26.5 C
Mogadishu
Monday, June 22, 2026

FARMAAJO iyo ROOBLE oo ka falceliyey doorashada guddoomiye ku-xigeenada

0

Muqdisho (Caasimada Online)– Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka falceliyey doorashada guddoomye ku-xigeenada golaha shacabka Soomaaliya ee maanta dhacday. Hoos ka aqriso qoraallada ay soo saareen.

Qoraalka Farmaajo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Guddoomiye Ku-xigeennada Cusub ee Golaha Shacabka oo loo kala doortay, Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar  iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, isaga oo Alle uga baryey in uu u fududeeyo mas’uuliyadda loo doortay.

Qoraalka Rooble

Waxaan u hambalyeynayaa Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka BJFS xildhibaan Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar oo caawa la doortay.

Waxaan Eebbe uga baryayaa in uu la garab galo mas’uuliyadda qaran ee culus ee loo doortay.

Maadaama Guddoomiye Sacdiyo tahay gabadhii ugu horreysay ee qaranka Soomaaliyeed u qabata xilkan sare ee muhiimka ah, sidaas darteed waxaan hambalyada la qeybsanayaa guud ahaan haweenka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan, anigoo guddoomiye ku-xigeenka iyo haweenka Soomaaliyeedba u rajeynaya horumar iyo guulo joogto ah.

Sacdiyo Yaasiin iyo C/llaahi Abshiroow oo ku guuleystay gudoomiye ku-xigeenada BF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lasoo gabagabeeyay doorashadii guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka, waxaana ku guuleysatay Sacdiyo Yaasiin Samatar oo heshay 137 cod halka murashaxii la tartamayay Maxamed Cumar Caana-Nuug uu ka helay 107 cod.

Waa markii ugu horeysay taariikhda Somalia oo ay ku guuleysato haweeney guddoonka baarlamaanka Somalia, iyadoo Xildhibaanad Sacdiyo Yaasiin Samatar ay ka guuleysatay murashaxii la tartamayay ee Maxamed Cali Cumar (Caana-nuug).

Xildhibaan Caana-nuug ayaa aqbalay natiijada, isagoo sheegay inuu la shaqeynaayo guddoonka cusub ee baarlamaanka mudada afarta sano ee soo socota.

Guddoomiye Sacdiyo ayaa iyadana u mahad celisay xildhibaanada ku aaminay codkooda, iyadoo sheegtay in balantii ay qaaday ee khudbadii ay ka hor jeedisay xildhibaanada ay ku shaqeyn doonto, waxayna u mahad celisay dhinacyadii kala duwanaa ee lasoo shaqeeyay.

Sidoo kale, Guddoomiye kuxigeenka labaad ayaa waxaa ku guuleystay Cabdullaahi Cumar Abshiroow oo codod dhan 146 kaga guuleystay Mahad Cabdalla Cawad oo ku haray 91 cod.

Cawad iyo Abshiroow ayaa si wada jir ah ugu mahad celiyay xildhibaanadii codka siiyay, iyagoo sheegay inay si wada jir ah baarlamaanka ugu wada shaqeyn doonaan.

Xildhibaan Abshiroow oo horay u ahaa wasiir ku-xigeenka kalluumeysiga ee xukuumadda R/W Rooble ayaa sheegay inuu ka shaqeyn doono isbadalka dhacay.

Sacdiyo Yaasiin ayaa waxaa lagu xusuustaa inay caan ku aheyd doodaha baarlamaankii 10- inaad ka dhex muuqato iyadoo fikirkeeda ay ku dhaliili jirtay guddoonkii hore ee baarlamaanka iyo madaxweyne Farmaajo.

Labada Guddoomiye kuxigeen ayaa isla goobta lagu dhaariyay, iyadoo amaankooda ay la wareegeen ciidamada amaanka.

Musharaxiinta Villa Somalia oo ku haray wareegga 1-aad

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaana Khadiija Maxamed Diiriye iyo Xildhibaan Maxamed-weli Cabdalle Axmed oo kamid ahaa Afartii musharax ee ugu codka badna wareega koowaad ee doorashada guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee golahaas ayaa ka haray tartanka, kadib markii ay tanaasuleen.

Maxamed-weli ayaa waxa wadatay Villa Somalia iyo Khadiija Diiriye oo iyana lagu tiriyo dhankaas ayaa labadaba ka haray tartanka, xili ay safka hore kasoo galeen wareegii koowaad ee doorashada.

Waxaa wareega labaad ee doorashada guddoomiye ku-xigeenka 1-aad iskugu soo haray Xildhibaan Maxamed Cali Cumar (Caana-nuug) iyo Sacdiya Yaasiin Xaaji (Samatar).

Caana-nuug iyo Sacdiya ayaa waxay labadaba ka tirsan yihiin kooxaha mucaaradka, waxaana sidaas markale ku seegay kooxda Farmaajo ee Villa Somalia inay qeyb ka noqoto guddoonka Golaha Shacabka. Natiijadan ayaa ka dhigan jab kale oo soo gaaray kooxda madaxweyne Farmaajo.

Si kastaba, Dhammeystirka doorashada guddoonka baarlamaanka labada aqal ayaa dalka ka saareysa xaalad hubanti la’aan ah oo ay Soomaaliya ku jirtay muddo ka badan hal sano iyo dheeraad.

Waxaa goordhow xerada Afisyooni si rasmi ah uga bilaabaneysa wareega labaad ee doorashada guddoomiye ku xigeenada koowaad ee Golaha Shacabka Soomaaliya, taas oo dhammeystir u ah doorashada guddoonka cusub ee baarlamaanka.

