25.1 C
Mogadishu
Wednesday, July 8, 2026

Xog: Farmaajo oo la kulmay agaasimaha cusub ee NISA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu xalay madaxtooyada kula kulmay agaasimaha ku-meel garaka ah ee NISA Bashiir Maxamed Jaamac “Bashiir Goobe.”

Illaa iyo hadda ma cadda waxa uu Farmaajo kala hadlay Bashiir Goobe, oo magacaabistiisa uu kaga horyimid warqad uu soo saaray subaxnimadii Isniinta, warqaddaas oo uu sidoo kale ku amray agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin inuu shaqadiisa sii wato.

Ilo-wareedyo ku dhow Villa Somalia ayaa sheegaya in la-kulanka Bashiir Goobe ay u muuqato inuu Farmaajo ku aqbalay magacaabistiisa, kana tanaasulay mowqifkii uu ku diiday shaqo ka-joojintii agaasimaha NISA Fahad Yaasiin.

Haddii ay sidaas tahay, way adag tahay in la fahmo waxa beddelay maskaxda Farmaajo wax ka yar 24 saac gudahood, hase yeeshee waxay u muuqan kartaa inuu garowsaday inaysan waxba gacanta ugu jirin, oo awoodda dalka uu si buuxda u haysto ra’iisul wasaare Rooble.

Rooble ayaa fiidnimadii Isniinta la kulmay taliyaha ku-meel gaarka ah ee NISA iyo dhammaan taliyayaasha ciidamada qalabka sida, taasi oo dad badan ay ku macneeyeen inuu haysto taageeradooda, fariin culusna u dirtay Farmaajo.

Haddii Farmaajo uu aqbalo xil ka-qaadista Fahad Yaasiin, waxay si rasmi ah u xaqiijin doontaa in talada dalka ay gacantiisa ka baxday, wixii hadda ka dambeeyana uu yahay madaxweyne sharafeed kursiga sii gaarsinaya madaxweynaha beddeli doona.

Go’aanka uu Farmaajo ku taageeray Fahad Yaasiin ayaa dhaliyey caro xooggan, sababtoo ah kiiska Fahad ma aheyn mid siyaasadeed, balse wuxuu la xiriiray dilka gabar yar oo dowladda lagu aaminay, taasi oo muuqaal xun ka bixisay Farmaajo.

Farmaajo ayaa afartii sano ee uu dalka maamulayey caan ku ahaa inaanu mar kasta ka fiirsan go’aanada uu qaadanayo, waxaana marar badan ku dhacday inuu ka laabto go’aano qaldan oo uu qaatay kadib markii ay meel mari waayeen, ayada oo ay ugu dambeysay isku daygiisii muddo kororsiga.

PUNTLAND oo war kasoo saartay tallaabadii uu qaaday Ra’iisul Wasaare ROOBLE

0

Garoowe (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Puntland ayaa taageero buuxa u muujisay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseeen Rooble oo shaqo ka-joojin ku sameeyey agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Qoraal xalay kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu yiri “Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay ku boggaadinaysaa Ra’iisul Wasaaraha XFS doorkiisa hoggaamineed ee Dalka, gaar ahaan waajibaadka amniga Qaranka, hirgelinta doorashada iyo hogaaminta Golaha Wadatashiga Qaranka.”

Dowladda Puntland ayaa sidoo kale boggaadisay, soona dhaweynaysay dadaalka Ra’iisul Wasaarahu ugu jiro sidii looga gun gaari lahaa xaaladda Kiiska Ikraan Tahliil iyo in qoyska Ikraan iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeedba ay helaan xaqooda Dastuuriga ah.

“Sidoo kale, Dowladda Puntland waxay soo dhaweynaysaa go’aanka Ra’iisul Wasaarahu shaqada kaga joojiyey Agaasimihii Hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliya, tillaabadaas oo ah mid waafaqsan Dastuurka Dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay madaxtooyada Puntland.

“Dowladda Puntland waxay ugu baaqaysaa dhammaan inta ay quseyso in la illaaliyo xasiloonida, midnimada iyo dowladnimada Soomaaliya, lana dhawro ku dhaqanka Dastuurka ku meel gaarka ah.”

Puntland ayaa noqoneysa maamulkii labaad ee taageera ra’iisul wasaare Rooble, ayada oo raacday maamulka Jubaland. 

Qoraal ay shalay soo saartay Jubaland ayaa lagu yiri “Dowladda Jubaland waxay bogaadineysaa doorka iyo go’aanka xilkasnimada iyo mas’uuliyadda ay ku dheehan tahay ee uu ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu ka qaatay maareynta iyo ka gun-gaaridda arrinka sarkaalad Ikraan Tahliil.”

“Sidoo kale, Dowlada Jubaland waxay soo dhoweeneysaa go’aamada ra’iisul wasaaraha uu shaqada kaga joojiyey Agaasimihii Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka, islamarkaana ku magacaabay agaasimaha ku-meel gaarka ah ee hay’addaas, Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac.”

Farmaajo oo gacantiisa ku abuurtay dagaal ka xaqnimo badan kii muddo-kororsiga

0

Farmaajo gacantiisa ayuu maanta ku abuurtay dagaal kale oo ka sii xaqnimo badan midkii muddo-kororsiga. Haddii ay shalay macnaha iyo culeyska ay leedahay sharcidarro xilka loo kordhisto ahayd mid ay siyaasiyiintu fahmi karaan in ka badan inta ay shacabku fahmi kareen, maanta waxa uu Rooble u taagan yahay mabda’ la wada taageersan yahay oo ah ilaalinta caddaaladda muwaaddinka, iyo socodsiinta doorashada Dalka oo labadaba uu taageero gudaha iyo dibadda ah ku haysto. 

Konton sano ka dib Farmaajo oo sakaraad ah haddii la yiraa “war waa dhiman rabtaa ee ashahaado”, wuxuu leeyahay “waxaan farayaa Fahad Yaasiin inuu shaqadiisa sii wato”. Dhulka haddii la rogo oo ummaddu wada dhimatona Farmaajo wuxuu soo saari lahaa warqad uu leeyahay “Fahad Yaasiin xilkiisa ha sii wato”.

Ninkaan waddanka waxa uu u yimid laba ujeeddo; (1). in uu kursi ku fadhiisto kana kicin inta cimrigiisa ka dhiman, (2). Iyo in Fahad Yaasiin uu agtiisa taagnaado. Maanta labadaas ujeeddaba waqtiga ayaa ka carqaladeeyay mana suurtoobi karaan. Asna waa macangag aanan runta hadal ku maqlin illaa xabbad lagu rido maahee. 

