25.4 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Sawirro: Shirka Rooble iyo Mucaaradka oo furmay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhow si rasmi ah u billowday shirka gaarka ah ee u dhexeeya xukuumadda iyo xubnaha musharraxiinta mucaaradka, kaasi oo ka dhacaya hotelka Decale ee magaalada Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha xilka sii-haya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa lagu yiri ” Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda JFS mudane Maxamed Xuseen Rooble  ayaa hoteelka Decale kulan kula leh Midowga Musharaxiinta. Ra’iisul Wasaaraha ayaa kala hadlaya murashaxiinta arrimaha doorashooyinka, amniga dalka.”

Shirka u dhexeeya xukuumadda & musharraxiinta oo kusoo aaday, xilli xasaasi ah ayaa waxaa diirada lagu saarayaa xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashada  & dhaq-dhaqaaqyada ka jira magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Waxa kale oo uu shirkan  muhiim u yahay geedi socodka nabada ee Soomaaliya, gaar ahaan is mari-waaga ka taagan hannaanka doorashooyinka dalka ee 2021-ka.

Labada dhinac ayaa horey u gaaray is-afgarad, kadib markii Rooble uu aqbalay laba ka mid ah ah saddex qodob oo ay soo gudbiyeen musharaxiinta, kuwaas oo kala ah:-

1- In la cambaareeyo, raalli gelin laga bixiyo wixii dhacay 19 Febraayo.
2- In bannaan baxa la ogolaado.
3- In shirarka wadatashiga qaran laga qeyb geliyo Murashaxiinta.

Si kastaba waxay arrimahan kusoo aadayaan, iyada oo lagu wado in beri oo Jicmo ah uu dhaco dibad-baxa ay markale ku baaqeen xubnaha midowga musharraxiinta mucaaradka.

Midowga musharaxiinta oo la yimid shuruudo hor leh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha midowga musharraxiinta mucaaradka oo kulan dhanka Aaaladda Zoomka ah la yeeshay wakiilada beesha caalamka ayaa la wadaagay warbixino ku aadan xaaladihii ugu dambeeyey ee dalka iyo doorashooyinka.

Kulanka dhex-maray midowga musharraxiinta iyo beesha caalamka oo ku soo aaday, xilli xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlay dhacdooyinkii ugu dambeeyey & doorashooyinka.

Musharraxiinta ayaa sidoo kale warqad ka kooban labo bog u diray wakiilada beesha caalamka, waxaana ku qornaa shuruudo adag oo ay soo bandhigeen mucaaradka.

Qodobada ku xusan warqadda waxaa ka mid ah: –

-1n baaritaan madax bannaan lagu sameeyo weerarkii lagu qaaday hotelkii ay deganaayeen madaxweynayaashi hore & falkii lagu rasaaseeyay bannaan-baxayaashii  ay hoggaaminayeen musharaxiinta mucaaradka ee Jimcihii ka dhacay magaalada Muqdisho.

-In madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu ku wareejiyo talada dalka Gole Qaran oo KMG ah.

-In heshiis kama-dambeys ah laga gaaro 3 qodob ee muranku ka taagnaa ee hore u jiray  sida arrinta Somaliland iyo tan Gobolka Gedo iyo guddiga doorashooyinka.

-In la abuuro jawi siyaasadeed oo ay ku jirto xorriyadda banaanbaxa, qabashada shirarka, ololaha, dhaq dhaqaaqa xorriyadda hadalka iyo u adeegsiga warbaahinta qaranka si siman.

-In ay is-casilaan taliyeyaasha ciidamada, gaar ahaan Xoogga dalka, Sirdoonka iyo Booliska oo ay ku eedeeyeen inay ka qeyb qaateen weeraro ka dhan ah musharraxiinta

-In shirarka soo socda lagu qabto goob amni ah, islamarkaana uu jiro dammaanad qaad caalami ah oo korjoogteyanaya fulinta heshiisyada la gaaro.

-In golaha musharaxiinta madaxweynaha ay si toos ah uga qeyb-qaataan wadahadalada doorashooyinka iyo wadatashiga .

-In la dadajiyo doorashada, islamaraakana jadwalka lasoo saari doono uusan ka dheeraan muddo 60 cisho ah

-In doorashada madaxweynaha lagu qabto isla goobtii ay ka dhacday Febraayo sanadkii 2017-kii.

Somtel oo soo bandhigtay laba adeeg oo casri ah oo Soomaaliya oo ku cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkadda Isgaarsiinta casriga ah ee Somtel Somalia oo la Jaanqaadeysa Technology-da Casriga ah ayaa maanta shaacisay inay soo kordhisay Adeegyada cusub eDahab chatbot & Safar Taxi Chatbot, sida ay ku sheegtay war-saxaafadeed ay soo saartay. Hoos ka aqriso faah-faahinta

WAR SAXAAFADEED: BANDHIGA ADEEGYADDA CASRIGA AH EE SOMTEL

Maanta oo taariikhdu tahay 25 February 2021 shirkada isgaarsiinta casriga ah ee Somtel Somalia iyadoo la Jaanqaadeysa Technology-da Casriga ah waxay macaamiisheeda usoo kordhisay Adeegyada cusub eDahab chatbot & Safar Taxi Chatbot.

