25.4 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Ciidamada DF oo weeraray maleeshiyada Gen. Xuud ee kasoo horjeeda Guudlaawe

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa iska hor imaad culus oo u dhexeeyey ciidamada dowladda iyo maleeshiyaad hubeysan oo uu wato sarkaal lagu magacaabo Abuukar Xaaji Warsame oo ku magac dheer Xuud oo ka dhacay duleedka magaalada Beleedweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ciidamo ka kala tirsan talisyada Booliiska, nabad-sugida iyo milatariga oo ka baxay Beledweyne ay weerareen sarkaalkaasi iyo maleeshiyaadka uu wato oo ka soo horjeedo maamulka Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe).

Wararka ayaa sheegaya iska hor imaadka uu xoogiisu ka dhacay wadada aada dhinaca deegaanka Ceelgaal oo ay isku uruursanayeen maleeshiyaadkaasi.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa sidoo kale Caasimada Online u sheegay inay dib u gurteen maleeshiyaadka la wareeray oo baryahan dhaq-dhaqaaqyo ka waday halkaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada weerarka qaaday ay amar u heystaan inay soo xiraan Xuud oo ah sarkaalka wada abaabulkaasi ciidan.

Weerarkan ayaa imanaya ayada oo Caasimada Online ay maalin ka hor shaacisay in dowladda ay jartay waaran lagu soo xiray Jeneral Xuud, haddii uu dagaalamana lagu dilayo.

Dhinaca kale waxaa fashilmay dadaallo iyo wada-hadallo la doonayey in lagu soo afjaro xiisadaasi oo ay wadeen wagaradka deegaanka.

Si kastaba waxaa labo goor dib u dhacay safar uu Cali Guudlaawe ku tagi lahaa magaalada Beledweyne oo uu kaga sii horreeyey ku xigeenkiisa Yuusuf Dabageed.

Mahad Salaad: In Farmaajo uusan laheyn damqasho iyo damiir waxaa daliil u ah…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan mudanayaasha golaha shacabka Soomaaliya ayaa dhaliil xoogan u jeediyey madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo, kadib weerarkii is-miidaaminta ee Gelato Divino.

Mahad Salaad oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo uusan laheyn damqasho iyo damiir naxa, sida uu hadalka u dhigay

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in weli uusan ka hadlin ama ka tacsiyadeyn dhamaan dhalinyaradii xalay lagu laayey qaraxii ka dhacay maqaayadda Gelato Divino, balse wuxuu Mahad Salaad hoosta ka xariiqay in madaxweynuhu marka ay wa ka dhacaan adduunka intiisa kale ama lagu dilo qof shisheeye uu si deg-deg ah uga tacsiyeeyo.

“Madaxweyne Farmaajo damqasho iyo damiir naxa in uusan lahayn waxa daliil cad u ah, dunida cirifka ugu dambeeya hadii qof shisheeye ah ku dhinto tacsi ayuu iska soo jarayaa, dadka Xamar lagu xasuuqayo maalin walbana Allaha u naxariisto xitaa uma quuro,”ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyey “Da’yartaas cadowgu xalay Xamar ku xasuuqay illaa hadda Farmaajo tacsi uma dirin, masiibada dhacdayna sooma hadal qaadin, Sida muuqata dadka Xamar ku nool waxa isku bahaystay cadow farabbadan oo hal ujeedo leh lkn wadada loo marayo iyo magaca la adeegsanayo ay kala duwan yihiin”

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo weli xafiiska madaxweynaha Soomaaliya uusan wax war ah ka soo saarin weerarkii is-miidaaminta ahaa ee Gelato Divino, balse waxaa si guud u cambaareysay dowladda Somalia oo warsaxaafadeed kasoo saartay dhacdadaasi.

‘Waxaan ka mid ahaa dadkii joogay Gelato Divino, sidan ayeyna wax u dhaceen’

0

Gelato Divino oo caawa [xalay] qarax ka dhacay ayaan ka mid ahaa dadkii halkaa fadhiyey oo ka badbaaday. Afar jeer oo ka horreeysay ayaa sidaan oo kale loo soo weeraray goob aan u Shaah doontay laakiin waa qoraalkii ugu horreeyey ee aan ka sameeyo.

Laba saaxiib oo ila socotay ayaan ku nimid Gelato Divino. Saacaddu waa siddeeddii fiidnimo. Waxaan isku-qabsannay aan gudaha galno iyo aan bannaanka fariisanno. Ugu dambeyn gudaha ayaan u gudubnay. Gabar ayaa dalab naga qaadday.

Intii dalabku noo maqnaa ayaan u sheegay saaxiibbaday in goobta aan joogno qatar tahay meel loo baxsadana aysan jirin. Hadalkeyga culeys uma aysan arkin laakiin aniga dhawr jeer oo aan isla Gelato Divino imidba isla hadalkaan ayaan iri.

Qiyaastii mar aan fadhinno 20 daqiiqo ayaa xaaladda oo dhan isbeddeshay. Qarax aad u weyn ayaa na qabsaday. Dadka intii badbaadday waxaa ku dhacay argagax. Dumar iyo carruur oynaya, meyd Iyo dhawaac daadsan iyo qaac madow ayey goobtii qurxooneyd isku beddeshay.

Dadka qaar waxay jabsadeen daaqad yar waana la isbuurtay si daaqaddaas yar looga baxo. Waxaan arkay inay adag tahay in la baxsado waxaana go’aansaday inaan meyd-yaal iska dhigo oo burburka dul seexdo ugu dambeynna qof ka mid ah Shaqaalaha Gelato Divino ayaa noo sheegay inaysan qatar kale jirin.

