25.3 C
Mogadishu
Monday, June 22, 2026

Sawirro: Shariif oo ololihiisa xoojiyay saacadihii tegay iyo tallaabooyin uu qaaday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, ahna murashax u tartamaya mar kale hoggaanka dalka Shariif Sheekh Axmed ayaa saacadihii u danbeeyay laga dareemayay magaalada Muqdisho inuu xoojiyay ololahiisa dib u doorasho.

Shariif ayaa xalay hoygiisa ku booqdo madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen oo aad u kala fogaayeen maadaama Lafta-gareen uu u ololeynayay madaxweyne Farmaajo.

Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in Cabdicasiis Lafta-gareen ay ka wada hadleen dhameystirka doorashooyinka madaxweynaha, isagoona ugu mahad celiyay kaalintiisii doorashooyinka dalka.

Shariifka ayaa intaa raaciyay in isaga iyo Lafta-gareen ay isla soo qaadeen muhiimada ay leedahay in si wada jir ah looga shaqeeyo in doorashada si nabad ah u idlaato.

Dhinaca kale, warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in madaxweyne Shariif uu ka codsaday Lafta-gareen inuu qeyb ka qaato sidii dalka isbadal ugu dhici lahaa, si loo badalo madaxweynaha xafiiska sii haya ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sidoo kale, Shariifka ayaa la kulmay madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe, iyagoo ka wada hadlay gabagabada doorashada oo maalinta 15-ka May ay dhici doonto tan madaxweynaha dalka.

Sheekh Shariif ayaa kala hadlay Cali Guudlaawe siidii doorashada ugu gacan siin lahaa inuu ku guuleysto, iyadoo dhinaca Cali Guudlaawe ay u badan tahay inuu taageero Shariifka, oo ay isku jufo yihiin

Lafta-gareen ayaa la ogsoon yahay inuu aad ugu dhow dhowaa madaxweyne Farmaajo, isaga oo horey u taageeray muddo kororsigii fashilmay, balse wuxuu hadda ka fakarayaa musharax labaad, haddii Farmaajo looga adkaado wareegga koowaad ee doorashada. 

Sawirro: Rooble oo casuumay xildhibaanadii Ceelwaaq

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxameed Xuseen Rooble ayaa xalay casuumaad casho ah u sameeyay xildhibaanada baarlamaanka federaalka ee laga soo doortay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, kuwaasoo dhawaan loo aqoonsaday inay yihiin kuwa sharciga ah ee Jubbaland ku matalaya golaha shacabka.

Rooble ayaa u hambalyeeyay xildhibaanada 16-ka ah ee laga soo doortay Ceelwaaq, isagoona ku booriyay inay dalkooda si daacad ah ugu shaqeeyaan.

Sidoo kale ra’iisul wasaare Rooble ayaa kula dardaarmay xildhibaanadaasi in ay ka qeyb qaataan ka shaqeynta iyo in isbadal dalku galo si loo doorto madaxweyne cusub oo dalka ku hoggaamin kara hufnaan iyo tallo wadaag.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa horay u taageerayay xildhibaanada lagu soo doortay Ceelwaaq, halka madaxweyne Farmaajo uu taageersanaa kuwa lagu soo doortay Garbahaareey balse baarlamaanka buriyay sheegashada sharci ahaanshaha xildhibaanadaasi, taas badalkeedna waxaa aqoonsiga xildhibaano la siiyay kuwa Ceelwaaq.

Rooble ayaa ansixinta xildhibaanada Ceelwaaq u arka guulweyn oo uu ka gaaray dagaalkii siyaasadeed ee uu la galay madaxweyne Farmaajo iyo Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Guddoonka Golaha Shacabka ee baarlamanka Soomaaliya, oo 8-dii May go’aan rasmi ah kasoo saaray xildhibaanada muranka uu ka taagnaa ee gobolka Gedo, ayaa u aqoonsaday xildhibaanada lagu soo doortay Ceel-Waaq inay yihiin kuwa sharciga ah ee matalaya gobolkaas. 

Guddoonka ayaa sheegay inuu go’aankan saldhiga uga dhigay markii uu arkay in xildhibaanadda lagu soo doortey degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ay Habraca Doornshadooda mariyeen Guddiga Hirgalinta Doorshadda Dadban ce Heer Federaa,l islamaekaana ay doorshadooda qabteen Guddiga Hirgalinta Doorashadda dadban ee Heer Dawlad Goboleed. 

Waxa uu sidoo kale sheegay in xildhibaanada sheeganaya in lagu soo doortey degmada Garbahaarey aanay heysan shahaadadii Guddiga Hirgalinta Doorshadda Dadban ee Heer Federaal, islamarkaana aanay doorshadooda qaban Guddiga Hirgalinta Doorashadda dadban ee Heer Dawlad Goboleed.

Wafdi culus oo oo Mareykan ah oo gaaray HARGEYSA

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland waxaa maanta gaaray wafdi ka socda dowladda Mareykanka, kuwaas oo ka dagay gudaha garoonka diyaaradaha ee magaaladaas, halkaas oo si billaaran loogu soo dhoweeyey.

Wafdigan ayaa kasoo kicitimay dhanka dalka Jabuuti, waxayna isugu jiraan diblomaasiyihiin iyo saraakiil ka socota wasaaradda gaashaandhigga ee wadanka Mareykanka.

Wararka aan helnay ayaa sidoo kale sheegaya in xubnahan uu horkacyo taliyaha ciidamada Maraykanka ee saldhiggoodu yahay dalka Jamhuuriyadda Jabbuuti, iyada oo loo galbiyey dhanka madaxtooyada, halkaas oo ay kula kulmi doonaan madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in xubnaha wafdigan ay booqan doonaan Dekadda magaalada Berbera oo ay gacanta ku heyso Shirkadda DP World.

