25.1 C
Mogadishu
Monday, June 22, 2026

Daawo: Maxamuud Sayid oo si aan horey u dhicin ugu garnaqsaday FARMAAJO

0

Ceelwaaq (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo shir jaraa’id qabtay kadib doorashadii lagu soo gabagabeeyey Ceelwaaq ayaa u gar naqsaday madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo isku heyb ay yihiin.

Maxamuud Sayid Aadan ayaa ku eedeeyey Farmaajo inuu sameeyey qorshe kasta oo dadkiisa reer Gedo uu ku cuuryaami karo, balse hadda uu ka codsanayo in dhibaato iyo jid gooyo dambe uusan u dhigin dadkiisa tabaaleysan.

Wuxuu si qota dheer uga hadlay arrimaha ku xeeran doorashadii 16-ka kursi ee Ceelwaaq ay ku qabteen labadii maalmood ee lasoo dhaafay, wuxuuna carabka ku adkeeyey inuu jeclaan lahaa in doorashadaan ay ku qabtaan Garbahaarey, balse ay waayeen meel ay Farmaajo ka maraan.

Mudo labo sano ah waxaa Garbahaarey, Doolow, Luuq iyo Beledxaawo oo ah magaalooyinka ugu waaweyn gobolka Gedo maamulaya ciidan ka amar qaata Madaxweyne Farmaajo, waxayna Jubaland gobolkaas ka maamushaa degmada ay doorashada ku qabatay ee Ceelwaaq.

“Waxaan rabaa inaan la garnaqsado Madaxweynaha Soomaaliya walaalkey Maxamed Cabdullahi Farmaajo, Madaxweynow ina adeerow, dadka reer Gedo xadgudubyada aad u geysatay ee sanadaha socday oo xeerarka iyo dastuurkii aad ku dhaaratay ka baxsan, naga jooji, waxaan nagu filan intaa noo geysatay,” ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan.

Wuxuu ku celceliyey in Garbahaarey ay mudneed in lagu qabto doorashadaan, balse ay xoog ku heystaan ciidamo ka amar qaata Farmaajo, “Walaalkeenow dhibaato intaa nasoo marsiidaa noogu filan, kadaa oo mid kale hanoo celin,” ayuu yiri.

Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland oo sii waday garnaqsigiisa, wuxuu Farmaajo xasuusiyey in sanadkii 2016-kii ay u codeeyeen xildhibaano uusan kuraas u soo boobin, isagoo kula taliyey in sanadkaan uu isku kalsoonaado.

“2016-kii xildhibaanadii gobolkaan codkooda ayaad ka barisay, waana ku siiyeen, adigu sooma aadan xulay, in lasoo doorto lacag kuma aadan bixin, Madaxweyne ayaad Soomaaliya ka noqotay, war maantana hadii aad musharax tahay xildhibaanada codkooda weydiiso, laakiin xoog ha isku deyin, wax aad ka faa’iideyso malahan, cadaawad iyo taariikh xumo ayaad kala kulmeysaa,” ayuu yiri.

Sidoo kale Maxamuud Sayid Aadan ayaa ku cataabay in 30-kii sano ee lasoo dhaafay uu dhex taagnaa gobolka Gedo, isla markaana uu maanta Farmaajo ka faro maroojiyey, “War ninyahow isku xishoo, tacabka yagii oo dhan ayaad burburisay, midnimadii, horumarkii, ammaankii, garsoorkii iyo guud ahaan maamulkii dadkeyga ayaad burburisay,” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland.

Hoos ka daawo

Puntland oo qaaday tallaabo cusub oo la xiriirta weerarkii wasiirka arrimaha dibedda

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) oo qoraal kooban soo saaray ayaa guddi ka kooban lix xubnood u xil-saaray weerarkii habeenkii Jimcaha ka dhacay waqooyiga Gaalkacyo.

Guddiga ayaa baaris iyo dabagal ku sameyn doono sida ay wax u dhaceen, maadaama la beegsaday wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya iyo xubno kale oo ay ku jiraan odayaal.

“Waxaan guddi baaris kusoo sameeya u magacaabay dhacdadii ka dhacday magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug,” ayuu yiri Karaash.

Xubnaha la magacaabay ayaa waxaa guddoomiye looga dhigay wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga ee maamulka Puntland, Cabdullaahi Cabdisalaan Xasan.

Sidoo kale waxaa qayb ka ah guddiga xildhibaano iyo saraakiil ciidan oo ka tirsan Booliska iyo maxkamadda ciidamada ee maamulkaasi.

Halkan hoose ka aqriso magacyada:-

1- Cabdullaahi Cabdisalaan Xasan. (Wasiir ku xigeenka Amniga iyo DDR). Gudoomiye
2- Xil Axmed Jaamac Cabdulle. (Xildhibaan Puntland).
3- Xil Cabdiweli Yuusuf Warsame. (Xildhibaan Puntland).
4- Gen. Caydiid Axmednuur Warsame. (Kusimaha Taliyaha Booliiska Puntland).
5- Aadan Cali Maxamuud. (Kusimaha Xeer Ilaaliyaha Maxkamada Ciidanka Qalabka sida ee Puntland)
6- Asad Faarax Maxamed.  (Xoghayn)

Si kastaba, weerarkii Gaalkacyo ee habeen hore lagu bartilmaameedsaday wasiirka arrimaha dibada Somalia Cabdisaciid Muuse, Nabaddoon Yaasiin Cabdisamad iyo xubnaha qoyska wasiir Cabdisaciid ayaa waxaa geystay ciidamo ka tirsan maamulka Puntland oo kulan afureedka xubnahaasi qoys ahaanta u shirayay u arkay mid siyaasadeed oo ka dhan ahaa Puntland iyo madaxweynaheeda murashaxa madaxweyne ah ee Saciid Deni.

