25 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Musharaxiinta oo war kasoo saaray askarta la sheegay in lagu laayey gobolka Tigray

Muqdisho (Caasimada Online) – Midowga Musharaxiinta Mucaaridka ayaa walaac xoogan ka muujiyey xaalada ciidamadii tobabarka loogu qaaday Ereteriya, xili ay maalmihii u dambeeyay waalidiinta dhalinyaradaas ay muujinayeen cabasho balaadhan.

Afhyaeenka Midowga Musharaxiinta Soomaaliya, Ridwaan Xirsi Maxamed oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in wal-walka iyo walbahaarka la qabaan waalidiinta Soomaaliyeed ee wiilashooda kaga maqan yihiin Ereteriya.

Waxa uu ka digay in la siyaasadeeyo cabashada kasoo yeeraysa waalidiintaas, oo walaac ka qaba halka ay ku dambeeyen carruurtoodii la geeyay Ereteriya, kuwaasi oo lasoo warinayo inay ka qeyb galeen dagaalkii qaraara ee TPLF.

Sidoo kale waxa uu madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ugu baaqay inuu ka jawaabo cabashada waalidiitaas, isla markaana uu faah-faahin ka bixiyo halka ay ku sugan yihiin dhalinyaradaas iyo xaaladooda caafimaad.

Hadalkan ayaa imanaya xili ay maalmihii u dambeeyay isasoo tareysay cabasho kasoo yeeray waalidiinta dhalinyaro loogu qaaday dalka Ereteriya si loogu soo tobabaro, oo ay la’yihiin nolol iyo geeri wax ay ku sugan yihiin.

Dowladda Soomaaliya ayaa iyaduna dhinaceeda beenisay inay jiraan ciidamo tobabar loo qaaday oo ka qeyb galay dagaalka TPLF, xili ay ilo xogagaal ah oo siyaasiyiin caan ah soo warinayaan inay ciidamada Soomaaliyeed ka qeyb qaateen dagaalkaas, oo xukuumadda Abiy Axmed dhamaadka sanadkii hore ku qaaday maamulka TPLF.

8 arrimood oo TRUMP uu SOOMAALIDA ka sheegay muddadii uu xilka hayey

0

Donald Trump waxaa maanta ka dhamaatay afartii sano ee xilka madaxweynaha Mareykanka uu hayay.

Muddadii uu xilkaas haayay wuxuu marar badan soo hadal qaaday Soomaaliya iyo Ilhaan Cumar. Sidoo kale wuxuu ku daray 13 dal oo Muslimiin u badan oo xayiraad dhanka socdaalka ah uu saaray.

Waxyar ka hor intii aysan dhicin doorashadii looga adkaaday ee November, wuxuu taageerayaashiisa u sheegay in Ilhaan Cumar ay dooneysa in ay Mareykanka ka dhigta “sida dalka ay ka soo jeeda ee Soomaaliya oo kale”.

Donald Trump ayaa sidoo kale horey u jeediyay hadallo badan oo ku saabsanaa Soomaalida, Ilhan Cumar iyo Muslimiinta.

Haddaba qaar ka mid ah hadalladaas ayaan halkan ku soo koobeynaa:

1- “Dowlad la’aan, amni la’aan, boolis la’aan”

Madaxweynaha Mareykanka ayaa magaca Ilhaan si khaldan ugu dhawaaqay isagoo yiri “Eel-ann” iyadoo ay u sacbinayeen taageerayaal aan badnayn oo u soo baxay dhageysiga khudbadiisa.

Wuxuu ka digay in Ilhaan Cumar ay suuragal tahay in ay qeyb ka noqoto maamulka Mareykanka haddii musharraxa madaxtinnimada ee xisbiga Dimuqraadiga Joe Biden uu ku guuleystay doorashada dhici doonto bisha Nofeembar.

“Waxay jeclaan lahayd in ay dalkeenna ka dhigta sida dalkii ay ka timid oo kale – Soomaaliya. Dowlad la’aan, amni la’aan, boolis la’aan. Waxaa ka jirta fowdo uun. Hadda waxay rabtaa in ay noo sheegto sidii aan dalkeenna u maamuli lahayn. Maya, waad mahadsan tahay”, ayuu yiri Trump.

Trump ayaa mar uu booqasho ku tagay Minnesota sannadkii la soo dhaafay wuxuu ku canaantay dadweynaha gobolkaas sababta ay wali raalli uga yihiin in ay Congress-ka ku matasho Ilhaan Cumar.

“Haweeneyda Congress-ka ka tirsan ee lagu magacaabo Ilhaan Cumar, waa qof neceb Mareykanka waxay iska indha tirtay weerarkii September 11-kii, ee lagu soo qaaday waddankeenna, sideed ku oggolaateen in qof noocaas ah uu idinku matalayo Minnesota.”

“Aniga aad baan idiinka careysanahay dadkiinnan hadda”, ayuu hadalka ku sii daray Trump.

Ilhaan Cumar ayaa barteeda Twitterka soo dhigtay in Trump uu “ku guuldarreystay inuu dalka maamulo” iyadoo tusaale u soo qaadatay in 100,000 oo qof ay u dhinteen fayraska Covid-19, illaa 40 milyan oo qofna ay shaqadoodii waayeen, guud ahaan dalkana ay ka socdaan dibadbaxyo.

2- “Meel walba oo ay tagto way xumaataa, Soomaaliya ayay ka bilowday”

Bishii Nofember, 2019-kii, waxay Donald Trump si wayn isu qabteen haweeney Safiir uga ahayd dalka Ukraine. Wuxuu xilligaas wajahayay mooshinno la xiriiray “fadeexad” ka dhalatay dhaqaale taageero ah oo lagu xiray arrimo siyaasadeed.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa xilligaas bartiisa Twitter-ka ku weeraray safiirkii hore ee Mareykanka ee dalka Ukraine, Marie Yovanovitch, iyadoo ay socoto dhegeysiga caddeymaha xil ka qaadista.

