25.1 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Ilhaan Omar oo dooneysa in tallaabo laga qaado Bin Salman kadib warbixintii CIA

0

New York (Caasimadda Online) – Xildhibaanad Ilhaan Nuur Cumar oo ka tirsan Aqalka wakiillada ee Baarlamaanka dalka Maraykanka ayaa soo jeedisay in cunaqabatayn la saaro dhaxal sugaha dalka Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan.

Hadalka Ilhaan Cumar ayaa imaanaya xilli ay sirdoonka Maraykanka sheegeen in dhaxal sugaha dalka Sacuudiga uu ku lug lahaa dilkii wariye Jamaal Axmed Khashuggi.

Wariye Khashuggi ayaa 2dii oktoobar 2018 lagu dhex dilay Qunsuliyadda Dowladda Sacuudiga ay ku leedahay Magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga.

Warbixin laga soo saaray Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in Dhaxalsugaha Boqortoyada Sacudi Carabiya Maxamed Bin Salman uu ansixiyay dilki saxafigii Jamal Khashoggi oo lagu diley dalka Turkiga sanadkii 2018.

Wasaaradda arrimaha dibadda Sacuudiga ayaa gaashaanka u daruuraty warbixinta kasoo baxday Mareykanka ee ku saabsan in Maxamed Bin Salmaan uu ansixiyay qorshihii lagu dilay weriyihii Sucuudiga u dhashay Jamaal Khaashuqji.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda boqortooyada ayaa lagu sheegay in eedda loo soo jeediyay in uu yahay ‘mid gaf ah oo aan sax ahayn’.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka kasoo baxay Ilhaan Cumar

“Tani waa sheeko dheer oo dhab ah oo soo daahday oo ku saabsan naxariis darada iyo sharci la’aanta kaligii taliyihii Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan. Wixii horeyba u muuqday hada waa mid aan la cadeyn karin: MBS iyo maamulka Sacuudiga ayaa si toos ah masuul uga ah dilka saxafiga Sacuudiga u dhashay ee Jamal Khashoggi waana in lala xisaabtamo.”

“Waa nabar madow oo damiirka ummaddeena ah in kii hore”Trump” ee deganaa Aqalka Cad uusan kaliya la shaqeyn oo maalgelin siinin dowladda Sacuudi Carabiya-laakiin wuxuu ku faanay inuu daboolayo dilka Mr. Khasshogi. Laakiin musuqmaasuqu wuu sii qoto dheer yahay. Muddo tobanaan sano ah, Mareykanku wuxuu indhaha ka qarsaday cabudhinta Sucuudiga ee haweeneyda, taageerada addoonsiga casriga ah, xarigga dadka u dooda xuquuqda aadanaha, iyo ku lug lahaanshaha weerarkii argagixiso ee ugu xumaa ee ka dhaca dhulka Mareykanka taariikhda, Sebtember 11. Waxaan u oggolaaneynaa ujeeddooyinkeenna boqortooyo, ku tiirsanaanta shidaalka shidaalka iyo maskaxdii Dagaalkii Qaboobaa inay xushmeeyaan xushmadda aasaasiga ah ee xuquuqda aadanaha iyo danaheenna qaran ee dhabta ah.”

“Maanta waa isbedel weyn oo ku yimid siyaasadeena ku wajahan Sacuudiga. Waxaan ku faraxsanahay in Aqalka Cad uu qiray dambigan, marka lagu daro joojinta taageerada dambiyada Sacuudiga ee ka dhanka ah aadanaha ee Yemen.”ayay sii raacisay.

“Mareykanku waa inuu si joogto ah ugu istaagaa xuquuqda aadanaha iyo sharafta aadanaha adduunka oo dhan – ma ahan oo keliya markay ku habboon tahay.”

Sucuudiga oo iska fogeeyey eedeyntii Mareykanka

0

Riyadh (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibadda ee Boqortooyada dalka Sucuudiga ayaa jawaab ka bixisay warbixin kasoo baxday sirdoonka Mareykanka oo lagu sheegay in dilkii loo geystay Wariye Jamaal Khaashuqji uu amray Maxamed Bin Salmaan

Wasaaradda ayaa shaaca ka qaaday in eedeynta loo jeediyey Amiirka Dhaxalsugaha  Sucuudiga ay tahay mid lasoo dhoo-dhoobay oo waxba kama jiraan ah.

Qoraalka wasaaradda arrimaha Sucuudi Carabiya ayaa sidoo kale  lagu sheegay in warbixinta Mareykanka ay tahay ‘mid gaf ah oo aan sax ahayn’.

Hadalkan ayaa daba socda warbixinta uu shaaciyay maamulka madaxweyne Joe Biden, taas oo tibaaxaysa in amiirka uu ansixiyay qorshada in “la soo qabto ama la dilo” weriye  Khaashuqji oo 2018kii lagu dhe-xdilay qunsuliyadda Sucuudiga ee magaalada Istanbuul.

“Waxaan ogaannay in Amiirka Dhaxalsugaha ah ee Sacuudi Carabiya Maxamed Bin Salmaan uu ansixiyay howlgalkii Istanbuul, ee Turkiga, si loo soo qabto ama loo dilo wariyaha reer Sacuudi Jamaal Khaashuqji,”  ayaa lagu yiri warbixinta Mareykanka.

Si kastaba waa markii ugu horraysay ee uu Mareykanka si cad u carab-baabo magaca Amiirka Shaxalsugaha ah Maxamed Bin Salman, kaas oo horey u dafiray dilkaasi.

Maxay dowladda Sweden ka tiri heshiiskii Muqdisho?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka iskaashiga caalamiga ah ee dowladda Sweden, Per Olsson Fridh ayaa ka hadlay xaaladda Soomaaliya, isaga oo soo dhoweeyey heshiiskii ay magaalada Muqdisho ku gaareen dowladda iyo midowga musharraxiinta.

