25.5 C
Mogadishu
Monday, June 22, 2026

Rooble oo war kasoo saaray WEERARKII lagu qaaday guddoomiye Dhabancad

0

Geneva (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble oo ku sugan magaalada Geneva ee wadanka Switzerland ayaa war ka soo saaray weerarradii galabta lagu qaaday guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacab, xilli uu doonayey inuu dhaariyo 16-kii Xildhibaan ee lagu soo doortay Ceelwaaq.

“Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa uu aad uga xun yahay ficillada gurracan iyo isku dayada is daba joogga ah ee lagu carqaladeynayo habsami u socodka doorashooyinka, ficilladaas oo uu  ugu dambeeyay isku daygii maanta lagu beegsaday Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka, Howlwadeennada Golaha Shacabka iyo 16-kii xildhibaan ee dhawaan lagu doortay degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa digniin u diray taliyeyaasha CIidammada Booliska iyo Nabad Sugidda, isagoo uga digay  in ay ku lug yeeshaan falalka gurracan ee lagu carqaladeynayo habsami u socodka doorashada oo heer gebogebo ah mareysa.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa shacabka Soomaaliyeed wuxuu ka codsaday in ay isha ku hayaan dadka ka dambeeya abaabulka falalka lagu carqaladeynayo dhammeystirka doorashada.

“Ra’iisul Wasaare Rooble oo khadka telefoonka kula hadlay Guddoomiyaha KMG ee Golaha Shacabka ayaa ku bogaadiyay  sida geesinimada leh ee guddoonka  KMG ee labada aqal u wadaan howsha doorashada,kuna dhiirrigeliyay in ay waajibaadkooda gutaan.”

Ugu dambeyntii qoraalkaan waxaa lagu yiri, “Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu xusuusinayaa xildhibaannada BJFS inay in ay saaran tahay mas’uuliyadda ugu sarreysa ee dalka waxa uuna ku dhiirrigelinayaa in ay u miboobaan dhammeystirka doorashada dalka si looga gudbo marxaladdan adag.”

Guddoomiye Dhabancad oo shaaciyey inuu isku day dil ka badbaaday (Daawo)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha KMG ah ee golaha shacabka Cabdisalaan Axmed Dhabancad ayaa shir jaraa’id qabtay caawa kadib markii uu dhaariyey xildhibaanadii lagu soo doortay magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Guddoomiye Dhabancad ayaa sheegay in caqabado badan ay doorashooyinka u dhigeen kooxda Farmaajo, iyadoo ugu dambeyna uu galabta ka badbaaday weeraray ay ciidamo loo diray.

Wuxuu sheegay in Taliyaha ciidanka booliska iyo ku xigeenadiisa ay galabta u diideen teendhada Afisyooni, halkaas oo ay doonayeen in xildhibaanadaan lagu dhaariyo.

Ugu dambeyntii wuxuu sheegay inay tageen Hotel qof shakhsi ah uu leeyahay, si loo dhaariyo xildhibaanada, balse lagu soo weeraray, halkaas oo burbur baahsan uu ka soo gaaray Hotelkii, sida uu sheegay guddoomiye Dhabancad.

“Markii ugu dambeysay ee aan Hotelka tagnay xabad ayaa lagala daalay goobtii aan ku sugneyn, ma garano ninkii hotelka lahaa cid u gudi doonta burburkii loo geystay, waxaas oo dhan waxaa loo sameynayaa yaan dowlad la dhisin, waxaan moodayey in la bislaaday, laakiin dhibku waa sii badanayaa,” ayuu yiri Guddoomiye Cabdisalaan Dhabancad.

Wuxuu intaas ku sii daray in ciidamada ammaanka ay dhibkaas geysanayaan, madaxda qaarna ay qaladkaas ku amrayaan, balse wuxuu cadeeyey in nafta ay u huri doonaan dhismaha dowladnimada Soomaaliya.

Hoos ka daawo

Daawo: Xildhibaanadii lagu soo doortay Ceelwaaq oo la dhaariyey, lana siiyey kaarar

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhow magaalada Muqdisho lagu dhaariyey 16-kii xildhibaan ee laga soo doortay magaalada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ee Jubaland, taasi oo ka dhigeysa inay yihiin xildhibaano sharci ah oo ku biiray baarlamanka 11-aad. 

Dhaarinta xildhibaanadaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha ku-meel gaarka ah ee Golaha Shacabka Cabdisalaan Axmed Dhabanacad iyo Xoghahaya Guud ee baarlamanka Cabdikariim Cabdi Buux. Waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT. 

Xildhibaanada 16-ka ah ee la dhaariyey ayaa sidoo kale la siiyey kaararka aqoonsiga, taasi oo u fududeyneysa inay ka qeyb galaan kulamada golaha shacabka ee baarlamanka 11-aad.

Xildhibaanadan ayaa 23-kii bishan lagu soo doortay magaalada Ceelwaaq, kadib markii guddiga doorashada heer federaal ay go’aamiyeen inaysan doorasho ka dhici karin magaalada Garbahaarey, oo aheyd deegaan doorashada labaad ee Jubaland.

Dhaarinta xildhibaanadan iyo siinta kaararka aqoonsiga ayaa ka dhigan inay soo afjarantay dooddii ka taagneyd doorashada xildhibaanada gobolka Gedo, ayada oo ay jirto in xubno kale lagu doortay magaalada Garbahaarey.

Xubnaha lagu doortay Garbahaarey ayaa galabta kasoo muuqday muuqaallo lasoo dhigay facebook ayaga oo hortaagan darbiga xerada Xalane, islamarkaana codsanaya in la dhaariyo, balse ma jirin cid u jawaabtay ama la hadashay.

Deni oo waxba kama jiraan ka dhigay tallaabooyinka uu qaaday Axmed Karaash

0

Garoowe (Caasimada Online)– Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa qoraal uu caawa soo saaray ku shaaciyay inaysan dhaqangal aheyn wareegto kasta ee uu soo saaray ku-xigeenkiisa Axmed Karaash, islamarkaana sharci daro ay yihiin tallaabooyinkii uu qaaday.

