25.4 C
Mogadishu
Monday, June 22, 2026

Al-Shabaab oo war kasoo saartay weerarkii LIIDO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uulliyada weerarkii xalay ee lagu qaaday hotelka Pescatore ee ku yaal inta u dhaceysa Beach View iyo Oceian ee xeebta Liido.

Weerarkaasi ahaa mid uu fuliyay qof miineysan oo isku qarxiyay iridka hotelka laga galo, kaasoo qorshahiisa ahaa inuu gudaha u galo hotelka oo ay ku shirsanaayeen taliyaha ciidamada booliska Jen. Xijaar iyo tiro xildhibaano ah oo kasoo jeeda gobolka Sool.

Al-Shabaab ayaa sheegtay inay weerarkaasi uu fuliyay naftii hure ka tirsan iyaga oo beegsaday saraakiil iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.

Weerarkaan ayaa waxaa ku dhintay dad shacab ah iyo dhaawaca Taliyaha ciidanka birmadka ee booliska Jeneraal Siyaad iyo taliyaha booliska saldhiga Cabdicasiis, Liibaan Shidane.

Warar goor danbe soo baxay ayaa sheegaya inuu weerarkaasi ku dhintay xogheyntii gaarka ee Taliye Xijaar, balse laamaha amniga ma aysan sheegin.

Amaanka Liido ayaa ahaa mid si weyn u adag, oo ay dadka gaadiidka ku socda sida ay kusoo galaan ay adag tahay maadaama wadooyinka laga soo galo ay xeran yihiin, kuna sugan yihiin ciidamo ka tirsan booliska.

Sidoo kale, waxaa halkaasi ku taal safaaradda Turkiga ee Muqdisho oo si weyn loo adkeeyay amaankeeda.

TOOS: Daawo hadal jeedinta musharixiinta guddoonka labada aqal ee baarlamanka

0

Muqdisho (Caasimada Onine) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa si rasmi ah maanta uga bilaabatay hadal jeedinta musharixiinta guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka, taas oo haatan ka socota xarunta labada Gole ee Baarlamanka Soomaaliya.

Kulanka Golaha Shacabka oo goordhow furmay ayaa waxaa lagu bilaabay dhaarinta xildhibaano cusub oo dhowaan lasoo doortay, kuwaas oo kala aha:-1-Jaamac Taqal Cabaas oo lagu soo doortay Koonfur Galbeed 2-Maxamed Axmed Maxamuud (Beerey) oo lagu soo doortay Jowhar, HirShabelle 3-Xasan Budul Cali oo lagu soo doortay Kismaayo, Jubbaland 4-Cismaan Maxamed Maxamuud (Xaadoole) oo lagu soo doortay Jowhar, HirShabelle.

Intaasi kadib xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa guda-galay dhageysiga khudbadaha musharixiinta oo ka hadlaya barnaamijkooda waxqabad iyo taariikh nololeedkooda.

Xubnaha isku soo taagay xilka guddoomiyaha ayaa gaaray illaa siddee xubnood, waxayna kala yihiin:-

1-Cabdirashiid Maxamed Xidig, 2-Cabdullaahi Aadan Axmed Black, 3-Aadan Maxamed Nuur Saransoor, 4-Xasan Cabdinuur, 5-Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, 6-Saadiq Cabdullaahi Cabdi, 7-Shariif Maxamed Cabdalla 8-Aadan Maxamed Nuur Madoobe.

Dhinaca kale xarunta Golaha Aqalka Sare waxaa iyana haatan ka socota hadal jeedinta musharixiinta guddoomiyaha Golahaasi, waxaana isku taagay musharixiinta kala ah:-

1-Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi 2-Senator Saalax Axmed Jaamac 3-Senator Cismaan Obokor Dubbe.

Musharixiinta ayaa la siiyey fursad ah min 15 daqiiqo oo ay kusoo koobi doonaan khudbadahooda, iyada oo kadib loo geli doono ku xigeenada labada Aqal.

Qorshaha ayaa ah in doorashada guddoonka baarlamaanka lagu soo gabagabeeyo 27 bishan, sida ku cad jadwalka kasoo baxay guddiyada Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare.

Weeraradii Liido & Gaalkacyo – laba xaalad oo is shabaha

0

Xalay iyo habeen hore waxaa dhacay labo weerar oo midi uu ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug iyo midkii lagu qaaday hotelka cusub ee lagu magacaabo Pescatore oo ku yaalla inta u dhaceysa Beach View iyo Oceian View ee xeebta Liido.

Labada weerar ayaa marka la eego cidda lagu bartilmaameedsaday aad isu shabaha, inkastoo kooxaha fuliyay weerarka ay labo kala yihiin.

Weerarkii Gaalkacyo habeen hore lagu bartilmaameedsaday wasiirka arrimaha dibada Somalia Cabdisaciid Muuse, Nabaddoon Yaasiin Cabdisamad iyo xubnaha qoyska wasiir Cabdisaciid ayaa waxaa geystay ciidamo ka tirsan maamulka Puntland oo kulan afureedka xubnahaasi qoys ahaanta u shirayay u arkay mid siyaasadeed oo ka dhan ahaa Puntland iyo madaxweynaheeda murashaxa madaxweyne ah ee Saciid Deni.

Guddoomiyaha gobolka Mudug Cabdiladiif Muuse Nuur “Sanyare” ayaa weerarkaasi ku tilmaamay mid amniga lagu sugayay isagoo ku eedeeyay wasiir Cabdisaciid inuu dusha soo saartay wax uu ku sheegay “ka mira-dhalinta siyaasad madhalays ah iyo khal-khal galinta amniga guud ee magaaladda Gaalkacyo”, isla markaana Puntland ay sida Al-Shabaab ula dagaalameyso cid walba oo khatar ku ah nabad-gelyadda magaalada iyo Puntland.

Weerarka labaad ee hotel Pescatore oo ay sheegatay mas’uuliyadiisa Al-Shabaab ayaa bartilmaameedkiisu ahaa taliyaha booliska Jen. Xijaar iyo xildhibaano kasoo wada jeeday hal beel oo Sool degta.

