25.5 C
Mogadishu
Monday, June 22, 2026

Farmaajo oo ka jawaabay amarkii Rooble ee ATMIS, soona saaray mid cusub

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha mudo xileedku ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa soo saaray qoraal lix qodob ah oo cinwaan uu uga dhigay, “Hawlgalka ATMIS wuxuu ku shaqeynayaa habraaca amniga doorashooyinka ee ay ku heshiiyeen madasha wadatashiga qaranka.”

Qoraalkaan oo jawaab u ah mid saacado ka hor xafiiska Ra’iisul wasaaraha ka soo baxay ayuu Farmaajo ku sheegay in ATMIS aysan la wareegi doonin ammaanka Afisyooni, taas bedelkeedna ay ciidanka booliska uga dambeyn doonaan howlaha sugidda amaanka doorashooyinka dalka.

Sidoo kale Farmaajo ayaa ku taliyey in doorashada laga reebo xildhibaanada beeshiisa ee baarlamaanka ka soo galay gobolka Gedo, kadibna ay heshiis ka gaaraan golaha wadatashiga qaranka ee RW Rooble iyo madax goboleedyada, oo ayagu aan wax dood ah ka qabin doorashadii Ceelwaaq.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka Farmaajo

Muqdisho, Abriil 26, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo markuu arkay dhacdooyinkii u dambeeyay ee la xiriiray arrimaha doorashooyinka iyo baahida loo qabo dhammeystirka doorashada Guddoonka Golaha Shacabka, wuxuu Madaxweynuhu adkeynayaa qodobbadan;

1- Sida ku cad habraacyadii ay ku heshiiyeen Madasha Wadatashiga Qaran, Guddiga Amniga Doorashada oo uu Guddoomiye u yahay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ayaa masuul ka ah sugidda amniga doorashooyinka dalka. Sidaas darteed, Hawlgalka ATMIS wuxuu ku shaqeynayaa hannaanka u degsan amniga doorashooyinka oo uu hormuudka u yahay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

2- Golaha Shacabku waa hay’ad astaan u ah mataaladda iyo madaxbannaanida shacabka Soomaaliyeed. Amniga xarumaha ay ku shaqeynayaan waxaa masuul ka ah Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

3- Hawlgalka ATMIS wuxuu gacan siiyaa Ciidamada Qalabka Sida, iyaga oo iskaashi wadashaqeyn la leh Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, oo ah hoggaanka arrimaha amniga doorashooyinka.

4- Hawlgalka ATMIS wuxuu ku shaqeynayaa habraaca amniga doorashooyinka ee ay ku heshiiyeen Madasha Wadatashiga Qaranka, umana hoggaansami karaan amar kasoo baxay hal xafiis oo aan awood u lahayn inuu farageliyo hawlaha Golaha Shacabka.

5- Madaxweynuhu wuxuu adkaynayaa in la dardargeliyo doorashada Guddoonka Golaha Shacabka, wuxuuna ka digayaa falalka lidka ku ah Heshiiskii 17-ka Sebteembar iyo habraacyadii ku lifaaqnaa oo ay Madashu ku heshiisay.

6- Sida ku cad wareegtadii uu Madaxweynuhu 22-kii Abriil 2022, ka soo saaray doorashooyinkii is barbar socday ee Gobolka Gedo, Xildhibaannada lagu soo doortay Degmooyinka Garbahaarey iyo Ceelwaaq kama qeyb gali karaan doorashada iyada oo aan la helin heshiis ay wadar-oggol u gaareen Madasha Wadatashiga Qaranka si waafaqsan Heshiiskii 17-ka Sebteembar 2020, ama uusan Barlamaanka 11-aad soo saarin sharci wax ka baddalaya xeerkii Barlamaankii 10-aad labadiisa Aqal ay horey u wada ansixiyeen.

DHAMMAAD

Jeneraal Jaamac Maxamed Qaalib oo geeriyooday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa caawa magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti ku geeriyooday Taliyihii hore ee ciidanka Booliiska Soomaaliya, Jeneraal Jaamac Maxamed Qaalib.

Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen xubno ka tirsan qoyskiisa Marxuumka ayaa waayihii dambe bare ka ahaa Jaamacadda ummadda Soomaaliyeed ee Muqdisho, waxaana la sheegay inuu u geeriyooday xanuun ka hayey dhanka wadnaha.

Sanadkii 1933-kii ayey taariikhdu xustay in Marxuum Jaamac Maxamed Qaalib uu ku dhashay degaanka Dhoodi-gaban ee gobolka Sanaag.

Sannadkii 1955-kii ayuu ku biiray ciidanka booliska Soomaaliya, iyadoo sanadkii 1962-kii loo magacaabay Madaxii Sirdoonka iyo Amniga Qaranka Soomaaliya.

Sidoo kale sanadkii 1970-kii ayaa loo magacaabay Taliyihii guud ee ciidanka booliiska Soomaaliyeed.

Sannadihii 1956-kii ilaa 1957-kii, ayey tariikhdu xustay in tababarro culus uu ku qaatay Machadkii Tababarrada ee Sheekh, kadibna waxa uu tababar kale u tagay Dugsigii Tababarka Booliiska ee Metropolitan Police, London.

Hoos ka eeg sawirradii Marxuumka waayihiisii ciidanka iyo xiliyadii dambe

Rooble oo amar culus siiyey ATMIS kahor doorashada guddoonka BF ee berri

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku amray ciidamada ATMIS in ay si degdeg ah ula wareegaan amniga teendhada Afisiyoone, kahor doorashada guddoonka Golaha Shacabka ee berri. 

“Anigoo tixgelinaya caqabadaha amni ee lagu carqaladeynayo dhammeystirka doorashada, waxaan faray ciidanka nabad ilaalinta ATMIS in ay si degdeg ah ula wareegaan amniga teendhada Afisiyoone si aan u taabba-galinno doorashada guddoonka Baarlamaanka, uguna diyaar garowno doorashada Madaxweynaha bisha soo socota,” ayuu Rooble ku yiri qoraal uu soo saaray. 

“Hoggaanka ATMIS waxay si dhow ula shaqeyn doonaan xafiiskayga iyo Wasaaradaha Amniga iyo Gaashaandhigga iyo waliba Guddoonka Baarlamaanka,” ayuu yiri Rooble.