Sidii aan horeba u aaminsanaa, Raysalwasaare Rooble waxaa la gudboon in uu ku faro-adeygo fursaddaan xag Allah uga timid oo uu dadkiisa iyo dalkiisa ku badbaadinayo. Inta wax garadka ahna waxaa la gudboon inay si buuxda u garabistaagaan Rooble iyo halgankiisa uu ku raadinayo xuquuqda Ikraam kuna badbaadinayo sharcigii ay afar sano ku soo tumanayeen maangaabyada talada Dalka ku soo qaldamay.

Soomaaliya doorasho kama dhici doonto illaa la quusiyo damaca xukun-jacaylka indhaha la’ ee Farmaajo, loona xaqiijiyo in uusan Dalku isaga afduub ugu jirin.

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Khilaafka FARMAAJO iyo Rooble ma saameyn karaa hanaanka doorashooyinka?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa haatan yeelatay weji cusub, kadib markii ay xiisad  horleh ka dhex-qaraxday hoggaanka sare ee Villa Soomaaliya, kaas oo ka dhashay shaqo joojintii lagu sameeyey agaasimihii NISA.

Dadka falan-qeeyna arrimaha siyaasadda iyo aqoonyahanada ayaa haatan ka digayA sii socoshada khilaafka soo kala dhex-galay ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha uu muddo xilkeedkiisu dhaMmaaday, maadaamo lagu jiro xilli kala guur ah iyo marxlad doorasho.

Haddaba khilaafka Farmaajo iyo Rooble ma saamayn karaa hannaanka doorashooyinka?

Aqoonyahan Maxamed Cabdi Cumar oo ah bare Jaamacadeed oo u warramay BBC-da ayaa shaaca ka qaaday in loo baahan-yahay in si deg deg ah xal looga gaaro ismari-waaga ka dhashay shaqo ka fariisiinta Fahad Yaasiin, sababo la xiriira kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

Maxamed Cabdi ayaa sidoo kale xusay, haddii aanan si degdeg ah lagu soo afjarin khilaafkan cusub uu waxyeeleyn doono hannaanka doorashooyinka billowday ee dalka.

“Arrintan hadda soo cusboonaatay doorashada waxay ku leedahay saameyn baaxad leh , sababta ay saameynta ugu yeelaneyso waxaa ka mid ah in waqtigii la gelin lahaa doorashada iyo qaabkii horay loogu socon lahaa waqtigaas in la gelin doono is jiid-jiid kale iyo dagaal kale oo aanu ku saleysneyn doorashada,” ayuu yiri aqoonyahan Maxamed Cabdi

Sidoo kale wuxuu intaasi raaciyey “Markasta oo is qabsashada sii fogaato waxaa dib u dhacaya doorashada, ficlana waa wax iska muuqdo, haddii aan hadda si dhaqso ah loo xallin,”.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo xiisada ka qaraxday Villa Soomaaliya ay gaartay meeshii ugu sarreysay, waxaana si aad ah isha loogu hayaa halka uu ku dambeyn khilaafkan cusub.

Si kastaba doorashooyinka dalka ayaa marar badan dib u dhacay, waxaana is jiid-jiidkan uu haatan kusoo aadayaa, iyada oo lasoo saaray jadwalka doorashada ee Golaha Shacabka.

Maxbuuskii uu sii daayay Jeneral Caydiid oo xil Aqalka Senate-ka ah u tartamaya

Michael J. Duran waxa uu ahaa duuliye katirsan ciidanka cirka ee Mareykanka, hadda waa Qoraa, waxa uu howlgeb ka noqday ciidamada Cirka ee USA, waa Duuliyihii duulinayey diyaaraddii Nuuca qummaatiga u kaca ahayd ee ku soo dhacday Magaalada Muqdisho intii uu socday dagaalkii u dhexeeyey General Maxamed Faarax Caydiid iyo ciidanka Huwanta ahaa ee Mareykanku horkaceyey ee ka qaybgalay dagaalkii Axad 3-October-1993 ku dhexmaray Muqdisho ciidankaas iyo taageerayaashii Genaral Caydiid.

Duran waxa uu hadda u tartamayaa kursiga Senator -ka laga soo dooranayo gobolka Alabama ee Mareykanka, sanadka 2022-ka.

Durant wuxuu u ahaa duuliye hawlgalada gaarka ah (special operations pilot for the 160th Special Operations Aviation Regiment (SOAR)  laga bilaabo 1988 illaa 2001. Wuxuu shaqada ciidamadanimada howlgeb ka noqday isaga oo haysta darajadda afaraad ee milatariga Mareykanka.

Magaciisa wuxuu si weyn caan u noqdey kaddib dhacdadii “Black Hawk Down” ay ka dhacday xaafadda Tokiyo ee magaalada Muqdisho, dhacdadaasi waxa ay kamid tahay sheekooyinka dagaal ee ugu xiisaha badan taariikhda casriga ah ee Mareykanka

Intii uu socday hawlgalkii Dagaalkii Muqdisho, Durant ayaa kamid ahaa askartii Ameerikaanka ee u gacan-galay ciidankii AUN, Gen Maxamed Faarax Caydiid kuwaasoo kalkii dambe isaga oo nool sii daayey.

Markii la sii daayay, Durant oo maxbuus ahaa muddo 11 maalmood ah wuxuu sii waday gudashadda waajibaadkiisa qaranka illaa aakhiritaankii uu ka fariistey shaqadda ciidanimadda.

Sannadkii 2006, Durant wuxuu qoray buugga “Shirkadda Geesiyaasha: Sheekada Shakhsiyeed ee Ka Dambeysa Black Hawk Down,” kaasoo bixiyey tafaasiil fahfaahsan oo ku saabsan dhacdooyinka dhacay.

Durant waa madaxweynaha iyo maamulaha Injineerinka hawada sare iyo shirkadda horumarinta wax soo saarka Pinnacle Solutions, Inc, oo ah shirkad ganacsi yaryar leh oo xarunteedu tahay Huntsville.

Shirkadda ayaa sidoo kale maamusha goobo dayax-gacmeed oo ku yaal Kentucky iyo California. Pinnacle si lamid ah waxay shuraako la tahay warshado, Waaxda Difaaca Mareykanka iyo NASA.

