26.5 C
Mogadishu
Monday, June 22, 2026

Maxaa kusoo kordhay qabsoomida doorashada guddoonka golaha shacabka?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Golaha Shacabka Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in saacadaha soo socda ay qabsoomeyso doorashada, islamarkaana uu wax is-bedel ah ku imaan jadwalkii doorashada Guddoonka oo maanta dhaceysa.

Waxa uu sheegay in Xildhibaanada hoolka loogu diyaariyay Afur, maadama uu dib u dhac saacado ah uu ku yimid qabsoomida doorashada, sidaas darteedna ay ku sugnaan doonaan illaa ay kasoo afmeerayaan doorashada guddoonka.

“Dib u dhac ayaa jira waxa aan rabna oo inaga go’an in doorashada ay maanta dhacdo. Xildhibaanada waxay afurka ku leeyihiin halkaan. Si dib u dhac kale uusan noogu imaan waa in aan galabta illaa caawa aan ugu dambeyn kusoo gaba-gabeyno doorashada oo Golaha uu yeesho Guddoonkii,” ayuu yiri.

Guddoomiye Cabdirisaaq ayaa meesha ka saaray hadalo saacadihii u dambeeyay soo baxayay, kaasi oo sheegayay in uu is-bedel ku yimid jadwalkii doorashada Guddoonka, kadib markii Xildhibaanada ay la kulmeen caqabado dhowr ah si ay ugu sii gudbaan hoolka Afisyoone oo ay ka dhaceyso doorashada.

Waxa muuqata in doorashada Guddoonka illaa caawa ugu dambeyn lagu kala bixi doono, haddii uusan imaan is-bedel deg deg ah.

Hoolka doorashada ay ka dhaceyso ee Afisyoone ayaa hadda waxa ku sugan Xildhibaano badan oo kor u dhaafaya boqol, kuwaasi oo ay qeyb ka yihiin qaar kamid Xildhibaanadii laga soo doortay magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Xildhibaanada Ceelwaaq iyo Garbahaarey ayaa ahaa dooda u weyn ee hadheysay qabsoomida doorashada guddoonka, ayada oo xubno kamid ah guddiga qaban-qaabada doorashadaas ay diideen in xildhibaanada labadaas magaalo laga soo doortay ka qeyb-galaan doorashada.

Hase yeeshe, waxaa muuqata in laga adkaaday garabka arrintaas ku dooday, ayna sidaas sharci ku noqdeen Xildhibaanadii laga soo doortay Ceelwaaq, oo markii dambe laga dhigay deegaanad doorashada labaad ee maamulka Jubbaland, kadib markii sababo amni doorasho loogu qaban waayay Garbahaarey.

Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka ayaa ka daahday in la bilaabo waqtigii lagu ballamay, kadib markii xildhibaannada qaar aysan gaarin hoolka doorashada, balse xaalka hadda sidii hore waa ka roon yahay, waxaana socota qaban-qaabada qabsoomida doorashada.

Qaabkii cajiibka ahaa ee xildhibaanada qaar lagu geliyey gudaha Afisyoone

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa ugu dambeyn Teendhada Afisyoone gaaray tiradii ugu badneyd ee xildhibaanada Golaha shacabka kadib saacado lagu xayiray jidadka laga soo galo Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho.

Arrinta ugu yaabka badan ayaa ah in xildhibaanada qaar ay sameeyeen kaarto cajiib ah oo xildhibaanada lagu soo gudbinayey si ay usoo gaaraan Teendhada Afisyoone oo la filayo inay ka dhacdo doorashada guddoonka Golaha Shacabka.

Xildhibaan Cismaan Xaadoole oo kamid ah xildhibaanada cusub ee Golaha Shacabka oo watay gawaarida dagaalka iyo ciidan tiro badan ayaa gudbiyey illaa 30 xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka kuwaas oo loo diiday inay galaan gudaha Xerada Xalane.

Xaadoole oo adeegsanayo ciidankiisa ayaa gudaha u gudbiyey xildhibaanadaan, waxaana sidoo kale jiro xildhibaano kale oo ilaalo hubeysan watay oo soo gudbiyey xildhibaano kuwaas oo awood u sheegtay ciidamadii Booliska ee diidanaa in gudaha loo gudbo.

Dhabaatada ugu weyn ee xildhibaanada qaar ay wajahayeen ayaa waxaa kamid ah inaysan heysan ilaali iyo gawaari ay soo raacaan, waxayna xildhibanadaas u badan yihiin kuwa cusub ee kusoo biiray Baarlamaanka 11-aad.

Teendhada Afisyoone ayaa hadda waxaa ku sugan ku dhawaad 150 xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka, waxaana la sugayaa xildhibaano kale oo Hoteelo ku xayirnaa kuwaas oo hadda loo ogolaaday inay soo baxaan, waxayna xildhibaanada Hoteelada lagu xayiran u badan yihiin kuwa kasoo jeedo Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha kumeel gaarka ah ee Golaha Shacabka iyo xildhibaanada ku sugan gudaha Teendhadada Afisyoone ayaa go’aan ku gaaray in doorashada guddoonka aysan dhaafin Maanta, waxaana laga yaabaa inay gaarto illaa caawa Saq Dhexe.

Wixii kusoo kordha wararkaas kala soco wararkeena dambe Inshaa Allah

Qaar ka mid xildhibaanada lagu soo doortay Ceelwaaq oo galay teendhada Afisyoone

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah Xildhibaanadii laga soo doortay magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa goordhoweyd gaaray Hooka Afisyoone oo la filayo inay ka dhacdo doorashada Guddoonka Golaha Shacabka.

Maxamed Soomaali, Wasiirka Xananaada Xoolaha kana mid ahaa Xildhibaanadi Ceelwaaq laga so doortay ayaa kamid ah Xildhibaanada hadda ku sugan hoolka Afisyoone.

Xildhibaanada Ceelwaaq iyo Garbahaarey ayaa ahaa dooda u weyn ee hadheysay qabsoomida doorashada guddoonka, ayada oo xubno kamid ah guddiga qaban-qaabada doorashadaas ay diideen in xildhibaanada labadaas magaalo laga soo doortay ka qeyb-galaan doorashada.