“Meel walba oo ay Marie Yovanovitch aadday way xumaatay,” Mr Trump ayaa sidaasi qoray. “Waxay ka bilowday Soomaaliya, sideey taasi noqotay?”

Mar arrintaasi wax laga weydiiyay, ayay Ms Yovanovitch ugu yeertay “mid hanjabaad ah”.

Trump ayaa mar kale soo jawaabay, isagoo ku doodaya in qoraalladiisa aysan ahayn kuwo hanjabaad ah.

Wuxuu weriyeyaasha u sheegay inuu daawaday qeyb ka mid ah dhegeysiga caddeymaha, isla markaana uu u arko mid sharaf dhac ah.

3- “Fikradda xun” ee Trump uu ka qabo Soomaalida

Inkasta oo xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Maraykanka uu yahay mid diiran, islamarkaasna uu sii kordhayo iskaashiga labada dal, haddane waxaa markii ugu horeysay soo baxaya fikradaha uu madaxweynaha Maraykanka ka qabo Soomaaliya.

Bishii July, 2019-kii, hadal uu jeediyay Donald Trump ayaa dhaliyay buuq badan, wuxuuna wajahay dhalleeceyn.

Inkasta oo uusan xilligaas toos u magacaabin, haddane Donald Trump ayaa laga soo xigtay hadalo ay warbaahinta adduunka aad u faafisay oo uu ka sheegay afar xildhibaan oo ku jira Aqalka Congress-ka Maraykanka, oo ay ka mid tahay Ilhaan Cumar, oo asal ahaan ka timid Soomaaliya.

Mid ka mid ah xildhibaanada oo ah Ms Ocasio-Cortez ayaa ku dhalatay isbitaal ku yaala degmada Bronx ee New York, halkaas oo qiyaastii 12-mile u jirta meesha uu Donald Trump ku dhashay.

Trump ayaa xildhibaanadan dumarka ah u sheegay in ay ku laabtaan dalalkii ay ka yimaadeen, islamarkaasna ay wax ka qabtaan dhibaatooyinka heysta dadkooda ay isku asalka yihiin.

Wuxuu yiri: “Waa arrin xiiso leh in aan aragno xildhibaanada dumarka ah ee xisbiga dimuquraadiga, kuwaas oo asal ahaan ka yimid dalal dowladahooda ay gebi ahaanba yihiin kuwa masiibo ah, oo musuqmaasuq hareeyay, ahna kuwa ugu xun ee adduunka ka shaqeeya.”

Wuxuu intaa ku daray: “In hadda (dumarkaas) aydadka reer Ameerika oo ah kuwa ugu awoodda badan adduunka ay u sheegayaan sida wax loo maamulo”.

Ilhaan oo u jawaabtay Trump ayaa sheegtay in ay u dhaaratay Qaranka Maraykanka iyo sidii ay uga difaaci lahayd wax ay ku tilmaamtay “madaxweynihii ugu musuqmaasuqa badnaa ee soo maray”.

Madaxweyne Trump ayaa sannadkii 2018-kii, dalalka Afrika iyo waddamo kale ku tilmaamay kuwa “gudaafad ah”, hadalkaas oo ay ka dhalatay caro badan.

4- “Idinka oo aan war u heyn ayey yimideen gobolkiina” Minnesota

Mar uu ka hadlayay Minnesota, maalmo ka hor doorashadii 2016-kii, wuxuu sheegay in Soomaalida ay dhibaato u horseedeen gobolka.

“Minnesota waxaad ku aragteen dhibaatooyiinka ay keeneen qaxootiga siiba kuwa halkaan ku badan ee Soomaalida.”

“Idinka oo aan war u heyn ayey yimideen gobolkiina iyagoo waliba qaarkood ay ku biirayaan ururka Daacish, waxayna xagjirnimada ku faafinayaan dalkeena iyo dunida oo dhan.”

Wuxuu sidoo kale xilligaas si guud u eedeeyay dadka soo galootiga ah ee Maraykanka.

5- Daacish iyo Soomaalida

Bishii June, sannadkii 2016-kii; Donald Trump ayaa hadal uu jeediyay ku sheegay in Soomaalida ay ku biiraan Daacish.

Wuxuu tilmaamay in Soomaalida ay iska soo galaan Mareykanka, sidoo kalena ay dhibaato geystaan.

Hadalkaas markuu jeedinayay, wuxuu si gaar ah uga hadlay in ay tahay in isbadal lagu sameeyo waaxda socdaalka ee dalka Maraykanka.

Soomaalida Maraykanka daggan ayuu ku tilmaamay “qaxooti doonaya in ay Daacish ku biiraan.”

Donald Trump wuxuu mar kale ku “celiyay in ay tahay in Muslim-ka laga mamnuuco Maraykanka.”

Dhinaca kale waxaa xilligaas iyana hadashay Hillary Clinton oo cambaaraysay hadalada Trump

6- “Naceybka” uu Trump u qabo qaxootiga Soomaalida oo la shaaciyay

Bishii October ee sannadkii 2019-kii, bogga internet-ka ee telefishinka CNN ayaa daabacay xog laga soo xigtay buug ay qoreen weriyeyaal ka tirsan wargeyska The New York Time oo ka hadlaya sida uu madaxweyne Trump “u neceb yahay qaxootiga ka yimid Soomaaliya.”

Sida lagu sheegay qoraalkaas CNN, bilihii ugu horreeyay ee xukunkiisa, madaxweyne Trump wuxuu Elaine Duke, oo xilligaasi ahayd kusimaha arrimaha ammaanbka gudaha, weydiiyay sababta ay u mamnuuci la’dahay qaxootiga ka imaanaya Soomaaliya.

Xogta ku saabsan arrintan ayaa lagu daabacay buug cinwaan looga dhigay “Colaadda Xudduudda”, waxaana buuggan lagu muujiyay aragtida madaxweyne Trump ee ku aadan dadka ka soo jeeda Soomaaliya, kuwaasi oo uu arko in ay halis ku yihiin Mareykanka.