“Sidaas darteed, liiska xildhibaannada galaya teendhada Afisiyoone waxaa soo gudbinaya guddoomiyaha KMG ah, kaddibna waxaa hubinaya oo ATMIS u gudbinaya xafiiskeyga.” 

Tallaabada uu qaaday Rooble ayaa imaneysa ayada oo laga cabsi qabo in berri la carqaladeeyo doorashada guddoonka Golaha Shacabka, ayada oo ay jiraan warar sheegaya in Villa Somalia ay waddo qorshe noocaas ah.

Guddoomiyaha guddiga qaban-qaabada doorashada guddoonka Golaha Shacabka Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa maanta sheegay in xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeysa uu xirtay Taliyaha Booliska Soomaaliyeed.

Guddoomiye Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in Taliye Xijaar uu ku amray inaysan xarunta Villa Hargeysa ku shaqeyn karin, xili markii hore ay wajahayeen culeyso dhanka amniga ah iyo ku shaqeynta xaruntaas.

“Guddi ahaan maalmihii hore waa u adkeysanay oo waa ku shaqeynay (Xarunta Villa Hargeysa ee BF) inaga oo og in amnigeena uu khatar ku sugan yahay. Markii horeba ma qabin in lagu shaqeeyo xarunta, waxay ku dhex taalla Villa Somalia. Waa ogtahay aragtida ay ka qabaan doorasho inay ka dhacdo dalka, waxaa markii dambe go’aan ku qaadanay in halkaas doorasho ka dhicin,” ayuu yiri Guddoomiye Cabdirisaaq.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ahna Guddoomiyaha Guddiga Amniga Doorashooyinka S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, ayaa beeniyey eedahaas.

Xijaar ayaa sidoo kale beeniyey in Ciidanka Booliska uu shalay Guddomiyaha KMG ee Baarlamanka u diideen Teendhada Hangarka, halkaasi oo lagu dhaarin lahaa qaar ka mid ah xildhibaanada cusub, gaar ahaan kuwa lagu soo doortay Ceelwaaq. Hoos ka aqriso qoraal kasoo baxay Xijaar.  

Taliye Xijaar oo ka jawaabay eedihii loo jeediyey ee carqaladeynta doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ahna Guddoomiyaha Guddiga Amniga Doorashooyinka S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, ayaa beeniyey eedo loo jeediyey oo ku saabsan inuu maanta xirtay xarunta baarlamanka ee Villa Hargeysa.

Xijaar ayaa sidoo kale beeniyey in Ciidanka Booliska uu shalay Guddomiyaha KMG ee Baarlamanka u diideen Teendhada Hangarka, halkaasi oo lagu dhaarin lahaa qaar ka mid ah xildhibaanada cusub, gaar ahaan kuwa lagu soo doortay Ceelwaaq. Hoos ka aqriso qoraal kasoo baxay Xijaar. 

War-saxaafadeed 

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed isagoo u fulinaya si waafaqsan habraacyada iyo heshiiska doorashada iyo waajibaadka guud ee ciidanka, waxa ay sugayeen amniga doorashada qaran ee dalka intii ay socotay Doorashada Xildhibaannada dhammaan gobollada dalka, dhaarinta Xildhibaanada iyo xaqiijinta amniga iyo xasilloonida dalka.  

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxa uu beeninayaa wararka aan sal iyo raadka toonna lahayn ee baraha bulshada lagu soo bandhigay, oo ahaa: 

1. In Boolisku hor istaagay shaqada Golaha Shacabka ee Xarunta Villa Hargaysa iyo 

2- In Ciidanka Booliska uu shalay Guddomiyaha KMG ee Baarlamanka u diideen Teendhada Hangarka, oo ah wax laga xumaado in dad Ma’uuliyiin ah abaalgud uga dhigaan Ciidanaka Booliska oo shaqo adag u haya ummada Somaaliyyed. 

Haddaba, Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxa uu caddeynayaa in;  

1. In aysan jirin Ciidan Boolis ah oo saaka joogay Xarunta Villa Hargaysa, oo ay amnigeeda sugaan ciidamo kale oo aan ahayn Booliska, mana jirto ciidan boolis ah oo saaka tegay halkaas.  

2. U diyaargarowga Doorashada Aqalka Sare oo ka socotay Teendhada Afisyooni awgeed, booliska iyagoo gudanaya waajibaadkooda, sidii caadiga ahayd, waxaa shalay Xarunta ka socday howlo amniga lagu sugayo, waajibaadka amni ee badqabka goobta, hubinta amniga mas’uuliyiinta, hawl-wadeennada, marti-sharafta iyo warbaahinta iyadoo la raacayo habraacyada doorashada, mana jirin shaqo ku saabsan Golaha shacabka oo halkaas ka socotay. 

Waxaanna rajeynaynaa in si nabad ah Allah noogu dhammayn doono hawlaha qaran ee ay ugu horreeyaan Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka iyo midda Madaxweynaha Jamhuuriyadda. 

Waxaan markale shacabka Soomaaliyeed iyo cid kasta oo danaynasa xasilloonida iyo amniga dalka uga mahadcelinaynaa wadashaqaynta iyo wadajirka. 

Mahadsanidiin
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed

Dhageyso: Guddoomiye Cabdirisaaq oo faah-faahiyey wixii maanta ka dhacay Villa Hargeysa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga qaban-qaabada doorashada guddoonka Golaha Shacabka ayaa markii u horeysay shaaciyay in xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeysa uu ka xirtay Taliyaha Booliska Soomaaliyeed.

Guddoomiye Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in Taliye Xijaar uu ku amray inaysan xarunta Villa Hargeysa ku shaqeyn karin, xili markii hore ay wajahayeen culeyso dhanka amniga ah iyo ku shaqeynta xaruntaas.

“Guddi ahaan maalmihii hore waa u adkeysanay oo waa ku shaqeynay (Xarunta Villa Hargeysa ee BF) inaga oo og in amnigeena uu khatar ku sugan yahay. Markii horeba ma qabin in lagu shaqeeyo xarunta, waxay ku dhex taalla Villa Somalia. Waa ogtahay aragtida ay ka qabaan doorasho inay ka dhacdo dalka, waxaa markii dambe go’aan ku qaadanay in halkaas doorasho ka dhicin,” ayuu yiri Guddoomiye Cabdirisaaq.

Sidoo kale waxa uu nasiib darro ku tilmaamay in Taliye Xijaar uu amro in la xiro xarunta Baarlamaanka ee Villa Hargeysa, taasi oo la fahamsan yahay in gadaal ka riixeyso kooxda Villa Somalia.