Bannaanka ayaan u soo baxay waxaana ku arkay dhammaan kuraasta oo ama qof dhaawac ah saaran yahay ama meyd ah. Walaalo han weyn lahaa ayaa nolosha la dhaafiyey iyadoo ciddii dishay aysan noo sheegi karin sabab ay ku beegsadeen shacab nabad ku wada shaahaya.

Ilaahey u naxariisto.

Bashiir Maxmud – Waxaa uu ka bad-baaday qaraxii xalay ka dhacay Gelato Divino. Allaha u naxariisto intii ku geeriyootay, inta noolna caafimaad deg deg ah oo taam ah ha siiyo.

Dhalinyaradii ku geeriyootay qaraxii Gelato Divino oo wadar loo aasay maanta

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Isbitaalka Xoogga waxaa maanta si wadajir ah loogu aasay sideed dhallinyaro ah oo ku dhintay qarax ismiidaamin ah oo xalay ka dhacay Gelato Divino, oo ah goob ay bulshada isugu timaado oo ku talla wadada garoonka Aadan cadde.

Qaraxa ayaa ahaa mid xoogan oo laga maqlay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, saameyn ballaaran ayuuna geystay maadaama ay waxyeello kasoo gaartay dad intaas ka badan.

Aaska dhalinyaradaan ayaa waxaa kasoo qeybgalay saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, masuuliyiin ka tirsan dowladda, dad shacab ah iyo qaar ka mid ah ehelladda dhalinyarada sida wadajirka ah loo aasayay.

Qaraxaan ayaa kusoo aaday xilli xaalado cabsi leh ay ka jiraan magaalada Muqdisho, taas oo ku saabsan hanaanka doorashooyinka dalka oo aan wali la isku waafaqin, waxaana jirta in dadku ka cabsi qabaan iney khalalaaso dhaliso.

Xubnaha Mucaaradka ayaa Muqdisho ku shiray dhawr maalmood, waxeyna qaadaceen oo ay ku baaqeen in la badalo guddiyadii doorashooyinka oo ay dowladdu magacowday, mana jirto wax la isla fahmay ilaa iyo hadda.

Ugu dambeyntii dhalinyarada geeriyootay mid ka mid ah oo la shaqeynayay hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa la sheegay inuu shalay uun dalka dib ugu soo laabtay kadib safaro shaqo uu ku maqnaa.

Maareeyaha dekedda Xamar oo qarax lala eegtay iyo wararkii ugu dambeeyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax saaka dhacay gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay degmada Cabdicasiis, gaar ahaan, halka loo yaqaano Laansaleeti.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxaas lala eegtay gaari uu la socday maareeyaha dekedda weyn ee magaalada Muqdisho Axmed Waashinton, inkastoo uu ka bad-badaay qaraxaasi.

Inta la xaqiijiyey ugu yaraan labo askari oo ka mid ah ilaalada maareeyaha ayaa ku dhaawacmay qaraxaasi, sida ay innoo sheegeen ilo deegaanka ah.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo durbo meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo baaritaano ka bilaabay halkaasi.

Dhanka kale kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxaan, iyada oo shaacisay inuu si dirqi ah kaga bad-baaday maareeyaha dekedda Muqdisho.

Xalay ayey aheyd markii qarax is-miidaamin ahaa oo dhalinyaro lagu dilay uu ka dhacay wadada aada dhinaca garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

CUMAR FILISH dil miyuu u ballamiyey mucaaradka?

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud Filish, ayaa Khamiistii si aan hore loo arag uga hadlay war murtiyeedkii ka soo baxay midowga musharaxiinta.

Cunar Filish, oo ka hadlayay munaasabad lagu taageerayay Madaxweyne Farmaajo, ayaa sheegay in aan loo dulqaadan doonin hanjabaada mucaaradka, waxa uuna usoo daliilsaday aayado qur’aan, taas oo sanadkii 2006-dii sidaan oo kale Sheekh Shariif oo Midowgii Maxkmadaha ka tirsan usoo daliilsaday hoggaamiye kooxeedyo uu ka mid ahaa Cumar Filish.

Guddoomiye Cumar Filish ayaa musharaxiinta ku tilmaamay munaafiqiin mudan in la iska celsho, meel kastana lagu dili karo, taas oo halis weyn ku ah amniga musharaxiinta iyo guud ahaan mucaaradka.

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa musharaxiinta oo ka koobnaa inta ugu badan beelaha waa weyn ee afarta ah ka soo qaaday Hawiye oo kaliya oo dalka duminayo isagoo yiri. “Maanta in nalagu handado Hawiye ayaan ahay qori ayaan soo qaadanayaa sax miyaa? dhinaca kale fiiriya Ra’iisul Wasaare Rooble Hawiye maaha miyaa? anigu Gudoomiyihii gobolkaan ahay, gobolkaan mas’uuliyadiisa amni anigay i saaran tahay, Hawiye maahi miyaa mise duurkaan ka imid?”

Qatarta ugu weyn ee ku jirto Khudbadii Cumar Filish waxaa is dul-taagay Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya waxa uuna yiri.

“Cumarow qoriga dabka ah ee Fahad iyo Farmaajo kuu soo dhiibeen dhulka iska dhig adigu haku gubanine!”