Natiijada wareega 1-aad ee doorashada guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee BF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa hadda lasoo gaba-gabeeyey wareegga koowaad ee codeynta xildhibaanada golaha shacabka ee doorashada guddoomiyaha ku-xigeenka 1-aad ee golahaas, oo ka socota teendhada Afisyoone ee magaalada Muqdisho.

Doorashada maanta oo dhameystir u aheyd middii guddoonka cusub ee Baarlamaanka oo xalay lagu kala baxay ayaa waxaa isku soo taagay Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad 10 musharrax, kuwaasi oo kala ah;

Wareega Koowaad ayaa waxaa codadka ugu badan helay Xildhibaan Maxamed-weli Cabdale Axmed, waxaana codadka loo kala helay sidan:

1. Maxamed-weli Cabdalle Axmed: 59 cod
2. Maxamed Cali Cumar (Caano-nuug): 58 cod
3. Sacdiya Yaasiin Xaaji (Samatar): 52 cod
4. Khadiijo Maxamed Diiriye: 21 cod
5. Cabdikariin Abdow Xayder: 15 cod
6. Maxamuud Cabduqaadi Xaaji (Jeego): 12 cod
7.Cabdiraxmaan Cabdiqadir Cadde: 8 cod
8. Saciid Maxmed Maxamuud Xayd: 7 cod.
9. Maxamed Nuur Abuukar: 5 cod
10. Maxamed Cumar Cimow: 4 cod.

Sida uu shaaciyey guddoomiyaha guddiga doorashada Cabdirisaaq Cumar Maxamed. Wareega hore waxaa ka gudbaya 4 musharax, hadii uusan Musharrax helin 50+1 oo ah 139, mana jiro musharax hadda gaaray tiradaas, taas oo ka dhigay in wareeg kale la aadi doono.

Maxamedweli oo ay wadatay Villa Somalia iyo Khadiija Diiriye oo iyana lagu tiriyo dhankaas ayaa labadaba tanaasulay, waxaana isku soo haray Caana-nuug iyo Sacdiya oo labadaba ka tirsan kooxaha mucaaradka.

Natiijadan ayaa ka dhigan jab kale oo soo gaaray kooxda madaxweyne Farmaajo.

Kulanka maanta ee baarlamaanka ayaa waxaa shir guddoominayay Sheekh Aadan Madoobe oo xalay loo doortay guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka, kaas oo dhaba cusub u jeexay isbedalka doorashada Soomaaliya, waxaana guddoonka baarlamaanka ee labada Aqal sidaasi looga adkaaday kooxda Villa Soomaaliya ee madaxweyne Farmaajo.

Doorashada guddoonka baarlamaanka oo soo martay marxalado kala duwan ayaa ugu dambeyn la xaqiijiyey, kadib markii uu waqti culus geliyey ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya oo ah mas’uulka ugu sarreeya maamulka doorashooyinka.

Dhammeystirka doorashada guddoonka baarlamaanka labada aqal ayaa dalka ka saareysa xaalad hubanti la’aan ah oo ay Soomaaliya ku jirtay muddo ka badan hal sano iyo dheeraad.

Waxaa goordhow xerada Afisyooni si rasmi ah uga bilaabaneysa wareega labaad ee doorashada guddoomiye ku xigeenada koowaad ee Golaha Shacabka Soomaaliya, taas oo dhammeystir u ah doorashada guddoonka cusub ee baarlamaanka.

Khadiija Diiriye: Isbedalkii dhacay waa la filayey (Daawo)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye oo ka tirsan xubnaha baarlamaanka 11-aad ee dalka ayaa Wariyeyaasha kula hadlay hoolka doorashada xerada Afisyoone, waxayna ka mid tahay xildhibaanada u taagan guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka oo maanta doorashadiisa lagu qaban doono halkaasi.

Khadiijo Diiriye oo sanado badan ku jirta baarlamaanka ayaa haatan dooneysa inay noqoto gudoomiye ku xigeenka Golaha Shacabka oo marar hore ay isku soo taagtay, mana helin.

Wareysigaan ayey ku sheegtay inay rajo weyn ka qabto tartanka doorashada ee ay geleyso, waxayna shaacisay inay soo dhoweeyn doonaan dadka Soomaaliyeed.

“Waxaan rajeynayaa 100% ay ila tahay in natiijadii xalay guddoonka dadka Soomaaliyeed meel kasto oo ay joogaan ay soo dhoweeyeen, maantana ay soo dhoweyn doonaan natiijada guddoomiye ku xigeenka koowaad iyo labaad,” ayey tiri Marwo Khadiija Diiriye.

Wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye oo hadalkeeda sii wata ayaa shaaca ka qaaday in isbedalkii xalay dhacay uu ahaa mid la filayey, isla-markaana ay iyadu qayb ka tahay isbeddalka, sida ay hadalka u dhigtay.

“Isbedalkii xalay dhacay waa la filayay sidii loo filaayey ayuuna u dhacay. Aniga qaanad kuma jiro markaan isbedalkaan ka mid noqday,” ayey markale sii raacisay.

Marwo Khadiijo Diiriye ayaa 5 sano ee lasoo dhaafay ka mid aheyd kooxda Farmaajo, gaar ahaan xildhibaanada taageersan, balse haatan waxay u muuqataa inay ka baxday garabka Villa Soomaaliya iyada oo la sheego inay leedahay wejiyo siyaasadeed oo kala duwan.

Sheekh Aadan Madoobe oo durba wajahaya go’aanka kiis xasaasi ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) ayaa loo doortay inuu noqdo guddoomiyaha cusub ee golaha shacabka Soomaaliya, kadib doorasho saacado badan qaadatay.