Sida lagu xusay buuggaasi: “Madaxweyne Trump iyo Stephen Miller ayaa u muuqda in si gaar ah ay u neceb yihiin Soomaalida, waxayna Soomaalida tusaale u soo qaadan jireen mar kasta oo ay doonayaan in ay muujiyaan halista dadka qaxootig ah ay u keeni karaan Mareykanka.

7- Halkey iskala qaadeen Ilhaan Cumar iyo Donald Trump?

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump iyo Ilhaan Cumar ayaa marar badan warbaahinta isu mariyay hadallo kulul iyo eedo.

Xilligii ugu kululeyd waxay ahayd bishii February ee 2019-kii,oo Trump ugu baaqay Ilhaan inay is casisho, ka dib markii ereyo lagu tilmaamay “Yuhuud naceyb”, ay ku qortay barteeda Twitter-ka.

Ilhaan Cumar ayaa sheegtay in xildhibanaada Aqalka Kongreska ee Mareyknka ee taageersan Israa’iil ay dhaqaale ka helaan kooxaha taageera Yuhuuda, arrintaasi oo sababtay in Gudoomiyaha Kongreska, Nancy Pelosi ay sheegtay in Ilhaan looga fadhiyo inay raaligeli ka bixiso hadalkaasi.

Trump ayaa xilligaas sheegay in Yuhuud naceybka aysan melnana uga banaaneyn Maraykanka.

“Ilhan Cumaar hadalkii ay tiri waa mid aad u xun, waxayna ila tahay inay iska casishaa aqalka Kongreska ama ay ugu yaraan isaga tagtaa xubinimada guddiga arrimaha dibadda ee aqalka,” ayuu yiri Trump.

Wixii intaas ka dambeeyay waxaa jirtay marar dhowr ah oo uu Trump wax ka sheegay Soomaaliya iyo Soomaalida. Haddaba dhowrkan qodob ee soo socda ayaan ku eegeynaa hadalladii iyo ficilladii Trump ee ku wajahnaa Soomaaliya iyo Soomaalida:

8- Nin Soomaali ah oo Trump ka mamnuucay magaaladiisa

Bishii March 2019-kii, Maajid Maajid oo 30 jir qaxooti Soomaali ah, ayaa ku dhawaaqay go’aan la yaab leh, xilli uu shir gudoominayay golaha deegaanka Sheffield ee Britain, “taas oo walaaltinimo loogu muujinayo dadka reer Mexico”, sida uu sheegay.

Waxaa uu xilligaa Mr Trump ku tilmaamay “nin nacas ah” islamarkana laga mamnuucay magaalada” qiimaha badan,” ee Sheffield. 

Trump wuxuu xilligaas ku dhwaaqay dhimista tirada qaxootiga Soomaalida ee dib u dajinta la siinayo.

Xilligii uu ololaha ku jiray ee sannadkii 2016-kii wuxuu ka sheegay isu soo bax uu ku qabtay magaalada Minneapolis in uu dadaal u gali doono sidii aad loogu xakameyn lahaa qaxootiga dib u dajinta laga siinayo gobolka Minnesota.

Gobolka Minnesota waxa uu hoy u yahay tirada qaxootiga ugu badan ee Soomaalida ah ee ku nool Mareykanka.

Waxa uu sheegay in tan iyo intii uu xukunka qabtay uu hoos u dhigay qaxootigii dib u dajinta laga siinayay guud ahaan Mareykanka.

“Tan iyo intii aan xafiiska imid waxaan dhimay qaxootiga 85% “, ayuu yiri Mr Trump.

Waxa uu khubda ka jeedinayay isu soo bax lagu qabtay xarun lagu magacaabo Target Centre.

“Sannado badan, hoggaamiyeyasha Washington waxay gobolkiinna keeneen qaxooti badan iyada oo aan la eegin saamaynta ka dhalan karta ee dhanka iskuullada bulshada iyo canshuur bixiyayaasha”, ayuu yiri madaxwayne Trump.

“Waxaan idiin ballanqaadayaa ka madaxwayne ahaan in bulshada aan siiyo fursad ay go’aan ugu yeelan karaan siyaasadaha qaxootiga iyo in la dajiyo qorsha sare loogu qaadayo turxaan bixin la smaeeyo iyo xakameynta muhaajiriinta,” ayuu hadalka ku sii daray.

Xigasho: BBC

Shariif Xasan oo shaaca ka qaaday waxa dhacaya marka la gaaro 8-da Febraayo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed laba jeerna soo nooqday Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ka hadlay xaaladda dalka iyo doorashada lagu mursan yahay isagoo Xalay ka qeyb galayey kulan su’aalo lagu waydiinayey.

Waxa uu soo jeediyay in Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Madax Goboleedyada & musharixiinta ay kawada xaajoodaan qaabka ay u dhaceyso Doorashada & ka gudubka caqabadaha taagan.

Shariifka ayaa sheegay in waqti ahaan laga durqi karo muddo xileedka Dowladda oo ku siman 8-da Febaraayo 2021 waa marka lagu heshiiyo sida wax lo wadayo, diyaargarowga & qorsheynta howsha lagu wajahayo Doorashada kahor muddo xileedka Madaxtooyada.

Waxa uu ka digay in muddo xileedka Madaxtooyada uu dhammaado iyada oo la isku hor fadhiyo sida la isu diidan yahay oo aan heshiiska lagu ahayn hab maamulka doorashada qorsheynta & dhammeystirka nidaamka Geedi socodka (Kala guurka).

“Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Ra’iisul Wasaaraha & Maamulada in lawada fadhiisto oo lagu go’aan gaaro kahor 8-da febaraayo, balse dhibaatadu waxa ay imaaneysaa in waqtigaas la gaaro iyada oo aan heshiis lagu ahayn, waqti waa lagu dari karaa waxaa ka horreeya in heshiis lagu yahay, balse Madaxweynaha waxa uu xilka uga egyahay 8-da Febaraayo 2021” Sidaasi waxaa yiri Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya & Madaxweynihii DG Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ka digay in dalka dhibaato loo horseedo iyada oo la heli karo xal wanaagsan oo isla ogol & wax wada qabsi lagu waji karo sida uu hadalka u dhigay.