Illaa iyo hadda ma jiro wax faah faahin oo ay xukuumadda Hargeysa ka bixisay socdaalka wafdiga Mareykanka ee gaaray magaaladaasi.

Booqashadan ayaa daba socota socdaalkii uu dhowaanMuuse  Biixi ku tegay Mareykanka, isaga oo kulamo lasoo yeeshay madax ka tirsan dalkaasi iyo Jaaliyadda Somaliland.

Si kastaba, Mareykanka ayaa u muuqda mid wax ka beddlay farsamooyinka uu kula macaamilo Somaliland, wuxuuna sii xoojiyey xiriirka kala dhexeeya maamulkaasi.

Daawo: Farmaajo, Shariif, Xasan iyo musharixiin kale oo hortegay xildhibaanada BF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) iyo madaxweynayaashii hore ee dalka ayaa maanta hortegay xildhibaanada labada Aqal, si ay ugu jeediyaan khudbadahooda.

Farmaajo, Shariif iyo Xasan Sheekh ayaa ka mid ah 19 musharrax oo maanta hadal-jeedintooda ka sameynaya Teendhada Afisyoone ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku sugan yihiin xildhibaanada labada gole ee baarlamaanka & guddoonkooda.

Maanta oo ah maalinta labaad ee hadal-jeedinta ayaa ku duwan shalay, marka loo eego saameynta musharixiinta hadlaya, walow maalintii 2-aad ay xildhibaano kooban tageen Afisyoone.

Musharixiinta ayaa la siiyey min 15 daqiiqo waxayna ka hadli doonaan taariikhdooda, barnaamijkooda siyaasadeed iyo ballan-qaadkooda ku aadan, haddii xilka loo doorto.

Sidoo kale ammaanka ayaa aad loo adkeeyey, waxaana sugaya ciidamada howlgalka ATMIS iyo kuwa Booliska oo la geeyey banaanka hore ee xerada si ay ula socdaan dhaq-dhaqaaqa.

Sida qorshaha uu yahay maanta ayaa lasoo gabagabeyn doonaa khudbadaha musharixiinta 39-ka ah, maadaama shalay la dhageystay hadal jeeinta 20 musharrax, halka 19-ka kale ee haaray maanta ay hortegi doonaan xubnaha Golaha Shacabka iyo kuwa Aqalka Sare.

Doorashada madaxweynaha ayaa dhaceyso 15-ka bishan May, taas oo ay si weyn ugu loolami doonaan musharixiintii ugu badnaa abid, inta la xasuusto doorashooyinka Somalia.

Halkan hoose ka daawo:-

Dad isku qoys ahaa oo ku dhintay hoobiye, kadib weerar xalay ka dhacay…

0

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in xalay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar loo adeegsaday hoobiyeyaal ku qaadeen deegaanka Biyo Cadde oo ka tirsan gobolkaasi.

Weerarka ayaa waxaa lagu beegsaday saldhigyo ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS ay ku leeyihiin gudaha deegaankaaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamada huwanta ay dhankooda ku jawaabeen tiro madaafiic ah, kadib weerarka lagu soo qaaday.

Hoobiyeyaasha ka yimid dhanka Al-Shabaab ayaa qaarkood waxa ay ku dhaceen guryo ay daganaayeen dad shacab ah, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkaasi ku dhintay ugu yaraan 2 qof, halka ay ku dhaawacmeen 2 kale oo dhammaan ah dad isku qoys ah.

Xaaladda ayaa saaka deggan, waxaana lagu soo warramayaa in ciidamada milatariga Soomaaliya iyo kuwa ATMIS ay howlgallo ka bilaabeen halkaasi.

Maalmihii u dambeeyey xoogaga Al-Shabaab ayaa kordhiyey weerarada ay ka fuliyaan Shabeelaha Dhexe, waxaana ugu dambeeyey weerarkii dhowaan lagu qaaday saldhig ciidanka Burundi ay ku leeyihiin Ceel Baraf, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Muuse Biixi ka hadalay doorashada Madaxweynaha DF, weerarayna musharaxiinta qaar

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, sidoo kale Muuse Biixi ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in masuuliyiin ka soo jeeda Somaliland ay xilal u doontaan Muqdisho.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa dhaliilay maalinta lagu aadiyey doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ee 15-ka May, taas oo ku asteysan maalinkii la aas-aasay ururkii xornimo doonka Soomaaliya ee SYL.

“Soomaaliya bishaan 15-keeda ayey u asteeyeen inay qabsadaan doorashada madaxweynaha, inay is doortaan oo nabad galaan ayaan Alle uga baryeynaa, laakiin waxaan hoosta ka xariiqayaa 15-ka markii ay doorteen waxay ka shaqeeyeen in dib dambe aanaa isku soo sheegan,” ayuu yiri Muuse Biixi.

Wuxuu intaas ku sii daray, “15-ka May waxay noo aheyd maalintii SYL, kadib waxay u bixiyeen maalinta dhalinyarada, maantana waxay ku beegeen maalinta madaxweynahooda, wax iska galayna malahan oo taariikh iskuma lahan, waana ka bareereen.”

Madaxweynaha Somaliland oo hadalkaan ka jeediyey xaflad ka dhacday Jaamacad ku taalla Hargeysa ayaa si gaar ah u duray musharaxiin ka soo jeeda Somaliland oo u tartamaya xilka Madaxweynaha Soomaaliya, kuwaas oo ay ku jirto Fowsiya Xaaji Aadan oo ah gabadha kaliya ee musharaxiinta ku jirta, sidoo kale waxay aas-aastay jaamacadda uu maanta Muuse Biixi hadalkaan ka jeediyey.

Sidoo kale Muuse Biixi ayaa kuwo guul dareystay ku tilmaamay dadka u dhashay Somaliland ee xilalka ka haya dowladda Soomaaliya, waxaana dadkaas lamid ah buu yiri, dadka reer koonfurka ah ee aaminay in siyaasiyiintaas ay Somaliland metelaan.