Xildhibaan Sheekh Aadan Madoobe ayaa wareeggii ugu dambeeyey ee doorashada kaga adkaaday xildhibaan Xasan Cabdinuur. Sheekh Aadan Madoobe ayaa helay 163 cod, halka Xasan Cabdinuur uu ka helay 89 cod.

Durbadiiba waa la dhaariyay, howasha ugu horreysay ee hor taalla ayaa waxay ay tahay sida laga yeeli doono arrinta gobolka Gedo iyo xildhibaannada lagu soo kala doortay Garbahaarey iyo Ceelwaaq.

Doorashada ayaa qaadatay wakhti aad u dheer, kadib markii saacado ay u xayirneyd arrinta xildhibaanada lagu soo doortay Ceelwaaq oo xildhibaano taageersan Villa Somalia ay diideen inay kulanka ka qeyb-galaan, waxayna qarka u saartay in ay baaqato doorashadii lagu doortay Madoobe.

Ugu dambeyn ayaa waxaa arrintaa lagu xaliyay in codeynta laga reebo 16-ka Xildhibaan ee lagu soo doortay Ceelwaaq ayada oo sababta lagu sheegay inaysan haysan kaararka aqoonsiga.

Kaararka aqoonsiga ayaa waxaa bixiya xoghayaha baarlamanka Cabdikariim Buux, waxaase meesha ka marneyn ogolaanshaha guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Sheekh Aadan Madoobe wuxuu ku xiran yahay mucaaradka, gaar ahaan Shariif Sheekh Axmed, waxaana aad loo filayaa inuu sameeyo sida ay doonayaan oo ah in la fasaxo kuraasta Ceelwaaq, balse su’aasha waxay tahay sidaas ma sameyn doonaa mise wuxuu qaadan doonaa tallaabo uu dhexdhexaad isugu muujinayo.

Arrinta kale ee jirta ayaa ah in xildhibaanada Ceelwaaq ay soo ansixiyeen guddiga doorashada heer federaal, oo sidoo kale ah kan soo ansixiyey Aadan Madoobe. Sidaas darteed, Aadan Madoobe uma fududa inuu sharci-darro ka dhigo go’aanka guddiga isaga soo meel-mariyey.

Wax ay ahaataba waa go’aan la filayo inuu Aadan Madoobe qaato, waxayna noqon kartaa inuu xaaladda kusoo xumeeyo Farmaajo oo guuldarro kala kulmay doorashadii golaha shacabka oo looga adkaaday murashaxiisa Xasan Cabdinuur.

Waa markii labaad ee Aadan Madoobe uu hoggaamiyo golaha shacabka, isaga oo sidoo kale horey usoo noqday afhayeenka baarlamanka muddadii u dhaxeysay 31-ka Janaayo 2007 ilaa 25-ka May 2010.

Wararkii ugu dambeeyey ee doorashada gudoomiye ku xigeenada golaha shacabka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in maanta la dhammeystiro doorashada guddoonka Golaha Shacabka Soomaaliya, waxaana loo ballansan yahay in la doorto ku xigeenada koowaad iyo labaad kadib markii xalay la doortay gudoomiyaha cusub ee Golahaasi.

Qaban qaabadii ugu dambeysay ee doorashada labadan xil ayaa haatan ka socota Muqdisho, gaar ahaan Teendhada Afisyooni oo ah halka ay ka dhaceyso doorashada.

Musharixiin dhowr ah ayaa ku loolamaya guddoomiye ku xigeenada koowaad iyo labaad ee baarlamaanka 11-aad, kuwaas oo ku kala bixi doono codadka xubnaha baarlamaanka.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad waxaa isku soo taagay illaa 10 musharrax, halka ku xigeenka labaadna ay isku soo sharraxeen illaa 7 xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka.

Kulanka maanta ee baarlamaanka ayaa waxaa guddoomin doono Sheekh Aadan Madoobe oo loo doortay guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka.

“Ku-meel-gaarnimo dambe waa laga baxay,” ayuu yiri gudoomiyihii Ku meel-gaarka ahaa ee Golaha Shacabka Ambasador Cabdisalaan Liibaan Dhabancad.

Doorashada guddoonka baarlamaanka oo soo martay marxalado kala duwan ayaa ugu dambeyn la xaqiijiyey, kadib markii uu waqti culus geliyey ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya oo ah mas’uulka ugu sarreeya maamulka doorashooyinka.

Dhammeystirka doorashada guddoonka baarlamaanka labada aqal ayaa dalka ka saareysa xaalad hubanti la’aan ah oo ay Soomaaliya ku jirtay muddo ka badan hal sano & dheeraad.

Dad muslimiin ah oo lagu laayey dalka ITOOBIYA

Addis Ababa (Caasimada Online) – Illaa 20 qof oo muslimiin ah ayaa lagu dilay gobolka Axmaarada ee dalka Itoobiya iska horimaad dhexmaray rag hubaysan oo aan haybtooda la aqoonsan, sida uu sheegay hoggaamiyaha Muslimiita ee gobolkaasi.

Rabshadaha ayaan la xiriira colaad ka dhacday gobolka Tigray ee dariska la ah, kuwaas oo qarxay bishii Noofambar sanadkii 2020 kuna faafay gobollada Axmaarada iyo Canfarta sannadkii hore.

“Dhacdadu waxay dhacday shalay markii Muslimiintu ay u socdeen inay aasaan shakhsi,” ayuu yiri Seid Muhammed, oo ah madaxa Golaha Sare ee Arrimaha Islaamka ee Amxaarada, oo Arbacadii la hadlay Reuters.