Sidoo kale Xildhibaan Mahad Salaad ayaa yiri “Haddii dhago wax maqlaa kugu yaalaanna, dad dilow hakuu dambeeyo ee duqiyow xarunta dowlada hoose Gudoomiyaha aad ka tahay ee halka asbuuc korontadu ka dansantahay biilkeeda iska bixi! “

Dad badan ayaa qaba in duqa Muqdisho caradiisa aysan ka billaaban war-murtiyeedka mucaaradka balse uu ka careysnaa warar maalmahan dad u badan mucaaradka wareejinayeen, kaas oo ahaa in xilka laga qaado doono waxa uuna ka sheegay goobtii uu shalay ka hadlay.

“Waxay mucaaradka soo abaabuleen xilka waa laga qaadi rabaa waa beentood waxay rabaan in ay magaalada qas ka sameeyaan anigana waa i yaqaanana qas kama yeelayo, waa iga baqayaan iima imaan karaan sidaas ayey been ku qoreen oo ah in xilka layga qaadi rabo,” ayuu yiri Cumar Maxamed Maxamuud Filish.

Hadalka Cumar Filish ee hanjabaada ah waxaa ka faa’ideysan kara Al-Shabaab, Daacish iyo koox kalaba iyagoo isku dayi kara weeraro ka dhan ah mucaaradka.

Inkasta oo mucaaradka qaarkood amnigooda aad u sugan yahay sida madaxdii hore, haddana waxaa jira kuwa amnigooda beylahan yahay, kuwaas oo la beegsan karo, kadibna hadalka Filish lagu dabaqi karo wax kasta oo dhaca.

Waxaa sidoo kale suurta-gal ah in dadka wax beegsanaya aysan noqon Al-Shabaab kaliya, balse ay noqdaan dad aano qabiil, mid ganacsi ama sababo kale wax u beegsaday.

Dad badan waxay qabaan in hadalka Cumar Filish marqaati loo qabsan karo, kaas oo ah inuu ka dambeeyay weerarkii dhaca, ciddii la dilo ama la dhaawaco, maxkamadna lagu soo taagi karo, maadama laga hayo cod duuban oo u uku hanjabayo dil.

Cumar Filish waxaa habboon inuu raali-gelin bixiyo, islamarkaana caddeeyo inuusan rabashado dhiiri-gelineyn. Sidoo kale dowladda federaalka waa inay hadalkan iska bari yeeshaa, si aysan mas’uuliyadda dhinac uga qaadan.

Baarlamaanka Puntland oo soo saaray ga’aan la xiriira shirkadda DP WORLD

0

Garoowe (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka maamulka Puntland oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Garoowe ayaa dood adag ka yeeshay heshiiska shirkadda DP World ee gacanta ku heysa dekedda magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Kulanka oo ahaa kii 18-aad ee ka mid ah kalfadhiga 47-aad golaha wakiillada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa waxaa shir guddoomiyey, gudoomiye Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay dhinac fadhiyeen ku xigeenkiisa koowaad, Cabdicaiis Cabdullahi Ismaan iyo ku xigeenkiisa labaad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame.

Sidoo kale waxaa kulanka soo xaadiray illaa 49 Mudane, kuwaas oo marka hore loo gudbiyey codsi ka soo baxay madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni oo ahaa in uu sii socdo dhameystirka heshiiska Puntland iyo P&O Port ( DP-World) ee Dekadda Boosaaso.

Dood dheer kadib xildhibaanada ayaa cod gacan taag ah geliyey in shirkadda DP World ay sii wado mashruuca lagu horumarinayo dekeddaasi, waxaana ogolaatay illaa 38 Mudane, mina jrin cid diiday, balse waxaana ka aamus 11 Mudane, sida uu ku dhawaaqay guddoonka sare ee baarlamaanka dowlad goboleedka Puntland.

Go’aanka ka soo baxay xildhibaanada Puntland ayaa u ogolaanayo DP World nay sii maamusho dekedda Boosaaso oo maalmihii u dambeeyey ay cabasho ka taagneyd.

Arrinta ugu daran ayaa ka dhalatay, markii maraakiibta iyo doomaha ay ku xiran waayeen dekeddaasi, kadib markii ay carro badan buuxisay halkaasi.

Xog: Rooble iyo Cumar Filish oo raadinaya Hawiye miisaan iyo magac leh oo jawaaba

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubno sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa wada abaabul iyo dadaal looga jawaabayo, laguna cambaareynayo go’aanadii kasoo baxay shirka musharaxiinta mucaaradka ay ku yeesheen Muqdisho ee soo dhamaaday Khamiistii.

Ololahan ayaa waxaa wada ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo duqa Muqdisho Cumar Filish oo ah xubnaha ugu sarreeya beelaha Hawiye ee ku jira dowladda, waxayna isku dayayaan inay helaan dad miisaan culus ku dhex leh beelaha Hawiye oo naqdiya shirkii Muqdisho.

Sida aan xogta ku helnay, qorshaha ah ayaa ah in shirkii Muqdisho loo muujiyo mid ay musharaxiinta beel gaar ah ku diidan yihiin hoggaanka dalka, kuna carqaladeynayaan amniga. Musharaxiinta madaxweynaha ee mucaaradka ayaa intooda badan kasoo jeeda beelaha Hawiye.

Guddoomiye Cumar Filish ayaa isla shalayba sidaas u muujiyey shirka, wuxuuna mucaaradka ugu yeeray kuwa ka shaqeynaya fitno, isaga oo aayado qur’aan usoo daliishaday in la dili karo, taasi oo cambaareyn xooggan ay ka dhalatay.

