25.3 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Soomaali iyagoo qaxooti ku ah jasiirad maxkamad lagu soo taagay + Sababta

0

Valetta (Caasimadda Online) – Jasiiradda Malta waxaa ka bilowday maxkamadeynta soo galooti ay Soomaali ku jirto oo dhibaato isbuucii hore rabshado ka sameeyay magaalada Ħal Far, waxeyna markii ugu horreysay maxkamad kasoo muuqdeen Jimcadii.

Warbaahinta gudaha dalkaas ayaa sheegay in soo galootigan ay ku lug yeesheen rabshado dhacay taasoo keentay iney waxyeelo soo gaarto hanti lagu qiyaasay wax ka badan malaayiin Yuuro.

“Maxkamadda waxey u baahan tahay iney kala saarto rabshado iyo banaan-bax,” ayuu yiri u doodaha qaxootiga Martin Fenech oo sheegay iney banaan-bax kaliya sameeyeen.

Dacwad oogayaasha kuma raacin arrinkaas, waxeyna maxkamadda ka sheegeen ineysan sinaba macquul u aheyn banaan-baxayaasha iney rabshado sameeyaan.

Waqtiga xukunka lama oga, balse garsooraha maxkamadda Frendo Dimech wuxuu sheegay iney qiimeyn doonaan hantida burburtay ka hor inta aan xukun lagu ridin, waxaana lagu miisaami doonaa hantida la baabi’iyay.

Xariga ugu badan oo ay soo galootiga ay Soomaalida ku jirto wajahi karaan waa xarig afar sano ah, waxaana la ogyahay in dalka Malta uu yahay kan ugu badan ee reer Yurub kaas oo soo dhaweeya soo galootiga.

Muhaajiriinta maxkamadda lasoo taagay waxey dhamaantood kasoo jeedaan qaaradda Afrika waxeyna u kala dhasheen: Gambia, Mali, Guinea, Sudan, Ivory Coast iyo Soomaaliya.

Wararkii u dambeeyey shirka musharraxiinta + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa weli ka socdo shirka musharraxiinta mucaaradka ee sanadkan ka qeyb-galaya tartanka doorashada soo socota ee 2020/2021, kaas oo galay maalintiisii labaad.

Shirweynahan oo mid wada-tashi ah ayaa waxaa looga arrinsanayaa doorashada Soomaaliya oo haatan hanaanka loo wado tabasho badan ay ka qabaan musharaxiintu.

Wararka ayaa sheegaya in markale musharraxiinta ay maanta sii amba qaadeen doodooda ku aadan doorashada iyo sida looga gudbi karo khilaafka ka taagan.

Inta badan musharraxinta ayaa saluug ka muujinayo guddiyada la soo dhisay ee ka shaqeynaya doorashada oo qaar kood lagu eedeeyey inay yihiin shaqaale dowladeed.

Sidoo kale waxaa la filayaa in shirkan laga soo saaro go’aano ay ku mideysan yihiin hoggaamiyeyaasha mucaaradka, kuwaas oo la xiriira doorashada soo socota ee dalka.

Gaba-gabada shirkan oo beri la soo xirayo ayaa waxaa lagu wadaa in laga soo saaro war-murtiyeed, sidoo kalena lagu dhiso gole ay mideysan yihiin mucaaradka.

Soomaaliya ayaa isku diyaarineyso doorasho isugu jirta tan baarlamaanka iyo madaxweynaha, waxaana jira khilaaf u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka.

Shirkad diyaareed oo dhib badan kala kulantay in CC Shakuur iyo Xasan Kheyre ay soo wada raaceen

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Jimcihii dood badan ka dhalatay diyaaradii ay soo wada raaceen Xasan Cali Kheyre iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur, taas oo ku saabsaneyd in aysan isla raaci doonin.

Sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online, hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa diiday inuu diyaarad la raaco Kheyre, hase yeeshee markii dambe waxaa xaliyay maamulka Shirkadda.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xilligaas weli qabay carrada weerakii 17-kii December 2017 ay ciidamada Nabad-Sugidda ku qaadeen gurigiisa, xilligaas oo uu dalka ra’iisul wasaare ka ahaa Xasan Cali Kheyre.

Xogta aan helnay ayaa sheegaysa in markii dambe lagu heshiiyay in labadooda midna dhaq dhaqaaq ka dhax sameyn karin diyaaradda, dadka saaran sawiro lala geli karin iyo labada mas’uul isla hadli karin waxa uuna dalabkaan ka yimid Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Labada hogaamiyo oo aan isla hadlin ayaa la sheegay in ay diyaarada ka soo dageen. Sidoo kale labadooda waxaa aad u dambeeyay oo diyaarada cabaar kadib ka soo dagay hogaamiyaha xisbiga Wadajir.

Si walbaba, habeen hore ayaa lagu guuleystay in la dhameeyo khilaafka labadaan mas’uul oo muddo dheer soo taagnaa waxayna arrintaan timid markii uu Kheyre raali gelin bixiyay.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qiray inuu Kheyre raali-gelin siiyey, hase yeeshee qoraal uu saaray marna kuma sheegin inuu aqbalay iyo in kale.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa yiri “Waxaa caawa xarunta Xisbiga Wadajir nagu soo booqday Raysalwasaarihii hore ee Soomaaliya, ahna musharax madaxweyne Md Xasan Cali Kheyre. Kheyre wuxuu cudurdaar iyo raali gelin ka bixiyey weerarkii 17 Dec 2017.”

Sakariye Cabdi Yuusuf oo dil toogasho loogu xukumay kiiskii marxuumad Ugbaad

Hargeysa (Caasimada Online) – Maxkamadda gobolka Togdheer ee Somaliland ayaa maanta xukun adag ku riday Nin ay sheegtay in lagu helay inuu geystay fal iskugu jira kufsi iyo dil, kaasi oo ka dhacay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Maxkamadda ayaa dil toogasho ah ku xukuntay Sakariye Cabdi Yuusuf, oo ay sheegtay in lagu helay falkaasi, kaasi oo uu bishii October 11-keedi u geystay Marxuumad Ugbaad Cali Cabdillaahi oo aheyd Hooyo haysata saddex caruur ah.

Marxuumada loo xukumay kiiskeeda Sakariye ayaa waxay dhiganeysay jaamacada magaalada Burco, waxaana loo dilay si arxan darro kadib markii la kufsaday, sida uu sheegay wiil la dhashay oo lagu magacaabo Cabdinaasir Cali Cabdillaahi.

Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Togdheer oo maanta shaaciyey natiijada kiiskaasi, ayaa sheegay in kadib markii loo helay cadeymo iyo marqaatiyaal kiiska Ugbaad Cali, falkaasi loogu xukumay dil toogasho Sakariye Cabdi Yuusuf oo lagu helay inuu ka dambeeyay.

Kiiskan ay maanta maxkamaddu ay go’aanka ka gaartay ayaa waxa uu guux badan ka dhaliyay Somaliland, gaar ahaan magaalada Burco, kadib markii haweenay hooyo ah loo dilay si arxan darro ah, iyada oo madaxa dhulka loo dhacay kadib markii la kufsaday.