Dad badan oo si weyn baraha bulshada u adeegsada ayaa aaminsan in labada shir ee Gaalkacyo iyo Liido ahaayeen labo xaaladood oo loogu ololeynayay madaxweyne Farmaajo oo dhiig ku daatay.

Balse xaqiiqda ayaa ah in midkii danbe ee Liido uu ahaa mid ay fuliyeen kooxda Al-Shabaab oo cidina aysan aqoonin, cid walbana oo ka tirsan dowladda ama ku lug leh ay bartilmaameedsadaan laguna tilmaami karin mid siyaasadeed oo cid gaar ah lala eegtay.

Hase ahaatee midkii Gaalkacyo ayaa u muuqday mid siyaasadeed oo Puntland u aragtay shir lid ku ahaa ololaha doorasho ee Saciid Deni.

Wararkii ugu dambeeyey dagaalyahanada Al-Shabaab oo la wareegay Matabaan

0

Matabaan (Caasimada Online) – Maleeshiyo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa waxay la wareegeen degmada Matabaan oo ka tirsan Gobolka Hiiraan balse hoos tagto maamu Goboleedka Galmudug.

Al-Shabaab ayaa si nabad galyo ah kula wareegtay Matabaan markii ay isaga baxeyn ciidamadii Booliska ee ka tirsanaa Galmudug kuwaas oo magaalada isaga baxay markii ay heleen aqbaar sheegeysa in ciidamada Al-Shabaab gudaha usoo geli rabaan.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo degmada Matabaan ayaa waxaa ay sheegayaan gudaha degmada lagu arkaayo dagaalyahanada Shabaab oo koox koox u socda.

Al-Shabaab ayaa gudaha u gashay xarunta Degmada iyo Saldhigga halkaas oo la sheegay inay burburin ka wadaan sidii ay dhawaan ku sameeyeen markii ay qabsadeen.

Degmada Matabaan oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa waxaa dhowr jeer isku bedbedelay Ciidamada Galmudug iyo Ahlusunna,  waxaana bilihii lasoo dhaafay ay wajahday xaalad amni daro.

Madaxda Maamulka Galmudug iyo Saraakiisha Ciidamada qeybta 27-aad ayaan weli ka hadlin la wareegitaanka Ururka Al-Shabaab ee degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

Tan iyo markii ciidamada Ahlu Sunna ay isaga baxeyn Matabaan kadib markii ay isku dhaceyn maamulka Galmudug waxay Matabaan hooy u noqotay kooxda Al-Shabaab, waxaana degmada lagu reebay ciidamo yar oo ka tirsan Galmudug kuwaas oo isaga baxayo magaalada markii ay ogaadaan in kooxda Al-Shabaab ay weerar soo qaadi rabto.

Madaxda Soomaalida ee ka murugooday geerida Kibaki balse hal mid oo ka aamusay

0

Nairobi (Caasimada Online) – Waxaa shalay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku geeriyooday madaxweynihii seddaxaad ee Kenya, Mwai Kibaki isagoo 90 jir ah.

Madaxweynaha xiligaan ee Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ku dhawaaqay geerida Kibaki, isagoo sheegay in shacabka Kenya ay geli doonaan maalmo murugo iyo baroordiiq ah.

Madaxda Soomaalida ayaa geerida Mwai Kibaki ka fal celiyay iyadoo qaarkood ay ka tacsiyadeeyeen, geerida madaxweynihii hore ee Kenya.

Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayaa muujiyay inuu si weyn ugu murugooday geerida Mwai Kibaki, wuxuuna dhambaal tacsi ah u diray shacabka iyo madaxweynaha Kenya. “Waxaan si weyn uga murugooday geeridii ku timid Madaxweynihii hore ee Kenya Mwai Kibaki.”

“Anigoo ku hadlaya magacayga iyo magaca shacabkayga, waxaan jeclaan lahaa inaan dhambaal tacsi ah u diro Madaxweyne Kenyatta iyo shacabka Kenya xilligan murugada iyo dhibaatada haysata,” ayuu Rooble ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Madaxweynihii hore ee dalka, Xasan Shekeh Maxamuud, ayaa sidoo kale ka mid ah madaxda Soomaalida ee ka tacsiyadeysay geerida Kibaki, isagoo qoraalkiisa Twitter-ka ku sheegay inuu dalkiisa waxqabad ballaaran uu ka geystay intii uu madaxweynaha ahaa iyo kahorba.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi ayaa isna qoraal uu soo dhigay Twitter-ka ku sheegay inuu aad ugu naxay geerida Mwai Kibaki, wuxuuna tacsi tiiraanyeysan u diray qoyskii, shacabka iyo madaxweynaha Kenya.

Marka intaas laga soo tago, madaxda kale ee Soomaalida ka gaabsatay inay ka tacsiyadeeyaan waxaa ka mid ah, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Shariif Sheekh Axmed madaxweynihii hore, Axmed Madoobe-aha Jubbaland oo aad ugu dhow Kenya iyo Saciid Deni.

Mwai Kibaki ayaa Soomaalida ku xusuusan doontaa wanaag iyo xumaan intaba, isagoo si gaar ah lagu xusuusan doono doorkii uu ku lahaa dowlad dhisida Somalia 2004-kii iyo doorkii kale ee uu gudaha Somalia kusoo geliyay ciidamada Kenya sanadkii 2011-kii.

Wararkii ugu dambeeyey doorashada guddoonka labada aqal ee baarlamanka

0

Muqdisho (Caasimaea Online) – Xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta kulamo ku kala leh xarumahooda ku yaalla magaalada Muqdisho, kuwaas oo looga hadlayo dhammeystirka doorashooyinka dalka ee 2022-ka.

Xildhibaanada labada Gole ayaa maanta dhageysanaya hadal jeedinta musharixiinta isku diiwaangeliyey guddoonka sare ee labadaasi Aqal.

Illaa siddeed musharax ayaa isu diiwaangelisay xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka, waxa ay kala yihiin:-

1-Cabdirashiid Maxamed Xidig, 2-Cabdullaahi Aadan Axmed Black, 3-Aadan Maxamed Nuur Saransoor, 4-Xasan Cabdinuur, 5-Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, 6-Saadiq Cabdullaahi Cabdi, 7-Shariif Maxamed Cabdalla 8-Aadan Maxamed Nuur Madoobe.