Hase yeeshe, waxaa muuqata in laga adkaaday garabka arrintaas ku dooday, ayna sidaas sharci ku noqdeen Xildhibaanadii laga soo doortay Ceelwaaq, oo markii dambe laga dhigay deegaanad doorashada labaad ee maamulka Jubbaland, kadib markii sababo amni doorasho loogu qaban waayay Garbahaarey.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee gaaraya Hoolka Afisyoone ayaa sii kordhaya, ayada oo maanta dhowr jid-gooyo loo dhigay inay u gudbaan teendhada oo ah xarunta ay ka dhaceyso doorashada Guddoonka Golaha Shacabka.

Xildhibaanada oo markii hore lagu celiyay iridaha hore ee garoonka ayaa qaarkood ku guuleysteen inay u soo gudbaan gudaha, ayada oo tirada xildhibaanada ku sugan Afisyoone ay kolba marka ka dambeysa sii kordhayaan.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, waxaa hadda la furay iridaha iyada oo meesha laga saaray inta badan culeysyadii ay maanta la kulmeen Xildhibaanada, waxaana lagu wadaa in saacadaha soo socda uu buuxsami doono kooramka si ay u dhacdo doorashada.

Carqaladeynta u weyn ee lagu sameynayay Xildhibaanada ayaa waxay uga imaaneysay Booliska Soomaaliyeed, oo Taliyahoodii uu xilka ka qaaday Wasiirka Amniga xukuumadda, kadib markii uu isku dayay in uu fara-gelin ku sameeyo doorashada Guddoonka Golaha Shacabka.

Hase yeeshe dadaalo kala duwan oo qeyb ka ahaayeen Madaxweynayaashii hore ee dalka ayaa meesha looga saaray inta badan jid-gooyadii iyo caqabadihii kala duwan ee ku gudbanaa Xildhibaanada si ay u gaaran hoolka doorashada ka dhaceyso.

Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka ayaa ka daahday in la bilaabo waqtigii lagu ballamay, kadib markii xildhibaannada qaar aysan gaarin hoolka doorashada, balse xaalka hadda sidii hore waa ka roon yahay, waxaana lagu wadaa inay qabsoomto doorashada.

Sawirro: R/W Rooble, Shariif, Xasan, Deni iyo xubno kale oo yeeshay kulan xasaasi ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan looga hadlayey amniga guud ee dalka iyo kan doorashada ayaa ka dhacay saldhiga Booliska ee AirPort-ka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Kulanka waxaa hoggaaminayay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, waxaana ka qeybgalay Taliyihii xilka laga qaaday ee Ciidamada Booliska Soomaaliyeed, Madaxweynaha Puntland, Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, Shiikh Shariif Shiikh Axmed, Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka JFS.

Kulanka ayaa waxaa xoogga lagu saaray in xildhibaanada loo ogolaado inay soo galaan Teendhada Afisyooni oo la filayo in saacadaha soo socdo lagu qabto doorashada guddoonka Golaha Shacabka.

Kulanka kadib ayaa waxay wararka sheegayaan in xildhibaano badan oo kor u dhaafayo 100 ay gaareen hoolka Afisyooni oo ay horey ugu sugnayeen xildhibaano tiro yar oo mucaaradka u badnaa.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska ayaa illaa saaka xirtay waddooyinka soo gala Garoonka diyaaradaha iyo Xerada Xalane, waxaana howshaan gadaal ka riixeysay Villa Somalia oo diidan inay kulanka ka qeybgalaan xildhibaanada lagu soo doortay Ceelwaaq.

Guddoomiyaha kumeel gaarka ah ee Golaha Shacabka Cabdullaahi Dhabancad ayaa sheegay inay ka go’an tahay in Maanta la qabto kulanka Golaha Shacabka si loo doorto guddoomiyaha cusub.

Sawirro: Xildhibaanada gaaray Afisyoone oo sii kordhaya iyo wararkii ugu dambeeyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Golaha Shacabka ee gaaraya Hoolka Afisyoone ayaa sii kordhaya, ayada oo maanta dhowr jid-gooyo loo dhigay inay u gudbaan teendhada oo ah xarunta ay ka dhaceyso doorashada Guddoonka Golaha Shacabka.

Xildhibaanada oo markii hore lagu celiyay iridaha hore ee garoonka ayaa qaarkood ku guuleysteen inay u soo gudbaan gudaha, ayada oo tirada xildhibaanada ku sugan Afisyoone ay kolba marka ka dambeysa sii kordhayaan.

Waxaa laga xusi karaa Xildhibaanada ku sugan goobta doorashada Xildhibaan Mahad Salaad, Xildhibaan Cabdullaahi Sanbaloolshe, Xildhibaan Jacfar, Xildhibaan Cabdi-saabir Shuuriye, Xildhibaan Dhuxulow, Xildhibaan Maxamed Macallimuu iyo Xildhibaan Firimbi, waxaana tirada ay hadda kusii siqeysaa boqol, ayada oo weli ay xildhibaano horleh galayaan xarunta.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, waxaa hadda la furay iridaha iyada oo meesha laga saaray inta badan culeysyadii ay maanta la kulmeen Xildhibaanada gudbay, waxaana lagu wadaa in saacadaha soo socda uu buuxsami doono kooramka si ay u dhacdo doorashada.

Sidoo kale dadaalo kala duwan oo qeyb ka ahaayeen Madaxweynayaashii hore ee dalka ayaa meesha looga saaray inta badan jid-gooyadii iyo caqabadihii kala duwan ee ku gudbanaa Xildhibaanada si ay u gaaran hoolka doorashada ka dhaceyso.

Carqaladeynta u weyn ee lagu sameynayay Xildhibaanada ayaa waxay uga imaaneysay Ciidamada Booliska, oo Taliyahoodii uu xilka ka qaaday Wasiirka Amniga xukuumadda, kadib markii uu isku dayay in uu fara-gelin ku sameeyo doorashada Guddoonka Golaha Shacabka.

Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka ayaa ka daahday in la bilaabo waqtigii lagu ballamay, kadib markii xildhibaannada qaar aysan gaarin hoolka doorashada, balse xaalka hadda sidii hore waa ka roon yahay.

Waxaa weli jirta rajo ah in la qabto doorashada guddoonka Golaha Shacabka, waxaana goor sii horeysay Wariyeyaasha loo ogolaaday inay gudaha u galaan hoolka Afisyoone si ay doorashadaas ugu soo tabiyaan dadka Soomaaliyeed ee la socda.

Daawo: Xildhibaan Mahad Salaad oo shaaciyay sida ay maanta wax u dhaceen

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay qalalaasihii maanta laga sameeyay xarunta uu ku yaallo hoolka doorashada, halkaasi oo markii hore laga hor istaagay inay galaan xildhibaanada.

Mahad Salaad ayaa sheegay in kooxda Villa Somalia ay ka cabsi qabto in sidii shalay ay faro madhan kala laabato doorashada Guddoonka Golaha Shacabka, islamarkaana ay doonayaan in la fashilayo doorashada.

“Hoolka ayaa hadda joogna Xildhibaanada saaxiibadaya ah waxaan ugu baaqeyna inay hoolka yimaadan. Dalka meel dheer ayaa laga keenay, nimanka hadda intaas oo isbaaro ah u dhiganaya Xildhibaanada waa niman aan doorasho rabin waaye oo raba in dalka dib u celiyaan,” ayuu yiri.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “Wixii shalay ka raacay Aqalka Sare oo ay ugu fashilmeen dadkii ay dhisayeen in hal qof usoo bixi waayay ayey aamisan yihiin in dhinacaas oo kale u socda Golaha Shacabka. Waxay rabaan inay carqaladeeyan oo doorashada la fashiliyo. Kama yeelayno, meesha waa imanay waa joogna.”

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa waxa kale oo uu Mudaneyaasha kale ugu baaqay inay soo xaadiraan hoolka, si ay u dhacdo doorashada guddoonka, taasi oo ay si weyn uga soo horjeedo Villa Somalia inay qabsoomto maanta.

“Waa in aan juhdigeena oo dhan isugu geyna sidii ay maanta u dhici laheyd doorashada oo aan u dooran laheyn guddoonka, si dalka iyo dadkaba loo bad-baadiyo.”

Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka ayaa ka daahday in la bilaabo waqtigii lagu ballamay, kadib markii xildhibaannada qaar aysan gaarin hoolka doorashada, oo loo diiday inay dhaafan baraha kontorool.

Ciidamada Booliska ayaa iridaha laga galo garoonka oo ay ku taallo goobta ka dhaceyso doorashada ku celinayay xildhibanaada, si aysan uga sii gudbin oo u gaarin goobta doorashada Guddoonka loo diyaariyay.

“Ciidamada Police ka ayaa si fowda ah irdihii laga galayey Aden Cadde Airport gabi ahaanba diiday in xildhibaanadu tagaan teendhadii doorashada gudoonka golaha shacabka ka dhici lahayd,” ayuu ku yiri qoralka uu soo saaray Xildhibaan Maxamuud C/raxmaan Beene Beene.

Hase yeeshe waxaa jira tiro xildhibaano ah oo gudbay, mana cadda inta ay le’eg tahay tiradooda iyo haddii ay ku filan yihiin inuu qabsoomo kulanka maanta.

Waxaa weli jirta rajo ah in la qabto doorashada guddoonka Golaha Shacabka, waxaana goordhow Wariyeyaasha loo ogolaaday inay gudaha u galaan hoolka Afisyoone si ay doorashadaas ugu soo tabiyaan dadka Soomaaliyeed ee la socda.

Daawo: Dhabancad oo baaq u diray xildhibaanada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha ku-meel gaarka ah ee Golaha Shacabka Cabdisalaan Dhabancad oo goor dhaweyd shir jaraa’id ku qabtay hoolka lagu wado inay ka dhacdo doorashada guddoonka Golaha Shacabka ayaa baaq u diray xildhibaanada ka maqan hoolka.

Guddoomiye Dhabancad ayaa ugu baaqay xildhibaanada inay si deg deg ah usoo xaadiraan hoolka si ay u bilaabaan doorashada Golaha Shacabka, oo uu sheegay inay maanta dhici doonto.

Cabdisalaan Dhabancad, oo dhanacyada ay ka taagnaayeen dhowr xildhibaan iyo guddoomiyaha guddiga doorashada golaha shacabka, ayaa ciidamada ammaanka ugu baaqay inay xildhibaanada u fududeeyaan soo gelista hoolka doorashada.

“Aniga iyo xildhbaano kale waxaan joognaa halkii lagu ballamay, waxaa hoolka joogo xildhibaano aan badneyn, waxaana xildhibaanada maqan ka codsanayaa inay soo xaadiraan teendhada, waxaan maqlay in xildhibaano badan jidadka laga celiyey, jidadka waa la furay hadda anaga ayaana codsanay,” ayuu yiri guddoomiye Dhabacad.

Hadalka guddoomiyaha ayaa kusoo aaday xilli inta badan xildhibaanada Golaha Shacabka loo diiday inay soo galaan hoolka, waxaa kaliya hadda gudaha ku jiro xildhibaanada mucaaradka oo watay ciidamo aad u hubeysan.

Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene oo katirsan Golaha Shacabka ayaa goor sii horeysay sheegay in Ciidamo Boolis ah ay Xildhibaanada u diideen inay tagaan Goobta doorashada ee Teendhada Afisiyooni.

Qoraal uu Xldhibaanka soo dhigay Bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in Mas”uuliyad daradii dalkeenna hogaan kiisa haysatay shantii sano ee lasoo dhaafay ay khaatumadeedii kusii guda jiraan waa sida uu hadalka u dhigay.

War kasoo baxay Saaxiibada Soomaaliya ayaa looga hadlay howlaha Doorashooyinka Dalka gaar ahaan tan Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, khilaafaadka taagan iyo Dhinacyada caqabadda ku ah geedi-socodka.