Waa adeegyo u sahlaya macaamiisha in ay ku dalban karaan kuna iibsan karaan adeegyada Dahabshiil Group iyagoo isticmaalaya WhatsApp – kooda .

1. eDahab Chatbot: Waa hab casri ah oo u sahalaya macaamiisha In ay ka dalban karaan adeegyada shirkadda WhatsApp – kooda. Keliya waxay Save-gareysanayaan Numbarkaan (+252657999222) ka Dooro adeega aad u baahan tahay Fariinta kuu soo bixi doonta oo ay ku Qoran yihiin Adeegyada, Macmiilku edahab-kiisa ayuu ku iibsan karaa dhamaan adeegyada somtel Sida: Internet Data , Voice iyo Badeecooyinka kale ee Suuqa yaal.

2. Safar Taxi Chatbot. Waa hab casri ah oo u sahalaya macaamiisha In ay ka dalban karaan adeegyada Safar Taxi WhatsApp – kooda. Keliya waxay Save-gareysanayaan Numbarkaan (+252 2 300 000) kadibna Waxay dalban karaan Taxi iyo Bajaaj hadba noocii ay Rabaan si ay u Raacaan , ama ku dalbo sidan *3000# Sidoo kale wac 3000.

Somtel waa shirkadii ugu horeysay ee keentay adeegyada Casriga ah ee WhatsApp lagu isticmaalayo.

“Dunida tagtay la jaanqaad oo Isticmaal simcard-ka Somtel”

Yusuf Garaad oo shaaciyey ‘arrinta kaliya ee lagu xalin karo’ khilaafka doorashada

0

Muqdisho (Caasimada Onlin) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, ahna haatan ergayga gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ee Soomaaliya, Mudane Yuusuf Garaad Cumar ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan doorashooyinka, kadib qoraal uu soo dhigay bartiisa Faceook-ga.

Yuusuf Garaad ayaa si qoto dheer uga hadlay is mari-waaga ka taagan doorashooyinka dalka ee 2021-ka, wuxuuna shaaca ka qaaday in xaaladdu ay wanaagsaneyd, ka hor dhacdooyinkii 19-ka Febraayo & shirarkii ka horreeyey ee Baydhabo & Dhuusamareeb.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xaaladdu ay ka sii dareyso, haddii aan la helin wada-hadal toos ah oo lagu dhameeyo tabashada ka jirta doorashada dalka.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda ayaa qoraalkiisa ku shaaciyey in xalka kaliya ee looga gudbi karo marxaladdan uu yahay in dhinacyada is haya ee kal ah:- dowlada federaalka, dowlad goboleedyada dalka iyo saamileyda kale ay isugu yimaadaan si foolka fool ah.

“Sida keliya oo marxaladdaas looga gudbi karo waa xiriir toos ah oo miis dushiis lagu gorfeeyo gefefka la kala tirsanayo iyo tuhunka la kala qabo,” ayuu yiri Yuusuf Garaad.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo maanta la filayo in shir gaar ah ay yeeshaan ra’iisul wasaaraha xilka sii haya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo musharraxiinta mucaaradka, waxaana ay ka wada-hadlayaan xaaladda dalka & arrimaha doorashada.

Halkan hoose ka aqriso fariinta:-

Marka laba ama dhowr dhinac ay is khilaafaan, fool-ka-fool la isu arki diido, aanuu jirin xiriir kale oo toos ah;

Marka uu kala shakigu bato, siina kobco ilaa uu horseedo kala aamminbax.

Dhinac kastaa wuxuu isu sheegaa waxa uu ku gar leeyahay oo keliya.

Wuxuu quus ka istaagaa dhinaca kale, kamana fisho wax aan ahayn shar iyo xumaan hor leh.

Taasi waxay dhinac kasta geyeysiisaa in uu ahaado col-u-joog, waran-la-yuurur ah.

Wuxuu diiradda saaraa waxa uu dhanka kale u dhimi karo, isaga oo aan xisaabta ku darsan waxa uu isagu lumin karo.

Xaaladdaasi waxay ugu badisaa dhangaxa dhan-ka-aragga ah. Waxay rajo gelisaa kan aan waxba dhowraneyn.

Waxaa macaash ka raadiya kuwa dadka u kala sheekeeya iyo cadow oo dhan. Mar kasta oo xaaladdaas lagu sii jiro, xalku wuu sii fogaadaa.

Dhacdooyinkii 19-ka Feb ka hor, arrintu sidan waa ay ka sahlanayd.

Waxaye ka sii sahlanayd Baydhowa markii la fadhiyay.

Markaasna waxaa ka sahlanayd Dhuusa Marreeb intii la joogay.

Sida keliya oo marxaladdaas looga gudbi karo waa xiriir toos ah oo miis dushiis lagu gorfeeyo gefefka la kala tirsanayo iyo tuhunka la kala qabo.

In la wada fariisto waa tallaabo ku wajahan jihada xalka.

Ka quuso in aad ka quusato Soomaaliya.

Mareykanka oo ‘howl-gallo qarsoodi ka wada’ Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Su’aallo dheeraad ah & shaki weyn ayaa ka dhashay diyaarad laga leeyahay Maraykanka oo lagu arkay garoon ku yaalla Soomaaliya.

Diyaaradda King Air turboprop oo ah nooca ay adeegsadaan qandaraasle-yaasha militariga ayaa la arkay, iyada oo taagan garoon diyaaradeed oo ku yaalla gudaha Soomaaliya, sida ay shaaciyeen boggaga wararka ee Baotintuc iyo Okezone.com.

