggolaansho ay ka heystaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, [lambarka NGOD/Moifar0065/22].

“Soomaali Debates hadafkeedu waa in bulshadu qeyb ka noqoto siyaasadda, iyadoo laga doodayo danta guud. Taasina waa danta qaranka, sharciga iyo diiwankana waxaan u marnay wadadii saxda ahayd, waanu ku sii socon doonaa sida qorshuhu yahay,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xiligaas Somali Debates.

Waxay sheegen in qorshahooda ku aadan dooda musharraxiinta madaxweynaha ay taageero buuxa uga heystaan shacabka Soomaaliyeed, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, qaar ka mid ah xubnaha beesha caalamka, FEIT, NIEC iyo musharrixiinta u taagan xilka madaxweynaha oo dhamaantood gacmo furan ku soo dhaweeyay hindisaha Somalia Debates.

Si kastaba, arrintaan ayaa soo afjareysa murankii ka taagna qabsoomida dooda Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya, ayada lagu wado in doorashada madaxweynaha ay dhacdo 15-ka bishaan May.

Daawo: Shuruud cusub oo la hor dhigay musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa shaaciyey tirada musharaxiinta is diiwaan gelisay, goorta ay ku egtahay is diiwaan gelintu iyo shuruudo cusub oo laga rabo musharaxiinta hadal jeedintooda ka hor.

Maxamed Ibraahim Macalimuu oo ka mid ah guddiga ayaa maqribkii warbaahinta la hadlay isagoo sheegay in shalay iyo maanta ay diiwaan geliyeen 32 musharax, waxaana xubnaha aan weli is diiwaan gelin u hartay hal maalin.

“Ilaa hadda waxaan diiwaan gelinay 32 musharax, waxaana diiwaan gelinta ka hartay berri oo kaliya, qofkii berri 4:00 galabnimo ka hor aan shahaadadiisa qaadan, musharax ma noqon doono, waxaan ku adkeyneynaa musharaxiinta dhiman inay ka soo hor maraan waqtiga aan soo gabagabey doono howshaan,” ayuu yiri Macalimuu.

Dhanka kale qoraal ka soo baxay guddiga ayaa lagu shaaciyey dalab cusub oo loo diray musharaxiinta is diiwaan gelisay ee u tartameysa xilka Madaxweynaha, kaas oo ah in musharax kasta laga doonayo inuu berri soo gudbiyo barnaamijkiisa doorasho oo daabacan.

“Guddiga Doorashada Madaxwaynaha JFS wuxuu ku wargalinayaa Musharraxiinta Xilka Madaxwaynaha JFS inuu musharax kasta guddiga u soo gudbiyo 400 (afar boqol) oo nuqul ee barnaamijkiisa doorasho oo daabacan (hard copy) iyo hal nuqul oo electronic ah (pdf) oo ah hadaljeedinta murashaxa, maalinta barri ah oo ku beegan 10 May 2022,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Hoos ka daawo Macalimuu

https://youtu.be/t_6E2KAERdA

Taliye Farxaan Qaroole oo la qaraxiyey iyo Al-Shabaab oo war kasoo saaray

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax culus oo caawa ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho, kaas oo mas’uuliyadiisa ay sheegatay kooxda Al-Shabaab.

Taliyaha qeybta booliska gobolka Banaadir Farxaan Qaroole ayaa la sheegay in qaraxaas lala beegsaday, waxayna ilo wareedyo dhanka ammaanka ah ay si hordhac ah noogu xaqiijiyey inuu ka badbaaday.

Si rasmi ah looma xaqiiji karo khasaaraha qaraxaas, maadaama ay tahay xiili habeen ah, waxaana degaanka Ceelasha Biyaha ilaa wadada dheer ee Muqdisho ka taagan cabsi iyo jaha wareer xoog leh.

Sidoo kale Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda qaraxaas, waxay shaaciyeen inuu burbaray gaari ka tirsanaa kolonyada Farxaan Qaroole oo qaraxu uu haleelay, mana shaacin kooxdu khasaare rasmi ah oo ay ogaadeen inuu geystay qaraxaas.

Saraakiil ka tirsan booliska Soomaaliya ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in Taliye Farxaan uu badqabo, balse waxay ka gaabsadeen inay qaraxaas ka bixiyaan faahfaahin dheeraad ah.

Qaraxa ayaa lala beegsaday  taliyaha iyo ciidankiisa oo la socday kolonyo gaadiid ah, xilli ay caawa fiidkii marayeen gudaha deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka koonfureed ee Muqdisho.

Wixii ka soo kordha kala soco Caasimada Online

Guddiga doorashada oo soo saaray hab-raaca amniga doorashada madaxweynaha

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Baarlamaanka ee doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo saaray hab-raaca amniga doorashada iyo sida ay xildhibaanada iyo musharixiinta ku gaarayaan hoolka ay ka dhaceyso doorashada.

Guddiga ayaa sheegay in la diyaariyey saddex albabaab oo ay ka geli doonaan marti sharafta, musharixiinta, xildhibaanada Laba Aqal iyo Marti sharafta, waxayna Albaabada laga galayo kala yihiin School Policia (Marina Gate), Main Gate iyo Madina Gate.

Dhammaan musharixiinta ayaa loo asteeyey inay kasoo galaan albaabka Madina Gate, halkaas oo ay kaga soo tagayaan gawaaridooda dagaalka, ciidanka iyo Gawaarida kale, waxaana halkaas ka qaadi doono Basas VIP ah oo loo diyaariyey.

Xildhibaanada Labada Aqal, marti sharafta iyo shaqaalaha labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa loo asteeyey inay kasoo galaan Ablaabka Marina Gate ( School Policia) iyo Main Gate.

Qodobka Sedexaad ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha xilka hayo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo loo ogol yahay inuu hoolka lasoo galo 3 qof oo kala ah:

  1. Askariga Astaanta Qaranka
  2. Qof hab-maamuska ah
  3. iyo Qof codadka u tiriyo

Musharixiinta madaxweynayaasha soo noqday waxaa loo ogol yahay labo qof inuu hoolka la soo galo, hal qof oo hab maamuus iyo hal qof oo codka u tiriyo, halka Musharaxiinta kale loo ogolyahay hal qof oo ah kan codka u tirinaya.

Guddiga ayaa sidoo kale hab-raaca amniga ku sheegay in dhammaan albaabada la dhigay magacyada xildhibanada Labada Aqal, musharixiinta, Shaqaalaha Baarlamaanka, Marti sharafta iyo warbaahinta.

Sidoo kale, guddiga ayaa sheegay in saxaafadda loo diyaaryey hool gaar ah oo loogu diyaariyey shaashado ay ka tabayeen doorashada.

Marka laga soo tago qodobada aan kor kusoo xusnay, waxaa sidoo kale habraaca ku jira qodobo kale oo aad u adag oo lagu ilaalinayo hufnaanta doorashada madaxweynaha.

Halkaan hoose ka akhriso hab-raaca oo dhamesytiran