“Waxaa ku shaqeynayna meelo kale hadda oo ma rabo in aan sheego sababo la xiriira amniga dartiis. Waxaa diyaarsanay meelo kale oo aan ku shaqeyno,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Guddoomiye Cabdirisaaq ayaa walaac xoogan ka muujiyay xaaladaha amni ee isa-soo taraya xili loo balansan-yahay doorashada guddoonka Golaha Shacabka oo ay hawsheeda wadaan.

Dhawaan unbey aheyd markii uu Guddoomiye Cabdirisaaq uu shaaciyay in doorashada Guddoonka Golaha Shacabka laga bedelay halkii ay ka dhici laheyd ee Xarunta Villa Hargeysa loona bedelay hoolka Afisiyooni.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in kulamadii ugu dambeeyey ee xarunta ay ka dhaceen falal amni darro sida hoobiyeyaal lagu soo tuuray dhismaha Villa Hargeysa, xilli uu socday kulanka Baarlamaanka iyo shalay oo ay ugu dambeysay oo xabad ay ku dhacday Qaboojiyaha.

Qaar ka mid ah xildhibaanada cusub ayaa horey u dalbaday in doorashada guddoonka Golaha Shacabka lagu qabto xerada Afisyooni iyagoo xusay in ammaanka Villa Hargeysa aan la isku haleyn karin.

Si kastaba, Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka ayaa loo balansan-yahay inay dhacdo maalinta berri ah ee 27-ka bishaan April, ayada oo maanta lagu kala baxay doorashadii Guddoonka ee Golaha Aqalka Sare.

Farmaajo iyo Rooble oo war kasoo saaray doorashadii guddoonka Aqalka Sare

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa si kala gooni-gooni ah ugu hambalyeeyay guddoonka cusub ee Golaha Aqalka Sare oo maanta lagu doortay Teendhada Afisyoone.

Farmaajo ayaa kula dar-daarmay Guddoonka cusub iyo xubnaha Golaha Aqalka Sare in ay sii amba-qaadaan shaqooyinkii muhiimka u ahaa dowlad-dhiska Soomaaliya ee la soo qabtay sannadihii la soo dhaafay, isaga oo Alle uga baryey in uu u fududeeyo shaqada culus ee loo igmaday, uuna waafajiyo danta dalka, dadka iyo diinta.

Waxa kale oo uu ku bogaadiyey Guddoomiyihii KMG ahaa iyo Guddigii qaban-qaabada doorashada Guddoonka, sida xilkasnimada leh ee ay u maamuleen doorashada Guddoonka Aqalka Sare oo ku qabsoontay hannaan dhiirri-gelinaya dhammaystirka doorashooyinka dalka.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa bogaadiyay dib u doorashada Cabdi Xaashi, isaga oo Guddoonkana ugu baryay Alle in uu ku asturo mas’uuliyadda culus ee qaran.

“Waxaa u hambalyeynayaa Guddoomiyaha GolahaAqalka Sare ee Baarlamaanka 11aad ee JFS Sen.Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo mar kale maanta la doortay iyo labadiisa ku xigeen Sen.Cali Shacbaan Ibraahim iyo Sen.Cabdullaahi Cali Xirsi Timacadde,” ayuu R/W Rooble ku yiri qoraal uu soo saaray.

Doorashada Guddoonka Aqalka Sare ayaa soo idlaatay, ayada oo maanta ka dhacday Teendhada Afisyoone, waxaana kusoo kala baxay Cabdi Xaashi (Guddoomiye) oo helay 28 cod, Cali Shacbaan Ibraahim (Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad) oo asagna helay 28 cod iyo Cabdulaahi Cali Timacade (Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad) oo kusoo baxay 30 cod.

Doorashada Guddoonka Aqalka Sare oo lasoo geba-gebeeyey – Yaa kusoo baxay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, gaar ahaan Teendhada Afisyooni waxaa goordhoweyd lagu soo afmeeray doorashada guddoonka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana ugu dambeysay doorashada Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Aqalka Sare.

Senator Cabdulaahi Cali Timacade ayaa ku guuleystay kursiga guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka, waxaana uu helay codad gaaraya 30 cod, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha KMG ee Aqalka Sare.

Halka musharaxa la tartamay oo ah Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag uu helay 23 cod.

Sidoo kale waxa kursiga Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Aqalka Sare ee Baarlaamnka Soomaaliya ku guuleystay Cali Shacbaan Ibraahim, wuxuuna helay codad gaaraya 28 cod.

Cali Shacbaan ayaa doorashadaan kaga adkaaday Cabdixakiim Macalin Axmed oo kula tartamayay kursigaas, kaasi oo helay cod gaaraya 25 cod.

Guddoomiyaha KMG ah ee Aqalka Sare ayaa ku dhawaaqa natiijada tartanka, waxaana xumaaday hal cod oo kaliya.

Doorashada labadaan kursi ayaa waxaa la isla aaday wareeg labaaad, waxayna aheyd mid si weyn indhaha loogu hayay, islamarkaana lagu kala baxay codad aan u kala fogeyn.

Sidoo kale waxaa goor sii horeysay ayadana lagu kala baxay doorashada guddoomiyaha Aqalka Sare oo loolan adag loo galay, waxaana kusoo baxay Guddoomiye Cabdi Xaashi.

Sida uu shaaciyey guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Aqalka Sare waxa uu Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi helay 28 cod, musharrax Saalax Axmed Jaamac ayaa isna helay 24 cod, halka wasiirka Warfaafinta Cismaan Abuukar Dubbe uu helay codad gaaraya 2 cod.

Cabdi Xaashi ayaa asaguna markale 4-ta sano ee soo socota hoggaaminayo Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya, isaga oo 5 sano ee lasoo dhaafay ahaa guddoomiyaha Golahan, waxaan lagu xasuusta dagaalkii siyaasadeed ee uu horey ula galay Villa Soomaaliya, gaar ahaan madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Maxay Golaha Midowga Musharaxiinta ku macneeyeen guusha Cabdi Xaashi?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midowga Musharaxiinta Mucaaradka ayaa war kasoo saaray doorashada guddoonka Aqalka Sare, waxayna hambalyo u direen Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo markale loo doortay guddoomiyaha Golaha ee 4 sano ee soo socota.