Mr Per Olsson ayaa qoraal uu soo dhigay Twitter-ka ku sheegay in dowladdiisu ay si weyn u boggaadineyso heshiiska, isaga oo ugu baaqay labada dhinac inay sii wadaan wada-hadallada socda, si xal waara looga gaaro muranka ka taagan doorashooyinka.

“Sweden waxay soo dhoweynaysaa heshiiska ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, Golaha Midowga musharixiinta madaxweynaha iyo hogaamiyaasha Hirshabelle, Galmudug & Banaadir.” ayuu yiri Wasiirka iskaashiga caalamiga ee Sweden.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyey “Waxay ku bogaadineysaa dhinacyada oo dhan tallaabadan ku aaddan xuquuqda dastuuriga ah, badbaadada muwaaddiniinta & sii wadista wadahadallada siyaasadeed si loo xaqiijiyo doorashooyinka nabdoon,”.

Sweden ayaa ka mid ah dalalka sida u dhow u taageero Soomaaliya, waxaana dowladda federaalka ah ay ka caawisaa dhinacyo muhiim ah.

Si kastaba Soomaaliya ayaa wajaheysa xaalada adag oo kala guur ah, waxaana socda dadaallo xoogan oo ku aadan sidii looga gudbi lahaa marxaladdan, loona aadi lahaa doorasho.

Saciid Deni oo ka hadlay kiiska wariye laba bilood u xirnaa xukuumadiisa

0

Garowe (Caasimadda Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa markii ugu horreysay ka hadlay wariye u xiran laama amniga Puntland muddo laba bilood ah.

Magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland waxaa ku xiran wariye Kilwa Aadan Faarax oo ay laama amnigu xireen, wuxuuna madaxweynaha sheegay in maxkamad lasoo taagi doono dhawaan.

Saciid Deni oo ka hadlayay shir uga furmay Garowe ayaa sheegay in wariyaha uu yahay dambiile isla markaasna kiiskiisa lasoo gabagabeyn doono dhawaan.

Saciid Deni wuxuu sheegay in wariyaha uu ahaa shaqsi doonayay in si dhaqso leh lagu barto, sidoo kalana wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay inuu xoriyadiisa dib u heli doono.

Dhanka kale madaxweynaha wuxuu wariyayaasha u sheegay iney ilaaliyaan sharciyada dalka, si qudhooda ay u doonayaan in loo ilaaliyo xoriyadooda hadalka.

Golaha Ammaanka ee QM oo cunaqabateyn kusoo rogay saraakiil Shabaab ah

0

New York (Caasimada Online) – Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa cunaqabateyn cusub kusoo rogay hoggaamiyeyaal ka tirsan kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya, kadib codsi kaga yimid dowladda federaalka iyo Mareykanka.

Saraakiisha la cunaqabaateeyey oo saddex ah ayaa kala ah:- Abuukar Cali Aadan, Macalin Ayman & Mahad Karataay, kuwaas oo xilal kala duwan ka haya Al-Shabaab.

Sidoo kale hoggaamiyeyaashan ayaa kaalmo muuqda waxa ay ku leeyihiin Al-Shabaab dhexdeeda, sida ku xusan xogta loo gudbiyay Golaha Ammaanka ee QM.

Dhanka kale Erica Barks oo ah mas’uul ka tirsan waaxda arrimaha dibada Mareykanka, ayaa sheegtay in ay soo dhoweynayaan go’aanka Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ee cunaqabateynta lagu saaray saddexdaasi sarkaal ee ka tirsan Al-Shabaab.

Si kastaba Abuukar Cali Aadan ayaa ah ku xigeenka hoggaamiyaha Al-Shabaab, halka Macallin Ayman uu yahay aas aasaha (Jaysh Ayman) oo ah guuto ka dagaalanta Kenya, sidoo kale Mahad Karataay ayaa kaalin firfircoon ku dhex leh Al-Shabaab, wuxuuna mar soo noqday ku xigeenka hoggaamiyaha kooxdaas, inkastoo mar dambe laga wareejiyey.

Dil qorsheysan oo ka dhacay magaalada Beledweyne

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Kooxo hubeysan ayaa maanta toogasho ku dilay askari ka tirsanaa ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo ku sugnaa magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo dhaca bartamaha Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in askariga la dilay xilli uu ku sugnaa Suuqa Xoola oo ku yaalla xaafadda Howl-wadaag ee degmadaasi.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiay, Macallin Cismaan Cabdikariin, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku sii daraya in raggii ka dambeeysa dilka ay goobta isaga baxsadeen, iyaga oo horey usii qaatay qoriga uu watay askariga.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa goobta gaaray goobta uu dilku ka dhacay, iyaga oo meydka kasoo qaaday halkaasi.

Muddooyinkii lasoo dhaafay waxaa Beledweyne ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, kuwaas oo u badan dilal qorsheysan, mana jirto wax uu ka qabtay maamulka degmada.

Yaa bixiyey amarki lagu dilay wariye Jamal Khashuqji?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin uu shaaciyay sirdoonka Mareykanka ayaa waxaa lagu ogaaday in Amiirka dhaxalsugaha ah ee Sucuudiga, Maxamed bin Salmaan, uu ansixiyay dilka weriyaha qurba-joogga ahaa Jamaal Khaashuqji sanadkii 2018.

Warbixinta oo uu shaaciyay maamulka madaxweyne Biden ayaa waxa ay tibaaxaysaa in amiirka uu ansixiyay qorshada in “la soo qabto ama la dilo” weriyaha uu saldhiggiisu yahay waddanka Mareykanka.