Sidoo kale waxaa la helay caddeymo muujinaya in diyaaraddan oo rakaab aheyd ay wateen qandaraasle-yaal, taas oo muujineyso in Maraykanku uu Soomaaliya ka wada howl-gal qarsoodi ah.

Sawirradan iyo muuqaallo kale ayaa waxaa si dhif & naadir ah loo helay, xilligii ciidanka Maraykanka ah ay baxayeen gudaha Soomaaliya 17-kii January ee sanadkan 2021.

Su’aalaha taagan, islamarkaana la’is weydiinayo ayaa ah qaabka ay diyaaraddan oo ay sameysay shirkada Beechcraft ay uga howl-gashay gudaha Soomaaliya.

Warbaahinta ayaa sidoo kale sheegtay lambarka diiwaan-gelinta madaniga ah ee diyaaradda, N27557 oo si sicad uga muuqata sawirka, looma diiwaangalin wax diyaarad ah oo ay ogtahay maamulka duulista federaalka ee dalka Mareykanka.

Si kastaba Mareynkan ka ayaa ka mid ah dalalka ka howl-gallada gudaha Soomaaliya isaga oo qeyb ka ah arrimaha siyaasadda iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

GAAS oo si cajiib ah uga hadlay xiisada siyaasadeed ee ka taagan Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo wareysi gaar ah siiyey TV-ga Universal ayaa si adag kaga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo xiisadda adag ee magaalada Muqdisho.

Gaas ayaa wareysigan taageero ugu muujiyey xubnaha midowga musharraxiinta mucaaradka, wuxuuna sheegay in laga qaldan yahay, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay dibad-baxa ay abaabulayaan uu ka dhashay rajo xumo laga qabo in ay dhacdo doorasho dimuqraadi ah.

“Xaq beey u leeyihiin Musharixiinta iyo dadka kale inay banaanbaxan, dowladdana aad ayay ugu qaldan tahay inay hor-istaagto, banaanbaxa waxaa keenay rajo xumo iyo quus lag muujiyay in doorasho dimuqraadi ah dhacdo,” ayuu yiri Mudane Cabduweli Gaas.

Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ra’iisul wasaare kasoo noqday dalka ayaa sidoo kale xusay inay muhiim tahay in laga hortego in awood milatari loo adeegsado shacabka.

“Dalkan 21-sano oo Diktaatooriyad ah ayuu soo maray waana in la diidaa in shacabka awood milatari lagu caburiyo banaanbaxuna waa Dastuuri,” ayuu sii raaciyey.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo maalinta beri ah lagu wada in dibad-bax ka dhan ah madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday uu ka dhaco gudaha Muqdisho, kaas oo ay hadda abaabulayaan musharraxiinta, waxaana socda wada-hadallo ku aadan dibad-baxaasi.

Waa imisa tirada ciidanka GORGOR ee laga qeyliyey?

Muqdisho (Caasimada Online) – Baaritaan ay sameysay Caasimada Online ayaa ku ogaanay tirada ciidanka Gorgor ee ka tirsan Milateriga Soomaaliya, kuwaas oo maalmihii ugu dambeeyay ay ka qeyla dhaamiyeen madaxda badan oo ka tirsan maamulada dalka iyo kuwa mucaaradka ah. 

Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa habeenkii Axadda magaalada Garowe ka sheegay in aysan Xamar tagi karin sababtana waxa uu ku sheegay in ay ku adag tahay in Al-Shabaab iska ilaaliyaan iyo in ay iska ilaaliyaan Gor Gor.

Sidoo kale tirada ciidanka Gorgor ayuu sheegay in ay badan yihiin balse waxa uu ka gaabsaday in uu shaaciyo tirada isagoo sabab uga dhigay in uusan cabsi gelineen dadka shacabka ah. 

Caasimada Online oo la hadashay madax ka tirsan Gorgor iyo taliska wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegay in ciidankaan ay u dhaxeeyaan kun iyo shan boqol ilaa laba kun oo Askari. Sidoo kale saraakiisha aan la hadalnay ayaa sheegay in ciidankaan ay ka mid yihiin ciidamada ugu qalabka iyo tayada wanaagsan. 

Waxay heestaan hubka culus iyo mid fudud oo casri ah, gaadiidka gaashaaman oo qaarkood rasaasta karin iyo tababar casri ah waxaana soo tababartay islamarkaana qalabaysay dowladda Turkiga. 

Ciidanka Gorgor ayaa ilaa hada geestay saddex weerar oo kii ugu dambeeyay ka dhacay 19-kii bishaan magaalada Muqdisho, weerarkaas oo lagu qaaday madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed. 

Xog: Rooble iyo mucaaradka oo is-faham gaaray iyo laba shuruud oo uu aqbalay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog aan ka helnay waan-waantii laga dhex-waday golaha midowga musharaxiinta iyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegeysa in is-faham laga gaaray xalay.