Si kastaba, maadaama Cumar Filish ku jiro dowladda, waxaa la isku dayayaa in la helo xubno Hawiye ah oo aan dowladda ka mid ahayn sida odayaasha, culimada, ganacsatada haweenka iy aqoonyahanada. Dhanka Haweenka ayaa waxaa loo xil saaray marwada madaxweyne Farmaajo, Seynab Macallin, oo iyana Hawiye ah.

Shalay ayaa masaajidada magaalada Muqdisho qaarkood waxaa laga abaabulay culimo khudbaddii Jimcaha kadib aad u dhaliilay shirkii Muqdisho iyo xubnaha mucaaradka, inkasta Masaajidadaas ay badankood ahaayeen kuwa ay maamulaan beelaha Banaadiriga, ayada oo kuwa Hawiye inta badan ay diideen.

Waxaa sidoo kale jira odayaal iyo dad kooban oo beelaha Hawiye kasoo jeeda oo shirkaas dhalleeceeyey, hase yeeshee waxaa la sheegay inaysan ahayn dad saameyn iyo magac leh.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in inta badan dadka miisaanka iyo magaca leh ee beelaha Hawiye ay diideen abaabulka Rooble iyo Filish, ayaga oo sheegay inaysan dhex-galeyn dad isku haya siyaasad, oo aysan diyaar u ahayn inay arrintan u rogaan mid qabiil.

Dhinaca kale, waxaa suurta-gal ah in la qabto banaan-bax shirkaas lagu diidan yihiin, inkasta oo aysan hubneyn.

Ciidamada Itoobiya oo la wareegay magaalooyin u dhow caasimadda Tigray

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ciidamada milatariga Itoobiya ee howl-galka ka wada waqooyiga dalkaasi ayaa guullo ka sheegtay dagaalka ka socda gobolka Tigray.

Mid ka mid ah saraakiisha ciidamada federaalka oo lagu magacaabo, Janaraal Hassan Ibrahim ayaa wakaalada wararka wadanka Itoobiya u sheegay inay 50 KM u jiraan caasimadda Tigray ee Mekelle, islamarkaana ay la wareegeen magaallooyin u dhow.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ciidanka ka duulay dhanka Adwa ay qabsadeen magaalooyinka Hawzen, Abraha Weatsbeha ilaa Wukro, halka ciidanka ka baxay dhanka  Adigrat ay iyaguna la wareegeen gaca ku heynta magaalooyinka Senkata iyo Al-Najashi.

Sarkaalkan oo hadalka sii wata ayaa ku goodiyey inay gudaha u gali doonaan magaalada Mekelle oo xudun u ah dagaalka u dhexeeya dowladda Itoobiya iyo jabhadda TPLF.

Dhinaca ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa ku gacan seeray dadaallo ay wadeen ergo ka socotay Midowga Afrika oo dooneysay in wada-hadal lagu dhameeyo xiisadaasi.

Xaaladda Itoobiya ayaa ah mid aad u adag, waxaana dagaallada ka socda dalkaasi ku dhintay boqolaal qof, halka ay ku barakaceen kumanaan kale oo ka qaxay dalkaasi.

Ciidamada TPLF oo mar kale gantaalo ku garaacay Asmara

Asmara (Caasimada Online) – Ciidamada ururka TPLF ayaa xalay mar kale gantaallo ku garaacay magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea, taasi oo sare usii qaaday cabsida laga qabo in dagaalka Ethiopia uu ku fido gobolka.

Ugu yaraan laba gantaal ayaa la xaqiijiyey inay ku dhaceen Asmara, kuwaasi oo laga soo tuuray gobolka Tigray, sida ay sheegeen afar diblomaasi oo la hadlay wakaaladda wararka ee AFP.

Illaa iyo hadda ma cadda khasaraaha ka dhashay gantaallada.

TPLF ayaa ku eedeysay Ethiopia inay adeegsaneyso taageerada militariga Eritrea, eedeyntaas oo Ethiopia ay beenisay.

TPLF ayaa horey u sheegatay mas’uuliyadda gantaallo kale oo lagu garaacay Asmara laba toddobaad ka hor, waxyar un kadib markii uu dagaalka billowday.

Weerarkan ayaa imanaya ayada oo ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed uu Khamiistii sheegay in dagaalka uu ku hayo gobolka Tigray uu galay “wejigii saddexaad.”

Abiy ayaa sidoo kale mar kale diiday inuu wada-xaajood la galo kooxda TPLF, wuxuuna baaqyada arrintaas la xiriirta ku sheegay “faro-gelin” lagu sameynayo arrimaha gudaha ee Eritrea.

Hadalkan ayuu sheegay xilli uu wadahadal kula jiray saddex ergey oo ka socda ururka Midowga Afrika oo isku dayaya in la dhameeyo dagaalka dhibta badan geystay ee u dhexeeya ciidan federalka ah iyo xoogagga gobolka Tigray.

Saddexda ergey ayaa kala ah madaxweynihii hore ee Liberia Ellen Johnson Sirleaf, madaxweynihii hore ee Mozambique Joaquim Chissano iyo madaxweynihii hore ee dalka South Africa Kgalema Motlanthe.

Dhinaca kale, dowladda Tigray ayaa Jimcihii sheegtay in ciidamada federaalka Ethiopia ay duqeynayaan magaalooyin iyo xaafado, ayaga oo khasaare xooggan gaarsiiyey shacabka.

Xog: Xarumihii dowladda iyo kuwa ciidanka ee Hiiraan oo korontada laga jartay

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in shirkad Koronto oo ku taala magaalada Beladweyne ay korontada ka jaratay xarunta Maamulka Gobalka Hiiraan, Saldhigga Booliska iyo Xabsiga magaalada Beladweyne, kadib markii ay iska bixin waayeen lacag ka badan 300 oo kun oo dollar oo ah lacag isgaareysa illaa 2012-kii.

Wararka laga helayo Beladweyne ayaa sheegaya in maamulka gobalka oo u diyaar garoobaya soo dhoweynta Cali Guudlaawe ay soo gashadeen Koronto kale kadib maalmo ay Koronto la’aan ahaayeen, waxaase wali koronto la’aan labada xarun ee kale.

Maamulka Shirkadda Korontada ayaa ka cabanaya in ay dareemayaan rajo xumo ay ka qabaan in ay helaan lacagta kaga maqan maamulka HirShabeelle.

Gobalka Hiiraan waxa uu ugu horreeyaa gobalada ugu dhaqaalaha badan Soomaaliya. Waa marinka isku xira goballada Koofurta, Bartamaha iyo Waqooyiga Soomaaliya waxaana maalintii gaadiidka mara laga qaadaa lacag ku dhow 40 kun oo dollar.

Sidoo kale waxaa la canshuuraa qudaarta iyo adeegyada kale ee gobalka, waxaana la sheegaa in lacagtaas aan waxba loogu qaban shacabkii laga qaaday.

Muxuu Shariif kala hadlay odayaasha K/Galbeed?

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo haatan ku sugan magaalada Baydhabo ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay odayaasha dhaqanka ee deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ahaa madaxweynaha maamulkaasi, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen).

Intiisa badan waxaa shirkan diirada laguy saaray xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee 2020/2021-ka.

Sheekh Shariif ayaa u sheegay odayaasha dhaqanka in weli baahi loo qabo, islamarkaana looga fadhiyo inay soo xulaan xildhibaano u qalmo marxalada adag ee haatan lagu jiro.

“Odayaasha dhaqanku waa furaha dowladnimadeena casriga ah, baahidii la idiin qabay wali waa jirtaa oo dalka xaaladdiisa waad ka warqabtaan, waxaan aaminsanahay inaad dalka usoo xuli doontaan Xildhibaano u qalma marxaladaha adag ee dalkeenu ku jiro.” ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd.

Dhankooda qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ee madasha ka hadlay ayaa u mahadceliyey Sheekh Shariif oo haatan ah guddoomiyaha midowga musharraxiinta.

Kulamada siyaasadeed ee ka socda Baydhabo ayaa ku soo aadaya, iyada oo lagu sii dhowaanayo doorashada Somalia oo isugu jiro tan baarlamaanka iyo madaxweynaha.

 

Aqriso: Magacyada 8 dhallinyaro oo caawa lagu laayey qaraxii Gelato Divino

Muqdisho (Caasimada Online) – Habeen kale oo murugo badan ayay caawa u ahayd magaalada Muqdisho, ayada oo ay ka baxeen dad aad looga jeclaa magaalada oo dhammaantood ahaa dhallinyaro.

Dhallinyarada ayaa ku dhintay qaraxii is-miidaaminta ee caawa ka dhacay maqaayadda Gelato Divino, kaasi oo sidoo kale ay ku dhaawacmeen in ka badan 10 kale.

Xogta khasaraaha ayaa waxaa Caasimada Online u xaqiijiyey goobjoogeyaal iyo ilo-wareedyo amni. Adeegga gurmadka deg degga ah ee Amin Ambulance ayaa sidoo kale dhankooda ka xaqiijiyey geerida 7 qof iyo dhaawaca 10.

Caasimada Online ayaa sidoo kale ogaatay in qof ka tirsan dowladda Soomaaliya, gaar ahaa waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha oo uu u qaabilsanaa safaaradda Soomaaliya ee Ethiopia.

Magacyada 8 qof oo dhammaantood ahaa dhallinyaro ayaa kala ah.

1: Ibrahim Abdi
2. Bishaar Cabdukadir
3. Abdulahi Abdi Jamac
4. Abdirisaak UK
5. Abdullahi Suldan
6. Abdirashiid Taataa
7. Cali Daahir (Cali Yare)
8. Abdullahi Sudaani

Weerarka ayaa waxaa fuliyey qof soo qof soo xirtay jaakad waxyaabaha qarxa laga buuxiyey, kaasi oo gudaha u galay maqaaxida kadib is-qarxiyey.

Gelato Divino ma lahan waardiye hubeysan, waxaana albaabka jooga qof haysta gacan dhawaaqa oo dadka mariya. Qofka is-qarxiyey ayaa markii uu yimid goobta oo la isku dayey in gacankaas la mariyo, wuxuu xoog ku helay goobta kadibna durba is-qarxiyey.

Gelato Divino ayaa markii weerarka uu dhacayey waxaa ka jira mashquul xooggan, ayada oo sidan oo kale habeenada Jimcaha ay tahay meel aad u mashquul badan.

Waxaa goobta ku badan shaqaalaha dowladda iyo dadka ka ag dhow. Waxaa xitaaa mararka qaar taga xildhibaano ka tirsan baarlamanka federaalka Soomaaliya.

Wixii kusoo kordha kala soco Caasimada Online, Insha Allah.

Sii-hayaha xoghayaha gaashaandhiga Mareykanka oo maanta Muqdisho yimid

Muqdisho (Caasimada Online) – Sii-hayaha xoghayaha gaashaandhigga Mareykanka Christopher Miller ayaa booqasho aan la shaacin maanta ku tegay magaalada Muqdisho, sida ay weriyeen warbaahinta Mareykanka.

Miller ayaa noqday xoghayihii ugu horreeyey ee gaashnaadhigga Mareykanka ee booqday Soomaaliya, waxaana booqashadan ay ahayd lugtii ugu dambeysay safar uu ku maray afar dal oo sidoo kale Jabuuti ay ka mid tahay.

Sida ay werisay CNN, Miller ayaa Muqdisho joogay kaliya dhowr saacadood, wuxuuna la kulmay qaar ka mid ah ciidamada Mareykanka ee jooga Soomaaliya.

Socdaalka Miller ayaa imanaya ayada oo madaxweyne Trump uu qorsheynayo inuu Soomaaliya kasoo saaro 700 oo askari oo Mareykan ah oo dalka ka jooga, kuwaasi oo la dagaalama kooxda Al-Shabaab, sidoo kalena caawiya ciidamada Soomaaliya iyo Amisom.

Ma cadda haddii uu Miller Muqdisho kula kulmay xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Safarka ayaa sidoo kale imanaya ayada oo sarkaal ka tirsanaa hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA, dhowr maalmood kahor lagu dilay Soomaaliya, sida ay saraakiil Mareykan ah u sheegeen wargeyska New York Times.

Sarkaalka ayaa ka tirsan qeybta ciidamada sida militariga u tababaran ee CIA-da, wuxuuna horey uga tirsanaan jiray ciidamada xulka ah ee Mareykanka ee loo yaqaan SEAL Team 6.

CIA-da ayaa Soomaaliya ka fulisa howlgallo qarsoodi ah, oo badankood lagu fuliyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee drone-ka ee duqeymaha la beegsada haggaamiyayaasha kooxda Al-Shabaab.

Musharaxiinta mucaraadka oo ka jawaabay dilkii uu ku baaqay Filish, sheegayna cida qaadeysa mas’uuliyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa si kulul u cambaareeyay hadalkii shalay ka soo yeeray Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, kaasi oo ugu baaqay in la dilo mucaaradkii maalmihii u dambeeyay ku shirayay Muqdisho.

Golaha ay ku midooben mucaaradku ayaa qoraal kasoo baxay waxa lagu sheegay in hadalka Filish ay u arkaan mid colaad hurin ah, islamarkaana ay u arkaan mid uu kula socdo madaxweyne Farmaajo.

Waxay sheegen in uu Farmaajo qaadayo mas’uuliyada ka dhalata falka colaad hurinta ay xukuumadiisa ku howlan tahay, sida ay ku xuseen qoraal ay maanta si wadajir ah usoo saareen musharaxiintu.

“Goluhu wuxuu dhab u qaadanayaa in hanjabaadda Guddoomiyaha Gobolka ay tahay farriin ka timid Madaxweyne Farmaajo toosna ugu socota xubnaha Midowga Murashaxiinta,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxa kale oo lagu yiri “Goluhu wuxuu ugu baaqayaa hoggaanka Dowladda Federaalka ah in ay ka waantoobaan colaad hurinta iyo ficillada abuuraya naceybka, taa bedelkeedana ka shaqeeyaan sidii ay dalka uga qabsoomi lahayd doorasho wadar-ogol ah.”

Sidoo kale waxa qoralka golaha mucaaridka lagu sheegay inay u caddaatay in hoggaanka dowladda uu adeegsanayo tabihii xagjirka ee Al-Shabaab, ee ay ku xalaaleysanayeen dhiiga shacabka iyagoo adeegsanaya fikir diin.

Filish ayaa shalay ku hanjabay inay tallaabo adag ka qaadi doonaan musharaxiinta mucaaradka hadey isku dayaan inay xasilooni daro amni abuuraan, isagoona ku baaqay in la dilo mucaaradka, wuxuuna dilkooda qiil uga dhigtay Aayado qur’aan ah oo jira Suratul Axzab.

Hoos ka aqriso qoraalka ay soo saareen oo dhameystiran

Jabriil Ibraahim Cabdulle oo ka jawaabay hadalkii Mahdi Guuleed, farriina u diray DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Jabriil Ibraahim Cabdulle oo kamid ah murashaxiinta ugu tunka weyn doorashada 2021 ayaa si weyn u dhaliilay dowladda federaalka Soomaaliya, xili uu maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Musharax Jabriil ayaa waxa uu sheegay in wax-qabadka dowladda uusan dhaafin wadada Maka Al Mukarama, taasi oo uu xusay inay ka dhaxashay dowladihii ka horeeyay, isla markaana aysan ka sameyn wax isbedel ah dagaal ka dhanka ah argagixisada.

Waxa kale oo uu wax laga xumaado oo aan la jeclaysan ku tilmaamay hadalkii dhawaan uu Mahdi Guuleed ku sheegay in wareega koowaad ee doorashada lagu kala bixi doono, kaasi oo sarre u qaaday tuhunka mucaaridka ah ee hanaanka doorashada soo socota.

Wuxuu hoosta ka xariiqay in hadalada noocaas ah xiligan loo baahneyn, balse laga sugayay madaxda sare ee dalka hadal wax ka badala xaalada kala guurka ah ee uu ku jiro dalku.

Jabriil ayaa sidoo kale waxa uu hanaanka doorashada ka muujiyey wal-wal hor leh, isagoona carabka ku adkeeyay in gebi ahaanba laga fogaado isqab-qabsi iyo qalaalase laga cabsi qabo inay horseedo doorashada lagu muransan-yahay.

Musharaxan ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, iyada oo soo dhaweyntiisa ay ka qeyb qaateen siyaasiyiin, dhalinyaro, bulsharada rayidka ah iyo haweenka magaalada Muqdisho.

Soo dhaweynta oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimayay waxaa shacabka Gobolka Banaadir ay safnaayeen aafafka hore ee waddada garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Murashax Jabril oo saxaafadda kula hadlay Hotel Royal Palace ayaa sheegay in uu maalmaha soo socdo si rasmi ah ugu dhawaaqi doono in uu yahay murashax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Isagoo ballan qaaday inuu awoodda dowladnimo ku soo celin doono shacabka, haddii uu ku guuleysto xilka Madaxweyne, uuna dalka gaarsiin doono inay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah.

Jabril Cabdulle oo ka mid ah murashaxiinta dhalinyarada ah ee isku soo taagaya xilka sare ee Madaxweyne, ayaa aqoon durugsan u leh dib u heshiisiinta iyo dowlad wanaagga, wuxuuna la soo shaqeeyay dhammaan dowladahii ku meel gaarka ahaa tan iyo sanadkii 2004.

Itoobiya oo war cusub kasoo saartay dagaalka TIGRAY

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Itoobiya ayaa markale ka hadashay dagaalka xoogan ee ay kula jirto maamulka TPLF, kaasi oo maraya meel xasaasiya, iyada oo ay fashilmeen dadaaladii lagu dhex-dhexaadinayay labada dhinac.

Wasiirka Maaliyada dowlada Itoobiya, Axmed Shide oo arrintaasi ka hadlayay ayaa sheegay in ciidamada millaterigu ay sida ugu dhaqsaha badan u soo geba-gebayn doonaan dagaalka ka socda gobolka Tigrayga.

Axmed Shide ayaa ku adkeystay in dagaalka ay xukuumada Abiy Axmed ku qaaday maamulka Tigrayga uu yahay mid sharci ah, maadama uu ku dooday inay madaxda TPLF ka baxeen xayndaabka dowladnimo.

Wasiirka oo wareysi siiyey wakaalada France 24 ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dagaalada xiligan ka socda gobolka Tigray uu yahay mid ay xukuumadiisu kusoo celinayso ‘amarka iyo kala dambeynta’.

“Howlgaladan waa mid amarka iyo kala dambeynta lagu soo celinayo ujeedkiisana uu yahay in jabhadda TPLF looga badbaadinayo shacabka Tigray” ayuu yiri Wasiir Axmed Shide.

Axmed Shide ayaa wax laga-xumaado ku tilmaamay xasuuq uu sheegay inay maamulka TPLF ka geysteen magaalada Mai-Kadre, midkaasi oo ay ku ladeen boqolaal dad rayid ah.

Sidoo kale waxa uu eedeymo la xiriir tacadiyo ka dhan ah bini-aadamka u jeediyay ciidamada maamulka Tigray oo uu sheegay inay si arxan darro ah u geystaan falal laga yax-yaxo.

Inkasta oo ay adag tahay in la xaqiijiyo xadiga tacadiyada ka dhacay gobolka uu dagaalku ka socda ee Tigray, ayaa haddana waxa soo baxaya in xasuuq badan uu ka dhacay gudaha gobolkaasi, iyada oo labada dhinac ee ku dagaalsan uu midba ka kale dusha u saaro mas’uuliyada falalkaasi.

Si kastaba, dagaalka Tigray ayaa kasii daray, kadib markii ay xukuumada Abiy Axmed ay sheegtay inay qabsaneyso caasimada ismaamulkaasi, isla markaana ay sharciga horgeynayso madaxda TPLF, taasi oo ay ka biyo diideen madaxda maamulkaasi.

Lafta-gareen oo shaaca ka qaaday cidda ‘caqabada ugu weyn’ ku ah maamulkiisa

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa markii u horeysay ka hadlay caqabadaha uu ka dhaqaaqi laayahay maamulkiisa, kaasi oo uu sheegay inay sabab u tahay in uu istaago horumarka maamulkaasi.

Madaxweynaha ayaa sheegay in caqabada u weyn ee maamulkiisa Koonfur Galbeed haysata ay tahay kooxda Al-Shabaab, oo uu sheegay inay go’doon geliyeen deegaano ka tirsan maamulkiisa.

Waxa kale oo uu sheegay in go’doominta Al-Shabaab ay keentay inaysan isku gudbin degmooyinka qaar oo ka tirsan Koonfur Galbeed, isagoona xusay in afar degmo oo ka tirsan maamulkiisa ay gacanta ku hayaan kooxdaasi.

Lafta-gareen ayaa carabka ku adkeeyay in Koonfur Galbeed ay ka dhaqaaqi laadahay amni darada ay horseedka u yihiin Shabaabku, hase yeeshe ay dagaal xoogan kala hortagi doonaan.

“Caqabado amni ayaa ka taagan Koonfur Galbeed, waxaana waajib ah in si wada-jir ah looga howl-galo in la isku furo waddoyinka deegaanada iyo degmooyinka maamulka” ayuu yiri Madaxweyne Laft-gareen.

Hadalkan ayaa imanaya xili ay Shabaab sare u qaaday dhaq-dhaqaaqyada ay ka sameyso maamulka Koonfur Galbeed, iyada oo mararka qaar ka geysata dilal qorsheysan iyo falal amniga lidi ku ah.

Tallaabada ay tahay in DF ay qaaddo kadib go’aanadii kasoo baxay mucaaradka

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib qodobadii ay Khamiistii soo saareen Midowga Musharaxiinta, ee u tartamaya jegada madaxtinimada ee dalka ayaa waxay walaac ku abuurtay bulshada Soomaaliyeed. Qodobadaasi ayaa xoojiyay dareenkii horaan looga qabay in loolan siyaasadeed oo adag ka dhex bilaaban karo Dowladda Federaalka iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka.