Waa markii ugu horraysay oo uu Mareykanka si cad u sheego magaca amiirka dhaxalsugaha ah, kaas oo diiday inuu armay dilka.

Khaashuqji ayaa waxaa la dilay xilli uu booqanayay qunsuliyadda Sucuudiga uu ku leeyahay magaalada Istanbuul ee waddanka Turkiga.

Maxaa ku qoran warbixinta la shaaciyay?

“Waxaan ogaannay in Amiirka dhaxalsugaha ah ee Sucuudi Carabiya Maxamed bin Salmaan uu ansixiyay howlgalkii Istanbuul, ee Turkiga, si loo soo qabto ama loo dilo wariyaha reer Sucuudi Jamaal Khaashuqji,” warbixinta ka soo baxday xafiiska agaasimaha sirdoonka qaranka ee Mareykanka ayaa sidaas lagu sheegay.

Warbixinta waxa ay taxday saddex sababood oo ay rumaysantahay in amiirka dhaxalsugaha ah ay qasab tahay inuu ansixiyay howlgalka:

Warbixinta ayaa sidoo kale waxaa lagu magacaabay shakhsiyaad ku lug lahaa amaba mas’uul ka ahaa dhimashadii Khaashuqji. Hasayeeshee warbixintu waxa ay leedahay “ma ogin mudada ay qorshaynta ku qaateen” dadkii ku lugta lahaa inay ninkaasi waxyeeleeyaan.

Mas’uuliyiinta Sucuudiga ayaa waxa ay dilka Jamaal ku eedeeyeen inuu ku yimid “howlgal damiirka ka fog” oo ay qaadeen koox sirdoon ah oo loo diray inay weriyaha dib ugu soo celiyaan boqortooyada, iyadoo maxkamad ku taal waddanka Sucuudiga ay maxkamadaysay oo ay bishii Sibteembar ee sanadkii hore xukun 20 sanadood ah ku ridday shan qof, kaddib markii markii hore ay dil ku xukuntay.

2019-kii, Agnes Callamard oo ay Qaramada Midoobay u saartay arrintaasi inay ka soo warbixiso ayaa waxay dowladda Sucuudiga ku eedaysay “inay fulisay dilka ulakaca ah ee la sii qorsheeyay” ee Khaashuqji waxa ayna gaashaanka u daruurtay maxkamadaynta Sucuudiga iyadoo ku tilmaantay “mid cadaaladda lagu hareermaray”.

XIGASHO:BBC

Al-Shabaab oo weerar ka fulisay KENYA + Khasaaraha

0

Nairobi (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ay dagaalyano ka tirsan Al-Shabaab ka fuliyeen gudaha dalka Kenya.

Weerarka oo ahaa mid culus ayaa si gaar ah uga dhacay duleedka magaalada Mandera oo ka tirsan gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegay in weerarka oo ahaa mid gaamdo ah lagu qaaday ciidamo ka tirsan kuwa Kenya oo ku sugnaa deegaanka Sheekh Barroow oo hoostaga magaalada Mandera, waxaana kadib xigay dagaal u dhexeeyey labada dhinac.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa shaaciyey inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay is-weydaarsanayeen labada dhinac, inkastoo aan la cadeyn karin khasaaraha.

Dhinaca Al-Shabaab oo ka hadashay weerarkaasi ayaa sheegatay inay ku dishay ugu yaraan hal sarkaal oo ka tirsanaa ciidamada Kenya, sida ay hadalka u dhigtay.

Ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca dowladda Kenya oo ku aadan weerarkaasi & khasaaraha rasmiga ah ee kasoo gaaray ciidankeeda.

Inta badan dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro khasaare geysta la fuliya gudaha wadanka Kenya, gaar ahaan deegaanada xadka Soomaaliya.

Aqalka Cad oo shaaciyey arrimo ay ka wada-hadleen Joe Biden iyo Uhuru Kenyatta

Washington (Caasimada Online) – Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa war ka soo saaray wadahadal qadka telefonka ku dhex-maray markii ugu horreysay wadaxweynayaasha Mareykanka iyo Kenya, Joe Biden iyo Uhuru Kenyatta.

Madaxweynaha Maraykanka, Joe Biden ayaa shalay telefoon kula xariiray madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta. Sida lagu sheegay war saxaafadeed kooban oo ka soo baxay Aqalka Cad ee Mareykanka.

Warkan waxaa lagu sheegay in madaxweyne Biden uu kala hadlay dhiggiisa Kenya Mr. Uhuru muhiimadda uu leeyahay xiriirka Maraykanka iyo Kenya.

Biden ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay sida ay Mareykanka uga go’an tahay inuu sii wado in Kenya uu kala shaqeeyo nabadda iyo amniga gobolka.

Wadashaqeynta uu Biden u balan qaaday madaxweynaha Kenya waxaa qeyb ka ah ‘taageeridda mowqifkooda’ marka la joogo fadhiyada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey oo Kenya ay hadda xubin ka tahay.

Sida war-saxaafadeedka lagu sheegay, madaxweyne Biden ayaa bogaadiyey kaalinta hogaamineed ee Kenya ay uga jirto gobolka Geeska Afrika ee dhinacyada la dagaalanka argagixisada, kobcina dhaqaalaha, wax ka qabashada isbeddelka cimillada, iyo horumarka la joogteyn karo ee dhan kasta.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Biden iyo Uhuru  sidoo kale ka wadahadleen xaaladda bani’aadiminimo ee sii xumaanaysa ee gobolka Tigray ee dalka Ethiopia iyo baahida loo qabo in joojiyo nafta baxaysa, lana hubiyo galaan-galka howlaha bani’aadaminimo ee gobolka.