Ilo ku dhow dhow xubnaha Ergada waan-waanta ka dhex wada Ra’iisul Wasaaraha iyo Murashaxiinta Mucaaradka ayaa Caasimada Online u sheegay in dhinacyada ay ku heshiiyeen inay maanta kulan qado ah ku yeeshaan Hotelka Decale, kulankaas oo ay ka qeyb-galayaan Midowga Musharaxiinta, Ra’iisul Wasaaraha, iyo Madaxweynayaasha Galmudug iyo HirShabelle.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in is-afgaradka uu yimid kadib markii Rooble uu aqbalay laba ka mid ah ah saddex qodob oo ay soo gudbiyeen musharaxiinta. Qodobadan ay musharaxiintu ku xireen la kulanka madaxdaas ayaa kala ahaa:

1- In la cambaareeyo, raalli gelin laga bixiyo wixii dhacay 19 Febraayo.
2- In bannaan baxa la ogolaado.
3- In shirarka wadatashiga qaran laga qeyb geliyo Murashaxiinta.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa aqbalay labada qodob ee hore, balse qodobka saddexaad ee ka qeyb-galka shirarla ayuu sheegay inuu yahay mid ku xiran madaxweynaha, oo gacantiisa ka baxsan.

Arrintan ayaa imaneysa in ayada oo Golaha Midowga musharaxiinta Soomaaliya oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ay mar kale ku celiyey in banaan-baxa ay dhigayaan Jimcaha soo socda, iyagoo sharci darro aysan aqbali doonin ku tilmaamay go’aankii ay shalay xukuumadda xil-gaarsiintu ku sheegtay in wax banaanbax ah aan Muqdisho lagu qaban karin.

Xog: DF oo ciidamo kale ku daadisay MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in dowladda Soomaaliya ay ciidan badan ku daadisay magaalada Muqdisho, gaar ahaan xaafadaha ku dhow dhow Villa Somalia.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in guryaha ku dhow Madaxtooyada Soomaaliya la dejiyay dhalinyaro u daacad ah Madaxweyne Farmaajo, oo dharcad ah kuwaas oo ujeedooyin dhowr ah laga leeyahay.

Ciidankan oo sidoo kale la geeyey qeybo kale oo magaalada ka mid ah ayaa lagu warramayaa in ay ka hortagi doonaan banaanbaxyada la filayo in todobaadkaan lagu qabto magaalada Muqdisho, oo ay suurta-gal tahay in mar kale ay rabshado hareeyaan.

Banaanbaxa ayaa qorshuhu yahay inuu 26-ka bishan Febraayo oo ah Jimcaha uu ka dhaco agagaarka taallada Daljirka Dahsoon, oo aad ugu dhow xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Dowladda ayaa horey ciidamo militari u gaysay taallada, hase yeeshee kuwan dharka cad ayaa lagu warramaya inay sii xoojin doonaan kuwaas.

Waxaa sidoo kale la sheegay inu diyaarsan in ay dowladda difaacaan haddii uu dagaal dhaco, oo ay xaaladda faraha ka baxdo.

Dhallinyaradaan ayaa la siiyay hub waxaana loo kireeyay guryo ku hareereysan madaxtooyada, waxaana la siiyay amar ah in aysan hubkooda banaanka usoo bixin ilaa laga amro. 

“Haddii dagaal dhaco oo la soo weeraro ayey howgali doonaan waana ciidan dadka ku cusub qalabkoodana loo dhameestiray, guryaha ay daganyihiin lacagtooda waa laga bixinayaa waayo iyaga maba awoodaan,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidamada amniga Soomaaliya.

Ciidanka DF oo nolosha ku qabtay xubno ka tirsan Al-Shabaab + Sawirro

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo kaashanaya kuwa maamulka Koonfur Galbeed ayaa howl-gallo ka dhan ah dagaalyahanada Al-Shabaab ka sameeyey gobolka Baay, iyada oo laga helayo faah faahino dheeraad ah.

Howl-gallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa si gaar ah ciidamadu waxa ay uga fuliyeen deegaanka Awdiinle ee gobolkaasi, iyada oo lagu beegsaday xubno ka tirsan Shabaab.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka ayaa shaaca ka qaaday in howl-gallada lagu soo qabtay in illaa afar xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

‘Maleeshiyada la soo qabtay ayaa gaaraya 4-ruux, kuwaas oo dhibaato xooggan ku hayay dadka deegaanka Awdiinle iyo tuulooyinka hoos yimaada,” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo lagu daabacay wakaaladda wararka qaranka Soomaaliyeed ee magaceeda loo soo gaabiyo Sonna.

Sidoo kale qoraalka ayaa intaasi kusii daray “Ciidanka oo helay xogta maleeshiyadan ayaa ku baxay, kadibna gacanta ku soo dhigay,”.

Ciidamada dowladda iyo kuwa daraawiishta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa weli haq-dhaqaaqyo ka wada duleedka magaalada Baydhabo.

Al-Shabaab ayaa haatan ku xoogan gobollada Baay iyo Bakool, iyaga oo ka fuliyo weeraro ka dhan ah ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMSIOM.

 

Xog: Akhriso magacyada mas’uuliyiinta DF ka tirsan ee uu ku dhacay COVID-19

Muqdisho (Caasimada Online) – Cudurka Safmarka ah ee Covid-19 ayaa si weyn ugu baahaya magaalada Muqdisho, waxaana isa soo taraya dadka u dhiminaya iyo kuwa qaadaya ee la xanuunsan. 

