25.1 C
Mogadishu
Wednesday, July 8, 2026

Wararkii ugu dambeeyey khilaafka Farmaajo iyo Rooble oo weji cusub yeeshay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Villa Soomaaliya ayaa ka sii dareysa, waxaana sii xoogeysanaya khilaafka xoogan ee u dhexeeya labada xafiis ee ugu sarreysa dalka, gaar ahaan madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday iyo ra’iisul wasaaraha.

Khilaafka Farmaajo iyo Rooble ayaa sidoo kale yeeshay weji cusub, kadib markii uu xalay madaxweynaha xil cusub u magacaabay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo uu dhowaan shaqo joojin ku sameeyey ra’iisul wasaare Rooble, sababo la xiriira kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday oo ay saaxibo yihiin Fahad Yaasiin oo isla soo bilaabeen doorashadii 2016 ayaa u magacaabay inuu noqdo lataliyaha amniga qaranka.

“Madaxweynaha ayaa sidoo kale u magacaabay Mudane Fahad Yaasiin xilka La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Villa Soomaaliya, gaar ahaan xafiiska Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Dhinaca kale ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa isna kasoo horjeestay tallaabooyinka uu qaaday madaxweynaha, isaga oo tilmaamay in qoraallada kasoo baxay xafiiskiisa ay daba socdaan mas’uuliyiintii amniga iyo doorashooyinka ee uu wareejiyey.

“Ra’iisul wasaaruhu wuxuu Ummadda Soomaaliyeed u cadaynayaa in Qoraalada kasoo baxay Madaxwaynaha 06-09-2021 iyo 07-09-2021 ay muujinayaan in uu wali daba socdo Masuuliyadihii Doorashooyinka iyo Amniga ee uu ku wareejiyay Ra’iisulwasaaraha,” ayaa lagu yiri warqad liddi ku ah mida Farmaajo oo ka soo baxday xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Maxamed Xuseen Rooble ayaa intaasi kusii daray in tallaabooyinka madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday in laga leeyahay dano gaar ah, isla-markaana la doonayo in lagu carqaladeeyo ka sal-gaaridda kiiska xasaasiga ah ee Ikraan Tahliil, si ay cadaalad u hesho.

“Ra’iisulwasaaruhu ka walaacsanyahay talaabooyinka uu qaaday Madaxwaynuhu in ay yihiin kuwa lagu carqaladaynayo in si dhammaystiran looga gungaaro kiiska Ikraam Tahliil Faarax oo horay hay’adaha Cadaaladda iyo sharciga looga hor-istaagay in ay baaris buuxda ku sameeyaan Kiiskaas.” ayaa markale lagu lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska Rooble.

S kastaba go’aanada ka soo kala baxay labada dhinac ayaa uga sii daraya xiisadda taagan, waxaana khilaafkan uu kusoo aadayaa, xilli xasaasi ah oo lagu jiro doorashooyinka.

‘Saddex midkooda oo looga dan leeyahay’ tallaabada uu xalay qaaday FARMAAJO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga caanka ah ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka fal-celiyey tallaabadii uu xalay qaaday madaxweynaha mudo xileedkiisu dhammaaday oo sameeyey magacaabis deg deg ah, xil cusubna u dhiibay Fahad Yaasiin.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka mid ah musharixiinta mucaaradka ayaa shaaca ka qaaday in go’aanka kasoo baxay Farmaajo uu saddex eed qoorta u surayo, kuwaas oo uga sii darayo xiisadda siyaasadeed ee ka taagan dalka iyo kiiska ‘dilka’ Ikraan Tahliil Faarax.

Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir ayaa saddexda arrimood ee ka dhalan kara tallaabadii uu qaaday Farmaajo ku shaaciyey qoraal uu soo dhigay Facebook-giisa, kuwaas oo kala ah:-

1- In uu dilka Ikraan Tahliil wax ka ogaa, maadaama uu difaacayo, xalayna uu xilal u magacaabay Fahad Yaasiin iyo Yaasiin Fareey oo ka mid ah seddaxda ruux ee lagu tuhunsan yahay dilka Ikraan Tahliil.

2- Caddaalad isku hor-gudbid (Obstruction of Justice), maadaama uu diiddan yahay in kiiska la baaro, oo laga gungaaro xaqiiqdiisa dhabta ah.

3- Abuuris qalqal amni iyo mid siyaasadeed, si ay doorashooyinku dib ugu dhacaan.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble looga baahan-yahan inuu ku adkeysto go’aankiisa, isla-markaana uu xilka hay’adda nabad sugida ku wareejiyo Bashiir Goobe, kadibna uu gadal-galo kiiska Ikraan.

“Ra’iisul Wasaaraha, waxaa laga rabaa in uu Taliye Bashiir xilka ku wareejiyo, xarunta NISA na geeyo. Guddigii uu baaritaanka u xilsaarna waa in ay tillaabo ka qaadaan shakhsiyaadkii hor istaagay baaritaanka oo ay Fahad iyo Fareey ugu horreeyaan” ayuu yiri CC Shakuur.

Si kastaba khilaafka u dhexeeya Farmaajo iyo Rooble ayaa weji cusub yeeshay, kadib markii uu madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday uu Fahad Yaasiin u magacaabay lataliyaha amniga qaranka waxaana soo baxaya digniinaha la dirayo ee ku aadan xiisadaas.

ROOBLE oo ka jawaabay tallaabooyinkii FARMAAJO, weerar culusna ku qaaday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo saaray qoraal jawaab u ah qoraalkii kasoo baxay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ee uu ku aqbalay shaqo ka-joojinta Fahad Yaasiin, uguna magacaabay xil cusub.

Rooble ayaa sidoo kale weerar culus ku qaaday Farmaajo isaga ku eedeeyey in tallaabooyinka uu qaadayo ay yihiin kuwa lagu carqaladaynayo in si dhammaystiran looga gungaaro kiiska Ikraam Tahliil Faarax oo horay hay’adaha Cadaaladda iyo sharciga looga hor-istaagay in ay baaris buuxda ku sameeyaan Kiiskaas.