“Waxay nacasnimo heysataa, dadka Somaliland u dhashay ee maamuuska ku heystay dhulkooda oo qaarkood Jaamacado halkaan ka dhisay, ee inta Xamar tegay dhahaya waxaan meteleynaa Somaliland oo baarlamaanka ayaa dooneynaa waana codeyneynaa,” ayuu yiri Muuse.

Wuxuu sheegay in Muqdisho ay joogaan dad culumo iyo caamo leh oo aqoon diimeed leh, balse ay lamid noqdeen kan Somaliland ka tegay ee loo dhaariyey inuu Somaliland metelayo.

“Qolada ay u codeeyaan dadka naga tegay ee Muqdisho jooga, dhibaatada ka gaarta reer Muqdisho anaga naguma eedi doonaan, kuwa Somaliland ee xilalka u doontay Muqdisho, waa noo gefeen,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi.

Hoos ka daawo

CC Shakuur oo khudbadiisa ku weeraray xildhibaanada uu codka ka raadinayo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ah Musharaxiinta Madaxweyne ee maanta hadal-jeenta kulahaa teendhada Afisyoone ayaa qaaday tallaabo wax u dhimi karta rajadiisa doorashadiisa.

Cabdiraxmaan oo intii hore si qurux badan u jeediyay khudbadiisa musharaxnimo ayaa daqiiqadii u dambeysay si weyn u duray xildhibaanada labada aqal, kuwaasi oo ah go’aamiyayaasha cidda kusoo baxeysa doorashada loo balansan yahay 15-ka bishaan.

Musharaxa ayaa sheegay in Xildhibaanada badankooda ay ku yimaadeen qaab aan ka duwaneyn magacaabis oo kale, inkasta oo arrintaasi run tahay, haddana marka la joogo marxladaan oo kale si toos ah looma duro Xildhibaanada oo asaga laftigiisa uu ka rabo cod.

“Xildhibaano badan oo halkan fadhiya oo labada aqal ah sida ay ku imaadeen dhamaanteen waa ogsoonahay, waxaa lagu soo doortay duruufo, markay codka dhiibanayaan waxay fiirinayaan duruuftii ay kusoo baxeen iyo damiirkooda,” ayuu yiri Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Fallan-qeeyayaasha Siyaasada ayaa qaba in durista Xildhibaanada ee uu sameeyay Musharax Cabdiraxmaan ay aheyd mid aan maanta meesha oolin, maadama laga wada dharagsan yahay sida ay ku soo baxeen iyo qaabkii doorashadooda u dhacday.

“Khudbada Cabdiraxmaan aad bey u fiicneyd illaa inta laga gaarayo daqiiqadii u dambeysay, maanta ma aheyn maalin su’aal la galiyo sharciyada xildhibaanada, lana xasuusiyo inay soo saarteen shaqsiyaad gaar ah oo cod uga fadhiya,” ayuu yiri Aqoonyahan kamid ah fallanqeeyaasha arrimaha siyaasada oo la hadlay Caasimada Online.

Sida la fahamsan yahay Musharaxa ayaa hadalkiisa ka lahaa ujeedo beer laxowsi iyo inuu ku sasabto xildhibaanada, hase yeeshe waxay u horseeday inuu ku dhaco qalad siyaasadeed uusan fileyn oo saameyn ku yeelan kara doorashadiisa.

Si kastaba, Doorashada madaxweynaha oo lagu wado inay teendhada Afisyoone ka qabsoomto maalmo kooban kadib ayaa cida soo baxeysa waxaa go’aaminteeda leh Xildhibaanada labada aqal oo ayagu u codeynaya musharaxiinta.

Al-Shabaab oo shaaca ka qaaday in nin ajnabi uu ahaa qofkii isku qarxiyey xerada Ceelbaraf iyo dalka uu ka yimid

Muqdisho (Caasomada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa maanta shaaca ka qaaday in nin ajnabi ah uu fuliyey qaraxii ugu horreeyey ee lagu billaabay weerarkii ay kooxdan dhawaan ku qaaday saldhig ay daganaayeen ciidamada Burundi oo ku yaalay deegaanka Ceelbaraf ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Kooxda ayaa sheegtay in qaraxaas ismiidaaminta ah uu fuliyey Jamaal Diba Diida oo kooxda dhexdeed looga yaqaano Zubeyr Al Muhaajir, kaasoo u dhashay dalka Kenya.

Ninkaan ayaa cod laga duubay kahor inta uusan is qarxin ku sheegay inuu sanadkii 1996 ku dhashay magaalada Isiolo ee dalka Kenya.

Codka uu duubay ayuu ninkaan ajnabiga ah ugu hanjabay ciidamada Burundi inay dhibaato xoog leh kala kulmi doonaan imaanshiyahooda Soomaaliya, islamarkaana aysan kooxda joojin doonin weerarada lagu hayo saldhigyada AMISOM inta ay Soomaaliya ka baxayaan sida uu hadalka u dhigay.

Weerarka ay kooxda Al-Shabaab ku qaaday saldhigga Ceelbaraf oo ay dagaayeen ciidamada howlgalka ATMIS, gaar ahaan kuwa Burundi ayaa waxaa ka dhashay khasaaro xoog leh oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Sarkaal u hadlay Dowladda Burundi ayaa sheegay in weerarkaas ay uga geeriyoodeen illaa 30 Askari, halka uu sheegay inuu dhaawaca kor u dhaafayo 20, sidoo kalana ay jiraan kuwa nolol iyo geeri lagu la’yahay.

Al-Shabaab ayaa iyadana sheegtay war kaas ka duwan, waxayna sheegatay inay weerarkaas ku dishay ku dhawaad 170 Askari, iyadoo xaqiijisay inay nolosha ku qabatay Tobaneeyo kale.