Qaar ka mid ah shaqsiyaadka caanka oo ay ku jiraan mas’uuliyiinta dowladda ayaa la sheegay in ay la jiifaan cudurkaan, waxaana laga deyrinayaa xaaladda caafimaad ee qaar ka mid ah dadka uu haayo. 

Mas’uuliyiinta ka tirsan dowladda Soomaaliya ee uu cudurka soo ritay ayaa isugu jira Xildhibaano, wasiir, iyo saraakiil ka tirsan ciidanka Qaranka waxaana dadkaasi kamid ah 

Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo ku sugan dalka Burund, Xildhibaan Cabdullaahi Gaafow Maxamuud oo ka tirsan Golaha Shacabka ee BFS, Sen Muna Cumar Xasan oo ka tirsan Aqalka Sare ee BFS, Bashiir Maxamed Jaamac, taliyihii hore ee ciidanka Asluubta hadana ah Maareeyaha wakaalada Dhismaha Qaranka, taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya Cabdi Xasan Xijaar, taliyaha hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyada Col Maxamed Aadan Koofi, taliyihii hore ee ciidanka Xoogga dalka Janaraal Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe, taliyihii ciidanka Badda Soomaaliya Admiraal Maadeey Nuureey Sheekh Furow iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Inta ugu badan masuuliyiintaan ayaa jiifa Isbitaalka Martiina marka laga reebo Col. Koofi oo dhowaan ka bogsaday iyo wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya oo ku go’doonsan Burund, halka qaar kale oo ka mid ah dadkaan ay guryahooda la jiifaan xanuunkaan.

Magaalada Muqdisho ayaa si weyn looga dareemayaa saameynta cudurka Covid-19, waxaana u dhintay dad badan oo magac ku dhax leh Bulshada Soomaaliyeed, kuwaas oo ay ku jiraan fanaaniin, odayaal dhaqan iyo culimo. 

Xubno Al-Shabaab ah oo duqeyn cusub lagu laayey

0

Jamaame (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada hoose ayaa ku waramaya in gelinkii dambe ee shalay duqeyn diyaaradeed oo ka dhan ah dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab laga fuliyey qeybo ka mid ah gobolkaasi oo dhaca koonfurta Somalia.

Duqeynta oo aheyd mid culus ayaa waxaa lala bartilmaameedsaday xarun lagu tababaro dagaalyahanada kooxdaasi oo ku taalla buurta Kuumba oo 12 KM u jirta Jamaame.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka, gaar ahaan qeybtooda 43-aad ayaa shaaca ka qaaday in weerarkaasi lagu dilay ugu yaraan 15 xubnood oo ay ku jiraan saraakiil ka tirsanaa Al-Shabaab oo xilligaas ku sugnaa xerada tababarka ee duqeynta lala eegtay.

Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi kusii daray in meydadka iyo dhaawacyada ka dhashay duqeyntaasi la geeyey degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

Weerarkan dhanka cirka ah ayaa waxaa iska kaashaaday ciidamada Xoogga  dalka iyo saaxibadooda caalamka, sida ay shaaciyeen saraakiisha ka warbixiyey howl-galkaasi.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan weerarkaasi ay guulaha ka sheegatay dowladda federaalka Soomaaliya.

Si kastaba maalmihii u dambeeyey ciidamada huwanta ayaa sare u qaaday howl-gallada iyo dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab ee koonfurta iyo bartamaha dalka.

Ugaas Xasan oo la xaqiijiyey inuusan u geeriyoon COVID-19 – Sidee wax u jiraan?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraallo ay soo saareen isbitaalka Madiina iyo Taliska booliska Soomaaliya ayaa lagu shaaciyey sababta keentay dhimashada Allaha u naxariistee Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Warqadahaan waxaa lagu xaqiijiyey in Ugaasku uusan u geeriyoon cudurka Coronavirus oo markii hore la sheegay inuu sababsaday.

Sida lagu sheegay qoraalkan, baaritaanadii la sameeyey waxaa lagu xaqiijiyey in Ugaas Xasan uu u geeriyooday Wadne xanuun.

Dhakhaatiirta caafimaadka iyo laanta baarista dembiya ee booliska Soomaaliya ayaa geerida Ugaaska kadib bilaabay baaritaano, si loo ogaado sababta keentay dhimashada.

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo ahaa Ugaaska beesha Xawaadle ayaa xalay fiidkii hore ku geeriyooday Hotel uu ka deganaa magaalada Muqdisho.

Ugaaska oo fadhigiisa ugu weyn uu ahaa magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, ayaa mudooyinkii dambe ku sugnaa magaalada Muqdisho, oo ugu dambeyn uu xalay ku geeriyooday.

Meydkiisa ayaa la sheegay in berri loo qaadayo gobolka Hiiraan, gaar ahaan deegaanka Halgan oo lagu aasayo, halkaas oo ay degaan qoyska reer Ugaas ee beesha Xawaadle.

Puntand oo sharaxaad ka bixisay sababaha keenay shuruudaha ay ku xirtay shirka doorashooyinka

0

Garoowe (Caasimadda Online) – Dowlad Goboleedka Puntland ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixisay sababihii keenay inay shuruudo adag ku xirto ka qeyb galka Arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.

Wasiirka Warfaanta Puntland, Cabdullaahi Cali Xirsi Timacade ayaa ugu horeyn sheegay in maamulka Puntland ay diyaar u tahay inay dalka ka dhacdo doorasho xalaal ah oo ay isla ogol yihiin dhammaan Maamul Goboleedyada, Dowladda Dhexe iyo Saamileyda Siyaasadda.