Sidoo kale xilka guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa waxaa isku soo taagay illaa saddex musharrax oo kala ah:-

1-Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi 2-Senator Saalax Axmed Jaamac 3-Senator Cismaan Obokor Dubbe.

Dhammaan musharixiinta ayaa la siiyey fursad min 15 daqiiqo oo ay uga hadlayaan taariikh nololeedkooda iyo ballan qaadyadooda ku aadan, haddii la doorto.

Doorashadan ayaa waxaa ku lamaanan mida guddoomiye ku xigeeenada koowaad iyo labaad ee labada Gole oo iyaguna ay isku soo taageen musharixiin dhowr ah.

Qorshaha ayaa ah in doorashada guddoonka baarlamaanka lagu soo gabagabeeyo 27 bishan, sida ku cad jadwalka kasoo baxay guddiyada Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare.

Intaasi kadib ayaa waxaa la guda geli doonaa doorashada madaxweynaha oo ah tan ugu dambeysay ee doorashooyinka dalka.

Xusuusin: Damacii Mwai Kibaki ee JUBALAND iyo diidmadii SHEEKH SHARIIF

0

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynihii saddexaad ee dalka Kenya, Mwai Kibaki, ayaa geeriyooday isagoo 90 jir ahhaa. Kibaki ayaa xilka madaxtinimada Kenya hayay intii u dhaxeysay 2002 ilaa 2012-kii.

Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in Kenya ay gashay baroordiiq qaran ilaa inta laga aasayo madaxweynahoodii hore Mwai Kibaki oo mudo 44 sano ku guda jiray arrimaha siyaasadda, kuna helay magaca iyo mansabka uu la dhintay.

Haddaba, Kibaki oo saameyn ballaaran ku lahaa arrimaha siyaasadda Somalia, maadaama uu ahaa madaxweynihii juhdiga geliyay ka mira dhalinta in Soomaaliya yeelato dowlad KMG ah oo lagu soo dhisay Mbagathi 2004-kii, taasoo madaxweyne loogu doortay Cabbdullaahi Yuusuf Axmed.

Mwai Kibaki ayey Soomaalida ku xasuusan doontaa inuu aabo u ahaa hannaanka federalism-ka ee Mbagathi lagu soo dhisay 2004-kii Itoobiyana ku gacan siisay, nidaamkaasi oo ilaa hadda ay ku dhaqanto Soomaalida oo awood qeybsi ay ku qeybsadaan xilalka sare dalka.

Waxaa kaloo lagu xusuusan doonaa in gudaha Soomaaliya uu soo geliyay dabayaaqadii 2011-kii, ciidamadiisa isagoo marmar siinyo ka dhiganeyay inay dalkooda ka difaacayaan kooxda Al-Shabaab, howlgalkaasi oo loogu magac daray “ilaalinta dalka”. Wuxuu xiligaasi hadalkii uu jeediyay u diiwaan gashan inuu yiri “Waxaan caalamka u sheegaynaa inaan duullaan ku ahayn Soomaaliya”.

Hase ahaatee madaxweynihii xiligaasi Shariif Sheekh Axmed ayaa si cad ugu horyimid una sheegay Kibaki iyo xukuumaddiisa inuu diidan yahay soo gelitaanka ciidamada Kenya ee gudaha Somalia.

Sababta uu Shariif xiligaasi u diidanaa in ciidamada Kenya ay soo galaan Soomaaliya ay aheyd inuu ka hortago qorshe ay rabtay Kenya oo ahaa inay gobolada Jubbooyinka ka dhisto maamulka Jubaland oo ay Kenya u aragtay inay danaheeda ku fushado, difaacna uga dhigato dhibaatada iyo qalalaasaha amni ee ka jiray Soomaaliya.

Diidmada Shariif iyo shakiga uu qabay waxaa ku raacay oo ku taageeray ra’iisul wasaarihiisii xiligaasi Cabdiweli Cali Gaas oo sheegay in Kenya iyo Soomaaliya aysan gaarin heshiis ogolaanayo inay ciidamada Kenya gudaha usoo galaan Soomaaliya.

Taariikh madow ayey noqotay 28 Sep-2012-kii markii gudaha Kismaayo soo galeen ciidamada Kenya oo ay horkacayeen maliishiyadii Axmed Madoobe oo xiligaasi hoggaamin jiray xoogagii maxaakiimta ka go’ay oo la magac baxay Raas-Kambooni aakhirkiina Kismaayo lagu aas aasay maamulka Jubbaland ee Axmed Madoobe hoggaamiyo.

Hase ahaatee soo gelitaankii ciidamada Kenya kadib, waxay si buuxda ugu mid noqdeen howlgalka ciidamada AMISOM ee xiligaan isu badalay ATMIS, kuwaasi oo dhibaatooyin kala duwan ka geystay gobolada Jubbooyinka, iyagoo burburiyay hanti Soomaaliyeed, dil, iyo duqeymo sharci daro naxariis darann ka fuliyeen Somalia.

Waxaa kaloo sabab iyo ma hadho ku noqotay inay ilaalin waayeen derisnimo wanaaga iyo madax bannaanida dhuleed ee Soomaaliya, aakhirkiina lugaha qabsaday Soomaaliya ilaa ay ku sheegtaan baddeenna iyo dhulkeena, si sharci daro ahna qeyb ka mid ah baddeena loogu xukumay, balse Soomaaliya ku qanacday go’aanka maxkamadda caddaaladda adduunka ICJ.

Doorashadii madaxweyne Farmaajo kadib, waxay Kenya faragelinteedii xoogeysteen iyadoo ka faa’iideysaneyso maamul goboleedyada qaar inay si qaawan oo ka baxsan xeerka caalamiga ah arrimaha gudaha Soomaaliya, taasoo dhalisay in madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku eedeeyo in faragelin aan gambasho laheyn ku heyso Somalia, gaar ahaan maamulka Jubbaland.