Hoos ka aqriso qoraalka Rooble

Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Maxed Xuseen Rooble wuxuu soo dhawaynayaa Aqbalaadda Madaxwaynaha ee Shaqo ka joojintii Agaasimihii Hore ee NISA Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Ra’iisulwasaaruhu wuxuu farayaa Agaasimaha Guud ee KMG ah ee NISA Sarreeya Guud Bashiir Maxed Jaamac in uu si deg deg ah u bilaabo shaqadiisa, sidoo kale Saraakiisha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka waxaa uu amrayaa in ay si buuxda ula shaqeeyaan Agaasimaha Cusub ee Hay’adda Sareeye Guud Bashiir Maxed Jaamac.

Ra’iisulwasaaruhu wuxuu ummadda Soomaaliyeed u cadaynayaa in Qoraalada kasoo baxay Madaxwaynaha 06-09-2021 iyo 07-09-2021 ay muujinayaan in uu wali daba socdo Masuuliyadihii Doorashooyinka iyo Amniga ee uu ku wareejiyay Ra’iisulwasaaraha.

Waxaa kale oo uu Ra’iisulwasaaruhu ka walaacsanyahay talaabooyinka uu qaaday Madaxwaynuhu in ay yihiin kuwa lagu carqaladaynayo in si dhammaystiran looga gungaaro kiiska Ikraam Tahliil Faarax oo horay hay’adaha Cadaaladda iyo sharciga looga hor-istaagay in ay baaris buuxda ku sameeyaan Kiiskaas.

Ra’iisulwasaaruhu wuxuu u arkaa wax laga xumaado in Xuquuqda Muwaadin Soomalaiyeed la siyaasadeeyo taas oo ah dhaqan halis ku ah hannaanka dowladeed ee Dalka waana in ay ka waantawdo cid kasta oo ku fikiraysa arrinkaas.

Ra’iisulwasaarahu wuxuu markale ku adkaynayaa Xeer-ilaalinta iyo Maxkmadda Ciidammada Qalabka Sida in ay dardargaliyaan hawlaha Baarista kiiska Ikraam Tahliil Faarax deg degna u hor geeyaan maxkamadda awoodda u leh.

Waxaa la farayaa dhammaan taliyayaasha Ciidamada Qalabka sida in ay si buuxda ugu gacansiiyaan Xeer-ilaalinta Ciidamada iyo Hay’adaha Sharcigu in ay gutaan waajibadka ka saaran arrintaan.

Ra’iisulwasaaruhu wuxuu hay’adaha Amniga farayaa in ay adkeeyaan amniga iyo xasilloonida guud ee dalka, ilaaliyaan Xuquuqda Muwaadiniinta, isla markaana ka feejignaadaan tilaabo kasta oo wax u dhimi karta Xorriyaadka iyo xuquuqaha aasaasiga ah ee dadwaynaha Soomaaliyeed. 

Ra’iisulwasaaruhu wuxuu Shacabka Soomaliyeed uga baaqayaa in ay gacan ka gaystaan sidii ay caddaalad u heli lahayd Ikraam Tahliil Faarax.

Ugu danbayn, Ra’iisulwasaaruhu isaga oo ku hadlaya magaca Golaha wadatashiga Qaranka wuxuu shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka u xaqiijinayaa in la dardargalin doono arrimaha Doorashooyinka dalka oo si wanaagsan u socda, wuxuuna ku baaqayaa in loo midoobo sidii ay si nabadgalyo ah ugu dhammaan lahayd doorashadu isla markaana looga hor leexin lahaa wax kasta oo caqabad ku ah.

Labo sano jir Soomaali ah oo meydkeeda laga helay haro, gobolka Minnesota

0

Minnesota (Caasimada Online) – Ilkhlaas Cabdullaahi Axmed oo aheyd labo jir Soomaali ah, isla-markaana la weysanaa 18-kii saacadood ee la soo dhaafay ayaa ugu dambeyn meydkeeda laga helay haro biyo ah oo ku taalla magaalada Edina ee gobolka Minnesota.

Booliska Edina oo si weyn uga qeyb-qaatay raadinta Ikhlaas ayaa xaqiijiyey geerida gabadhaasi, waxaana Booliska uu sheegay in meykeeda laga helay agagaarka barxada lagu ciyaarsiiyo caruurta ee Rosland Park oo markii ugu dambeysay ay la joogtay qoyskeeda.

Sidoo kale taliyaha booliska ee magaalada Edin ayaa tacsi u diray ehellada gabadha yar, isaga oo tilmaamay inay la xanuunsanayaan.

“Anigoo ku hadlaya magaca magaalada Edina, waxaan rabaa inaan tacsi tiiraanyo leh u diro qoyska gabadhan yar, musiibadan xoogga leh waxay saameysay qalbiyadenna” ayuu yiri taliyaha booliska magaalada Edina Tod Melbourne.

Ilkhlaas Cabdullaahi Axmed oo labo sano jir aheyd ayaa sidoo kale la xanuunsaneyd cudurka Austism-ka, sida ay shaaciyeen xubno ka tirsan qoyskeeda.

Dhanka kale bulshada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Edina ayaa iskugu yimid kulan duco ah, si ay tacsiga iyo xanuunka ula wadaagaan ehellada gabadha yar.

Minnesota waa gobolka ugu waraha badan ee dalka Mareykanka waxaana sanadkan biyaha ku geeriyooday 26 qof, sida ay shaaciyeen waaxaha booliska ee magaalooyinka dalkaasi

Koox hubeysan oo weerar dhimasho leh ku qaaday guriga sarkaal ka tirsan hay’adda SAACID

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Koox hubeysan ayaa xalay abaare 9:00pm weerar khasaro geystay ku qaaday guri uu magaalada Muqdisho ka dagan yahay mid ka mid ah madaxa qeybta gargaarka ee hay’adda SAACID, Maxamed Cabdullaahi Diriye, sida ay xaqiijiyeen goobjoogeyaal.

Weerarka oo ay fuliyeen maleeshiyo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa lagu warramayaa inuu ka dhashay khasaare nafeed. 

Wararka ayaa sheegaya in laba bam oo nooca gacanta laga tuuro ah lagu dhuftay guriga kadibna la huwiyey rasaasta qoryaha daran dooriga u dhaca.