Muddo xileedka Madaxweynaha DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku siman 8-da Febaraayo 2021 waxaa ka dhimman 19-Cishe oo keliya, mana saldhigna Doorashada oo waqtigii loo qorsheeyay oo ahayd 2020 in la bilaabo laga soo dib dhacay, iyada weli aan xal la gaarin.

Midowga Musharixiinta ayaa dhawaan sheegay inay lagama maarmaan tahay in ka hor 8 February laga heshiiyo doorashada ka dhaceyso Soomaaliya, balse waxaa muuqato in madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu iska dhaga tirayo baaqyada uga imaanayo musharixiinta mucaaradka iyo madaxweynayaasha Jubbland iyo Puntland.

Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid oo maanta qarax lala eegtay + Khasaaraha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax maanta ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay agagaarka isgoyska Towfiiq ee degmada Yaaqshiid, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa lala eegtay gaariga guddoomiyaha maamulka degmada Yaaqshiid Axmed Cabdullaahi Cariif, walow uu ka badbaasay miinadaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku sii daraya inay dhaawacyo soo gaareen xoghayaha guddoomiyaha iyo labo askari oo ka mid ah ilaaladiisa.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi.

Shalay ayey aheyd markii qarax kan la mid ah oo ka dhacay duleedka Muqdisho lagu dilay guddoomiye ku xigeenkii amniga Garasbaaley iyo midkii dhalinyarada ee deegaankaasi.

QOOR QOOR iyo Guudlaawe oo qaatay go’aan la xiriira muranka doorashada (Xog)

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya islamarkaana degaan doorashadoodu tahay Galmudug iyo HirShabeelle ayaa siyaabo kala gooni gooni ah Caasimada Online ugu sheegay in Axmed Qoor Qoor iyo Cali Guudlaawe ku heshiiyeen in aysan ka qeyb noqon doorasho aan heshiis lagu heyn.

Labadaan Madaxweyne ayaa sheegay in aysan marna qaban doonin doorasho aan lagu heshiinin islamarkaana ay jirto heshiis u gaar ah oo ay wada-qaateen, sida aan xogta ku helnay

“Annagoo eegeyna danta Hawiye marna ma qaban doono doorasho aan heshiis lagu aheyn waana heshiis adag oo aan isla qaadanay,” ayuu yiri Madaxweyne Guudlaawe, sida aan kasoo xiganay xildhibaano uu la hadlay.

Qoor Qoor ayaa dhowaan wareysi uu siiyey BBC-da ku caddeeyey inuusan qaban doorasho aan heshiis lagu wada-aheyn.

“Marna ma maqlin meel lagu sheegay doorasho aan laga qeyb galeyn, doorashada waa lagu heshiiyay in laga wada qeyb galaa sax ah, haddii ay jirto tabashooyin waa in la xaliyo, doorasho Puntland iyo Jubbaland ka hareen ama ay ka maqan yihiin sabab ma jirto, mar walba tabashooyinkii jira in la xaliyo oo doorashada waajib tahay in laga qeyb galo” ayuu yiri Qoor Qoor.

Arintaan ayaa la sheegay in ay dib u dhigtay qorshihii Xukuumada ee qabashada doorashada Soomaaliya, taas oo lagu dhawaaqay toddobaadyo ka hor, waxaana hadda rajada kaliya ee qabashada doorashada ay kusoo hartay Cabdicasiis Laftagareeen.

Si kastaba, madaxweynaha Koonfur Galbeed ayey u badan tahay inuusan ku dhiiran qabashada doorasho, haddii uu dareemo inuusan jirin maamul goboleed kale oo qaadaya tallaabo noocaas ah.

Xog: Xildhibaanada Koonfur Galbeed oo loo yeeray iyo wararkii ugu dambeeyey ee qabashada doorashada

Baydhaba (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegay in amar ka soo baxay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen la gaarsiiyay baarlamaanka Koonfur Galbeed, kaas oo ahaa in ay si deg deg ah ugu soo laabtaan Baydhabo.

Dadka aan la hadalnay oo ay ku jiraan Xildhibaanada Koonfur Galbeed ayaa sheegay in lagu wargeliyay in ay deg deg ku soo laabtaan Baydhabo si loo qabto kulamada baarlamaanka.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa tilmaameysa in ay suurtagal tahay in xubnahaan ay billaabaan doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ee BFS xili ay dood wali ka taagan tahay doorashada Soomaaliya.

Cabdicasiis Xasan Maxamed waxaa la sheegaa inuu yahay shaqsiga keliya ee si dhab ah u taageersan islamarkaana dartiis go’aano badan u qaadan kara Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Si kastaba arrintan ayaa imaneysa ayada oo wakiilka xoghayaha guud ee QM ee Soomaaliya James Swan uu dhowaan sheegay in Laftagareen uu wado dadaallo uu isugu keenayo dhinacyada isku haya doorashada Soomaaliya.

ABIY AHMED oo qaaday tallaabadii u dambeysay ee uu ku ciribtirayo TPLF

Addis Ababa (Caasimada Online) – Xukuumadda Abiy Axmed oo dagaal xoogan la gashay maamulka TPLF ayaa gebi ahaanba ururkii maamulkaas ka saartay xisbiyadda siyaasadeed ee dalkaas, oo uu sanadihii u dambeeyay kamid ahaa xisbiyada ugu awooda badan.

Guddiga doorashada Itoobiya ayaa shaaciyey inay diiwaanka xisbiyada siyaasada ka saareen xisbiga TPLF, oo hore uga talin jirey maamulka Tigray.