Qoraalka ayaa ugu horreyn lagu soo dhaweeyay Doorashada Guddoonka Aqalka Sare Baarlamaanka Federalka, Beesha Caalamka ayaa ku tilmaamtay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka Doorashooyinka Soomaaliya.

Waxa ay ka digeen qalalaase iyo dib udhac markale dhaawaca geedi-socodka Soomaaliya, Beesha Caalamka ayaa soo jeediyay khilaafaadka siyaasadeed ee jira in xal loo helo si loo dhammeystiro doorashada Dalka.

Xildhibaano ‘loo diiday’ inay galaan xerada Afisyoone

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xiiisad xoogan ayaa weli ka taagan aagga Teendhada Afisyoone oo lagu wado in maanta lagu qabto doorashada guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya iyo ku xigeennadiisa 1-aad iyo 2-aad.

Doorashada oo ka daahday in la bilaabo waqtigii lagu ballamay ayaa waxaa lasoo warinayaa in weli xildhibaannada qaar aysan gaarin hoolka doorashada, oo loo diiday inay dhaafaan baraha kontorool.

Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan Beene Beene oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa shaaca ka qaaday in isaga iyo xildhibaano kale oo ku sii socday goobta doorashada ay ciidamo Boolis ah ku celiyeen irdihii laga galo garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

“Ciidamada Police ka ayaa si fowda ah irdihii laga galayey Aden Cadde Airport gabi ahaanba diiday in xildhibaanadu tagaan teendhadii doorashada gudoonka golaha shacabka ka dhici lahayd,” ayuu ku yiri qoralka uu soo saaray Xildhibaan Maxamuud C/raxmaan Beene Beene.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in arrintan ay ka dambeyso Villa Soomaaliya, gaar ahaan maamulka hayey hoggaanka dalka, shantii sano ee lasoo dhaafay.

“Mas”uuliyad daradii dalkeenna hogaan kiisa haysatay shantii sano ee lasoo dhaafay ayaa khaatumadeedii kusii guda jirnaa,” ayuu sii raaciyey xildhibaanku.

“Insha Allaah sadaxda isbuuc ee soo socota hogaan kaan fowdada ah idim Alle dalka wuu kabaxayaa oo doorashada ayaa xalineysa. Hala dulqaato, halaysku sabro, maalmihii wacnaa, demoqaraadiyaddii iyo hogaankii dadka isku wadi jiray baa inoo bilaaban doona Insha Allaah” ayuu markale qoraalka ku yiri Beene Beene oo lagu soo doortay Beledweyne.

Dhinaca kale, ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in qaar badan oo ka mid ah xildhibaanada ay hadda dib usoo laabteen, ayaga oo ku sugan hoteelka Jazeera iyo hoteellada kale ee ka agdhow garoonka.

Si kastaba, waxaa jira tiro xildhibaano ah oo gudbay, mana cadda inta ay le’eg tahay tiradooda iyo haddii ay ku filan yihiin inuu qabsoomo kulanka maanta.

Waxaa weli jirta rajo ah in la qabto doorashada guddoonka Golaha Shacabka, waxaana goordhow Wariyeyaasha loo ogolaaday inay gudaha u galaan hoolka Afisyoone si ay doorashadaas ugu soo tabiyaan dadka Soomaaliyeed ee la socda.

Xildhibaan Jacfar oo farriin culus kasoo diray Afisyoone

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Abuukar Jacfar oo Wariyeyaasha kula hadlay xarunta Teendhada Afisyoone ayaa ka hadlay doorashada guddoomiyaha baarlamaanka iyo labadiisa ku xigeen oo saacadaha soo socda ka dhaceysa halkaasi.

Jacfar ayaa marka hore beeniyey in xildhibaano laga celiyey goobta ay doorashada ka dhaceyso, maadaama la geeyey ciidamo dheeraad ah oo suga amniga Afisyoone.

Sidoo kale xildhibaannada aan weli tegin goobta ayuu farriin u diray, wuxuuna ugu baaqay inay soo xaadiraan, si loo qabto doorashada guddoonka Golaha Shacabka Soomaaliya.

“Wax la celi karaahu ma jiraan qof kasta hasoo socoto marka la celsho markaas ayaa war nooga dambeeyaa qof walba hasoo socoto ha timaado hoolka,” ayuu yiri xildhibaan Jafar.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyey “Musharixiinta ha yimaadaan iyagaa doorasho rabee yeysan meesha nagu lugoyn,”.

Doorashada ayaa lagu wadaa inay goordhow bilaabato, waxaana Afisyoone si teel teel ah u gaaraya xildhibaanada cusub ee baarlamaanka Soomaaliya, si ay guddoon u doortaan.

Xiisad xoogan ayaa ka taagan doorashada guddoonka Golaha Shacabka, waxayna ka dhalatay xildhibaannada lagu soo kala doortay Ceelwaaq iyo Garbahaarey, mida kale waa arrinta amniga oo uu is qab qabsi ka dhashay, maadaama ra’iisul wasaaraha amray inay la wareegaan ciidamada ATMIS, halka ay ka horyimaadeen Farmaajo iyo taliyaha Ciidanka Booliska, taas oo xiisadda uga sii dartay.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse shalay ayey aheyd markii xarunta Afisyoone lagu qabtay doorashada guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare iyo labadiisa ku xigeen.

Maxay Beesha Caalamka ka tiri xiisadda ka taagan dhameystirka doorashada?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed ka soo baxay xubnaha Beesha Caalamka ayaa waxaa looga hadlay xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan xiisadda haatan ka taagan dhammeystirka doorashooyinka dalka Soomaaliya oo marar badan dib u dhacay.

Qoraalkan ayaa waxaa Beesha Caalamka ay ku sheegtay in madaxda Soomaaliyeed ee is haya looga baahan yahay inay si nabadoon kusoo gabagabeeyaan doorashooyinka.