Seid waxa uu sheegay in ragga hubaysan ay walxaha qarxa ku tureen dadkii Muslimiinta ahaa ee ku sugnaa magaalada Gonder, halkaas oo ay ku dileen saddex qof, shan kalena ay ku dhaawacmeen.

Dhibanayaasha kale ayaa ku dhintay iska horimaadyada xigay.

“Waxaa dhacay bililiqo loo geystay dukaamo, waxaana la isku dayay in la gubo saddex masaajid, hal masjid waxaa dalb la qabadsiiyay gogosha kasoo gaaray bur-bur yar” ayuu sii raaciyay.

Gizachew Muluneh oo ah afhayeenka maamulka gobolka Axmaarada ayaa sheegay in shilkan uu baaris ku socdo uuna dib ka sheegi doono wixii kusoo kordha.

Ilo dhanka bini’aadinimada ah ayaa sheegay in 15 qof oo dhaawac ah loo qaaday cisbitaalka Gonder, mana cadda tirada dadka ku dhintay ama ku dhaawacmay walxaha qarxa.

Sannadkii 2019-kii, mas’uuliyiintu waxay xireen shan qof oo looga shakisan yahay inay gubeen afar masaajid oo ku yaalla magaalada Motta ee isla gobolka.

VOA + Reuters

Waa kuma Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa xalay saqdii dhexe teendhada Afisyoone loogu doortay guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, Sheekh Adan Maxamed Nuur (Adan Madoobe), kadib markii uu helay 163 cod, halka xildhibaan Xasan Cabdinuur oo ay isugu soo hadheen wareegga labaad uu helay 89 cod.

Hadaba waa kuma Sheekh Aadan Madoobe?

Sheekh Aadan Madoobe Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ku dhashay degmada Xuddur ee xarunta gobolka Bakool.

Aaden Madoobe waxa uu horay u soo noqday Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Ururka RRA, ka hor inta uusan ku biirin Dowladdii KMG aheyd, isagoo soo noqday Wasiirka Cadaaladda iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka KMG ah, sannadihii 2007 ilaa 2010. Taas oo ka dhigan in markii labaad uu xilkan qabanayo.

Sheekh Aadan Madoobe wuxuu muddo kooban ahaa ku simaha Madaxweynaha Soomaaliya, ka dib markii uu xilka iska casilay madaxweynihii hore ee Soomaaliya ee Cabdillaahi Yuusuf, 29 December 2008 iyada oo markii danbena 31kii bishii january 2009, Shariif Sheekh Axmed loogu codeeyay inuu noqdo madaxweynaha cusub.

Bilihii April iyo May 2010, waxaa soo shaac baxay khilaaf soo kala dhex galay Madoobe iyo Ra’iisal Wasaarahii wakhtigaas Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke. Khilaafkan ayaa ugu dambayn keenay in Madoobe uu iscasilo kadib markii baarlamaanka uu markii dambe uuu u codeeyay in xilka laga qaado.May 25, 2010, Shariif Xasan ayaa mar kale loo doortay guddoomiyaha baarlamaanka KMG ah, isagoo bedelay Madoobe.

January 2014, waxaa loo magacaabay Wasiirka Warshadaha iyo Ganacsiga oo u magacaabay Raysal Wasaare Cabdiweli Seekh Axmed.

Aadan Madoobe ayaa ka tirsanaa dhinaca mucaaradka, sida ay falanqeeyayaashu qabaanna taasi u sahashay in mucaaradkii u dhami u wada tanaasulo oo sidaa cod tiro ah ugu guulaysto guddoonka Golaha Shacabka.

Madaxda kala duwan iyo mucaaradka ayaa hambalyo u diray guddoomiyaha cusub. Doorashadan ayaa ka dhigan in muddo xaalka madaxtinnimada Soomaaliya ay ahayd mid hubanti la’aana ay hadda u muuqato in hawshaasi soo dhammaatay oo ay xigi doonta muddaynta doorashadii madaxtinnimada.

HirShabelle oo shaacisay jadwalka doorashada 3 kursi

0

Jowhar (Caasimada Online) – Guddiga SEIT ee dowlad goboleedka HirShabelle ayaa maanta soo saaray jadwalka doorashada kuraastii ugu dambeysay ee Golaha Shacabka, gaar ahaan xubnaha ka imaanaya deegaanada maamulkaasi.

Guddiga ayaa sheegay in 29 bishan April la shaacinayo guddiyada soo xulayo ergada doorashada ee kuraastaasi oo kala ah:- HOP#141, HOP#146 iyo HOP#135, waana kuraastii u dambeysay ee ku harsaneyd HirShabelle.

Sidoo kale guddiga ayaa sheegay in doorashada kuraastan la qaban doono maalinta Sabtida ah oo ku beegan 30 bisha April ee sanadka aynu ku jirno 2022-ka.

Saddexdaan kursi laba ka mid ah deegaan doorashadooda waa magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe, halka midka kalena uu yaallo magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Yaa ku fadhiyey?

HOP#135 waxaa ku fadhisay xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi oo dhowaan iyada oo musharrax aheyd lagu dilay qarax ka dhacay Beledweyne.

HOP#141 waxaa ku fadhiyey Wasiirkii hore ee Amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale, kaas oo haatan wajahaya loolan adag.

HOP#146 waxaa ku fadhiyey Wasiirka Amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur, balse 4 sano ee soo socota waxaa kursigan lagu sharfay madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed oo la filayo inuu kusoo baxay kursigaasi.

Doorashada kuraastan oo aad loola daahay ayaa waxaa sabab looga dhigay khilaafaad in muddo ah ka taagnaa sida loo wajahayo hannaanka qabashada ee doorashadaasi.