Saciid Deni, oo daliishanaya qodobka 80-aad, farqaddiisa 2-aad, ee dastuurka Puntland oo qeexaya fulinta awoodaha dastuuriga ah, ayaa sheegay in aysan dhaqan gal aheyn tallaabo kasto oo uu qaado ku-xigeenkiisa isagoo ku sugan gudaha Soomaaliya.

“Anigoo ah Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, dhawrayana masuuliyadda iga saaran illaalinta sareynta sharciga sida ku cad Dastuurka Dowladda Puntland qodobkiisa 80-aad, farqaddiisa 2-aad, fulinayana awoodaha Dastuuriga ah ee ku cad qodobka 80-aad, waxaan halkaan ku caddeynayaa in aanaysan dhaqangal ahayn wareegto kasta ee uu soo saaro Madaxweyne kuxigeenka Dowladda Puntland aniga oo ku sugan gudaha Dalka Soomaaliya,” ayuu ku yiri Saciid Deni qoraal uu soo saaray caawa.

“Waxaan farayaa dhammaan hay’adaha Dowladda in qofkastaa shaqadiisa qabsado, aanna loo hogaansamin wareegto kasta oo aan waafaqsaneyn Dastuurka iyo Qawaaniinta kale ee Dowladda Puntland sida ku cad qodobka 138-aad, farqaddiisa 2-aad ee Dastuurka Puntland,” ayuu yiri Saciid Deni oo shaqaalaha maamulka kula hadlay waeeegtadiisa.

Tallaabada Saciid Deni ayaa ka danbeysay kadib markii khilaaf cusub uu soo kala dhex galay isaga iyo ku-xigeenkiisa, taasoo keentay in Axmed Karaash uu sheego inuu awoodii madaxweynenimo la wareego.

Axmed Karaash ayaa maanta magacaabay 20 xilal oo ugu muhiimsan magacaabista guddoomiyaha gobolka Mudug oo uu u mgacaabay Faysal Sheekh Cali Maxamed, waxaana xilkaasi hayay Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) oo ku biiray baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.

Daawo: Garab ka mid ah Guddiga FEIT oo shahaado siiyay xubnihii kusoo baxay doorashadii Garbahaarey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Garab kamid ah Guddiga doorashooyinka ee heer federaal (FEIT) ayaa qabtay munaasibada uu shahaadooyin ku siinayo xubnihii kusoo baxay doorashadii lagu qabtay Garbahaarey, oo kal hore uu guddoonka guddiga FEIT uu shaaciyay in laga wareejiyay kuraastii taallay.

Garabkaan oo la fahamsan inay si toos ah ugu xiran yihiin Villa Somalia ayaa waxay dalbadeen in xubnaha kusoo baxay doorashadii ka dhacday Garbahaarey la siiyo kaar-ka aqoosniga Xildhibaanimo, si ay uga qeyb galaan doorashada guddoonka Golaha Shacabka.

“Ilaahay ayaa mahadsan si nabad ah noogu soo gaba-gabeeyay oo safarka noo soo fududeeyay, inoo sahleyna in Shahaadooyinka aan bixino maanta. Waxaa u mahad-celinaya guddoomiyaha KMG ee Baarlamaanka iyo Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka oo runtii si geesi-nimo leh u aqbalay inaysan diiwaan-gelin oo dhaarin dadkii kusoo baxay nidaamkii baal-marsana doorashada ee laga soo abaabulay magaalada Ceel-Waaq,” ayuu yiri Cabdiwali oo kamid ah xubnaha Guddiga FEIT.

Sidoo kale waxa uu ka codsaday guddoomiyaha KMG ah ee Baarlamaanka iyo Xoghayaha guud in sida ugu dhaqsaha badan u dhaariyaan xubnihii kusoo baxay 16-ka Kursi ee doorashadooda lagu qabtay Garbahaarey.

Doorashada 16-ka Kursi ayaa ka kala qabsoomtay Garbahaarey iyo Ceel-waaq, ayada oo guddoonka guddiga doorashooyinka ee heer federaal uu kal hore shaaciyay in sababo amni darteed aan doorasho lagu qaban karin Garbahaarey, islamarkaana loo raray kuraastii halkaas taalay magaalada Ceel-waaq.

Go’aanka guddoonka guddiga FEIT ayaa waxa si adag uga horyimid Farmaajo iyo xulafadiisa, oo ayagu markii horeba awood ciidan ku haystay Garbahaarey, halkaasina ka sameeyay doorasho aan ogolaanshiyo ka haysan guddoonka FEIT.

Waxay su’aal ka taagan tahay shahaadada ay bixiyeen xubno kamid ah guddiga FEIT inay u shaqeyn doonto xubnaha laga soo doortay Garbahaarey, ayada oo la ogyahay in xildhibaano uu guddoonka FEIT iska hortaagay shahaadada aysan illaa maanta aheyn kuwa rasmi ah.

Si kastaba, waxay u badan tahay in kuraasta doorashadooda ka dhacday Ceel-waaq ay noqon doonaan kuwa helaya aqoonsiga, inkasta oo weli aysan hubneyn, maadaama ay garab taagan yihiin Jubbaland, guddoonka guddiga doorashada FEIT iyo Ra’iisul Wasaare Rooble.

Xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho oo go’doon ku jira

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa qaybo ka mid ah ka taagan xaalad adag oo la xiriirta dhanka ammaanka, taasi oo go’doon galisay xaafado ka tirsan magaalada.

Waxaa ka abuurmay xaafadaha qaarkood shabakado noocyo badan oo fuliya dilka iyo dhaca, waana kuwa loo yaqaan “ciyaal weero”, laakiin leh magacyo hoosaadyo kale, kuwaasi oo ku hubeysan hubka noocyadiisa kala duwan.

Xaafadaha ay ka taagan yihiin arrimahaan ayaa waxa kamid ah xaafadada lagu magacaabo Cali Geedi, Burka Diikow oo Kaaraan ka tirsan iyo Ceel Sab-laale, Macalin Nuur, Siliga-Americanka oo ka tirsan Dharkeenley.

Dadka deegaanka ayaa waxaa habeenadii lasoo dhaafay ay la kulmayeen dhacdooyin argagax leh oo ay geysanayaan kooxahaasi oo raxan raxan u socda, iskana soo horjeeda, iyaga oo si gaar ah u beegsanaya dadka socotada ah iyo xitaa kuwa ku sugan guryahooda.