Waxa uu xukunkan imaanaya xili uu Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi uu balan qaaday in sharciga la hor keeni doono qofkii ka dambeeyay falka arxan darada ah ee lagula kacay marxuumada, isagoo xiligaasina amar deg deg ah siiyey hay’addaha cadaalada.

Falalka kufsiga iyo dilka ayaa sanadihii u dambeeyay kusoo badanayey dalka Soomaaliya, iyada oo la rumeysan yahay inay aad u yar yihiin dadka loo qabto falalkaasi, isla markaana loo maxkamadeeyo.

Xasan Sheekh oo digniin u diray Farmaajo iyo Fahad

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayey xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo marxalada kala guurka ayaa soo hadal qaaday arrimaha ku aadan doorashooyinka ee 2020/2021-ka.

Ugu horreyn Xasan Sheekh ayaa farrin u diray xubnaha guddiyada doorashooyinka ee dalka, isaga oo uga digay in aan lagu qaldin wax aysan shaqadoodu aheyn.

Madaxweynihii hore ee dowladda federaalka ayaa xusay in xubnaha la soo xulay qaarkood ay yihiin ciidan, islamarkaana ay dambi galayaan haddii ay ku milmaan arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka dalka ee soo socda, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay madaxweynaha iyo taliyaha nabad-sugida inay dhuujiska kaa daayaan siyaasadda, islamarkaana ay ka shaqeeyaan doorasho wada ogol ah.

“Wiilasha & Gabdhaha Soomaaliyeed waxa aan leeyahay yaan la idin qaldin oo ku shaqeeya waxa uu idiin fasaxay Qaanuunka, Ciidan ayaad tihiin, dambi ayaad galeysaan oo waxaa idin raaceysa eed aan dhamaan, madaxweynaha & milkiilaha waxa aan ugu caqli celineynaa ka daaya dhuujiska aad ku heysaan yaan la kala go’inee,” ayuu yiri.

Musharrax madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaciyey in kaliya dowladda federaalka ay isku hayaan jabinta dastuurta iyo qaanuunka dalka.

“Maanta waxa aan isku heysanaa dowladda federaalka ma ahan wax la garan waayay, wax waliba oo duruufo ah waala aqbali karaa balse kamid ma ahan wixii ka baxsan qaanuunka, guddiyada la magacaabay dastuurka raad kuma leh, qawaaniinta sal kuma lahan, Dowladnimo waa qaanuun, ceyb & cilad weyn ayay ku yihiin dimuqraadiyadda Soomaaliya,” ayaa markale yiri madaxweyne hore Xasan Sheekh Maxamuud.

Si kastaba ha’ahaatee musharraxiinta u taagan xilka madaxweynaha ayaa walaac xoogan iyo kalsooni darro ka muujinayo guddiyada la soo dhisay ee doorashooyinka dalka, iyaga oo shaaciyey inay u badan shaqaale dowladeed iyo ciidan ka tirsan NISA.

Rooble oo soo saaray amar la xiriira Muqdisho (Daawo)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan gaar ah galabta la qaatay masuuliyiinta ugu sarreysa maamulka gobolka Banaadir, kaas oo la sheegay in lagu dardar-gelinayo howllaha ay bulshada caasimadda u hayaan.

Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiskiisa, Rooble ayaa kula dardaarmay mas’uuliyiinta cusub ee dhowaan loo magacaabay maamulka gobolka Banaadir inay la yimaadaan qorshe cad oo lagu horumarinayo Caasimadda.

Si gaar ah waxaa looga hadlay kulankaas dhibaatooyinkii ka dhashay roobabkii maalmo ka hor ka da’ay magaalada Muqdisho oo saameyn ballaaran ku yeeshay waddooyinka, danyarta iyo bilicda caasimadda.

“Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa faray maamulka gobolka Banaadir in la sameeyo daraasad lagu qiimeynayo khasaarooyinkii ka dhashay roobabka, gaar ahaan burburka jidadka, isagoo ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed in doorkooda ay ka qaataan horumarinta bilicda iyo amniga caasimadda,” ayaa lagu yiri qoraalkan.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ku celceliyey in xukuumaddiisu ay mudnaan gooni ah siin doonto amniga caasimadda, isagoo xubnaha uu la kulamay ee maamulka gobolka Banaadir faray inay dib u habeyn ku sameeyaan leyrarka waddooyinka ku xiran, si buu yiri “aysan uga faa’iideysan mugdiga kooxaha nabad diidka ah.”

“Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamed Maxamuud Filish ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha kulankan muhiimka ah, isagoo sheegay in Maamulkiisu uu ka howlgeli doonno sidii wax looga qaban lahaa bilicda, amniga iyo dib u dhiska caasimadda,” ayaa lagu yiri qoraalkan ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Hoos ka Daawo

Sawirro: Shan baabuur oo isku dhacay, kadib shil ka dhacay duleedka Garoowe

0

Garoowe (Caasimada Online) – Ugu yaraan labo ruux ayaa ku geeriyootay, kadib shil gaari oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay duleedka Garoowe ee xarunta Puntland.

Wararka ayaa sheegaya in shilka uu yimid, kadib markii ay isku dhaceen shan gaari oo nooca xamuulka qaada ah , kuwaas oo marayey deegaanka lagu magacaabo Shire oo qiyaastii 150 km u jira magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in labada qof ee ku dhintay shilkaasi uu mid ka mid ah uu weli ku hoos jiro gaari rogmaday.

Waxaa sidoo kale shilkan ka dhashay khasaare hantiyeed oo aad u fara badan, waxaana burburay dhammaan alaabtii ay wadeen gawaarida isku dhacday.

Goobta uu shilku ka dhacay waxaa gaaray dadweyne iyo mas’uuliyiin ka tirsan Puntland, si gurmad loogu sameeyo dadka ay waxyeeladu soo gaartay.

Maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa deegaanada Pubntland ku soo badanayey shilal gaari, iyada oo loo sababeynayo darawallada oo si xawli ah u kaxeynaya baabuurta.

 

 

Garab musharaxiinta ka mid ah oo la kulmay Qoor Qoor

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa kulan gaar ah oo u dhexeeyey musharraxiinta u taagan xilka madaxweynaha ee doorashada 2020/21, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda Galmudug & madaxweynaha maamulkaasi Axmed Qoor Qoor oo xalay ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho.

Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa wuxuu u dhexeeyey musharraxiinta kala ah Xasan Sheekh Maxamuud, Xasan Kheyre, Cabdikariin Xuseen Guuleed, Daahir Maxamuud Geelle, Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Mustaf Dhuxulow iyo madaxweyne Qoor Qoor.

Wararka ayaa sheegaya in kulankan diirada looga saaray xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan dooda ka taagan guddiyada ka shaqeynaya doorashooyinka 2020/2021.