 

FARMAAJO iyo ROOBLE oo ka falceliyey doorashada Sheekh Aadan Madoobe

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xasan Rooble ayaa qoraallo kasoo saaray guusha xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) oo caawa loo doortay inuu noqdo guddoomiyaha cusub ee golaha shacabka Soomaaliya. Hoos ka aqriso qoraalladooda. 

Qoraalka Rooble

Waxaan hambalyo iyo bogaadin diiran u dirayaa guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo caawa lagu doortay magaalo madaxda dalka ee Muqdisho.

Caawa waa habeen taariikhi ah oo umadda Soomaaliyeed sugayeen in muddo ah qeyb muhiim ahna ka ah dhammeystirka geeddi-socodka doorashada dalka.

Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka waxaan u rajeynayaa in uu eebbe u fududeeyo mas’uuliyadda culus ee loo doortay iyo in doorashada madaxweynaha dalka u maareeyaan si daah-furan, deg deg ah oo nabdoon, mas’uuliyaddaas oo ay la wadaaagaan guddoonka Aqalka Sare oo isagana la doortay.

Waxaa mahad leh Allaha weyn oo noo suurto-geliyay in howlshii adkeyd ee doorashadu soo gaartay heerkan gabo-gabada ah . Sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa guddoonkii KMG ahaa ee labada aqal, guddiyadii doorashada heerar-kooda kala duwan, ciidamada ammaanka Dalka iyo kuwa ATMIS, dowlad-goboleedyada dalka, beesha caalamka, shacabka Soomaaliyeed ee dulqaadka iyo taageerada nala garab joogay iyo cid kasta oo kaalin ku lahayd guushan la gaaray. 

Qoraalka Farmaajo 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo loo doortay Xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha oo tilmaamay muhiimadda ay dalka u leedahay dhammaystirka doorashada Guddoonka Golaha Shacabka ayaa bogaadiyey hannaanka dimuqraadiyadeed ee geeddi socodka siyaasadda dalka oo aas-aas u ah xasilloonida iyo horumarka dowladnimada Soomaaliya.

“Waxaan hambalyo u dirayaa Guddoomiyaha Cusub ee Golaha Shacabka Mudane Aadan Maxamed Nuur (Madoobe). Guddoonka Cusub waxaa hortaalla masuuliyad taariikhi ah oo ay ka sugayaan shacabka Soomaaliyeed, taas oo saldhig u ah horumarka dowladnimada, adkeynta guulaha la gaaray sannadihii la soo dhaafay iyo xaqiijinta hiigsigeenna Qarannimo.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku ammaanay Xildhibaannada cusub iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed dulqaadka ay ku wajaheen hannaanka doorashooyinka dalka oo soo maray marxalado kala duwan, isaga oo ku bogaadiyey laamaha ammaanka Soomaaliyeed sida ay habeen iyo maalinba ugu taagnaayeen xaqiijinta amniga doorashooyinka.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Alle uga rajeeyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) in uu waafajiyo danta dalka, dadka iyo diinta. Sidoo kale waxa uu xusay doorkii Guddoomiyihii Ku-meel-gaarka ahaa iyo Guddigii Qabanqaabada Doorashada Guddoonka.

DHAMMAAD

Sheekh Aadan Madoobe oo loo doortay guddoomiyaha golaha shacabka ee BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) ayaa loo doortay inuu noqdo guddoomiyaha cusub ee golaha shacabka Soomaaliya, kadib doorasho saacado badan qaadatay ayna hareeyeen caqabado.

Xildhibaan Sheekh Aadan Madoobe ayaa wareeggii ugu dambeeyey ee doorashada kaga adkaaday xildhibaan Xasan Cabdinuur. Sheekh Aadan Madoobe ayaa helay 163 cod, halka Xasan Cabdinuur uu ka helay 89 cod.

Guusha Sheekh Aadan Madoobe ayaa soo afjareysa xaalad hubanti la’aan ah oo dalka uu ku jiray in ka badan sanad, waxayna ka dhigan tahay inay hadda dhisan yihiin labadii hay’ad ee sharci-dejinta islamarkaana ay leeyihiin guddoon.

Guushan ayaa ka dhiggan guul usoo hoyatay mucaaradka iyo isbeddelka doonka diidan madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo isaga iyo kooxdiisa ay aad u taageerayeen Xasan Cabdinuur.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa ka tirsanaa xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Shariif Sheekh Axmed, hase yeeshee waxaa guushiisa kaalin wanaagsan ka wada qaatay dhammaan Midowga Musharaxiinta iyo qaar ka mid ah madaxweyne goboleedyada dalka, gaar ahaan Axmed Madoobe iyo Saciid Deni.

Waa markii labaad ee Aadan Madoobe uu hoggaamiyo golaha shacabka, isaga oo sidoo kale horey usoo noqday afhayeenka baarlamanka muddadii u dhaxeysay 31-ka Janaayo 2007 ilaa 25-ka May 2010.

Doorashada ayaa qaadatay in ka badan 5 saac, waxayna timid kadib markii saacado ay u xayirneyd arrinta xildhibaanada lagu soo doortay Ceelwaaq oo xildhibaano taageersan Villa Somalia ay diideen inay kulanka ka qeyb-galaan.

Ugu dambeyn ayaa waxaa codeynta laga reebay 16-ka Xildhibaan ee lagu soo doortay Ceelwaaq ayada oo sababta lagu sheegay inaysan haysan kaararka aqoonsiga. 