Rooble oo maanta u baxay safar dibadda ah + Ujeedka

0

Geneva (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Somalaiya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay Magaalada Geneva ee dalka Switzerland, waxaana garoonka kusii sagootiyey xubno ka tirsan Golahiisa Wasiirada.

Rooble ayaa Geneva uga qeyb galayo shir caalami ah oo ku saabsan abaaraha ba’an ee ka jira Geeska Afrika, si gaar ahna diiradda loogu saarayo xaaladda abaarta ee Soomaaliya.

Shirka ayaa waxaa sidoo kale ka qayb-galaya madax sar sare iyo wasiiro ka kala socda dalalka deeq bixiyeyaasha oo iyaguna lagu cusuumay shirkaas oo hal maalin socon doona.

Ra’iisul wasaaraha madasha ka jeedin doono khudbad dheer oo uu uga hadlayo xaaladda bani’aadanimo ee Soomaaliya, gaar ahaan sidii loogu gurman lahaa dadka tabaaleysan.

Sidoo kale waxaa la filayaa in ra’iisul wasaaraha uu kulan doceedyo la yeesho mas’uuliyiinka iyo madaxda hay’adaha ee ka qayba-galaya shirka Geneva, isaga oo kala hadli doono arrimaha Soomaaliya oo ay ugu horreyso doorashooyinka haatan socda.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa muujineysa sida ay uga go’an tahay in indhaha Beesha Caalamka lagu soo jeediyo xaaladda abaareed ee dalka ka taagan si loogu gurmado shacabka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen abaaraha ka jira qaybo ka mid ah waddanka.

Safarka Ra’iisul wasaare Rooble ayaa kusoo beegmaya xilli xasaasi ah, isla-markaana lagu jiro dhammeystirka doorashada, maadaama uu yahay mas’uulka ugu sarreeya, ayna weli caqabado ka jiraan doorashada, gaar ahaan arrinta gobolka Gedo oo haatan kasii dareysa.

Sawirro: Saciid Deni oo shirar xasaasi ah ka wada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho ayaa ka wada kulamo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda dalka iyo dhameystirka doorashooyinka dalka.

Deni ayaa la shiray ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxames Xuseen Rooble iyo madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud, iyaga oo iska xog wareystay xaaladaha soo kordhay iyo caqabadaha weli ka taagan dhameystirka doorashada 2022-ka.

Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa ahaa mid ay dibad joog ka tahay saxaafadda, waxaana qoraal kooban oo ay soo saartay madaxtooyada Puntland ku shaacisay kulanka mas’uuliyiintaan, kaas oo qayb ka noqonayo ololihiisa doorashada madaxweynaha ee Deni.

Sidoo kale madaxweynaha Puntland ayaa bilaabay inuu la shiro xildhibaanada Golaha Shacabka, si uu uga gado damiicsa siyaasadeed ee hoggaanka Villa Soomaaliya.

Xubnaha uu la shiray ayaa waxaa ka mid ah Mahad Salaad oo ka tirsan mucaaradka, isla-markaana ka mid ah xisbiga UDP ee madaxweynihii hore ee Xasan Sheekh Maxamuud.

Deni ayaa sidoo kale xalay kulan gaar ah la yeeshay saraakiishii hore ee ciidamada Soomaaliya, kuwaas oo qaar ay hadda xildhibaano yihiin.

Madaxweyne Deni ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu ku shaaciyey kulankaan oo ahaa mid afurin ah, isla markaana uu isugu yeeray saraakiisha waaweyn ee ciidamada Soomaaliya.

“Caawa waxaan kulan afur ah la qaadanay saraakiishii hore ee ciidamada qalabka sida ee kala duwan, oo qeybtood dalka kasoo qabteen xilal heer wasiir ah,” ayuu yiri Deni.

Sidoo kale wuxuu sheegay inay ka wadahadleen arrimaha ammaanka oo baahida ugu badan ay Soomaaliya u qabto xilligaan.

“Waa waayo arag dhinaca amniga ah oo wax badan usoo joogay, una soo shaqeeyay dalka iyo dadka, waxaan ku boggaadinaya in ay marwalbo khibradooda uga faa’iideeyaan dalka marxalad kasta. Waxaan uga mahadcelinaya kulankii wanaagsan ee aan wada qaadanay,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Saciid Deni.

Jeneraal Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe, Jeneraal Cabdullahi Gaafow Maxamuud iyo Jeneraal Bashiir Cabdi Ameeriko ayaa ka mid ahaa saraakiisha uu xalay casuumay Saciid Deni oo tobaneeyo gaarayey.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa maalmahaan ku sugan magaalada Muqdisho, xilli xiisad siyaasadeed ay uga kacsan tahay Puntland oo sida u qorsheysan uu dib ugu laaba doono, hadii uu waayo xilka madaxweynaha Soomaaliya.


Howlgal culus oo Muqdisho laga fuliyey xalay + Ujeedkaa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee Booliska Soomaaliya ayaa xalay howlgal ballaaran ka sameeyey xaafado ka tirsan degmada Kaaraan, kaas oo ka dhan ahaan kooxaha ciyaal weerada ee kusii xoogeystay degmadaasi.

Howlgalka oo ay hoggaaminayeen guddoomiyaha Kaaraan iyo saldhigga Booliska degmadaas ayaa waxaa lagu soo qabtay koox ciyaal weero ah iyo hoggaamiyeyaashooda, kuwaas oo la dhigay xabsiga, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

Guddoomiye Abshir Kaaraan oo Wariyeyaasha la hadlay, kadib howlgalka ayaa shaaca ka qaaday in aysan aqbali doonin dhibaateynta dadka shacabka ah, isaga oo farriin culus u diray waalidiinta dhalay dhalinyaradaas fowdada ka wada xaafadaha degmadaasi.