Weerarka Ceelbaraf ayaa noqonayo mid kamid ah weeraradii ugu khasaaraha badnaa oo ay kooxda Al-Shabaab kusoo qaado saldhigyada ciidamada AMISOM ee Soomaaliya.

ATMIS iyo Ahlu-Sunna oo qarka u saaran dagaal kadib go’aan kasoo baxay ATMIS

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Taliyaha Sectorka 4-aad ee Ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS Col. Xasan Jaamac ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug xilli ay halkaas ka jirto hadal heyn ku aadan weerar ay kooxda Ahlu Sunna qorsheeneyso inay kusoo qaado magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb.

Col. Xasan Jaamac ayaa kulan deg deg ahaa la qaatay saraakiisha kala duwan ee ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Galmudug ee ku sugan Dhuusamareeb.

Sida laga soo xigtay kulanka, taliyaha ayaa saraakiisha iyo taliyayaasha uu la kulmay u ballan qaaday in ciidamada ATMIS ee ku sugan Dhuusamareeb aysan gacmaha ka laaban doonin haddii ay kooxda Ahlu Sunna isku daydo inay weerar kusoo qaado Magaalada Dhuusamareeb.

Taliyaha ayaa la sheegay ciidamada howlgalka AMISOM ee ATMIS iyo saraakiishaba uu amar buuxa ku siiyey inay si dhow ula shaqeeyaan ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa Galmudug ee ku howlan sidii Dhuusamareeb looga difaaci lahaa weerarka kusoo socda.

Saraakiisha uu taliyaha la kulmay ayaa waxaa kamid ahaa Taliyaha Qaybta 21-aad General Cabdi Jaamac Cigaal, Taliyaha Howlgalinta GorGor Maxamed Dhagawayne iyo Saraakiisha kale ee Ciidanka GorGor, waxaana ka wada hadleen Amniga Guud ee Dhuusamareeb.

Kulankaan deg dega oo ay saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS ay ku yeesheen Magaalada Dhuusareeb ayaa kusoo aadaya xilli maalmihii la sheegay inay kooxda Ahlu Sunna ka wado deegaanka Bohol dhaq-dhaqaaq ciidan loo fahmay inay weerar kusoo tahay Dhuusamareeb iyo Guriceel.

Ciidamada Ahlu Sunna ayaa dhawaan dagaal dhiig ku daatay oo socday muddo ku dhow 10 Maalin looga saaray Magaalada Guriceel,  waxayna wixii markaas ka dambeeyey saldhig ka dhigteen deegaanka Bohol oo ay isugu geeyeen dhammaan ciidankii daacadda u ahaa.

Xiisadaan ayaa kusoo aadeyso iyadoo deegaanada Galmudug ay ka maqan yihiin madaxweynaha Galmudug, ku xigeenadiisa, Guddoomiyaha Baarlamaanka, kuxigeenadiisa, xildhibaanada iyo wasiirada maamulkaas kuwaas oo ku wada sugan Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho oo la filayo in 15-ka bishaan ay ka dhacdo doorashada madaxweynimo ee Soomaaliya.

Taliska BOOLISKA oo war kasoo saaray khasaaraha qarixii ka dhacay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed, Cabdifitaax Aadan Xasan oo shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa ka warbixiyey khasaaraha ka dhashay qarixii maanta ka dhacay isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.

Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sheegay in qaraxa oo ahaa is-miidaamin uu qofka fuliyey bartilmaameedsaday gawaari ku sugneyd Checkpointiga laga galo garoonka Aadan Cadde.

Afhayeenka ayaa intaasi ku daray in bartilmaameedka qaraxa uu ahaa General Garabey oo ka mid ah saraakiisha ciidamada Xoogga dalka, kaas oo uu gaarigaasuu taagnaa goobta, balse waxa uu sheegay inuu ka bad-baaday qaraxaasi, uuna haatan caafimaad qabo.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ruuxa is qarxiyey uu rabay inuu qabsado daaqadda gaariga oo ahaa nooca aan xabadda karin, sida uu hadalka u dhigay.

“Shaqsi isku xiray walxaha qarxa oo naftii halige ah ayaa wuxuu si toos ah u beegsaday gawaaridii taagneyd Checkpointiga, gawaaridaas oo uu ka mid ahaa gaariga General Garabey oo sida idin muuqata rabay inuu daaqadda ka qabsado, balse gaariga oo ahaa baabuurta aan xabadda karin aawgeed Ilaaheyn nooga bad-baadiyey Jananka, wuuna caafimad qabaa, waxa dhib ahna ma jiraan,” ayuu yiri Afhayeenka ciidamada Booliska.

Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sidoo kale xaqiijiyey in qaraxaan ay ku dhaawacmeen illaa 7 qof oo la geeyey isbitaallada Madiina iyo Digfer ee magaalada Muqdisho.

Dhanka kale kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxan, waxayna shaacisay inay la eegtay kolonyo ay wateen madax ka tirsan dowladda federaalka oo ku sii jeeday dhanka Xerada Afisyoone, sida ay ku sheegtay qoraal ay ku baahisay Internet ka.

Weerarkan qaraxa ah ayaa qayb ka noqonaya falal ammaanka darri oo maalmihii u dambeeyey ka dhacayey gudaha magaalada Muqdisho, waxaana ka mid ah weerarkii tooska ahaa ee ay bishii hore kooxdu ku qaaday xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.

DAAWO: Hadal-jeedinta musharixiinta oo ka socota Teendhada Afisyoone

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomalaiya, gaar ahaan Teendhada Afisyoone waxaa toos uga bilaabatay hadal-jeedinta musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Khudbadaha musharxiinta ayaa waxaa si wadajir ah u dhageysanayaa xildhibaanada labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo ku sugan Teendhada Afisyoone.

Musharixiinta maanta hadal-jeedinta sameynaya ayaa gaaraya illaa 20 musharrax, waxaana la siiyey min 15 daqiiqo, si ay uga hadlaan taariikhdooda, barnaamijkooda siyaasadeed iyo ballan-qaadkooda ku aadan, haddii xilka loo doorto.