Guusha Aadan Madoobe ayaa leh cawaaqib siyaasadeed oo kale, ayada oo la filayo inay dhabbaha u xaarto in xildhibaanada lagu soo doortay Ceelwaaq ay toos uga mid noqdaan Golaha Shacabka. 

Askar ka tirsanaa ciidanka BURUNDI oo qarax lagu dilay

0

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in ciidamada ka tirsan howlgalka ATMIS ex AMISOM, gaar ahaan kuwa Burunti weerar qarax ah lagula eegtay duleedka magaalada Jowhar ee xarunta gobolkaasi.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso ayaa waxaa ciidamadaasi lagula beegsaday deegaanka Buurane oo hoostaga degmada Mahadaay ee Shabeelaha Dhexe.

Wararka ayaa sheegaya in xilliga la qarxinayey ciidamada Burundi ay ku jireen howlgal roondo ah, isla-markaana ay la kulmeen weerarkaas oo ay sheegatay Al-Shabaab.

Ciidamada ayaa kadib furay rasaas xoogan, waxaanba daba socday howlgal ay ka sameeyeen deegaanka Buurane, sida ay innoo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Qoraal ay baahisay kooxda Al-Shabaab ayaa lagu sheegay inay qaraxaas ku dileen laba askari oo ka tirsanaa ciidamada Burundi, sidoo kalena ay  burburiyeen gaari dagaal.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha howlgalka ATMIS ee ku aadan weerarkaas ee ay guulaha ka sheegatay kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya.

Muddooyinkii lasoo dhaafay xoogaga Al-Shabaab ayaa kordhiyey weerarada ay ka fuliyaan gudaha dalka, gaar ahaan beegsiga ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS, ex AMISOM.

TOOS: Doorashada guddoomiye ku-xigeenada BF oo billaabatay iyo xubnaha ugu cad-cad

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhow xerada Afisyooni si rasmi ah uga bilaabatay doorashada guddoomiye ku xigeenada koowaad iyo labaad ee Golaha Shacabka Soomaaliya, taas oo dhammeystir u ah doorashada guddoonka cusub ee baarlamaanka.

Musharixiin dhowr ah ayaa ku loolamaya xilka gudoomiye ku xigeenada 1aad iyo kan 2-aad ee baarlamaanka 11-aad, kuwaas oo ku kala bixi doono codadka xubnaha baarlamaanka.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ayaa waxaa isku soo taagay 10 musharrax oo kala ah: 1. Xil. Cabdikariin Abdow Xayder 2. Xil. Cabdiraxmaan Cabduqaadi Cadde 3. Xil. Khadiija Maxamed Diiriye 4.Xil. Maxamed Cabdalla Axmed Maxamuud 5. Xil. Maxamed Cali Cumar (Caanonuug) 6.Xil. Maxamed Nuur Abuukar 7. Xil. Maxamed Cumar Cimow 8. Xil. Maxamuud Cabduqaadi Xaaji (Jeego) 9. Xil. Sacdiya Yaasiin Xaaji (Samatar) 10. Xil. Saciid Maxamed Maxamuud Xayd.

Sida aan xog ku helnay, waxaa guddoomiye ku-xigeenka koowaad ugu cadcad Caana-nuug iyo Khadiija Maxamed Diiriye, waxaana loo badinayaa dhanka Caana-nuug.

Sidoo kale  ku xigeenka labaad waxaa isku soo sharraxay  illaa 7 xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka, waxayna kala yihiin:- 1. Xil. Cabdullaahi Cumar Abshir 2. Xil. Axmed Aadan Axmed 3. Xil. Asad Cabdirisaaq Maxamed 4. Xil. Asyuub Ismaaciil Yuusuf 5. Xil. Mahad Cabdalla Cawad 6. Xil. Maxamuud Xuseen Abuukar (Gaaraxo) 7. Xil. Saciid Maxamed Cali

Kulanka maanta ee baarlamaanka ayaa waxaa shir guddoomin doono Sheekh Aadan Madoobe oo xalay loo doortay guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka, kaas oo dhaba cusub u jeexay isbedalka doorashada Soomaaliya, waxaana guddoonka baarlamaanka ee  labada Aqal sidaasi looga adkaaday kooxda Villa Soomaaliya ee madaxweyne Farmaajo.

Doorashada guddoonka baarlamaanka oo soo martay marxalado kala duwan ayaa ugu dambeyn la xaqiijiyey, kadib markii uu waqti culus geliyey ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya oo ah mas’uulka ugu sarreeya maamulka doorashooyinka.

Dhammeystirka doorashada guddoonka baarlamaanka labada aqal ayaa dalka ka saareysa xaalad hubanti la’aan ah oo ay Soomaaliya ku jirtay muddo ka badan hal sano & dheeraad.

Halkan hoose ka daawo:-

Natiijada wareegga 1-aad ee doorashada guddoonka BF iyo sida codka loo kala helay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa hadda lasoo gabagabeeyey wareegga koowaad ee codeynta xildhibaanada golaha shacabka ee doorashada guddoomiyaha golahaas, oo ka socota teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho.

Codadka ugu badan waxaa helay Xildhibaan Xasan Cabdi Nuur, waxaana codadka loo kala helay sidan:

1- Xasan Cabdinuur 98-cod
2- Sheekh Aadan Madoobe 74-cod
3- Cabdulaahi Black 33-cod
4- Aadan Saransoor 23-cod
5- Shariif Maxamed Cabdalla 13-cod
Cabdirashiid Maxamed Xidig 6-cod
Xildhibaan Saadaq Cabdullaahi Cabdi 5-cod.