“Iyadoo ay doorashooyinka Guddoomiyeyaasha iyo Guddoomiye Ku-xigeennada Baarlamaanka ay dhacayaan todobaadkan, ayaa saaxiibada Soomaaliya ee caalamka waxay boorinayaan in geeddi-socodka lagusoo gababageeyo si nabdoon,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Beesha Caalamka ayaa sidoo kale ugu baaqday hoggaamiyeyaasha siyaasadda inay is xakameeyaan, isla-markaana khilaafaadka ku xalliyaan wada-hadal & isu tanaasul.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa dhanka kale soo dhoweeyey doorashadii guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare iyo labadiisa ku xigeen ee shalay lagu qabtay Teendhada Afisyooni.

“Waxaan soo dhoweynaynaa doorashada Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeennada Aqalka Sare ee qabsooontay 26ka Abriil 2022,” ayaa markale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Halkan hoose ka aqriso:-

Iyadoo ay doorashooyinka Guddoomiyeyaasha iyo Guddoomiye Ku-xigeennada Baarlamaanka ay dhacayaan todobaadkan, ayaa saaxiibada Soomaaliya ee caalamka waxay boorinayaan in geeddi-socodka lagusoo gababageeyo si nabdoon. Waxaan soo dhoweynaynaa doorashada Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeennada Aqalka Sare ee qabsooontay 26ka Abriil 2022.

Kadib dib-u-dhacii dheeraa ee uu lasoo kulmay geeddi-socodka doorashada Soomaaliya, waa in aan loo oggolaan xiisadaha siyaasadeed iyo dhacdooyinka amni inay carqaladeeyaan marxaladda ugu dambeysa ee geeddi-socodka. Waxaan ku boorineynaa dhammaan madaxda Soomaaliyeed inay is-xakameeyaan, khilaafaadkana ay ku xalliyaan isu-tanaasul, kana fogaadaan sii hurinta dhacdo kasta. Arrinta ay Soomaaliya sida degdega ah diiradda u saarayso waa inay ahaato sidii si deggan oo lagu kalsoonaan karo loogusoo gabagabayn lahaa geeddi-socodka doorashada, si markaasi madaxda sida saxda ah loo soo doortay ay wax uga qabtaan arrimaha hortabinta u leh qaranka.

Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Belgium, Canada, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Kenya, Holand, Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Uganda, Isutagga Imaaraadka Carabta, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka and Qaramada Midoobay.

R/W Rooble oo kasoo dagay garoonka Muqdisho, una sii gudbay AFISYOONE

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka, waxaana garoonka Aadan Cadde kusoo dhoweeyey wasiiro ka tirsan golihiisa iyo saraakiil ciidan.

Rooble ayaa ka yimid dhanka magaalada Geneva ee dalka Switzerland, halkaas oo uu uga soo qeyb galay shir caalami ah oo ku saabsan abaaraha ba’an ee ka jira Geeska Afrika, isaga oo kulamo looga hadlayo xaaladda bani’aadanimo ee Soomaaliya la yeeshay madaxda lagu casuumay shirkaasi.

Ra’iisul wasaaraha ayaa isla markiiba usii gudbay xerada Afisyooni oo ay maanta ka dhaceyso doorashada guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya iyo labadiisa ku xigeen.

Wararka ayaa sheegaya in Maxamed Xuseen Rooble uu durbadii bilaabay kulamo uu la yeelanayo saraakiisha howlgalka ATMIS iyo xubnaha Beesha Caalamka, kuwaas oo looga hadlayo dhameystirka doorashooyinka dalka.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in goobta ay ka dhaceyso doorashada laga celiyey Wariyeyaal iyo qaar ka mid ah shaqaalaha Baarlamaanka, maadaama dhaq dhaqaaq xoogan laga dareemayo halkaasi.

Xiisad xoogan ayaa ka taagan doorashada guddoonka Golaha Shacabka, waxayna ka dhalatay xildhibaannada lagu soo kala doortay Ceelwaaq iyo Garbahaarey, mida kale waa arrinta amniga oo uu is qab qabsi ka dhashay, maadaama ra’iisul wasaaraha amray inay la wareegaan ciidamada ATMIS, halka ay ka horyimaadeen Farmaajo iyo taliyaha Ciidanka Booliska, taas oo xiisadda uga sii dartay.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse shalay ayey aheyd markii xarunta Afisyooni lagu qabtay doorashada guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare iyo labadiisa ku xigeen.

Wararkii ugu dambeeyey ee doorashada guddoonka golaha shacabka Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa lagu wadaa in maanta lagu qabto doorashada guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya iyo labadiisa ku xigeen, taas oo ay u tartamayaan musharixiin dhowr ah.

Doorashada ayaa ka dhacaysa Teendhada Afisyooni, waxaana fariin wargelin ah loo diray xildhibaanada, iyada oona dhanka kale si weyn loo adkeeyey ammaanka wadooyinka gala xeradaasi.

Xilka guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa waxaa isku soo taagay 1: Aadan Aadan Maxamad Nuur Madoobe, 2: Cabdullaahi Aadan Axmed Black, 3: Maxamad Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, 4: Sadiiq Cabdi Nuur, 5: Aadan Maxamad Nuur Saransoor, 6: Shariif Maxamad Cabdalla, 7: Cabdirashiid Maxamad Xidig 8: Xasan Cabdi Nuur.

Sidoo kale waxaa guddoomiye ku xigeenka Koowaad ku tartami doono xildhibaanada kala ah:- 1: Maxamad Cumar Caana nuug, 2: Maxamad Cumar Ceymoy, 3: Sacdiya Xaaji Yaasiin, 4: Maxamad Nuur Abubakar Shariif Mustafa, 5: Maxamad Cabdiqadir Jeego, 6: Cabdiraxman Cabduqaadir Cadde, 7: Cabdikariin Cabdow Xeydar.

Waxaa sidoo kale xilka guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka isku soo sharraxay 1: Cabdulaahi Cumar Abshirow, 2: Mahad Cabdalla Cawad, 3: Maxamad Xuseen Abuukar, 4: Asad Cabdirisaaq Maxamad, 5: Axmad Aadan Axmad, 6: Saciid Maxamad Cali.