Ammaanka xerada ayaa si weyn loo adkeeyey, iyada oo lagu wareejiyey ciidamada howlgalka ATMIS, ex AMISOM si ay u sugaan amniga inta ay socota doorashada.

Sidoo kale qaybta labaad ee hadaljeedinta ayaa dhaceyso beri oo Khamiis ah, kuna beegan 12-ka May, waxaana khubadahooda jeedinayo madaxdii hore oo uu ku jiro Farmaajo.

Doorashada madaxweynaha oo loolan adag loo gali doono ayaa lagu wadaa inay qabsoonto maalinta Axada ah ee soo socota, kuna beegan 15-ka bishaan May ee 2022-ka.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa ku daahday doorashooyinka, kadib khilaafaad sababay dib u dhacyo ku yimid sanad iyo ka badan.

Farqiga u dhaxeeya lacagta laga qaado musharaxiinta madaxweynaha ee dalalka Afrika iyo Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maalmihii dambe si weyn dalka looga hadal hayaa doorashada madaxweynaha, taasi oo lagu wado in 15-ka bishaan ka dhacdo magaalada Muqdisho.

Doorashada ayaa waxaa isku soo taagay 39 musharax oo is diiwaan-geliyay, halka kuwa kale ay iskaga hareen kadib markii ay soo buuxin waayen shuruudihii looga baahna ee ay soo saareen guddiga doorashada madaxweynaha.

Habraaca iyo shuruudaha musharixiinta madaxweynaha Soomaaliya ee sanadkaan waxaa qayb ka ahaa bixinta lacag gaareysa 40,000 dollar oo la isku diiwaan-gelinayo, waana qarashkii ugu badnaa abid ee ku baxa diiwaan-gelinta musharixiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Waxaa warbixintaan ku eegeyna qaar kamid ah dalalka qaarada Afrika iyo lacagaha musharaxiinta laga qaado, taasi oo marka loo eego midda Soomaaliya ee sanadkaan ay noqoneyso mida ugu badan ee laga qaado musharaxiin u baratameysa xilka madaxweynaha.

  • Tansania: dalka Tansaaiya oo ah dal dhaca bariga qaaradda afrika, tirada dadkiisuna ay gaarayaan 59.73 milyaan oo qof ayaa waxaa dhowrkii sanaba mar ka dhaca doorasho madaxweyne.Musharixiinta isku soo taagta xilka madaxweynaha dalka Tansania ayaa waxaa laga qaada lacag gaaraysa $1,000 dollar, taasi oo lagu diiwaan-gelinayo musharaxa madaxweynaha dalka Tansaaniya.Dalkaan ayaa kamid ah dalalka ugu yar ee laga qaado lacagaha musharixiinta u tartamaysa xilka madaxweynaha, waxaa dalkaan hadda madaxweyne ka ah Haweeney lagu magacaabo Samia Suluhu Hassan, taas oo baddashay madaxweynihii ka horeyay kadib markii uu geeriyooday.
  • Kenya: dalkaan oo deris la ah Soomaaliya ayaa isna kamid ah dalalka qaaradda ku yaallo oo 5-tiii sanaba mar ay ka qabsoonto doorashada madaxweynaha.Musharixiinta xilka madaxwynaha dalka Kenya isku soo taagta ayaa laga qaada lacag gaareysa $10,000 dolar, taas oo ah lacagta diiwaan-gelinta musharixiinta madaxweynaha dalka Kenya.
  • Burundi: Dalkaan oo kamid ah dalalka ku yaalla qaaradda Afrika, tirada dadkiisuna ay gaarayaan 11.89 milyan oo qof , ayaa dhowrkii sanaba ay mar ka dhacda doorashada madaxweynaha dalkaa.Burundi oo hadda madaxweyne uu ka yahay Évariste Ndayishimiye ayaa marka lagaaro doorashada madaxweynaha, musharixiinta xilkaas isku soo taagta laga qaadaa lacag gaareysa $7,500 dolar, taas oo ah lacagta isdiiwaangelinta musharixiinta.
  • Ghana: Dalkaan oo dhaca galbeedka qaaradda Afrika, tirada dadkiisuna ay yihiin 31.07 milyaan oo qof ayaa kamid ah dalalka afrika ee lacagaha ugu badan laga qaado musharixiinta u tartamaysa xilka madaxweynanimada ee dalkaas.Ghana waxaa musharax u tartamaya xilka madaxweynaha laga qaadaya lacag gaareysa $17,00 dolar oo ah lacagta isdiiwaangelinta musharixiinta xilka madaxweynaha daneyneysa.

Marka loo eego dalalka aan kor kusoo xusnay lacagta laga qaaday musharaxiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa illaa xad uga badan, waxayna midaan noqoneysa middii ugu badneyd ee abid laga qaado musharixiinta u tartamaysa xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Ciidanka Israel oo toogasho ku dilay wariye ka tirsan Aljazeera, Shireen Abu Akleh

DOHA (Caasimada Online) – Wariye ka tirsan Aljazeera ayaa lagu dilay rasaas ay ciidamada Israa’iil ku fureen maanta oo Arbaca ah dhulka la haysto ee Daanta Galbeed, sida uu sheegay Telefishinka Carbeed ee laga leeyahay dalka Qatar.

Israa’iil ayaa dhankeeda sheegtay in laga yaabo in ay toogteen dad Falastiiniyiin ah oo ay isku dhaceen ciidankeeda.

Mid ka mid ah saraakiisha Falastiiniyiinta ayaa sheegay in Shireen Abu Akleh ay “dileen” ciidamada Israa’iil xilli ay ka warbixineysay weerar ka dhacay magaalada Jenin, oo todobaadyadii lasoo dhaafay ay kordheen weerarada ay ciidamadu geysanayaan.