Durant oo siyaasi firfircoon ah ayaa xubin ka ah guddiyada agaasimayaasha ee ururka ay ku mideysan yihiin ciidamada howlgalada gaarka Mareykanka iyo askartii shaqadda ka fariisatay.

Sidoo kale wuxuu doorarkii hoggaamineed ka cayaarey ololihii doorashada madaxwayne George Bush ee 2004 iyo sidoo kale ololihii madaxweynenimada 2008 ee Seneator John McCain.

Markii wax laga weydiiyay musharraxnimadiisa ku aaddan Senate -ka Mareykanka, Durant wuxuu u sheegay YN inuu si lama filaan ah u qaadan doono go’aan ku saleysan “waxa ay ku jirto danta gobolkayga.”

Xigasho: Mustaqbal Media

Amsterdam: Maxaa kusoo kordhay khilaafkii guddiga masjidka Quba ee Soomalida?

0

Amsterdam (Caasimada Online) – Khilaaf in muddo ah soo jiitamayay una dhexeeya guddi Soomaali ah oo maamula masjidul Quba, oo ah masjid Soomaalidu maamusho oo ku yaal Magaalada Amsterdam ayaa weli xal laga gaari la’ yahay.

Khilaafkani wuxuu bannaanka u soo baxay markii iimaamkii masjid Quba Shiikh Suldaan uu ka saaray KVK-ga C/risaaq oo guddiga ka tirsan, taas oo sababtay in xubno kale oo guddiga ka mid ah, kana caraysan tillaabada Shiikhu qaadayay in iyagana Shiikh Suldaan ka saaraan KVK-ga, waxaanna khilaafku lugaha la soo galay marxalad cusub, iyada oo maalin ba maalinta ka dambaysa la soo warinayay in xaaladu ka sii darayso.

Kaddib, maxaa dhacay?

Inkastoo howlihii masjidku si caadi ah u socdaan, xubnaha guddiga ee uu khilaafku ka dhexeeyo-na ay qolo kastaahi howsheeda si caadi ah u gudaneyso, haddana waxaa muuqda walaac ay qabaan qaar ka mid ah dadka bixiya qidmada masjidka lagu caawiyo iyo kuwa ku jira qaybta caymiska oo ay doonaya su’aalo badan oo ay qabaan in jawaabo u helaan.

Khilaafku wuxuu u dhexeeyaa iimaamka masjidka Shiikh Suldaan oo dhinac ah & 6 xubnood oo ka tirsan guddiga & maamulka masjidka oo dhinaca kale ah, waxaanna ku soo baxay guddi ka mid ah waxgaradka Soomaalida, iyada oo 2da dhinac ay u madax dhiibteen.

Tillaabooyinkan guddigani qaaday waxaa ka mid ahaa; in 2da dhinac ee uu khilaafku u dhexeeyay ka saxiixeen in wixii guddigoodu soo go’aamiyo ay qaadanayaan, taas oo ay aqbaleen, hasse ahaatee ilamaa haatan guddigaasi wuu ka soo raagay in bulshada Soomaaliyeed uu la wadaago natiijada baaritaanadii ay sameeyeen iyo wixii kaga soo baxay.

Xubnaha guddiga oo intooda badan ka yimid magaalooyinka Eindhoven iyo Tilburg waxaa tiradooda lagu sheegay ku dhowaad 10 xubnood, hadda waxaa la leeyahay waxaa ku soo haray 4 xubnood, waxaanna jira xubno guddiga isaga baxay markii ay ula muuqatay in rajada in xal la gaaraa ay fog tahay.

“Waxay aheyd ragga culimida ah ee maamulka masjidka haya haddii khilaaf yimid inta aanu bannaanka u soo bixin in ay is xaliyaan, ma dhicin, khilaafkii bannaanka ayuu yimid, waa in ay ogaadaan in habsami u socoshada howlaha masjidka iyaga ka muhiimsan yahay, waxaana ay ku qasban yihiin in ay shacabka la wadaagaan waxa la isku haysto, qof kastana la dhageysto, qofkii ama kooxdii qaldanna howsha laga wareejiyo, culimadii shalay ay bulshadu u soo gurmatay oo hooyooyinku ay dahabkooda u gadeen si masjidka loogu dhiso, dhalinyaradu ay hiil iyo hoo isla garab taageen in la yiraa iyagii baa is haysta waxay ceeb iyo weji gabax ku tahay sumcadooda” Ayuu yiri Xassan Cumar Kaahiye oo ka mid ah jaaliyada Soomaalida ee ku dhaqan Amsterdam.

Muxuu yahay shirka Sebtida la iclaamiyay?

Guddi kale oo fadhigiisu yahay Amsterdam ayaa horay khilaafka ugu soo baxay, lana kulmay labada dhinac, iyaga oo ka dalbaday in ay dhexdhexaadiyaan, maadaama ay yihiin waxgarad Soomaaliyeed oo daggan magaaladu masjidku ku yaal iyo agagaarkeeda, waxaanna dalabkaasi soo dhoweeyey Shiikh Suldaan, halka garabkii kale ay ku gacan sayreen, waxayna doodoodu noqotay: “Howsha dhexdhexaadinta hadda waxaa ku jira guddi kale, aan ka war sugno”.

Iyada oo xaaladu ay sidaa tahay guddigii laga dhursugayay na uu waqti dheer qaatay, khilaafkii na uu weli halkiisii joogo, ayaa shalay laga war helay guddigii Amsterdam fadhigiisu ahaa oo Soomaalida waxgaradkeeda ku casuumay in ay kulan isugu yimaadaan maalinta Sebtida ee bishu ku beegan tahay 11, waxaanna kulanka lagu wadaa in looga hadlo khilaafka u dhexeeya guddiga maamul masjidka, iyada oo kulanka lagu wado inuu ka soo qeybgalo Shiikh Suldaan oo ka mid ah labada daraf ee uu khilaafku ka dhexeeyo.

Shirkan cusub waxaa ka biyo-diday garab ka mid ah guddiga, waxaanna suurtagal ah in Shiikh Suldaan la wadaago dadka Soomaalida ee madasha ka soo qeybgeli doono waxa la isku haysto & dhumucda khilaafka.

Si kastaba, masaajidkan ayaa kaalin muhiim ah kaga jira fidinta diinta, barashada & wacyigelinta mushtamaca Soomaalida ee dalkan ku dhaqan, waxaanna masaajidka adeegyada ugu muhiimsan ee uu Soomaalidu u hayo ka mid ah aaska meytida & in ay u fududeeyaan ehelada dadkoodu ay dalkan ku xijaabtaan, ee doonaya in dalkeenii lagu aaso.

W/Q: Cabdishakuur Cilmi Xasan 

DF Soomaaliya war kasoo saartay dagaalka ka socda duleedka BELEDWEYNE

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya, Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa war kasoo saaray dagaal beeleedka ka socda deegaanka Kabxanley ee duleedka magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Afrax ayaa marka hore baaq nabadeed u diray maleeshiyaadka labada beelood ee ku diriraya halkaasi, wuxuuna ka dalbaday inay shuruud la’aan ku joojiyaan xabadda.

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa sidoo kale qeybaha kala duwan ee bulshada ugu baaqay inay u istaagaan joojinta dhiiga dadka walaalaha ah ee ku daadanaya halkaasi.

“Wasiirka wasaaradda wuxuu ka dalbanayaa duubabka, odayaasha dhaqan, culimaaudiinka, ganacsatada, aqoonyahanada, dhalinuarada. ururada haweenka iyo guud ahaan waxgaradka deegaanka inay u kacaan joojinta dhiigga dadka walaalaha ah ee ku daadanaya deegaanka Kabxanley, kaas oo noqoday mid soo noq-noqday,” ayuu yiri wasiirku.

Sidoo kale wasiir Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa shaaca ka qaaday in wasaaradda arrimaha gudaha ay diyaar u tahay inay dhigto gogol dib u heshiisiin ah, si loo soo afjaro xiisadaasi.

“Wasaaraddu waxay diyaar u tahay fidinta gogosha heshiisiinta walaalaha wada dega deegaanadaasi,” ayuu sii raaciyey.

Dagaalka ka socda Kabxanley oo ah mid culus ayaa waxaa ku dhintay illaa 5 ruux, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan, waxaana weli xaaladdu ay tahay mid kacsan.

Si kastaba waxaa haatan socda dadaallo nabadeed oo ay wadaan mas’uuliyiinta iyo waxgaradka deegaanka, si loo qaboojiyo xiisadda ka taagan duleedka Beledweyne.

Al-Shabaab oo weerar culus ku qaaday saldhigga Af-urur

0

Boosaaso (Casimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay weerar loo adeegsaday hoobiyeyaal oo dagaalyahanada Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhig ciidmada Puntland ee ku yaalla deegaanka Af-Urur ee gobolka Bari.

Ilo deegaanka ah ayaa inoo sheegay in madaafiicda qaar ay ku hoobteen gudaha xerada, halka kuwa kalena ay ku dhaceen hareeraha saldhigga la beegsaday.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamada ammaanka Puntland ay iyaguna ku jawaabeen madaafiic, kadib weerarka hoobiyeyaasha ah ee lagu soo qaaday.

Dhinaca kale qoraal ka soo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkan uu geystay khasaare dhimasho, dhaawac iyo burbur gaaray gaadiidka iyo xerada.

Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca saraakiisha Puntland oo ku aadan weerarkaasi iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Xaaladda ayaa maanta degan, waxaana lagu soo warramayaa in ciidamada Puntland ay howl-gallo iyo dhaqaaqyo ka sameeyeen nawaaxiga deegaanka Af-Urur ee gobolka Bari.

Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada saldhigyada ciidamada Puntland oo ku yaalla dhulka buuraleyda ee maamulkaasi.

Odayaasha beelaha HAWIYE oo soo saaray DIGNIIN ku socota Farmaajo (Daawo)

0

Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo maanta hadalka jeediyey kulan ay ka yeesheen xaaladda dalka ayaa si adag uga hadlay isku dayga uu Farmaajo ku doonayo inuu xilka hoggaanka NISA sii hayo Fahad Yaasiin, isagoo fariin u diray madaxda dowlad goboleedyada.

Guddoomiyaha ayaa ugu horeyn cambaareeyey warqadii uu madaxweyne Farmaajo ka soo daba saaray go’aankii uu Ra’iisul wasaare Rooble xilka uga qaaday Taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin, isagoo sheegay in hadii aan laga hor tegin fidnada ka soo socota go’aannadaas is diidan ay wax badan halaabi doonaan.

“Ma aqbaleyno qaabka uu Farmaajo ku doonayo in loo baabi’iyo kiiska Ikraan Tahliil, waxaan digniin u jeedineynaa madaxweynihii hore Farmaajo, warqadii uu soo saarana waan cambaareyneynaa, waxayna ficilladiisu keeni karaan fidno weyn, horumarka iyo doorashada la hiigsanaayo ayeyna caqabad ku tahay,” ayuu yiri Nabadoon Xaad.

Dhanka kale Nabadoon Xaad ayaa sheegay in odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye ay soo dhaweynayaan tallaabadii Ra’iisul wasaare Rooble, “Go’aankii uu qaatay si uu qaranka u badbaadiyo waan soo dhaweyneynaa, waxaana leeyahay Rooblow cudur jiray waayahaan oo dowladnimada ragaadiyey ayaad go’aan sax ah ka qaadatay,” ayuu yiri.

Sidoo kale Nabadoonka ayaa ugu baaqay dowlad goboleedyada inay taageeraan oo garab istaagaan go’aanka ra’iisul wasaaraha, siyaasiyiinta iyo shacabka ayuu sidoo kale ka dalbaday inay ra’iisul wasaaraha taageeraan.

Ugu dambeyntii Guddoomiyaha odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye Nabadoon Xaad ugu baaqay beesha caalamka inay la shaqeeyaan ra’iisul wasaaraha iyo xukuumadiisa, maadaama uu Farmaajo kolhore wareejiyey mas’uuliyadda amniga iyo doorashada dalka.

Hoos ka daawo muuqaalka Xaad

Muxuu Cabdalla Cabdalla ka yiri isku dayga Farmaajo ee shaqo kusoo celinta Fahad?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii ay soo baxeen waraaqaha is-khilaafsan ee ay soo saareen xafiisyada Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee ku aadan shaqo joojinta iyo ku celinta Fahad Yaasiin, ayaa waxaa ka dhashay su’aalo badan ku gadaaman awooda Farmaajo.

Taliye ku-xigeenkii hore ee hay’adda NISA, Jeneraal Cabdalla Cabdalla ayaa sheegay in Farmaajo uusan xaq u laheyn in uu shaqada kusoo celiyo Fahad Yaasiin, maadama uu ka dhawaajiyey in awood fulin ama maamul uusan laheyn.

Sidoo kale waxa uu sheegay in madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Farmaajo uu magac sharafeed keliya u sito “Taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida,” oo aysan aheyn taliyo-nimo xaqiiq ah.

“Shaqo joojin waa hab anshax marin ah si KMG laguna fuliyo mas’uul shaqadii uu hayay ku dhex sameeyay fal keeni kara anshax marin ama baaris fal-dambeiyeed laga shakiyey inuu dhacay, waxaana xaq u leh madaxda sare ee haysa shaqo maamul, sida; Taliye ciidan ayaa sameyn kara, DG Wasaarad, Wasiir, Ra’iisul Wasaare, laakiin madaxweyne JFS xataa marka uusan waqtiga ka dhamaan malaha awoodaas maxaa yeelay malaha awood fulin ama maamul,” ayuu yiri.

“Macnaha inuu yahay Taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida waa sharafeed ee maaha taliyanimo xaqiiq ah. Madaxweynaha amaaha taliye ciidan, awoodaha madaxweynaha waqtigiisa 4 sano ah haysta waxaa caddeynaya Dastuurka KMG ah.”

Jeneraal Cabdalla ayaa waxa uu ugu dambeyntii usoo jeediyay Farmaajo iyo Fahad inaysan isku sii fogeyn midida oo ay sharciga u hogaansamaan baarista xeer ilaalinta ka war-sugaan, sida uu hadalka u dhigay.

Shacab caawa dibad-bax ka dhigayey Muqdisho oo awood ciidan la isku hortaagay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka, gaar ahaan booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa caawa kala eryay dad isugu soo baxay isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo dhigaayey banaanbax ay ku taageerayaan xilka qaadistii uu Ra’iisul wasaare Rooble ku sameeyey Taliyihii NISA Fahad Yaasiin.

Banaanbaxaan oo galabta aad la isugu balansaday baraha bulshada ayaa caawa 7:00 pm fiidnimo ka bilaawday isgoyska Banaadir, balse ciidamada Haramcad oo durba goobta gaaray ayaa rasaas ku kala ceyriyey dadkii isku soo baxay.

Sidoo kale ciidamada ayaa xabsiga u taxaabay qaar ka mid ah dhalinyaradii isugu soo baxday banaanbaxaas, sida ay noo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah, ciidamada ayaa hareeraha wadada Maka al-Mukarama dhigtay gaadiidka dagaalka, iyagoo si dhow ula socda dhaqdhaqaaqa dadweynaha.

Qaar ka mid dhalinyarada la kala ceyriyey oo aan la hadalnay ayaa noo sheegay inay banaanbaxaas ku taageerayeen go’aankii Ra’iisul wasaaraha, isla markaana ay ku dalbanayeen in Ikraan Tahliil Faarax ay cadaalad hesho.

Waa markii labaad oo ciidamada ammaanka ay dhiciseeyeen banaanbax ay dhalinyarada Muqdisho ku dalbanayeen in Ikraan Tahliil oo lagu tuhmayo gacanta NISA ay cadaalad hesho, waxaana maalin ka hor sidaan oo kale ay ciidamadu u kala ceyriyeen dhalinyaro isugu soo baxday isgoyska KM-4, kuwaas oo qaarkood jirdil loo geystay.

Qaali Maxamuud Guhaad oo ah Hooyada dhashay gabadha lagu waayey nolol iyo geeri ee Ikraan Tahliil ayaa maanta mar ay warbaahinta la hadashay waxay aad ugu mahad celisay dhalinyaradii isugu soo baxday si ay cadaalad ugu dalbaan walaashood Ikraan.

Sawirro: Rooble oo la kulmay dhammaan taliyayaasha ciidamada qalabka sida

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan kale la yeeshay taliyeyaasha Ciidamada Qalabka sida ee dalka oo uu kala hadlay xoojinta amniga dalka, ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta, amniga doorashooyinka iyo dardargelinta howlgallada dagaallanka argagixisada.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka ee BFS Mudane Cabdiweli Ibraahim Sheekh Muuddey.

Goor sii horeysay Rooble ayaa la kulmay Taliyaha KMG ah Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Bashiir Maxamed Jaamac, oo uu xalay ku beddelay Fahad Yaasiin.

Kulanka oo ka dhacay xafiiska Rooble ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Hoggaanka Maxkamadda Ciidammada Qalabka sida iyo Taliyeyaasha Nabad sugidda iyo Booliska Gobolka Banaadir, Yaasiin Farey iyo Farxaan Qaroole.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Rooble, Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray Xeer Ilaalinta iyo maxkamadda Ciidammada Qalabka sida in ay baaritaan rasmi ah oo deg deg ah ku sameeyaan kiiska Ikraan Tahaliil Faarax, oo lagu tuhmayo hay’adda NISA.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale faray Agaasimaha cusub ee hay’adda NISA iyo taliyeyaasha nabad sugidda iyo booliska gobolka Banaadir in ay maxkamadda gacan buuxda ku siiyaan gudashada waajibkeeda, maadaama ay horay u jireen caqabado ay ka cawdeen guddigii horay loogu saaray kiiska Ikraan.

Kulamadaan ayaa imanaya saacado kadib markii uu Rooble shaqo ka-joojin ku sameeyey agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasin, taasi oo uu ka horyimid madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Fahad Yaasiin Xaaji Daahir. 

Kulankan ayaa muujinaya in Rooble uu si buuxdo u haysto taageerada taliyayaasha ciidamada ee saameynta leh, taasi oo meesha ka saareysa isku dayga madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday uu rabo inuu xilka ugu sii hayo Fahad Yaasiin. 

Cabdikariin Xuseen Guuleed oo FARMAAJO u sheegay inuu hal mid garwaaqsado

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Galmudug, Cabdikariin Xuseen Guuleed oo hadda kamid ah musharixiinta u taagan xilka Madaxweynimo ee Soomaaliya ayaa si adag uga hadlay jahwareerka siyaasadeed ee ka dhashay shaqo joojintii Fahad Yaasiin.

Cabdikariin Guuleed ayaa sheegay in marnaba aysan noqon karin mas’uuliyada dalka mid dayacan, islamarkaana ay tahay in xiliga kala guurka loo hoggaansamo isbedallada uu sameynayo Rooble.

“Xilliga lagu jiro oo xasaasi ah awgeed, masuuliyadda dalku ma noqon karto mid dayacan, cid walba daraf ku dhagantahay iyo sharciyad habawsan. Waxaa ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu qaatay masuuliyadda guud iyo maareynta xilliga kala guurka ah waana in lagula shaqeeya oo loo hoggaansamaa isbadallada uu sameeyay,” ayuu ku yiri Cabdikariin Guuleed qoraal uu ku baahiyey bartiisa Facebook.

“Farmaajo waa madaxweyne xiligiisu dhamaaday oo aan wax awood sharciyeed laheyn, waana inuu taas garwaaqsadaa. Dalku ma xamili karo qalalaase cusub.”

Sidoo kale waxa uu hoosta ka xariiqay in marnaba aan la iska indho-tirin caddaalad u raadinta Ikraan Tahliil iyo qoyskeeda, laguna garab siiyo arrintaasi Ra’iisul Wasaaraha.

Dalku ma xamili karo qalalaase cusub. Waa inaan dhammaanteen masuuliyad iska saarnaa hirgelinta doorasho hufan oo aan daahin si loo badbaadiyo miraha Dowladnimada, sidoo kale waa inaan la iska indho-tiran caddaalad u raadinta Ikran Tahliil iyo qoyskeeda oo aan arrintaas ku garabsiinaa ra’iisul wasaaraha.

Cabdikariin ayaa dalbaday in xiligan xasaasiga ah mas’uuliyad weyn la iska saaro hirgelinta doorasho hufan oo an daahin, si buu yiri loo bad-baadiyo miraha dowladnimo.

“Waxaan ku baaqaya in laga foggaadaa dib u dhac cusub iyo in loo turo nidaamka Dowliga ah ee dalka, oo aan dhamaanteen wehel ka dhiganaa tanaasulka.”

Xiisada cusub ee ka dhalatay shaqo joojinta Fahad Yaasiin iyo shaqo ku soo celintiisa oo kasoo kala baxay xafiisyada Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ayaa horseed u noqon kara dib u dhac cusub oo ku yimaada hanaanka doorashooyinka dalka.

Daawo: Hooyada Ikraan Tahliil oo si qiiro leh uga hadashay dagaalka Farmaajo iyo Rooble

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaali Maxamuud Guhaad oo ah hooyada dhashay Ikraan Tahliil Faarax oo lagu la’yahay gacanta Hay’adda NISA ayaa ka hadashay xil ka qaadistii lagu sameeyey Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Hooyo Qaali ayaa ugu horeyn Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uga mahadcelisay go’aankii uu xilka kaga qaaday Fahad Yaasiin oo ay ku tilmaamtay inuu yahay go’aan cadaalad loogu raadinayo gabadheeda Ikraan.

“Waxaan Ra’iisul Wasaare Rooble uga mahad celinayaa go’aankii geesinimada lahaa ee uu qaatay, taasoo aheyd wax uu horey uga ballan qaaday shacabka Soomaaliyeed, waxaana ka codsanayaa inuu horey usii wado cadaalad u raadinta Ikraan Tahliil,” ayey tiri hooyo Qaali oo shir jaraa’id ku qabatay Muqdisho.

Dhinaca kale, Hooyo Qaali ayaa madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uga digtay inuu hor istaago cadaaladda loo raadinayo gabadheeda.

“Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaan uga digayaa inuu hor istaago cadaaladda loo raadinayo gabadheed oo uusan fiirin saaxiibtinimada kala dhaxeyso Fahad Yaasiin oo uu fiiriyo cadaaladda ay gabadheeda u baahan tahay,” ayey tiri mar kale.

Hooyo Qaali ayaa Farmaajo u sheegtay inay u joogaan gabdho iyo wiilal, islamarkaana waxay si naxariis leh ugu baaqday inuusan nabsi ka gelin oo uu la dareemo xanuunka ay Maanta dareemeyso.

Ugu dambeyntii Hooyo Qaali ayaa u mahadcelisay dhallinyaradii shalay Muqdisho ka dhigay banaanbaxii cadaaladda loogu raadinayey gabadheeda Ikraan Tahliil Faarah kuwaas oo ay ciidamo boolis jir dil u geysteen.

Halkaan hoose ka daawo shirka jaraa’id ee hooyo Qaali

Maxaa ka jira in ciidamo ay qabsadeen xarunta wasaarada warfaafinta ee Muqdisho?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa saacadihii u dambeeyay baraha bulshada si weyn ugu faafay warar sheegaya in ciidamo dheeraad ah oo koofiyad casta ah la dul-dhigay dhismaha xarunta wasaaradda warfaafinta, kadib xiisada ka dhalatay shaqo joojinta lagu sameeyay Fahad Yaasiin.

Il-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay inaysan jirin ciidan qabsaday xarunta wasaaradda warfaafinta, xaaladduna ay caadi tahay.

Sidoo kale, madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxba kama jiraan ku sheegtay in ciidamo dheeraad ah la geeyay dhismaha wasaaradda warfaafinta, si loola wareego warbaahinta dowladda ee ka howl-gasha xaruntaas.

Arrintaan ayaa imaneysa xilli uu markale khilaaf ka dhex qarxay ra’iisul wasaare Rooble iyo madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday, kadib markii uu Rooble shaqada ka joojiyey Fahad Yaasiin, halka uu Farmaajo amray in uu shaqadiisa sii wato.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa si ku-meel gaar ah xilkaas ugu magacaabay taliyihii hore ee ciidamada asluubta Soomaaliya Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac “Bashiir Goobe”. Bashiir Goobe ayaa sidoo kale ahaa taliyaha NISA, intii u dhaxeysay 2013 illaa 2014, xilligii madaxweyne Xasan Sheekh.

Rooble ayaa sidoo kale Fahad ku amray inuu muddo saddex maalmood gudahood ah, oo ka billaabata marka uu warqadda saxiixo Rooble, uu xilka ugu wareejiyo Bashiir Goobe, wuxuuna sheegay in uu shaqo ka-joojinta Fahad u adeegsaday qodobka 13-aad ee dastuurka oo ka hadlaya xaqa nolosha, taas oo loo fasiran karo inuu ku eedeynayo dilka Ikraan Tahliil Faarax.

Farmaajo ayaa go’aanka ka soo baxay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ku tilmaamay mid baal marsan xeerarka oo aan waafaqsanayn Dastuurka dalka.

“Waxaa la farayaa Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir in uu sii wado hoggaaminta Hay’dda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, si waafaqsan Dastuurka iyo Wareegtadii Madaxweynahu uu ku magacaabay,” ayaa lagu yiri qoraalka Farmaajo.

Xisbiga Xasan Sheekh oo si cajiib ah uga hadlay xil ka-qaadista Fahad Yaasiin

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo war-murtiyeed soo saaray ayaa halmbalyo u diray taliyaha kumeel gaara ah ee Hey’adda NISA Sarreeye Guud Bashiir Maxamuud Jaamac, isagoo u rajeeyey inuu guul ka gaaro mas’uuliyadda culus loo idmaday.

Warqadda kasoo baxday xisbiga UPD ayaa lagu sheegay in Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu yahay qofka mas’uulka ka ah dhammaan hey’adaha fulinta dalka.

“Ra’iisul Wasaaraha waxa uu mas’uul ka yahay dhammaan hay’adaha fulinta dalka oo ay ku jiraan kuwa ammaanka, jiritaanka hay’ado ammaan oo aan ka amar qaadanna waxa ay albaabka u fureysaa xasillooni darro iyo sameysanka kooxo hubeysan oo aan sharci ahayn, isla markaana dalka u horseeda burbur,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xisbiga.

Xisbiga UPD ayaa ugu baaqay dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada inay Ra’isulwasaare Rooble ku garab siiyaan dadaallada uu caddaaladda ugu raadinayo Ikraan Tahliil Faarax oo lagu la’yahay gacanta Hey’adda NISA.

Sidoo kale, Xisbiga ayaa ugu baaqay madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inuu ka waantoobo carqadaladeynta dadaallada Ra’iisul Wasaare Rooble.

“Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday waa in uu ka waantoobaa carqaladeynta dadaallada Ra’iisul Wasaaraha, maadaama uu baarlamaanka iyo ummadda Soomaaliyeed hortooda ugu wareejiyay mas’uuliyadda dalka, kadib markii uu muddo xileedkiisu dhamaaday,” ayuu mar kale yiri qoraalka.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa shaqo joojin ku sameeyay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir Agaasimihii NISA, Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kahor yimid tallaabadaas.

Maxay ku kala duwan yihiin go’aanada ay kala qaateen FARMAAJO iyo ROOBLE?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xiisadda u dhexeysa xoggaanka Villa Soomalaiya ayaa haatan ka sii dareysa, waxaana ay ka dhalatay, kadib markii uu Rooble shaqo joojin ku sameeyey agaasimihii hay’adda NISA, kadibna uu ka horyimid madaxweyne Farmaajo.

Siyaasiga mucaaradka ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo si aad ah uu taxliiliyey go’aannadan ayaa shaaciyey inay labada dhinac ku kala duwan inuu mid u hiiliyey cadaaladda, halka midka kalena uu hor istaagayo cadaaladdii, sida uu hadalka u dhigay.

“Go’aanada Rooble iyo Farmaajo waxay ku kala duwan yihiin, midna caddaaladda ayuu u hiiliyey, xuquuqda muwaadinka buu ilaaliyey, damiirkiisana waa u nadiif, halka kan kale uu caddaaladdii hor istaagay, xuquuqdii muwaadinka ku tuntay, damiir gubanaya saaxiibkiis ku difaacay,” ayuu yiri hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in go’aanka kasoo baxay madaxweynaha muddo xilkeedkiisu dhammaaday uu u muuqdo mid uu ku taageerayo Fahad Yaasiin, isla-markaana laga leeyahay dano siyaasadeed oo gaar ah.

“Waa laba midkood; in uu Fahad la ogaa afduubka iyo dilka Ikraan, ama uu ka arradanyahay damiir masuuliyadeed, damqasho waalidnimo iyo dan qaran,” ayuu raaciyey.

Gabagabadii hoggaamiyaha xisbiga Wadajir ayaa xusayn in arrintan ay tahay mid guud, isla-markaana labada go’aaan midka taageero bato uu geli doono diiwaanka taariikhda.

“Siyaasiyiinta, ciidanka, bulshada Rayadka ah, madaxda dowlad goboleedyada iyo shacabkaba labada go’aan kii ay taageeraan ayaa taariikhda loogu diiwaan gelinayaa,”

Si kastana siyaasiiyinta mucaaradka ayaa taageero weyn u muujiyey ra’iisul wasaaraha, iyaga oo taageeray tallaabadii uu shaqada uga joojiyey agaasimihii hay’adda NISA

Wararkii ugu dmabeeyey ee xaaladda dhalinyaradii loo afduubtay kiiska IKRAAN

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka deegaanka ayaa ku guuleystay inay dib xorriyaddooda u helaan dhalinyaradii dhowaan lagu afduubtay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, sababo la xiriira kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

Dadaallada lagu soo daayey dhalinyaradan oo saddex ahaa, isla-markaana ay gacanta ku dhigeen maleeshiyaad ku heyb ah Ikraan Tahliil ayaa waxaa ka qeyb-qaatay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan iyo kan degmada Beledweyne ee maamulka HirShabelle.

Sidoo kale arrintan waxay ku timid wada-hadallo dhex-maray odayaasha iyo waxgaradka labada beelood, si loo qaboojiyo xiisadda ka dhalatay ‘dilka’ Ikraan Tahliil Faarax.

Dhinaca kale siyaasiga caanka ah ee Faarax Sheekh Cabduqaadir ayaa soo dhoweeyey dadaallada guuleystay ee lagu soo daayey dhalinyaradaasi, wuxuuna u mahad-celiyey odayaasha dhaqanka, aqoonyahanada iyo sidoo kale mas’uuliyiinta deegaanka.

“Waxaan bogaadinayaa in uu miro dhalay, dadaalkii iyo howsha hagar la’aanta ahayd ee ay qabteen odayaasha dhaqanka, mas’uuliinta iyo aqoonyahannada labada beelood ee walaalaha ah, oo saaka ku guulaystay in ay xorriyadoodii u soo celiyeen seddexdii dhallinyarada ahayd ee lagu haystay degamada Baladweyne, iyaga oo bad qaba” ayuu yiri.

Waxa kale oo uu intaasi kusii daray “Waxaan si gaar ah ugu mahad celinayaa odayaasha dhaqanka, masuuliinta iyo qoyska ay ka dhalatay Ikraan Tahliil Faarax oo muujiyay dadaal dheeraad ah,”.

Ugu dambeyn Faarax Sheekh Cabduqaadir ayaa ku baaqay in la wada ilaaliyo wanaaga iyo darisnimada, lana adkeeyo nabad-geylada deegaanka.

“Waxaan mar kale ugu baaqayaa in walaalaha wada deggan deegaanka ay ilaashadaan daris wanaagga iyo xiriirka soojireenka ah ee ka wada dhaxeeyo, lana adkeeyo nabadgelyada iyo wadajirka bulshada wada daggan Degmada Baladweyne, ayuu raaciyey.

Si kastab arrintan ayaa ku soo aadeyso, xilli ay haatan soo shaac-baxday xiisad ka dhalatay kiiska Ikraan, taas oo sababtay in shaqada laga joojiyo agaasimihii NISA.

Jubaland oo war culus kasoo saartay xiisadda culus ee ka dhex-qaraxday Villa Somalia

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada dowlad goboleedka Jubbaland ayaa lagu caddeeyey mowqifkooda ku aadan khilaafka ka dhashay shaqo joojinta lagu sameeyey agaasimihii hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka.

Jubbaland ayaa ugu horreyn soo dhoweysay go’aanka uu Rooble ka qaatay maareynta kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo la sheegay inay dileen dagaalyahanada Al-Shabaab.

Sidoo kale Jubbaland ayaa ra’iisul wasaaraha ku boggaadisay shaqo joojinta uu ku sameeyey Faahad Yaasiin, kaas oo khilaaf ka dhex-dhaliyey Villa Soomaaliya.

“Jubaland waxay ku qanacsan tahay tallaabooyinka uu qaadey Ra’iisul Wasaaruhu ee kaga jawaabay codsiyadii isdaba jooga ahaa ee ka imanayay qoyska, qaraabada iyo shacab weynaha Soomaaliyeed ee lagu dalbanayey sidii ay cadaalad ku heli lahayed sarkaalad ikraan Tahliil,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay madaxtooyada maamulka Jubbaland.

Warsaxaafadeedka ay soo saartay Jubbaland ayaa sidoo kale lagu sheegay in haatan amniga doorashooyinka iyo qorshayaasha amniga dalka uu mas’uul ka yahay Rooble.

Dhinaca kale Jubbaland ayaa madaxweynaha ku eedeysay inay qaranimada ay kala weyn tahay saaxibtinimada iyo danaha gaarka ah, sida ay hadalka u dhigtay.

“Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu si buuxda ugu bidhaamiyay umadda Soomaaliyeed & Dunidaba in shakhsi uu ka weyn yahay Qaranka Soomaaliyeed, dulmiga & cadaalad darrada garab buuxa u yahay” ayaa markale lagu yiri qoraalka.

Ugu dambeyn qoraalka ka soo baxay Jubbaland ayaa loogu baaqay hay’adaha amiga iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed inay raacaan awaamiirta uu soo saaray Rooble.

Jubbaland Waa maamulkii ugu horreeyey ee war kasoo saaray xiisadda siyaasadeed ee ka qaraxyday Villa Soomaaliya, taas oo ka dhalatay shaqo joojintii agaasimihii NISA.

ROOBLE awood sharci ma u leeyahay shaqo joojinta agaasimaha hay’adda NISA?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xiisadda haatan ka taagan Villa Soomaaliya ayaa cirka isku sii shareertay, kadib qoraallo liddi isku ah oo ka soo kala baxay xafiisyada ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha, kuwaas oo la xiriira kiiska lagu heysto hay’adda NISA ee Ikraan Tahliil Faarax.

Ra’iisul wasaare Rooble oo qaaday tallaabada hore ayaa shaqo joojin ku sameeyey agaasimihii hay’adda NISA, isaga oo mid kale oo KMG ah magacaabay, waxaase ka horyimid madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday, waxba kama jiraana ku tilmaamay.

Haddabada Rooble awood sharci ma u leeyahay shaqo joojinta agaasimaha NISA?

Ciise Dhoolo-Waa oo ah aqoonyahan ku xeel-dheer shuruucda sirdoonka, dastuurka iyo amniga, isla-markaana u waramay VOA ayaa ka hadlay sharciyan qodobada ay isku hayaan ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha oo markale fooda is daray, xilli lagu jiro kala guur.

Aqoonyahankan ayaa shaaca ka qaaday in ra’iisul wasaaraha uu sharci iyo xaqba u leeyahay inuu shaqada ka joojiyo agaasimaha NISA ama xittaa uu ka qaado, isaga oo tilmaamay in madaxweynaha uu isna xaq yeelanayo oo kaliya markii golaha wasiirad ay go’aan ku gaaraan in taliye la magacaabo ama taliye laga qaado, sida uu hadalka u dhigay.

“Marka aad fiiriso sharciga ama dastuurka ra’iisul wasaasaraha Soomaaliya sharci iyo xaq labadaba isagaa u leh inuu shaqada ka joojiyo xittaa inuu shaqada ka qaado. Madaxweynaha kaliya waxaa laga rabaa hal wax markii golaha wasiirada oo uu ugu sarreeyo Prime Minister-ku ay go’aan ku gaaraan in taliye la magacaabo ama taliye laga qaado buu madaxweynuhu yeelanayaa xaqa ah in isagu uu yahay qofka sameynaayo Operation-ka ama magacaabid ha noqoto ama ha noqoto ka qaadidi,” ayuu yiri Mr. Ciise.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku sii daray “Golaha xukuumadda ayaa leh , waxaana ugu sarreeyo Prime Minister-kam sidaas darteedna Prime Minister-ka ayey ka imaaneysaa oo soo ogolaanayo in taliye hebel laga dhigo taliyaha Xoogga dalka Soomaaliyeed ama ciidanka Booliska oo kale. Marka sidaas darteed waxaan anigu qabaa sharcigana uu qabaa in wax walba ka bilaabmaan oo xitaa ay ku dhammaadaan xukuumadda,”.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, xilli xasaasi ah, isla-markaana ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha ay isku qabteen shaqo joojinta uu Rooble ku sameeyey agaasimaha NISA Fahad Yaasiin oo uu horey ugu qabtay in 48 saac uu ku cadeeyo dilka Ikraan Tahliil Faarax.