Xaafadahaan ayaa habeenkii ku jira go’doon xilli lagu gudo jiro tobankii dambe ee bisha barakeysan ee Ramadaan, ayaga oo sheegay dadka deegaanka inay cabsi darteed uga go’een tagida Masaajida iyo goobaha ciibadada, taasina ay meesha ka saartay inay jamac ku tukadaan Taraawiixda iyo Taajudka.

Dhibaatada ay kooxaha loo yaqaano ciyaal weerada ku hayaan bulsho ku nool gobolka Banaadir ayaa marba marka ka dambeysa kasii dareysa, ayada oo dhawaan uu Booliiska sheegay inay gacanta ku dhigeen kooxo ka tirsan dhalinyaradaan.

Howl-galada ay ciidamada Booliska ku baacsanayaan ciyaal weerada ayaa u muuqda kuwa aan waxba ka tarin amni darada ay horseedka u yihiin, ayada oo degmooyinka qaar looga barakacay kooxahaas.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa soo badanayey qaylo dhaanta shacabka caasimada oo xilliyada habeenkii ah ay la soo daristay cabsi xoogan iyo weeraro uga imaanayo kooxo kala duwan oo ciyaal weero ah oo ku sugan degmooyinka gobolka Banaadir.

Si kastaba, Muqdisho ayaa haatan wajaheyso culeyso amni oo is biirsaday sida qaraxyo, dhac, weeraro ay geysanayaan dhalinyarada ciyaal weerarada iyo dhibaatooyin kale oo ka dhashay daaha doorashooyinka dalka.

Axmed Karaash oo tallaabo culus qaaday maanta kadib…

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa soo saaray wareegtadiisii ugu horreysay tan iyo wixii ka dambeeyey markii uu Saciid Deni usoo wareegay magaalada Muqdisho oo uu ka bilaabay ololihiisa doorashada ee madaxweynaha Soomaaliya.

Axmed Karaash, ayaa guddoomiyaha gobolka Mudug waxa uu u Magacaabay Faysal Sheekh Cali Maxamed, magacaabistaan ayaa noqonaysa midii ugu horreysay ee uu sameeyo madaxweyne ku-xigeenka tan iyo markii Deni uu ku dhawaaqay in uu yahay Musharrax madaxweyne.

Faysal ayaa beddali doono guddoomiyihii hore ee gobolka Mudug Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) oo ku biiray baarlamaanka 11-aad ee dalka.

Madaxweyn ku xigeenka ayaa horey u shaaciyey inuu la wareegay hoggaanka Puntland, si looga fogaado firaaq ku yimaada howlaha maamulka iyo horumarka Puntland.

Halkan hoose ka aqriso:-

Kusimaha Madaxweynaha Maamulka Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Puntland.

Markuu arkay:- Baahida Shaqo ee Jirta.

Markuu tix geliyey:- Aqoontiisa iyo Waayo-Aragnimadiisa Shaqo.

Wuxuu u Magacaabay:- Faysal Sheekh Cali Maxamed Guddoomiyaha gobolka Mudug.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa marka uu saxiixo Kusimaha Madaxweynaha, Ahna Madaxweyne ku xigeenka Puntland wuuna saxiixay.

Wararkii ugu dambeeyey ee qarax ka dhacay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax barqanimadii maanta ka dhacay agagaarka isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho, kaas oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala beegsaday gaari uu la socday sarkaal ka tirsan ciidamada milatariga Soomaaliya oo xilligaas marayey wadada.

Sarkaalka la qarxiyey oo uu dhaawac soo gaaray ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Janeraal Maxamed Xaashi Guuleed, wuxuuna  kasoo baxay xarunta taliska ee Villa Baydhabo.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxan ay ku dhinteen ugu yaraan saddex qof oo kala ah mid ka mid ah ilaalada sarkaalka la beegsaday, darawalkiisa iyo qof kale oo shacab ah, sida ay innoo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Qaraxa, kadib waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo muddo kooban hakiyey dhaq-dhaqaaqa wadadaas, walow markii dambe ay xaaladu ku so noqotay mid caadi ah.

Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadan weerarkaasi loo adeegsaday miinada.

Qaraxan ayaa qayb ka noqonaya falal ammaan darri oo maalmihii lasoo dhaafay siyaabo kala duwan uga dhacayey magaalada caasimada ah ee Muqdisho, xilli lagu jiro marxalad doorasho iyo xaalad adag oo kala guur ah.

Xog: Mucaaradka oo guul horudhac ah ka gaaray qabashada doorashada guddoonka baarlamanka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka Guddoonka Golaha Shacabka oo ku dhawaaqay in doorashada Guddoonka Baarlamanka lagu qaban doono teendhada Afisyooni ee gudaha Xalane.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, tallaabadan ayaa ka danbeysay culeysyo ka imanayay kooxo isbiirsaday oo shar u arkay in lagu qabto xarunta baarlamaanka ee Villa Hargeysa.

Kooxaha mucaaradka oo taageero ka helayay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku guuleystay rabitaankooda ah in teendhada Afisyooni lagu qabto doorashada guddoonka baarlamaanka iyo ku-xigeenadiisa.

Mucaaradka ayaa sabab ugu dhigay in amaan daro iyo hoobiyeyaashii kusoo dhacay Villa Hargeysa iyo sidoo kale warar ay mucaaradka baahiyeen oo sheegayay in rasaas lala dhacay qaboojiyihii ku rakibnaa hoolka baarlamaanka ee Villa Hargeysa, sidaasi darteedna aysan amni aheyn goobtaasi.

Villa Hargeysa ayaa ku dhex taal gudaha xarunta Madaxtooyadda, waxayna mucaaradka ay u arkaan mid halis iyo in Villa Somalia ay saameyn xooggan. ku yeelan karto xildhibaanada codeynaya

Taliska howlgalka Midowga Africa ee ATMIS ayaa qoraal uu dhankiisa soo saaray ku sheegay in bandow lagu soo rogay xerada Xalane maalmaha 26-ka iyo 27-ka bisha oo ah maalmaha ay dhacayaan doorashada guddoonka baarlamaanka labadiisa aqal iyo kuxigeenadiisa.