Wasaaradda caafimaadka Falastiin ayaa xaqiijisay geerida Shireen Abu Akleh, waxayna sidoo kale sheegtay in weriye labaad oo lagu magacaabo Ali Samodi isna la dhaawacay.

War qoraal ah oo uu soo saaray militariga Israa’iil ayaa lagu sheegay in ciidamadooda ay rasaas ku fureen kadib markii ay “rasaas xoog leh” kala kulmeen Jenin.

Sidoo kale waxay intaas ku dareen ‘inay ay suurta gal tahay, in suxufiyaddan ay ku dhimatay rasaas ay soo fureen Falastiiniyiintu’, laakiin hadda uu socdo baaritaanka.

Shireen waxa ay aheyd wariye aad looga yaqaanay Bariga Dhexe, iyada oo ka mid ah weriyeyaasha ugu saamaynta badan laanta Carabiga ee Aljazeera.

VOA + Reuters

Lama filaanka ka dhici kara doorashada madaxweynaha

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyada oo ay dhowdahay doorashada madaxweynaha oo loo madlan yahay maalinta Axadda ah ee 15-ka bisha May, ayaa waxaa laga dhex dareemayaa guux aad u xoogan xildhibaanada labada gole ee baarlamanka Federaalka Soomaaliya. 

Doorashada ayaa waxaa isu-diiwaangeliyey 39 musharax balse way adag tahay in saadaal laga bixiyo kan kasoo dhexbixi doono, oo kursiga calfan doona. 

Xildhibaanada qaarkood ayaa sheegaya in doorashada ay tahay mid ka duwan doorashooyinkii hore iyadoo ay suurta-gal inay hoolka ka dhacdo natiijo lama filaan ku noqon doonta murashaxiin badan oo isku arka inay yihiin kuwa ugu xooga badan horeyna dalka uga soo qabtay xilalka madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha, xukuumadda iyo dowlad goboleedyada. 

Xildhibaanada qaar ayaa laga soo xigtey inay macquul tahay in doorashadan ay aadi doono shaqsi cusub oo aan wax xil ah horey uga soo qaban dalka islamarkaana aan koox gaar ah oo siyaasadeed u afduubneyn, isku hayn kara siyaasiyiinta is diidan ee dalka.

Wax cusub maaha in mar kasta la doorbido siyaasiyiinta ama dadka aan horey dalka wax uga soo noqon, sida dhacday doorashadii Xasan Sheekh uu kusoo baxay, waana suurta-gal in taas mar kale ay dhacdo, ayey leeyihiin xildhibaanada 

“Suuragal nooma ahan inaan kala xulanno madaxweynayaashii hore, ra’iisul wasaareyaal ama wasiiradoodii sidoo kale madax dowlad goboleedyo aan naqaano,” ayaa laga soo xigtay ilaa afar kutlad oo ka tirsan labada gole taasoo ka dhigan in goluhu uu ka dhabeyn doono isbedel dhab ah . 

Xuuraan Siyaasadeed oo aan sameyney ayaa 8-da murashax ee safka ugu horeeya kaga jira doorashada waxay kala yihiin; Maxamed Farmaajo oo kursiga ku fadhiya, Xasan Sheekh Maxamuud, Sheekh Shariif, Xasan Khayre, Siciid Deni, Cabdikariin Guuleed, Daahir Maxamuud Geelle iyo Jabriil Ibraahim Cabdulle. 

Haddii sida ay xildhibaanada wax u sheegayaan ay u dhacaan, waxa tani fursad siin kartaa Jabriil Ibraahim Cabdulle, oo ah kan kaliya ee aan xil kasoo qaban Soomaaliya, haddiiba la go’aansado in weji cusub la aado.

Rajada Jabriil ayaa aad sare ugu kici doonto, haddii uu kasoo gudbo wareegga koowaad, maadaama inta badan xildhibaanada ay wareegaas kadib doorbidaan qofka cusub ee aan dhinacna raacsaneyn. 

Sheekh Aadan Madoobe oo magacaabay la-taliyihiisa siyaasadda iyo amniga

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa La-taliye sare oo arrimaha siyaasada iyo amniga ah u magacowday Maxamed Xasan Idiris.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa warqadda uu ku soo saaray magacaabidaan, wuxuu xoghayaha guud ee golaha shacabka ku faray inuu u dhameystiro la-taliyaha cusub habraaca iyo meelmarinta go’aanka sida ugu haboon ee sharciga waafaqsan.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa warqadaan ku sheegay in xafiiskiisu uu baahi badan u qabo la-taliyahaan, isla markaana uu Maxamed Xasan Idiris leeyahay aqoon iyo waayo aragnimo siyaasadeed.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa hadda ah masuulka ugu sareeya dalka, waxaana hor taalla mareynta marxaladaan kala guurka ah ee Soomaaliya ay ku jirto.

Maxamed Xasan Idiris La-taliyaha cusub ee guddoomiyaha golaha shacabka ayaa horay u soo noqday xildhibaan ka tirsan golaha shacabka, wuxuuna ka mid ahaa baarlamaankii 10-aad oo uu kasoo galay deegaanada Koonfur Galbeed.

Guddiga doorashada BF oo soo saaray 14 qodob oo la xiriira maalinka doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashada madaxweynaha ayaa soo saaray war-saxaafadeed ay ku faahfaahinayaan cidda loo xil-saaray mas’uuliyadda ammaanka goobta doorashada iyo doorka ay ku yeela karaan ciidamada qaranka

Qodobka koowaad ee warqadda guddiga ayaa lagu cadeeyey in taliska booliska Soomaaliya uu yahay hoggaamiyaha guud ee amniga doorashada, halka amniga irdaha laga galo teendhada Afisyooni iyo gudaha xarunta ay masuul ka yihiin ciidanka ATMIS.