Labada hoggaamiye ayaa sidoo kale ka wadahadlay baahida loo qabo in iskaashi laga yeesho arrimaha kale ee la xiriira xasilloonida gobolka Geeska, sida lagu sheegay war-saxaafadeedkan uu baahiyey Aqalka Cad ee Mareykanka.

Rooble oo Hotelka Jaziira kula kulmay mucaaradka iyo bulshada rayidka + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa Hotelka Jaziira ee magaalada Muqdisho kulamo kula qaatay golaha midowga musharixinta Soomaliya, fadhigooda ugu weyn uu yahay halkaas iyo qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah.

Ilo xog ogaal ah ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in xubnaha uu kulankaas la leeshay Rooble ay ku jiraan ra’iisul wasaarihii ka horeeyey Xasan Cali Kheyre iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan, kuwaas oo ka maqnaa goobtii xalay lagu kala saxiixday heshiiska.

Kulankii dhex-maray golaha midowga musharaxiinta iyo ra’iisul wasaare Rooble oo ahaa mid ay albaabadu u xiranaayeen ayaan laga helin xogo faahfaahsan, maadaama ay saxaafaddu dibad-joog ka aheyd.

Qoraal kooban oo ka soo baxay xafiiska R/wasaare Rooble ayaa lagu yiri, “Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Hoteelka Jazeera ee magaalada Muqdisho waqti kula qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada oo uu ka dhageystay aragtiyo ku aaddan xaaladda dalka.”

Inkastoo aan qoraalkan lagu shaacin kulanka Rooble iyo musharaxiinta hadana wararka aan helnay waxay tilmaamayaan in ra’iisul wasaaruhu markii uu la kulmay musharaxiinta kadib uu qaabilay qeybaha bulshada rayidka ah, kuwaas oo la wadaagay aragtiyahooda ku aadan marxaladda kala guurka ah ee dalku ku jiro.

Sidoo kale kulanka oo aan horay loo sii shaacin ayaa ku soo aadaya iyadoo xalay ay Hotelka Decale ay heshiis ka kooban lix qodob ku kala saxiixdeen Rooble iyo midowga musharaxiinta.

Sida ku cad heshiiskii xalay raali gelintii Rooble kadib, waxaa ku xusan in xukuumaddu ay mucaaradka kala shaqeyneyso sidii banaanbaxooda ay ugu dhigan lahayeen si nabad ah, iyadoo ammaanka ay sugayaan ciidamada dowladda.

Ma dhab baa in ganacsato ku xiran Farmaajo ay dhulka D/Hoyga Xamar boobayaan?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Cambaareyn culus ayey dowladdu kala kulantay burburin ay ciidamada booliska Soomaaliya xilligii dambe oo xalay ah ay kula kaceen dhismaha dugsiga Hooyga Xamar, oo ku yaalla meel u dhaw madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasin ee degmada Hodan.

Siyaasiyiinta ka fal-celisay tallaabadaas waxaa ka mid ah Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Guuleed oo hadda u musharaxan madaxweynaha Soomaaliya iyo Xildhibaan Cabdiraxman Odawaa.

Ugu horeyn Cabdiraxman Odawaa oo nasiib darro ku tilmaamay wixii dhacay ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in ragga dhulka boobaya dhulkaas ay yihiin ganacsato gacan saar la leh madaxweyne Farmaajo, kuwaas oo uu sheegay inay aad u taageerayaan dib u soo doorashadiisa.

“Dhulka la burburiyay waxaa lahaa Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya, waxa ay ka soo saartay warqad ay uga soo horjeeddo burburinta hantida wasaaradda. Dhulka waxaa loo burburiyay ganacsato ay madaxweynaha xilkiisu dhammaaday Farmaajo gacan saar leeyihin kana qayb ah dib u doorashadiisa. Waxaan ku baaqayaa in loo hogaansamo codsiga wasaaradda, lagana celiyo dhulka dadka boobaya,” ayuu yiri Cabdiraxman Odawaa.

Caasimada Online ma xaqiiji karto in dadka ka dambeeya burburinta dhulkaas ay gacan saar la leeyihiin madaxweyne Farmaajo.

Dhanka kale Cabdikariin Guuleed oo isna qoraal ka soo saaray arrintan ayaa cambaareyn kadib wixii dhacay ku tilmaamay mid madaxda dowladda ee waqtigu ka dhamaaday ay maanta dalka ku sagootinayaan burburinta goobihii lagu dhisaayay mustaqbalka jiilka Soomaaliyeed.

“Burburinta iyo barakacinta goob waxbarasho ma’ahan talaabo sahlan oo lagu deg degi karo, inagoo og baahida waxbarasho ee ka jirta dalkeena. Iskuullaadku waxey kabbaan dowladnimada, xasiloonida iyo horumarka bulshada. Waa ayaan daro weyn in dowladdu muddo xilleedkeedii kusoo afmeerto burburinta goobihii lagu dhisaayay mustaqbalka dalka, waxeyna muujineysa fahamkooda gaaban ee ku aadan ahmiyadda ay waxbarashadu u leedahay ummad kasoo kabaneysa burbur iyo colaad. Dowladdu waxey heysatay fursado badan oo ay xal ku keeni kartay, iyadoo aan la isticmaalin dhaqankaan foosha xun,” ayuu yiri Cabdikariin Guuleed.

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo maanta warbaahinta kula hadlay gudaha dugsiga la burburiyey ee Hoyga Xamar ayaa raali gelin ka bixiyey wixii dhacay, isagoo sheegay in sarakiishii, ciidankii burburiyey dugsiga iyo cid kasta oo ku lug laheyd falkaas ay ku ciqaabi doonaan.