Ilo ku dhow kulankan ayaa sheegay in musharrxiintan ay la wadaageen madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug dareenkooda iyo walaaca ay ka qabaan doorashada.

Sidoo kale warar hoose ayaa sheegaya in musharraxiinta ay ka dalbadeen Qoor Qoor inuu dib ugu noqdo guddigii uu soo magacaabay oo la sheegay inay ku jiraan xubno ay soo qorotay dowladda federaalka oo isugu jira shaqaale dowladeed iyo nabad sugid.

Dhankiisa Qoor Qoor oo madasha ka hadlay is-difaacay, wuxuuna ugu baaqay musharraxiinta inay kalsooni muujiyaan, islamarkaana ay isagu aaminaan.

Intaasi kadib labada dhinac ayaa ku ballamay kulamo kale, gaar ahaan casho sharaf uu gurigiisa ugu sameyn doono madaxweyne Qoor Qoor, si loo sii wado wada-hadallada.

Arrintan ayaa ka dambeysan, kadib markii musharraxiinta uu shalay shirka uga furamay magaalada Muqdisho ay isku qeybiyeen labo garab, kuwaas oo kala wajihayo maamullada Galmudug iyo HirShabelle, gaar ahaan guddiyada ay soo magacaabeen.

Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa mareysa meel xasaasi ah, waxaana caasimada ka socda shirar siyaasadeed oo iska soo horjeedo, loogan arrinasano doorashooyinka dalka.

Xubno ‘dastuurka u diidayo oo ka mid ah’ guddiyada doorashada Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Doodda ka taagan guddiyada doorashada Soomaaliya ee la xiriirta in xubnaha ku jira qaarkood ay yihiin askar, ayaa waxaa saacidaya dhanka sharciga.

Aqoonyahanada qaarkood ayaa sheegaya inay tahay in dhammaan xubnaha ciidanka ee eek u jira guddiyadan ay is-casilaan, maadaama dastuurka Soomaaliya uu dhigayo in ciidamada qalabka sida aysan qeyb ka noqon karin siyaasadda, sidoo kalane shaqaalaha dowladda aysan siyaasada qeyb ka noqon karin ilaa ay shaqada ka tagaan.

Aqoonyahan Maxamed Maxamuu Cadde oo ah weriye hore oo ka tirsan BBC, hadana darsa arimaha siyaasadda Soomaaliya ayaa ugu baaqay ciidamada in aysan ka mid noqon siyaasadda, haddii ay hada ku jiraana ay iska casilaan xubinimada guddiga.

“Waxaan ugu baaqayaa in ay ilaaliyaan dastuurka, ciidan iyo shaqaale kama mid noqon karaan siyaasadda, dhalinyarada ciidamadu waa in aan la qaldin, fadlan ka baxa guddiyada sharci ma ahan, mustaqbilkiina yuusan ku ciyaarin rag daneestayaal ah,” ayuu yiri Maxamed Maxamuud Cadde.

Sidoo kale Maxamed Maxamuud Cadde ayaa dhinaca kale madaxda dowladda iyo kuwa mucaaradka ka dalbaday in aysan dalka gelin qalaalaaso amni iyo mid siyaasadeed.

Dowladda Soomaaliya waxay diiday doodad ah in xubno ka tirsan sirdoonka ay qeyb ka yihiin guddiyada doorashada, waxayna meesha ka saartay in isbeddel lagu sameeyo.

Mucaaradka ooh adda shir uu uga socda Muqdisho ayaa wacad ku maray inaysan ka qeyb gali doonin doorashada, haddii aan guddiyadaas isbeddel lagu sameyn.

Muxuu Guuleed kala hadlay guddoonka labada aqal?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Musharrax madaxweyne Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa saacadihii la soo dhaafay kulamo gaar gaar ah la qaatay guddoomiyaha golaha shacabka iyo kan Golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

Kulamadan ayaa waxaa intooda badan diirada lagu saaray xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee 2020 illaa 2021-ka.

Guddoomiyaha xusbiga Sahan Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa labada guddoomiye booqday, isaga oo ugu tegay xog wareysi ku aadan xaaladda uu haatan dalku marayo.

Sidoo kale Guuleed ayaa sheegay in labada guddoomiye in loo baahan yahay inay ka shaqeeyaan sidii ay dalkan uga dhici laheyd doorasho xor iyo xalaal ah.

Dhankiisa Cabdi Xaashi ayaa shaaca ka qaaday inay muhiim tahay in la sameeyo isu tanaasul, wax welibana lagu dhameeyo wada-hadal, si loo gaaro xal mideysan.

Ugu dambeyn madaxweynihii hore ee Galmudug ayaa kulankii uu la qaatay Mursal kula wadaagay walaaca ka taagan dooorashada, gaar ahaan guddiyada doorashooyinka.

Si kastaba waxaa haatan Muqdisho ka socdo shirar siyaasadeed iyo dhaq-dhaqaaq culus oo ay ka wadaan musharraxiinta mucaaradka ee ka qeyb-galaya doorashada 2020/21.

Puntland oo hub fara badan ku qabatay Boosaaso

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa saacadihii la soo dhaafay howl-gallo ka sameeyey qeybo ka mid ah magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Howl-gallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa laga fuliyey xaafado dhoww ah oo ka tirsan magaaladaasi oo xarun ganacsi u ah Puntland.

Wararka ayaa sheegaya in baaritaanadaasi ciidamadu ay ku soo-qab qabteen hub fara badan oo sharci darro ah oo lagu heystay Boosaaso.

Taliyaha Booliiska qeybta gobolka Bari Gaashaanle Sare Xuseen Cali maxamuud oo la hadlay warbahinta ayaa sheegay in hubkaasi ay gacanta ku soo dhigeen, kadib xoh ay ka heleen shacabka.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in haatan ay wadaan baaritaano dheeraad ah oo ku aadan hubkaasi iyo goobaha laga soo qabtay.

Muddooyinkii la soo dhaafay ciidanka amniga Puntland ayaa xoojiyey howl-gallada lagu sugayo amniga ee ay ka wadaan deegaanada maamulkaasi, gaar ahaan magaalooyinka Gaalkacyo, Boosaaso, Qardho iyo Garoowe.

Sawirro: R/W Rooble oo goor dhow ka dagay Baydhabo

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow gaaray gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay oo si weyn loogu soo dhoweeyey.

Rooble iyo wafdigiisa oo ay qeyb ka yihiin xubno ka tirsan golihiisa wasiirada ayaa waxaa garoonka Shaati-Gadiid ku soo dhoweeyey madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha maamulkas iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Intaasi kadib ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa loo galbiyey xarunta madaxtooyada Koonfur Galbeed, halkaas oo uu kulamo kula qaadan doono madaxda maamulkaasi.

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, iyada oo ciidamo dheeraad ah la dhigay wadooyinka muhiim ah ah ee magaalada Baydhabo.

Ujeedka safarka ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa la sheegay inuu la xiriiro dardar-gelinta howlaha doorashooyinka iyo arrimaha ammaanka.