Nabad Sugidda iyo Militeriga ayaa loo sheegay inay adkeeyaan oo masuul ay ka yihiin amniga gudaha iyo daafaha magaalada Muqdisho oo doorashadu ay ka dhaceyso, waxaana si gaar ah Nabad sugidda loo faray inay fashiliyaan hadii ay jiraan dhagaro loo maleegay doorashada.

24 askar oo ka tirsan booliska Soomaaliya, kuwaas oo aan hubeysneyn ayaa gudaha hoolka doorashada kala shaqeyn doona ciidanka ATMIS, sida lagu cadeeyey bayaanka guddiga.

Sidoo kale ciidanka militeri ah oo qayb ka degan Teendhada Afasiyooni ayaa si ku meelgaar ah looga rarayaa xarunta teendhada, inta doorashada lagu guda jiro.

Hoos ka akhriso bayaanka oo dhameystiran:

Tariikh 10/05/2022 Guddoonka Baarlamaanku waxuu soo saarey bayaankan Amni ee Tafaasiishu hoos ku qoran:

A) Taliyaha Ciidanka Boolisku waa hogaaminaya Amniga guud ee Doorashadda.

B) Amniga iyo galitaanka fadhiga Xarunta waxaa gaar u leh Ciidanka ATMIS Sector 1.

C) Ciidanka Xoogga Dalka iyo Ciidanka Nabadsugida & Sirdoonka Qaranka waxay u xilsaaran yihiin amaanka guud ee Magaalada gudaheeda iyo banaankeedaba in ay ka hortagaan wax kasta oo amaanka khalkhal galinkara sida shabaab iyo wixii la mid ah.

D) Ciidanka Nabadsugidda waa in ay si gaara ula socdaan xubnaha ka tirsan Alshabaab ee gudaha magaalada ku dhuumaalaysanaya oo ay fashiliyaan intaanay wax sameyn.

E) Ciidanka Booliska iyo kan Nabadsugida waxay ka masu’ul yihiin fududeynta socodka Murshaxiinta, Xildhibaanada iyo martida madaxda ah ee la martiqaaday ay ku soo gaarayaan Teendhada ilaa inta lagu guddo juro Doorashada.

F) Afar iyo labaatan (24) Booliis ah oo aan hubaysnayn waxay kala shaqeynayaan ATMIS warunta doorashadda ee Teendhada Afasiyooni.

G) ATMIS oo raaceysa awaamiirta Gudoonka ma ogolaanayso in wax hub ah lala soo galo Xalane maalinta Doorashada.

H) Ciidanka Xoogga Dalka qaybta degan Teendhada Afasiyooni waxay si ku meelgaar ah u banaynayaan Xaruunta teendhada inta Doorashada lagu guda jiro, waxayna xoojinayaaan Amaanka banaanka.

I) Ayadoo la raacayo sida ku cad habraacyada Guddiga qaban qaabada Doorashada Madaxwaynaha ay soo saareen, Murashaxiinta u tartamaya Xafiska Madaxweynaha waxay ka soo galayaan albaabada tilmaaman, halkaas oo ay ATMIS ka qaadi doonto ayna sii galbinayaan ilaa Teendhada.

J) Dhamaan Xildhibaanada Sharafta leh waxaa laga rajeynayaa in ay gacan siiyaan ciidanka amniga sugaya ee baraha baaritaanka joogo si loo hubiyo amniga ka soo qaybgalayaasha oo dhan.

K) Maalinta Doorashada Madaxweynaha lama ogola in lala soo galo Teendhada Telephone ama Tablet. Ka soo qaybgalayaasha waxaan kula talinaynaa in ay Telephoonadooda uga soo tagaan banaanka oo ay darwaladoodu u dhiibtaan.

L) Murashaxiinta u taagan Xafiiska Madaxweynaha maalinta Doorashada waxaa loo ogolyahay min hal caawiye. Madaxwynaha hada jooga waxaa loo ogol yahay Saddex caawiye. Madaxweynayaashii hore waxaa loo ogolyahay laba caawiye kiiba.

M) Dhamaan Murashaxiinta, Xildhibaanada iyo martida la martiqaaday baaburtooda waxay uga soo tagayaan Dugsiga Tababarka Ganaraal kaahiye ama Barxada Airportka. Intaa ka dib waxaa la marayaa baaritaanka amniga ee albaabka Airportka, dabadeedna waxaa la raacayaa Basaska Booliiska iyo UN oo geynaya Teendhada.

N) Murashaxa ku guuleysta/guulaysata Xafiiska Madaxweynaha waxaa isla markiiba amnigiisa/ amnigeeda la wareegaya ATMIS, waxaana loo qaadayaa meel amnigeedu suganyahay.

Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax goordhow ka dhacay qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo jugtiisa si weyn looga maqlay meelo badan oo caasimada ka mid ah ayaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay isgoyska KM4, gaar ahaan wadada aada Garoonka.

Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in qaraxa uu fuliyey qof isku xiray walxaha qarxa oo beegsaday gawaari lagu baarayey koontarool ku yaalla halkaasi.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxan ku dhintay ugu yaraan 3 qof oo labo ka mid ah ay askar yihiin, halka qofka kalena uu yahay ruux shacab ah.

Is-miidaamiyaha ayaa bartilmaameedsaday gaari nooca aan xabadda karin oo uu saarnaa General Garabey oo ah taliyaha Saadka ee ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaana la sheegay inuu qabsaday daaqadda gaariga, Balsem Jananka uu ka bad-baaday.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in xilligaas ay goobta ku sugneyd Zeynab Xaabsey oo ah guddoomiyaha degmada Warta Nabadda, taas oo ka bad-baaday qaraxa.

Qoraal kooban oo ay soo saartay ayey ku sheegtay in qaar ka mid ah askarta ilaalada u aheyd ay dhinteen, kuwa kalena ay dhaawacmeen.