Go’aankaan ayey ATMIS ku sheegtay inay la tashi kala sameeyeen xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo hoggaanka u haya arrimaha doorashooyinka. Waxay sheegeen inaan loo dhawaan karin xarunta teendhada Afisyooni, maalmaha ay socoto doorashada guddoonada baarlamaanka 11-aad ee Somalia.

Doorashooyinkii Ceelwaaq iyo Garbahaarey: Kursi ay ku soo baxeen labo walaalo ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Arrin aad loola yaabay ayey noqotay markii doorashooyinkii ka dhacay gobolka Gedo ay kusoo baxeen labo qof oo walaalo ah, kuwaasoo hal kursi u tartamay. 

Aamino Xuseen Cali iyo Nuur Xuseen Cali ayaa labadooda u tartamay kuriga HOP087, labadoodana waxay iska soo kala sharxeen magaalooyinka Ceelwaaq iyo Garbahaareey, oo lagu kala qabtay doorashooyin iska soo horjeeda.

Doorashadii ka dhacday Ceelwaaq ee maamulka Axmed Madoobe iyo guddiga doorashada heer federaal ee FEIT ay qabteen ayaa waxaa kusoo baxday Aamino Xuseen Cali, halka doorashadii kale ee Garbahaareey ka dhacday uu kusoo baxay Aamino walaalkeed Nuur Xuseen Cali. 

Kursigaan oo qoondo ahaan u heshay jufada Gasaargude ee beesha Raxanweyn ayaa tilmaam cad ka bixinaya muranka iyo khilaafka xalka loo waayay ee 16 kursi ee gobolka Gedo.

Si kastaba, waxay u badan tahay in kursiga Aamina uu noqdo midka aqoonsiga heli doona, inkasta oo weli aysan hubneyn, maadaama ay garab taagan yihiin Jubaland, guddiga doorashada FEIT iyo Ra’iisul Wasaare Rooble.

Rooble ayaa Sabtidii bogaadiyey dhameystirka doorashadii magaalada Ceelwaaq, isaga qoraal uu soo dhigay boggiisa Facebook ku yiri “Waxaan u hambaleynayaa Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal, Guddiga Doorashada Jubaland iyo Dowlad-goboleedka Jubaland oo maanta soo gebogebeeyay doorashadii xildhibaannada Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu ahayd gobolka Gedo.”

“Hambalyo ayaan leeyahay xildhibaannada cusub ee la doortay, anigoo u rajeynaya in uu Eebbe ku garab galo mas’uuliyadda qaran ee loo igmaday.” 

Xog lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sidoo kale sheegaysa in Rooble uu guddoomiyaha ku-meel gaarka ah ee golaha shacabka Cabdisalaan Dhabancad ku cadaadinayo inuu aqbalo natiijada kuraasta lagu qabtay Magaalada Ceelwaaq.

Muxuu Farmaajo ka yiri dib u doorashada MACRON?

0

Muqdisho (Caasimada Onlin) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo war kasoo saray doorashadii ka dhacday dalka Faransiiska ayaa hambalyo u diray madaxweyanaha dalkaas ee dib loo doortay Emmanuel Macron.

Farmaajo oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitterka ayaa sheegay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku faraxsan yihiin doorashada ka dhacday Faransiiska iyo guusha uu ka gaaray Emmanuel Macron.

Sidoo kale Farmaajo ayaa xusay in Soomaaliya ay la shaqeyn doonto madaxweynaha dib loo doortay ee Faransiiska, isagoo guul u rajeeyey.

”Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed waa ay ku faraxsan yihiin in madaxweyne
EmmanuelMacron dib loo doorto waxaayna u rajaynayaan guul,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Farmaajo.

Qoraalka madaxweynaha ee loogu hambalyeeyey Macron ayaa sidoo kale lagu sheegay in wadamada Faransiìska iyo Soomaaliya uu ka dhexeeyo xiriir wanaagsan iyo sidoo kale iskaashi soo jireen ah.

“Faransiiska iyo Soomaaliya waxaa ka dhaxeeya iskaashi soo jireen ah” ayuu sii raaciyey madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Doorashada Faransiiska oo shalay loo dareeray wareega labaad ayaa waxaa markale guul ka soo hooyey Emmanuel Macron, kadib markii uu ka adkaaday haweeneyda xisbiga midigta fog ee Marine Le Pen.

Macron oo jeediyay khudbadiisa guusha, kadib markii Le Pen ay qiratay in laga adkaaday ayaa ammaanay shacabka dalkiisa, isagoona bogaadiyay shanta sano ee dheeriga ah ee loo doortay inuu sii hoggaamiyo dalka Faransiiska.

Xukuumadda Rooble oo war kasoo saartay qaraxii Banadir

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macallimuu ayaa goordhoweyd ka hadlay qarax barqanimadii maanta ka dhacay agagaarka Isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho, kaas oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lala beegsaday gaari uu la socday Janeraal Maxamed Xaashi Guuleed oo ka tirsan ciidamada Milatariga Soomaaliya, kaasi oo uu dhaawac kasoo gaaray qaraxa.

Afhayeenka Xukuumadda ayaa caafimaad deg deg ah u rajeeyay Jeneral Maxamed Xaashi oo qaraxa ku dhaawacmay, sidoo kalena uu u tacsiyadeeyay laba amid ah ilaaladiisa oo qaraxa ku dhaawacmay.

Macallimuu ayaa kusoo safeeyay Jeneraalka in uu kamid yahay saraakiisha waayo-aragga ah ee laf-dhabarta u ah Ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed, islamarkaana kaalin mug leh ka qaatay dib u dhiska ciidanka Milatariga Soomaaliya.

Hoos ka aqriso qoraalka Macallimuu oo dhameystiran.

Caafimaad deg deg ah ayaan Eebe uga baryaynaa General Maxamed Xaashi Guuleed.

Kooxda cadowga ee Shabaab waxaa ay saaka qarax miino ku bartilmaameedsadeen General Maxamed Xaashi oo ka mid ahaa saraakiisha sare ee CXDS inta u dhaxeysa Isgoyska Banaadir iyo Isbitaalkii hore ee Digfeer kaas oo uu soo gaaray dhaawac.