Xiisad xoogan ayaa ka taagan doorashada guddoonka Golaha Shacabka, waxayna ka dhalatay xildhibaannada lagu soo kala doortay Ceelwaaq iyo Garbahaarey, mida kale waa arrinta amniga oo uu is qab qabsi ka dhashay, maadaama ra’iisul wasaaraha amray inay la wareegaan ciidamada ATMIS, halka ay ka horyimaadeen Farmaajo iyo taliyaha Ciidanka Booliska, taas oo xiisadda uga sii dartay.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse shalay ayey aheyd markii xarunta Afisyooni lagu qabtay doorashada guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare iyo labadiisa ku xigeen.

Wasiirka Amniga oo shaqada ka joojiyey taliyaha booliska

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa shaqada ka joojiyey taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya Jeneraal Cabdi Xasan Xijaar, oo uu ku eedeeyey inuu wado falal amni-darro oo halis ah.

Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay inuu go’aankan qaatay kadib markii uu garowsaday khatarta iyo xasilooni-darada dalku ku sugan yahay ee abuurtay hubanti la’aanta dhamaystirka doorashooyinka oo uu sabab u yahay Taliyaha Boliiska Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in Taliyaha Ciidanka Boolisku uu si bareer ah iskugu dayay in uu u hor-istaago doorashada Guddoonka Golaha Shacabka ee loo balansan yahay maanta oo ah 27/4/2022, islamarkaana uu si bareer ah ugu milmay arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka dalka asaga oo u adeegaya dano gaar ah.  

Wasiirka ayaa intaas ku daray inuu helay xogo muujinaya in uu taliyuhu ku howlan yahay falal khatar ku ah badqabka qaar ka mid ah siyaasiyiinta dalka iyo ma’suuliyiin sarsare oo xilal muhiim ah ka haya dalka.

Isaga oo eegaya arrimahaas oo dhan ayuu yiri wasiirka “Waxaa shaqo joojin lagu sameeyay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed, laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 27 April 2022.”

Wasiirka ayaa sheegay in si KMG ah hogaanka Ciidanka Booliska usii wadayo Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa faray saraakiisha ciidamada Booliska iyo Nabad-Sugidda in ay ka fogaadaan kumilanka siyaasada gaar ahaan arimaha doorashooyinka una gutaan waajibaadkooda si dastuuri 

Wasiirka Amniga ayaa ku wargeliyey Guddoonka KMG ah ee Golaha Shacabka iyo xildhabaanada sharafta leh in ay u madaxbanaan yihiin goorta, Goobta qabashada doorashada Guddoonka Golaha.

Tallaabada uu qaaday wasiirka ayaa timid kadib markii aliyaha booliska Soomaaliya Jeneraal Cabdi Xasan Xijaar ayaa soo jeediyey in dib loo dhigi doorashada guddoonka Golaha Shacabka ee Arbacada, sababi amni dartood.

Taliye Xijaar oo la rumeysan yahay inuu ku xiran yahay Villa Somalia ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ku yiri “Ma damaanad qaadi karno amniga doorashada berri dhacaysa, waxaan soo jeedinaynaa in dib loo dhigo doorasahadaasi, sabab amni darteed.”


 

Taliye Xijaar oo dalbaday in dib loo dhigo doorashada guddoonka golaha shacabka

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha booliska Soomaaliya Jeneraal Cabdi Xasan Xijaar ayaa soo jeediyey in dib loo dhigi doorashada guddoonka Golaha Shacabka ee Arbacada maanta ah, sababi amni dartood.

Taliye Xijaar oo la rumeysan yahay inuu ku xiran yahay Villa Somalia ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ku yiri “Ma damaanad qaadi karno amniga doorashada berri dhacaysa, waxaan soo jeedinaynaa in dib loo dhigo doorasahadaasi, sabab amni darteed.”

Taliye Xijaar ayaa sheegay in nidaamkii amniga teendhada Afisyoone oo ahyed in lagu soo wareejiyo laba maalmood kahor si ay u xaqiijiyaan amniga doorashada, taasi oo sida uu sheegay aan dhicin.  

Taliye Xijaar ayaa sheegay in dib u dhacan ay mas’uul ka yihiin guddoomiyaha ku-meel gaarka ah ee Golaha Shacabka iyo kooxda la shaqeyneysa, waxaana arrimaha jira uu sheegay inay ka mid yihiin inaan loo soo gudbin liiska xildhibaanada iyo marti-sharafta kale ee ka qeyb-galeysa doorashada.

Xijaar ayaa sidoo kale sheegay in codsigooda ku aadan dib u dhigista ay qeyb ka tahay in la xaliyo khilaafka ka taagan xildhibaanada ka qeyb-galaya codeynta, oo uu ula jeedo muranka xildhibaanada lagu soo doortay Ceelwaaq iyo xubnaha ka yimid dhanka Garbahaarey ee sheegay inay xildhibaano yihiin. 

Waxa uu intaas ku daray in ATMIS ay la shaqeeyaan booliska Soomaaliyeed, ayna ku wargeliyaan arrintan, ayna ogyihiin in xaaladda amniga ee haatan aysan suurta-gelineyn inay doorasho dhacdo. 

Taliye Xijaar ayaa ugu dambeyn sheegay in arrintan ay tahay soo jeedin kaliya, islamarkaana go’aanka qabashada iyo dib u dhigista doorashada ay leeyihiin guddoomiyaha ku-meel gaarka ah ee Golaha Shacabka iyo guddiga doorashada golaha shacabka.

Hadalka kasoo yeeray Xijaar ayaa imanaya ayada oo horey loogu jeediyey eedeymo la xiriira inuu Villa Somalia kala shaqeynayo carqaladeynta doorashada guddoonka, taasi oo uu ku beeniyey qoraal uu horey usoo saaray.

Guddoomiye Cabdirisaaq oo ka jawaabay warkii kasoo baxay xubno ka tirsan guddiga

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Golaha Shacabka Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa iska fogeeyay war ay faafiyeen xubno ka mid ah Guddigiisa.