Guddiga ayaa xisbiga TPLF oo ay hogaamin jireen siyaasiyiintii uu dagaalka la galay Abiy Axmed, ayaa waxay ku eedeyeen inay ka dambeeyen qalaalase siyaasadeed oo ka dhacay dalka Itoobiya.

Waxa kale oo uu go’aankan ku sababeeyay guddiga doorashada in TPLF ay qaaday tallaabooyin sharci darro ah oo lagu wiiqayo wada-jirka iyo amaanka dalka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay guddiga doorashada Itoobiya.

Sidoo kale waxa uu guddiga ka dalbaday saddex xisbi siyaasadeed oo ka jira gobolka Tigray inay sharaxaad ka bixiyaan doorashadii ay kala qeyb galeen TPLF, taasi oo suurta-galin karta haddii uu guddiga ku qanci waayo warbixintooda in laga tirtiro diiwaanka xisbiayda dalkaas.

Xukuumadda Abiy Axmed ayaa dagaal culus la gashay maamulka TPLF oo ay isku fahmi waayeen siyaasad ahaan, isagoona qaaday howl-gal millateri oo khasaaro badan ka sababay gobolka Tigray, midaasi oo uu ugu dambeyntii kula wareegay gacan ku haynta gobolkaas.

Sanyare oo abaal-marin u ballan qaaday cidii soo disha Sheekh CALI DHEERE

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Puntland, Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) ayaa u jwaabay afhayeenka kooxda Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) oo horey u tilmaamay in guddoomiye Sanyare uu jeediyey hadal gef weyn ku ah Diinta, isaga oona dagaalyahanada Al-Shabaab amray inay soo dilaan guddoomiyaha gobolka Mudug ee maamulka Puntland.

Sanyare oo hadalkaasi ka jawaabayey, kadib munaasabad baroor-diiq ah oo lagu qabtay Gaalkacyo ayaa sheegay in Cali Dheere uu yahay nin dambi weyn ka galay Ummadda Soomaaliyeed, islamarkaana ka dambeeyey weeraro & qaraxyo dad badan lagu dilay

“Mujrimkii weynaa ee Cali Dheere ayaa ii soo dhaartay, Cali Dheere geed hoostiisa ayuu fadhiyaa, Cali Dheere waxaan leeyahay qarixii Shaamow dadkii ku dhintay, ardaydii ku dhimatay Hargaha iyo Saamaha, 700 ee ku dhintay Zoobe, dadkii 200 ahaa ee ku dhintay Ex-Control wiilasha aad u khudbeyneyso waa kuwaas qaraabadooda,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu abaal-marin lacageed oo gaareysa illaa $500,000 (Shan boqol oo kun oo doolar) u ballan qaaday cidii soo disha afhayeenka kooxda Al-Shabaab.

“Labo malyuun oo qof ayuu afkooda ku sheegay in la dilay Cali Dheere, waxaa balan-qaadayaa cidii isaga soo disha in la siinayo lacag shan boqol oo kun dollar,” ayuu markale yiri guddoomiye Cabdiladiif.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo muddooyinkii dambe Al-Shabaab ay kordhisay weerarada ay ka fuliso Gaalkacyo, waxaana kooxdan ay horey u dishay Axmed Muuse Nuur oo ahaa guddoomiyihii gobolka Mudug, sidoo kalena la dhashay Cabdiladiif Muuse Sanyare.

Danab oo deegaano hor leh kala wareegay Al-Shabaab

0

Kismaayo ( Caasimada Online ) – Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab ayaa lagu soo warramayaa inay howl-gallo qorsheysan ka sameeyeen agagaarka magaalada Jamaame oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Howl-gallada oo ahaa kuwa ballaaran ayaa waxaa saraakiisha Danab ay sheegeen inay la wareegeen gacan ku heynta deegaanada kala ah , Beer-Xaani, Cabdi Dhoore, Qudus iyo Liba Kuus oo dhammaan hoostaga magaaladaasi.

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay inay nolosha ku qabteen 3 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab.

Sidoo kale ciidamada Danab ayaa baaris ku sameeyey goobihii ay isaga baxeen dagaalyahanada Kooxda Al-Shabaab.

Xaaladdq ayaa haatan ah mid kacsan, iyada oo dhaq dhaqaaqyo ciidan laga dareemayo duleedka degmadq Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose.

Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada huwanta ayaa kordhiyey weerarada iyo howl-gallada ka dhanka aha dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab.

Ururada bulshada rayidka oo war cusub kasoo saaray doorashooyinka dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha ururada bulshada rayidka Mudane Cismaan Tahliil Shaatax oo la hadlay warbaahinta ayaa ka hadlay xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan khilaafka siyaasadeed ka taagan doorashooyinka dalka ee 2021-ka.

Shaatax ayaa sheegay in ka bulsho rayid ahaa ay wadaan dadaallo xal loogu raadinayo muranka ka taagan doorashooyinka dalka.

Sidoo kale wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyey in xal mideysan la gaari doono ka hor 8 February ee sanadkan ee 2021-ka..

Guddoomiyaha ururada bulshada rayidka Mudane Cismaan Tahliil Shaatax oo hadalkiisa sii wat ayaa shaaca ka qaaday in qodobada la’isku hayo ay yihiin guddiga doorashada, Somaliland iyo arrinta gobolka Gedo, islamarkaana ay ku baaqayaan in xal laga gaaro.

“Waxaan dareensanahay bulshada rayidka oo dhex dhexaad ka ah arrimaha, inay howshooda sii wadaan, rajooyinka aan ka qabno waxaa in xal la gaaro ka hor 8 February, in laga shaqeeyo qodobada la isku haayo, gaar ahaan saddexda arrimood sida arrinta Guddiga, Somaliland iyo Gobolka Gedo” ayuu yiri guddoomiye Cismaan Tahliil Shaatax.