Waxa aan General-ka Ilaah uga baryeynaa inuu siiyo caafimaad deg deg ah , waxa sidoo kale aan halkan u tacsiyadeynayaa qaraabada labada askari ee geeriyooday oo kala ah Feysal Xasan Cumar iyo Xuseen Maxamed Cabdi oo ka mid ahaa ilaalada Jananka ,waxana aan Eebe uga rajeynayaa in Janadiisa uu u hibeeyo.

General Maxamed Xaashi waxa uu ka mid yahay saraakiisha waayo-aragga ah ee lafdhabarta u ah u ah Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed , xurmad weyna ku dhex leh kaas oo kaalin mug leh ka qaatay dib u dhiska ciidanka Militiriga Soomaaliya.

Ilaah ha caafiyo.

Cali Guudlaawe oo kulan la yeeshay xildhibaanada kasoo jeeda HirShabelle + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online ) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Mudane cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho ayaa xalay kulan gaar ah la yeeshay xildhibaanada labada Gole ee ka soo jeeda deegaanada maamulkaasi, gaar ahaan Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe

Cali Guudlaawe ayaa kala hadlay xildhibaanada baarlamaanka ee laga soo doortay HirShabelle arrimo ku aadan dhammeystirka doorashada dalka, gaar ahaan mida guddoonka Golaha Aqalka Sare.

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay xildhibaanada uu la kulmay inay qaataan kaalintoda, isla-markaana ay u midoobaan sidii ay u soo saari lahaayeen musharrax Cali Shacbaan oo ka soo jeeda Hiiraan, kaas oo u tartamaya xilka gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Cali Shacbaan oo ah nin dhalinyaro ah ayaa dadaal xoogan ugu jira ku guuleysiga xilkaasi, balse wuxuu loolan adag kala kulmayaa Senator Cabdi Xakiin Macalin Axmed oo isna isku soo taagay guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Aqalka sare, kaas oo ka soo jeeda Galmudug.

Sidoo kale waxaa fashil ku soo dhamaaday gogol ay Galmudug u dhigtay HirShabelle, taas oo ay ku dalbaneysay in loogu tanaasulo  kursiga gudoomiye xigeenka koowaad ee Aqalka Sare, balse waxaa dalabkaas ku gacan seeray xubnihii ka socday HirShabelle oo ku adkeystay inay tartamayaan.

Doorashada guddoonka Aqalka Sare ayaa lagu wadaa inay beri ka dhacdo magaalada Muqdisho, waxaana haatan caasimada laga dareemayaa diyaar garow ku aadan doorashadaasi.

Si kastaba, doorashada guddoonka cusub ee baarlamaanka ayaa muhiim u ah doorashada madaxweynaha oo iyadana dhowaan la guda geli doono, waxaana loolanka uu yahay mid culus.

Yaa qaadaya mas’uuliyadda halista xooggan ee ka iman karta heshiiska shidaalka?

0

Inta badan bulshada Soomaaliyeed iyo warbaahinta dalka kuma baraarugsana halista weyn ee ku gadaaman kheyraadka dabiiciga ah ee dalkeenna, gaar ahaan shidaalka. dhowaan waxaa jiray heshiis toddobo xirmo loogu saxiixay Coastline Exploration oo ah shirkad ka shaqeyneysay sahminta shidaalka Soomaaliya, gaar ahaan biyaha fog ee badda. Shirkaddan oo horay loo oran jiray Soma Oil And Gas waxaa la aas-aasay sanadkii 2013-kii, laakiin, magacii ayaa laga bedelay 2018-dii.

Shirkadda Coastline Exploration ayaa websaite-keeda ku qortay heshiiska uu saxiixay wasiirka wasaaradda Betroolka Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed, heshiiska oo ka dhacay hotel ku yaalla dalka Turkiga ma jirin xog badan oo markaas kahor laga hayay, laakiin waxyar kadib markii shirkaddu qoraalka sii deysay ayaa waxaa isna twitter-kiisa ku sheegay wasiirka Betroolka Soomaaliya, waxa uu sidoo kale Cabdirashiid Maxamed uu intaa ku daray in madaxweynaha uu la ogaa heshiiska uu saxiixay.

Qoraal uu soo-saaray madaxweyne Farmaajo ayaa lagu sheegay in warka kasoo baxay wasiirka Betroolka uu yahay mid aan sax aheyn, Farmaajo ayaa sidoo kale laalay heshiiskaas, kuna tilmaamay sharci darro. Ra’iisul wasaare Rooble yaa si lamid ah tallaabada uu madaxweynahu qaaday sameeyay.

Heshiiska kahor maxaa dhacay?

Bishii December 2020-kii waxa uu shir ka dhacay dalka Turkiga, waxaa shirkaas ka qeyb-galay shan xubnood oo ka socday wasaaradda Betroolka iyo madax ka socotay Hey’adda shidaalka ee Soomaaliya (Somali Petrol Authority- SPA). sida ay ii sheegeen dad shirka ka qeyb-galay oo diiday in aan magacooda xigto, wasiirku qorshaha kuma jirin in uu shirkaasi yimaado, laakiin, waxa uu tegay Turkiga, kadibna waxa uu xubnihii Soomaaliya ka socday ee shirka joogay  u sheegay in uu saxiixayo heshiis, arrintaasi waxaa ka dhashay khilaaf ugu dembeyn sababay in Soomaaliya lagusoo laabto, iyada oo aan wax is-af-garad ah la gaarin.

Mar kale ayaa waxaa magaalada Muqdisho soo gaaray mas’uuliyiin ka socday shirkadaha Liberty iyo Coastline si loola galo heshiis dhanka shidaalka ah. Liberty ayaa qorsheyneysay in loo saxiixio seddex xirmo oo ku kala yaalla Galmudug iyo Jubaland, halka Coastline Exploration loo saxiixi lahaa toddobo xirmo oo ku kala yaalla Galmudug, Koonfur galbeed iyo Jubaland.

Heshiiska oo xafladdiisa lagu diyaariyay Xarun ku taalla gudaha Garoonka diyaaradaha ayaa dhici laheyd 04-Janaayo, 2021-dii, laakiin, lama saxiixin sababo la xiriiro culeys ka yimid beesha caalamka, taas oo Soomaaliya ku qasabtay in heshiiskaas ay ka baaqsato. 