Sidoo kale wuxuu kulamo la qaadan doonaa waxgaradka iyo qeybaha bulshada ee ku dhaqan halkaasi.

Waa safarkiisii ugu horreeyey ee dalka gudihiisa ah, ugana baxo Muqdisho Rooble, tan iyo markii loo magacaabay ra’iisul wasaaraha, bishii Septembar ee sanadkan 2020-ka.

Xog: Musharaxiinta oo isu qeybiyey laba garab iyo qorshe cajiib ah oo ay caawa billaabeen

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog aan ka helnay qorshe ay caawa Muqdisho ka bilaabeen musharaxiinta maanta shirku uga furamay Muqdisho ayaa sheegaysa iny isu qeybiyeen labo garab.

Qorshaha ayaa ah sidii wax looga bedeli lahaa guddiyada magacaaban ee doorashada, gaar ahaan kuwa laga soo magacaabay dowlad goboleedyada Galmudug iyo HirShabeelle.

Laba garab ayey isu qeybiyeen musharaxiintaan oo u badan kuwo ka soo kala jeeda Galmudug iyo HirShabeelle, waxayna caawa la kala balansanyihiin madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor iyo madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe.

Xogta aan helnay waxay intaas ku dareysaa in musharaxiinta kala ah Xasan Sheekh, Xasan Kheyre, Cabdikariin Guuleed, Daahir Geelle, Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Mustaf Dhuxulow loo diray inay qorshahooda caawa ka gadaan madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor.

Caawa ayaa sida aan xogta ku helnay lagu balansanyahay in la isugu yimaado hoyga Xasan Sheekh uu ka deganyahay Muqdsho, waxayna xubnahaas Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor u gudbin doonaan cabashadooda ay ka qabaan guddiga doorashada ee Galmudug laga soo magacaabay, kuwaas oo la sheegay inay ku jiraan xubno ka tirsan NISA.

Sidoo kale xubnaha kala ah Sheekh Shariif, Cabdulqaadir Cosoble iyo Maxamed Siiriin ayaa caawa loo diray inay la xariiraan Madaxweynaha cusub ee HirShabelle Cali Guudlaawe.

Si lamid ayaguna waxay la wadaagayaan Cali Guulaawe walaaca ay ka xubnaha guddiga doorashada heer federal ee HirShabeelle ka yimid, kuwaas oo uu soo magacaabay Madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdi Waare.

Musharaxiintan oo kala ah Xasan Cali Kheyre, Xasan Sheekh Maxamuud, Shariif Sheekh Axmed, Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Cabduqaadir Cosoble Cali, Daahir Maxamuud Geelle, Musstaf Sheekh Cali Dhuxulow, Cabdikariin Xuseen Guuleed, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo xubno kale ayaa berri u balansan kulankooda oo gelaya maalinkiisii labaad.

Ajendaha ugu horeeya ee kulanka berri ayaa la sheegay inuu yahay in musharaxiintu ka doodaan wixii ay caawa kala kulmaan kulamada iyo wadahadalka ay la yeelanayaan Cali Guudlaawe iyo Axmed Qoor Qoor.

Xog: Maxaa Villa SOMALIA uga qorsheysan shirka musharaxiinta e Muqdisho?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Musharaxiinta mucaaradka Soomaaliya ayaa maanta shirweyne uu uga furmay magaalada Muqdisho, ayada oo la filayo inay kasoo saaraan go’aano ay ku diidayaan inay ka qeyb galaan doorashada madaxweyne.

Sababaha ugu weyn ee diidmadooda ayaa ah inay dhaliilsan yihiin guddiyada doorasho oo ay sheegeen inay ku jiraan shaqaale dowladeed iyo xubno ka tirsan hay’adda sirdoonka ee NISA.

Saraakiil ka tirsan madaxtooyada Soomaaliya ayaa bilaabay kulamo gaar gaar ah oo ay tashanayaan shirarka Muqdisho ka socda iyo sida laga yeeli doono go’aanada la filayo inay kasoo baxaan.

Madaxda dowladda ayaa isha ku haayo natiijada shirkaas ka soo bixi karto iyo tallaabada xigta ee ay qaadi lahaayeen haddii musharaxiinta ay qaadacaan doorashada madaxweyne.

Madaxtooyada oo looga bartay in marka uu dareenka siyaasadda u weecdo dhinaca mucaaradka ku disha dhacdooyin kale, ayaan maanta qaadan wax tallaabo ah, waxaase macquul ah inay taas ku beegto go’aanada shirka.

Villa Somalia ayaa ka go’an inaysan marnaba aqbalin in guddiyada doorasho wax laga beddelo, taasi oo haddii ay dhacdo ay u aragto fishil siyaasadeed iyo in masraxa siyaasadda looga adkaaday.

Sababta ugu weyn ee diidmada ayaa ah in Villa Somaliaay rumeysan tahay in mucaaradka markii horeba aysan kaalin ku lahayn magacaabista guddiyada, oo ay ahayd arrin u taalla dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, mana jirto illaa hadda dowlad goboleed si rasmi ah u diiday, inkasta oo Jubaland iyo Puntland ay muujiyeen diidmo aan shaacsaneyn.

Si kastaba, madaxtooyada Soomaaliya ayaa wajaheysa cadaadis badan oo dhanka mucaaradka ah iyo xubnaha beesha caalamka, waxaana suurta-gal ah in ugu dambeyn ay u hoggaansato haddii beesha caalamka ay la safato mucaaradka.

Bayaan ay dhowr maalmood ka hor soo saartay beesha caalamka ay ku dalbatay in xal loo helo arrimo dhowr ah oo taagan oo badankood lagu eedeeyey dowladda, taasi oo muujineysa in beesha caalamka u dabacsan tahay dhanka mucaaradka.

Kasii daran’e, Haddii Puntland iyo Jubaland ay si rasmi ah ugu aragti noqdaan mucaaradka, ma jiro xal aan ahayn in beesha caalamka ay cadaadis saarto Villa Somalia.

Qalbidhagax oo ka hadlay cidda leh mas’uuliyadda in loo dhiibay Ethiopia iyo musharaxnimada Kheyre

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbidhagax ayaa cadeeyey cidda ay la tahay inay masuul ka aheyd in loo dhiibo Itoobiya, sidoo kale waxa uu ka hadlay waxa uu ka aaminsanyahay musharaxnimada Xasan Cali Kheyre.

Cabdikariin Qalbidhagax oo wareysigan siiyey Weriye Ayaanle Xuseen Cabdi ayaa sheegay in dalkan loo doortay Maxamed Cabdullahi Farmaajo, isaguna uu leeyahay mas’uuliyadda koowaad ee dhibaatooyinkii dhacay.