Xubnahana oo saddex ahaa ayaa saxaafadda u sheegay go’aan ah in Guddiga Doorashada Golaha Shacabka uu isla qaatay in Doorashada Berri ee Guddoonka aanay ka qeyb gelin labada dhinac xildhibaanna lagu soo kala doortay Ceelwaaq iyo Garbahaarey.

Guddoomiyaha Guddiga ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay inuusan waxba kala socon, waxna ka ogeyn shirka jaraa’id oo ay qabteen xubno ka mida Guddiga, isagoo xubnahaasi ku eedeeyay inay khadleen shacabka oo wax aan shaqadooda ahayn ay galeen.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashada ayaa caddeeyay in shaqada Guddiga aysan ahayn cidda Doorashda laga reebayo oo ay tahay shaqada Guddoonka KMG ah iyo Xogheynta baarlamaanka.

Warka Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa yimid kadib markii xubno ka mida Guddigiisa ay saxaafadda la hadleen iyadoo go’aan ay qaateen shaaciyey, taasoo la beeniyay.

Xubnahaan oo afar qof ah waxay sheegeen inay isku raaceen in doorashada berri laga reebo metelaada gobolka Gedo, kadib markii ay arkeen qatarta kasoo wajahan doorashada berri.

Xubnahaan oo afar qof ah waxay sheegeen inay isku raaceen in doorashada berri laga reebo metelaada gobolka Gedo, kadib markii ay arkeen qatarta kasoo wajahan doorashada berri.

TOOS: Daawo wareegga labaad ee doorashada oo laba musharax ay isugu soo hareen

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa hadda la guda galay wareegga labaad ee doorashada guddoomiyaha golaha shacabka, iyadoo lagu kala bixi waayey wareegii koowaad.

Labo musharax ayaa u gudubtay wareegga labaad ee doorashada, kuwaas oo kala ah, Xasan Cabdinuur oo wareegii koowaad helay 98-cod iyo Sheekh Aadan Madoobe oo isna wareegii koowaad helay 74-cod.

Cabdulaahi Black oo wareegii koowaad helay 33-cod iyo Aadan Saransoor oo isna wareegii koowaad helay 24-cod, isla markaana fursad u heystay inay u gudbaan wareegga labaad ayaa u tanaasulay Sheekh Aadan Madoobe.

Wareegii koowaad waxaa codadka loo kala helay sidaan:

1- Xasan Cabdinuur 98-cod
2- Sheekh Aadan Madoobe 74-cod
3- Cabdulaahi Black 33-cod
4- Aadan Saransoor 23-cod
5- Shariif Maxamed Cabdalla 13-cod
6- Cabdirashiid Maxamed Xidig 6-cod
7- Xildhibaan Saadaq Cabdullaahi Cabdi 5-cod.

Hoos ka daawo codeynta doorashada

Xubno ka jabay guddiga doorashada guddoonka BF oo go’aan soo saaray + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubno ka tirsan guddiga doorashada guddoonka golaha shacabka ee baarlamaanka 11-aad ayaa caawa shir jaraa’id qabtay, ayagoo soo jeediyey in doorashada berri laga reebo xildhibaanadii lagu soo kala doortay Ceelwaaq iyo Garbahaarey.

Xubnahaan oo afar qof ah waxay sheegeen inay isku raaceen in doorashada berri laga reebo metelaada gobolka Gedo, kadib markii ay arkeen qatarta kasoo wajahan doorashada berri.

Waxaa maqan oo aan weli soo hadlay garabkii kale ee guddigaan oo guddoomiyaha guddiga Cabdirisaaq Cumar Maxamed uu ku jiro, kuwaas oo la sheegay inay rabaan in xubnihii lagu soo doortay Ceelwaaq ay doorashada berri ka qeyb galaan.

16-kii Xildhibaan ee lagu soo doortay Ceelwaaq, waxaa caqabad looga dhigay 16 kale oo lagu soo dhisay Garbahaarey, kuwaas oo xalay isku dhaariyey Muqdisho.

Arbacada berri ee 27-ka April ayaa loo balansan yahay doorashada guddoonka golaha shacabka ee baarlamaanka 11-aad, balse kooxda Farmaajo ayaa muran gelineysa ka qeyb galka doorashada ee xubnihii lagu soo doortay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Daawo: Xijaar iyo ciidankiisa oo caawa tegaya Afisyoone – Muxuu yahay qorshahooda?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo caawa warbaahinta la hadlay ayaa iska fogeeyey eedeymo loo jeediyey oo ay ka mid yihiin inuu xirtay xarunta golaha shacabka ee Villa Hargeysa iyo inuu shalay guddoomiye Dhabancad u diiday teendhada Afisyooni, halkaas oo lagu dhaari lahaa xildhibaanadii lagu soo doortay Ceelwaaq.

Wuxuu qiray in shalay ay u yimaadeen guddoomiye Dhabancad iyo masuuliyiin kale, isagoo ku sugan Afisyooni, balse uu u sheegay inay ku jiraan u diyaar garowga doorashada guddoonka Aqalka Sare oo maanta dhacday, sidaas darteena aan howl kale lagu qaba karin teendhada.

Sidoo kale ayaa cadeeyey in howsha sugidda amniga ay u maarey doonaan sidii maanta oo kale, isla markaana liiska dadka tegaya teendhada ay ka sugayaan guddoomiyaha KMG ah ee golaha shacabka iyo xoghaynta baarlamaanka, xilli caawa uu Ra’iisul Wasaare Rooble amray in boolisku uu faraha kala baxo doorashada, amiga Teendhadana ay ATMIS la wareegto.

“Caawa waxaan u soo jeednaa inaan Teendhada habeen barkii tagno oo Ciidamo iyo Eeyo baara geyno, liiska dadka imaanaya anaga waxaa noo soo gudbinaya guddoomiyaha KMG ah ee golaha shacabka iyo aqalka sare iyo xog-hayeyaasha sidii maanta la yeelay, waana been in boolisku u diiday guddoomiyaha KMG ah xarumaha Villa Hargeysa iyo Teendhada Afisyooni ee yaan ummadda la jahwareerin,” ayuu yiri Xijaar.