Dowladda Madaxweyne Farmaajo oo tallaabadaasi ka jawaabeyso ayaa xiriirkii u jartay Keny, waxayna cuna qabateyn ganacsi saartay Kenya iyadoo joojisay Qaadkii la keeni jiray Somalia. Taas badelkeedna Kenya waxay ku dhaqaaqday tallaabo kasto oo ay ku carqaladeyneyso dowladda curdunka ah ee Somalia iyo madaxbannaanida dhuleed ee dalka, laakiin looga guuleystay dhinac walbo.

W/Qoray: Ali Muhiyaddiin
Caasimadda Online

FARMAAJO oo war kasoo saaray weerarkii xeebta Liido

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii xalay lagu qaaday hotelka ay ku shirsanaayeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, isagoona ku tilmaamay weerar bahalnimo.

Farmaajo ayaa ugu tacsiyadeeyay dadkii shacabka ee ku dhintay weerarka xeebta Liido, halka kuwii ku dhaawacmay u rajeeyay inuu alle bogsiiyo, wuxuuna laamaha ammaanka iyo ciidamada faray inay muujiyaan feejignaan dheeri ah xiligaan lagu guda jiro tobanka danbe ee bisha Ramadaan.

Hoos ka aqriso qoraalka kasoo baxay Farmaajo

Muqdisho, Abriil 22, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo si kulul u cambaareeyey weerarkii argagixiso ee lagu qaaday masuuliyiin iyo muwaadiniin kale oo ka afurayey Xeebta Liido, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelka iyo qaraabada dhammaan muwaadiniintii ku geeriyooday weerarkaa arxandarrada ah.

 Madaxweynaha ayaa tilmaamay in iyada oo lagu guda jiro tobankii danbe ee bisha barakaysan ee ramadaan ay qaraxan bahalnimada ah ee argagixisadu la beegsatay muwaadiniin Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan uu muujinayo ficillada gumaadka ah ee ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed iyo sida ay u bannaysteen dhiigga dadka muslimiinta ah ee soomman.

“Innaa Lillaali Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi u dirayaa ehelka iyo qaraabada muwaadiniinta ku geeriyootay qaraxii ay argagixisadu la beegsatay Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ka afurayey xeebta Liido. Waxaan bogaadinayaa Ciidammada geesiyaasha ah ee ka hor tegey in ruuxii naftii halligaha ahaa uu gudaha u galo hotellada ku yaalla xeebta Liido, waxaana farayaa dhammaan Ciidamada Ammaanku in ay muujiyaan feejignaan dheeri ah, xilligan lagu guda jiro bishan barakaysan ee Ramadaan oo ay argagixisadu beegsanayso shacabka muslimiinta ah ee cibaadaysanaya.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Muwaadiniinta ku geeriyooday qaraxa Alle uga baryey in uu hoygooda ka yeelo Jannatul Firdowsa, waxa uuna caafimaad degdeg ah u rajeeyey muwaadiniinta kale ee dhaawacu ka soo gaaray falkaas arxan darrada ah.

DHAMMAAD

Safaaradda Soomaaliya ee Serbia oo soo dhoweysay arday heshay waxbarasho

Belgarade (Caasimada Online) – Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Belgrade Serbia waxaa ay si buuxda u soo dhaweysay 16 arday Soomaaliyeed oo ku guuleysatay deeqda waxbarasho ee Dowladda Serbia ay siisay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Deeqdan waxbarasho ayaa ku timid kadib, dib u soo celinta xiriirka labadda dal iyo dib u furidda Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka ah Soomaaliya ee Magaaladda Belgrade 14 September sanadkii tegey ee 2021.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si xoog leh uga mahad celisay fursada qaaliga ah ee siiyay araday Soomaaliyeed. 

Safaaradda Soomaaliya ee Belgrade waxaa ay mar walba u taagan tahay xoojinta xiriirta labada dal iyo fulinta danaha muwaadiniinta Soomaaliyeed. 

Tan iyo markii Maxamed Cabdullaahi loo magacaabay sii hayaha safiirka Soomalaiya ee Serbia, waxa uu shaqo wanaagsan ka qabtay xiriirka labada dal iyo sidii uu wax ugu tari lahaa Soomaalida ku nool dalkaas iyo dalalka deriska la ah.

Waxa uu dhowaan gacan ka gaystay in dalka Ukraine oo dagaallo ay ka qarxeen laga soo badbaadiyo dad ka badan 30 qof.

Sawirro: Maxamuud Sayid Aadan oo gaaray Ceelwaaq

0

Ceelwaaq (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta gaaray degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, halkaas oo ay ka socoto doorashada kuraas ka mid ah Golaha Shacabka Somalia.

Sayid Aadan ayaa waxaa garoonka Ceelwaaq kusoo dhoweeyey wasiirka amniga Jubbaland, saraakiil ciidan iyo mas’uuliyiinta deegaanka.

Ujeedka booqashada madaxweyne ku xigeenka ee Jubbaland ayaa la xiriirta 16-ka kursi ee loo wareejiyey Ceelwaaq, taas oo shalay ka bilaabatay magaaladaasi wuxuuna isla-markii booqday hoolka ay ka socoto doorashada kuraastaas oo uu weli muran ka taagan yahay.

Sidoo kale Saydika ayaa kormeeri doono xaalada guud ee deegaanka si u qiimeeyo amniga, wuxuuna kulamo la yeelan doonaa mas’uuliyiinta iyo waxgaradka Ceelwaaq.

Safarkan ayaa ku soo aadaya ,iyadoo shalay degmada Ceelwaaq uu tagay madaxweynaha maamulka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo goobjoog ahaa doorashada ka dhacday halkaasi, wuxuuna sidoo kale dhagax dhigay dhismaha garoonka.

Amniga Ceelwaaq ayaa haatan si weyn loo adkeeyey, waxaana iska kaashanaya ciidamada Daraawiishta Jubbaland iyo kuwa Kenya ee ku sugan gudaha magaaladaasi.

Si kastaba, doorashada ka bilaabatay magaaladan ayaa dhalisay khilaaf horleh, waxaana sharci darro ku tilmaamay Farmaajo iyo guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka.

 

Daawo: Taliska booliska oo soo bandhigay xogta qaraxii Liido iyo khasaaraha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan oo faahfaahin ka bixiyey qaraxii caawa ka dhacay xeebta Liido ayaa sheegay inuu fuliyey qof naftiisa haligay oo soo xirtay jaakadda qaraxda.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa xaqiijiyey dhimashada 3-qof iyo dhaawacyada 8-kale oo ka dhashay qaraxaas, isagoo meesha ka saaray inuu jiray weerar toos ah oo ka dambeeyey qaraxaas.

Afhayeenka booliska ayaa sheegay qofka is-qarxiyey ay u suurta geli weysay inuu gudaha u galo Hotelka, isla markaana uu ku qarxay banaanka Hotelka oo lagu magacaabo Pescatore, kuna yaallaa inta u dhaceysa Hotellada Beach View iyo Oceian View ee xeebta Liido.

“Qaraxaas waxaa ku dhintay ilaa seddax qof, waxaana ku dhaawacmay ilaa sided kale oo ay ku jiraan ciidamada ammaanka, waxaan bulshada u xaqiijineynaa in goobtii ay hadda tahay mid ammaanka ah,” ayuu yiri Cabdifitaax Aadan.

Wuxuu sheeegay in lasoo badbaadiyey dhamaan masuuliyiintii ku sugneyd Hotelka, isagoo aad u amaanay ciidamada ammaanka oo sida uu sheegay fashiliyey qaraxaas oo qofkii isku soo xiray uu doonayey inuu gaaro goob masuuliyiin badan ay ku sugnaayeen.

Ugu yaraan 10 xildhibaan oo beesha Dhulbahante ka soo jeeda, Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya iyo siyaasiyiin uu ku jiro hoggaamiyihii hore ee maamulkii Qaatumo State Maxamed Yuusuf Jaamac Indhasheel oo ka soo wada jeeda beesha Dhulbahante ayaa ku shirsanaa Hotelka.

Dhanka kale Adeega gurmadka deg dega ah ee Amin Ambalaas ayaa warbaahinta u xaqiijiyey dhimashada 6 qof iyo dhaawacyada tiro kale, waxaana weli gudaha Hotelka ka dagaalamaya rag hubeysan, balse booliska ayaa soo bandhigay dhimashada 3 qof, taas oo shaki badan gelisay tirade khasaaraha rasmiga ah eek a dhashay weerarkaas.

Hoos ka daawo Afhayeenka

Xog: Maxaa caawa ka socday hotelka la weeraray ee xeebta Liido, yaase ku sugnaa?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay ogaatay Caasimada Online waxaa caawa Hotelka la weeraray ka socday shir ay isugu yimaadeen siyaasiyiinta beesha Dhulbahante iyo masuuliyiinta ku metesha dowladda federaalka.

Ugu yaraan 10 xildhibaan oo beesha Dhulbahante ka soo jeeda Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya iyo siyaasiyiin uu ku jiro hoggaamiyihii hore ee maamulkii Qaatumo State Maxamed Yuusuf Jaamac Indhasheel oo ka soo wada jeeda beesha Dhulbahante ayaa ku shirsanaa Hotelka.

Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen xubno ka mid ah masuuliyiintaas waxaa lasoo badbaadiyey inta badan dadkii ku shirsanaa Hotelka ee beesha Dhulbahante ka soo jeeday.

Qarax gaari loo adeegsaday oo lagu dhuftay afaafka hore ee Hotelkaas oo lagu magacaabo Pescatore, ayuu ku bilowday weerarkaan, wuxuuna Hotelkaasi ku yaallaa inta u dhaceysa Hotellada Beach View iyo Oceian View ee xeebta Liido.

Adeega gurmadka deg dega ah ee Amin Ambalaas ayaa warbaahinta u xaqiijiyey dhimashada 6 qof iyo dhaawacyada tiro kale, waxaana weli gudaha Hotelka ka dagaalamaya rag hubeysan.

Dadka ku dhaawacmay weerarkaan waxaa ka mid ah Taliyaha ciidanka birmadka ee booliska Soomaaliya Jeneraal Siyaad, waxaana weli socda dadaalo lagu badbaadinayo dadka gudaha ku jira, maadaama ay rag hubeysan ka dagaalamayaan.

Khasaaraha qaraxa Liido iyo wararkii ugu dambeeyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino hor dhac ah ayaa soo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxa iyo weerarka tooska ah ee caawa ka dhacay xeebta Liido, gaar ahaan Hotel cusub oo lagu magacaabo Pescatore, kaas oo ku yaalla inta u dhaceysa Hotellada Beach View iyo Oceian View ee xeebta Liido.

Adeega gurmadka deg dega ah ee Amin Ambalaas ayaa warbaahinta u xaqiijiyey dhimashada 6 qof iyo dhaawacyada 7 kale, waxaana weli gudaha Hotelka ka dagaalamaya rag hubeysan.

Dad badan oo ay ku jiraan Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya Jeneraal Xijaar, xildhibaano iyo siyaasiyiin ayaa laga soo badbaadiyey Hotelka.

Dadka ku dhaawacmay weerarkaan waxaa ka mid ah Taliyaha ciidanka birmadka ee booliska Soomaaliya Jeneraal Siyaad, balse si rasmi ah looma xaqiiji karo khasaaraha, maadaama uu weli weerarku ka socdo gudaha Hotelka.

Muuqaalo lagu baahiyey baraha bulshada ayaa muujinaya dad xoog leh oo qaraxa ka dhashay iyo rasaas si darandoori ah u dhaceysa, waxaana kala cararay dad aad u badan oo ku caweynayey barxadda weyn ee Xeebta Liido.

Axmed Madoobe oo war ka soo saaray doorashada ka bilaabatay Ceelwaaq (Daawo)

0

Ceelwaaq (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo galabta gaaray magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa ka hadlay doorashadii maanta ka bilaabatay magaaladaas, halkaas oo lagu doortay ilaa 8-xildhibaan.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in qorshihiisa koowaad uu yahay in Gedo aysan ka harin doorashooyinka dalka ka socda, sidaas darteedna uu maanta u tegay Ceelwaaq oo loo wareejiyey deegaan doorashada labaad ee Jubbaland.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa dadka reer Ceelwaaq u balan qaaday mashaariic hormarineed oo ay heli doonaan markii lasoo gabagabeeyo doorashada 16-ka kursi ee gobolka Gedo.