Ugu dambeyn wuxuu ku baaqay in la’isugu yimaado shirweyne kale oo ay qeyb ka tahay bulshada rayidka, si looga wada-hadlo khilaafka ka jira dalka iyo doorashooyinka.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo weli is mari-waa uu ka taagan yahay hannaanka doorashada dalka, islamarkaana uu sii dhammaanayo waqti loo qorsheeyey in la qabto.

Saraakiil ka tirsan Shabaab oo duqeyn lagu khaarijiyey

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa faahin faahin dheeraad ah ka bixisay howl-gal ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab iyo diyaaradaha Mareykanka, kaasoo ka dhacay Jubada Hoose.

Warsaxaafadeedka ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in duaqeyntaasi ay ka dhacday agagaarka degmada Jamaame iyo Dab Shiniile, isla markaana lala beegsaday xubno ka tirsanaa dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in weerarkaas lagu dilay 3 sarkaal oo ka tirsanaa Al-Shabaab, una qaabilsanaa fududeynta miinooyinka iyo qorista maleeshiyaadka.

Wararka ayaa intaasi ku sii daraya in duqeyntan lagu dilay Suldaankii Beesha Habar Gidir oo ay horay u caleema saartay Al-Shabaab, kadib munaasabad ka dhacday Jubooyinka.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan weerarkaasi iyo khasaaraha rasmiga ah ee kasoo gaaray.

Tan & markii la guda-galay sanadkan cusub ee 2021-ka Mareykanka ayaa ina ka badan shan weerar ka kala fuliyey gobollada Shabeelaha Hoose, Baay, Bakool iyo Jubbooyinka.

Madaxweyne DENI oo war kasoo gaaray geeridii ku timid wasiir Cabdi Ismaaciil

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdullahi Deni ayaa ka hadlay Allaha u naxariistee geeridii ku timid wasiirkii hore ee wasaaradda beeraha iyo waraabka ee maamulkaasi, Marxuum Cabdi Ismaaciil Boss.

Ugu horreyn Deni ayaa tacsi u diray Ummadda Soomaaliyeed, shacabka Puntland, eheladii iyo qoyskii uu ka baxay marxuumka oo saaka xanuun u geeriyooday.

“Madaxweynaha Puntland waxa uu tiiraanyada geerida Wasiirka la wadaagayaa ummadda Soomaaliyeed, Shacabka Puntland, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoyskii uu ka baxay marxuumku, waxa uu Alle uga baryayaa inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro , Jannatul  fardawsana ka waraabiyo, samir iyo iimaanna ka siiyo eheladiisii,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay madaxtooyada maamulka Puntland.

Sidoo kale madaxweyne Deni ayaa sheegay in wasiir Cabdi Ismaaciil Boss uu wax badan ka soo qabtay dowladninada dalka iyo sidoo kale horumarka Puntland.

“Cabdi Ismaaciil Boss ayaa waxbadan kasoo shaqeeyay Dowladdnimada iyo horumarka Puntland, wuxuu soo noqday Wasiirkii Beeraha iyo Guddoomiyaha Bangiga Puntland,” ayuu sii raaciyey.

Ugu dambeyn madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaalieed ee Puntland ayaa Alle uga baryey marxuumka inuu ka waraabiyo naxariistii Janno.

Mareykanka oo billaabay qorshe cusub oo ka dhan ah Idaacadaha Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska milatariga ee qaaradda Afrika ayaa xaqiijiyey inay duqayn ka gasyteen degmada Tiyeeglow oo ka tirsan gobolka Bakool maalintii Isniinta ee 18-ka Jannaayo.

War saxaafadeed kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqayntaas lagu burbruriyey dhisme ay leeyihiin ururka Al-Shabaab.

Warbaahinta taageerta Al-Shabaab ayaa sheegtay in duqayntan lagu dhuftay idaacadda Andalus ee ku hadasha codka Al-Shabaab. Taliska AFRICOM ma aysan faahfaahin in dhismaha uu xarun u ahaa idaacadda Andalus.

Waa duqayntii 4-aad ee sannadkan cusub ay Maraykanku ka gaystaan Soomaaliya.

Duqayntan tii ka horraysay waxay AFRICOM ka gaysatay degaanka Buulo Falaay ee Gobolka Bakool 13-ka Jannaayo, waxaana talisku sheegay in duqayntaas lagu dilay xubin ka tirsan Al-Shabaab, isla markaana lagu burburiyey hal dhisme. Dhinaca kalena warbaahinta Al-Shabaab ayaa iyagu dhinacooda sheegay in duqayntaas lagu dhuftay farac ay leedahay idaacadda Andalus ee ku hadasha codka Al-Shabaab.

Labada duqaymood ee kale waxay ka kala dheceen Kuunyo Barrow iyo Saax Weyne. Duqaynta Saax Weyne ayaa AFRICOM sheegtay in lagu dilay shan ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab oo ay ku jiraan kuwii la bartilmaameedsaday, halka duqaynta Kuunyo Barrow ay AFRICOM sheegeen in lagu burburiyey dhisme.

Al-Shabaab dhinacooda waxay sheegeen in weerarka Kuunyo Barrow lagu burburiyey dhismaha idaacadda Al-Furqaan oo taageerta ururka Al-Shabaab. AFRICOM dhinacooda kama aysan hadlin inay si gaar ah u bartilmaameedsatay idaacaddo, waxay sheegeen oo keliya inay bartilmaameedsadeen xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo dhismayaal ay leeyihiin ururkaasi.

Daawo caleemo-saarka Joe Biden iyo Kamala Harris

Washington (Caasimada Online) – Joseph Robinette Biden Jr. ayaa maanta loo dhaarinayaa inuu noqdo madaxweynaha 46-aad ee dalka Mareykanka, isaga oo beddeli doona Donald Trump kadib afar sano oo uu xukunka hayey.

Biden waxa uu noqonayaa madaxweynihii ugu da’da weynaa ee abid fariista Aqalka Cad, waana 78 jir.

Sidoo kale, Kamala Harris ayaa maanta loo dhaarinayaa inay noqoto madaxweyne ku-xigeenka dalka Mareykanka, ayada oo sameyneysa taariikh cusub.