Taliye Xijaar ayaa sidoo kale eedeyn u jeediyey siyaasiyiin uu sheegay inay been ugu abaal gudeen ciidanka booliska oo sida uu sheegay masuuliyad adag iska saaray doorashadaan soo jiitameysay labada sano.

Wuxuu iska fogeeyey in xarunta Villa Hargaysa ay ammaankeeda gacanta ku hayaan, wuxuuna siyaasiyiin iyo dadka kaleba ka codsaday inay been abuurka ka daayaan booliska oo sida uu sheegay ay ka go’antahay sugida amniga doorashooyinka socda.

Hoos ka daawo

Farmaajo oo ka jawaabay amarkii Rooble ee ATMIS, soona saaray mid cusub

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha mudo xileedku ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa soo saaray qoraal lix qodob ah oo cinwaan uu uga dhigay, “Hawlgalka ATMIS wuxuu ku shaqeynayaa habraaca amniga doorashooyinka ee ay ku heshiiyeen madasha wadatashiga qaranka.”

Qoraalkaan oo jawaab u ah mid saacado ka hor xafiiska Ra’iisul wasaaraha ka soo baxay ayuu Farmaajo ku sheegay in ATMIS aysan la wareegi doonin ammaanka Afisyooni, taas bedelkeedna ay ciidanka booliska uga dambeyn doonaan howlaha sugidda amaanka doorashooyinka dalka.

Sidoo kale Farmaajo ayaa ku taliyey in doorashada laga reebo xildhibaanada beeshiisa ee baarlamaanka ka soo galay gobolka Gedo, kadibna ay heshiis ka gaaraan golaha wadatashiga qaranka ee RW Rooble iyo madax goboleedyada, oo ayagu aan wax dood ah ka qabin doorashadii Ceelwaaq.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka Farmaajo

Muqdisho, Abriil 26, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo markuu arkay dhacdooyinkii u dambeeyay ee la xiriiray arrimaha doorashooyinka iyo baahida loo qabo dhammeystirka doorashada Guddoonka Golaha Shacabka, wuxuu Madaxweynuhu adkeynayaa qodobbadan;

1- Sida ku cad habraacyadii ay ku heshiiyeen Madasha Wadatashiga Qaran, Guddiga Amniga Doorashada oo uu Guddoomiye u yahay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ayaa masuul ka ah sugidda amniga doorashooyinka dalka. Sidaas darteed, Hawlgalka ATMIS wuxuu ku shaqeynayaa hannaanka u degsan amniga doorashooyinka oo uu hormuudka u yahay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

2- Golaha Shacabku waa hay’ad astaan u ah mataaladda iyo madaxbannaanida shacabka Soomaaliyeed. Amniga xarumaha ay ku shaqeynayaan waxaa masuul ka ah Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

3- Hawlgalka ATMIS wuxuu gacan siiyaa Ciidamada Qalabka Sida, iyaga oo iskaashi wadashaqeyn la leh Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, oo ah hoggaanka arrimaha amniga doorashooyinka.

4- Hawlgalka ATMIS wuxuu ku shaqeynayaa habraaca amniga doorashooyinka ee ay ku heshiiyeen Madasha Wadatashiga Qaranka, umana hoggaansami karaan amar kasoo baxay hal xafiis oo aan awood u lahayn inuu farageliyo hawlaha Golaha Shacabka.

5- Madaxweynuhu wuxuu adkaynayaa in la dardargeliyo doorashada Guddoonka Golaha Shacabka, wuxuuna ka digayaa falalka lidka ku ah Heshiiskii 17-ka Sebteembar iyo habraacyadii ku lifaaqnaa oo ay Madashu ku heshiisay.

6- Sida ku cad wareegtadii uu Madaxweynuhu 22-kii Abriil 2022, ka soo saaray doorashooyinkii is barbar socday ee Gobolka Gedo, Xildhibaannada lagu soo doortay Degmooyinka Garbahaarey iyo Ceelwaaq kama qeyb gali karaan doorashada iyada oo aan la helin heshiis ay wadar-oggol u gaareen Madasha Wadatashiga Qaranka si waafaqsan Heshiiskii 17-ka Sebteembar 2020, ama uusan Barlamaanka 11-aad soo saarin sharci wax ka baddalaya xeerkii Barlamaankii 10-aad labadiisa Aqal ay horey u wada ansixiyeen.

DHAMMAAD

Jeneraal Jaamac Maxamed Qaalib oo geeriyooday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa caawa magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti ku geeriyooday Taliyihii hore ee ciidanka Booliiska Soomaaliya, Jeneraal Jaamac Maxamed Qaalib.

Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen xubno ka tirsan qoyskiisa Marxuumka ayaa waayihii dambe bare ka ahaa Jaamacadda ummadda Soomaaliyeed ee Muqdisho, waxaana la sheegay inuu u geeriyooday xanuun ka hayey dhanka wadnaha.

Sanadkii 1933-kii ayey taariikhdu xustay in Marxuum Jaamac Maxamed Qaalib uu ku dhashay degaanka Dhoodi-gaban ee gobolka Sanaag.

Sannadkii 1955-kii ayuu ku biiray ciidanka booliska Soomaaliya, iyadoo sanadkii 1962-kii loo magacaabay Madaxii Sirdoonka iyo Amniga Qaranka Soomaaliya.

Sidoo kale sanadkii 1970-kii ayaa loo magacaabay Taliyihii guud ee ciidanka booliiska Soomaaliyeed.

Sannadihii 1956-kii ilaa 1957-kii, ayey tariikhdu xustay in tababarro culus uu ku qaatay Machadkii Tababarrada ee Sheekh, kadibna waxa uu tababar kale u tagay Dugsigii Tababarka Booliiska ee Metropolitan Police, London.

Hoos ka eeg sawirradii Marxuumka waayihiisii ciidanka iyo xiliyadii dambe