Sida uu shaaciyey guddoomiyaha guddiga doorashada Cabdirisaaq Cumar Maxamed. Wareega hore waxaa ka gudbaya 4 musharax, hadii uusan Musharrax helin 50+1 oo ah 139, mana jiro musharax hadda gaaray tiradaas, taas oo ka dhigay in wareeg kale la aadi doono.

Codeynta ayaa waxaan ka qeyb-gelin 16-ka Xildhibaan ee laga soo doortay Ceelwaaq oo laga reebay maadaama aysan heysan aqoonsiga golaha ee ID-carka.

Waxaa hadda loo gudbay wareegga labaad ee doorashada, waxaana isugu soo haray Sheekh Aadan Madoobe iyo Xasan Cabdinuur, kadib markii ay tanaasuleen Cabdullaahi Black iyo Aadan Saransoor oo kala galay kaalimaha 3-aad iyo afaraad.

Doorashada guddoomiyaha BF oo billaabatay iyo musharax tartanka ka haray

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa hadda teendhada Afisyooni ka bilaabatay doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ay ku tartamayaan 7 Musharax.

Musharaxiinta is diiwaan gelisay oo markii hore ahaa 8-xubnood, waxaa tartanka isaga haray guddoomiyihii hore ee golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Sida ay shaaciyeen guddiga doorashada. Wareega hore waxaa ka gudbaya 4 musharax, hadii uusan Musharrax helin 50+1 oo ah 139, tiradaas oo ah cod dheeri.

Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen masuuliyiin ku sugan teendhada Afisyooni waxaa hadda is faham laga gaaray is qabqabsigii salka ku hayey codeynta xildhibaanadii lagu soo doortay Ceelwaaq.

16-ka Xildhibaan ee laga soo doortay Ceelwaaq ayaa laga reebayaa codeynta doorashada guddoonka golaha shacabka, maadaama aysan heysan aqoonsiga golaha ee ID-carka.

Sidoo kale Taliyaha KMG ah ee NISA ayaa lagu dhaarinayaa hoolka, kadibna ma codey doono, isaga iyo xildhibaan kale oo HirShabeelle laga soo doortay, maadaama aysan heysan ID-cardka golaha shacabka.

Guddoomiyaha KMG ah ee golaha shacabka Cabdisalaan Dhabancad ayaa goordhow furay Kalfadhiga Golaha, waxaana soo xaadiray 257 xildhibaan, kuwaas oo 17 ka mid ah aysan codeyn doonin, maadaama aysan heysan ID-cardka golaha.

Xog: Maxaa lagu xaliyey is-mari waagii Afisyoone?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen masuuliyiin ku sugan teendhada Afisyooni waxaa hadda is faham laga gaaray is qabqabsigii salka ku hayey codeynta xildhibaanadii lagu soo doortay Ceelwaaq.

16-ka Xildhibaan ee laga soo doortay Ceelwaaq ayaa laga reebayaa codeynta doorashada guddoonka golaha shacabka, maadaama aysan heysan aqoonsiga golaha ee ID-carka.

Sidoo kale Taliyaha KMG ah ee NISA ayaa lagu dhaariyey hoolka, balse ma codey doono, isaga iyo xildhibaan kale oo HirShabeelle laga soo doortay, maadaama aysan heysan ID-cardka golaha shacabka.

Waxaa meesha laga saaray oo aan lagu soo hadal qaadin kulamadii wadaxaajoodka xubnihii kooxda Farmaajo ay ku soo dhiseen Garbahaarey, sida ay noo xaqiijiyeen masuuliyiin qeyb ka ahaa xal u raadinta is qabqabsigaan.

Waxaa lagu wadaa in goordhow la guda galo doorashada guddoonka golaha shacabka, sida uu shaaciyey guddoomiyaha KMG ah ee golaha shacabka Cabdisalaan Dhabancad.

Waxaa la xaqiijiyey inay caawa codeynta ka harayaan xildhibaanadii lagu soo doortay Gedo, Yaasiin Farey, xildhibaan kale oo HirShabeelle laga soo doortay, kuna sugan hoolka, balse aan heysan ID-card iyo kuraas aan weli lasoo dooran oo ku dhiman HirShabeelle.

Dhabancad oo go’aan ka qaatay xildhibaanada lagu soo doortay Ceelwaaq

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha ku-meel gaarka ah ee Golaha Shacabka Cabdisalaan Dhabancad ayaa ku gacan seyray dalab ay soo jeediyeen Xildhibaano ka tirsan Golaha, kaasi oo ay ku rabeen in hoolka doorashada looga saaro Xildhibaanada lagu soo doortay Ceelwaaq.

Guddoomiye Dhabancad ayaa diiday in la saaro Xildhibaanada Ceelwaaq, wuxuuna ku adkeystay inay codeynayaan, waana markii saddexaad ee guddoomiyaha KMG uu ku gacan seyro dooda saarista xildhibaanadaas.

Sida ay hore u baahisay Caasimada Online, Xildhibaanada labo kutlo oo kala ah kuwa Koonfur Galbeed iyo kuwa NISA ayaa qorshanayey in Xildhibaanadaas la saaro, taasi oo qeyb ka ah fowdo laga bilaabayo hoolka doorashada guddoonka Golaha Shacabka.

Dooda saarista Xildhibaanada Ceelwaaq ayaa ah isku-deygii u dambeeyay ee kooxda Farmaajo iskugu dayeyso inay fowdo iyo buuq uga abuurto kulanka Baarlamaanka ee lagu dooranayo guddoonka.

Qaar kamid ah Xildhibaanadii laga soo doortay Ceelwaaq ayaa maanta lagu arkayay ayaga oo ku sugan hoolka Afisyoone ee ka dhaceyso doorashada.