“Alhamdulilah ilaahey ha unaxariisto askarteeni inta dhawacana allaha noo caafiyo waa nabad qabnaa Alhamdulilah,” ayey tiri guddoomiyamaha degmada Warta Nabadda.

Xaaladda goobta ayaa sidoo kale aad u kacsan, waxaana gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Zeynab Xaabsey ayaa horay waxaa waxyeelo xoogan uga soo gaartay weerarkii is-miidaaminta ee ka dhacay xarunta gobolka Banaadir ee lagu dilay ENG. Yariisow.

Weerarkan loo adeegsaday qaraxa ayaa kusoo aadaya, xilli Muqdisho laga dareemayo diyaar garow ku aadan doorashada madaxweynaha oo 15 bishan ka dhaceysa Afisyoone.

Ciidanka Danab oo howlgal ku dilay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab, kadibna qabtay

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ciidamada sida gaarka ah u tababaran Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed ay howlgallo qorsheysan ka sameeyeen duleedka magaalada Kismaayo ee gobolkaasi.

Howl-galladan oo lagu bartilmaameedsaday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa lagu khaarijiyey illaa 11 xubnood, halka nolosha laba xubnood oo kale.

Sidoo kale ciidamada Danab ayaa kusoo furtay howlgalladaais 6 qoray oo AK47 ah, hal qoray BKM ah, sida uu shaaciyey Taliye Carab Dheeg Axmed oo ah Taliyaha Ururka 5-aad, guutada 16-aad ee Kumaandooska Xoogga dalka Somaliyeed ee Danab.

Taliyaha ayaa xusay inay sii wadi doonaan howlgalladooda, isla-markaana ujeedkooda uu yahay, sidii Al-Shabaab looga saari lahaa halkaasi.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalladaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Xaaladda ayaa weli aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayaa deegaanada hoostaga magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Inta badan waxaa gobollada Jubbooyinka ka dhaca dagaallo u dhexeeya ciidamada huwanta iyo dagaalyahanada Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobolladaasi.

Wararkii ugu dambeeyey ee hadal-jeedinta xubnaha musharixiinta madaxweynaha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho waxaa si rasmi ah uga bilaabaneynsa hadal-jeedinta musharixiinta madaxweynaha, iyada oo maanta khudbadadooda la dhageysan doono illaa 20 musharrax oo ka mid ah 39 is-diiwaangeliyey.

Musharixiinta hadlaya ayaa la siiyey min 15 daqiiqo, si ay uga warramaan taariikhdooda, barnaamijkooda siyaasadeed iyo ballan-qaadkooda ku aadan, haddii xilka loo doorto.

Ammaanka xerada ayaa si weyn loo adkeeyey, iyada oo lagu wareejiyey ciidamada howlgalka ATMIS, ex AMISOM si ay u sugaan amniga inta ay socota doorashada.

Afhayeenka guddiga isku dhafka ah ee doorashada madaxweynaha, Mudane Maxamed Ibraahim Macallimu oo la hadlay Wariyeyaasha ayaa ka dalbaday xubnaha musharixiinta ah inay waqtiga ilaaliyaan, isla-markaana ay goor hore gaaraan gudaha xerada Afisyooni.

“Waxaa billaabaneysa hadal jeedinta musharixiinta oo ka dhaceysa teendhada Afisiyooni, musharax weliba waxaa loo qorsheeyay 15 daqiiqo, qof weliba waa in uu ilaaliyaa waqtiga uu ku qoran yahay, waxaana aad u muhiim ah oo qof weliba lagula xisaabtamayaa waqtigaas” ayuu yiri xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimu oo ka tirsan guddiga.

Sidoo kale qaybta labaad ee hadaljeedinta ayaa dhaceyso beri oo Khamiis ah, kuna beegan 12-ka May, waxaana khubadahooda jeedinayo madaxdii hore oo uu ku jiro Farmaajo.

Si kastaba, doorashada madaxweynaha oo loolan adag loo gali doono ayaa lagu wadaa inay qabsoonto maalinta Axada ah ee soo socota, kuna beegan 15-ka bishaan May ee 2022-ka.

Muxuu ahaa qaraxii galabta laga maqlay guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeri ah ayaa laga helayaa qarax galabtai ka dhacay guriga murashax madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo ku yaalla aagga hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho.

Sida ay ilo-wareedyo u xaqiijiyeen Caasimada Online, qaraxa ayaa ka dhashay qori baasuuke ah oo ka fakaday askarigii hyay, qaraxaasi oo dhaliyay khasaare isugu jira dhaawaca labo qof iyo burbur soo gaaray darbiga guriga.

Markii qaraxu dhacay ayaa dadkii gudaha guriga iyo agagaarahiisa ku sugnaa ay kala carareen, waxayna ciidamada aagga ka dhawaa ay fureen rasaas aad u tiro badan, taasoo cabsi gelisay dadkii aaga ku sugnaa.

Dadka guriga ku sugnaa iyo deegaankaba ayaa maleeyay in lasoo weeraray murashaxa maadaama uu ka mid yahay kuwa ugu afka dheer mucaaradka oo shantii sano lasoo dhaafay dagaalka kula jiray madaxweyne Farmaajo.

Waxay kaloo dadku ogaayeen weerarkii horay loogu qaaday guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ee ay fulisay xukuumaddii Xasan Kheyre, kaasi oo dhaliyay dhimasho iyo dhaawac. 

Kheyre ayaa markii uu dowladda ka baxay kadib raali-gelin ka bixiyey weerarkaas, balse Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaan weli aqbalin, inkasta oo uu qiray in raali-gelin la siiyey.

Kheyre ooh adda musharax ah ayaa aqoonyahano badan ay ka digayaan halista xooggan ee uu dalka u horseedi karo haddii uu guuleysto, maadaama horey loo soo arkay xukunkiisa ku saleysnaa awood sheegashada markii uu ra’iisul wasaaraha ahaa.