Sidoo kale wuxuu intaasi in ragga lasoo qabtay ay horey uga digeen inay faraha kala baxaan falalka ay gacmaha kula jiraan, balse ay ka dhaga adeedeen, wuxuuna tilmaamay in haatan ay ka qaadan doonaan go’aan culus.

Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay inay sii wadi doonaan baaritaanada habeenkii ee lagu xaqiijinayo amniga degmada Kaaraan oo ka mid ah degmooyinka qaar ee looga barakacay kooxaha ciyaak weerarada ee ka jira magaalada Muqdisho.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa soo badanayey qaylo dhaanta shacabka caasimada oo xilliyada habeenkii  ahby la soo daristay cabsi xoogan iyo weeraro uga imaanayo kooxo kala duwan oo ciyaal weero ah oo ku sugan degmooyinka gobolka Banaadir.

Si kastaba, Muqdisho ayaa haatan wajaheyso culeyso amni oo is biirsaday sida qaraxyo, dhac, weeraro ay geysanayaan dhalinyarada ciyaal weerarada iyo dhibaatooyin kale oo ka dhashay daaha doorashooyinka dalka oo ay weli isku hayaan madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada.

Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo qorshaynayey weeraro oo lagu qabtay Ethiopia

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Hay’adda Sirdoonka iyo Ammaanka Qaranka Itoobiya ayaa sheegtay inay xirtay 34 qof oo laga shakisanyahay inay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab.

Sida lagu baahiyay wakaaladda wararka Itoobiya ee ENA, dadkan laga shakisanyahay ayaa waxa ay qorshaynayeen inay weerraro ka gaystaan magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa iyo gobollo kale.

Wakaaladdu waxa ay intaasi ku dartay in dadkaasi lagu soo xirxiray howlgal ay wadajir ciidammada ammaanka uga sameeyeen gobollada Soomaalida iyo Oromada ee dalkaasi.

Sidoo kale, eedeysanayaasha ayaa laga helay Hoobiyayaal, Rasaas iyo Hub kale, waxayna sidoo kale wateen dukumentiyo iyo Lacago.

Warbixinta ENA ayaa lagu sheegay in dagaalyahanadaan ay qorsheenayeen inay weeraro fuliyeen maalmaha ciidda ee nagu soo foosha leh si ay uga faa’ideystaan mashquulka tirada badan.

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in eedeysanayaashaan lasoo taagi doono maxkamad si looga tallaabo sharci ah, balse lama shaacin waqtiga la geynayo maxkamadda.

Kooxda Al-Shabaab kama aysan hadlin sheegashada Hey’adda Sirdoonka iyo Ammaanka ee dalka Itoobiya ee ah inay qabatay xubno ka tirsan koxdaan.

Itoobya ayaa horey u fashilisay weeraro ay kooxda Al-Shabaab ka fulin rabtay gudaha dalkaas, waxaana taas sabab looga dhigay in sirdoonka dalkaas uu yahay mid awood badan oo xilli kasta hela xogaha iyo siraha kooxdaan.

Ciidamada Tigray ah oo isku dhiibay Sudan + Sababta

Addis Ababa (Caasimada Online) – In ka badan 500 oo ka mid ah ciidamada Itoobiya, gaar ahaan kuwa kasoo jeeda qowmiyadda Tigray ee ka mid ah ciidmada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ayaa diiday inay dalkooda dib ugu laabtaan, iyagoo u baqay ammaankooda, waxayna codsanayaan magangelyo siyaasadeed oo Suudaan laga siiyo.

Ilaa sanadkii hore, ciidamada Itoobiya ayaa ahaa kuwa ugu badan ee ku dhawaad 4,000 oo ciidan ah oo ka tirsan howlgalka nabad ilaalinta ee Abyei (UNISFA), oo ah gobolka lagu muransan yahay ee xadka u dhaxeeya Suudaan iyo Koonfurta Suudaan.

Ciidamada Itoobiya ayaa lagu bedelay ciidamo caalami ah, iyadoo xiriirka Addis Ababa iyo Khartoum uu sii xumaanayo, kaasoo salka ku haya muran dhuleed iyo biyo xireenka weyn ee Itoobiya ay ka waddo webiga Nile, kaasoo Suudaan ay ka cabsi qabto inuu khatar ku noqdo helitaanka biyaha.

Inta badan ciidamada Itoobiya ayaa dib ugu laabtay dalkooda, balse qaarkood ayaa hadda codsaday magangalyo, sida uu wakaaladda wararka ee AFP u sheegay afhayeen u hadlay nabad ilaalinta Qaramada Midoobay oo ku sugan magaalada New York.

“Tiro nabad ilaalin ah ayaa doortay inaysan laaban, waxayna raadinayaan ilaalin caalami ah, waxaa lagu ilaalinayaa meel ammaan ah oo ay leedahay Qaramada Midoobay” ,” ayuu yiri afhayeenku.

“Mas’uuliyadda bixinta magangelyo waxay saaran tahay mas’uuliyiinta Suudaan oo ay ka caawinayso hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga UNHCR ee qaabilaadda dadkaas.” ayuu raaciyay.

528 askari oo Itoobiyaan ah oo kasoo jeeda Tigray-ga ayaa magangalyo ka codsaday Suudaan, sida uu sheegay Major Gebre Kidane, oo ka mid ahaa ciidamadii nabad ilaalinta– tiradaaas oo ay xaqiijiyeen laba saaxiibbadiis ah oo ay sidoo kale ay la xiriirtay AFP.

“Ma ahan ammaan inaan ku laabanno Itoobiya, waxaana dooneynaa inaan noqonno codka dadka Tigrayga bulshada caamalka horteeda” ayuu 40-jirkan ayaa u sheegay AFP wareysi uu khadka taleefanka ku siiyay, isagoo sharraxayay go’aanka uu ku dalbaday magangalyo horraanta Maarso.

VOA + AFP.