Wasiirka oo wareysi siiyey Idaacadda VOA ayaa sheegay in ay lagama maarmaan tahay in Beesha Caalamka ay kasoo qeyb gasho kulamada looga hadlayo doorashooyinka Soomaaliya si damaanad qaad loogu helo qodobada lagu heshiiyo iyo sidii loo fullin lahaa.

Madaxda Dowladda Dhexe ee Soomaaliya ayuu wasiirka ku eedeeyey inay dhowr jeer ku fashilmeyn fulinta qodobadii lagu heshiiyey taasna ay sabab u noqotay in Puntland ay soo bandhigto shuruudahaan gaar ahaan in beesha Caalamka ay goobjoog ka noqoto.

Wasiir Timacadda oo wax laga waydiiyey sababta keentay in Puntland ay dalbato in taliyaasha Ciidamada la badalo ayuu sheegay inay taas sabab u tahay maadaama ay taliyaasha qeyb ka noqdeyn ololaha dib usoo doorashada madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo sida uu hadalka u dhigay.

Hadalka Wasiir Timacadde ayaa imaanayo kadib markii Maamulka Puntland uu Xalay soo saaray illaa 8 shuruud oo aadan ka qeybgalka shirka la filayo in looga hadlo arrimaha doorashooyinka.

Halkaan hoose ka akhriso shuruudihii ay Puntlan soo saartay Xalay: Puntland oo 8 shuruud oo aad u adag ku xirtay ka qeyb galka shirka doorashada

Midowga Musharaxiinta oo go’aan aadag kasoo saaray dibad-baxa Jimcaha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha midowga musharaxiinta Soomaaliya oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay go’aankii ay xukuumadda xil-gaarsiintu ka soo saartay banaanbax ka dhaca magaalada Muqdisho.

Afhayeenka midowga musharaxiinta Daahir Maxamuud Geelle oo ka hadlay shirka jaraa’id ee golaha ayaa sheegay inay ku adkeysanayaan qabashada banaanbaxa ay iclaamiyeen maalinka Jimcaha ah ee soo socota, isagoo ku gacan sareyray go’aankii shalay ka soo baxay xukuumadda.

“In nala qasbo ma aqbali karno, waxaan go’aansanay inaan difaacano xuquuqdeena dastuuriga ah, waxaan rabnaa in laga waantoobo isbaarada naloo dhigtay, bulshada Soomaaliyeed waxaan leenahay ka soo qeyb gala mudaharaadkaas Jimcaha, waan ognahay culeys ayuu leeyahay, laakiin hadii aan iska dhaafno waa ‘gumoobeysaan’ dowladda federaalka waxay ku tumaneysaa qodobo dastuuri ah, waa inaan dhahno kuma tuma kartaan,” ayuu yiri Daahir Geelle.

Waxuu sheegay in hadafkoodu uu yahay inay Farmaajo ka quusiyaan damaciisa oo sida uu sheegay ah mid ku tumasho dastuur ah.

Sidoo kale Daahir Geelle waxuu sheegay in maanta ay shir gaar ah ka yeesheen xaaladda cakiran ee dalka, isla markaana ay wax yaabo badan isla odoraseen.

“Maalin dhaweed markii aan mudaharaadka aan sameynay isbaaro ayaa naloo dhigtay, taas oo lagu hagar daameeyey xuquuqdeena, isbaaro iyo argagixiso looma hoggaansamo, waxaan go’aasaanay inaan ku adkeysano difaaca xuquuqdeena sharciga ah, sidaas darteed maalinta Jimcaha ah waxaan dhigeynaa mudaharaad dastuuri ah,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Daahir Geelle.

Wasiirka amniga Soomaaliya Xasan Xundubey oo shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in xukuumaddu go’aamisay in aan la qaban karin wax isku imaatin ama banaanbax ah, sababo la xariira ka hor tagga faafitaanka cudurka Coronavirus oo aad ugu soo laba kacleeyey Soomaaliya, balse go’aankaas waxaa si cad u diidan musharaxiinta oo Muqdisho ka abaabulaya banaanbaxyo hor leh.

 

Beesha caalamka oo maanta laba qodob kala hadashay R/W Rooble + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay wakiillada beesha caalamka ee Soomaaliya, ee isku dayaya inay xal u helaan muranka ka taagan doorashada Soomaaliya.

Qoraal kooban oo lagu baahiyey barta twitterka ra’iisul wasaare ayaa lagu sheegay in kulankaas looga hadlay laba qodob oo muhiim u ah Soomaaliya. Ra’iisul wasaare Rooble ayaa sheegay in labadaas qodob ay kala yihiin:

1- Ka gudbista caqabadaha hor-taagan xal u heliadda is-mari waaga ka taagan doorashada Soomaaliya.
2 – Iyo dhowrista xasiloonida guud ee dalka, kadib rabshadihii ka dhacay Muqdisho.

“Waxaan Wakiillada Beesha Caalamka la yeeshay kulan ku saabsan arrimaha doorashooyinka dalka. Waxaan is dhaafsannay aragtiyo ku aaddan habka ugu habboon ee looga gudbi karo caqabadaha jira, qabsoomidda doorasho si nabad ah ku dhacda & dhowrista xasilloonida guud ee dalka,” ayaa lagu yiri qoraalkan oo lagu baahiyey twitterka Rooble.