Lama oga sida ay noqon doonto xaalada, hase yeeshe ujeedkooda u weyn ee xubnaha doodan keenay kulanka ayaa ah in lagu baajiyo doorashada illaa hadda ay halkaas ugu sugan yihiin Xildhibaanada.

Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka ayaa ka daahday in la bilaabo waqtigii lagu ballamay, kadib markii xildhibaannada qaar aysan gaarin hoolka doorashada, balse hadda waxa socota qaban-qaabada u dambeysay ee qabsoomida doorashada.

Xildhibaano ka kooban laba kutlad oo fowdo ka wada kulanka golaha shacabka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoonaan karo oo aan helayno ayaa sheegaya in Xildhibaanada labo kutlo oo kala ah kuwa Koonfur Galbeed iyo kuwa NISA ay qorsheynayaan inay fowdo ka bilaaban doorashada guddoonka Golaha Shacabka.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Xildhibaanadan ayaa doonaya in meesha laga saaro Xildhibaanadii laga soo doortay Ceelwaaq, kuwaasi oo maanta gudaha u galay hoolka Afisyoone ee ka dhaceyso doorashada.

Lama oga sida ay noqon doonto xaalada, hase yeeshe dalabka xildhibaanada labada kutlo ayaa waxaa la rumeysan inay si adag uga hor-imanayaan guddoomiyaha KMG ee Golaha iyo Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Guddoonka.

Xildhibaanadaan ayaa ujeedkooda u weyn uu yahay inay fowdo iyo buuq xoog leh ka abuuran gudaha hoolka doorashada, taasi oo ay ku rabaan in lagu baajiyo doorashada illaa hadda ay halkaas ugu sugan yihiin Xildhibaanada.

Qorshahaan ayaa waxaa sidoo kale iftiimiyay Xildhibaan Mahad Cabdiraxmaan (Taliye Shub) oo asagu wacad ku maray inaysan marnaba ogolaan doonin in Xildhibaanada laga soo doortay Ceelwaaq ay ka qeyb-galaan doorashada.

“Xildhibaanka aan ku iman sida aan ku nimid waa diideyna oo soo gali maayo teendhada, Xildhibaankii ku yimid sida aan ku imidna, isku mid ayaa nahay oo waxba isla dooraneyna. Sababta aan u imidna waa sidaas,” ayuu yiri.

Kooxda Farmaajo ayaa wada isku deygii ugu dambeeyay ee ku carqaladeynayaan doorashada Guddoonka Golaha Shacabka, ayada oo laga soo gudbay jid-gooyadii saaka loo dhigay Xildhibaanada.

Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka ayaa ka daahday in la bilaabo waqtigii lagu ballamay, kadib markii xildhibaannada qaar aysan gaarin hoolka doorashada, waxaana hadda socota qaban-qaabada qabsoomida doorashada.

Maxaa kusoo kordhay qabsoomida doorashada guddoonka golaha shacabka?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Golaha Shacabka Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in saacadaha soo socda ay qabsoomeyso doorashada, islamarkaana uu wax is-bedel ah ku imaan jadwalkii doorashada Guddoonka oo maanta dhaceysa.

Waxa uu sheegay in Xildhibaanada hoolka loogu diyaariyay Afur, maadama uu dib u dhac saacado ah uu ku yimid qabsoomida doorashada, sidaas darteedna ay ku sugnaan doonaan illaa ay kasoo afmeerayaan doorashada guddoonka.

“Dib u dhac ayaa jira waxa aan rabna oo inaga go’an in doorashada ay maanta dhacdo. Xildhibaanada waxay afurka ku leeyihiin halkaan. Si dib u dhac kale uusan noogu imaan waa in aan galabta illaa caawa aan ugu dambeyn kusoo gaba-gabeyno doorashada oo Golaha uu yeesho Guddoonkii,” ayuu yiri.

Guddoomiye Cabdirisaaq ayaa meesha ka saaray hadalo saacadihii u dambeeyay soo baxayay, kaasi oo sheegayay in uu is-bedel ku yimid jadwalkii doorashada Guddoonka, kadib markii Xildhibaanada ay la kulmeen caqabado dhowr ah si ay ugu sii gudbaan hoolka Afisyoone oo ay ka dhaceyso doorashada.

Waxa muuqata in doorashada Guddoonka illaa caawa ugu dambeyn lagu kala bixi doono, haddii uusan imaan is-bedel deg deg ah.

Hoolka doorashada ay ka dhaceyso ee Afisyoone ayaa hadda waxa ku sugan Xildhibaano badan oo kor u dhaafaya boqol, kuwaasi oo ay qeyb ka yihiin qaar kamid Xildhibaanadii laga soo doortay magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Xildhibaanada Ceelwaaq iyo Garbahaarey ayaa ahaa dooda u weyn ee hadheysay qabsoomida doorashada guddoonka, ayada oo xubno kamid ah guddiga qaban-qaabada doorashadaas ay diideen in xildhibaanada labadaas magaalo laga soo doortay ka qeyb-galaan doorashada.

Hase yeeshe, waxaa muuqata in laga adkaaday garabka arrintaas ku dooday, ayna sidaas sharci ku noqdeen Xildhibaanadii laga soo doortay Ceelwaaq, oo markii dambe laga dhigay deegaanad doorashada labaad ee maamulka Jubbaland, kadib markii sababo amni doorasho loogu qaban waayay Garbahaarey.

Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka ayaa ka daahday in la bilaabo waqtigii lagu ballamay, kadib markii xildhibaannada qaar aysan gaarin hoolka doorashada, balse xaalka hadda sidii hore waa ka roon yahay, waxaana socota qaban-qaabada qabsoomida doorashada.