Mareykanka oo wafdi culus u diraya magaalada KYIV

Kyiv (Caasimada Online) – Xoghayaha Arrimaha Dibada Maraykanka Antony Blinken iyo Xoghayaha Difaaca Lloyd Austin ayaa maanta oo Axad ah booqanaya magaalada Kyiv, sida uu sheegay madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy.

“Berrito, saraakiisha Mareykanka ayaa nagu soo wajahan, waxaan la kulmi doonaa xoghayaha gaashaandhigga [Lloyd Austin] iyo Antony Blinken,” ayuu yiri Zelenskyy oo suxufiyiinta la hadlayay Sabtidii, taasoo noqonaysa booqashadii ugu horreysay oo rasmi ah oo saraakiil Mareykan ah ay ku tagaan tan iyo markii Ruushka uu weeraray Ukraine bishii Febraayo. 24.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa email Sabtidii ugu sheegay VOA-da: “Ka ma hadleyno arrintan.” iyadaoo Pentagon-ku uu sidoo kale warkan aanu u xaqiijin karin VOA-da.

Aqalka Cad ayaa sidoo kale diiday inuu faallo ka bixiyo.

Saraakiisha Ingiriiska ayaa Sabtidii sheegay in ciidamada Ruushku aysan qabsan dhul cusub oo muhiim ah in kasta oo ay ku dhawaaqeen duullaanka soo cusboonaaday ee dhanka bari, halka Ukraine ay ku dhawaaqday bandow dalka oo dhan ah.

Saraakiisha Ukraine ayaa Sabtidii sheegay in 21,600 oo askari oo Ruush ah ay ku dhinteen Ukraine, iyadoo madaxweynaha Ukraine Zelenskyy uu dib u cusboonaysiiyay baaqiisii ahaa in uu la kulmo hogaamiyaha Ruushka Vladimir Putin si loo “joojiyo dagaalka”.

“Waxaan u maleynayaa in qof kasta oo bilaabay dagaalkan uu awoodi doono inuu soo afjaro,” Zelenskyy ayaa Sabtidii ka sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay xarun metro oo ku taal bartamaha Kyiv, isagoo raaciyay “in uusan ka baqeynin inuu la kulmo” Putin haddii uu hogaamiyo heshiis nabadeed oo dhex mara labadooda dal.

Wararkii ugu dambeeyey qarax ka dhacay saldhig ku yaalla BELEDWEYNE

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax khasaare geystay oo xalay ka dhacay qaybo ka mid ah magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Qaraxa oo si weyn jugtiisa looga maqlay magaalada ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhex dhacay saldhig ciidan oo ku yaalla xaafadda Howlwadaag, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhashay miino lagu dhajiyey gaari nooca Cabdi Bilaha ah oo yaallay gudaha saldhigga.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxaan ku dhaawacmay ugu yaraan 2 askari, iyada oo uu burbur xoogan soo gaaray baabuurka qaraxa lagu dhajiyey, sida aan xogta ku helnay.

Ciidamada ammaanka ayaa qaraxa, kadib qaaday howlgal ay ka sameeyeen agagaarka saldhigga la beegsaday, iyaga oo baadi goobayey raggii ka dambeeyey qaraxaasi.

Ma jiro wax faah faahin ah oo ay saraakiisha ammaanka ka bixiyeen dhacdadaasi iyo howlgallada ay sameeyeen, kadib qaraxa.

Xaaladdda ayaa haatan deggan, waxaana si caadi ah ku socda dhaq-dhaqaaqa dadka, gaadiidka iyo sidoo kale ganacsiga, sida ay soo warrinayaan wararka laga helayo halkaasi.

Beledweyne ayaa waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, waxaana ugu dambeeeyey weeraradii is miidaaminta ahaa ee dhowaan ka dhacay magaaladaas, kuwaas oo mid ka mid ahaa lagu dilay Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi.

Doorashada guddoonka BF oo laga wareejinayo Villa HARGEYSA + Sababta

0

Muqdisho ( Caasimada Online) – Guddoomiyahq guddiga qaban qaabada doorashada guddoonka Golaha Shacabka, Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa soo saaray go’aan la xiriira qabashada doorashada guddoonka oo lagu wado in la qabto 27 April.

Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa shaaca ka qaaday inay go’aansadeen in doorashada laga wareejiyo Villa Hargeysa, sababo la xiriira amniga xarunta Baarlamaanka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha ayaa xusay in kulamadii ugu dambeeyey ay xarunta ku dhaceen falal amni darro sida hoobiyeyaal lagu soo tuuray dhismaha Villa Hargeysa, xilli uu socday kulanka Baarlamaanka iyo shalay oo ay ugu dambeysay oo xabad ay ku dhacday Qaboojiyaha.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay ku dadaaleen in aysan baaqan hadal jeedinta, doorashadana ay ku qaban doonaan waqtiga loo asteeyey, ayna ka dhici doonto meel kale.

“Sida ay wax u dhaceen in ay ula kac ahayd iyo in ay wiifto ku dhacday labaduba ma sheegi kari balse markii aan tagnay xarunta ayaa naloo sheegay in xabad ay ku dhacday Qaboojiyaha, maalintii dhawaad Hoobiye ayaa soo dhacay, waxaa xigay Qaboojiyaha oo xabad ku dhacday, waxa aan ku dedaalnay in aanay dib u dhicin hadal jeedinta oo aan qabaneyno maalintii 2aad, dabcan waan baddeli doonaa goobta lagu qabanayo Doorashada Guddoonka,” ayuu yiri xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in la qorsheynayo in doorashada lagu qabto Teendhada Afisyoone oo ay horey uga dhacday munaasabadda dhaarinta ee xildhibaannada cusub.

Dad badan ayaa u arka inay siyaasad ka dambeyso beegsiga Baarlamaanka, si dib loogu dhigo doorashada guddoonka Golaha Shacabka oo haatan loolan loogu jiro.