Wakiilada beesha caalamka ee Soomaaliya ayaa dadaal ugu jira turxaan bixinta khilaafka madaxda Soomaalida oo ku heshii waayey doorashooyinka dalka, waxayna caqabadda ugu weyn ka taagan tahay sidii la isugu keeni lahaa.

Madaxda dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ayaa si cad u diiday inay ka soo qeyb galaan shirka uu gogoshiisa Muqdisho dhigay Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo, waxayna shuruudo adag ku xireen ka qeyb galka shir dambe oo looga hadlayo doorashada dalka.

Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyada oo hakisay bixinta baasaboorka + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal kooban oo goordhow ka soo baxay hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa lagu shaaciyey in la hakiyey codsiyadii dalbashada baasaboorka Soomaaliya.

Qoraalkan oo ah mid war-gelin ah ayaa lagu sheegay in wixii ka dambeeya maalinka Sabtiga ah ee soo socota aan la qaba doonin codsi la xariira dalbasho baasaboor.

Go’aankaan ayaa loo sababeeyey ka hor tagga faafitaanka cudurka Coronavirus, lagumana shaacin goorta dib loo bilaabayo qabashada codsiyada dalbashada baasaboorka.

“Khatarta Caabuqa COVID19 oo sii kordheysa awgeed, Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddu, waxay muwaadiniinta Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan ku wargelinaysaa, in laga bilaabo maalinimada Sabtida ah, taariikhduna tahey Febaraayo 27, 2021 la hakiyey qabashada codsiyada baasaboorka ilaa wargelin danbe,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Cudurka Coronavirus oo hadda ku soo laba kacleeyey Soomaaliya ayaa maalmihii u dambeeyey galaaftay nolosha dad badan oo qaarkood caan ka ahaa bulshada dhexdeeda.

Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii u dambeeyey laga diiwaan geliyey kiisaska ugu badan ee cudurkaas, waxaana aad u hooseyda feejignaanta ay qabaan dadku, waxaana sidii caadiga aheyd u socota oo aysan waxaba iska bedelin habdhaqanka nolosha maalin laha ah ee bulshada, taas oo sida la aaminsan yahay fududeyneysa inuu aad u faafo cudurkan.

Xog: Waan-waan laga dhex waday musharaxiinta iyo Rooble oo guul dareysatay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoonaan karo oo soo baxaya ayaa sheegaya in ay guul dareysteen dadaallo lagu doonayo in lagu dhex-dhexaadiyo ra’iisul wasaaraha xilka siiyaha Maxamed Xuseen Rooble iyo musharaxiinta mucaaradka.

Dadaalladan oo lagu doonayo in xiisada lagu qaboojiyo ayaa waxaa garwadeen ka ahaa xubno ay ka mid yihiin madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) iyo Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) kuwaas oo kulamo ka bilaabay Muqdisho.

Labada dhinac ee xukuumadda & musharraxiinta ayaa la yimid shuruudo adag, kuwaas oo carqalad ku noqday dadaallada socday oo markii guul dareystay.

Sida ay ogaatay Caasimada Online musharaxiinta mucaaradka ayaa dalbaday marka hore in xukuumadda ay raallo-gelin buuxda ka bixso wixii dhacay 19 Febraayo, taas oo uu ganafka ku dhuftay ra’iisul wasaaraha xilka sii haya ee Mudane Maxamed Xuseen Roobe.

Sidoo kale xukuumadda ayaa dhankeeda dalbatay in la joojiyo dibad-baxyada ay baabulayaan mucaaradka, islamarkaana la dajiyo xaaladda, balse waxaa shuruudaasi iyana ka biyo diiday xubnaha midowga musharraxiinta ee mucaaradka ku ah dowladda.

Intaas kadib xukuumadda ayaa shalay ku dhowaaqay in Muqdisho aan lagu qaban karin dibad-bax, islamarkaana uu halkiisii yahay go’aankii lagu mamnuucay isku imaatinka.

Xaaladda magaalada Muqdisho ayaa aad u kacsan, waxaana laga dareemayaa dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed iyo kuwa ciidan oo iska soo horjeeda.

Kulan ay yeesheen Indha-Cadde iyo Musharaxiinta oo la isku fahmi-waayey

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay Caasimada Online u sheegeen xubno sare oo ka tirsan Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya, waxaa hotel Jaziira ku kulmay Janaraal Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacade iyo mas’uuliyiin ka tirsan Midowga Musharaxiinta. 

Janaraal Indhacade ayaa la sheegay in Hotelka uu ugu tagay xubno kamid ah Midowga isagoo ka raali geliyay hadal uu warbaahinta ka sheegay saacado ka hor markii la wareeray Madaxweynayaashii hore 19-kii bishan, weerarkaas oo ka dhacay taalada Daljirka Dahsoon. 

Janaraal Indhacade dadka uu la kulmay waxaa kamid ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Cabdikariin Xuseen Guuleed, Sheekh Daahir Maxamuud Geelle iyo madaxweynayaashii hore isagoo mid mid uga raali geliyay hadalkiisa oo noqday qodob ay dowladda Soomaaliya u cuksatay weerarkaas. 

Inkastoo Janaraal Indhacade si gaar ah ula kulmay madaxdaan islamarkaana ka cudur daartay hadalkiisa ayaa hadane ilo wareedyo muhiim ah waxay noo sheegeen in uusan jirin kalsooni ka dhaxeyso Mucaaradka iyo Janaraal Indhacade. 

“Waxaa cad in ay bidixda isku salaameen ama ay kala faaruqeen, waayo waa lakala shakiyay haddii uu mar shaki yimaadana waa ebar,” ayuu yiri mid kamid ah mas’uuliyiin ka tirsan mucaaradka oo la hadlay Caasimada Online 

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowr sheegtay in hadalkii Janaraal Indhacade uu muujiyay qalqal badan waxayna dusha u saarisay mucaaradka iyadoo uu wali shaki badan ku geedaaman yahay sababta hadalkaan ka keentay Indhacade oo islamarkiiba goobta ka tagay. 

Puntland oo 8 shuruud oo aad u adag ku xirtay ka qeyb galka shirka doorashada

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulga goboleedka ayaa shuruudihii ugu adkaa ku xiray inuu ka qeyb galo shir dambe oo looga hadlayo arrimaha doorashada, taasi oo sii wiiqeysa rajadii laga qabay in laga gudbo is-mari waaga ka taagan qabashada doorashada dalka.

Puntland ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in Madaxda Dowladda Federaalka ah ay caqabad ku noqdeenn fulinta heshiiskii doorashooyinka ee 17ka September iyo habraacaydiisa.

“Waxay taas si cad usoo ifbaxday muddadii lagu gudo jiray wada-xaajoodayada shirkii Dhuusamareeb 3-6dii February 2021, kadib markii Madaxweyne Farmaajo ka safray magaalada Dhuusamareeb iyadoo wax xal ah aan laga gaarin qodabadii la isku khilaafsanaa,” ayaa lagu yiri qoraalka Puntland.

Qoraalka ayaa intaas ku daray “iyadoo laga duulayo maraxaladda dalka ka soo cusboonaatay 19-kii February, iyo xasillooni darrada ka dhalatay dhammaadka muddo-xileedka Dastuuriga ah ee Madaxweynaha iyo Baarlamanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaa lagama maarmaan ah in la meel mariyo qodobadaan soo socda si horay loogu sii amba-qaado wada-tashiyadii doorashooyinka:” 

1. Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, waa in uu soo saaro wareegto xadedaysa awoodaha fulineed ee Madaxweynaha iyo kuwa sharci-dajineed ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Sidoo kale waa in meesha laga saaro dhammaan go’aamadii masiiriga ah ee Madaxweynuhu saxiixay intii ka dambaysay 8-da Feb 2021 iyo shuruucdii ay Baarlamaanku ansixiyeen muddadii ka dambaysay 27-kii December 2020, Si waafaqsan qodabada 91-aad iyo 60-aad ee Dastuurka KMG ee Soomaaliya. 

2. Maadaama Ciidanka Amniga Qaranku ay ka qayb qaateen falalkii qalalaasaha watay ee Muqdisho ka dhacay 19-kii February, waa in xilka laga qaado taliyeyaasha Ciidamada Milatariga, Booliiska iyo Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Qaranka, lana magacaabo masuuliyiin lagu kalsoonaan karo laguna soo xulay hab wada-tashi ah, si loo hubiyo hufnaanta iyo dhex-dhexaadnimada doorashooyinka, waa in Ciidanka Qaranku ku ekaadaan keliya waajibaadkooda ah sugida amniga laguna dhex saaro howlaha siyaasadda iyo doorashada, si loo soo celiyo kalsoonidii dhaawacantay. 

3. In la dhiso guddi xaqiiqo raadin ah, oo baaritaan madax-banaan ku sameeya dhacdooyinkii qalalaasaha watay ee ka dhacay Muqdisho 19-kii Bisha Februery, si la iskula xisaabtamo. 

4. Madaama, Dowladda Federaalku ay ku guul-darraysatay fulinta heshiisyadii horay loo gaaray, waa in saaxiibada Beesha caalamka ee Soomaaliya ay qaataan door damaanad-qaad ah, si loo hubiyo fulinta qodobada lagu heshiiyo ee Doorashooyinka. 

5. Waxaa muhiim ah in Golaha Wada-tashiga Qaranku ay yeeshaan hab wadashaqayn joogto ah oo wakhtiyeysan si loo dardargaliyo qabsoomida doorashooyinka Dalka. 

6. Waa in Saamilayda siyaasadda iyo Ururada Bulshada laga qaybgeliyo loona ogalaado inay ka qayb qaataan xal-u-helidda arrimaha ka taagan doorashooyinka, si loo xoojiyo kalsoonida iyo daahfurnaanta doorashooyinka. 

7. In la dhowro xuquuqaha aasaasiga ah ee Dastuurku siinayo muwaadiniinta Soomaaliyeed sida xuquuqda hadalka, bannaanbaxyada, Kulamada IWM, si looga fogaado xasilloni-darro siyaasadeed iyo qalalaase amni. 

8. Si loo dardargaliyo qabsoomidda doorashada, waa in shirarka Golaha Wada-tashiga Qaranka lagu qabto magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, goob ammaan ah oo amnigeeda ay sugayaan ciidan lagu wady kalsoon yahay. 

Hoos ka arag qoraalka Puntland