Dadkase wax ku qora barraha bulshada waxay qorayaan inaanu xaalka heerkaa gaari lahayn, haddii Dowladda Federaalka si lagu qanacsan yahay u maamuli laheyd doorashooyinka dalka.

Musharaxiinta Mucaaradka oo toddobaadyadii la soo dhaafayba ka biyo diidanaa Guddiyada Doorashooyinka Qaranka ayaa waxaad mooddaa, sidii ku habooneyd inaanay dowladdu uga falcelin.

Diidmada adag ee mucaaradka ayaa soo ifbaxday, ka dib markii ay sheegeen in Xubnaha Guddiyada Doorashooyinka ay qaarkood ka tirsan yihiin Saraakiisha Hay’adda NISA iyo Shaqaalaha Rayidka ee Xafiisyaa Madaxda.

Walaaca ay xilligan dadku qabaan ayaa ah in gacan ka hadal uu isu bedelo xiisadda siyaasadeed ee dalka ka taagan, haddii dhinacyada ugu tunka weyn siyaasadda aysan xal u helin arrimaha ay isu hayaan.

Haddaba Maxaa looga baahan yahay Dowladda Federaalka?

Prof. Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad oo fallanqeeya arrimaha gobolka ayaa sheegay in dalka uu wajahayo marxalad adag, xilli siyaasadda aanay cago badan ku taagnayn, waxa uu intaa ku daray in ay muhiim tahay in la helo doorasho xor iyo xalaal ah oo dalka ka dhacda.

“Soomaaliya waxay gelaysaa marxalad aad u adag, Soomaaliya waxay gelaysaa xilli kala guur ah, oo siyaasaddu aysan deganayn.” Ayuu yiri Prof. Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad.

Isagoo la hadlayay BBC ayuu yiri “In la helo doorasho xor oo xalaal ah waa muhiim, in la helo doorasho heshiis lagu yahay waa muhiim, in la helo doorasho lagu tartami karo, taa iyada ah waa muhiim.”

Si looga baaqsado dib u dhac markale dalka ku yimaado ayuu sheegay in Dowladda Federaalka looga baahan yahay inay dib u eegto waxa socda, oo aanay ku amar taaglayn rabitaankeeda oo qura.

“Dowladda naftigeeda waxaa loo baahan yahay in ay taa ka fekerto, maxaa yeelay dowladda naftigeeda ma wanaagsana inay tiraahdo anaa iri, xilligii keli-talisnimada Soomaaliya way ka dhammaatay. Soomaaliya waxay u baahan tahay in la’isku tanaasulo, Soomaaliya waxay u baahan tahay geedi-socodka nabadda in la tartiibiyo.” Ayuu yiri Prof. Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Villa Somalia iyo Midowga Musharaxiintaba looga baahan yahay inay muujiyaan qaangaarnimo siyaasadeed, iyadoo hadafkuna yahay in dalka laga qabto doorasho xalaal ah.

“In la muujiyo qaangaarnimo ayaa loo baahan, dowladdu waa inay qaangaarnimo muujisaa. Nimankan tartamaya waxyaabo runtii sax ah ayay tabanayaan, in waxyaabahaas saxda ah ay tabanayaan dowladdu wax ka qabato. Waxyaabaha ay ku talax taggayaana inaanan laga yeelin, laakiin yoolku waa Soomaaliya oo hesho doorasho xor oo xalaal ah, Soomaaliya oo ka gudubto marxaladaan cakiran, Soomaaliya oo u gudubto hoggaan wanaagsan, kuwaan xilka haya haku soo noqdaan ama mid cusub ogolaado.” Ayuu sii raaciyay Prof. Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad.

Xog: DF oo jartay waaran lagu soo xirayo Jeneral Xuud

Beledweyne (Caasimada Online) – Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay shalay waaran soo qabasho ah u jartay Jeneral Abuukar Xaaji Warsame oo loo yaqaano Xuud, kaas degaanka Ceel-gaal ee gobalka Hiiraan ku haysta maleeshiyo tobaneeyo ah.

Wararka aan helnay ayaa sheegay in booliska iyo melitariga gobalka Hiiraan lagu wareejiyay warqada amarka soo qabashada ah.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in ciidanka la amray in ay xoog ku soo qaban karaan isaga iyo ciidankiisa haddii ay diidaan inay isa soo dhiibaan, ayada oo aan loo haysan wixii dhib ah ee halkaas ka yimaada ee ka dhashay amar diidada.

Jawi colaadeed oo xoog leh ayaa laga dareemayaa guud ahaan gobalka Hiiraan, gaar magaalada Beladweyne oo ay ku dhowaadeen maleeshiyadaan oo mudooyinkaan isku hub aruursanayay degaanka Ceel-gaal.

Jeneral Abuukar Xaaji Warsame oo ka tirsanaa musharaxiintii xilka Madaxweynaha HirShabeelle ayaa diidan doorashadii dhacday waxa uuna ku baaqay dagaal ka dhan ah HirShabeelle.

Tallaabooyinka uu qaaday Xuud ayaa horseeday in laba goor uu baaqdo safar uu magaalada Beledweyne ku tegi lahaa madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in mucaaradada Jeneral Xuud ay lacag iyo dhiiri-gelin ku bixinayaan qaar ka mid ah dadka miisaanka ku dhex leh beesha uu kasoo jeedo, oo diidan inay weysay kursigii madaxweyne ee HirShabeelle.