Xildhibaano sidoo kale ka hadlay arrintan ayaa sheegay in la doonayo in la qal-qal geliyo xubnaha cusub ee Baarlamaanka, kadibna looga faa’iideysto dano gaar ah.

Doorashada guddoomiyaha oo ay isku soo taageen illaa 8 murashax ayaa la filayaa in la qabto 27-ka bishan, si dardar geliyo dhammeystirka doorashada Soomaaliya ee 2022-ka.

Jubbaland oo fashilisay qarax la qorsheeyey in lagu dilo…

0

Kismaayo (Caasimada Online) –Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in ay fashiliyeen qarax miino oo la doonayay in lagu qaarijiyo mas’uul ka tirsan maamulkaasi.

Qaraxa lagu dili rabay mas’uulkaasi oo aysan sheegin magaciisa ayaa waxaa loogu rakibay albaabka guriga uu degan yahay ee magaalada Kismaayo, waxaana si deg deg ah ugu hortegay oo fashiliyay ciidamada Nabadsugida NISA ee Jubbaland.

Qaraxaan ayaa waxaa maleegay kooxda Al-Shabaab oo dooneysay inay ku dhibaateyso mas’uulkaasi iyo qoyskiisa, balse ka badbaaday.

“Alle Mahadii waxay ciidanka Hay’ada Sirdoonka & Nabadsugida Jubbaland (JISA) caawa fashiliyeen miino ay argagixisadu albaabka ugu dhajisey masuul katirsan Dowlada Jubbaland” ayaa lagu yiri qoraal iyo sawirro NISA Jubbaland soo dhigtay boggooda.

Hay’adda NISA Jubbaland ayaa sheegtay intii ay ciidanka ku guda jireen kala fur furka miinadaasi inaysan wax khasaare ah ka dhalan, waxayna u mahad celiyeen shacabka Kismaayo oo hay’adda si dhow ula shaqeeyay.

Kenya oo qunsul cusub usoo magacowday Somaliland, bedeshay safiirkii Muqdisho

0

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa dowladda Somalia iyo Somaliland usoo kala magacaabay Safiir buuxa oo fadhigiisa noqon doona magaalada Muqdisho, iyo Qunsul xaruntiisa noqon doonta magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland.

Safiirka cusub ee Kenya u fadhin doona Somalia Maj Gn (Rtd) Thomas Chepkuto ayaa wuxuu badeli doonaa Lucas Tumbo oo sanadkii 2015-kii Kenya xilkaan usoo magacowday.

Sidoo kale, Uhuru Kenyatta ayaa Benson Mwaliko u magacaabay qunsulka cusub ee Kenya u fadhin doona magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee  Kenya ayaa kal hore Hargeysa u dirtay saraakiil uu hoggaaminayay Benson Mwaliko, isagoona ku magacawnaa madaxa xafiiska ilaaliya cilaaqaadka labada dhinac.

Raychelle Omamo Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya  ayaa dhawaan sheegtay in Kenya ay ula macaamuli doonto Somaliland sida qeyb ka tirsan Federaalka Somalia.

Tan iyo markii xilka madaxweynenimo ee Somalia uu la wareegay Farmaajo, Kenya waxay bilowday dagaalka diblumaasiyadeed iyo inay farageliso arrimaha Somalia, iyadoo xiriirkii labada dal uu marna xaalad kala duwan uu soo marayay.

Rooble oo war cusub kasoo saaray doorashada Ceelwaaq

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa bogaadiyey dhameystirka doorashadii magaalada Ceelwaaq, halkaasi oo shalay iyo maanta lagu doortay 16 ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacabka. 

Rooble ayaa qoraal uu soo dhigay boggiisa Facebook ku yiri “Waxaan u hambaleynayaa Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal, Guddiga Doorashada Jubaland iyo Dowlad-goboleedka Jubaland oo maanta soo gebogebeeyay doorashadii xildhibaannada Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu ahayd gobolka Gedo.”

“Hambalyo ayaan leeyahay xildhibaannada cusub ee la doortay, anigoo u rajeynaya in uu Eebbe ku garab galo mas’uuliyadda qaran ee loo igmaday.” 

Doorashada Ceelwaaq ayaa waxaa ka hor-yimid madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo doorashadaas iyo tan Garbahaarey labaduba ku qeexay sharci-darro, inkasta oo la tuhunsan yahay inuu isaga gadaal ka riixayo tan Garbahaarey. 

Farmaajo ayaa qoraal uu shalay soo saaray ku yiri “Qof lagu soo doortay hannaan khilaafsan heshiisyada doorashooyinka iyo Xeerka Lam. 30 ma yeelan karo xuquuq lamid ah xildhibaannada lagu soo doortay hab waafaqsan heshiiskii 17ka Sebteembar 2020.”

“Sidaas darteed, kama qeyb qaadan karo doorashooyinka Guddoonka iyo tan Madaxweynaha ayadoo aan la helin heshiis ay wadar-ogol u gaareen Madasha Wadatashiga Qaranka si waafaqsan heshiiskii 17ka Sebteembar ama uusan soo saarin Barlamaanka 11aad sharci wax ka baddalaya xeerkii Barlamaanka labadaiisa aqal ay hore u ansixiyeen.” 

Dhinaca kale, Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha ku-meel gaarka ah ee Golaha Shacabka Mudane Cabdisalaan Xaaji Axmed Dhabancad, oo uu kala hadlay doorashada guddoonka Golaha Shacabka oo heer gebogebo ah mareysa.

Xog lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in Rooble uu sidoo kale guddoomiye Dhabancad ku cadaadiyey inuu aqbalo natiijada kuraasta lagu qabtay Magaalada Ceelwaaq kuwaas oo qaarkood maanta loo diiday inay ka qeyb galaan kulankii Baarlamaanka.