“Dunuubtan tirada badan ee dalka ka dhacay, markii aan si fiican u qiimeyno waxaa jira qof wadankan loo doortay, shacabka Soomaaliyeed baarlamaanka ay soo doorteen waxay cod siiyeen Farmaajo, isaga ayey aheyd inuu xafido xuquuqda qofka mawaadinta ah intii uu awoodo, dembi kasta oo dhacay marka waxaa mas’uuliyadiisa koowaad iska leh Madaxweynihii umadaan ay dooratay Maxamed Cabdullahi Farmaajo,” ayuu yiri Qalbidhagax.

Mar wax laga weydiiyey sida uu arko musharaxminada Kheyre oo xilligii la dhiibay ahaa wasiirkii koowaad ee xukuumadda ayuu sheegay inuu bogaadinayo, hadii Kheyre isu arkay inuu yahay nin Soomaali wax tari kara.

Sidoo kale Qalbidhagax ayaa shaaciyey xog uu ka helay sidii isaga ururkii uu ka tirsanaa ee ONLF loogu daray liiska argagixisada, isagoo sheegay inay fiicnaan laheyd in Kheyre cadeeyo doorkii uu ku lahaa dhiibistiisa.

Waxa uu sheegay in Kheyre ay la gudboontahay inuu yiraahdo ‘qaladkii dhacay intaas ayaan ku lahaa ee hala iga raali noqdo’ maadaama sida uu sheegay Qalbidhagax bini’aadanku qaldami karo mar kasta.

Sidoo kale Cabdikariin Qalbidhagax ayaa sheegay inuu aad ugu farxay markii uu arkay Xasan Cali Kheyre oo Cabdiraxmaan Cabdishakuur ka raali geliyey doorkii uu ku lahaa wixii loo geystay.

“Qadiyadeydu waxay aheyd mid foolxun oo Jamhuuriyadda Soomaaliyeed ay gashay, taas oo dhaawac culus noo geysatay. Mas’uuliyaduna meel ayey ka bilaabataan kuna dhamaataa, ninka loo igmadayna waa madaxweynah Soomaaliya runtii,” ayuu yiri.

Qalbidhagax oo sii hadlayey ayaa yiri, “Golaha wasiirrada maalinkii ay fariisanayeen, waxaan xog ku helay in mudo markii ay fadhiyeen oo qodobkan la isku mari waayey inuu Mahdi Guuleed warqad la soo baxay ee akhriyey sababta ONLF iyo aniga argagixiso nagoola dhigaayo, isagoo halkaas ka sheegay in wax jawaab ah aysan ka furneyn ee la codeeyo, marka waxaan jeclaan lahaa in Kheyre iyo ragiisa ay cadeyaan sidii ay wax u dhaceen maalinkaas.”

Hoos ka Daawo wareysiga

Shirka musharaxiinta oo war laga soo saaray (Daawo)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee warfaafinta Soomaaliya, haatana ah musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle ayaa faahfaahin ka bixiyey shirka wada-tashiga midowga musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya ee sanadka 2021-ka oo maanta ka furmay Muqdisho.

Shirka ayaa la sheegay inuu socon doono seddax maalmood oo maanta ka bilaabaneysa, waxaana looga arrinsanayaa doorashada Soomaaliya oo haatan hanaanka loo wado tabasho badan ay ka qabaan musharaxiintu.

Daahir Geelle oo galabta shirkaas faahfaahin ka bixiyey markii uu soo dhamaaday wajigiisa koowaad ayaa sheegay in musharixiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ee maanta isugu yimid kulankaas ay arkaan qatar weyn ku wajahan dimuqraadiyadda curdanka ah ee Soomaaliya.

Sidoo kale Daahir Geelle ayaa sheegay in kulankii maanta ay isku cafiyeen musharaxiintu, isla markaana shirkan uu noqon doono kii lagu badbaadin lahaa mustaqbalka Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

“Musharaxiintan waxay dareemeen in dimuquraadiyadii curdunka aheyd ee Soomaaliya ay isku bedeli rabto digtaatooriyad miciyo leh oo adag, taasina waxay khatar ku tahay dalka oo dhan, markii aan isku imaanay waxaan isku bilaawnay inaan iska saamaxno waxyaabihii la kala tabanayey, waxaana ku heshiinay sidii Soomaaliya marxalada ay ku jirto aan uga saari laheyn inaan xoogga saarno, waana awoodnaa” ayuu yiri Daahir Maxamuud Geelle.

Intooda badan musharraxiintan waxay Muqdisho soo gaareen maalmihii u dambeeyey, waxayna isku baheysteen gadood ay ka qabaan qaabka loo qabanayo doorashada dalka oo ay madaxtinimadiisa u wada hanqal taagayaan.

Waxaa la filayaa in shirkan laga soo saaro go’aano ay ku mideysan yihiin hoggaamiyeyaasha mucaaradka, kuwaas oo la xiriira doorashada soo socota ee dalka.

Cabashada ugu badan ayey musharaxiintan ka qabaan xubnaha loo soo magacaabay guddiyada doorashada iyo xalinta khilaafaadka, waxaana lagu qadaa inay shirkan go’aan mideysan uga qaataan guddiyada magacaaban.

Musharaxiinta kala ah Xasan Cali Kheyre, Xasan Sheekh Maxamuud Shariif Sheekh Axmed, Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Cabduqaadir Cosoble Cali, Daahir Maxamuud Geelle, Musstaf Sheekh Cali Dhuxulow, Cabdikariin Xuseen Guuleed, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo xubno kale ayaa ka qeyb gelay shirka maanta ka furmay Muqdisho, kaas oo lagu wado in lasoo gaba-gabeeyo Isniinta soo socota.

Hoos ka Daawo Daahir Geelle oo faahfaahin ka bixiyey shirka

Saddex dal oo sameeyey isbaheysi lagu fashilinayo qorshaha Turkey ee Somalia

Isku day la doonayo in looga hortago saameynta Turkiga ee Badda Cas iyo hamiga Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ee gobolka ayaa socda sida laga soo xigtay ilo sirdoon, waxaa soo baxaya warar sheegaya in Masar ay sameysatay weji seddex geesood ah oo ay la leedahay Israel iyo Sudan si loo xakameeyo saamaynta Turkiga ee Muqdisho.

Yeni Safak, oo ah wargeys maalinle ah oo aad ugu dhow Xukumadda Ankara, ayaa soo wariyay in saraakiisha sare oo ka tirsan militariga Masar, Israel iyo Sudan ay qaban qaabinayaan kulan aan la shaacin taariikhda iyo goobta goobta uu ka qabsoomayo – si looga wada hadlo isku dubaridka amniga Gobolka Badda Cas.

Wargaysku waxa uu sheegay in ay qorsheynayaan in la xadido saameynta Turkiga ku leeyahay gobolka, kadib codsi ka yimid Masar, maadaama Masar “aysan ku fududaan” duulaanka Turkiga ee Soomaaliya iyada oo fiirinaysa saamaynta xooggan ee Turkigu ku leeyahay geeska Afrika.