Sida Ilo xog-ogaal ah ay ii sheegeen Xeer-ilaalinta Soomaaliya waxay horay ugu yeereen mas’uuliyiin ka tirsan SPA, iyadoo maantana lagu wado in uu hor-tego wasiirka Betroolka Soomaaliya.

Haddaba, waxaa jira su’aalo u baahan in si weyn looga jawaabo oo mudan in xeer-ilaalintu muhiimad siiso, kuwaas oo dan u ah Qaranka & bulshada Soomaaliyeed, si looga baaqsado in lagu takrifalo kheyraadka shidaalka Soomaaliya, weydiimaha ayaa kala ah: 

1- Maxaa qasbay in wasiirku uu saxiixo heshiiskan oo horay looga baaqsaday in Muqdisho lagu saxiixo?

2- Wasiirka ma keligii ayaa arrintaan ku dhaqaaqay, mise sida uu sheegay mas’uuliyiin ka sarreysay ayaa arrintaan ku lug yeelan kara?— Haddii uu jiro mas’uul amray ma jiraan cadeymo qoraal ah oo la hayo? 

3- Haddii loo baahdo in dad xilal sare haya su’aaalo la weydiiyo, suura-gal ma tahay in madaxweyne Farmaajo uu dhankiisa wax aan aheyn beeninta hadalkii wasiirka uu miiska soo saari karo?

4- Heshiiska la saxiixay culeys intee la’eg ayuu dalka ku yeelan karaa sharci ahaan, ganacsi ahaan iyo siyaasad ahaanba?

5- Su’aalaha weydiinta xeer-ilaalinta maxaa daba socon kara oo lagu qancin karaa dadweynaha Soomaaliyeed? 

Haddaba, sida arrintaan ay meel adag isaga taagto xeer-ilaalinta ayaa waxaa ka dhalan kara laba arrin oo muhiim ah, kuwaas oo kala ah: 

*In qof walba uu ku dhiirran  in uu ku takrifalo awoodda dowladeed ee uu hayo & kheyraadka dalka.

*Ama in laga fogaado wax walba oo qatar ku ah Qarankaan dib u dhismaya ee la tiicaya dhibaatooyinka amni, dhaqaale iyo siyaasadeed. 

Si kooban xeer-ilaalinta Soomaaliya waxaa la dhowrayaa sida ay ula macaamilaan kiiskaan oo ay indhaha ku hayaan bulshada Soomaaliyeed, kaas oo ah hal-xiraale la dhowrayo sida ay u furaan!

Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay hoobiyeyaal lagu garaacay AWDHEEGLE

0

Awdheegle (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar loo adeegsaday hoobiyeyaal ku qaadeen saldhigyo ciidan oo ku yaalla degmada Awdheegle ee gobolkaasi.

Hoobiyeyaasha oo gaarayey illaa 10 ayaa lagu garaacay saldhiyo ciidamada Gorgor iyo kuwa 14-ka October ay ku leeyihiin halkaasi, waxaana sidoo kale madaafiicda qaar ay ku hoobteen xaafado ay dagan yihiin dad rayid ah.

Ugu yaraan hal qof oo aheyd gabar 8 jir ah ayaa ku geeriyootay weerarkan, taas oo uu madfac ugu tegay guri ay ku sugneyd, waxaa sidoo kale ku dhaawamay 12 qof oo kale.

Dadka dhaawacmay 3 ka mid ah waa askar, halka sagaalka kalena ay yihiin dad shacab ah oo aan waxba galabsan, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliyaboo ku aadan weerarkaasi, balse waxay iyaguna ku jawaabeen maadaafiic culus.

Xaaladda ayaa weli ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeedo haatan laga dareemayaa degmada Awdheegle iyo duleedkeeda ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Xoogaga Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada saldhigyada ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa ATMIS ex AMISOM ee ku yaalla koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

Macron vs Le Pen: Yaa ku guuleystay doorashadii madaxweyne ee France?

Paris (Caasimada Online) – Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa mar kale ku guuleystay doorashada madaxtinimada ee dalkaasi, kadib markii uu ka adkaaday haweeneyda xisbiga midigta fog ee Marine Le Pen.

Dadweynaha Faransiiska ayaa shalay u dareeray wareegga labaad ee doorashada, iyadoona goobaha ugu dambeeya ee doorashada ay soo xirmeen 8-dii fiidnimo ee xalay. 

Inkastoo aan weli lagu dhawaaqin natiijada rasmiga ah ee doorashada ayaa waxay haddana qiyaasaha soo baxaya ay muujinayaan in Madaxweyne Macron uu helay ku dhawaad 57-58 boqolkiiba codadka wareegii labaad ee doorashada Axaddii.

Warbaahinta dalkaasi ayaa sheegaysa in Macron uu haysto codadkii uu u baahnaa, inkastoo weli ay natiijooyinka coddeynta ka imaanayaan dalka oo dhan.

Marine Le Pen oo ah musharaxa Xisbiga RN (Rassemblement National ama National Rally) ayaa heshay 41.8 boqolkiiba codadka, taasoo ah tii ugu sarreysay saddexdii tartan ee u dambeeyay, ee ay ku guul dareysatay doorashada madaxtinimada ee dalkaasi.

Macron oo jeediyay khudbadiisa guusha, kadib markii Le Pen ay qiratay in laga adkaaday, ayaa ammaanay shacabka dalkiisa, isagoona bogaadiyay shanta sano ee dheeriga ah ee loo doortay inuu sii hoggaamiyo Faransiiska.

Xeeldheereyaasha ayaa sheegaya inay saamayn yeelatay dooddii ugu dambeysay ay labada dhinac yeesheen toddobaadkii hore, taasoo ay Marine Le Pen ku sheegtay in ay ka hortaggi doonto awoodda Midowga Yurub, iyadoona ka soo horjeedsatay cunaqabateynta ay NATO saartay Ruushka, waxayna u muuqatay mid taageero ka raadsatay Moscow, halka Macron uu taageero ka helayay Midowga Yurub.

ATMIS oo bandow ku soo rogeysa Xalane + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Howgalka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa soo saaray war-saxaafadeed ay ku shaaciyeen bandow ay ku soo rogayaan xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.

Qoraalka ATMIS waxaa lagu sheegay in bandowga lagu soo rogay xeradda Xalane uu saaraa doono inta u dhaxeysa 26-ka bishaan ilaa 28-ka bishan April.

Teendhada Afisyooni oo ku taalla xeyndaabka Xalane ayaa lagu qabanayaa doorashada guddoonka baarlamaanka cusub, sida uu maanta shaaciyey guddoomiyaha guddiga doorashada guddoonka golaha shacabka Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed.

Go’aankaan ayey ATMIS sheegtay inay qaadatay kadib markii ay la tashi la sameeyeen xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo hoggaanka u haya arrimaha doorashooyinka dalka.

Waxay sheegeen inaan loo dhawaan karin xarunta teendhada Afisyooni, maalmaha ay socoto doorashada guddoonada baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.

Sidoo kale ATMIS waxay cadeysay in howlaha kale ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ay si caadi ah u soca doonaan, inta lagu guda jiro doorashooyinka ka dhacaya Afisyooni.

Doorashada guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa loo wareejiyey Afisyooni, kadib markii shaki badan laga muujiyey ammaanka xarunta golaha shacabka ee Villa Hargaysa, halkaas oo weerar hoobiyeyaal loo adeegsaday lagu qaaday, xilli uu ka socday kulankii koowaad ee xildhibaanada golaha shacabka.

10 su’aal oo ay tahay inuu ka jawaabo wasiirka batroolka oo hortagaya xeer-ilaalinta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Batroolka ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed ayaa isniinta waxaa uu hortagayaa xeer ilaalinta qaranka iyada wax laga weydiin doono heshiiska uu la saxiixday Shirkadda Coastline Exploration Limited February 2022-ka.

Qoraalka kasoo baxay xeer ilaalinta 21-kii bishan ayaa waxaa lagu yiri “Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka waxaa uu u yeerayaa wasiirka wasaaradda Batroolka iyo Macdanta oo ay warqadda sida tooska ah ugu socoto inuu yimaado maalinta isniinta ah oo  ay taariikhdu tahay  Tr. 25/04/2022 saacaddu ay tahay 11:00AM si wax looga weydiiyo heshiiska uu la saxiixay ee dhexmaray wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee DFS iyo shirkadda Coastline Exploration Limited”.

Haddaba, Halkan ka akhriso: 10 Su’aal oo ay tahay inuu Ka Jawaabo

1. Sababta uu Hoteel Dibadda ah ugu saxiixay? Xilli heshiis noocaan ah lagu saxiixi karo dalka gudahiisa ah iyo xaflad dunida kale la tuninayo, laguna dhiirigelinayo maalgeshiga, iyada oo madaxda dalka iyo shacabkaba ogyihiin, maxaa keenay in uu ku saxiixo qol madow oo ku yaalla Turkiga!

2. Sababta uu isaga oo indhotiray ammarada hakinta Heshiisyada ee Xilliga doorashada iyo kala guurka? Wasiir Cabdirashiid waxaa uu iska indhotiray Dekereeto uu Farmaajo soo saaray 7-dii August 2021 taasoo lagu joojiyay inaan la gali karin wax heshiisyo ah xilligan lagu jiro doorashooyinka, waxaa arrintaas ku raacay sharcidejinta, sababta uu u baalmaray waa in wax laga weydiiyo!

3. Sababta uu uga dhuuntay Madaxweynaha muddo xileedka ka dhammaaday iyo ra’’isul wasaaraha? Labada xafiis ee Farmaajo iyo Rooble labadaba waxay heshiiskan ku tilmaameen mid sharci darro ah, taasii ku tuseysa inuu keligii ku ahaa go’aankaasi, waa in wax laga su’aalo!

4. Muxuu u Saxiixay Heshiis aan dhaqangal noqon karin? Heshiiskan waxaa ay xafiisyada ugu sareysa sheegeen in aanu noqon karin dhaqangal, taasi oo wejigabax ku ah shirkadihii heshiiska gashay iyo dowladda federaalka ah, muxuu dowladda u weji xumeeyey, waa inuu ka jawaabo!

5. Hadalka wasiirka ee ah, waxaa ila ogaa madaxweyne Farmaajo, maxaa caddeymo ah oo uu hayaa? Wasiir Cabdirashiid waxaa uu sheegay in saxiixa uu la ogaa madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo, qaab noocee ah ayuu u ogaa, ma hadal ayuu hayaa mise qoraal, waa in la weydiiyo inuu soo bandhigo caddeymo!

6. Sababta uu meesha uga saaray Kaalinta iyo awoodda hey’adda Batroolka? Wasiir Cabdirashiid waxaa uu isticmaalaa awoodo aan dastuuri aheyn, isaga oo la wareegay shaqadii hey’adda Batroolka, isla markaana ka shaqeeya cabsigelinta shaqaalaha, waa in arrinkaas wax laga weydiiyo!

7. Ma jiraan Heshiisyo kale oo Dalal iyo Shirkado kale ah? Marka laga soo tago xermooyinkan 7-bada ah, waa in la wax weydiiyo guud ahaan wax kasta wixii shidaal la xiriira oo dalka oo dhan ka socda, uuna keenaa warbixin dhameystiran!

8.  Sababta uu Dhaawac ugu geystay Maalgeshiga Soomaaliya? Arrinta uu wasiir Cabdirashiid sameeyey waxay dhaawici kartaa kalsoonida maalgeshi ee shirkadaha caalamiga ah ku qabeen Soomaaliya, iyada oo loo arko dal aaney madaxdiisa iska warqabin, taasi meel ku dhac ku ah meesha loo socdo, waa in arrinkaas wax laga weydiiyo!

9. Ma jiraa lacag uu isaga ka helay arrinkan? Wasiir Cabdirashiid waa in la weydiiyo lacagaha kala duwan ee heshiiska ku hareereysan, ma jiraa wax faa’ido shakhsi ah, maxaa dalka kasoo galaya? Arrimahaas waa in wax laga weydiiyo.

10. Ma dhici kartaa inuu ku dhiirigeliyey shirkadda la tacaamulaan maamulka soo socda? Waa in Cabdirashiid wax laga weydiiyo haddii uu shirkadda ku dhiirigeliyey tallaabadan ama iney sharci darro ku dhaqaaqaan si haddii laga horyimaado ay la tacaamulaan maamulka soo socda!