Balanqaadka uu Axmed Madoobe u sameeyey reer Ceelwaaq waxaa sidoo kale ka mid ahaa in gole deegaan si deg deg ah loogu dhisi doono degmadaas uu kaligeed ka maamulo gobolka Gedo, si maamul shacabku soo doortay ay u hesho Ceelwaaq.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa galabta markii uu gaaray Ceelwaaq wuxuu horay ka dhagax dhigay dhismaha garoonka diyaaradaha degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo oo si casri ah loo dhisi doono, sida uu sheegay.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay inay diyaar tahay lacagta dhismaha garoonka diyaaradaha degmada Ceelwaaq, isla markaana dhawaan la xayaysiin doono qandaraaska dhismaha garoonka.

Sideed kursi ayaa maanta lagu doortay Ceelwaaq, waxaana hartay sideed kale oo berri la qorsheeyey in la doorto, sida aan xogta ku helnay, waxaana xusid mudan in garabka Farmaajo ay doorasho kale isla maanta ka bilaabeen magaaladii laga soo wareejiyey deegaan doorashada labaad ee Jubbaland, waa Garbahaarey.

Hoos ka daawo

https://youtu.be/wSbrpbwOLFk?t=16

Qoor-Qoor iyo Guudlaawe oo ku loolamaya hal kursi

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa xalay natiijo la’aan kusoo dhamaaday kulan ay xalay magaalada Muqdisho ku yeeshen Senatoro ka tirsan Aqalka Sare oo laga soo doorto deegaanada HirShabelle iyo Galmudug.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, kulankaas ayaa ujeedadiisu aheyd in Senator-da Galmudug ay ka codsadaan kuwa HirShabelle in Senator Cabdixakiim Macalin Axmed looga tanaasulo kursig Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Aqalka Sare, oo uu kula tartamayo musharax kasoo jeeda HirShabelle.

Kursiga guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa isku haya Senator Cali Shacbaan Ibraahim oo laga soo doorto HirShabelle iyo Senator Cabdixakiim Macalin Axmed oo asagana laga soo doorto Galmudug.

Madaxweynayaasha labada maamul goboleed ayaa la soo warinaya inay kala taageersan yihiin labada musharax, ayada oo mid walba uu dadaal badan ku bixinayo sidii uu kursigaas ku heli lahaa qof kasoo jeeda deegaankiisa.

Xogta aan helnay ayaa waxay tilmaameysa in Senator-dii ka socday HirShabelle ay diideen inay ka tanaasulaan kursigaas, islamarkaana ay sheegen inay diyaar u yihiin in la tartamo oo qofkii guuleysta uu helo.

Dooda u weyn ee ay qabaan xubnaha HirShabelle ayaa ah in kursigaan oo ay wadaagan beelo kasoo jeeda labada maamul, aysan hadda sax aheyn in markale uu dhankeeda jirsado Galmudug, maadama shantii sano ee lasoo dhaafay uu ku fadhiyay Senator laga soo doorto deeganada Galmudug.

Gogosha xalay ka dhacday huteel Jazeera ee magaalada Muqdisho oo ay dhigeen xubnaha Galmudug ayaa kusoo dhamaatay is-faham waa, waxaa muuqata in loo dareeray tartan adag, taasi oo xiiso u yeeli doonta doorashada 26 bishaan ka dhici doonta magaalada Muqdisho.

Loolanka Labada maamul ayaa waxay sidoo kale xiiso u yeeli doonta tartanka doorashada, ayada oo la kala ogaan doono saaxiibada ay leeyihiin labada dhinac maamul goboleed iyo saameyntooda, maadama labada madaxweyne ay qeyb ka yihiin ololaha doorashada ee kursigaan.

Sawirro: Axmed Madoobe oo tegay Gedo kadib wareegtadii kasoo badxay Farmaajo

Ceelwaaq (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta gaaray Gobolka Gedo, halkaas oo ay kasocoto doorashada Xildhibaanada Baarlamaanka ee kasoo baxaya deegaan doorashada labaad ee Jubaland. 

Axmed Madoobe ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Ceelwaaq kusoo dhaweeyay qaar kamid ah golaha wasiirada, oo horey u joogay magaalada iyo maamulka magaalada.

Qoraal kasoo baxay madaxtooyada Jubaland ayaa lagu yiri “Waxaa Madaxweynahu uu tagay halka ay ka socoto doorashooyinka deegaan doorashada labaad ee Jubaland ee lagu dooranayo Xildhibaanada loo asteeyay gobolka Gedo inay ku matalaan Baarlamaanka JFS.” 

“Madaxweynahu wuxuu goob joog ka ahaa doorashada hal kursi oo kamid ah kuraasta maanta lagu doortay Degmada Ceelwaaq isagoo u kuur galayay habsami u socodka doorashooyinka ayuu Madaxweynahu uga mahad celiyay guddiyada doorashooyinka ee kala duwan dadaalka aan kala go’a lahayn ee ay howshan ku bixiyeen.”

Safarka Axmed Madoobe ayaa imanaya ayada oo goor sii horeysay oo maanta ah uu Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo sharci-darro ku tilmaamay “doorashooyinka isbarbar socda” ee magaalooyinka Ceelwaaq iyo Garbahaareey. 

Farmajao ayaa dalbaday in la xushmeeyo heshiiskii 17-kii September 2020 iyo habraacyadii ku lifaaqnaa ee ay xubnaha Madasha Wadatashiga Qaran kala saxiixeen 1-dii October 2020 iyo 27-kii May 2021.  

“Qof lagu soo doortay hannaan khilaafsan heshiisyada doorashooyinka iyo Xeerka Lam. 30 ma yeelan karo xuquuq lamid ah xildhibaannada lagu soo doortay hab waafaqsan heshiiskii 17-ka September 2020,” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

“Sidaas darteed, kama qeyb qaadan karo doorashooyinka Guddoonka iyo tan Madaxweynaha ayadoo aan la helin heshiis ay wadar-ogol u gaareen Madasha Wadatashiga Qaranka si waafaqsan heshiiskii 17-ka Sebteembar ama uusan soo saarin Barlamaanka 11-aad sharci wax ka baddalaya xeerkii baarlamanka labadaiisa aqal ay hore u ansixiyeen.” 