“Aad iyo aad ayaa idinkaga raali gelinayaa wixii xalay dhacay, ma aheyn siyaasadda xafiisyada dowladda iyo tan boliiska toona, saraakiishii iyo ciidamadii howshaan fuliyey tallaabo sharci ah ayaa laga qaadayaa, waad maqli doontaan illaa berri subax tallabadaas, hadii Alle idmo,” ayuu yiri Taliye Xijaar.

Abaaro 4:00 am ee xalay ayey ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya oo watay gaadiid dagaal iyo cagaf-cagaf waxay burburin ku bilaabeen dhismaha dugsiga Hooyga Xamar, xilligaas waxaa jiiftay caruur aad u badan oo wax ku barata halkaas, waxuuna dugsigan ka mid yahay dugsiyada ugu waaweyn dalka.

Sharciyan dhulka uu ku yaallo dugsigan waxaa isla leh wasaaradda waxbarashada, taas oo sida ku cad dukumintiyo la soo bandhigay, kol hore u ogolaatay dugsiga Hooyga Xamar inuu sii deganaado dhismahan.

16-kii bishan Febraayo warqad ka soo baxday wasaaradda waxbarashada oo loo diray hey’adaha garsoorka dalka ayaa lagu amray joojinta boobka dhulkaas oo wasaaraddu ay cadeysay inay ku ogtahay dugsigan.

Dhulkaan waxaa mudo dheer dadaal ugu jiray inay si hoose u iibsadaan ganacsato reer Muqdisho ah, kuwaas oo sida aan xogta ku helnay isku deyey inay ka faa’iideystaan inta aan lagu wareejin gacanta dowladda.

Hoos ka eeg warqadii u dambeysay ee wasaarrada waxbarashadu ay ka soo saartay dhulkaas.

 

 

Jubaland iyo Puntland oo isku mowqif ka istaagay heshiiskii ay gaareeen R/W Rooble iyo Mucaaradka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland oo qoraallo isku eg ka soo saaray heshiiskii ay xalay Muqdisho ku gaareen golaha midowga musharaxiinta iyo xukuumadda xil-gaarsiinta ayaa soo dhaweeyey tallaabadaas, iyagoo xukuumadda ugu baaqay inay dhameystirto wax ka qabashada caqabadaha kale ee ku xeeran qabsoomidda shir wadatashi ah.

Puntland ayaa dowladda federaalka ku amaantay inay garawsatay mas’uuliyadda wixii ka dhacay Jimcihii hore, isla markaana ay ogolaatay in lagu sameeyo baaritaan madax-banaan.

“Dowladda Puntland waxay soo dhaweynaysaa heshiishka ay wada gareen Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Midowga Murashaxiinta xalay oo tariikhdu ahayd 25 Feb 2021, sidoo kalena waxay soo dhawaynaysaa in DFS ay garawsatay masuuliyadda wixii ka dhacay Mogadishu, 19kii Feb, ayna ogolaatay in baaritaan madax banaan lagu sameeyo,” ayey tiri Puntland.

Qoraalka Puntland ayaa intaas ku sii daray, “Dowladda Puntland waxay ka rajaynaysaa Dowladda Federaalka ah dhameystirka wax ka qabashada caqabadaha kale ee ku xeeran qabashada shir wadatashi ah oo loo dhan yahay oo lagu dhameystirayo arrimaha muranku ka jiray, si ay u abuuranto jawi qabsoomidda doorasho ku dhacda si nabad ah, wadar ogol ah, waafaqsanna heshiiskii 17 September, habraacyadii lagu heshiiyey iyo Dastuurka ku meel gaar ka ah.”

Dhanka kale Jubbaland oo aan ka qoraal duwaneyn Pubtland ayaa ugu horeyn tiri, “Dowladda Jubaland waxay soo dhaweynaysaa heshiishka dhex maray  Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Midowga Murashaxiinta ee ka dhacay Magaalada Muqdisho.”

Sidoo kale Jubbaland ayaa qoraalkan ku sheegtay in dowladda federaalka ay ka rajeyneyso inay wax ka bedesho hanaanka ay ula dhaqmayso musharaxiinta mucaaradka, isla markaana loo baahan yahay in ay la imaato xal la xiriira caqabadaha kale ee ku xeeran qabashada shir wadatashi ah oo loo dhanyahay.

Shirakaas oo lagu dhameystirayo “Arrimaha muranku ka jiray si ay u abuuranto jawi qabsoomidda doorasho ku dhacda si nabad ah oo wadar ogol ah taas oo waafaqsan heshiiskii 17 September habraacyadii lagu heshiiyey iyo Dhuruucda dalka.”

Ugu dambeyntii qoraalka ka soo baxay madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu yiri, “Jubaland waxaay ugu baaqaysa Dowlada Federaalka ah inay garowsato in saamileeyda Siyaasada iyo musharaxiinta ay xaq u leeyahiin ka qeyb galka daadalada socda ee la xiriira go’aan ka gaarista hanaanka Doorashada.”

Shir gelinkii dambe ee shalay ka furmay Hotelka Decale ee magaalada Muqdisho ayaa xalay lagu kala saxiixday lix qodob oo heshiis looga gaaray rabshadihii Muqdisho ka dhacay 19-kii bishan iyo banaanbaxyadii ay dowladdu diiday, mucaaradkuna doonayeen inay qabtaan maanta.

Shirkaas waxuu u dhaxeeyay Ra’iisul wasaare Rooble, Madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabelle  iyo duqa Muqdisho oo dhinac ah iyo golaha midowga musharraxiinta Soomaaliya, waxaana guddi ka kooban lix xubnood oo kala metelaya labada dhinac loo saaray baaritaanka wixii dhacay Jimcihii hore.