Sababta xildhibaanadaas loo diiday ayaa lagu sheegay in aysan sugin saddex maalmood kahor inta aanay qaadan shahaadada xildhibaannimo, taasi oo habraaca doorashada uu dhigayo.

Guddiga FEIT oo soo saaray amar xasaasi ah oo ku saabsan xildhibaanada laga soo doortay Ceelwaaq

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga hirelinta doorashooyinka heer Federaal ee FEIT ayaa dalbaday in si deg deg ah loo dhaariyo xildhibaanada laga soo doortay Jubbaland, gaar ahaan magaalada Ceelwaaq kuwaas oo qaatay shahaadada xildhibaanimo.

Guddiga ayaa sheegay inay qoraalkaan soo saareen kadib markii ay arkeen in doorashada guddoonka Golaha shacabka ay dhowdahay islamarkaana aysan suuragal aheyn in kuraasta Gedo oo maqan la qabto doorashada. Hoos ka aqriso qoraalka guddiga

Ujeedo: Dardargelinta dhameystirka doorashooyinka

Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer Federaal oo gudanaya wajibaadkiisa shaqo kana jawaabaya baahida loo qabo dardargelinta iyo dhameystirka doorashooyinka iyo xaqa ay beeluhu u leeyihiin inay metalaad ku yeeshaan doorashada Golaha Shacabka .

  1. Markuu arkay waqtiga la qabanayo doorashooyinka guddoonka Golaha Shacabka
  2. Markuu arkay baahida loo qabo in xildhibaanada harsan aysan ka harin doorashooyinka
  3. Markuu arkay inay waajib tahay inay metalaadooda ay ugu qeyb galaan doorashada guddoonka aqalka hoose

Guddiga doorashooyinka wuxuu go’aamiyey:

In xildhibaanada lasoo doortay ee soo qaatay shahaaddada xildhibaanimo ee guddiga hirgelinta doorashooyinka heer Federaal sida ugu dhaqsiyaha badan loo dhaariyo si ay u gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah ugana qeyb galaan doorashada guddoonka Golaha Shacabka ee loo madlan yahay 27 April 2022.

Halkan hoose ka akhriso waraaqda kasoo baxday guddiga

 

Rooble oo Dhabancad ku cadaadinaya arrin xasaasi ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha ku-meel gaarka ah ee Golaha Shacabka Mudane Cabdisalaan Xaaji Axmed Dhabancad.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’isulwasaaraha ayaa lagu sheegay in labada mas’uul ay ka wada hadleen doorashada guddoonka Golaha Shacabka oo heer gebogebo ah mareysa.

Xog lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in Rooble uu guddoomiye Dhabancad ku cadaadinayo inuu aqbalo natiijada kuraasta lagu qabtay Magaalada Ceelwaaq kuwaas oo qaarkood maanta loo diiday inay ka qeyb galaan kulankii Baarlamaanka.

Sababta xildhibaanadaas loo diiday ayaa lagu sheegay in aysan sugin saddex maalmood kahor inta aanay qaadan shahaadada xildhibaannimo, taasi oo habraaca doorashada uu dhigayo

Kulanka labada mas’uul ayaa kusoo adayo xilli Maanta ay xildhibaanada baarlamaanka khudbado u jeediyeen musharixiinta u taagan xilka guddoomiyaha Baarlamaanka.

Dhanka kale, Ra’isul Wasaare Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxweynaha dowlad-goboleedka Hirshabelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe.

Rooble iyo Guudlaawe ayaa ka wada hadleen dhammeystirka kuraasta Golaha Shacabka ee weli ku harsan Hirshabeelle iyo qodobbo kale.

Ra’isulwasaare Rooble iyo Guddiga doorashada heer Federaal ee FEIT ayaa ku dhagay kursiga HOP#086 oo uu kusoo baxay Fahad Yaasiin kaasoo laga soo doortay Hirshabelle, lamana xaqiijin karo haddii kulankaan uu xiriir la leeyahay kiiskaas.

Xubnihii Ceelwaaq oo loo diiday iney ka qeyb-galaan fadhiga maanta ee G/SH

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Laba doorasho oo is garab socota ayaa ka socota Jubbaland. Ceelwaaq koox taageersan Axmed Madoobe ayaa ku qabatay doorasho maanta lasoo geba-gebeeyey, tagista, shahaado bixinta, codeynta iyo ku dhawaaqista natiijadaba ma aysan qaadan wax saacad ka badan taasoo sii xoojisay fedeexooyinka doorashooyinka Soomaaliya.

Garbahaarey ayaa iyadana waxaa ka billaabaneysa doorashada 16 kursi oo ay fulinayaan xubno taabacsan Farmaajo.

Labadaba waxaa jooga xubno ka tirsan guddiga doorashada heer Fedeeraal ee FEIT iyo midka xallinta khilaafaadka. Balse Ceelwaaq waxaa dheeri u ah xubnaha guddiga doorashada ee heer maamul Goboleed.

In Ceelwaaq la aado oo doorasho lagu qabto waxay ka dhigan tahay in laga baxay ku dhaqanka heshiiskii 17 September, waana markii koowaad oo hoggaamiye Goboleed uu toos u jabiyo heshiiskii ay saxiixeen Labada Aqal ee Baarlamaankii Tobanaad.

Axmed Madoobe dood xooggan uma noqon doonto ma tagi karo Garbahaarey xilli Cali Guudlaawe uu doorasho ku qabtay Magaalada Beledweyne oo dhiiggu daadanayo, geeriduna ay Boqol dhaaftay intii uu Magaaladaas joogay, ayey leeyihiin dhinacyada dhaliilsan dooda Axmed Madoobe.

Qaar ayaa ku doodaya muhiimba ma aheyn inuu isagu tago ee guddiga ayaa ku filnaa inay Garbahaarey tagaan.

Kooxda Garbahaarey aaday iyaguna waxay noqdeen qoladii koowaad ee ku dhaqaaqda Laba doorasho oo is garab taala.