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in wax ka baddalka Heshiiskii 17-kii September iyo habraacyadii ku lifaaqnaa ay u baahan yihiin heshiis siyaasadeed oo ay dib uga wada xaajoodaan xubnaha Madasha Wadatashiga Qaran, isagoo faray inay degdeg isugu yimaadaan si xal dhammeystiran loogu helo kuraasta 16-ka ah ee ku astaysan Garbahaareey.

Sawirro: Yaa kusoo baxay doorashada 8 kursi ee maanta ka dhacday Ceelwaaq?

0

Ceelwaaq (Caasimada Online) – Guddiga hirgelinta doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ee Maamulka Jubaland ayaa maanta degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ku qabtay doorashada qaar ka mid ah kuraastii ugu horreeyay ee Golaha Shacabka.

Kursiga HOP#119, oo ahaa kii ugu horreeyey ee doorashadiisa la qabto, ayaa waxaa ku guuleystay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Soomaaliya Cabdullaahi Abukar Xaaji oo kursigaan horay ugu fadhiyay kadib markii uu tanaasulay musharixii kale ee la tartami lahaa kaas oo lagu Magacaabo Cabdicasiis Cabdullaahi Ibraahim.

Wasiir Cabdullaahi ayaa wuxuu saaxiib dhow la yahay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Mudane Faarax Macalin Bishaar iyo mudane Xassan Aadan Xassan ayaa ku tartamay kursiga tirsigiisu yahay #HOP216, waxaa ku guulaystay kursigan mudane Xildhibaan Faarax Macalin Bishaar

Kursiga tirsigiisu yahay #HOP116 oo kamida kuraasta maanta doorashadooda ay ka dhacday Degmada Ceelwaaq ee deegaan doorashada 2-Aad ee Jubbaland ayaa waxaa ku tartamay musharixiinta kala ah Duniyo Cismaan Yuusuf iyo Xaawo Khaliif Dubad.

Sida ay guddiga SEIT Jubbaland shaaciyeen kursigan waxaa kusoo baxday Xildhibaan Duniyo Cismaan Yuusuf.

Waxaa sidoo kale la qabtay doorashada kursiga  tirsigiisu yahay #HOP087 oo ay ku tartamayeen musharixiinta kala ah Aamino Xuseen Cali & Faadumo Ibraahim Cali.

Guddiga hirgalinta doorashooyinka dadban ee heer Dowlad Goboleed ee Jubbaland oo natiijada kama dambaysta ah ku dhawaaqay ayaa sheegay in kursigan ay ku guulaysatay Xildhibaan Aamino Xuseen Cali.

Kursiga tirsigiisu yahay #HOP102 oo kamid ahaa kuraastii taalay deegaan doorashada 2-Aad ee Jubbaland ayaa waxaa ku tartamay labada musharax ee kala ah mudane Cismaan Libaax Ibraahim & Mustaf Maanow Geedi ayaa waxaa ku guulaystay sida Guddiga ay shaaciyeen mudane Xildhibaan Cismaan Libaax Ibraahim.

Maxamed Aadan Macalin & Xassan Cabdi Axmed ayaa ku tartamay kursiga tirsigiisu yahay #HOP090 waxaana natiijada guddiga SEIT ay shaaciyeen ku guulaystay mudane Maxamed Aadan Macalin.

Musharax Xildhibaan Aadan Ibraahim Isaaq iyo Musharax Xildhibaan Jibriil Cabdirashiid Xaaji oo ku tartamayay kursiga tirsigiisu yahay #HOP065, waxaana ku guulaystay Xildhibaan Jibriil Cabdirashiid Xaaji kadib markii uu u tanaasulay musharixii la tartamayay.

Mudane Cabdiqaadir Xuseen Cabdi iyo mudane Cali Guurre Maxamed ayaa ku tartamay kursiga sumadiisu tahay #HOP091 oo tartankiisa la qabtay waxaana kursigan ku guulaystay sida natiijadii kama dambaysta ahayd ay ku sheegeen Guddiga Doorashooyinka Jubbaland SEIT mudane Xildhibaan Cabdiqaadir Xuseen Cabdi.

FARMAAJO oo wareegto ka soo saaray doorashooyinka Ceelwaaq iyo Garbahaarey

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto uu soo saaray sharci darro ku tilmaamay doorashada ka socota magaalada Ceelwaaq iyo doorashada kale ee xubno ka tirsan guddiga doorashada ay ka billaabeen Garbahaarey.

Hoos ka aqriso wareegtada Farmaajo

Muqdisho, 22ka Abriil 2022: Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in doorashooyinka isbarbar socda ee Garbahaareey iyo Ceelwaaq ay yihiin kuwa sharci darro ah oo baal marsan Sharciga Jihaynta Doorashooyinka Dadban ee ay ansixiyeen Labada Aqal ee Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. 

Wareegtadan oo lagu socodsiiyay Madasha Wadatashiga Qaran iyo Guddoomiyaha Kumeel Gaarka ah ee Golaha Shacabka ayaa lagu faray in la xushmeeyo heshiiskii 17kii Sebteembar 2020 iyo habraacyadii ku lifaaqnaa ee ay xubnaha Madasha Wadatashiga Qaran kala saxiixeen 1dii Oktoobar 2020 iyo 27kii May 2021. 

“Qof lagu soo doortay hannaan khilaafsan heshiisyada doorashooyinka iyo Xeerka Lam. 30 ma yeelan karo xuquuq lamid ah xildhibaannada lagu soo doortay hab waafaqsan heshiiskii 17ka Sebteembar 2020.”

“Sidaas darteed, kama qeyb qaadan karo doorashooyinka Guddoonka iyo tan Madaxweynaha ayadoo aan la helin heshiis ay wadar-ogol u gaareen Madasha Wadatashiga Qaranka si waafaqsan heshiiskii 17ka Sebteembar ama uusan soo saarin Barlamaanka 11aad sharci wax ka baddalaya xeerkii Barlamaanka labadaiisa aqal ay hore u ansixiyeen.” Ayaa lagu yiri Wareegtada Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in wax ka baddalka Heshiiskii 17kii Sebteembar iyo habraacyadii ku lifaaqnaa ay u baahan yihiin heshiis siyaasadeed oo ay dib uga wada xaajoodaan xubnaha Madasha Wadatashiga Qaran, isagoo faray inay degdeg isugu yimaadaan si xal dhammeystiran loogu helo kuraasta 16ka ah ee ku astaysan Garbahaareey.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa adkeeyay in lasii dardargeliyo doorashooyinka loo madlan yahay ee Guddoonka Labada Aqal iyo doorashada Madaxweynaha sida ugu dhakhsiyaha badan. 