Sidoo kale Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa qoraal maanta ka soo baxay xafiiskiisa ku soo dhaweeyey heshiiskii ay xalay kala saxiixdeen madaxda mucaaradka iyo ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta.

Taliye Xijaar oo si adag uga hadlay burburintii loo gaystay dugsiga Hooyga Xamar

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo goordhaw warbaahinta kula hadlay gudaha dugsiga Hoyga Xamar oo saakay ay burburin kula jarmaadeen ciidamo boolis ah ayaa sheegay in wixii dhacay ay qalad ahaayeen.

Taliyaha ayaa sheegay in warqad dacwo ah oo ay soo gudbiyeen bahda waxbarashada oo aan kala harin ay gaartay dhammaan xafiisyada ugu sareeya dalka.

Waxa uu sheegay in madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha iyo wasiirka waxbarashada ay u soo direen xalinta arrintaan, isla markaana uu soo arkay sida ay wax u dhaceen.

“Aad iyo aad ayaa idinkaga raali gelinayaa wixii xalay dhacay, ma aheyn siyaasadda xafiisyada dowladda iyo tan boliiska toona, saraakiishii iyo ciidamadii howshaan fuliyey tallaabo sharci ah ayaa laga qaadayaa, waad maqli doontaan illaa berri subax tallabadaas, hadii Alle idmo,” ayuu yiri Taliye Xijaar.

Waxa uu sheegay in booliskii burburiyey dugsiga aysan tallabadaas ciqaabta ah ku ekaa doonin ee la daba geliyo ilaa halka ay ka soo bilaabatay howshan, isla markaana lagu ciqaabi doono cid kasta oo ku lug laheyd.

Sidoo kale Taliye Xijaar ayaa sheegay xil gaar ah uu iska saari doono arrintan oo sida uu sheegay looga faa’iideystay intii lagu mashquul sanaa heshiiskii lagu dejiyey xaaladda Muqdisho ee xalay lagu gaaray Hotelka Decale.

Taliyaha ayaa waxaa la socday guddoomiyaha degmada Hodan iyo mas’uuliyiin kale, sidoo kale waxaa goobta ku sugnaa inta badan bahda waxbarashada madax-banaan ee dalka.

“Waxaan soo arkay sariiro la jejebiyey, derbiyo la burburiyey iyo waxyaabo noocaas, dhibkaas waxaan kula noqonayaa madaxda dowladda, ra’iisul wasaaraha iyo wasiirka waxbarashada ayaan la kaasha doonaa ka garaabidda arrintaan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Taliyaha booliska Soomaaliya Cabdi Xasan Maxamed Xijaar.

Hoos ka Daawo

FARMAAJO oo war kasoo saaray heshiiskii ay gaareen Rooble iyo mucaaradka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyey heshiiskii ay xalay kala saxiixdeen madaxda mucaaradka iyo ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta.

Qoraal ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu yiri, “Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble dadaalka uu ku bixiyey heshiiska wadajirka ah iyo guud ahaan maareynta arrimaha doorashooyinka iyo sida ay uga go’an tahay in la dhaqan geliyo Heshiiskii 17-ka Sebteembar ee ay wada gaareen Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladaha Xubnaha ka ah, ayna meel mariyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka.”

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ku ammaanay Madaxda Dowlad-goboleedyada Galmudug, Hirshabeella iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, doorka wax ku-oolka ah ee ay ku bixiyeen ka miro-dhalinta waanwaantan, sida lagu yiri qoraalka.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu baaqay dhammaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay doorkooda ka qaataan xasilloonida amni iyo siyaasadeed ee dalka, iyada oo dhabbaha loo xaarayo dhaqan-gelinta Heshiiska doorashooyinka iyo talo soojeedintii Guddiga Farsamada Doorashada Federaal ee ka soo baxday Shirkii Baydhabo” ayaa lagu yiri qoraalka.

Shir gelinkii dambe ee shalay ka furmay Hotelka Decale ee magaalada Muqdisho ayaa xalay lagu kala saxiixday lix qodob oo heshiis looga gaaray rabshadihii Muqdisho ka dhacay 19-kii bishan iyo banaanbaxyadii ay dowladdu diiday, mucaaradkuna doonayeen inay qabtaan maanta.

Shirkaas waxuu u dhaxeeyay Ra’iisul wasaare Rooble, Madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabelle  iyo duqa Muqdisho oo dhinac ah iyo golaha midowga musharraxiinta Soomaaliya, waxaana guddi ka kooban lix xubnood oo kala metelaya labada dhinac loo saaray baaritaanka wixii dhacay Jimcihii hore.

Aqriso: Magacyada xubnaha guddiga baaritaanka ee kala metelaya mucaaradka iyo DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumadda xil-gaarsiinta iyo Midowga musharaxiinta ayaa shir ay ku yeesheen hotel Decale ku gaaray heshiis ka kooban 6 qodob, waxaana la magacaabay guddi loo xil saaray iney baaraan wixii dhacay 19-kii February.

Guddigaan waxey baari doonaan weerarkii loo geystay musharaxiinta iyo rasaastii la huwiyay dibad baxayaashii ay ka mid ahaayeen xubno ka tirsan midowga musharaxiinta iyo xildhibaano aqalka hoose ah.

Waxey ka kooban yahiin 6 xubnood oo labada daraf ka socda, iyadoo laga sugayo iney natiijo ka keenaan shaqaaqadii dhacday.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Filish ayaa ku jira guddigaan, sidoo kale hogaamiyaha xisbiga wadajir Cabdiraxmaan C/shakuur Warsame ayaa isna qeyb ka ah oo ka socda midowga musharaxiinta.