Harris oo 56 snao jir ayaa noqonaysa haweenaydii ugu horraysay ee madaxweyne ku-xigeen ka noqota dalka Maraykanka.

Haddaba toos u daawo xafladda cameelo-saarka

Guddiga loo xil saaray xiisadda Soomaaliya iyo Kenya oo war cusub soo saaray

0

Muqdisho (Caasimada Online)  – Guddigii dhawaan uu Urur goboleedka IGAD u xil saaray xal u helida khilaafka diblumaasiyadeed ee ka dhex aloosan dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa maanta kulan la yeeshay madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle.

Guddiga ayaa madaxweyne Geelle uga warbixiyey safaro ay ku tageen xadka dalalka Soomaaliya iyo Kenya, si ay usoo arkaan xaalada amaan ee ka jirta iyo cabashadii dowladda federaalka ee aheyd inay xukuumadda Kenya ay ciidamo soo dhoobtay.

Yaasiin Buux, Danjiraha Jabuuti ee Kenya oo isagu hor kacayey guddigan ayaa sheegay inay safaro kala duwan ku tageen xaduuda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya, isla markaana qiimeyn buuxda kusoo sameeyen xaalada meeshaas ka jirta.

Buux ayaa sheegay in kulamo la qaateen Saraakiisha ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa Kenya, isagoona xusay in kulan gaar ah la yeeshen saraakiisha AMISOM ee ku sugan halkaas, si ay u xaqiijiyaan cabasahda Soomaaliya ee ku qotonta in dhigeeda Kenya ay maleeshiyaad soo dhoobtay xad beeneedka labada dal.

Sidoo kale waxa uu sheegay in magaalada Muqdisho ay tageen, iyaga oo madaxda sarre ee dowlada kala hadlay arrimaha xalinta khilaafka labada dal, isla markaana uga warbixiyey indho-indheyntii ay kusoo mareen xuduuda labada dal.

Guddoomiye Buux ayaa ku gaabsaday inay kormeer iyo kulamo kala duwan la qaateen madaxda iyo saraakiisha labada dal ee xuduuda, hase yeeshe weli si dhab ah uma soo bandhigin guddigan xaqiiqada xiisada xadka.

Dowladda Soomaaliya ayaa hore xiriirka ugu jartay dowladda Kenya oo ay ku eedeysay inay faro-gelin qaawan ku hayso arrimaha gudaha ee dalka iyo abaabulida maleeshiyaad ka dhan ah amaanka oo ay ku aruurinayso xaduudka labada dal.

Maxuu Cali Guudlaawe kala hadlay madaxweyne Cali Mahdi iyo Fahad Yaasiin?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka HirShabelle Cali Cabdullahi Xuseen Guudlaawe ayaa hoyga uu ka degan yahay magaalada Muqdisho kula kulmay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa maalmahaan ku sugan magaalada Muqdisho, waxuuna ka waday kulamo intooda badan looga arrinsanayey muranka ka taagan doorashooyinka dalka.

Labada masuul ayaa kulankooda isaga xogwareystay xaalada guud ee dalka, gaar ahaan deegaanada HirShabeelle. Waxuuna Cali Mahdi tallooyin iyo dardaaran siiyay Madaxweyne Cali Guudlaawe, isagoo kula taliyay inuu xoogga saaro dib u heshiisiinta iyo nabadeynta, sida aan xogta ku helnay.

Dhanka kale Madaxweynaha HirShabelle Cali Cabdullahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa caawa kulan xarunta hey’adda Nabad sugidda kulan gaara kula yeeshay Taliyaha NISA Fahad Yaasiin, waxaana kulankaas xoogiisa la sheegay in looga hadlay arrimaha doorashooyinka oo is mari-waa xoog leh uu ka taagan yahay.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa noqonaya Madaxweynihii Seddaxaad ee maamullada taabacsan dowladda dhexe oo xarunta Nabad sugidda ugu tagay Taliyaha NISA Fahad Yaasiin.

Xogta aan heleyno waxay sheegaysaa in dowladda federaalku ay dadaal ugu jirto sidii deegaanada dowlad goboleedyada taabacsan ay uga qabsoomi laheyd doorashada xubnaha Aqalka Sare, inta aan la gaarin 8-da Febraayo.

Madaxweyne Qoor Qoor oo soo saaray digniin culus

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo hadal ka jeediyey kulan tacsi loogu sameynayey saraakiishii qeybta 21-aad ee qaraxii Gaalkacyo lagu dilay, ayaa u hanjabay dadka taageera Al-Shabaab.

Qoor Qoor ayaa si adag ugu goodiyey dadka u nugul amarrada Al-Shabaab ee ku sugan deegaanada Galmudug iyo dad uu sheegay inay buun-buuniyaan goobaha ay qabsadaan Al-Shabaab, kuwaas oo uu ku tilmaamay ‘damiir laaweyaal’ sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan rabnaa kuwa dhibaatada argagixisada buun-buuniya, kuwa fariimahooda u hoggaansama oo is leh amey si gaar ah kuu dhibaateeyaan ama qaarkood dano raqiisa ka leh, waxay noola mid yihiin Al-Shabaab,” ayuu yiri Madaxweyne Qoor Qoor.

Isagoo sii hadlaayey ayuu yiri, “Kuwa mar kasta yiraahda Shabaab ayaa meel hebla qabsaday, Shabaab ayaa saas yeelay, waa maan-laaweyaal aan garaneyn waxa ay ku hadlayaan, waxuu rabaa cadawgaas inuu dadka u xayeysiiyo, isagoo si xun u fekeray.”

Waxa uu sheegay in maamulkiisu uusan ogolaan doonin, in dadka lagu qal-qal geliyo tallaabooyinka ay qaadaan Al-Shabaab, isla markaana farriimahooda iyo dalabkooda aan loo hoggaansami karin.