DHAMMAAD

Madaxweynihii hore ee dalka KENYA oo geeriyooday

Nairobi (Caasimada Online) –  Madaxweynihii hore ee dalka Kenya Mwai Kibaki ayaa geeriyooday maanta oo jimco ah isagoo ku jira da’da 90-aad.

Geerida Mwai Kibaki ayaa waxaa xaqiijiyey madaxweynaha hadda hayo talada dalkaas Uhuru Kenyatta.

“Waa murugo waajib ah in aan ummadda u sheego geerida H.E.E. Emilio Mwai Kibaki, Madaxweynihii Saddexaad ee Jamhuuriyadda Kenya. Wuxuu ahaa hoggaamiye wax badan usoo qabtay, ummaddiisa si weyn ayuu u jeclaa, wuxuuna ugu adeegay rabitaankooda si hagar la’aan ah si uu u hormariyo nolosha dadkiisa,” ayuu yiri.

Wuxuu hadalkiisa sii raaciyey “Anagoo ka baroor diiqeeno khasaaraha aan la qiyaasi karin ee geerida Kibaki, waxaan haddana mar kasta xasuusaneynaa oo aan uga mahad-celineynaa safarkii uu madaxweyne Kibaki usoo maray u adeegidda dalkiisa laga soo billaabo dagaalkii ay Kenya xornimada ku qaadatay”.

Mwai Kibaki ayaa ahaa madaxweynihii Sadexaad ee soo maray Dalka Kenya, wuxuuna xilka hayey 2003 illaa 2013.

Kenyatta ayaa sheegay inuu dalka geli doono xaalad baroor diiq qaran ah inta laga aasayo madaxweynahii hore ee geeriyooday. Sidoo kale madaxweyne Kenyatta ayaa amray in hoos loo dhigo calanka dalkaas.

Mwai Kibaki ayaa qeyb kasoo qaatay dhismaha dowladdii KMG aheyd ee Soomaaliya ee uu madaxweynaha ka ahaa Allaha u naxariisii Cabdullaahi Yuusuf Axmed taasoo lagu soo dhisay Dalka Kenya sanadkii 2004.

Gaashaanle MUUMIN oo jawaab kulul ka bixiyey eeddii uu u jeediyey Cabdi Saciid

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Gaashaanle Muumin Cabdi Shire, oo ah taliyaha qaybta Booliiska Gobolka Mudug ee dhanka maamul Goboleedka Puntland, ayaa iska fogeeyay eedeyn uu u jeediyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdi Saciid Muuse Cali oo ahayd in uu bixiyay amar lagu weeraray goob uu ku sugnaa.

Taliyaha qaybta Booliiska Gobolka Mudug ayaa sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibadda xukuumadda Soomaaliya uu ku degdegay eedeyntaas, maadaama loo xil saaray guddi baara si uu usoo ogaado xaqiiqada dhinaca leh mas’uuliyadda israsaaseynta ka dhacday Waqooyiga Gaalkacyo.

Waxa uu tilmaamay in uu jiro go’aan kasoo baxay guddi qaabilsan Amniga oo quseeya in la joojiyo shirarka aan maamulka ka war qabin si dhinacyada qabsanaya ay u gudbiyaan xogtooda lana ogaado sida uu hadalka u dhigay.

“Dabcan marka waxa la baaro ayaa la ogaan karaa, Ciidanka Booliiska iyo Kuwa PSF ee maamul Goboleedka Puntland wax ka dhex dhacay weeye, Wasiirka wuu ku degday waayo marka ay baarista soo baxdo ayaa laga hadli karaa, go’aan kasoo baxay Guddiga Amniga oo lagu joojiyay shirarka wuu jiray laakiin waxa aan xaqiijineynaa in uusan halkaas shir ka socan,” sidaasi waxaa yiri Taliyaha qaybta Booliiska Gobolka Mudug DG Puntland Gaashaanle Muumin Cabdi Shire.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Siciid Muuse ayaa qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitter-ka waxa uu Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Mudug Puntland ku eedeeyay in uu lahaa amarka weerarka.

Wasiirka ayaa qoraalka ku sheegay “Waxaan shalay gaaray Magaalada Gaalkacyo si aan waqti ula qaato qoyskayga maalmihii ugu dambeeyay ee bisha barakeysan ee Ramadaan. Fiidnimadii caawa aniga iyo qoyskayga waxa aanu la afureynay Nabadoon Yaasiin Cabdisamad. Waxa aanu gurigayagii ka soo baxnay annagoo lugaynayna, iyadoo ay ila socdaan afar ilaalo ah iyo laba sarkaal oo dhar-cad ah.”

Waxa uu intaas ku daray “Ilaalada waxay fashiliyeen isku daygii dil ee siyaasadaysan. Nasiib darro, hal askari ayaa si murugo leh loo dilay Allaha u naxariisto, mid kalena waa la dhaawacay. Nabadoonka ayaa sidoo kale waxaa soo gaaray dhaawac culus oo hadda la dhigay isbitaal. Waxaan u rajaynaynaa soo kabasho degdeg ah. Waxaana kula xisaabtami doonnaa dhammaan kuwa ku lugta leh.”

Hal askari ayaa geeriyooday, waxaa dhaawacmay Nabadoon Yaasiin Cabdisamad oo martiqaaday Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda & Taliye ku xigeenka Booliiska Gobolka Mudug oo labaduba laga daweynayo waxyeellada soo gaartay.

Ku simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku xigeenka DG Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa magacaabay guddi badan saraakiil oo baaraya sida uu dhacay weerarka, waxa uu sheegay in aan laga hari doonin ciddii yeelata mas’uuliyadda wixii dhacay.