AKHRISO LIISKA GUDDIGA ARINTA LOO XILSAARAY:

GUDDIGA DOWLADDA KA SOCDA:

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Filish

Wasiirka Amniga DF Xasan Xundubay Jimcaale

Wasiir ku xigeenka warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Alcaddaalla.

GUDDIGA MIDOWGA MUSHARAXIINTA KA SOCDA:

Musharax Madaxweyne: Daahir Maxamuud Geelle

Musharax Madaxweyne: Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame

Musharax Madaxweyne: Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow.

DF oo burburin ku bilowday Dugsiga Hoyga Xamar oo ganacsato laga iibiyay

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa aroortii hore saakay hawlgal burburin ah ku bilaabay dhismaha dugsiga Hoyga Xamar ee ku yaalla dagmada Hogan, gaar ahaan agagaarka isgoyska KM4.

Dood muddo socotay ayaa ka taagneed dhulka uu dhismaha dugsiga ku yaallo, waxaana sheegtay qoys dan guud loogala wareegay, dacwo dheer kadib waxaa laga iibiyay ganacsato Soomaaliyeed oo ay u xukuntay maxkamadda gobolka Banaadir.

Maamulka dugsiga Hoyga Xamar ayaa ka digay dhibaatada ay keeni karto xukunka ay riday maxkamadda, sidoo kale wasaaradda waxbarashada, hidaha iyo tacliinta sare ayaa sheegtay in dhulkaas uu yahay dan guud.

Iyadoo ay taasi jirto ayey ciidamada Booliska saakay aroortii burburin ku bilaabeen dhismaha dugsiga, si dhulka loogu wareejiyo ganacsatadii iibsatay.

Maamulaha dugsiga Hoyga Xamar Cabdiraxmaan Yuusuf Aadan oo warbaahinta la hadlay markii uu soo baxay xukunka maxkamadda ayaa sheegay in dhulkaan lacag ku dhaw hal malyan oo Doolar lagu iibiyay, sidoo kalana isaga loo keenay lacago gaar ah si uu dhulka u baneeyo.

Bishii Maarso ee 2020 ayey maxkamadda gobolka Banaadir riday xukunka, waxeyna durba amartay in la baneeyo dhulka, maanta ayeyna ciidamada Booliska amarkaas fuliyeen iyadoo sida sawirada ka muuqata burburinta ay socoto.

Beesha caalamka oo talaab qaadeysa kadib heshiiskii mucaaradka iyo Rooble

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Beesha caalamka ayaa qaadeysa tallaabo kale oo loogu sii gudbo wajiga labaad ee hirgalinta heshiisyada doorashada kadib markii ay ku guuleysteen iney isu keenaan xukuumadda xil-gaarsiinta iyo midowga musahraxiinta.

Wakiilada beesha caalamka waxaa ka go’an iney si dhaqso leh isugu keenaan madaxda DF iyo dowladaha xubnaha ka ah si loo dhameystiro heshiiskii ay wada gaareen guddigii farsamo ee Baydhaba ku shiray 15-kii ilaa 16-kii February 2021.

Wakiilada waxey maalmahii lasoo dhaafay wadatashiyo la qaateen madaxda Jubbaland iyo Puntland kuwaas oo si weyn u diidan waxyaabaha jira, sidoo kalana shuruudo ku xiray iney kasoo qeyb galaan shir loo wada dhan yahay.

Ilo xog-ogaal ah ayaa noo sheegay in beesha caalamka ay gacanta ku heyso shuruudo badan oo dhinacyada ka yimid, isla markaana ay raadineyso xal dhex-dhexaad ah oo ay koox walba ku qanci karto.

Puntland waxey soo gudbisay 8 shuruud oo ay kaga qeyb gali karann shirka wadatashiga doorashooyinka, sidoo kalana Jubbaland ayaa iyana asoo saartay shan qodob oo xasaasi ah.

Maadaama beesha caalamka ku guuleysatay iney isu keento xukuumadda xil-gaarsiinta iyo midowga musharaxiinta oo ka heshiiyay arrimo u dhaxeeyay oo ku qotoma dhacdooyinkii dhacay 19-kii Februry, hadana markaan waxey doonayaan iney wajiga labaad u gudbaan.

Wakiilada waxey doonayaan iney muddo dhaw shir isugu keenaan madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah, si loo jiheeyo arrimaha doorashooyinka loona qabto doorasho furan oo la isku raacsan yahay.

AMISOM oo loo kordhiyey mudada howlgalka Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Ammanka ee Qaramada Midoobey ayaa u codeeyay in howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM loo cusbooneysiiyo waqtiga, taas oo ka dhigay in ciidanka AMISOM ay sii joogeyso Soomaaliya sanado kale.

Ciidankan nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee AMISOM ayaa markii ugu horeysay dalka la keenay sanadkii 2007-dii.

Sida lagu sheegay bayaan ay soo saartay dowladda Ingiriiska dhammaan xubnaha Golaha Ammanka ee Qaramada Midoobay ayaa si aqlabiyad leh ugu codeeyey in waqtiga loo kordhiyo howlgalka AMISOM ee ka socda Soomaaliya.

“Howlgalka Midowga Afrika ee UN-ku igmaday ee ku sugan Soomaaliya waxuu ka shaqeynayaa sidii loo dhisi lahaa awoodda ay Soomaaliya u leedahay nabadeeda iyo horumarkeeda,”ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay QM.

Waqtiga ay sharciga u heysteen inay sii joogaan Soomaaliya ayaa ku ekaa 28-ka bishan Febraayo, waxaana loogu hordhiyey hal sano.

Ciidanka AMISOM ee hadda ku sugan gudaha Soomaaliya ayaa gaaraya ku dhowaad 20,000 oo askari, waxayna ka kala socdaan dalalka Jabuuti, Kenya, Itoobiya, Uganda iyo Burundi.