Guddiga doorashada ee FEIT waxaa ceeb ugu filan in 16 kursi oo loogu talagalay in hal magaalo lagu qabto inay Laba magaalo doorasheeda ka wadaan iyagoo kala jaban.

Waxay muujineysaa heerka mas’uuliyad xumadooda iyo inaysan jirin wax laxow ah oo uga jira inuu nidaamka doorashada si hagaagsan ku dhammaado.

Xildhibaanadii lagu doortay Ceelwaaq ayaa shalay waxay qaar yimaadeen magaalada Muqdisho iyagoo qaatay shahaadada xildhibaanimo ee uu bixiyo guddiga FEIT, taasoo iyaduna kasoo horjeeda hab-raaca dhigaya in markii xildhibaanka la doorto kadib in sadddex maalin la sugo haddii ay jiraan wax cabashooyin ah, haddii la waayo cid cabasho keentana wuxuu markaas hab-raaca dhigayaa in guddiga doorashada ee heer maamul Goboleed inuu xogta kursigaas u gudbiyo guddiga doorashada ee heer Federaal si xildhibaankaas loo siiyo shahaadada rasmiga ah.

Wararka ka imanaya xarunta Golasha Shacabka iyo guddoonka kumeel gaarka ah ee Golaha ayaa sheegaya in guddoonka iyo xoghayaha joogtada ah ee Golaha Shacabka inay ka cago jiidayaan in wixii Ceelwaaq ka dhacay doorasho loo aqoonsado.

Waxaa jirta dood xubnaha qaar qabaan oo ah in golaha Wada-tashiga Qaran ay go’aan ka gaaraan doorashada Labada dhinac ee ka socota Gobolka Gedo.

Madaxweyne Farmaajo oo shalay qoraal soo saaray ayaa isna la yimid dood taas la mid ah oo dalbaneysa in doorashooyinka is garab socda ee Gobolka Gedo inay sharci darro yihiin ayna kasoo horjeedaan heshiiskii doorasho ee 17 September loona baahan yahay in Golaha Wada-tashiga Qaran go’aan ka gaaro.

Hadalka Farmaajo oo isaga loo arko inuu abaabulayo doorashada ka socota Garbahaarey iyo midka Axmed Madoobe ku xoojinayo doorashada ka socota Ceelwaaq labaduba uma muuqdaan kuwa la fal geli kara xaqiiqada u muuqata Dadweynaha.

Haddii guddoonka kumeel gaarka ah iyo xoghayaha Baarlamaanka ku adkeystaan in Kuraasta Gedo dib la isaga dhigo buuqooda oo aan xubnaha shalay lagu soo doortay Ceelwaaq la siin aqoonsi xildhibaanimo lana dhaarin waxay ka dhigan tahay in loo baahan doono Golaha Wada-tashiga Qaran oo ay hor tagi doonaan 32 xildhibaan oo laga rabo 16 sax ah, laakiin haddii la fasaxo oo dhinaca diidan ee Farmaajo taageersan ay golaha shacabka foodo geliyaan waxaa la aaminsan yahay inay saameyn doonto jadwalka doorashada guddoonka.

Sida guddoomiye Dhabancad iyo xoghaye Buux u maareeyaan arrintaan ayaa aad loo eegayaa iyo sida uu golaha Shacabka qalalaaso cusub uga badbaado, walow ay jiraan xildhibaano olole ugu jira in la fasaxo xubnihii Shalay lagu soo doortay Ceelwaaq.

Doorashada Ceelwaaq oo lasoo afjaray + Sawirro

0

Ceelwaaq (Caasimada Online) – Degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo waxaa maanta lagu soo gabagabeeyey doorashada 16-kii kursi ee horey looga wareejiyey degmada Garbahaarey, taas oo muddo ay ka taagneyd xiisad u dhexeysa dowladda iyo Jubbaland.

Doorashada oo shalay soo bilaabatay, isla-markaana la doortay illaa 11 xildhibaan ayaa maanta la dhammeystiran, iyada oo lasoo doortay 5-tii xildhibaan ee harsaneyd.

Xildhibaanada la doortay ayaa waxaa ka mid ah xubno ka mid ah Golaha Wasiirada Jubbaland, kuwaas oo haatan ku biiraya baarlamaanka 11-aad ee dalka.

Magacyada xildhibaanada maanta soo baxay ayaa waxa ay kala yihiin:- 1-Mursal Maxamed Khalif oo ku guuleeystay kursiga HOP#122.

2-Maxamed Muxumed Maxamed oo ku guuleystay kursiga HOP#110.

3-Marwo Faadumo Faarax Aadan oo ku guuleysatay kursiga HOP#123.

4-Axmed Cismaan Ibraahim oo ku guuleysatay kursiga HOP#131.

5-Cabdirashiid Maxamed Ducaale oo ku guuleystay kursiga HOP#125.

Doorashada ayaa dhalisay muran horleh, maadaama doorasha kale ay iyana qaban qaabadeeda ka socoto magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo, taas oo uga sii dareysa xiisadda taagan.

Arrintan ayaa sidoo kale kusoo aadeysa, iyada oo wareegto uu saaray madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday lagu sheegay inay sharci darro yihiin doorashooyinka is barbar socda ee Ceelwaaq iyo Garbahaarey, waxaana sidoo kale arrintaas taageeray guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka dadban oo ka horyimid doorashooyinkaasi.

 

Dagaal culus oo saaka ka dhacay duleedka Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal saaka ka dhacay deegaanka Jaziira ee duleedka magaalada Muqdisho, kaas oo u dhexeeyey ciidan ka tirsan dowlada & maleeshiyaad macawiisley ah.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu sababay muran ka dhashay Qaad laga soo dajiyey xeebta, waxaana isku dagaalay labada dhinac, sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Dagaalka ayaa si gaar ah u dhex-maray ciidamo isugu jira Milatari iyo Boolis doonayey inay Jaadka soo gudbiyeen rag kale oo Macawiisley ah oo iyagana ku sugan halkaasi.