“Midowga Murashaxiinta wuxuu hambalyo u dirayaa Senator Cabdi Xaashi C/laahi oo ku guulaystay guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka 2022-2026,” ayaa lagu yiri warasaxaafadeedka kasoo baxay Golaha Midowga Musharixiinta.

Musharaxiinta Mucaaradka ayaa sidoo kale sheegay in Cabdi Xaashi uu udub dhexaad u ahaa halgankii looga horyimid muddo kororsigii labada sano ahaa ee Farmaajo.

“Senator Cabdi Xaashi wuxuu uddub dhexaadka u ahaa halgankii looga horyimid muddo kororsigii sharci darida ahaa iyo jahwareer kii siyaasadeed ee uu dalka u horseeday madaxwaynaha muddo xileedkiisa dhamaaday Maxamad C/laahi Farmaajo,” ayaa lagu yiri.

Golaha ayaa u rajeeyey Cabdi Xaashi in howsha loo igmaday uu u guto si waafaqsan Dastuurka dalka iyo danta qaranka.

Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa kusoo baxay 28 cod, halka musharrax Saalax Axmed Jaamac oo ku soo xigay isna helay 24 cod, halka Dubbe uu helay 2 cod oo kaliya.

Cabdi Xaashi ayaa markale afarta sano ee soo socota hoggaaminayo Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya, isaga oo 5-tii sano ee lasoo dhaafay ahaa guddoomiyaha Golaha.

Ninkan oo ka mid ah rugcadayaasha siyaasadeed ee kasoo jeeda Gobollada Waqooyi ayaa lagu xasuustaa dagaalkii siyaasadeed ee uu horey ula galay Villa Soomaaliya, gaar ahaan madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

 

Cali Yare oo war lama filaan ah kasoo saaray doorashada guddoonka Aqalka Sare

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee gobolka Banaadir, Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) oo war qoraal ah soo saaray ayaa si lama filaan ah uga hadlay doorashada gudoonka Aqalka Sare ee ka socota Afisyooni.

Cali Yare oo si weyn u taageera madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ayaa soo jeediyey in Senataradu ay codkooda siiyaan Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ay horey dagaal siyaasadeed ula gashay Villa Soomaaliya, kaas oo ka mid ah musharixiinta tartameysa.

“Marka laga soo tago siyaasadaha isdiidan ee dalka ka jira Mudanayaasha aqalka sare waa in ay ogaadaan in Senator Cabdi Xaashi Cabdullahi uu yahay Hanti dalku leeyahay ee aanu aheyn qof dadka kale la mid ah, sidaas daraadeedna ay Codkooda siiyaan lana shaqeeyaan,” ayuu ku yiri qoraalka kooban ee uu soo saaray guddoomiye Cali Yare Cali.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyey “Senator Cabdi Xaashi wuxuu xooggiisii, caqligiisii iyo cilmigiisii galiyay dalka, waana siyaasi xor ka ah kanah madax banaan dhammaan kooxaha isdiidan ee xukunka dalka isku haya, arrintaas Adeer, Senator Cabdi Xaashi wuxuu ku mudanyahay in abaalmarin ahaan lagu sharfo loona boqro inuu markale Aqalka Sare hoggaamiyo. Mahadsanidiin,”.

Arrintan ayaa waxaa ka dhalatay falcelin iyo hadal heyn  xoogan oo ay sameeyeen dadweynaha kala duwan ee isticmaala baraha bulshada.

Dadka ka falceliyey qoraalka Cali Yare ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay arrintan, waxayna qaarkood sheegeen in N&N ay weysay qof ay dhisaan, halka kuwa kalena ay ku macneeyeen in tani ay muujineyso in kooxda Farmaajo looga adkaaday Aqalka Sare.

“NN oo faraha kala baxday doorashada Aqalka Sare markay waayeen qof ay dhisaan! Cabdi Xaashi waa mucaarad weyn, Dubbe iyo Saalaxna kala dhine! Talo waxay noqotey TVga in ay kala socdaan…” ayuu yiri Zakariye Cabdikariin.

“Waa Marka Ogaatay In Maantay La Dooranayo. Dhimasho Siyaasaded Ayey Kooxdaadu Qarka u. Saaran Tahay” ayuu yiri Maxamed Cabdisaciid

“Khalaas Cali Yare Cali Gacantayada waa ka baxay gacan nooguma jiro hadaan nahay N&N” Cabdi Maxamed Cilmi.

Shaqaalihii BF iyo guddiga doorashada oo xoog looga saaray VILLA HARGEYSA

0

Muqdisho (Caasimada Online ) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xaalad kacsanaan ah ay ka taagan tahay xarunta Villa Hargeysa oo ah xarun ay ku shiraan xubnaha Golaha Shacabka, kadib markii ay gudaha u galeen ciidan Boolis ah.

Guddoomiyaha guddiga qaban qaabada doorashada guddoonka Golaha Shacabka, Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo ka hadlay dhacdadan ayaa ku baahiyey bartiisa Twitter-ka in taliyaha ciidamada Booliska iyo askar ka socota Villa Soomaaliya ay xoog ku galeen Villa Hargeysa, ayna ka saareen shaqaalihii iyo guddiga ku howlanaa doorashada.

Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa tallaabadan ku macneeyey mid lagu hor istaagayo doorashada gudoonka Golaha Shacabka, isla-markaana lagu cabsi galinayo howl-wadeennada iyo guddiyada diyaarinaya doorashadaasi, sida uu hadalka u dhigay.

“Ujeedka ayaa ah in dib loo dhigo ama la joojiyo doorashada guddoomiyaha iyo ku xigeennada golaha shacabka, lana cabsi geliyo shaqaalaha si ay ugu dhaga nuglaadaan rabitaannada VS. Si kastaba ha ahaatee, guddiga u xilsaaran howlaha doorashada ayaa soo gabagabeeyay howlahooda ku aaddan doorashada berri” ayuu ku yiri qoraalkiisa.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxaya dhinaca Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo ku aadan falkaas iyo eedeynta loo jeediyey intaba.

Dhowaan ayey aheyd markii la shaaciyey in sababo amni darteed doorashada guddoonka Golaha Shacabka looga wareejiyey Villa Hargeysa oo ay ka dhaceen falal amni darro.

Arrintan ayaa sidoo kale kusoo aadeyso, iyada oo shalay shaqaaqo tan la mid ah ay ka dhacay hotel uu ku sugnaa guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka, Cabdisalaan Dhabancad, halkaas oo lagu dhaarinayey xildhibaannadii lagu soo doortay Ceelwaaq.