Sidoo kale ciidanka AMISOM waxaa qeyb ka ah boolis ka socda lix dal oo kala ah Zambia, Uganda, Ghana, Kenya, Nigeria iyo Sierra Leone dhamaan dalalkan oo ku yaalla qaaradda Afrika waxay ciidankan ugu deeqeen Soomaaliya, si nabad loogu soo dabaalo.

AMISOM waxay taageero siisaa ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya, waxayna koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ka howlgeleysay tan iyo 19-kii bishii Janaayo ee sanadkii 2007-dii.

Waxaa xusid mudan in marar badan sidaan oo kale waqtiga ay sii joogayaan Soomaaliya loogu kordhiyey AMISOM, sababtuna waa in ciidanka xoogga Soomaaliya uusan u diyaarsaneyn inuu la wareego ammaanka dalka.

Beesha caalamka oo war kasoo saartay heshiiskii mucaaradka iyo xukuumadda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal goordhow ka soo baxay beesha caalamka ayaa lagu soo dhaweeyey heshiiskii ka koobnaa lixda qodob ee ay gaareen xukuumadda xil-gaarsiinta iyo golaha midowga musharaxiinta Soomaaliya, kaas oo lagu cadeeyey in xukuumaddu raali gelin ka bixisay, guddi baarana loo saaray wixii Muqdisho ka dhacay 19-kii bishan Febraayo.

Sidoo kale heshiiskaas waxaa lagu cadeeyey in dib loo dhigay banaanbixii ay midowga musharaxiintu u qorsheeyeen inuu dhaco Jimcaha berri ah ee 26-ka Febraayo, waxaana tallaabooyinkaas soo dhaweysay beesha caalamka.

“Beesha Caalamka ee Soomaaliya waxay si diirran u soo dhaweynaysaa heshiiska ay ku dhawaaqeen ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, hogaamiyaasha Galmudug, HirShabeelle iyo Banaadir, iyo Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha, oo ah talaabo wanaagsan,” ayaa lagu yiri.

Qoraalka beesha caalmka ayaa intaas ku sii daray, “Saaxiibada caalamka ee Soomaaliya waxay bogaadinayaan talaabadan, taas oo dan u ah muwaadiniinta Muqdisho iyo guud ahaan Soomaaliya, waxayna ku boorineysaa dhamaan dadka ku lugta leh inay sii wadaan ka qeyb qaadashada dhaqaalaha, si wax looga qabto arrimaha kale ee harsan, iyadoo loo marayo tanaasul iyo niyad wanaag.”

Beesha Caalamka ayaa door aan qarsooneyn ka cayaareysa isu keenidda dhinacyada Soomaalida ee ku heshii la’ doorashada dalka, waxayna maalmihii dambe gadaal ka riixeysay qabsoomidda kulanka lagu gaaray heshiiskan oo muhiim u ahaa dadka reer Muqdisho.

Wal-wal iyo cabsi badan ayaa ka jirtay magaalada Muqdisho intii aan la gaarin heshiiskan, maadaama uu mucaaradku iclaamiyey banaanbax, halka dowladuna ay si cad u diiday in la dhigo banaanbaxaas, waxaana laga cabsi qabay isku dhacyo hor leh oo ay marti geliso Muqdisho.

Hoos ka akhriso qodobada heshiiska

Rooble oo war kasoo saaray heshiiska mucaaradka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo shir heshiis lagu kala saxiixday la qaatay Midowga Musharaxiinta ayaa tilmaamay in wadahadalladu ay ahaayeen kuwo miro dhal ah oo ka tarjumaya biseylka siyaasadeed iyo u tanaasulka danta guud ee dalka.

Ra’iisul Wasaare ayaa sheegay in madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo, madaxda Galmudug, HirShabeelle iyo duqa Muqdisho uu ku bogaadinayo doorkii ay ku bixiyeen ka miro-dhalinta waan-waantan.

Sidoo kale waxuu uga mahadceliyey Rooble madaxweyneyaashii hore ee dalka Xasan Sheekh, Shariif Sheekh iyo xubnaha kale ee musharaxiinta uu dadaalka ay muujiyeen si loo gaaro heshiiskan.

“Shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu bishaareynayaa heshiiskan oo muujinaya sida ay nooga go’an tahay ilaalinta xasilloonida iyo amniga dalka. Dowladdu waxa ay garowsan tahay ilaalinta sarreynta sharciga iyo xuquuqda muwaadin kasta uu u leeyahay in uu cabiro fikirkiisa, waxaan rajaynayaa in aan dhammaanteen ka wada shaqeyno qabsoomidda doorashada,” ayuu yiri Rooble

Qoraalkan oo ka soo baxay xafiiska Rooble ayaa lagu yiri, “Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo hor-dhigay masuuliyiinta uu la kulmay duruufaha amni iyo caafimaad ee ka jira dalka ayaa u soo jeediyey in dib loo dhigo bannaan baxa maalinta jimcaha, lagana wada shaqeeyo marxalad iyo waqti kale oo ku habboon, suurtagalna ah.”

Ra’iisul Wasaaraha ayaa adkeeyey dadaalka dowladdu ay ku bixinayso badqabka caafimaad iyo amni ee muwaadiniinta Soomaaliyeed, iyadoo la dhowrayo xuquuqda dastuuriga ah ee qeexaysa in muwaadin kasta uu xaq u leeyahay soo bandhigidda aragtidiisa siyaasadeed.

Ra’iisul Wasaaraha waxaa kulankan ku weheliyey Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamed Maxamuud iyo xubno ka tirsan wasiirradiisa.