Wararka ayaa kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay iska hor imaadka labada dhinac, walow aan si rasmi ah loo xaqiijin karin waxaana haatan kacsan xaaladda.

Dadka deegaanka ayaa sidoo kale waxaa saameyn ku yeeshay dagaalka ka qarxay halkaas, kaas oo illaa shalay xiisadiisa ay ka taagneyd Ceel Huur iyo illaa wadada ka timaada Jaziira.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan shaqaaqadaasi oo ah mid soo noq-noqatay, isla-markaana geystay khasaare xoogan.

Magaalada Muqdisho iyo deegaanada hoos yimaada ayaa waxaa inta badan ka dhaca iska hor imaadyo kala duwan, waxaana khasaaraha ugu badan uu kasoo gaaraa rayidka.

Guddiga Xalinta oo go’aan kasoo saaray doorashooyinka Ceelwaaq iyo Garbahaarey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal kasoo baxay Guddiga Xalinta Khilaafaadka doorashooyinka ayaa qoraal ay soo saareen ku caddeeyay in doorashooyinka ka bilowday magaalooyinka Garbahaareey iyo Ceel Waaq ay yihiin kuwo hareer marsan heshiisyadii iyo habraacyada doorashooyinka.

Guddiga ayaa sharci daro ku tilmaamay doorashooyinkaasi labadaasi magaalo, iyadoo la eegayo heshiisyadii siyaasadeed ee ay wada gaareen madasha wadatashiga qaran 1-dii Oktoobar 2020, sida lagu yiri war-saxafadeed kasoo baxay guddiga.

Qoraalkaan kasoo baxay guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka ayaa waxaa ka horeeyay qoraal kasoo baxay madaxweyne Farmaajo oo sharci daro ku sheegay doorashooyinka ka bilowday Garbahaareey iyo Ceel Waaq.

Hoos ka aqriso qoraalka kasoo baxay guddiga 

War saxaafadeed Guddiga Xallinta Khilaafaadka wuxuu ku dhisan yahay heshiis siyaasadeed oo ay gaareen Madasha Wadatashiga Qaran 1dii Oktoobar 2020, waxaana waajibaadkiisa shaqo ugu muhiimsan inuu hubiyo in kursi kasta oo la doortay loo qabtay hannaan waafaqsan Heshiiska 17ka Sebteembar 2020 iyo habraacyada doorashooyinka. 2021-2022.

Haddaba, Guddiga Xallinta Khilaafaadka wuxuu caddeynayaa in doorashooyinka ka bilowday magaalooyinka Gaarbahaareey iyo Ceelwaaq ay yihiin kuwa hareer marsan heshiisyada iyo habraacyada doorashada,  

Doorashada ka socota magaalada Garbahaareey waxaa aysan haysan sharciyadda Maamulka Jubaland iyo doorkii Guddiga SEIT oo meesha ka maqan, halka doorashada Ceelwaag ay khilaafsan tahay qodob aasaasi ah oo ku saabsan asteynta deegaan doorashooyinka sida ku cad Sharciga Jihaynta Doorashooyinka Dadban ee ay ansixiyeen Labada Aqal.

Guddiga Xallinta Khilaafaadka wuxuu usoo jeedinayaa Madasha Wadatashiga Qaran inay xal waara u hesho doorashooyinka isbarbaryaacsan ee haatan ka socda magaalooyinka Garbahaareey iyo Ceelwaaq taasoo u baahan wada hadal, isqancin iyo tanaasul siyasadeed. 

Maadaama lagu jiro gunaanadkii doorashooyinka dalka, ayna muuqato inaan tixgelin loo haynin heshiisyadii ay gaareen Madasha Qaranka ee lagu hagayay doorashooyinka, Guddiga Xallinta Khilaafaadka kama qeyb qaadanayo inuu sharciyeeyo hannaanka lagu wado doorashada Gedo ilaa heshiis siyaasadeed oo arrintan lagu xallinayo ay gaaraan hoggaamiyeyaasha Madasha Wadatashiga Qaran.

Al-Shabaab oo war kasoo saartay weerarkii LIIDO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uulliyada weerarkii xalay ee lagu qaaday hotelka Pescatore ee ku yaal inta u dhaceysa Beach View iyo Oceian ee xeebta Liido.

Weerarkaasi ahaa mid uu fuliyay qof miineysan oo isku qarxiyay iridka hotelka laga galo, kaasoo qorshahiisa ahaa inuu gudaha u galo hotelka oo ay ku shirsanaayeen taliyaha ciidamada booliska Jen. Xijaar iyo tiro xildhibaano ah oo kasoo jeeda gobolka Sool.

Al-Shabaab ayaa sheegtay inay weerarkaasi uu fuliyay naftii hure ka tirsan iyaga oo beegsaday saraakiil iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.

Weerarkaan ayaa waxaa ku dhintay dad shacab ah iyo dhaawaca Taliyaha ciidanka birmadka ee booliska Jeneraal Siyaad iyo taliyaha booliska saldhiga Cabdicasiis, Liibaan Shidane.

Warar goor danbe soo baxay ayaa sheegaya inuu weerarkaasi ku dhintay xogheyntii gaarka ee Taliye Xijaar, balse laamaha amniga ma aysan sheegin.

Amaanka Liido ayaa ahaa mid si weyn u adag, oo ay dadka gaadiidka ku socda sida ay kusoo galaan ay adag tahay maadaama wadooyinka laga soo galo ay xeran yihiin, kuna sugan yihiin ciidamo ka tirsan booliska.

Sidoo kale, waxaa halkaasi ku taal safaaradda Turkiga ee Muqdisho oo si weyn loo adkeeyay amaankeeda.