Weerarka lagu qaaday guriga Maxamed Cabdullaahi oo ku yaalla dagmada Madiina ama Wadajir ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku naf waayey wiil la dhashay sarkaalka la weeraray oo lagu magacabi jiray Keysane Cabdullaahi Diriye, Xaaska Keysane oo magaceeda lagu sheegay Fartun Cisman Axmed iyo gabar uu dhalay dhibanaha la weeraray gurigiisa oo magaceeda lagu sheegay Sumayo Maxamed Cabdullahi.

Ayaan Cabdiraxman Yuusuf oo ah xaaska sarkaalka la weeraray ayaa warbaahinta u sheegtay in saygeeda ay ururka Al-Shabab marar badan ugu hanjabeen inay dili doonan taasina ay tahay sababta kentay weerarkan.

Sida ay sheegtay Ayaan, Maxamed ayaa kadib markii uu helay hanjabaadda ka cararay gurigiisa, wuxuuna deganaa Hotel ku yaalla magaalada.

Si kastaba, habeenkii uu weerarka dhacayey ayuu soo boqoday canug yar oo uu dhalay oo xanuunsanaa oo uu la joogay illaa 20 daqiiqo kadibna ka tegay, wuxuuna weerarka dhacay waxyar un kadib markii uu guriga ka baxay, sida ay sheegtay xaaskiisa. 

Midowga Musharaxiinta oo jawaab deg deg ah ka bixiyey falalka uu ku kacay Farmaajo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa cambaareeyey falalka uu ku kacay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo, oo ay sheegeen inay yihiin kuwa baal-marsan dastuurka iyo sharciga dalka ud egsan.

Farmaajo ayaa wareegto uu soo saaray wuxuu la-taliyaha amniga qaranka u magacaabay agaasimihii hore eee NISA Fahad Yaasiin, kadib markii ra’iisul wasaare Rooble uu shaqo ka-joojin ku sameeyey.

Sidoo kale Farmaajo ayaa dikreetadiisii wuxuu Taliyaha hey’adda NISA si KMG ah ugu u magacaabay Taliyaha Nabad Sugidda gobolka Banaadir Yaasiin Farey, halka Agaasimaha guud ee madaxtooyada uu u magacaabay Cabdisaciid Muuse Cali.

“Goluhu wuxuu u arkaa go’aanadaas inay yihiin kuwa lagu carqaladeynayo dadaallada ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ee ku aaddan in baaritaan daah-furan iyo cadaalad la marsiiyo kiiska Ikraan Tahliil, sidoo kalena lagu xagal-daacinayo doorashooyin daah-furan, waqtigooduna ku dhaca,” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saareen Golaha Midowga Musharaxiinta.

Midowga Musharaxiinta ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed inay ogaadeen in go’aanada Farmaajo ay yihiin kuwo loogu talo-galay in lagu khalkhal galiyo xasilloonida iyo ammaanka aan cagaha badan ku taagneyn ee dalka.

“Goluhu wuxuu saraakiisha ciidanka ugu baaqayaa inaysan u hoggaansamin go’aanada madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday,” ayey yiraahdeen.

Sidee loo arkaa khilaafka hareeyey Villa Soomaaliya?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Khilaafka siyaasadeed ee ka taagan magaalada Muqdisho, gaar ahaan Villa Soomaaliya oo haatan sii xogeysanaya ayaa noqday hadal heynta ugu badan, waxaana dadka Soomaaliyeed ay u arkaan siyaabooyin kala duwan.

Guddoomiyaha ururada bulshada rayidka Cismaan Muxudiin Shaatax oo wareysi siiyey VOA ayaa shaaca ka qaaday in xiisadda siyaasadeed ee ka dhax-qaraxday ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ay ka qabaan wal-wal xoogan, maadaama ay kusoo aaday, xilli xasaasi ah oo uu dalka ku jiro marxalad adag iyo doorashooyin guud.

Shaatax ayaa sidoo kale wax laga xumaado ku tilmaamay khilaafka xoogan ee haatan soo kala dhex-galay madaxda ugu sarreysa ee dalka.

“Runtii khilaafyadan siyaasadeed ee hadda soo kordhay 48-kii saac ee ugu dambeeyey waa mid wal-wal badan nagu abuuraayo, iyada oo maanta dalka doorasho u diyaar garoobaayo  in hadane khilaaf horleh uu soo kala dhex-galo madaxdii dalka waa wax aad looga xumaado,” ayuu yiri guddoomiyaha bulshada rayidka Cismaan Muxudiin Shaatax.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii saaray in khilaafkan uu saameyn xoogan ku yeelan karo dadka saameeyey, isla-markaana uu wiiqi karo dhaqaalaha dalka.

“Waxaan kaloo aad wal-wal uga qabnaa saameynta uu ku yeelan karo dad badan oo Soomaaliyeed khilaafkan, maxaa yeelay khilaafyadii horey usoo taagnaa ee dib u dhaca ku ridday doorashada waxay saameyn badan ku yeesheen dhaqaalihii dalka” ayuu sii raaciyey.

Ugu dambeyn guddoomiyaha ururada bulshada rayidka ah ayaa ugu baaqay madaxda qaranka inay u turaan dadka iyo dalka, isla-markaana ay soo afjaraad khilaafkooda.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo uu cirka isku sii shareeray khilaafka u dhexeeyay Farmaajo iyo Rooble, kuwaas oo xalay soo saaray go’aanno kale oo liddi isku ah.

Qoraallada Farmaajo oo laga mamnuucay warbaahinta DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraalkii dikreetada ahaa ee xalay ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa laga mamnuucay warbaahinta Qaranka, kadib amar ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Sidoo kale weriyaasha warbaahinta Qaranka u qaabilsan Villa Somalia ayaa laga saaray seddaxda Page ee SNTV, Radio Muqdisho iyo SONNA.

Sida ay noo xaqiijiyeen ilo wareedyo ku dhaw dhaw xafiiskiisa Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa wasiirka warfaafinta faray in warbaahinta dowladda laga joojiyo wararka ka soo baxaya Villa Somalia, waxaana amarka bixiyey wasiirka warfaafinta Cusmaan Dubbe, oo fulinaya amarka ra’iisul Maxamed Xuseen Rooble.

Agaasimaha warfaafinta Villa Somalia ayaa sidoo kale laga saaray dhammaan wixii admin ah oo uu ku lahaa bogagga warbaahinta qaranka ee facebook iyo baraha kale ee bulshada.

Tallaabadan ayaa ka dhiggan in warbaahinta qaranka ay gacanta ugu jirto ra’iisul wasaare, xilli ay muuqato in dalka uu galay loolan awoodeed, oo u dhaxeeya isaga iyo Farmaajo, taasi oo sida muuqata ay qasab tahay in lagu kala adkaado.

Waxay sidoo kale muujineysa in sii xirmayaan albaabada Farmaajo, oo dhowr qof oo faro ku tiris ah kaliya ay ka taageersan yihiin dowladda.

Wararka ayaa sheegaya in wasiirka warfafainta Dubbe iyo ku-xigeenkiisa Cabdiraxmaan Al-Cadaala, iyo inta badan xubnaha golaha wasiirada ay taageersan yihiin ra’iisul wasaare Rooble.

Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa xalay la-taliyihiisa amiga qaranka u magacaabay Taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin, kaas oo Ra’iisul wasaare Rooble uu dhawaan xilka ka qaaday.

Sidoo kale Farmaajo ayaa dikreetadiisii Taliyaha hey’adda NISA si KMG ah ugu u magacaabay Taliyaha Nabad Sugidda gobolka Banaadir Yaasiin Farey, halka Agaasimaha guud ee madaxtooyada uu u magacaabay Cabdisaciid Muuse Cali.

Khilaafka Farmaajo iyo Rooble ayaa cirka isku sii shareeraya, waxaana sida muuqata uu Farmaajo xasaanad uu isku difaaco u raadinayaa Fahad Yaasiin oo loo heysto dilka iyo afduubkii Ikraan Tahliil, balse Farmaajo ayaa dadaalkiisa isugu geynaya in la baabi’iyo kiiskaas.

Kulan lagu dhex-dhaxaadinayey oo maanta ay isugu yimaadeen Farmaajo iyo Rooble ayaa fashil ku soo dhamaaday, kadib markii uu Rooble ku adkeystay in xil ka xayuubintii Fahad Yaasiin, magacaabidiisii taliyaha KMG ah ee NISA Bashiir Goobe iyo baaritaanka kiiska dilkii Ikraan Tahliil.

Farmaajo oo xilal cusub u magacaabay Fahad Yaasiin iyo xubno kale, shirna iclaamiyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa xil cusub u magacaabay Taliyihii xilka laga qaaday ee NISA Fahad Yaasiin, sidoo kale Farmaajo ayaa hey’adda NISA u magacaabay Taliye kale, halka madaxtooyadana uu u magacaabay Agaasime guud.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Farmaajo ayaa Fahad Yaasiin loogu magacaabay la-taliyaha Amniga Qaranka, kadib markii uu iska casilay xilkii hoggaanka NISA, sida lagu sheegay dikreetada Farmaajo.

18-ka bishan ayuu Madaxweyne Farmaajo shir isugu yeeray Guddiga Amniga Qaranka, si buu yiri looga hor jeediyo warbixinta laga dalbaday NISA.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedkan ka soo baxay Villa Somalia

Muqdisho, Sebteembar 7, 2021: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo mudnaan siinaya darda-gelinta, horumarinta iyo joogtaynta hawlaha baaxadda leh ee horyaalla hay’adaha amniga, waxa uu Xeer Madaxweyne ku soo saaray qodobadan:

  1. Madaxweynaha wuxuu aqbalay istiqaalada uu usoo gudbiyay Agaasimahaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (HNSQ) Mudane Fahad Yaasiin, isagoo ku bogaadiyay shaqadii wanaagsanayd ee uu ka qabtay dib u habeynta Hay’adda.
  1. Madaxweynaha Farmaajo ayaa u magacaabay Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud, oo haatan ah Taliyaha Nabad Sugidda ee Gobolka Banaadir, in uu si kumeel gaar ah u hoggaamiyo Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka inta laga soo magacaabayo taliye cusub oo ku yimaada hab waafaqsan sharciga iyo Dastuurka KMG ee dalka.
  1. Madaxweynaha ayaa u magacaabay Mudane Cabdisaciid Muuse Cali inuu noqdo Agaasimahga Guud ee Madaxtooyada Qaranka, waxa uuna ku ammaanay shaqada hufan ee uu kasoo qabtay taabbo-gelinta siyaasadda Amniga Qaranka.
  2. Madaxweynaha ayaa sidoo kale u magacaabay Mudane Fahad Yaasiin Xilka La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu isugu yeerayaa kulan ay yeelanayaan Guddiga Amniga Qaranka 18ka Sebteembar 2021, si Guddiga looga horjeediyo warbixinta laga dalbaday Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

DHAMMAAD

 

 

Xog: Laba digniin oo culus oo ka jirta magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) –  Waxaa 24-kii saac ee la soo dhaafay aad u xoogeystay digniinta ka soo baxeysa xafiisyada amni ee ay hay’adaha ajnabiga ah ku leeyihiin Muqdisho, gaar ahaan xarunta Xalane iyo sirdoonka Soomaaliya, taasoo ku aadan in saacadaha soo socda ay Muqdisho ka dhici kaaraan weeraro culus. 

Xogta ay bixiyeen khubarada amniga, oo ay heshay Caasimada Online, ayaa sheegeysa in weerarada qaraxyada ah eel aga cabsi qabo ee ka koobnaan; kara rag soo xirtay jaakadaha qarxa, gaadiid qaraxyo ah iyo qaraxyada gaadiidka lagu xiro ee badanaa lagu dilo wadaha gaariga. 

Sirdoonka Soomaaliya iyo kuwa ajnabiga ah ayaa sheegay in weerarada ay ka dhici karaan xarumo dowladeed, hoteelo, maqaayado iyo goobaha dadka isugu yimaadaan, sida garoomada kubadda cagta. 

Sidoo kale digniinta la soo saaray ayaa waxaa qeyb ka ah in Muqdisho ay soo galeen tobaneeyo dagaalame oo ah kuwa Al-Shabaab u qaabilsan dilalka toogashada ah ee madax-jebinta loo yaqaano. 

Kooxdaan ayaa la sheegay in badankood ay ku suganyihiin degmooyinka kor ka jira wadada 30-ka, waxayna ka fakirayaan sidii ay uga soo gudbi lahaayeen aagga xiran ee ka korreeya jidka Wadanaha maadaama ay wataan gaadiid isugu jira mootooyinka dhug dhugleyda iyo mooto Bajaajta, halka qaarkoodna ay gaadiid wataan sida ay xogtu sheegeyso. 

Shacabka magaalada Muqdisho ayaa qaba cabsi badan oo dhanka ammaanka ah, halka qaarkoodna ay u arkaan cabsi gelin iyo mowduuc lagu daminayo xiisada kiiska Ikraan Tahliil. 

Hay’adaha amniga ayaa xilligan aad u dayacan, ayada oo hay’adda Nabad-Sugidda ee NISA ay hareysay fadeexad ka dhalatay kiiska Ikraan Tahliil Faarax, taasi oo keentay in shaqo ka-joojin lagu sameeyey agaasimihii hay’adda Fahad Yaasiin.

Muxuu R/Wasaare Rooble ku sheegay khudbaddii uu maanta jeediyey? (Daawo)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo hadal ka jeediyey kulan is-cafis ah oo siyaasiyiinta reer waqooyi ee Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed ay kala hoggaaminayeen ay galabta ku qabsadeen Muqdisho ayaa u balan qaaday inuu ka hor istaagi doono cid kasta oo isku dayda inay ku sameyso boob doorasho.

Rooble ayaa sheegay inuu kulankaas u soo watay Taliyaha Booliska Jeneraal Xijaar oo sida uu sheegay uu kalsooni ku qabo, isagoo siyaasiyiinta reer waqooyi u balan qaaday inuu u soo diri ciidanka ay ku kalsoonyihiin, sida booliska dalka ama AMISOM, si looga hor tago boob doorasho.

“Waxaan diyaar u ahay inaan inka celiyo halaqa, dawacooyinka iyo dhurwaayada geesihiina taag-taagan, nidaamkiina raaca cid idin soo faro-geli karta ma jirto, anigana diyaar ayaan idiin ahay har iyo habeen,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

Ra’iisul wasaaraha ayaa muujiyey rajo ah in xaaladda uu hadda dalku ku sugan yahay laga gudbi doono, isla markaana aysan jirin cid loo xanibnaanayo.

“Waxaan u cadeynayaa shacabka mas’uuliyadda idinkaa noo dhiibtay idinkaan idiin shaqeynaa, qof kasta oo siyaasi ah oo dalkaan mustaqbal ka leh, waxaan u sheegayaa, inuu u hoggaansamo baahida shacabka, cid awooda si qaldan ugu takri fali karta ma jirto, horaa loo soconayaa, shacabku waa tashadeen, intaas la socda,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Rooble.

Waxa uu sheegay in shaqada ugu horeysa oo uu qabanayo ay tahay doorashada kuraasta Somaliland ee Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka, “Hadii ay daahdo idinkaa daahiyey hadii lagu dhaqsadana idinkaa dedejiyey ee soo diyaar garooba,” ayuu yiri.

Ra’iisul wasaare Rooble waxa uu kulankaas is-cafiska ahaa ka sheegay in habeeno badan uu u dhafray sidii uu u dhameyn lahaa khilaafkii siyaasiyiinta reer Somaliland.

“Walaalahey reer Somaliland waxaan idinkula dardaraamayaa, hadii dowladda soo socta ay dhalato fadlan ku dadaalla inaad habraac sameysataan oo mar dambe aan la idin soo faro gelin, xaq maaha in qolo kasta markii ay xukunka qabsato la idinku wareero, tashada oo bilaha ugu horeeya nidaam degsada, si afar sano kadib aad doorashada ugu gashaan,” ayuu yiri RW Rooble.

Hoos ka Daawo

Beesha caalamka oo war ka soo saartay kiiska Ikraan iyo khilaafka Farmaajo & Rooble

0

Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay Beesha Caalamka ayaa walaac looga muujiyey khilaafka Ra’iisul wasaare Rooble iyo Madaxweyne Farmaajo ee ka dhashay kiiska Ikraan Tahliil, waxayna madaxda ugu baaqeen inay xiisadda dejiyaan oo diiradda la saaro doorashooyinkii socday.

Qoraalkaan ayaa lagu amaanay hoggaaminta Ra’iisul Wasaare Rooble, waxayna beesha caalamku cadeysay inay taageereyso in baaritaan lagu kalsoonaan karo lagu sameeyo kiiska Ikraan Tahliil, sidoo kalena dib dhac dambe laga dhowro dhamaystirka doorashada dalka.

Hoos ka aqriso qoraalka beesha caalamka oo dhameystiran

Muqdisho, 7 Sebtembar 2021 – Saaxiibada Beesha Caalamku* waxay ka walaacsan yihiin in muranka ku gedaaman waayitaanka Marwo Ikraan Tahliil Faarax uu abuurayo xiisado siyaasadeed oo saamayn ku yeelan kara habsami u socodka shaqada Dowladda Federaalka Soomaaliya carqaladeyn karana hannaanka doorashada.

Waxaan ku boorineynaa madaxda Soomaalida inay dejiyaan iska horimaadka siyaasadeed ee ku gedaaman baaritaankan, gaar ahaanna ay ka fogaadaan fal kasta oo horseedi kara rabshado. Waxaan ugu baaqeynaa madaxda Soomaaliya inay ka wada shaqeeyaan sidii loo horumarin lahaa hirgelinta Heshiiskii 27-kii bishii Maajo ee ku aaddan qabsoomidda doorashooyinka, iyagoo garwaaqsan horumarka ilaa iyo hadda ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaranka oo hoos yimaada hoggaaminta wax ku oolka ah ee Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Waxaan sii wadaynaa xiriirka aan la yeelano madax Soomaaliyeed oo badan si aan ugu boorinno in si degdeg ah loo xalliyo khilaafkan, oo ay ku jirto baaritaan lagu kalsoonaan karo oo ku saabsan waayitaanka Ikraan iyo dhammaystirka geeddi socodka doorashada iyada oo aan dib u dhac kale dhicin.

* Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Kenya, Netherland, Norway, Poland, Qatar, Ruushka, Iswiidhan, Iswisarland, Boqortooyada Ingiriiska, Dowladda Maraykanka iyo Qaramada Midoobay.

Taalibaan oo ku dhowaaqday Gole Wasiiro + Magacyada

Kabul (Caasimada Online) – Taalibaan ayaa maanta u magacowday Mullah Mohammad Hassan Akhund, oo ay saaran tahay cunaqabateynta QM, inuu noqdo madaxa xukuumad ku-meel gaar ah oo ay dhistay.

Afhayeenka Taalibaan Zaibullah Mujahid, oo shir jara’aaid ku qabtay Kabul, ayaa sheegay in Abdul Ghani Baradar, oo wax ka aas-aasay Taalibaan, uu noqon doono ra’iisul wasaare ku-xigeenka.

Mullah Mohammed Yaqub, oo ah wiilka aas-aasihii Taalibaan Mullah Omar, ayaa loo magacaabay wasiirka gaashaandhigga, halka wasaaradda arrimaha gudaha madax looga dhigay Sirajuddin Haqqani, oo ah hoggaamiyaha shabakadda laga cabsado ee Haqqani.

“Golaha Wasiirada ma ahan mid dhameystiran waa ku-meel gaar,” ayuu yiri Zabihullah Mujahid.

“Waxaan dad kale uga soo dari doonnaa qeybaha kale ee dalka.”
Amir Khan Muttaqi, oo ahaa wada-xaajoodihii Taalibaan ee wada-hadalladii Doha, kuna jiray dowladdii hore ee Afghanistan, ayaa loo magacaabay wasiirka arrimaha dibedda.

Weli lama shaacin doorka uu dowladda ku yeelan doono Mullah Haibatullah Akhundzada, oo ah hoggaamiyaha Taalibaan, kaasi oo aan fagaare lagu arag tan iyo markii ay ciidamada shisheeye ka baxeen dalkaas.

Magacaabista shaqsiyaadkan caanka ah ee awoodda ku dhex leh kooxda, ayaa muujineysa in Taalibaan aysan wax tanaasul ah u sameeneyn shacab maanta dibad-bax ka dhigay Kabul, oo lagu kala eryey rasaas ay ciidamada Taalibaan kor u rideen.

Taalibaan ayaa shacabka Afghanistan iyo dalalka dibedda u xaqiijisay inay dhisi doonto dowlad loo dhan yahay, hase yeeshee magacaabista maanta ma muujin taas.

AFP, REUTERS, VOA

Video: Ugaaska Gaaljecel oo war cusub kasoo saaray kiiska Ikraan, fariin u diray Farmaajo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ugaad Cabdiraxmaan Ugaas Cabdullaahi Ugaas Maxamed ayaa taageero ballaaran u muujiyey Ra’iisul Wasaare Rooble, isagoona luuqad adag kula hadlay madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kadib markii ay soo baxday in uu rabo in la baabi’iyo kiiska Ikraan oo galaaftay Fahad Yaasiin.

Waxa uu sheegay in Farmaajo uusan hal maalin ka hadlin inta ay maqan tahay Gabadhooda Ikraan, islamarkaana uu diiday in uu qaabilo qoyska iyo ehelladeed oo uu qeyb ka yahay Ugaaska.

“Haddii xaqii dhinac ka dilaacay, Ilaahay ayaa dilaaciyey xaqa, maanta howshii oo meel fiican mareysa sida hore loo sheegay waxba maalin ka qaban (Farmaajo) uu hadda hor-istaago, waxaa leeyahay madaxweyne arrintaas kuguma haboona,” ayuu yiri

“Sida naloo sheegayo waxa uu madaxweynaha ka shaqeynaya in uu rabo in uu duugo dhibka ku dhacay gabadheena, warkaas si sir ah ayuu noo soo gaaray. Waxaa leenahay madaxweyne gabadha maqan waxay lamid tahay gabdhaha aad dashay, waxaa leenahay kiiskaas waxay sharaftaada ku jirtaa in cadaalada ka abaarto.”

Sidoo kale waxa uu madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ku dhaliilay in uusan mas’uuliyadiisa ku aadan kiiskaas uusan gudan, islamarkaana ay hadda u baahan yihiin in maxkamad la soo taago cidda ka dambeysay arrintaas.

“Ra’iisul wasaarihii wuu dadaalay in aad hor-istaagto kuguma haboona ee madaxweyne arrintaas ha sameyn, waxaa mar labaad u sheegaya Ra’iisul wasaaraha qodxo badan ayaa iman doona in uusan u istaagin oo anaga aan garab taaganahay cid walba oo damaceedu yahay in kiiskaas duugta uusan dhageysan oo sharaftiisa ka weyne.”

Ugu dambeyntiina waxa uu raali-gelin ka bixiyey dhalinyaro ku beel ah Ikraan oo falal afduub ah oo aargudasho ah ka sameysay magaalada Beledweyne, isagoona u mahad-celiyay dadkii ka qeyb qaatay sii deynta dadkaas.

Hoos ka daawo hadalka Ugaaska

Kulan VILLA SOMALIA uga socda Rooble iyo Farmaajo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa hadda wuxuu kulan uga socdaa xarunta madaxtooyada Villa Somalia.

Kulanka labada Mas’uul ayaa waxaa goobjoog ka ah dhammaan taliyeyaasha ciidamada oo uu ku jiro agaasimaha ku-meel gaarka ah ee Hay’adda NISA Bashiir Goobe, oo uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble.

Sidoo kale waxaa kulanka goobjoog ka ah guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlmaanka Soomaaliya Cabdiweli Muudey, iyadoo la filayo inuu kusoo biiro guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh.

Farmaajo iyo Rooble ayaa laga dhex wadaa waan-waan ku aadan sidii loo soo dhammeyn lahaa khilaafka ka dhashay shaqo ka joojintii lagu sameeyey agaasimihii hore ee Hay’ada NISA, Fahad Yaasiin.

Xogaha la helayo ayaa sheegaya in madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday uu kasoo dabcay mowqifkiisii hore, islamarkaana uu diyaar u ahay inuu aqbalo shaqo ka joojinta Fahad Yaasiin.

Qodobka ay hadda labada mas’uul isku hayaan ayaa ah in meesha laga saaro kiiska Ikraan Tahliil, islamarkaana la joojiyo amarkii uu Rooble ku bixiyey in maxkamadda ciidamada qalabka sida ay baaritaan deg-deg ah ku sameyso kiiskan.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ku adkeysanyo inaan la joojin karin kiiska Ikraan Tahliil, oo ah midkii keenay shaqo ka joojintii Fahad Yaasiin, lamana qiyaasi karo nooca go’aanka ay gaari karaan labada mas’uul.

Marka uu dhammaado kulanka labada mas’uul ayaa waxaa la filayaa in Rooble iyo taliyeyaasha ciidamada oo uu ku jiro agaasimaha cusub ee Hay’adda NISA ay tagaan xarunta Hay’adda si shaqada loogu wareejiyo agaasimaha cusub.

Wixii kusoo korha kulanka waxaad kala socon doontaan wararkeen dambe, Inshaa Allah.

Xog: Farmaajo oo shuruud yaab leh ku xiray aqbalaadda xil ka-qaadista Fahad Yaasiin

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shuruud adag oo yaab leh ku xiray aqbalaadda xil ka-qaadistii uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ku sameeyey agaasimihii Hay’adda Nabad-Sugidda, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Sida ay xogta ku heshay Caasimadda Online, Farmaajo ayaa aqbalaada xil ka-qaadista Fahad Yaasiin ku xiray in la baabi’iyo kiiska Ikraan Tahliil iyo baarista la amray inay sameyso maxkamadda ciidamada qalabka sida.

Farmaajo ayaa shuruudan usoo dhiibay xubno dhex-dhexaadin ka dhex waday isaga iyo Ra’iisul Wasaare Rooble, oo uu horkacayo guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Cabdweli Muudey, oo shalay la kulmay Ra’iisul Wasaaraha.

Waxa kale ooo lasoo sheegayaa in arrintaan uu si weyn uga horyimid Ra’iisul Wasaare Rooble, oo ballan-qaaday caddaalad u helidda kiiska Ikraan Tahliil oo lagu tuhunsan yahay hoggaankii NISA.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xubnaha dhex-dhexaadinta wado u sheegay inaysan suurtagal aheyn inuu ka leexo jidka uu cadaaladda ugu raadinayo Ikraan Tahliil Faarax kasoo sabab u ahaa xil ka qaadistii lagu sameeyey Fahad Yaasiin.

Sidoo kale, shuruudda uu madaxweyne Farmaajo soo bandhigay ayaa waxaa saxaafadda u xaqiijisay Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo sheegtay in Farmaajo dhigga Ikraan uu kala fiican yahay saaxiibkiis Fahad.

“Waxaan rabaa inaan umadda Soomaaliyeed u sheego in madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uusan ku ekaan waraaqdii uu soo saaray, wuxuu bilaabay inuu shuruud uga dhigo aqbalaalada xil ka qaadista Fahad Yaasiin in meesha laga saaro kiiska Ikraan Tahlil, ummadda Soomaaliyeed ha arkaan madaxweynihii afarta sano soo maamulayey sida uu sameenayo, Ikraan dhiigeeda waxaa kala fiican nin saaxiibkiis ah,” ayey tiri Xildhibaan Aamina.

Xildhibaan Aamin Maxamed ayaa Rooble uga digtay inuu aqbalo shuruudda Farmaajo, islamarkaana waxay ugu baaqday inuu sii wado caddaalad u raadinta Ikraan Tahliil oo ku maqan gacanta hey’adda NISA.

Farmaajo ayaa u muuqda hadda inuu kasoo dabcay go’aankii uu ku diiday xil ka qaadistii Fahad Yaasiin, waxaana muuqato inuu Farmaajo doonayo in ugu yaraan la damiyo kiiska Ikraan, taasi oo haddii ay dhacdo dhaawici karta Ra’ii sul Wasaare Rooble oo horey qoyska Ikraan iyo umadda Soomaaliyeed u ballan qaaday caddaalad u raadinta kiiskaan.

Halkaan hoose ka daawo hadalka Xildhibaan Aamina

 

Kenya oo saraakiil culus usoo dirtay Somaliland + Ujeedka

0

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa saraakiil culus oo ka shaqeynaya xafiiskeeda Somaliland u soo dirtay magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland.

Saraakiishan ayaa kala ah Benson Mwaliko oo ah madaxa xafiiska xiriirka, Charles K Waichari oo ah la -taliyaha Labaad iyo Grace Musau iyo Ronald Nyakweba oo ah Ku -xigeennada maamulka, sid ku cad warqad ay Kenya u soo dirtay labadii bishan Somaliland.

Arrintan ayaa qeyb ka ah is afgaradkii ay sanad ka hor gaareen labada dhinac oo ahaa  inay yeeshaan iskaashi dhinacyo kala duwan leh, si xoojiyo xiriirka Kenya & Somaliland.

Si kastaba madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, oo daba-yaaqadii sanadkii la soo dhaafay ku kulmay Nairobi ayaa waxay hoosta ka xariiqeen afar arrimood oo waqti cayiman lagu dhaqaaqayo, si loo muujiyo saameynta wadashaqeynta.

  • In Kenya ay qunsuliyad ka furato magaalada Hargeysa ilaa dhammaadka bisha March ee sanadka 2021-ka. Muddadaas gudaheedana Somaliland waxay sii horumarineysaa howlaha xafiiskeeda Nairobi.
  • In Shirkadda diyaaradaha ee Kenya Airways iyo shirkadaha nooceeda ah ee laga leeyahay Kenya ay billaabaan duullimaadyo toos isaga kala gooshada Nairobi iyo Hargeysa meeshii loo gaaro dabayaaqada bisha March ee 2021-ka.
  • In saraakiisha sar-sare, oo liiskooda lasoo gudbinayo, ay dal ku galka ku qaataan gudaha Kenya marka ay u soo safraan, taasoo la hirgalinayo ilaa dhammaadka bisha March ee 2021-ka.
  • In saraakiisha sar sare ee Kenya iyo Somaliland ay isku waafaqaan xogta iyo waqtiga la hirgalinayo barnaamijyo isweydaarsi ah oo lagu hormarrinayo Xirfadleyda beeraha, Ardayda, Dhakhaatiirta, kalkaaliyeyaasha iyo xirfadleyaasha kale.

Sawirro: Farmaajo oo maanta warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjireyaasha Midowga Yurub iyo Shiinaha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta munaasabad ka qabsoontay Madaxtooyada Qaranka uu kaga guddoomay waraaqaha aqoonsiga danjirenimo safiirrada cusub ee Midowga Yurub iyo dowladda Shiinaha, Tiina Intelmann iyo FEI Shengchao.

Qoraal kasoo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in danjiraha cusub ee Midowga Yurub Marwo Tiina Intelmann ay Madaxweynaha la wadaagtay dadaalka ay ku bixin doonto adkaynta xiriirka iyo wadashaqaynta ka dhexaya Soomaaliya iyo Midowga Yurub, iyada oo bogaadisay horumarka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku tallaabsatay ee dhinacyada amniga, dib-u-dhiska ciidammada, dhaqaalaha, deyn cafiska iyo kaabeyaasha dhaqaalaha.

“Madaxweyne Farmaajo iyo Danjire Intelmann ayaa ka wada hadlay xoojinta taageerada Midowga Yurub ay siiyaan Soomaaliya iyo sidii loo dardargelin lahaa wada shaqeynta labada dhinac, isaga oo u xaqiijiyey in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si buuxda ula shaqeyn doonto, una fududayn doonto gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo igmaday,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale danjiraha cusub ee dowladda Shiinaha, FEI Shengchao ayaa madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Madaxweynaha Dalkiisa Mudane Xi Jinping, isagoona ballan-qaaday in uu si buuxda uga shaqayn doono xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ku dhisan iskaashiga, dheef wadaagga iyo is-ixtiraamka qarannimo, isaga oo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran.

Ugu dambeyntiina madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa danjiraha cusub ee Shiinaha ugu hambalyeeyay xilka loo magacaabay, wuxuuna la wadaagay sida ay uga go’an tahay dowladda federaalka Soomaaliya xoojinta xiriirka saaxiibtinnimo ee ka dhexeeya labada dal iyo labada shacab ee Soomaaliya iyo Shiinaha.

Xiisada Farmaajo iyo Rooble: Rooble oo loo diray fariin culus

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha abwaanada Soomaaliyeed oo maanta shir jaraa’id u qabtay wariyeyaasha ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan xiisada ka taagan xarunta Villa Somalia ee ka dhalatay shaqo ka joojinta agaasimihii hay’adda nabad sugidda.

Ugu horreyn abwaanada Soomaaliyeed ayaa taageero u weyn u muujiyey ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble, waxaana ay shaaciyeen inay boggaadinayaan tallaabada uu qaaday ee shaqo ka fariisiinta Fahad Yaasiin Xaaji Dahiir.

Sidoo kale waxay intaasi ku dareen in lagu garab istaago dadaallada uu ra’iisul wasaaraha ugu jiro inay cadaalad hesho Ikraan Tahliil Faarax oo la sheegay inay dishay Al-Shabaab.

Abwaan Cismaan Cabdullaahi Guure oo ugu horreyn madasha ka hadlay ayaa farriin culus u diray ra’iisul wasaaraha iyo agaasimaha cusub ee hay’adda NISA, isaga oo ka dalbaday inay dib u habeyn ku sameeyey, sida ay haatan u shaqeyo hay’adda nabad-sugidda Soomaaliya.

“Waxaan ku talinayaa ra’iisul wasaaraha iyo taliyaha loo dhiibay hay’adda nabad sugida meesha waa lagu aasanyahee si fiican isaga sifeeya,” ayuu yiri Abwaan Guure.

Dhankiisa Abawaan Xirsi Nuux Maxamed oo shirka jaraa’id ka hadlay ayaa bulshada Soomaaliyeed iyo ciidamada ugu baaqay inay garab istaagaan ra’iisul wasaaraha dalka.

“Waxaan leenahay bulshada rayidka garab istaagga ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo haya tubtii nabadda, sidoo kale waxaan baaq kaas la mid ah u jeedineynaa dhammaan ciidamada qalabka sida, saraakiisha ammaanka waxaan ka codsaneynaa inaad ku dhiiradaan xaqa,” ayuu isna yiri abwaanka caanka ah ee Xirsi Nuux Maxamed.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo haatan uu cirka isku sii shareerayo khilaafka labada xafiis ee ugu sarreysa dalka, gaar ahaan ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxweynaha uu muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Daawo: Prof. Xasan Sheekh Cali oo jeex-jeexay warqaddii uu soo qoray FARMAAJO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Prof. Xasan Sheekh Cali Nuur ayaa wareysi uu siiyey taleefishinka Somali Cable, waxa uu ku jeex-jeexay warqaddii kasoo baxday Farmaajo, ee uu kaga horyimid shaqo ka-joojinta agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin.

Prof. Xasan ayaa sheegay in Farmaajo uusan haysan wax sharciyad ah, oo uu kaga horyimaado go’aanka Rooble, sababtoo ah buu yiri “ra’iisul wasaaraha wuxuu xilka ka qaadi kara wasiir, ee muxuu yahay agaasime,”

Waxa uu intaas ku daray in Rooble uu go’aanadiisa u cuskaday qodobo dastuuri ah, oo cad oo aanu mugdi ku jirin.

Prof. Xasan ayaa sidoo kale diida doodda Farmaajo ee ah inuu yahay taliyaha guud ee ciidamada qaranka, wuxuuna sheegay in xilka Fahad uusan aheyn taliye, ee uu yahay agaasime, sidaas darteedna aanu madaxweyne shaqo ku laheyn.

“Xitaa haddii uu ahaan lahaa xil taliye, Farmaajo waa madaxweyne hore, wuxuuna muddo xileedkiisa ku ekaa 7-dii Febraayo, sida ku cad dastuurka muddo xileedka madaxweynaha waa afar sano oo ka billaabata maalinta la dhaariyo,” ayuu yiri Porf. Xasan Sheekh Cali.

“Warqaddan uu soo qoray ra’iisul wasaaraha xil-gaarsiinta waa inay shaqeysaa, warqaddan uu soo qoray Maxamed Cabdullahi Farmaajo-na saas waayey, ku rid qashinka,” ayuu yiri Prof. Xasan Sheekh Cali oo kadibna jeex-jeexay warqaddii Farmaajo.

Hoos ka daawo wareysiga