Wargeysku waxa uu tilmaamay in saraakiisha ugu saraysa laanta Sirdoonka Guud ee Masar, wasiir ku xigeenka gaashaandhigga Masar iyo taliyaha Masaarida ee Koonfurta Gobolka ay ka qayb qaadan doonaan kulanka oo aan la shaacin goobta uu ka qabsoomayo.

Isaga oo ka hadlaya saameynta sii kordheysa ee Turkiga ee Soomaaliya iyo qorshaha Masar ay ku samaynayso xulafada ka dhan ah Turkiga, Maj. Gen. Hatem Bashat, xubin ka tirsan guddiga baarlamaanka Masar ee arrimaha Afrika, waxa uu sheegay Nofeembar 16 in Masar ay si fiican uga warqabto tallaabooyinka “xaasidnimada ah” ee Turkigu ka wado Soomaaliya.

Bashat ayaa ku sheegay war saxaafadeedkiisa in Masar ay ka sugi doonto dunida carabta hamigoodaas xulafooyin iyo heshiisyo, si ay u sameysato Isbahaysi awood u leh kahortaga khatar kasta, sida ay ku sameysay badda Mediterranean iyada oo loo marayo Golaha Bariga ee Gaas ee Bariga Dhexe.

Saameynta Turkiga ee Soomaaliya waayadaan dambe waa ay sii kordheysay. Bishii Nofeembar 7, Turkiga wuxuu ku dhawaaqay in uu bixiyay ku dhowaad $ 2.4 milyan oo deyn ah oo Soomaaliya ay ku lahayd Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF.

Dhanka kale, Danjiraha Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mehmet Yilmaz ayaa wacad ku maray in uu xoojinayo xiriirka Soomaaliya iyo dalkiisa xilli uu  magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, bishii Nofeembar 6 si loo xoojiyo taageerada shuruud la’aanta ah ee Turkigu siinayo Soomaaliya.

Isla maalintaas ayuu Rooble booqday xarunta tababarka ciidamada Turkiga ee Turksom ee magaalada Muqdisho, halkaas oo uu ku ammaanay saraakiisha Turkiga tababarka sare ee ay qaateen. Wuxuu sheegay in xaruntani ay tahay “mid tusaale u ah rajada dib u dhiska ciidanka.”

Isla waqtigaas, Altaqi Maxamed Othman, oo ah qoraa iyo falanqeeye reer Suudaan ah ayaa u sheegay Al-Monitor in Turkigu uu maciinsaday Soomaaliya maadaama uu lumiyay saamayntiisii Suudaan kadib bixitaankii Madaxweynihii hore Cumar Al-Bashiir, oo xulafo istiraatiiji ah la ahaa. Erdogan oo uu siiyay jasiiradda Badda Cas ku taal ee Suakin intii uu xukumayay.

Bishii Nofeembar 14, cutubyo ka tirsan ciidanka gaar ah ee Masar Saiqa Force iyo ciidanka cirka ayaa ka dagay saldhigga cirka ee Marwa ee Suudaan si ay uga qaybgalaan dhoola tuska wadajirka ah ee Masar iyo Suudaan ee loogu magac daray Nile Eagles – 1, markii ugu horreysay taariikhda labada dal.

Othman oo ka faalloonaya Masar in ay ku biirto xulafada Israel iyo Suudaan, wuxuu sheegay in Masar ay isku dayeyso in ay ka faa’iideysato caadi ahaanshaha xiriirka Israa’iil iyo Suudaan si ay u dhisto isbahaysi ka horyimaada hamiga Turkiga ee Badda Cas. Wuxuu yiri, “Isbahaysigani kuma koobna oo keliya saddex xisbi. Waxa kale oo ku jira Sucuudiga, oo xiriir la leh Israa’iil, in kasta oo aan la shaacin marka loo eego xasaasiyadda mowqifkeeda. ”

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump wuxuu ku dhawaaqay Oktoobar 23 in Suudaan ogolaatay in ay caadi ka dhigto xiriirka Israel.

Othman wuxuu saadaaliyay in isbahaysigan uu noqon doono mid xoogan oo guuleysta – iyadoo la ogyahay joogitaanka Israel oo ka baqaya hanjabaadaha Turkiga iyo Iiraan ee Badda Cas – joojinta horumarka Turkiga ee gobolka.

Amani al-Tawil, oo ah khabiir ku xeel dheer arrimaha Afrika kana tirsan Xarunta Al-Ahram ee Daraasaadka Siyaasadda iyo Istiraatiijiyadda, ayaa u sheegay Al-Monitor in aysan ahayn markii ugu horreysay ee ay Masar doonayso in ay sameysato gole awood u leh in ay joojiso saamaynta Turkiga ee Soomaaliya iyo gobolka geeska Afrika, maadaama ay horay ugu shaqeyn jirtay hadana saamaynteeda meesha ka baxday.

Masar ayaa ku dhawaaqday Jan. 22 inay bilaabeyso tababarka wadajirka ah ee Masar iyo Sucuudiga ee loogu magac daray Morgan-16, ee Badda Cas, iyadoo ujeedku yahay in la xoojiyo amniga badaha ee gobolka lana wajaho khatar kasta.

Bishii Janaayo 15keedii, Masar waxa ay furtay saldhigga milateri ee Berenice, oo ah kan ugu weyn Badda Cas iyo Afrika oo leh bed dhererkiisu yahay ku dhowaad 150,000 oo feeddans ah (155,000 acres), oo ku yaalla xeebta Badda Cas. Ujeeddadu waa in laga ilaaliyo xeebaha carbeed ee ku teedsan Badda Cas .

Tawil waxa ay sheegtay in Turkigu uu doonayo inuu abuuro aagag saamaynta ku leh Badda Cas, iyadoo la tixgelinayo muhiimadda ay u leedahay marinka ugu weyn ee ganacsiga adduunka. “Nasiib darro Erdogan wuxuu ka faa’iideystay saboolnimada iyo dagaalka sokeeye ee Soomaaliya si uu u xoojiyo saameyntiisa isagoo xakameynaya dhinacyada dhaqaalaha iyo militariga [dalka]. Tani waa run gaar ahaan maadaama Soomaaliya ay leedahay kheyraad shidaal oo aad u tiro badan, halka Turkiga uu ka liito khayraadka shidaalka. Ku dar meeshaas caanka ah ee ku taal Gacanka Cadmeed iyo halka laga galo Badda Cas, taas oo ka dhigaysa bartilmaameed muhiim u ah Turkiga, ”ayay raacisay.

Wasiirkii hore ee Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Cabdullaahi Cali Xasan ayaa sheegay intii uu socday shirkii Madasha Dhaqaalaha ee Turkiga iyo Afrika in isweydaarsiga ganacsiga ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga uu kordhay 37% sanadkii la soo dhaafay, uuna gaaray $ 206 milyan, halka sanadkii 2017 uu ahaa 150 milyan.

Bishii Sebtember 30, 2017, Turkiga wuxuu furay saldhig millatari – oo ah xerada ugu weyn ee lagu tababaro militariga Soomaaliya, sidoo kale waa xerada ugu weyn ee ku taal meel ka baxsan Turkiga oo saldhig u ah xukumada Ankara – waxa ayna ku taalaa koonfurta Muqdisho.