“Kii xoola ku bixiya, kii waqti ku bixiya, kii u taga, dhibaatada ay dalka ku hayaan ayuu qeyb ka yahay, dadka ayuu dhinaciisa ka dhibayaa, waana la xisaabtameynaa,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor.

Soomaaliya oo cod muhiim ah ku wayneysa lacag ku 1.4 milyan oo dollar ah oo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan waayi doonta xaquuqdeeda codeynta ee Qaramada Midoobay, kadib markii ay soo baxday in dalal ay ku jirto lagu leeyahay lacago ay bixiyaan dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay.

Soomaaliya ayaa lagu leeyahay lacag dhan $1,443,640, taasi oo sababi karta inaysan cod ka dhiiban qaraarada iyo go’aanada la horgeeyo UN-ka, maadama ay ka gaabiyeen bixinta lacagtaas oo lagu kabo miisaaniyada howl-galka Qarmaada Midoobay.

Waxa kale oo iyaguna lacagaha ku waajibay dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay lagu leeyahay 9 dal oo African ah, kuwaasi oo ay kamid yihiin; Zimbabwe, South Sudan, Niger, Comoros, Libya, Sao Tome Principe iyo Jamhuuriyada bartamaha Afrika.

Arrintan ayaa lagu sheegay bayaan kasoo baxay Qaramada Midoobay, kuwaasi oo ay ku xusnaayeen dalalka ay Soomaaliya kamid tahay, oo qarka u saaran inay meesha ka baxdo xuquuqdooda dhanka codeynta ee UN-ka.

Soomaaliya ayaa iyadu hore loogu lahaa deymo badan, inkasta oo ay hesho kaalmo dhaqaale oo xad dhaaf ah, mana jiro war ku saabsan arrintan oo kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya.

Hoos ka aqriso dalalka kale iyo lacagaha lagu leeyahay:

  • Iran $16,251,298
  • Congo $90,844
  • Zimbabwe $81,770
  • South Sudan $22,804
  • Libya $705,391.
  • Niger $6,733
  • Comoros $871,632
  • Sao Tome and Principe $829,888
  • Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika $29,395

DF SOMALIA oo nasiib darro ku tilmaamtay arrin laga faafiyey ciidanka Haramcad

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta dowladda federaalka Soomaaliya, Cismaan Abuukar Dubbe oo shalay booqasho ku tagay dhismaha ka socda wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ayaa si weyn u difaacay ciidamada Haramacad oo dowladda si gaar ah u adeegsato.

Wasiirka ayaa ugu horeyntii warbixin ka dhageystay Taliyaha ciidanka gaarka ah ee Haramcad Gaashaanle dhexe Farxaan Maxamuud Aadan, oo uga waramay xaalada amni iyo marxaladaha kala duwan ee dhismaha wadadaas.

Wasiir Dubbe ayaa isaguna ku amaanay ciidamada Haramcad sida ay ugu guuleysteen sugidda Amniga wadadaas, oo marar badan weeraro kala duwan kala kulantay kooxda Al-Shabaab, sidoo kale waxa uu u mahad celiyay dowladaha Turkiga iyo Qatar oo ku amaanay inay ku dhiiradeen dhisida wadadaas, xili ay hanjabaado kala kulmayaan Al-Shabaab.

Waxa kale oo uu nasiib darro ku tilmaamay in ciidamada Haramcad loo jeediyo eedeymo la xiriira boobka doorashada lagu muransan yahay, wuxuuna ku sifeeyay ciidamo naftooda u hura shacabkooda.

Dubbe ayaa eedeymaha ciidamadaas loo jeediyo ee ku aadan damaca dowladda federaalka ee doorashada, ku tilmaamay dacaayado raqiis ah, xili ay madaxda ugu sareysa dowladda lagu eedeeyo inay dano gaar u adeegsadaan ciidamadaas, iyada oo xiligan uu taagan yahay muranka doorashada.

Midowga musharaxiinta iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa inta badan dowladda ku eedeeya inay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad u adeegsaneyso boobka doorashada.

Goodax: “Ma jirto khiyaano qaran oo ka weyn, waana arrin aan looga hari doonin Fahad iyo Farmaajo”

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Waxbarashada Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ayaa si adag uga hadlay wararka sheegaya in ciidamo tababar loogu qaaday Eritrea lagu laayay dagaalkii ka dhacay Gobolka Tigreega.

Goodax Barre oo ka tirsan xildhibaanada golaha shacabka ee wakhtigooda dhamaaday ayaa sheegay iney mas’uuliyad darro tahay waxa dhacay, islamarkaan ay arrinta walwal iyo walaac hor leh kusii abuureyso waalidiin badan.

Goodax ayaa baraha bulshada soo dhigay muuqaalka waalidiin ilmeynaya, kaasi oo uu soo raaciyay qoraal uu madaxweyne Farmaajo iyo taliyaha nabad sugidda Fahad Yaasiin ku eedeynayo iney geysteen qiyaano qaran, isla markaana lagula xisaabtami.

“Waa arrin aad u fool xun, murugo iyo masuuliyad darro aan qiil lahayn. Waxay walwal iyo walaac badan arrintan kusii abuureysaa waalidiinta Soomaaliyeed ee ubadkooda u hibeeyay in ay difaacaan dalka iyo dadkooda. Waxay caqabad ku noqon doontaa in la helo dhallinyaro mustaqbalka ku soo biirta ciidamada qalabka sida,” ayuu Goodax Barre kusoo qoray bartiisa Facebook.

Isagoo qoraalkiisa sii wata ayuu wuxuu raaciyay: “Ma jirto khiyaano Qaran oo ka weyn, waana arrin aan looga hari doonin Fahad iyo Farmaajo dambigan ay ummadda Soomaaliyeed ka galeen”

Wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya ayaa xalay beeniyay iney jiraan ciidan tababar loogu diray Eritrea oo lagu laayay dagaalkii Tigraay, wuxuuna ka digay in ciidanka la siyaasadeeyo.