Doorashada guddoonka Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in beri oo Arbaco ah, taariikhduna ay tahay 27 April in lagu qabto Teendhada Afisyooni ee xerada Xalane.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse xaaladda ayaa ah mid cakiran, waxaana uga sii daray doorashada xubnaha kasoo kala baxay Ceelwaaq & Garbahaarey.

Kadib weerarkii guddoomiye Dhabancad, Axmed Madobe oo diray hanjabaad culus

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa nasiib darro ku tilmaamay qorshayaasha Madaxweynaha xilkiisu dhamaaday uu ku carqaladaynayo doorashooyinka dalka.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in ficilladaas uu u dambeeyey weerarkii xalay lagu qaaday Gudoomiyaha KMG ah ee golaha shacabka Cabdisalaan Dhabancad oo ka qeyb-galayay munaasabada dhaarinta Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka oo laga soo doortay Jubbaland.

Sidoo kale Madaxweynaha Jubbaland ayaa ku goodiyey in lagula xisaabtami doono sarakiisha amniga ee fulinaya amarada sharci darada ah ee kasoo baxaya Madaxweynaha xilku ka dhamaaday, kuwaas oo lagu fashilinayo doorashooyinka gaba gabada maraya.

Madaxweynaha ayaa ku amaanay gudoonka KMG ah ee golaha shacabka sida naf hurnimada leh ee ay u gudanayaan waajibaadka ka saaran socod siinta howlaha doorashooyinka.

“Madaxweynuhu wuxuu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay garab istaagan Xildhibaanada baarlamanaka iyo gudoonkooda KMG ah si dalka looga saaro marxaladan adag isla markana ay indhaha ku hayaan qorshayaasha lagu curyaaminayo in dalka ay ka dhacdo doorashooyinka gaba gabada maraya taas oo masuuliyadeeda ay qaadayaan saraakiisha ciidamada iyo Madaxweynaha xilku ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Axmed Madoobe.

Sida ay ogaatay Caasimada Online waxaa la qabtay askar weerartay oo dooneysay inay dilaan guddoomiyaha KMG ah ee golaha shacabka Cabdisalaan Dhabancad, xilli uu ku howlanaa dhaarinta xildhibaanadii lagu soo doortay magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Ciidankaas waxay ka tirsan yihiin NISA, waxaana la sheegay inay gacanta ku dhigeen ciidamada ilaalada u ah guddoomiye Dhabancad iyo kuwa Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo xilligaas Hotelka ku sugnaa.

Dhaarinta xildhibaanadaas waxay ka dhacday Airport Hotel oo xiligaas uu shir uga socday Madaxweyne Deni iyo Safiirka UK ee Soomaaliya, taasina waxay sahashay in ciidamada ilaalada Dhabancad iyo Saciid Deni oo si kaashanaya ay gacanta ku dhigaan ragii weerarka soo qaaday.

Waxaa xalay aad baraha bulshada loogu baahiyey muuqaallada ragii la qabtay oo indhaha ka xiran, waxaana la sheegay in lagu wareejiyey ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS, kuwaas oo xabsiga u taxaabay.

Guddoomiye Dhabancad oo warbaahinta la hadlay dhaarinta xildhibaanada iyo weerarkaas kadib wuxuu sheegay in goobo badan ay ka hor istaageen saraakiisha sare ee taliska booliska Soomaaliya, iyadoo ugu dambeyntiina lagu weeraray Hotel gaar loo leeyahay oo ay xildhibaanada ku dhaarinayeen.

Dhabancad oo shaaciyey sababta uu u dhaariyey xildhibaanada Ceelwaaq

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha KMG ah ee golaha shacabka Cabdisalaan Axmed Dhabancad ayaa faahfaahin ka bixiyey sababta uu xalay u dhaariyey xildhibaanadii lagu soo doortay magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

16-ka xildhibaan ee lagu soo doortay Ceelwaaq, goobjoogna ay ahaayeen xubno ka socda guddiga heer federaal ee FEIT, waxaa barbar socday doorashada 16 kale oo kooxda Farmaajo ay ku soo dhistay Garbahaarey, kuwaas oo doonaya in lagu biiriyo baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

Gudoomiye Dhabancad ayaa sheegay in sababta xildhibaanada Ceelwaaq uu u dhaariyey ay tahay inay siteen shahaadooyinkii rasmiga ahaa ee guddiga doorashooyinka heer federaal ee FEIT.

“Xildhibaanada aan dhaariyey waxaan ku dhaariyey cadeymahooda oo waxay wataan shahaadadii saxda aheyd ee guddoomiyaha guddiga FEIT Muuse Geelle uu soo siiyey, waaxay lamid tahay shahaadadii aniga la i siiyey oo la igu dhaariyey, la iguna aqoonsaday,” ayuu yiri Guddoomiye Cabdisalaan Dhabancad.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ninkii shahaadadaas wata hadii uu u diido baarlamaanka aysan tiisu sax ahaa doonin, “Waxaan rumeystay inay wataan saxiixii Muuse Geelle Yuusuf, gudoomiyaha FEIT,” ayuu yiri.

Guddoomiye Dhabancad ayaa sheegay in xildhibaanada ay fasax u diideen iyadoo lagu jiro 10-ka dambe ee Ramadaan, si loo dedejiyo doorashadaan labada sano jiitameysay.

“Go’aankeenu wuxuu ahaa in 8-cisho aan doorashada ku soo koobno oo baarlamaanka ku wareejino guddoon rasmi ah, si xildhibaaanada dhiman aan u dhaaro waxaa nalo diiday meelo badan, waxaana noo diiday saraakiisha Booliska,” ayuu hadalkiisa ku sii daray guddoomiyaha KMG ah ee golaha shacabka.

Guddoomiye Cabdisalaan Dhabancad oo sii hadlayey wuxuu yiri, “Markii ugu dambeysay ee aan Hotelka tagnay xabad ayaa lagala daalay goobtii aan ku sugneyn, ma garano ninkii hotelka lahaa cid u gudi doonta burburkii loo geystay, waxaas oo dhan waxaa loo sameynayaa yaan dowlad la dhisin, waxaan moodayey in la bislaaday, laakiin dhibku waa sii badanayaa.”

Sidoo kale guddoomiye Dhabancad ayaa wacad ku maray in weerarrada iyo jid gooyada loo dhigayo doorashada aysan cabsi geli doonin oo doorashooyinka dalka ay deg deg u dhameystiri doonaan, si maalmaha soo socda uu dalku u yeesho baarlamaan rasmi ah oo guddoonkiisa lasoo doortay.

Axmed Karaash oo jawaab ka bixiyey qoraalkii DENI

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Karaash ayaa jawaab ka bixiyey qoraalkii xalay kasoo baxay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ee uu ku sheegay inaysan dhaqangal aheyn wareegto kasta oo uu soo saaray ku-xigeenkiisa.

Hoos ka aqriso qoraalka Axmed Karaash 

Waxaan shacabweynaha Puntland ku bogaadinayaa fahamkooda qotada-dheer ee ay u leeyihiin Dastuurka Puntland. Hadaba, anigoo dhawraya kuna dhaqmaya Dastuurka Dawladda Puntland iyo Qawaaniinta Dalka, waxaan shacabka sharafta badan ee reer Puntland la wadagayaa:

1. In qoraalka ka soo baxay Madaxweynaha Dawladda Puntland uusan waafaqsanayn Dastuurka iyo Qawaaniinta Dawladda Puntland maadaama uusan Madaxweynuhu hadda ku sugnayn Dhulka iyo Sohdimaha Dawladda Puntland sida ku cad Qodobka 7-aad farqadiisa 1-aad ee Dastuurka Dowladda Puntland oo dhigan sidan “ Dhulka Puntland waxa uu ka kooban yahay gobollada Bari, Nugaal, Sool, Cayn, Karkaar, Mudug, Heylaan, Sanaag” iyo Gobolka Gardafuu oo lagu ansixiyey lifaaq gaar ah” taas oo lagu soo koobay Dadka Puntland, Dhulka Puntland iyo Sohdimihiisa.

2. Dastuurka Dawladda Puntland wuxuu Dal ku qeexayaa gudaha dhulka iyo sohdimaha Puntland sida ku cad Qodobadiisa kala ah, qodobka 9-aad, farqadiisa 2-aad, qodobka 103-aad, farqadiisa 4-aad, qodobka 105-aad, farqiisa 2-aad xarafka (b). Hadaba, mas’uul kasta oo Puntland ka haya xil dawladeed kuna dhaartay dhaarta dastuuriga ah ee ku cad qodobka 132-aad oo aan ku sugnayn dhulka iyo sohdimaha Dawladda Puntland, sida uu qabo Dastuurku qodobkiisa 7-aad ma dabakhi karo awoodaha iyo mas’uuliyadaha uu Dastuurku farayo maadaama uusan ku sugnayn Dhulka iyo Sohdimaha Puntland. 

3. Si la mid ah qodobada kor ku xusan, qodobka 132-aad wuxuu si cad u qeexayaa Dhaarta rasmiga ah ee Masuuliyiinta Dawladda sida Madaxweynaha iyo Madaxweynaha Kuxigeenka lagu dhaariyo, dhaartaas oo ah midda aan la’aanteed masuul xil qaban, gudanna karin, kana dhigan in masuul kasta oo lagu dhaariyo uu ilaaliyo, tixgaliyo isla markaasna ku dhaqmo oo dhawro dhartaas oo u dhigan sidan. “Waxaan ku dhaaranayaa magaca Illaahay, in aan ku dhaqmo Diinta Islaamka, Dastuurka dalka Puntland iyo qawaaniintiisa dhawro, xilka la ii dhiibay daacadnimo u guto, dalka iyo dadkiisana Lillaahi ugu adeego”.

4. Hadaba, qeexitaanada qodobada dastuuriga ah iyo ku-dhaqanka waajibaadka iyo awoodaha Dastuuriga ah ma aha kuwo sidii la doono loo fasiran karo. Sidaas awgeed, Magacaabistii Ma’suuliyiinta iyo Hawl-wadeenada Shaqaalaha Rayidka ah waxaan u maray nidaam sax ah oo waafaqsan Dastuurka iyo Qawaaniinta Dawladda Puntland si gaar ah Qodobka 81-aad farqadiisa 1-aad iyo Qodobka 37-aad, farqadiisa 1-aad. Hadaba diidmada uu samayeey Madaxweynaha ka maqan dhulka iyo sohdimaha Puntland ma leh awood sharci waxayna baalmarsantahay Dastuurka iyo Qawaaniinta Dawladda Puntland. Sidaas darteed Masuuliyiinta iyo Shaqaalaha magacaaban waxay leeyihiin xaquuq sharci oo dastuuri ah. 

5. Ugu danbayntii; Waxaan farayaa dhammaan Hay’adaha Dawladda ay khusayso in ay u hoggaansamaan fulinta iyo dhaqangalinta digreetada sharciga waafaqsan, isla markaana ay gutaan waajibaadka ka saaran. 

Wabillahi Tawfiiq.

Daawo: Muxuu ROOBLE ka yiri doorashada guddoonka labada aqal ee barlamanka?

0

Geneva (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ku sugan magaalada Geneva ayaa isaga oo la hadlayey Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Switzerland ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Rooble ayaa soo hadal qaaday doorashada guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, taas oo lagu wado in maanta iyo beri ay ka dhacdo magaalada Muqdisho.

Ra’iisul wasaaraha oo ka sheekeeyey marxaladaha kala duwan ee ay soo martay doorashada guddoonka labada Gole ayaa sheegay in guddoomiyeyaasha imaan doono looga baahan yahay inay ilaaliyaan shuruucda dalka iyo ku dhaqanka Dastuurka KMG ah.

Maxamed Xuseen Rooble ayaa xusay in xubnaha imaan doono laga rabo in uusan ku adeegan madaxweyne, balse ay tahay inay gartaan waajibaadka shaqo ee hor yaalla.

“Runta ayaa idin sheegayaa haddii guddoomiyeyaashaas noqdaan dad sax ah oo xaqa ku taagan oo sharciga ilaalinaaya oo aysan hadhow madaxweynaha meeshuu u leexiyo ama hantida lasoo dhacay wax laga siinaayo oo ay la leexdaan dalka horumar gaari maayo,”

Sidoo kale wuxuu ka dalbaday dadka Soomaaliyeed inay garab istaagaan guddoonka cusub, ayna u duceeyaan, si uu Alle dalka uga bad-baadiyo marxaladda uu ku jiro.

“Waxaan la rabaa guddoomiyaha la dooran doono in loo duceeyo kii yimaadana Ilaahey looga baryo inuu xaqa maro,” ayuu sii raaciyey ra’iisul wasaaruhu.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo maanta lagu wado in la doorto guddoomiyaha Aqalka Sare iyo ku xigeenadiisa, halka beri la qabanayo tan guddoonka Golaha Shacabka.

Ciidan ka tirsan NISA ‘oo rasaas ku furay’ xildhibaano kusii jeeday guriga Shariif

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Gaari uu leeyahay Ilyaas Cali Xasan oo ka mid ahaa mudanayaashii hore ee Aqalka Sare ayaa lagu rasaaseeyay agagaarka hotel Jazeera ee magaalada Muqdisho.

Gaariga la xabadeeyay ayaa waxaa saarnaa labo xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka cusub, kuwaasi oo kusii jeeday hoyga Sheekh Shariif Sh. Axmed ee agagaarka garoonka diyaaradaha.

Ilyaas oo Caasimada Online la xiriirtay ayaa ka gaabsaday inuu magac dhabo xildhibaanada saarnaa gaarigiisa, hase ahaatee wuxuu qiray in ciidamo ka tirsan NISA oo fadhiisin ku leh agagaarka Hotel Jazeera ay gaarigiisa ku fureen qori nooca Dhashiikaha ah.

Balse xildhibaanadii saarnaa iyo ilaaladii la socotayba aanan waxba soo gaarin, wuxuuna sheegay Ilyaas in gaariga uu ahaa nooca aan xabadaha karin, balse rasaastii lagu soo riday ay burburisay daaqadaha gaariga oo ahaa Qooqan.

Lama oga in falkaani uu ku dhacay si kedis ah ama mid ku talagal ah iyo in gaariga uu raaci waayay tilmaamaha ciidamada bartaasi kontorool ku sugnaa, toona.

Xalay waxaa aaga garoonka diyaaradaha iyo xaafadaha ku dhow laga dareemayey dhaqdhaqaaqyo ciidan, maadaama askar ka tirsan NISA ay maqribkii gudaha hotelka ay ka socotay dhaarinta xildhibaanadii lagu soo doortay Ceelwaaq.

Kooxdii NISA ee weerartay guddoomiye Dhabancad iyo xildhibaanadii uu dhaartooda ka qeyb galay ayaa rasaas ka dhex riday Hotelka, wuxuu guddoomiye Dhabancad weerarkaas ku tilmaamay shirqool loo dhigay isaga iyo xildhibaanadii dhaaranayay.

Wararkii ugu dambeeyey ee safarka Rooble ee Geneva

0

Geneva (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magaalada Geneva kula kulmay ergayga gaarka ah ee Dowladda UK u qaabilsan Geeska Afrika iyo Badda Cas Danjire Philip Parham.

Kulankaan ayaa Ra’iisul Wasaaraha iyo Ergayga dhex maray ka hor shirka heerkiisu sarreeyo ee looga hadlayo abaaraha ka jira Geeska Afrika, kaas oo berri ka furmaya Geneva Switzerland.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xiriirka iyo horumarinta iskaashiga xooggan ee labada dal iyo xaaladda abaarta ba’an ee ka jirta Soomaaliya.

Danjire Philip Parham ayaa carrabka ku adkeeyay sida ay dowladda UK uga go’an tahay sii wadista taageerada iyo garab istaagga Soomaaliya.

“Waxay sidoo kale isla soo qaadeen habsami u socodka doorashooyinka dalka oo heer gebogebo ah maraya,waxa uuna danjiruhu Ra’iisul Wasaare Rooble uga mahadceliyay sida wanaagsan ee uu u  maamulay doorashooyinka dalka oo si guul ah ku soo gaaray heer gebogebo ah,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Dhankiisa Ra’iisul Wasaaraha ayaa dowladda UK uga mahadceliyay iskaashiga iyo saaxiibtinimada soo jireenka ah ee kala dhaxeysa dowladda Soomaaliya, gaar ahaan xilliyada ay ku jirto duruufan adag oo kale.”

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa shalay ka ambabaxay magaalada Muqdisho, si magaalada Geneva ee dalka Switzerland uu uga qeyb galo shir caalami ah oo looga hadlayo xaaladda abaareed eek a jirta wadamada Geeska Afrika oo Soomaaliya ay qeyb ka tahay.

200 oo qof oo lagu dilay waddanka SUUDAAN

Khartoum (Caasimada Online) – In ka badan 200 oo qof ayaa ku dhintay isku dhacyada u dhexeeya dadka reer guuraaga Carabta ah iyo beeralayda deegaanka ee gobolka Galbeedka Darfur ee dalka Sudan, waxaana xiisaddan oo soo bilaabantay maalinimadii Jimcaha ee toddobaadkan ay haatan ku fidday illaa caasimadda gobolkaas ee Al Geneina. Qaramada Midoobay ayaa cambaaraysay rabshadahan sii kordhaya.

Qalalaasahan billowday maalintii Jimcaha ayaa wuxuu daba socday, ka dib markii bishii April 21-keedii la helay, meydka laba qof oo reer guuraa ah, taas oo laga helay meel u dhow tuulada Hashaba, oo ka baxsan magaalada Kreinik.

Madaxa waaxda bini’aadanimada ee Galbeedka Darfur Assadiq Mohammed, ayaa sheegay in illaa 201 qof oo meyd ah laga helay waddooyinka iyo goobaha kale ee dadku isugu yimaadaan.

“Dad badan ayaa lagu dhex dilay guryahooda, xaaladdu ma aha mid ku habboon si rasmi ah loo sugo tirada dhimashada. Dhab ahaantii, tiradu way sii kordhi kartaa,” ayuu yidhi Assadiq Maxamed oo u waramay Idaacadda VOA laanteeda la hadasha Koonfur Sudan.

Warbixin ay soo saartay hay’adda socdaalka dunida ee IOM ayaa ku qiyaastay in 7,500 illaa 12,500 oo qoys oo ku nool hareeraha Kreink inay gabbaad ka raadsadeen xero ciidan oo maxalli ah si ay uga baxsadaan rabshadahan cusub.

VOA

Wararkii ugu dambeeyey ee doorashada guddoonka AQALKA SARE + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa lagu wadaa in maanta ay ka dhacdo doorashada guddoomiyaha cusub ee Golaha Aqalka Sare iyo labadiisa ku xigeen, taas oo lagu qabanayo Teedhada Afisyoone oo ku dhex taalla xerada Xalane.