Erdogan wuxuu ku dhawaaqay Jan. 20 in ay bilaabeyso sahaminta shidaalka ee biyaha Soomaaliya.

Tamarta ay soo dejiso Turkiga sanadkii 2019 waxa ay gaaraysay ku dhowaad $ 41.1 bilyan sida laga soo xigtay machadka tirakoobka Turkiga.

Ilaha Xogta:-Yeni SafakAl-Monitor.com iyo Mustaqbal Media

50 arday oo SOOMAALI ah oo ku go’doonsan Tigray

0

Addis Ababa (Caasimadda Online) –  Qiyaastii 50 arday oo Soomaali ah ayaa la sheegayaa in ay ku go’doonsan yihiin gobolka Tigray ee ay dagaaladu ka socdaan ee dalka Ethiopia, kuwaasi oo wajahayey xaalad halis ah tan iyo markii uu qarxay dagaalka ka socdo goblkaas.

Ardayda Soomaalida ayaa waxa ay ka mid yihiin boqolaal arday ah oo ka kala yimid wadamo kale oo Africa ah, iyo kuwa kale yimid qeybaha kale ee Ethiopia oo halkaas waxbarasho u soo aaday, kuwaas oo ay halkaasi dhibaato kula dhacday.

Culeyska ayaa waxaa uu ku sii badan yahay ardayda aan wadankaas u dhalan, kuwaas oo aan labo todobaad aan wax xiriir ah lasoo sameyn waalidiintooda sida uu sharaxaayo arday wax kusoo ka bartay dalkaas oo la hadlay VOA-da.

“3 sano ka hor mar aan tagay waa ay badnaayeen, arday badan ayaa joogta waxaa ay dhigtaan qeybaha kala duwan, waxay kala imaadeen Gobolada Maamulada Puntland iyo Somaliland, waxa dhacaayo lama oga, cid war ka heli karto majirto.”

Isgaarsiinta gobolka ayaa go’an muddo ka badan laba toddobaad, tan iyo markii dagaalka uu billowday, taasi oo adkeysay in wax war ah laga helo xaaladda dadka ku go’doonsan gobolka.

Ardaydan Soomaalida ah ayaa laga cabsi qabaa inay saameyn karaan ama ay halis u noqon karaan duqeymaha ay ciidamada Abiy Ahmed ka fulinayaan gobolka.

Dhibaatada ayaa sidoo kale waxaa ay saameysay hey’adaha caalamiga ah ee gargaarka ka shaqeeyo, kuwaas oo aan awood u helin in ay ogaadaan xaqiiqada dhabtaa, marka laga reebo waxaa ay soo gudbiso dowladda federaalka ah.

Hey’adaha gargarka ayaa ku baaqaya in sida ugu dhaqsiyaha badan si ku meel gaar ah xabadda loo joojiyo gobolka Tigray si ay u suragasho in la gaaro dadka rayidka ah ee uu dagaalka saameeyay.

Qaramada Midoobey ayaa doonaysa in la sameeyo tub gargaarka bina’aadanimo loo mariyo dadka uu saameeyay dagaalka labada toddobaad u dhaxeeya Militariga fedaraalka Itoobiya iyo xoogagga Tigray.

Boqllaal qof ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay dagalada ka socda gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya.

Jimcihii dowladda waxay sheegtay inay ciidamadeed ay la wareegeen magaalooyiinka Aksum iyo Adwa.

Dowladda ayaa sheegtay in xooggagii kula dagaalamayay magaalooyiinkaasi “ay is dhiibeen”.

Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga VOA

 

Xog: R/W Rooble oo u baxaya socdaalkii ugu horreeyey ee gudaha dalka ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa berri ku wajahan magaalada Baydhaba ee xarunta ku-meel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed.

Socdaalka Ra’iisul Wasaare Rooble ee Baydhabo ayaa waxaa ku wehlin doona xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada, xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale oo tirsan dowladda federaalka.

Ujeedka safarkiisa ayaa la xiriira arrimaha doorashooyinka, inkasta oo aysan caddeyn waxa uu si gaar ah ugala hadli doono mas’uuliyiinta maamulka Koonfur Galbeed, oo ka mid ah maamullada xulufada la ah xukuumadda.

Waa safarkii ugu horreeyay ee Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu ku tegayo gudaha dalka tan iyo markii 18-kii September 2020 loo magacaabay xilka ra’iisul wasaaraha. Horey waxa uu u booqday dalka Kuwait.

Safarka ayaa imanaya ayada oo uu muran weyn ka taagan yahay dhismaha guddiyada doorashooyinka ee xukuumadda Federaalka ay magacaawday, kaasi oo ay ka soo horjeesteen musharaxiinta mucaaradka, oo sheegay inay ku jiraan xubno ka tirsan NISA iyo shaqaale dowladeed.

Rooble oo toddobaadkii tegay ka hadlay arrintan ayaa sheegay in guddiyadaas aan waxba laga beddeli doonin, oo ay tahay sidii loo magacaabay. Waxa uu sidoo kale wareysi uu siiyey Shabelle TV ugu baaqay mucaaradka inaysan welwelin oo uu isaga uga wakil yahay dowladda, isaga oo ula jeeda inuu ku beel yahay.

Raali-galinta Kheyre: Dhisme mise dhaawac siyaasadeed?

Raysul wasaarihii hore ee dalka mudane Xasan Cali kheyre ayaa xalay fiidki bogaggiisa baraha bulshada kusoo qoray in uu gurigiisa ugu tagay hoggaamiyaha xisbiga Wadajir mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Ujeeddada booqashada ayuu Kheyre ku sheegay in ay ahayd raalligalin uu Cabdiraxmaan ka siiyay dhacdadii 17’ki Disember 2017. Dhacdadaas waxay ahayd weerar lagu qaaday hoyga CC shakuur xilli habayn ah. Sida uu sheegay CC Shakuur, waxaa habaynkaas la dilay afar dhallinyaro ah oo ka mid ahaa ilaaladiisa. Dhallintaas ayaa si bareer ah loo dilay iyagoon wax iska cabbin ama gacan-qaad ah samayn sida uu sheegay mudane Shakuur. Waxaa dilka loogu sii daray, sida uu marar badan sheegay, mudane Shakuur, in maydkoodi lala tagay oo meel aan la aqoon lagu aasay iyadoon xataa lagu tukan. Taasoo hadday jirto, xadgudub iyo meel ka dhac weyn ku ah walaalahaas Soomaaliyeed, qoyskoodi, qaraabadoodi iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed oo dhan. Waxaa kaloo habaynkaas dhacay boob hanti badan oo, sida uu mudane Shakuur sheegtay, lacag caddaan ah, dhar, baraafuunno iyo hanti kalaba ka koobnayd.