Si kastaba ha ahaatee, su’aalo weydiinta wasiirka Batroolka ee isniinta waxaa isha ku haya dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyada oo xeer ilaalinta laga rabo in ay weydiiyo sababta uu tallaabadan uga degdegay, waqtiga ugu aadiyey, isaga dhagatiray madaxdiisa, ugu cayaaray masiirka umadda iyo hantidooda isla markaana uu u khatargeliyey mustaqbalka maalgeshiga Soomaaliya iyo kalsoonida lagu qabi karo.

Xigasho: Goobjoog

Goobta lagu qabanayo doorashada gudoonka golaha shacabka oo la shaaciyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Guddoonka Golaha Shacabka Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa shaaca ka qaaday goobta la qorsheeyey in lagu qabto doorashada guddoonka golaha shacabka.

Cabdirisaaq ayaa sheegay in Shaqadii loo igmaday ee doorashooyinka Guddoonka intooda badan ay soo geba-gabeeyeen, isaga oo intaas ku daray in dhamaan musharrixiinta guddoonka Golaha Shacabka ay khudbadahooda musharraxnimo jeediyeen, wuxuuna xusay in shaqada hadda harsan ay tahay in la qabto doorashada guddoonka.

Guddoomiye Cabdirsaaq oo Warbaahinta la hadlay wuxuu sheegay in doorashada Guddoonka Golaha Shacabka laga bedelay halkii ay ka dhici laheyd ee Xarunta Villa Hargeysa loona bedelay hoolka Afisiyooni.

Sababta looga badalay Villa Hargeysa ayuu ku sheegay inay tahay in munaasabadda ay kasoo qeyb geli doonaan mas’uuliyo badan sidaas darteedna loo baahan yahay meel wada deeqi karta sida uu hadalka u dhigay.

Dhawaan ayuu guddoomiyaha sheegay in kulamadii ugu dambeeyey ay xarunta ka dhaceen falal amni darro sida hoobiyeyaal lagu soo tuuray dhismaha Villa Hargeysa, xilli uu socday kulanka Baarlamaanka iyo shalay oo ay ugu dambeysay oo xabad ay ku dhacday Qaboojiyaha.

Qaar ka mid ah xildhibaanada cusub ayaa horey u dalbaday in doorashada guddoonka Golaha Shacabka lagu qabto xerada Afisyooni iyagoo xusay in ammaanka Villa Hargeysa aan la isku haleyn karin.

Doorashada guddoomiyaha oo ay isku soo taageen illaa 8 murashax ayaa la filayaa in la qabto 27-ka bishan, si dardar geliyo dhammeystirka doorashada Soomaaliya ee 2022-ka.

Daawo: Maxamuud Sayid oo si aan horey u dhicin ugu garnaqsaday FARMAAJO

0

Ceelwaaq (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo shir jaraa’id qabtay kadib doorashadii lagu soo gabagabeeyey Ceelwaaq ayaa u gar naqsaday madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo isku heyb ay yihiin.

Maxamuud Sayid Aadan ayaa ku eedeeyey Farmaajo inuu sameeyey qorshe kasta oo dadkiisa reer Gedo uu ku cuuryaami karo, balse hadda uu ka codsanayo in dhibaato iyo jid gooyo dambe uusan u dhigin dadkiisa tabaaleysan.

Wuxuu si qota dheer uga hadlay arrimaha ku xeeran doorashadii 16-ka kursi ee Ceelwaaq ay ku qabteen labadii maalmood ee lasoo dhaafay, wuxuuna carabka ku adkeeyey inuu jeclaan lahaa in doorashadaan ay ku qabtaan Garbahaarey, balse ay waayeen meel ay Farmaajo ka maraan.

Mudo labo sano ah waxaa Garbahaarey, Doolow, Luuq iyo Beledxaawo oo ah magaalooyinka ugu waaweyn gobolka Gedo maamulaya ciidan ka amar qaata Madaxweyne Farmaajo, waxayna Jubaland gobolkaas ka maamushaa degmada ay doorashada ku qabatay ee Ceelwaaq.

“Waxaan rabaa inaan la garnaqsado Madaxweynaha Soomaaliya walaalkey Maxamed Cabdullahi Farmaajo, Madaxweynow ina adeerow, dadka reer Gedo xadgudubyada aad u geysatay ee sanadaha socday oo xeerarka iyo dastuurkii aad ku dhaaratay ka baxsan, naga jooji, waxaan nagu filan intaa noo geysatay,” ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan.

Wuxuu ku celceliyey in Garbahaarey ay mudneed in lagu qabto doorashadaan, balse ay xoog ku heystaan ciidamo ka amar qaata Farmaajo, “Walaalkeenow dhibaato intaa nasoo marsiidaa noogu filan, kadaa oo mid kale hanoo celin,” ayuu yiri.

Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland oo sii waday garnaqsigiisa, wuxuu Farmaajo xasuusiyey in sanadkii 2016-kii ay u codeeyeen xildhibaano uusan kuraas u soo boobin, isagoo kula taliyey in sanadkaan uu isku kalsoonaado.

“2016-kii xildhibaanadii gobolkaan codkooda ayaad ka barisay, waana ku siiyeen, adigu sooma aadan xulay, in lasoo doorto lacag kuma aadan bixin, Madaxweyne ayaad Soomaaliya ka noqotay, war maantana hadii aad musharax tahay xildhibaanada codkooda weydiiso, laakiin xoog ha isku deyin, wax aad ka faa’iideyso malahan, cadaawad iyo taariikh xumo ayaad kala kulmeysaa,” ayuu yiri.

Sidoo kale Maxamuud Sayid Aadan ayaa ku cataabay in 30-kii sano ee lasoo dhaafay uu dhex taagnaa gobolka Gedo, isla markaana uu maanta Farmaajo ka faro maroojiyey, “War ninyahow isku xishoo, tacabka yagii oo dhan ayaad burburisay, midnimadii, horumarkii, ammaankii, garsoorkii iyo guud ahaan maamulkii dadkeyga ayaad burburisay,” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland.

Hoos ka daawo