Doorashada ayaa goordhow billaaban doonta, waxaana haatan socda qaban qaabadii ugu dambeysay, iyada oo si weyn loo adkeeyey ammaanka xaruntaasi iyo waddooyinka gala.

Hoolka lagu qabanayo doorashada ayaa sidoo kale la diyaariyey, sida ay muujinayaan sawirro lagu baahiyey baraha bulshada ee Internetka.

Marti sharaf kala duwan iyo mas’uuliyiin ayaa sidoo kale ka qaybgalaya doorashada, si ay goobjoog uga noqdaan doorashada guddoonka Golaha Aqalka Sare.

Xilka guddoomiyaha waxaa isku soo taagay illaa 3 musharrax oo kala ah:- 1-Cabdi Xaashi Cabdillaahi ,2-Senator Saalax Axmed Jaamac 3-Senator Cusmaan Abuukar Dubbe oo dhammaantood kasoo jeeda Gobollada Waqooyi

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare waxaa sidoo kale ku tartamaya laba musharrax oo kala ah:- 1- Senator Cabdixakiin Macalin Axmed oo laga soo doortay Galmudug 2-Senator Cali Shacbaan Ibraahim oo laga soo doortay HirShabelle.

Sidoo kale guddoomiye ku xigeenka labaad ayaa waxaa isku soo sharraxay ilaa 7 musharax oo kala ah:- 1-Cabdullaahi Xersi (Timacadde), 2-Senator Cabdi Cusmaan Xareed, 3-Senator Ilyaas Badel Gaboose, 4- Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), 5-Senator Xasan Xuseen Xaaji, 6-Senator Cabdiweli Maxamed Ibraahim (Xaabsade), 7-Senator Sareedo Maxamed Xasan Jeyte.

Beri oo ku beegan 27 April ayaa sidoo kale la qaban doonaa doorashada guddoonka Golaha Shacabka Soomaaliya, walow khilaaf xoogan uu weli ka taagan yahay kuraasta gobolka Gedo.

Cabdi Xaashi oo markale loo doortay guddoomiyaha Aqalka Sare ee baarlamanka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, gaar ahaan Teendhada Afisyooni waxaa maanta lagu qabtay doorashada guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, taas oo ay ku tartameen illaa saddex musharrax.

Musharixiinta loolamay ayaa kala ah 1-Cabdi Xaashi Cabdillaahi, 2-Saalax Axmed Jaamac 3-Cismaan Abuukar Dubbe oo dhammaantood kasoo jeeda Gobollada Waqooyi.

Doorashada oo aheyd mid xasaasi ah ayaa waxaa codadkooda dhiibtay illaa 54 Senator ee uu ka kooban yahay Golaha Aqalka Sare, waxaana guusha ay raacday Cabdi Xaashi.

Sida uu shaaciyey guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Aqalka Sare waxa uu Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi helay 28 cod, musharrax Saalax Axmed Jaamac ayaa isna helay 24 cod, halka wasiirka Warfaafinta Cismaan Abuukar Dubbe uu helay codAD gaaraya 2 cod.

Cabdi Xaashi ayaa markale 4 sano ee soo socota hoggaaminayo Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya, isaga oo 5 sano ee lasoo dhaafay ahaa guddoomiyaha Golahan.

Ninkan oo ka mid ah rugcadayaasha siyaasadeed ee kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ayaa lagu xasuustaa dagaalkii siyaasadeed ee uu horey ula galay Villa Soomaaliya, gaar ahaan madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Guusha Cabdi Xaashi ayaa dhabar jab ku ah kooxda Villa Soomaaliya waxaana dhinaca kale ee guul siyaasadeed u tahay kooxda Rooble iyo Mucaaradka oo soo dhoweeyey guushiisa.

Sidoo kale doorashada ayaa haatan sii soconeysa, waxaana la guda-galayaa doorashada guddoomiye ku xigeenka 1-aad oo ay taagan yihiin labada musharrax iyo guddoomiye ku xigeenka 2-aad oo ay isku soo taageen illaa 7 Senator oo ka tirsan Golaha Aqalka Sare.

Xog: Xubno ka tirsan NISA ‘oo dili rabay’ guddoomiye Dhabancad oo la qabtay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay ogaatay Caasimada Online waxaa la qabtay askar sida la sheegay dooneysay inay dilaan guddoomiyaha KMG ah ee golaha shacabka Cabdisalaan Dhabancad, xilli uu caawa ku howlanaa dhaarinta xildhibaanadii lagu soo doortay magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Ciidankaas waxay ka tirsan yihiin NISA, waxaana la sheegay inay gacanta ku dhigeen ciidamada ilaalada u ah guddoomiye Dhabancad iyo kuwa Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo xilligaas Hotelka ku sugnaa.

Dhaarinta xildhibaanadaan waxay ka dhacday Airport Hotel oo xiligaas uu shir uga socday Madaxweyne Deni iyo Safiirka UK ee Soomaaliya, taasina waxay sahashay in ciidamada ilaalada Dhabancad iyo Saciid Deni oo si kaashanaya ay gacanta ku dhigaan ragii weerarka soo qaaday.

Weerarka kadib waxaa la sheegay inay goobta tageen Wasiirka Amniga Cabdullahi Maxamed Nuur iyo Taliyaha saldhigga booliska ee garoonka Aadan Cadde Cabdifitaax, halkaas oo laga soo kaxeeyey guddoomiye Dhabancad iyo masuuliyiintii kale ee golaha shacabka.

Waxaa caawa aad baraha bulshada loogu baahiyey muuqaallada ragii la qabtay oo indhaha ka xiran, waxaana la sheegay in lagu wareejiyey ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS, kuwaas oo xabsiga u taxaabay.

Guddoomiye Dhabancad oo warbaahinta la hadlay dhaarinta xildhibaanada iyo weerarkaas kadib wuxuu sheegay in galabta goobo badan uu ka hor istaagay taliska booliska Soomaaliya, iyadoo ugu dambeyntiina lagu weeraray Hotel gaar loo leeyahay oo ay xildhibaanada ku dhaarinayeen.

Sidoo kale guddoomiye Dhabancad ayaa wacad ku maray in weerarrada iyo jid gooyada loo dhigayo aysan cabsi geli doonin oo doorashooyinka dalka ay deg deg u dhameystiri doonaan, si maalmaha soo socda uu dalku u yeesho baarlamaan rasmi ah.