Xasan Cali Kheyre wuxuu ahaa madixii laanta fulinta dalka waqtigaas. Wuxuu ahaa ninka ugu mudan ee wax ka ogaan karay ama talo toos ah ku yeelan karay. Dhacdadaas, oo dowladdu qiratay in ay ahayd khalad dhacay la iskuna dayay in odayaal beeleed lagala xaajoodo iyadoon ruuxi sida tooska ah loo dhibaateeyay aan looga tagin, ayuu mudane Shakuur eeddeeda saari jiray mudane Kheyre iyo Farmaajo oo is wato. Eeddayntaasuna waa mid xaq ah waayo cid walba oo ficilka lahayd masuuliyadda waxaa qaadayo cidda ugu sarrayso xafiiska amar bixinta taasoo ka dhigayso in Kheyre yahay milkiilaha eedda Farmaajana uga sarreeyo masuuliyaddeeda. Kheyre intuu xilka hayay hal marna kama garaabin arrintaas iskumana dayin inuu la fadhiisto mudane Shakuur oo tacsina Allaha ka dhigee u geeyo. Marar badan wuxuuba u hadli jiray in ay mudane Shakuur tusaale uga dhigeen kuwa dalka loo adeegsado (waa luuqaddii Kheyre waaguu xilka hayay).

Haddaba hoyashadaan Kheyre ma daahirinaysaa eedaymahaas? Mase noqonaysaa mid kabto ololihiisa uu ku doonayo kursiga dalka ugu sarreeyo? Mise wuxuu isu geestay dhaawac boogtii hore la suul-booddo isagoo dhinaca kalana dhibco dheeraad ah si bilaash ah ku siiyay ninka ay sida adag isu hayaan waa Farmaajo’e?

Waxaan qabaa in raalligalinta u baxshay Kheyre ay tahay babbaano uu ku dhuftay sumcaddiisi siyaasinnimo. Waa dharbaaxo si lama filaan ah uu ugu geystay qorshishii uu ku doonayay hanashada xilka. Si aan u fahanno halka aan tilmaamayo, aan falanqayno qaabka raalligalintu noqon karto.

Raalligalin macnaheedu waa in uu raalli noqdo qofka dhibka loo gaystay. Qofkaas inuu qanco waxay ka billaabataa in la qiro in wixii dhacay ay ahaayeen khalad. Haddaan khalad la qiran isu imaansho ma jirto. Ka dib waa in la qaataa masuuliyadda khaladkaas oo si cad loo yiraahdo, dhibkaas aan kuu geystay ayaan kaaga cudur-daaraynayaa sababahaas awgood. Haddii uusan ruuxu qaadan masuuliyadda khaladka wuxuu raalligalin ka bixiyo meesha ma yaallaan. Haddii uu khaladkaas qaatay, masuuliyaddeedina dusha u rito, qofka loo hoyday ayaa khiyaar u leh haye iyo maya. Midkii uu yiraahdaba, waxaa ka ratimmi xuquuq kale oo ku saabsan khasaarihi dhacay iyo dakanadi dhiigga maqan.

Xuquuqdaan qaar ruuxa loo hoyday ayaa dhaafi karo. Qaarna dad kale ayaa yeelan oo ama cafin ama dalban in lagala hadlo. Tusaale, mudane Shakuur lacagta iyo saacadihii laga qaatay wuu cafin karaa. Laakiin lacagaha kale ee la sheegay in habaynkaas rag kale laga qaatay iyo dhiigga dhallinti habaynkaas la dilay toona ma dhaafi karo mudane Shakuur. Xuquudaas, maaddaama dowladdu horay hab beelood uga xoojootay, inay xallisantay u badi oo Kheyre aan dhiig loo soo doonan ama aan loo dakanayn wiilashi mugdiga lagu aasay. Sidoo kale wuxuu helay laabxaarnaanta mudane Shakuur oo uu ku sheegay inuu u muujiyay walaaltinimo iyo soo dhaweyn.

Ha yeeshee ujeedki kulanka iyo qirashada danbiga wuxuu ahaa inuu dhiso muuqiisa siyaasadeed sarana u qaado magaciisa si uu kasbado shacbiyad badan. Taas inuu gaaray weeye midda doodu ka taagan tahay. Kheyre hadduu xalay intaas qirtay wuxuu noqday nin aan qaddiyad iyo mabda’ toona lahayn. Wuxuu isu sawiray nin ku shaqaynayay raallingalinta Farmaajo intuu xilka hayay, hadda oo uu ka tagayna, raalli ahaanshaha mudane Shakuur maciin biday. Haddii uu khaladka u muuqday xil-ka-qaadisti ka hor, uuse ku dhici waayay inuu walaalki bogsiisto, hoyashadiisa maanta macno ma leh. Ma filayo in Farmaajo ugu caroon lahaa maxaad CC Shakuur ula hadashay! Haddii se ay sax la ahayd weerarki dhacay walow jid khaldan loo maray, uuna isu arkayay inuu difaacayay dowladnimada Soomaaliya iyo jiritaanka dalka iyto dadkiisa, ma jirto sabab uu raalligalin uga siiyo mudane Shakuur arrin lagala xaajooday dad kale.

Taasu kama dhigna inuusan la heshiin ama uusan la kulmin mudane Shakuur. Hubaal wuu la kulmi karaa kuna dadaali karaa inuu kasbado. Laakiin taasu maahan raalligalin inuu bixiyo iyo ka toobad keenid shaqadii uu qaranka u hayay. Isagoo qabo inuu shaqo qaran hayay, sidaasna khalad ku dhacay, ayuu mudade Shakuur kala macaamili karaa wixii ka dhaxeeyo, shardina uma noqon karto ii soo hoyo inta aanan kula hadal.

Xaqiiqda erayada loo isticmaalay raallingalinta waa ay naga qarsoontahay. Haddii aan wada heli lahayn erayada uu yiri mudane Kheyre markii uu u hoyday mudane Shakuur wax badan ayaan ka fahmi lahayn xajmiga masuuliyadda uu qaatay. Ha yeeshee inta yar ee uu nala wadaagay waxay na tusaysaa inuu baxshay raalligalin buuxdo iyo cudurdaar. Taasoo ka dhigan wiixii dhacay 17’ki Disember 2017 anaa ka masuul ahaa, haddaan ogahay in aan xilka waayi doonana ma sameeyeen. Fasiraddaan waxaa na siinayo waqtiga uu raalligalinta keenay, halka ay ka dhacday iyo sida uu noogu soo tabiyay.

Warki oo kooban, raalligalinta uu baxshay Xasan Cali Kheyre waxay su’aalo badan ka dhalin doontaa nooca uu yahay, shaqsiyaddiisa, hal-adaygiisa, iyo nooca uu noqon lahaa dalka uu hoggaamiyo isagoo madaxweyne ah. Waxay shakin galinaysaa inuu maya dhihi lahaa kuwa damaca xun ka leh dalka iyo inta uu ku adkansan lahaa mowqifkiisa.

Ibrahim Aden Shire – Waxaad kala xiriiri kartaa [email protected]

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid